Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Riyadh (Caasimada Online) – Falanqeeyayaasha taageersan Dowladda Sacuudi Carabiya ee ku sugan dalkaas ayaa bilaabay cambaareyn ay u jeedinayaan doorka ay Imaaraadka Carabta ee dagaalkii Yeman, taasi oo ka turjumeysa inay sii kordheyso xiisadda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee u dhaxeysa labada dowladood ee xulafada ah. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa isku dayeysa inay xakameyso loolanka awoodeed ee Koonfurta Yemen ee u dhaxeeya dowladda la aqoonsan yahay oo ay taageerto Riyadh iyo kooxda ugu weyn ee dowladda kasoo horjeeda oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, taasoo sababi karta inuu sii socdo dagaalka uu sacuudiga halganka ugu jiro inuu ka baxo. “Haddii Imaaraadka aysan gacan ka geysan hirgelinta heshiiskii Riyadh ee la xiriiray xiisadda koonfurta Yemen, oo ay sii waddo carqaladeynta, waxaan u maleynayaa in xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka uu kusii socon doono xaaladda halista ah oo uu hadda ku jiro,” ayuu yiri qoraaga siyaasadeed Suleiman Al-Oqeliy, oo inta badan ka turjuma mowqifka rasmiga ah ee Sacuudiga kadib qoraal uu soo dhigay Twitter-ka. “Boqortooyada, dawladda iyo dadku uma oggolaan doonaan cidna inay farageliso amniga Yemen oo ay wax u dhinto. Dulqaadkeedu waa weyn yahay laakiin wuxuu leeyahay xad,” ayuu Twitter-ka ku qoray Abdullah Al-Hatayla, oo ah ku-xigeenka tifaftiraha wargayska Sacuudiga ee Okaz. Mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo Imaaraadku si dhakhso ah ugama jawaabin codsigii Wakaaladda Wararka ee Reuters ee ahaa inay ka hadlaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso labadaan dowladood ee xulafada ah. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xubin ka ah isbaheysiga Milatari ee uu hoggaamiyo Riyadh ee faragalinta ku sameeyay Yemen sanadii 2015 kana soo horjeeday Xuutiyiinta Iran la safan ee dowlada ka saaray caasimadda Sanca. Abu Dhabi waxay soo afjartay joogitaankeeda militari ee dalka Yemen sanadkii 2019, iyadoo ku wareejisay Riyadh dagaal qarash badan ku baxay oo aan la jecleysan, laakiin waxay sii wadaa inay awood ku yeelato dagaalyahanada Yemen iyadoo tababar iyo hub isugu dartay kooxaha kasoo horjeedo dowladda la aqoonsan yahay. Kooxaha ay maalgelisay Imaaraadka waxaa kamid ah xoogagga Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta, sidoo kale xubno ka tirsan isbahaysiga, kuwaas oo laba jeer qabsaday dekedda koonfureed ee Cadan, xarunta ku-meel-gaarka ah ee dawladda Sacuudiga taageerto, taas oo keentay in Riyadh ay bilowdo heshiis awood-qaybsi ah oo aan weli dhicin in si buuxda loo hirgelio. Dhaleeceynta ay soo jeediyeen dadka wax faaleeya ayaa imaaneysa kadib khilaaf u dhaxeeya Riyadh iyo Abu Dhabi kaas oo carqaladeeyay dejinta siyaasada shidaalka ee ururka OPEC+, oo ah koox ay ku jiraan OPEC iyo xulafadooda. OPEC + waxay xaqiijisay heshiis si kor loogu qaado wax soo saarka saliida markii ay dib isugu soo laabatay Axadii . Si kastaba ha ahaatee falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tartanka dhaqaalaha ee sii kordhaya uu dhigayo kala duwanaansho qaawan oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka iyada oo boqortooyada ay u dhaqaaqeyso inay ka hortagto awooda ganacsi iyo midda dalxiis ee Imaaraadka Carabta. The post Xiisadda iyo khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga oo kasii dartay appeared first on Caasimada Online.
  2. CAFIS MADAXWEYNE: 19/07/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-697/072021, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/208/2021, kuna taariikhaysan 17/07/2021; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/192/2021, kuna taariikhaysan 17/07/2021; Markaan Tixgaliyey: Munaasibaadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka 2021, kuna beegan 1442; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 279 (Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Cafiskan waxa fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
  3. Jabhadda hubaysan ee gobolka Tigray (Ethiopia) ayaa fuliyey holwgallo ka dhan ah ciidamo taageersan dowladda oo ku sugan gobolka deriska ah ee Cafarta. Af-hayeenka jabhadda Getachew Reda ayaa AFP u sheegay in howlhgalka oo ahaa mid kooban, lala beegsaday ciidamo si gaar ah u tababaran iyo maleeshiyo kasoo jeeda gobolka Oromada oo isku urursanayey xuduuda Tigray iyo Cafarta. Afhayeen u hadlay gobolka Cafarta kama jawaabin codsi la doonayey inuu arrintan uga hadlo. Arrintan ayaa imaneysa iyada oo dhowr ka mid ah maamullada dalka Ethiopia ay sheegeen inay ku biirayaan dagaalka, si ay gacan u siiyaan ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Jabhadda TPLF oo weerar ka fulisay gobol ka baxsan Tigray appeared first on Puntland Post.
  4. Markab laga leeyahay dalka Turkiga, oo ku guda jiray waajibaadkiisa kormeerka meel ka baxsan biyaha xeebaha Liibiya, ayaa soo badbaadiyey 80 tahriibeyaal ah sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiggu Axaddii. Markabkan ayaa ku dhaqaaqay markii uu helay macluumaadka muhaajiriinta iyadoo Diyaarad helicopter ah oo saaran markabka “TCG Gediz” ay durbadiiba bilowday dadaallo indha indheyn ah, Liibiya ayaa ah barta ay ka baxaan inta badan tahriibayaasha ka sii gudbaya badda halista ah ee badda Mediterranean. Turkiga ayaa goor sii horeysay ka codsaday bulshada caalamka inay xal u helaan xididaada tahriibka isla markaana ay la wadaagaan culeyka si siman kadib markii 43 qof la waayey markii doon ay la socdeen 127 tahriibeyaal ah ay ku degtay badda Mediterranean. PUNTLAND POST The post Turkiga oo badbaadiyey Tahriibayaal appeared first on Puntland Post.
  5. TV-ga Dawladda Ethiopia ayaa haadda shaaciyay in la dhamaystiray buuxintii labaad ee biyo xidheenka webiga niil. Wejiga labaad ee biya xireenka ayeey dowladdu sheegtay in uu sii socon doono . Dawladaha masar iyo sudaan oo horey uga biyo diidana buuxinta labaad ee biyo xireenka ayaanan ilaa hadda war ka soosaarin arinkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib uga noqday fasax maanta la siiyey shaqaalaha ka howl-gala xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ku aadanaa munaasabadda Ciidul Adxaa oo maalinta beri ah ku beegan. Qoraal wargelin ah oo kasoo baxay xafiiska waaxda shaqada iyo shaqaalaha ayaa lagu sheegay in la-laalay fasaxii la siiyey shaqaalaha, kadib amar ka yimid duqa Muqdisho. Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay keentay ka noqoshada fasaxan baahi shaqo oo ka jirta xarunta gobolka Banaadir, loona baahan yahay in loo adeego bulshada. “Iyadoo la fulinayo go’aanka duqa magaalada ahna guddoomiyaha gobolka baahi shaqo awgeed waxa laga noqday fasaxi shaqaalaha maanta kaliya, sidaas darteed madaxda shaqaalaha xukunta waxa laydinku wargelinayaa in aad si degdeg ugu yeertaan shaqaalaha goobaha shaqadana saacad gudeheed la bilaabo shaqooyinkii,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa amarkan lagu sheegay in safaxa shaqaalaha ee Ciidul Adxaa uu bilaabanayo maalinta Talaadada oo berri ah, illaa Khamiista. “Fasaxa berri ayuu ka bilaabanayaa, waana illaa Khamiis insha Allaah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah, munaasabadda Ciida aawgeed. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay fasax yihiin seddex maalmood oo ka bilaabaneysa maalinta Talaadada oo noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, illaa Khamiista soo socota. Sidoo kale wasaaradda ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda Ciidul Adxaa. Halkan hoose ka aqriso: The post Maamulka gobolka Banaadir oo ka laabtay fasax maanta la siiyey shaqaalaha + sababta appeared first on Caasimada Online.
  7. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsi ku yaalla Gabilay maanta ka siidaysay 35 Hablood oo dhawaan laga soo xidhay Boorama. Hablahan ayaa la sheegay in ay qaateen Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya. Source
  8. Dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Faderaalka oo is garabsanaya iyo Alshabaab ayaa hadda ka socda deegaanka Qeycad oo udhaxeeya Bacaadweyn iyo Shabeelow. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ciidankan oo markii hore ka soo ruqaansaday Bacaadweyn uu ujeedkoodu yahay deegaanka Camaara oo ka tirsan Gobolka Mudug. Ciidamadan ayaana waxa hogaaminaya Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Galmudug Axmed fiqi iyo Senatorka aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah Gen. Abdi Qeybdiid. Dhanka waxa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo deegaanka Qod-Qod oo u dhaxeeya Camaara iyo Xinlabi oo ay shalay ilaa xalay ay dagaalo qaraar ku dhaxmareen ciidamo uu hogaaminayo Jen. Saadaq joon iyo Alshabaab. Maamulka Galmudug ayaa wada guluf laba geesood ah oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan degaanka camaara ee koofurta Mudug oo gacanta ugu jira Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Xasan Shire Abgaal oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa markale digniin culus u diray ganacsatada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Wasiirka ayaa shaaciyey inay waajib ku tahay ganacsatada inay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee laga rabo, wuxuuna digniin u diray shaqsiyaadka ka dhega adeegaya. Xasan Shir Abgaal ayaa sidoo kale tilmaamay inay mas’uuliyad darro weyn tahay inay ganacsatadu bixin waayaan lagacaha canshuuraha oo wax loogu qabanayo bulshada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan wixii ka dambeeya ay ka maamul ahaan tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo diida bixinta canshuurta Puntland. “Waa ceeb in dad wax ku soo bartay canshuur dalka in maanta hantidooda ay ka bixin waayaaan canshuurta lagu leeyahay, waa qasab in qofka diida arrintaan tallaabo laga qaado” ayuu yiri wasiirka Mmaliyadda dowlad goboleedka Puntland Xasan Shire Abgaal. Ugu dambeyn wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in bixinta canshuurta ay muhiim u tahay bulshada qeybaheeda iyo maamulka, isla-markaana wax looga qabanayo arrimaha amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale dhismaha wadooyinka intaba. Puntland ayaa marar kala duwan soo saartay digniino ku socda ganacsatada, gaar ahaan kuwa aan bixin lacagaha canshuuraha ee lagu leeyahay, waxaana maamulka uu shaaca ka qaaday inay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah oo wax looga qabanayo dadkaasi. The post Puntland oo markale digniin culus u dirtay ganacsatada appeared first on Caasimada Online.
  10. (SLT-Hargeysa)-Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee u dhaq-dhaqaaqa Xaquuqul Insaanka oo caalamka daafihiisa ku kala sugan ayaa la sheegay in telefonadooda la basaasay iyadoo la adeegsanayo Software iyo Barnaamijo ay soo saareen shirkadaha laga leeyahay Israa’iil. Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan wadamo kala duwan oo caalamka ah. Software-ka Pegasus ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan ka iibisa dowlado kala duwan oo caalamka ah. Baadhitaankan lagu helay xogtan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Jaraa’idka ugu waaweyn caalamka oo ku jiraan Washington Post, the Guardian, Le Monde iyo shirkadaha warbaahinta caalamka. Source
  11. (SLT-Doxa)-Kulamadii magaalada Doxa, Qatar uga socday kooxda Talibanka iyo Dowlada Afghanistan ayaa wax guulo ah laga gaadhi waayey kadib markii ay labada dhinac isku mari waayeen qodobo muhiim ah. Warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in qodobka kaliya oo ay isku afgarteen ay tahay in wadahadalka lasii wado! Talibanka ayaa ku eedeeyey dhinaca wafdiga ka socda dowlada Afghanistan inay diideen in laga wadahadlo qodobo iyaga muhiim u ahaa oo ay kamid ahayd Dastuurka dalka Afghanistan qaadanayo iyo waliba siideynta Maxabiista laga heysto kooxda Talibanka. Dowlada Afghanistan ayaa dhankeeda dooneysay in lagu dhawaaqo xabad joojin deg deg ah arrintaasi oo ay ka cago jiidayaan kooxda Talibanka oo iyagu dhawaan awood ciidan kula wareegay in badan oo kamid ah goballada dalkaasi. Source
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa si cad uga horyimid qoraalkii kasoo baxay xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee lagu sheegay in aysan suuragal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Beledweyne ee maamulkaasi. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle, Siraaji Sheekh Isaaq iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray musharraxiinta, iyaga oo si weyn uga soo horjeestay. Siraaji oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay warqadda kasoo baxday Midowga Musharraxiinta, wuxuuna tilmaamay in doorashada xildhibaanada labada aAal lagu qaban karo gudaha magaalada Beledweyne. Sidoo kale waxa uu xusay in hadalka siyaasiyiinta mucaaradka ah uu qas iyo fowdo horleh ka abuurayo deegaanada HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay inay HirShabelle raalli-gelin uga fadhido Golaha Musharraxiinta. Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaciyey inay Midowga Musharraxiinta u gefeen reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Beledweyne. Jayte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in musharraxiinta hadalkan faafiyey ay doonayaan in doorashada laga weeciyo magaaladaasi, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxa uu ka digay sii socosha arrintan, isaga oo tilmaamay inay baal-marsan tahay heshiiskii doorashada, isla-markaana lagu dulminayo reer Beledweyne. Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli Midowga Musharraxiinta mucaraadka qoraalka ay soo saareen ku sheegeen in dhibaatooyin amni iyo kuwa siyaasadeed oo aan saamixi karin in doorasho lagu qabto Beledweyne ay ka jiraangudaha magaaladaasi. The post HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  13. Ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa howl gallo qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka jubada hoose, waxa ay ku burburiyeen fariisimo ururka al-shabaab ay ku la haayeen gobalka . Saraakiisha hogaamineysay gowlgalka ayaa sheegay in inta howlgalka ay ku guda jireen ay dileen xubna ka tirsan ururka alshabaab. Ciidamada ayaa sheegay in xubnaha shabaab ka tirsan ee la dilay ay gaarayaan illaa 15- xubnood kuwaas oo ku sugnaa deeganno hoostaga gobalka Jubbada hoose. Sikastaba ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah ee Alshabaab lagaga xoreynayo deeganada ay kaga sugan yihiin guud ahaan dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi. Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday inay si cadaalada u dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah. Xirsi ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wel-welka laga muujinayo arrintaasi. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashada ay si wadajir ah u maamuli doonaan guddiga federaalka iyo Jubbaland, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada. Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa intaasi kusii daray in iyagu ka guddi ahaan ay u sinaan doonaan xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid ah noqoshada Aqalka Sare. “Doorashadu waxaa maamulaya guddiga federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland sida ku xusan heshiiska, Wax cabsi ah ma jiri karto in shaqsi lagu dhibaateeyo, Guddi ahaan waxa aan diyaar u nahay in aan u sinnaano Musharixiinta si ay u dhacdo Doorasho qurux badan” ayuu yiri wasiirka maaliyada Jubaland. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta tartamaya inay diyaar garow muujiyaan, isla-markaana ay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashada iyo Jubbaland. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay jiraan musharraxiin badan oo cabasho ka muujinayo hoggaanka Jubbaland oo siyaasad ahaan ay ka soo horjeedaan, waxaana ka mid ah siyaasiga Cabdi Cali Raage oo dhowaan laga soo celiyey magaalada Kismaayo. The post JUBBALAND oo war cusub kasoo saartay doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  15. Rebels in Ethiopia’s war-hit Tigray have carried out operations against pro-government troops in neighbouring Afar region, a spokesman said Sunday, opening a new front in the widening eight-month conflict. Source: Hiiraan Online
  16. The Afghan government and the Taliban concluded diplomatic negotiations in Qatar on Sunday, but both sides said they are committed to further talks. Source: Hiiraan Online
  17. Britain’s most successful Olympic track athlete, Sir Mo Farah, says he has received ‘shocking’ abuse on social media and insists the racists need to be shamed publicly for their online behaviour. Source: Hiiraan Online
  18. Laamaha Amniga Puntland, oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha Khamriga oo lagu qariyay guri ku yaalla magaalada. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag, ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas lagu qabtay 23 dhalo oo Khamri ah, kuwaas oo lagu qariyay gudaha guri ku yaalla Badhan Ciidanka Booliiska Puntland ayaa saacadihii u dambeeyay hawlgalo kala duwan ka waday degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaanna magaalada Badhan. Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalkan lagu xaqiijinayo Amniga degmooyinka Gobolka Sanaag, islamarkaana lagu beegsanayo kooxaha maandooriyaha Khamriga ka ganacsada. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  19. An African man was attacked by a gang of 15 men, beaten, punched and thrown into the sea in Gozo, egged on by a cheering crowd from nearby catering establishments, according to a social media post. Source: Hiiraan Online
  20. Somalia says its lucrative fishing resources will be completely shielded from looters once a new law comes into force, and which will provide uniform regulation in all parts of the country. Source: Hiiraan Online
  21. For many youth, Kampala Junior Team (KJT) is one of the standards of success in local football. Making it in the team guarantees numerous opportunities. Source: Hiiraan Online
  22. Dowladda turkiga ayaa cambaareysay go’aanka maxkamadda sare ee midawga yurub ku mamnuucday xirashada xijaabka haweenka ku sugan yurub. Go’aanka ayaa maxkamadda ay ku sheegtay in ay dhaceen falal amniga liddi ku ah, xilli turkiga uu ku tilmaamay go’aanka maxkamadda mid ka soo horjeeda diinta Islaamka. Maxkamadda cadaaladda ee EU ee fadhigeedu yahay Luxembourg (CJEU) ayaa shaacisay in ururka guud ee shirkadaha ay ka mamnuucaan shaqaalaha inay xirtaan indho shareerka iyadoo la raacayo shuruudo gaar ah. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay xukunkan inuu astaan u yahay naceybka sii kordhaya xilli ay sheegtay in haweenka muslimiinta ah ee ku nool Yurub ay la kulmayaan takoorid sii kordheysa oo ku saabsan diinta ay aaminsan yihiin. “Go’aanka CJEU, waxa uu muujinaya sida ay u sii kordheyso Islaam naceybka, cunsuriyada iyo dhaqamada Islaamka, Yurub waa in ay tixgalinsa xoriyada diinta ,” ayay wasaaraddu tiri. Sikastaba Ankara ayaa marar badan ku eedeysay dowladaha reer Yurub in aysan waxbadan ka qaban ka hortaga takoorka lagu hayo Muslimiinta, iyadoo sheegtay in ay bilaabi doonto soo saarista warbixin sanadle ah oo ay kaga hadlayso waxa ay ugu yeertay tusaalooyinka Islaam nacaybka ee dunida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. A total of 247 sailors aboard a South Korean destroyer off Somalia in East Africa have tested positive for the coronavirus, Yonhap news agency reported Monday, citing the nation’s Joint Chiefs of Staff, making it the worst-ever mass infection among service members. Source: Hiiraan Online
  24. Somali security forces on Sunday retook a town in the country’s central Mudug region from terrorist group al-Shabaab, officials said. Source: Hiiraan Online