-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdiraxmaan oo hoggaamiya garab ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay in uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada gobollada Waqooyi. Qoraal ka soo baxay siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheeagay in Ra’iisul Wasaare Rooble jabiyay ballanqaad uu sameeyay 19 Juun 2021, oo ay ka mid ahaayeen in guddiga doorashada gobollada Waqooyi laga saaro shaqaalaha iyo ciidamada iyo in xubnaha laga soo magacaabo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay noqdaan dhexdhexaad. Waxay qoraalka ku sheegeen in ballanqaadka Rooble ahaa in aysan doorashada guddoonka guddiga doorashada ka qeybgelin 3-da xubnood ee laga soo magacaabo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si la mid ah dowlad goboleedyada. Waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaare Rooble ka jawaabi waayay teleefoono iyo qoraalo xal raadina oo uu diray Cabdi Xaashi, taasina ay sababtay in ay soo saaraan qoraalka. Siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in la qabto kulan go’aan mideysan looga garayo mideynta guddiga doorashada Somaliland iyo rabraacyada doorashada iyo hagideeda. PUNTLAND POST The post Khilaafka Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo weli ku gadaaman doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Garab ka mid ah xisbiga Ucid ayaa maanta heshiis ku saabsan shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland la gaaray xisbiga talada haya ee Kulmiye. Xisbiga Kulmiye iyo garabka Ucid ayaa ku heshiiyay in xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo Kulmiye ka tirsan loo dhiso guddoomiyaha Golaha wakiillada, halka Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo Ucid ka tirsan loo dbiso guddoomiye-ku-xigeenka koowaad iyo labaad. Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in xafladii heshiis lagu shaacinayay ay ka soo qeybgaleen 11 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Ucid uga soo baxay doorashadii Golaha Wakiillada oo ay wehelinayaan siyaasiyiin saameyn ku leh xisbigaas. Garabka kale ee xisbiga Ucid ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska ay gaareen garabka iyaga ka mid ah iyo xisbiga Kulmiye, waxaana arrintaas ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay sheegeen in uu qabyaaladeynayo dimuqraadiyadda. Hoggaamiyaasha xisbiyada muraadka Somalilad Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan gaaray heshiis ku saabsan shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxayna shaaciyeen magacyada musharaxiinta ay u dhisayaan. Labada xisbi ee muraadka ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u sharaxay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan Waddani, kana soo baxay gobolka Sool. Sidoo kale guddoomiye xigeennada koowaad iyo labaad ayay u sharaxeen Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka Awdal, kuwaas oo labaduba ka tirsan xisbiga Ucid. Tallaabadaas ayaana ah tan sababtay in uu kala jabo xisbiga mucaaradka Ucid oo garab ka mid ah heshiis la gaaro xisbiga Kulmiye. PUNTLAND POST The post Loolanka shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo kala jebiyay xisbiga Ucid appeared first on Puntland Post.
-
Mekelle (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo sii daayey sii daayay ku dhowaad 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu qabtay dagaaladii u dambeeyay. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo labada dhinacba ay u diyaar garoobeen iska horimaad ka dhaca dhulka lagu muransan yahay ee galbeedka gobolka, kaasi oo ay isku hayaan Amxaarada. Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Dadweynaha ee Tigrayga (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo kula hadlay taleefoonka dhanka satellite-ka goor dambe oo Jimcihii shalay aheyd inay sii daayeen 1,000 askari oo darajooyin hoose ah, oo ka mid ah 6,000 oo dagaalka ku qabteen. “In ka badan 5,000 oo askari ayaa weli ku jira gacanteena, waxaana sii hayn doonaa saraakiisha sare kuwaas oo wajihi doono maxkamad,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael. Hoggaamiye Debretsion ayaa sheegay in ciidamada lasii daayey la geeyey dhanka xuduuda koonfureed oo ay Tigray la wadaagto gobolka Amxaarada maalintii Jimcaha, laakiin ma uusan sheegin cidda lagu wareejiyey iyo cidda ay kala hadleen sii deyntooda, inkastoo ay Reuters sheegtay in aysan si madax banaan u xaqiijin karin sheegashadiisa. Afhayeen u hadlay militariga Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in uusan hadda ka hadlin karin arrintaan, balse afhayeenka maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in uusan wax war ah ka hayn sii deynta askartan. Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay isku dayday in ay arrintaan wax ka waydiiso saraakiisha xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo gudiga dowlada u xilsaaran arrimaha Tigray balse wax jawaab ah way ka waysay. Dagaalka Gobolka Tigray ayaa qarxay Bishii November ee sanadkii hore markii ay dawladdu ku eedeysay kooxda TPLF inay weerareen saldhigyada milateriga ee gobolka oo dhan, taas oo ay been abuur ku tilmaameen madaxda xisbiga Tigray. Dowladda ayaa ku dhawaaqday guul seddex isbuuc kadib markii ay la wareegtay caasimada gobolka ee Mekelle. Kooxda TPLF ayaa dib ula wareegtay magaalada Mekelle iyo inta badan Tigray dhamaadkii bishii June, kadib markii ay dawladu kala baxday askarteeda ayna ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah. Si kastaba, kooxda TPLF ayaa wacad ku martay in ay dagaalka sii wadi doonto illaa ay dib ugala wareegeyso gacan ku heynta dhulka lagu muransan yahay ee koonfurta iyo galbeedka Tigrayga, kaasi oo looga qabsaday dagalkii ay kula jireen xulafada dowladda ee kasoo galay dhanka amxaarada. Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF. Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah. Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka. “Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka. The post Hoggaamiyaha Tigrayga oo qaaday tallaabo lama filaan ah xilli dagaal culus la filayo appeared first on Caasimada Online.
-
Bacaadweyn (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo Kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta dib u qabsaday degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo Al-shabaab dhawaan qabsadeen, markii ay muddo kooban ku sugnaayeen ciidamada Galmudug. Ciidamada huwanta oo ka kala tirsan qeybta 21-aad ee milateriga, kuwa Danab iyo ciidamada Galmudug oo ay hawada sare ka taageerayeen diyaarado ayaa gudaha u galay Bacaadweyn kadib markii ay isaga baxeyn ciidamadii Al-Shabaab ka tirsanaa markii ay ka war heleyn duulaanka kusoo socda. Ciidamada Al-Shabaab ayaa Xalay saq dhexe isaga baxay degmada Bacaadweyn, waxaana saaka gaaray Ciidamada Dowladda, iyadoo muuqaalo muujinayo guusha ay gaareen ciidamadaas lagu soo daabacay warbaahinta Dowladda iyo kuwa Galmudug. Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online, Ciidamada huwanta ah ayaa horey usii dhaafay degmada Bacaadweyn, waxayna Al-Shabaab kasii qabsadeyn dhowr tuulo oo qiyaastii 6km u jira Degmadaas. Shalay ayey ahayd markii gaari uu waday ruux is-miidaamiye ah uu beegsaday ciidamada Galmudug ee ku dhowaa Bacaadweyne, iyadoo qaraxaasi ay warar iska horjeeda ka bixiyeen Galmudug iyo Alshabaab. Waxaa jirto cabsi ku aadan in kooxda Al-Shabaab ay soo qaado dagaal rogaal celis ah inkastoo wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaarayo ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameysteen difaacyo adag. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo xoog leh soo dhoobtay qeyb kamid ah Gobolka Mudug, waxayna xogta hoose sheegeysaa in dagaalka ciidamada Dowladda uu sii socon doono inta Al-Shabaab laga saarayo Xarardheere oo ah saldhig weyn oo ay kooxdaan ku tababarto maleeshiyaadka. The post Sawirro: Ciidamada huwanta oo dib u qabsaday Bacaadweyn iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Wararka PP) — Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday xabbadjoojin degdeg iyo in ciidammada shisheeye ay ka baxaan Itoobiya. War saxafaadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ayay dowladda Jarmalku ku digtay in xoog loo adeegsado beddelista xuduudaha goboleed ee Itoobiya, sida ay doonayaan xagjirka Amxaarada oo loo yaqaanno Fano. Baaqa ka soo baxay Jarmalka wuxuu cadaadis sii saarayaa Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo dhowr maalmood ka hor ciidammo goboleedyada Itoobiya u diray gobolka Amxaarada kaddib markii ciidammada Tigreegu qabsadeen Raya oo Amxaaradu qabsatay. Baaqa Jarmalku soo saaray Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe’s Omar (Cagjar) ayaa diidin kala kulmay saraakiisha sarsare ee booliska Liyuu oo uu ka dalbaday in ay difaacaan Amxaarada. “Mustafe waa nin aad ugu daacad ah Amxaarada, aamminsan sarrayntooda. Waa sababta uu u doonayo inay Soomaalidu dhiig u daadiso Amxaaradu” ayuu yiri oday ku sugan Jigjiga. © Puntland Post, 2021 The post Jarmalka oo ka hor yimid in la beddelo xuduudaha goboleed ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanada waqooyi ee garabka guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayey kaga warbixiyeen caddaalad darrada iyo eexda uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble uu kula saftay garabka Mahdi Guuleed. Waxay sidoo kale ka hadleen halka uu marayo khilaafka iyo xal u helidda caqabadahii hortaagnaa doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi. “Maanta oo laga joogo bil iyo labaatan maalmood shirkii madasha ee qabsoomay 27.5.2021 waxannu go’aansannay in aan warbixin kooban ka siinno xubnaha Madasha, daneeyayaasha doorashada sida Musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo bulshada Soomaaliyeedba halka uu marayo khilaafkil iyo xal u helidda caqabadaha hortaagan madaxbanaanida doorashada kuraasta labada Agal ee Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo ka mid ahayd saddexdii arrimood ee khilaafku ka jiray muddada dheer,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Guddiga ayaa sidoo kale ra’iisal wasaare Rooble ku eedeeyey inu ku guuldarestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah. “Sida an dhigayo Qodobka 2-aad, farqadiisa (a) ee heshiiskii 27 May 2021 waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland loo xilsaartay Ra’isulwasaaraha, isagoo mar walba la tashanaya Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka.” “Waxaanu filaynay in Ra’iisul wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Somaliland. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka. “Doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Waqooyi waxay ku jirtaa marxalad gaara, Cabdi Xaashi oo ugu sareeya siyaasiyiinta taladii waa loo diiday.. dowladdu waxaa moodaa inay dooneyso inay boobto Doorashada.. Ra’iisal wasaaruhuna telefoonkii waa ka qaban waayey Guddoomiyaha Aqalka Sare; qoraalladii loo dirayna ka jawaabi waayey… heshiisyadii uu galayna waa wada jebiyey..” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay falalka uu ku dhaqaaqay Ra’iisal wasaare Rooble. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay illaa dhowr talaabo oo uu Guddoomiye Cabdi Xaashi uu qaaday si looga dhabeeyo heshiiskii 27 May lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran The post R/W Rooble oo Cabdi Xaashi ‘kala saftay’ Mahdi Guuleed – Muxuu sameeyeey? appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga Kulmiye oo shaacay 3-da Musharax ee uu u xushay Shirgudoonka Golaha Wakiilada Xisbiga KULMIYE iyo garabka xisbiga UCID ayaa ku heshiiyey inay shirguddoonka u sharraxaan Guddoomiyaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Suciid Mire Faarax (Giirre) iyo Gufdoomiye-ku-xigeenka 2aad Md. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax). Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubaland, ee la filayo inay daba-yaaqada bishan ka billaabato Kismaayo. Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare. Xubnaha Guddiga la magacaabay oo ka koban 9 Xubnood ayaa waxaa ay guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kala shaqeyn doonaan qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo Xildhibaannada Aqalka ay dooranayaan Baarlamaanka Jubaland. Shalay ayaa waxaa Xubnaha guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland ay ku dhawaaqeen in doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ay waqtigeeda ku qabanayaan xilli ay jiraan culeyso badan oo siyaasadeed. Musharaxiinta dooneysa in ay kamid noqdaan baarlamaanka 11-aad ee soo aadan oo lacagta diiwaangelintoodu tahay 20-kun oo doolar ayay ugu baaqeen in ay si deg-deg u soo gudbiyaan codiyadooda ama araajidooda. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka The post Jubaland oo maanta tallaabo horleh u qaaday qabashada doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Jubbaland ayaa goordhaw magacabaay xubnaha guddiga doorashooyinka Jubbaland ee qabanaya doorashada Aqalka Sare. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa magacabay guddigaan oo ka kooban 9 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland. Hoos Ka Akhriso Magacyada Xubnaha Guddiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa weli socda dagaaladii u dhaxeeyey ciidanka Faderaalka iyo xoogaga “Jabhadda Xoreynta Tigreyga” xilli, Itoobiyana ay daaha ka qaaday abaabulka ciidamadeeda gaarka ah iyada u diyaar garoobeysa in ay TPLF kaga hortagto xuduudaha gobolada Amxaarada iyo Tigray. Addis Ababa waxay markii ugu horeesay shaaca ka qaaday abaabulka ciidamada gaarka ah ee gobolada si loogu diyaar garoobo guluf ka dhan ah “Jabhadda Xoreynta Tigrey” ee gacanta ku dhigtay inta badan waqooyiga Itoobiya. Wakaalada wararka ee Itoobiya ayaa sheegtay in keenista ciidamada gaarka ah ee gobolada ay tahay talaabo looga hortagayo wax ay ku tilmaantay “talaabooyin daandaansi ah” oo ay TPLF ka waddo xuduudaha gobolada Amxaarada iyo Tigrey. Dadyowga Tigreyga waxa ay naftooda kala cararayaan wax ay ku sheegeen mowjado sare oo rabshado qowmiyadeed iyo isir sifeyn ah oo ka socda cirifka fog ee galbeedka gobolka Tigray ee Itoobiya. Gobolkan barwaaqada ah waxa wali gacanta ku haya askar iyo Maleeshiyaad daacada u ah dowlada federaalka. Ra’isul wasaare Abiy Axmed horay wacad ugu maray inuu ka hortagi doono TPLF ” wuxuuna ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, “Waxaan iska difaaci doonnaa oo aan iska caabin doonnaa weeraradan ka imanaya cadawgeenna gudaha iyo dibaddaba, iyadoo laga shaqeynayo dardargelinta howlaha bani’aadamnimada.” Mareykanku wuxuu walaac ka muujiyay wararka sheegaya fiditaanka dagaalka ee gobolka Tigreyga. Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Ayaa ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka, “Dagaalada sii soconaya waxay kaliya horseedi doonaan dhibaato iyo dhimasho aan loo baahneyn,” iyadoo ugu baaqday dhamaan dhinacyada inay si deg deg ah u ogolaadaan xabad joojinta iyadoo loo marayo wadahadal siyaasadeed. Jimcihii, Amnesty International waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Itoobiya inay tobonnaan dad Tigrey ah ku xirxirtay magaalada Addis Ababa iyo meelo kale tan iyo markii Jabhadda Xoreynta Tigrey ay bishii hore dib ula wareegtay gacan ku heynta magaalo madaxda gobolka tigre ee Mekele. Hay’addu waxay sheegtay in dadka la xiray ay ka mid yihiin kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha iyo saxafiyiin, qaarkoodna lagula kacay jirdil, waxay u badan tahay in tirada guud ay noqon doonto boqollaal, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin intooda badan. Abiy ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee la soo dhaafay si ay hubka uga dhigaan hogaamiyaasha Jabhadda xoreynta dadka Tigreega, oo xukunta gobolka. Ku guuleystaha Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa dabayaaqadii bishii Nofeembar waxa guul ka sheegtay colaadda ka dib markii ciidamada federaalku ay la wareegeen caasimada gobolka ee Mekele, laakiin dagaalka aya daba dheeraaday oo hogaamiyayaashii Jabhada Xoreynta Dadka Tigray ee baxsad ka ahaa aya dib ugusoo laabtay Mekele. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay horaantii bishii July in in ka badan 400,000 oo qof ay “macaluul ku heshay” gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, oo dagaallo ay ka socdeen. Mas’uuliyiinta Itoobiya waxay ku hanjabeen inay hor istaagi doonaan gelitaanka gargaarka ee tigre kadib markii lagala wareegay caasimada gobolka. W/Q: Yaxye Soocadde. Source: goobjoog.com
-
Inkabadan 85 qof ayaa dhimatay kadib markii fatahaado ay ku dhufteen gobalada NRW iyo RLP ee dalka Jarmalka. Fatahada ayaa sidoo kale bur bur xooggaan u geeystay dhamaan deeganada gobaladaas hoostaga gobaladaas, saacadaha soo socda ayaa laga cabsi qabaa in khasaaraha intaa uu sare u dhaafo. Sawirada iyo muuqalada gobalada go’doonka ku jiro laga soo qaaday ayaa miijinaya gurya iyo gawaari ay qaadeen biyaha. Korontada ayaa gebi ahaan ka maqan gobalada fatahaadda ay ku dhufatay, inkabadan 1,000 qof ayaa illa iyo iminka la la’yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay ugu yarana illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, xilli ay ku sugnaayeen bar-control oo ku taalla degmada Dayniile ee magaalada caasimad ah ee Muqdisho. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay horey usii qaateen illaa saddex qoray oo AK47 ah, kuwaas oo ay lahaayeen askarta la dilay, sida ay hadalka u dhigtay. “Mujaahidiinta ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday bar koontarool oo kutaal degmada Dayniile, dhimashadu waa sedax askari iyadoona lagasoo qaniimeystay sedax qori” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegatay Al-Shabaab. Kooxdan ayaa inta badan weeraro gaadmo ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba dhacdooyinkan amni darro ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la qorsheynayo inay Muqdisho ka billowdaan doorashooyinka lagu soo xulayo xildhibaanada Soomaaliya. The post Shabaab oo maanta werar khasaare geystay ka fulisay magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Baarlamanka Jubaland ayaa magacaabay maanta oo Sabti ah magacaabay Guddiga Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Jubaland. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka Jubaland ayaa lagu magacaabay Guddiga Xubnaha Aqalka Sare. Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa sida qorshaysan Sabtida todobaadka dambe qabanaya Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubaland. Xubnaha Aqalka sare waxa dooranaya Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo magacowday Guddiga Doorashada Xubnaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa toddobaadkii aynu kasoo gudubnay warqad qoraal ah u diray Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, isagoo qoraalkiisa ugu faahfaahiyey siyaabaha ay wax u wada qabsan karaan labada dhinac iyo sida ay Jamhuuriyadda Somaliland uga qaadatay kaalinteeda horumarinta iyo kobcinta dimoqraadiyadda iyo Xasiloonida Gobolka, waxana lagu daabacay qoraalkan Wargeyska Toddobaadlaha ee caanka ee [News Week] oo kasoo baxa carriga Mareykanka. Waxa uu si cad ugu soo bandhigay Madaxweynuhu dhiggiisa dalka Mareykanka, faa’iidada ay ka heli karaan hadday xidhiidh la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo u sheegay in aanay jirin maalin looga baahi badan yahay maanta in iskaashi ay la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland oo boqcad Istraatiji ah ku taal Geeska Afrika, isla markaana kulaalaysa Badda Gacanka Cadmeed oo dal xor ah oo madaxbannaan muddo soddon sanno ah. Mudane Muuse Biixi waxa uu timaamo cadcad ka siiyey Madaxweynaha Mareykanka xaaladda Somaliland, isagoo u sheegay in dalkan oo aan weli Ictiraaf ka helin dunida uu haddana qabsaday wax badan oo aanay qabsan dalal badan oo la ictiraafsasn yahay, iyadoo aan ka helin wax dhaqaale ah dalalka Caalamka ee deeqaha bixiya iyo Hay’adaha kaleba, ay haddana Somaliland qabsatay doorashooyin hal qof iyo cod ah oo isugu jira kuwa Baarlamaan iyo Madaxtooyo. Waxa kale oo uu intaa raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland door laxaad leh ka qaadatay la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda, taas oo ay ka gaabiyeen doorkay ku lahaayeen ilaalinta ammaanka marin-biyoodka gacanka Carbeed oo ah meel muhiim u ah ganacsiga adduunka u kala goosha, waxanu Madaxweyne Muuse Biixi ku xusay qoraalkiisaa, in geesta kalena ay Somaliland dib u habeyn ku samaysay dhaqaalaheeda, iyadoo uu sheegay in xagga kalena ay ka socdaan wax ka qabashada iyo horumarinta dhinaca adeegyada bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu ku sheegay qoraalkiisa oo ahaa mid aad u dheer, in Soddonkii sanno ee u dembeeyey ka socday qaaradda Afrika dagaallo iyo colaado kala duwan oo isugu jiray kuwa diimeed, qabiil, dhul iyo xuduudeed oo khalkhal geliyey xasiloonida Afrika, sidoo kalena waxa ka dhex abuurmay shabakado aragagixiso oo caalamiya iyo nidaamyo keli-talisa, kuwaas oo si isku mida u saameeyey dalalka cududda leh iyo kuwa kale, isla markaana ka mid ah carqaladaha jira ee ka taagan Qaaradda. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu si tifaftirran uga warramay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, isagoo ka soo bilaabay 26kii June 1960kii oo dadka reer Somaliland xorriyaddooda ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska, midowgii guuldarreystay ee Somaaliya iyo dib ula soo noqoshadii Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18kii May 1991kii, kadibna la dhisay Xukuumad iyo bulsho ku dhisan nidaamka Dimoqraadiyadda, taas oo uu sheegay inuu yahay maanta Madaxweynaheedii SHANAAD ee loo doortay xilka Madaxweynenimo, haseahaatee uu ka degi doono ama banneyno doono jagadan marka ay ka dhammaato muddada uu u jideeyey Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay oo uu u sheegay dhiggiisa Mareykanka inay ka siin karaan Mareykanka oo ah dal ay wadaagaan ku dhaqanka nidaamka Dimoqraadiyadda, dhibaatooyinka iyo arrimaha kale ee ka aloosan geyiga Afrika si aanay u lumin danaha istraatijyadeed ee ay ku leeyihiin biyaha Gacanka Carbeed oo marin u ah Maraakiibta ganacsi ee u kala goosha daafaha dunida, isagoo xusay in ka socdaan dagaallo iyo colaado ba’an oo ay ku hoobteen dad badan oo shicib ah dhinacyada Koofurta iyo Galbeedka ee xuduudaha Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ku sheegay qoraalkiisa sida uu u sare ugu socdo ee uu usii kobcayo dhaqdhaqaaqa Ciidan ee uu ka wado dalka Shiinuhu dalalka deriska la ah Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed Madaxweynuhu waxa uu daboolka ka qaaday in aanay labada ergay ee uu dhawaan usoo magacaabay mandaqadda aanay buuxin karin kaalinta laga rabay, taa beddelkeedana ay uga wanaagsanaan lahayd,ugana waxtar badan lahayd isagoo ku yeesho gobolka cid ay wax wada yeeshaan. Qoraalkaai waxa uu ahaa mid ka mida garaacista albaabada diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ugu muujinayso Caalamka, in dalkan Jamhuuriyadda Somaliland yahay dal jira oo madaxbannaan oo iskii ugu taagan cagihiisa muddo SODDON sannadood ah, isla markaana uu diyaar u yahay cid kasta oo dano ku leh Gobolkan inay wax wada qabsi iyo xidhiidh siyaasadeedba ka yeedhaan, iyadoo laga duulayo danaha wada jirka ah ee ay iska kaashan karaan labada geesood, sidoo kalana ay marxaladdan siyaasadeed ee ka jirta Gobolka ay muhiim u tahay Mareykanka iyo Somaliland inay iska kaashadaan. Waxa xaqiiqo ah in sannadihii u dembeeyey ay kor u kacday siyaasadda arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay sabab u yihiin wada jirka shacbiga iyo nabadgalyada iyo xasiloonida ka jirta dalka oo sugiddeeda iyo ilaalinteedba hareeraha laga wada taagan yahay Dawlad iyo shacbiba, waxanu qoraalkani ka mid ahaa farriimaha kala duwan ee la gaadhsiinayo dalalka dunida, si loo meel mariyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Qore:- Cabdillaahi Aadan Cumar [ Wayab ] Source
-
(SLT-Hargeysa) Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay uu ka jeediya Masjidul Rashiid ee magaalad Hargeysa, ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahy isgarabtaga ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, iyo in aan ciidanku kaligii wax qaban karin, cidda la badbadinayaana ay tahay da’yarteena. Dhanka kale waxa uu Sheekhu masaajidka uga duceeyay laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, oo uu sheegay in ay diideen inay laaluush ka qaataan dad daroogo soo geliyay waddanka, isla markaana sharciga hor keeneen, gaadhi khamri siday iyo dadkii ka ganacsanayay oo Qaad u soo eegaysiiyay. Sidoo kale Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. Waxaa kale oo uu ka hadlay dedaalka taliyaha ciidanka booliska Somaliand ugu jiro la dagaalanka maandooriyaha iyo xumaanta, waxaanu yidhi “Walaalayaal aniga oo mimbarka saaran waxaan halkan uga ducaynayaa taliyaha ciidanka booliska kheyr ILLAAHEY ha siiyo, shaqo fiican buu hayaa, aqoon isuma lihi oo garasho iyo aqoon naga dhaxaysa uguma ducaynayo, balse shaqada wanaagsan ee uu hayo ayaan ugu ducaynayaa ILLAAHEY caafimaadka ha u barakeeyo. Waxa aan ugu ducaynayaa Janatul Fardawsa, in ILLAAHEY isaga iyo ubadkiisaba barakeeyo, in ILAAHEY ku abaaliyo hawsha uu qarankiisa u hayo,” Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. “Walaalayaal waad arkaysaan maalintii dhawayd inay ciidanku boolisku qabteen, gaadiidka qaadka oo lagu soo qaaday khamri iyo halka uu inala marayo. Ciidanka kheyr ALLE ha siiyee ninkii askariga ahaa ee qabtay gaadhigaasi khamriga siday waxa la siiyay sadex ku oo doolar isaga oo aan askarigaasi hal doolar haysan balse wuu diiday inuu lacagtaasi qaato, askarigaasi waan u ducaynayaa in ILLAAHEY caafimaadka u barakeeyo, arsaaqada u barakeeyo, awlaada u barakeeyo waajibkiisu gutay laaluushkan wuu diiday. Walaalayaal waxa loo baahan yahay inaynu askarteen shaqo fiican bay hayaane aynu la shaqayno far kaliyi fool ma dhaqdo, haddii aynaan la shaqayn ciidankeen kalidood waxba ma qaban karaan. ILLAAHEY wiilasha dada’yar ee ciidanka ah wax kheyr qaba hawgu baddelo laaluushka ay diideen in ay qaataan, ILLAAHEY risiqa iyo maalka haw barakeeyo” Source
-
Siddeed maalin uun ayaa ka hartay doorashada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya sidaasi ay tahay ma jirto ififaalo arrimo doorasho la xiriira, oo waxaana fasax ku maqan kala-u-bar baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka halka Somaliland ay leeyihiin labo guddoon doorasho dadban, lana ogeyn goobta ay wax ku dooran doonaan iyo xataa cidda sugeysa amniga! Sida uu yahay qorshaha jadwalka doorashada 2021-ka, 25-ka bishan waxaa la filayey in Soomaaliya ka bilowdaan doorashada xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, lana doorto 54-ka kursi ee ka tirsan golahaas, laakin Goobjoog News ayaa ogaatay in aaney jirin maamul bilaabay diiwaangelinta musharaxiinta ama habraacyo wax lagu dooran karo! Waxaa xusid mudan in labada baarlamaan ee Galmudug iyo Hirshabelle ayba hadda fasax yihiin, intooda badan xildhibaannada labadaas maamul maba joogaan xarumahooda, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ma joogo dalka, waxaa intaas dheer guddiga doorashada labadaas maamul ayaa ka maqan goobta doorashada, iyaga oo ka cabanaya miisaaniyad la’aan! Maamulka Jubbaland ayaa ah midka keliya ay sheegay in doorashada aqalka sare ku qaban karo waqtigeeda, laakinse lama oga sida arrinkaas uu ku xaqiijin karo Madoobe! Gobollada Waqooyi ama Somaliland waxaa ka jirta kala qeybsanaan xoog leh, xubnaha ay soo kala magacaabeen guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa kala jabay, iyada oo mid weliba uu doortay guddoon doorasho oo gaar ah, taasi oo ilaa hadda aanu xalin ra’isul wasaare Rooble! Goobjoog News ayaa sidoo kale ogaatay in 46-da odey ee doorashada aqalka sare ee Somaliland aan meel lagu sheegin, arrintan oo isu raadinta, tababarka iyo doorashada qaadan karto waqti dheer.! Kooxda guddoomiye Xaashi ayaa waxaa ay soojeediyeen in la mideeyo guddoonka doorashada, la sameeyo habraacyo oo doorashada labad aqal, in la isla meel dhigo goobta doorashada iyo cidda maamuleysa. Aqalka sare waxaa ay beelaha Soomaalida u kala leeyihiin sidan: Dir(14), Digil iyo Mirifle(8), Daarood(17), Mogadishu Clan(13) iyo beelaha laga tirada badan yahay oo leh labo xildhibaan. Doorashada aqalka saree e baarlamaanka Soomaaliya waxaa qeyb ka ah oo dooran doona ilaa 413 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaannada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo lagu daray 46 odey oo kasoo jeeda Somaliland. Doorashada aqalka sare ee BF waxaa ay ka dhici doontaa caasimadaha dowlad goboleedyada sida Garoowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo halka Somaliland ama reer waqooyi ay isku dooran doonaan caasimadda Muqdisho. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta musharixiinta ah ee ka soo jeeda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay kaga hadleen xaaladda cakiran ee arrinta Somaliland. Siyaasiyiinta ayaa sheegay inkabadan bil iyo bar ay ka soo wareegatay heshiiskii muqdisho ay ku kala saxiixdeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka, welina ay jiraan caqabado ku hor gudban qabsoomidda doorashooyinka labada gole ee baarlamaanka gobalada waqooyi. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeerka Source: goobjoog.com
-
Hay’adaha Jamaal Foundation & Himilo, oo ka dhisan dalka Nederlands ayaa iska kaashaday kulan aqoon-iswaydaarsi ahaa, loogana hadlayay qoddobo xilligan loo arkay in ay yihiin kuwa xasaasi ah, loona baahan yahay in bulshooyinka ay Soomaalidu ka mid ta fursad loo siiyo in ay ka hadlaan aragtida ay ka qabaan. Kulankan oo muhiimad gaar ah xambaarsanaa, waxaa qoddobadii diirada lagu saaray ka mid ahaa:- Aragtida dadyowga ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay ka qabaan talaalka cudurka Karoonaha, iyada oo halkaasi lagu soo bandhigay su’aalo dhowr ah oo ka tarjumayay aragtida & dareenka dadku ka qabaan talaalka, waxaanna su’aalahaasi ka jawaabayay Inge Solomons oo ka socotay hay’adda GGD oo ah hay’ad dowladda Nederlands u qaabilsan arrimaha la xiriira talaalka. Qoddobka 2-aad ee kulanka lagu soo qaaday wuxuu ahaa;- Wacyigelin la xiriirtay in gebi ahaanba dalkan “Nederlands” ay mamnuuc ka tahay nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha ah, waalidiinta falkaasi sameeyana ay mudanayaan ciqaab isugu jirta xarig & ganaax. Cabaas Cali Nuur oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, oo barnaamijka xiriirnayay ayaa ka soo qeybgalayaasha oo isugu jiray wadamo dhowr ah, si koobban ugu sharaxay in talaalku yahay dhabaha qura ee xalka u noqon karo waqtigan haddii qofku qaado cudurka Karoona inuu ka bogsan karo hadduu ALLE qadaro. “Anigu, waxaan ka mid ahay dadka qaba in la is talaalo, haddana waxaa jira dad walaac badan ka qaba talaalka, walaacoodu wuxuu u badan yahay ku tiri-ku-teen, dadka qaar baa ku leh haddaad is talaasho 2 sanno kaddib ayaad dhimaneysaa, run-na ma ahan, waxaan ugu baaqayaa dadku in ay talaalka qaataan yar & wayn ba,” ayuu yiri Cabaas Cali Nuur. Nafiso Nuur Cusmaan oo ah Soomaaliyad, kana mid ah howl-wadeenada la shaqeeya hay’adda GGD, ayaa iyada oo sharaxeysa fikirkeeda la xiriira talaalka waxay ku baraarujisay ka qeybgalayaasha inay qaataan talaalka, waxayna intaasi ku dartay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in talaalku dhibaato ku yahay bad-qabka qofka. “Soomaalidu waa bulsho si dhaqsi ah hadalka isugu gudbisa, si degdeg ahna u aaminta beenta, haddii talaalka lagu jiranayo maxay Hollandeeysku u qaadanayaan.? in talaalka lagu xanuunsanayo waxba kama jiraan, waxaan kula talinayaa qof kasta oo Soomaali ah isaga iyo qoyskiisa ba in ay talaalka qaataan,” ayeey tiri Nafiso Nuur Cusmaan. Guddoomiye ku-xigeenka FSAN Maxamed Cusmaan [Guurre] oo munaasabada ka hadlay wuxuu u mahadceliyay Jamaal Foundation & Himilo, isaga oo ugu baaqay dadka Soomaalida in ay is talaalaan. Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda Cabduqaadir Cali [Nuune] oo la hadlay ka soo qeybgalayaasha wuxuu dhinaciisa ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim u tahay in bulshadu hesho jawaabaha su’aalo dhowr ah oo maskaxdooda ka dhex guuxaya, isaga oo uga mahadceliyay hay’ada Jamaal Foundation abaabulka kulankan. “Runtii waa loo baahan yahay isu imaatinada nuucan ah, oo dadku ay aragtidooda is dhaafsanayaan, waxyaabaha mugdiga ku jirana fursad loo siinayo in wax laga weydiiyo dadka cilmigaas ku shaqada leh, waana sida ay diinteenu ina fareyso “fas’aluu ahla dikri in kuntum laa taclamuuna”, waxaan u mahadcelinayaa hay’adda Jamaal Foundation oo inoo suurtagelisay in ay inoo keento GGD si wax looga weydiiyo su’aalaha ugu badan ee dadka maskaxdooda ka dhex guuxaya,” ayuu yiri C/qaadir Nuune. Fatuma Kamara oo u dhalatay dalka Siraliyoon, kana mid aheyd ka qeybgalayaasha waxay soo bandhigtay aragti ka duwan tii dadka badidood ay muujiyeen, waxayna dhinaceeda tilmaantay in ay jiraan dad badan oo markii ay talaalka qaateen ku xanuunsaday. “Saaxiibteey markii ay talaalka qaadatay waa xanuunsatay, waana dhimatay, waxaa jira dad kale oo fara badan oo ku xanuunsaday, anigu ma dhahayo yaan la is talaalin haddana waxaan qabaa in la ogaado sababta soo dedejisay dadkani ugu xanuunsadeen talaalka,” ayeey tiri Fatuma Kamara. Wejiga 2-aad ee aqoon isweydaarsiga waxaa si qoto-dheer looga hadlay mowduuc kale oo xiiso gaar ah xambaarsanaa kaas oo ahaa; sida ay mamnuuc uga tahay guud ahaan dalalka Yurub, gaar ahaan dalkan Nederlands in gabdhaha la gudo. Cabdikariin Maxamuud oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Himilo ayaa soo bandhigay macluumaad dhammeystiran oo la xiriira waxa ay mudan karaan waalidiintu haddii ay ku dhaqaaqaan falalka gudniinka gabdhaha. “Nasiib darradu waxay tahay in weli ay jiraan waalidiin caruurtooda [gabdhaha] xilliyada fasaxa dibedda ku soo guda, ha ogaadaan sharuucda dalkan ma ahan shuruuc laga dhuuman karo,” ayuu yiri Cabdikariin, isaga oo dadyowga ajnabiga ah kaga digay in ay ku dhaqaaqaan fal lidi ku ah shuruucda dalkan. Qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaasha ayaa fursad u helay in ay wax ka weydiiyaan Cabdikariin arrimaha la xiriira gudniinka gabdhaha, waxaanna su’aalihii la weydiiyey ka mid ahaa, haddii waalidku isaga oo ka dhega xiran shuruucda dalka ka jirta ay gabdhahooda dibedda ku soo gudaan waxa ay mudan karaan. “Sharciga ciqaabta ah ee lagu qaadayo qofkii falkaasi ku dhaqaaqa looma kala qaadayo miyuu ogaa mise qabar-daar ayuu ahaa.? dalkan sharcigiisu wuxuu qeexayaa in ay mamnuuc tahay in gabar la gudo, qofkii falkaasi lagu ogaado inuu gaystayna wuxuu mudanayaan ciqaab adag, annagu howsheena waxay tahay inaan dadkeena arrintaasi ka wacyigelino,” ayuu yiri Cabdikariin. The post Aqoon is-waydaarsi looga hadlayay qodobo muhiim ah oo lagu qabtay Netherlands appeared first on Caasimada Online.