Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga dowladda soomaaliya u xilsaartay dib u heshiisiinta gobalka Gedo ayaa magaalada garbahaarrey ku soo gaba gabeyay howlaha dib u hishiisnta arrinta gobalka Gedo. Xubnaha guddigan oo uu hor boodayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kulan ay magaalada garbahaarrey kula qaateen odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo dhalinyarada gobalka waxa ay ku shegeen in dhammaan la xaliyay tabashooyinkii gobalka ka taagnaa. ” Ma aheyn in garbahaarrey wax kale kaga duwan tahay deeganada kale ee doorashada loo asteyay in ay ka dhacdo, laakiin waxaan isla ognahay in ay jireen xasaasiyaas siyaasadeed, in ay jireen dadkii kuraastaas ay doorashadoodu wada quseysay say oo wax un siyaasad ah ay kala dhax galeen, shaqadeenuna waxa ay aheyd in aan cid waliba la hadalno oo kala hadalno sidii loo xalin lahaa tabashada” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Sikastaba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo deegaan ahaan ka soo jedo gobalka Gedo ayaa mudda dheer isku haytay cidda maamuleyso gobalka gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay laamiga. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan ay gaari kala dageen dadkaas islamarkaana af-duubteen. Dadka la af-duubtay ayaan ilaa iyo haatan la aqoon meel la geeyay waxaana dadka degaanka laga soo xigtay in af-duubkan daba socday kadib markii Somaliland xirtay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur. Cabdikariin Cali Nuur ayaa Laascaanood lagu xiray kadib markii uu taageero u muujiyay madaxweyne Farmaajo waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera. PUNTLAND POST The post Dad lagu af-duubtay degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  3. Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo Guddi hoosaadka amniga ee GHDHF ayaa kulan la qaata Guddiga amniga doorashooyinka dalka ee la filayo inay maalmaha soo socda bilowdan. Kulanka Guddiyada ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan si rasmi ah u bilaabanaya. Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal warbixin ka siiyey shaqooyinka u qabsoomay iyo diyaar garoowga ay wadaan laamaha amniga ee loogu tala-galay sugida amniga. Guddoomiyaha Guddiga amniga ahna Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo howlaha sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, isla markaana ay dardar-gelin doonaan shaqooyinkooda. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashada heer Federaal oo La Kulmay guddiga Amniga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Ilo wareeeyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe kala hadlay in uu ka shaqeeyo sidii doorashada Jubaland ugu soo bixi lahaayeen Xildhibaano lagu kalsoonyahay oo uu ka heli karo cod maadaama uu yahay Murashax aan wali is-shaacin. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu marka hore taageero ka raadinayo ismaamulada beeshiisa sida Jubaland iyo kuwa Kenya balse waxaa la sheegay in uu Axmed Madoobe ka dalbaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada hadda jira ee aan lagu kalsoonaan karin, islamarkaana uu keeno kuwa dhiig cusub ah oo lagu kalsoonyahay. Sidoo kale degaanada Puntland ayaa la sheegay in uu Saciid Deni ku dadaalayo sidii uu ku keeni lahaa Xildhibaano u daacad ah. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la rumeysan yahay in uu yahay Murashax Madaxweyne, waxaana la filayaa in uu ku dhawaaqo markii ay dhacdo doorashada baarlamaanka kadib. Deni ayaa dib u dhigaya ku dhowaaqistiisa musharaxnimo, sababtoo ah waxay su’aal gelin kartaa dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo. Deni ayaa heysto taageerada Jubaland iyo maamulkiisa waxayna taasi gelineysaa rajo weyn, wuxuuna rumeysan yahay inuu si fudud uga soo gudbi karo wareegga koowaad ee doorashada oo ah kan ugu adag. Tartanka doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqdo in leeyahay xiiso gaar ah, waxaana isku haya musharaxiin miisaan culus leh, manna cidda weli cidda ku horeysa ee ku guuleysan doonta. The post Xog: Qorshaha Saciid Deni ee doorashada madaxweyne iyo tallaabooyin uu qaaday appeared first on Caasimada Online.
  5. Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay war bixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya. War kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan. Maxay ka hadashay warbixinta? Ma jirto war bixin rasmi ah oo uu soo saaray Midowga Afrika, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diidday waxyaabaha ku jira war bixintan. Sida ku xusan qoraalka, Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee ururka Midowga Afrika ayaa warbixintan oo ka kooban 35 bog ku sharraxay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen. Waxay “guddigu” sheegeen inay qiimaynta billaabeen iyagoo ka tallaabo qaadaya qaraarradii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoogay, oo kala ahaa 2520 iyo 2568 (2021) Qodobbada lagu faahfaahiyay waxay kala yihiin: Arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo saamaynta hannaanka guud ee dowlad dhisidda Faahfaahin ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM) Wadashaqaynta ka dhaxaysa Midowga Afrika (AU) iyo beesha caalamka Waddooyinka u furan howlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya 2021 kaddib Xogo la ogaaday Talooyin Warbixintan ayaa lagu sheegay in qabiillo ay wali saamayn ballaaran ku leeyihiin dhinac walba oo ka mid ah hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa lagu qeexay warbixinta in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan howlaha la xiriira horumarka Soomaaliya. Dhinaca amaankana, “Xaaladda amni ee Soomaaliya way xasilan tahay balse ma aha mid la saadaalin karo”, ayaa lagu yidhi war bixinta. “Ma jiraan dhismeyaal maamul oo ay dowladda leedahay, sida maxkamado iyo saldhigyo boolis, xarumo caafimaad, kuwo wax barasho iyo goobo kale oo loogu adeego shacabka,” ayaa ka mid ahaa erayada ku jira war bixinta la sheegay inay kasoo baxday guddiga Midowga Afrika. “Caqabadda aasaaska ah ee hor taagan xasiloonida Soomaaliya waa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku guul darraysteen dhammastirka dastuurka qabyo qoraalka ah, xal u helista awood qaybsiga iyo wadaagista kheyraadka”, ayaa lagu yidhi war bixinta. Talooyinka lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika. Sidoo kale waxaa waddooyinka furan lagu daray in Amisom ay ka baxdo Soomaaliya kaddibna mas’uuliyadda Amniga lagu wareejiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Ilaa hadda ma cadda qodobbada qodobbada gaarka ah ee ay ka biyo diidday dowladda Soomaaliya, iyadoo laga war dhowrayo jawaabta faahfaahsan ee ay xukuumadda ballan qaadday. Qoraalka ayaa kusoo aaday xilli Soomaaliya ay hadda ku mashquulsan tahay arrimaha doorashada oo in muddo ah soo jiitamayay. Xigasho: BBC SOMALI The post Maxaa ku qoran warbixinta ay ka carrootay DF ee kasoo baxday Midowga Afrika? appeared first on Caasimada Online.
  6. Dawlada Seychelles oo sii daysay Soomaali loo haystay denbiyo Budhcad-badeednimo Shan muwaadin oo Soomaali ah oo loo haystay burcad badeednimo ayaa Jimcihii shalay la siidaayay kadib markii maxkamada sare ee Seychelles ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan oo ay ku taageerto eedaha loo soo jeediyay. Maxkamada sare ayaa xukuntay in xilliga la qabtay raggaasi aan lagu helin inay sameynayeen falal burcad badeednimo ah isla markaana aysan wadan wax hub sharci daro ah. Maxkamadeynta shanta Soomaaliyeed waxay bilaabatay Sebtember 2020, sanad ka dib markii ay qabteen markabkii ciidamada badda ee Yurub (EU NAVFOR). Howlgalka Atalanta ee qaabilsan ilaalada xeebaha ayaa shanta tuhmane ku wareejiyay maamulka Seychelles sanadka 2019 iyadoo la tixraacayo heshiis wareejin ah oo u dhexeeya jasiiradda iyo Midowga Yurub oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Mukhaadaraadka iyo Dambiyada (UNODC). Qareenka difaacayay, Joel Camille, ayaa sheegay in kooxda qareenada eedeysanayaasha la bedelay seddex jeer ay kaalin ka qaadatay dib u dhaca ku yimid maxkamayntooda. Hay’adda UNDOC ayaa qaban qaabinaysa sidii dhalinyaradan loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Balse waxaa laga yaabaa ay bilaabaan dacwado magdhow ah ka dib laba sano oo ay ku jireen xabsiga Seychelles. Qaran News
  7. laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska S/land oo looga Duceeyay Masaajid ku yaalla Hargeisa “Waa la innagu soo duulay waxaana innagu soo duulay dadkeena qaar ka mid ah ee booliska aan la shaqayno.” Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay uu ka jeediya Masjidul Rashiid ee magaalad Hargeysa, ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahy isgarabtaga ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, iyo in aan ciidanku kaligii wax qaban karin, cidda la badbadinayaana ay tahay da’yarteena. Dhanka kale waxa uu Sheekhu masaajidka uga duceeyay laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, oo uu sheegay in ay diideen inay laaluush ka qaataan dad daroogo soo geliyay waddanka, isla markaana sharciga hor keeneen, gaadhi khamri siday iyo dadkii ka ganacsanayay oo Qaad u soo eegaysiiyay. Sidoo kale Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. Waxaa kale oo uu ka hadlay dedaalka taliyaha ciidanka booliska Somaliand ugu jiro la dagaalanka maandooriyaha iyo xumaanta, waxaanu yidhi “Walaalayaal aniga oo mimbarka saaran waxaan halkan uga ducaynayaa taliyaha ciidanka booliska kheyr ILLAAHEY ha siiyo, shaqo fiican buu hayaa, aqoon isuma lihi oo garasho iyo aqoon naga dhaxaysa uguma ducaynayo, balse shaqada wanaagsan ee uu hayo ayaan ugu ducaynayaa ILLAAHEY caafimaadka ha u barakeeyo. Waxa aan ugu ducaynayaa Janatul Fardawsa, in ILLAAHEY isaga iyo ubadkiisaba barakeeyo, in ILAAHEY ku abaaliyo hawsha uu qarankiisa u hayo,” Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. “Walaalayaal waad arkaysaan maalintii dhawayd inay ciidanku boolisku qabteen, gaadiidka qaadka oo lagu soo qaaday khamri iyo halka uu inala marayo. Ciidanka kheyr ALLE ha siiyee ninkii askariga ahaa ee qabtay gaadhigaasi khamriga siday waxa la siiyay sadex ku oo doolar isaga oo aan askarigaasi hal doolar haysan balse wuu diiday inuu lacagtaasi qaato, askarigaasi waan u ducaynayaa in ILLAAHEY caafimaadka u barakeeyo, arsaaqada u barakeeyo, awlaada u barakeeyo waajibkiisu gutay laaluushkan wuu diiday. Qaran News
  8. Hoggaamiyaha Tigrayga oo qaaday tallaabo lama filaana xilli Dagaal culus la filayo Hoggaamiyaha Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo sii daayey sii daayay ku dhowaad 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu qabtay dagaaladii u dambeeyay. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo labada dhinacba ay u diyaar garoobeen iska horimaad ka dhaca dhulka lagu muransan yahay ee galbeedka gobolka, kaasi oo ay isku hayaan Amxaarada. Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Dadweynaha ee Tigrayga (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo kula hadlay taleefoonka dhanka satellite-ka goor dambe oo Jimcihii shalay aheyd inay sii daayeen 1,000 askari oo darajooyin hoose ah, oo ka mid ah 6,000 oo dagaalka ku qabteen. “In ka badan 5,000 oo askari ayaa weli ku jira gacanteena, waxaana sii hayn doonaa saraakiisha sare kuwaas oo wajihi doono maxkamad,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael. Hoggaamiye Debretsion ayaa sheegay in ciidamada lasii daayey la geeyey dhanka xuduuda koonfureed oo ay Tigray la wadaagto gobolka Amxaarada maalintii Jimcaha, laakiin ma uusan sheegin cidda lagu wareejiyey iyo cidda ay kala hadleen sii deyntooda, inkastoo ay Reuters sheegtay in aysan si madax banaan u xaqiijin karin sheegashadiisa. Afhayeen u hadlay militariga Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in uusan hadda ka hadlin karin arrintaan, balse afhayeenka maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in uusan wax war ah ka hayn sii deynta askartan. Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay isku dayday in ay arrintaan wax ka waydiiso saraakiisha xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo gudiga dowlada u xilsaaran arrimaha Tigray balse wax jawaab ah way ka waysay. Dagaalka Gobolka Tigray ayaa qarxay Bishii November ee sanadkii hore markii ay dawladdu ku eedeysay kooxda TPLF inay weerareen saldhigyada milateriga ee gobolka oo dhan, taas oo ay been abuur ku tilmaameen madaxda xisbiga Tigray. Dowladda ayaa ku dhawaaqday guul seddex isbuuc kadib markii ay la wareegtay caasimada gobolka ee Mekelle. Kooxda TPLF ayaa dib ula wareegtay magaalada Mekelle iyo inta badan Tigray dhamaadkii bishii June, kadib markii ay dawladu kala baxday askarteeda ayna ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah. Si kastaba, kooxda TPLF ayaa wacad ku martay in ay dagaalka sii wadi doonto illaa ay dib ugala wareegeyso gacan ku heynta dhulka lagu muransan yahay ee koonfurta iyo galbeedka Tigrayga, kaasi oo looga qabsaday dagalkii ay kula jireen xulafada dowladda ee kasoo galay dhanka amxaarada. Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF. Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah. Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka. “Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xalay howl-gal culus oo gaar ah ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, si gaar ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka. Howl-galka oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay guri-guri ugu galeen xaafado ku yaallo Dayniile, iyaga oo ku sameeyey baaris xoog leh. Saraakiisha horkaceysay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday in u jeedkooda u ahaa baad-goobka xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kooxaha dhaca ka geysta degmadaasi. Ma shaacin saraakiishu natiijada ka soo baxday baaritaanadan iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ay ku soo qab qabteen intaba. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan baaritaanadooda si loo xoojiyo xaqiijinta aminga caasimada, maadaama ay dhowaan ka dhaceyso doorasho guud. Howl-gallada ciidamada ayaa muddooyinkii dambe sare loo qaaday, waxaana horay looga fuliyey degmooyin badan, sida Hodan, Warta Nabadda, Boondheere & kuwa kale. Waxaa sidoo kale inta ay socdeen howl-galladan oo soo billowday bishii hore lagu soo qab-qabtay rag kala duwan oo dhac ka geysanayey xaafado ka tirsan Muqdisho. Si kastaba howl-galladan ayaa qeyb ka ah u diyaar garowga doorashooyinka ka dhacaya dalka oo isugu jira mida baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha intaba. The post Howl-gal culus oo markale laga fuliyey MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  10. Cudur la garan waayay oo Haleelay diblumaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Dalka Austria. Caasimadda Vienna ayaa ah xarunta sirddoonka iyo arrimaha diblumaasiyadda Dowladda Mareykanka ayaa baareysaa xaalado caafimaad darro ah oo soo wajahday diblumaasiyiinteeda iyo shaqaalaheeda ku sugan caasimadda Austria ee Vienna. In ka badan 20 sarkaal ayaa lagu soo warramay in lagu arkay calaamado la garan waayay oo u eg xanuunno la garan waayay oo maskaxda ku dhaca tan iyo markii uu xilka qabtay Biden bishii January. Xanuunkan ayaanan wax faahfaahin ah laga bixin balse seynisyahanada waxay sheegayaan in uu sababay shucaaca ka dhasha qalabka wax lagu kululeysto. Xanuun noocan ah waxaa lagu arkay dalka Cuba sanadihii 2016-2017. Diblumaasiyiin Amerikaan iyo Canadian oo ku sugnaa caasimadda cuba ee Havana ayaa ka cawday xannuuno ay kamid yihiin wareer, maqalka oo ka luma iyo daal. Mareykanka wuxuu ku eedeeyay Cuba in ‘dhawaaq xooggan ay ku furtay diblumaasiyiintiisa’ halka Cuba ay beenisay eedeymahaas, waxay arrintaas horseeday in cirka ay isku shareerto xiisadda ka dhex taagan labada dal. Qaran News
  11. Dawlada Saudi Arabia oo shaacisay inya Goobaha Ganacsigu furnaan karaan xilliyada salaadaha Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu oggolaatay ganacsiyada in ay furnaan karaan xilliyada la tukado shanta salaadooda. Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017-kii waxa uu sameeyay isbadallo ballaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah kuwaasi oo lagu doonayo in lagu yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee saliidda. “Dukaamada iyo ganacsiyada kale ayaa sii furnaan doona maalinta oo dhan iyo gaar ahaan xilliyada salaadaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Rugta Ganacsiga ee dalkaasi. Go’aankan ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah faafista coronavirus waxaana looga gol leeyahay in laga fogaado “saxmadda iyo safafka dhaadheer ee albaabada dukaamada xiran xilliyada salaadda”. Sacuudiga ayay ka jirtay siyaasad ku qasbeysa dukaamada in ay xiraan xilliyada la tukanayo shanta salaadood ee waajibka ah taasi oo isku dar shaqaallaha ka jareysa laba saacadood, waana dalka kali ah ee dunida Muslimka ee ay ganacsiyada qassab ku ahayd in ay albaabada u xiraan xilliyada salaadda la tukado. Shuruucdan cusub ayaa meesha ka saaraya xayiraadihii oo ay xubnaha la-talinta ee golaha shuuradu ku sheegeen in dhaqaalaha Sacuudiga ay sanadkii uga lunto tobanaan bilyan oo riyaalka dalkaasi ah. Qaran News
  12. Dawladda Itoobiya oo Adis-ababa ku xidhay in ka badan 300 qof oo Laga shakiyey Booliska Itoobiya ayaa sheegay inay xireen in ka badan 300 qof oo lagu tuhunsan yahay inay taageerayeen jabhadda ka dagaallanta gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaas ee Tigray. Dadkan waxaa laga qabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Taliyaha booliska Getu Argaw ayaa sheegay in albaabada laisugu dhuftay goobo ganacsi oo laga shakiyay inay lahaayeen dadkan la qabtay. Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkan la xiray la garaacay isla markaana loo kaxeystay meel ka baxsan magaalada Addis Ababa. Mas’uuliyiinta waxay beeniyeen in la beegsanayo qowmiyadaha qaar. Ciidamo dhowr ah oo ka kala socda gobollada Itoobiya ayaa loo daabulay gobolka Tigray si ay dagaal ugu qaadaan jabhadda Tigray kuwaas maalmihii lasoo dhaafay qabsaday dhul badan. Qaran News
  13. Haweeney xijaaban oo taariikh dhigtay SARA GAMAL Sara Gamal is the first hijab-wearing woman to referee basketball at the Olympics Sara Gamal waxay haysataa rikoodh ah inay ka miro dhaliso hadafyo waaweyn. Sara waa injineer dhanka dhismaha oo reer Masar ah sidoo kale waa ciyaaryahan kubbadda koleyga waxayna haatan isku beddashay garsoore. Waxay qarka u saarantahay inay taariikh cusub dhigto. Waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horeysay ee xijaaban oo garsoore ka noqota ciyaaraha Olambikada. Intaas oo kaliya maahan, laakiin nooca kubbadda koleyga ee ay garsooraha ka tahay ayaa kulankiisii ​​ugu horreeyay ka dhicayo Tokyo bishaan Luulyo. Kubbadda koleyga ee nooceedu yahay 3×3 waxay dadka qaar u haystaan inay tahay nooca ugu caansan adduunka ee loo ciyaaro. Waxaa lagu qiyaasaa in 182 dal iyo in kabadan 430,000 ciyaartoy aduunka oo dhan ay ciyaaraan kubadda koleyga ee 3×3. Sara ayaa sidoo kale noqon doonta haweeneydii ugu horeysay oo Carab iyo Afrikaan ah oo garsoore ka noqota 3×3 kubbadda Koleyga. Sara Gamal ‘Dadaalkii ugu fiicnaa ee aan geliyay’ Sara waxay tiri ka qeyb galkayga Olambikada waa sida “riyada”. Fayraska corona ayaa shaki weyn geliyay in ciyaaraha ay dhici doonaan. “Waxaanu aad uga walwalsanayn inay dhici doonto iyo in kale, laakiin ugu dambeyn waa ay suurogashay.” “Qoyskayaga dhammaantood aad ayay ugu faraxsan yihiin guusha ay gabadhooda gaartay,” ayay tiri Sara. “Waa mas’uuliyad weyn markaad metelayso oo keliya naftaada, laakiin sidoo kale waxaa ka sii adag marka aad mataleyso Afrika iyo Carabta labadaba.” “Ma ahan wax fudud, laakiin waxaan doonayaa inaan wakiil fiican u noqdo iyaga, sidaas darteed waxaan u sameynayaa sida ugu fiican”. Sara waxay caan ku tahay hadalkeeda jilicsan iyo dhoola cadeynteeda. Waxay hadshay BBC-da saacado uun ka dib markii ay ku soo laabatay dalkeedii Masar iyada oo garsoore ka ahayd ciyaar kubbadda koleyga ah oo ka dhacday Romania. “Mar kasta oo aan guul gaaro oo aan u maleeyo inay tahay waxa ugu weyn, Eebbe wuxuu furaa fursad cusub oo xitaa ka sii weyn tii hore,” ayay igu tiri. Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxaa la ii magacaabay inaan dhexdhexaadiyo ciyaar nus-dhamaadka ah oo ka socota horyaalka Masar ragga. Taasi waxay ahayd guul kaligeed. Xilli ciyaareedkii hore Sara waxay sii waday dadaalkeeda oo xitaa markii ay garsooraha ka ahayd finalka Koobka Masar ee ragga ee Kubadda Koleyga Afrika. Kuwaasi waxay ahaayeen talaabooyin sumcad u ah aniga iyo dhamaan dumarka kale ee garsoorayaasha ah ee Masar jooga, maxaa yeelay waxay ahayd markii ugu horaysay ee haween garsoore ka noqoto finalka ragga ee dalka. Sara Gamal waa haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka mid noqotay garsoorayaasha ciyaaraha olimbikada Waddadii dheerayd ee aan soo maray Inkasta oo Sara ay guulo dhowaana gaadhay, haddana socdaalkeedii ay ku gaartay Olombikada wuxuu ahaa mid dheer. Waxay ku billaabatay iyadoo gabadh yar ah, waxay daawan jirtay walaasheed ka weyn oo ciyaareysa kubbadda koleyga isla markaana ku wehelinaysay kulammada tababarka. Iyada oo shan jir ah ayay Sara billowday ciyaarta, markii ay 15 jir ahaydna ciyaar ayay garsoore ka noqotay. Muddo sideed sano ah Sara waxay lab iyo dhadigba u ahayd garsoore. Waxay tiri go’aanka ah inaan iska daayo ciyaaridda kubadda koleyga oo aan diirada saaro garsooranimada waxay ka ka mid ahayd caqabadihii ugu waaweynaa ee soo food saara. “Ma ahan wax sahlan marka ugu horeyso arintan – waa inaad geesinimo sameysaa.” “Laakiin markaad wax aaminayso, waa inaad sidoo kale aamintaa haddii aad tillaabo qaaddo, inay shaqeynayso”. Hadda asxaabteeda shaqada ayaa ka mid ah kuwa ku faraxsan iyada. “Waxay daawadaan ciyaartayda dabcan wayna i taageeri doonaan ciyaaraha Olimbikada.” Sara says going to Tokyo is “a dream” Eebbe ayaa isahlay Sara ayaa sheegeysa in dhammaan guulahaasi oo dhan uu Alle u fududeeyay Dhamaan waxaas oo dhan, Sara waxay sheegaysaa in diinteeda ay aasaaska koobad u tahay guusheeda. “Waxaan rumeysanahay hadii aan sida ugu fiican ku sameeyo wax walba, in wanaagaasi uu dib igu soo laaban doono.” “Waan ducaystay oo waxaan iri,” Ilaahow igu caawi tartarnkan inuu ii noqdo mid fudud “. Sara waa garsoorahii ugu horeeyay ee FIBA ​​ee xijaaban oo heer caalami ah, kadib markii isbadel lagu sameeyay sharciga sanadkii 2017. “Ciyaartoyda qaar xitaa waxay dhahaan dharkeygu waa uu fiican yahay,” ayay tiri. “Way ila fiicantahay aniga inaan u furay waddo haween badanoo garsoorayaal ah.” Waxay sheegtay in haweenka garsoorayaasha ah ee dalkeeda jooga ay inta badan warqad u soo qoraan, iyagoo sheegaysa inaysan u maleynayn “inay fursad u heli karaan inay ka qeyb galaan tartamo waaweyn ama inay adduunka oo dhan u safraan”. “Waxaan u sheegay inay aniga iga fiicnaan karaan, “waxaad ku guuleysan kartaan himilooyinkiina oo dhan” “Waa sharaf weyn inay ka fekeraan mustaqbalkooda garsoore ayna arkaan haddii ay si adag u shaqeeyaan inay ku guuleysan karaan riyadooda.” Taasi waa waxa ay rabto in gabdhaha yar yar ee Muslimiinta ah ee daawanaya iyada oo adduunka ku baahsan ay ku hamiyeen guusheeda, maaddaama ay igu arkayaan Tokyo. Qaran News
  14. Toddoba maalin uun ayaa ka hartay doorashada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya sidaasi ay tahay ma jirto ififaalo arrimo doorasho la xiriira, oo waxaana fasax ku maqan kala-u-bar baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka halka Somaliland ay leeyihiin labo guddoon doorasho dadban, lana ogeyn goobta ay wax ku dooran doonaan iyo xataa cidda sugeysa amniga! Sida uu yahay qorshaha jadwalka doorashada 2021-ka, 25-ka bishan waxaa la filayey in Soomaaliya ka bilowdaan doorashada xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, lana doorto 54-ka kursi ee ka tirsan golahaas, laakiin weli ma jiro maamul bilaabay diiwaangelinta musharaxiinta ama habraacyo wax lagu dooran karo! Waxaa xusid mudan in labada baarlamaan ee Galmudug iyo Hirshabelle ayba hadda fasax yihiin, intooda badan xildhibaannada labadaas maamul maba joogaan xarumahooda, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ma joogo dalka, waxaa intaas dheer guddiga doorashada labadaas maamul ayaa ka maqan goobta doorashada, iyaga oo ka cabanaya miisaaniyad la’aan! Maamulka Jubbaland ayaa ah midka keliya ay sheegay in doorashada aqalka sare ku qaban karo waqtigeeda, laakinse lama oga sida arrinkaas uu ku xaqiijin karo Madoobe! Gobollada Waqooyi ama Somaliland waxaa ka jirta kala qeybsanaan xoog leh, xubnaha ay soo kala magacaabeen guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa kala jabay, iyada oo mid weliba uu doortay guddoon doorasho oo gaar ah, taasi oo ilaa hadda aanu xalin ra’isul wasaare Rooble! Sidoo kale 46-da odey ee doorashada aqalka sare ee Somaliland ayaan meel lagu sheegin, arrintan oo isu raadinta, tababarka iyo doorashada qaadan karto waqti dheer.! Kooxda guddoomiye Xaashi ayaa waxaa ay soojeediyeen in la mideeyo guddoonka doorashada, la sameeyo habraacyo oo doorashada labad aqal, in la isla meel dhigo goobta doorashada iyo cidda maamuleysa. Aqalka sare waxaa ay beelaha Soomaalida u kala leeyihiin sidan: Dir(14), Digil iyo Mirifle(8), Daarood(17), Mogadishu Clan(13) iyo beelaha laga tirada badan yahay oo leh labo xildhibaan. Doorashada aqalka saree e baarlamaanka Soomaaliya waxaa qeyb ka ah oo dooran doona ilaa 413 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaannada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo lagu daray 46 odey oo kasoo jeeda Somaliland. Doorashada aqalka sare ee BF waxaa ay ka dhici doontaa caasimadaha dowlad goboleedyada sida Garoowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo halka Somaliland ama reer waqooyi ay isku dooran doonaan caasimadda Muqdisho. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye, The post 7 maalin ka hor doorashada AQALKA SARE, astaamo aan wanaagsaneyn oo muuqda appeared first on Caasimada Online.
  15. Booliska Itoobiya ayaa sheegay in ay xireen in ka badan 300 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay taageerayeen jabhadda ka dagaallanta gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaas ee Tigray. Dadkan waxaa laga qabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Taliyaha booliska Getu Argaw ayaa sheegay in albaabada laisugu dhuftay goobo ganacsi oo laga shakiyay inay lahaayeen dadkan la qabtay. Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkan la xiray la garaacay isla markaana loo kaxeystay meel ka baxsan magaalada Addis Ababa. Mas’uuliyiinta waxay beeniyeen in la beegsanayo qowmiyadaha qaar. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo xirtay in ka badan 300 oo qof appeared first on Puntland Post.
  16. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydadka labo wiil oo walaalo ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay meydadkooda laga helay wabiga Shabelle ee mara magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Labada wiil ayaa shalay la waayey, xilli ay ku dabaalanayeen wabiga dhanka Kiliga Waraaballe ee xaafadda Howlwadaag , sida ay sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in haatan labadaas wiil meydadkooda laga helay dhinaca xaafadda Buunda-weyn oo ay geeyeen biyihii la tegay. Marxuuminta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Khaalid Nuur Cadow iyo Feysal Nuur Cadow, kuwaas oo maanta aas wadajir ah loogu sameeyey Beledweyne. Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa marar badan horey uga tegay qataraha lagala kulmi karo biyaha uu keeno wabiga Shabelle ama in loo dabaal-tego intaba. Si kastaba, wabiga Shabelle oo inta badan fatahaado ka geysta deegaanada HirShabelle ayaa hadane waxaa sidoo kale horey ugu geeriyooday dad u badan dhalinyaro, xilli ay ku dabaalanayeen halka qaarkood la helay meydadkooda, kuwa kalena dib looba waayey. The post Meydadka labo wiil oo laga helay magaalada Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  17. Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxa uu kulan kula qaatay Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug. Kulanka oo ahaa mid isxog-wareysi ah oo ay labada dhinac ku kala warqaadayeen ayaa Xubnaha Guddiga waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug warbixin ka siiyeen halka ay u mareyso xaaladaha arrimaha doorashooyinka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa dhankiisa kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran qabashada Doorasho hufan. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo la kulmay gudiga doorashooyinka heer Galmudug appeared first on Puntland Post.
  18. In spite of an agreement stating elections for Somaliland are to be held in Mogadishu, some analysts say the decision is far from fully agreed Somalia is rushing against time to resolve two critical issues on its electoral plan with polls scheduled to begin on July 25. Officials in Mogadishu were this week reconciling two ‘camps’ wrangling over who should lead the electoral teams for the northern regions of Somaliland. The ‘two’ camps are aligned to Deputy Prime Minister Mahdi Gulaid and Speaker of the Senate Abdi Hashi respectively after the two differed on who should chair the respective State Indirect Electoral Implementation Team [SIEIT] for Somaliland. Both Gulaid and Hashi are the senior-most Somaliland officials in the Federal Government. Somaliland claimed (unrecognised) independence from Somalia since 1993. As Hargeisa, the Somaliland capital, has refused anything to do with elections in Somalia, the election of representatives from the region often happens in Mogadishu, arranged by politicians, natives of the region. After surprise elections on Monday, an 11-member SIET team for Somaliland split into two, with one side voting for Khadar Harir Hussein as chairman and Ajib Hussein Samale as deputy. The seven comprised of four members appointed by Gulaid and three others appointed by the office of Prime Minister Mohamud Hussein Roble. Hours later, four members of the SIET who did not attend the polls decided to elect their own chairman, Sulayman Aidid Osman, and Abdishakur Abib Hayir as deputy. But under the majoritarian voting style for leaders of electoral teams, analysts indicated Gulaid’s team will carry the day for having more members voting than the group led by Hashi. “Hashi’s team was caught off guard by their members changing votes if not sides. They cried foul but the election will stick [for Hussein to lead the team],” said Adam Aw Hirsi, a political analyst. In spite of an agreement stating elections for Somaliland are to be held in Mogadishu, some analysts say the decision is far from agreed in principle. Abdi Ismail Samatar, a Somali academic admitted that venues will determine if the elections run smoothly. “The election of the northwesterners (from Somaliland) is not complete until it’s decided on where to hold the elections and the (common) leadership of the SIEIT,” he argued. Jubbaland factor Meanwhile, officials in Gedo are also scrambling to iron out wrangles in Gedo, Jubbaland on where to hold elections. As it is, each state is to give two venues for the election of representatives who will then travel to Mogadishu to vote for the president on October 10. Mr Roble had appointed a team in June to help reconcile communities in Gedo. They were in Garbaharrey, Gedo this week to meet elders and special interest groups. Much to Jubbaland President Ahmed Madobe’s dislike, the regional administration is openly pro-Farmaajo. Madobe’s Kismayu-based government controls Gedo as well. “Since Abdirashid Janan and his militia crossed over to Somalia and surrendered to Somali intelligence officials in March, there has been no political dispute within Gedo,” Hirsi said, referring to Jubbaland’s former interior minister initially blamed by Somalia for running a militia from Kenya before Mogadishu changed tune and pardoned him. Source: The East African The post Somalia to iron out Gedo, Somaliland polls bumps appeared first on Caasimada Online.
  19. Kumuu ahaa Captain Allan Gib (GIIB) sideese loo diley? Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama Giib? Maxaa dhacay markii la diley? Q.4aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia. Waxay inoo joogtey qaybtii saddexaad in ninkii dawladda ingiriiska uga wakiilka ahaa Burco markii dilka Giib dhacay uu sheegey in magaalada Burco la gubayo oo weliba dhibaatooyin badan loo geysanayo dadka dilka geystey. Haddaba, Sir Geoffrey Archer (Governor of British Somaliland October 1919 to 17 August 1922) ayaa isgaadhsiintii waqtigaas ee TELEGRAM kula xidhiidhey Sir Winston Churchill oo ahaa xoghayihii boqortooyada ingiriiska u qaabbilsanaa waddamada xukunka ingiriiska hoos yimaadda ama mustacmaradaha ingiriisku u taliyo, wuxuuna siiyey Report ku saabsan Shilka Burco ka dhacay ee dilka GIIB. Waxaa ku xusan qoraalka inuu ka (murugoonayo inuu u sheego war naxdin leh oo ah in isagoo meel buuq iyo rabsho cashuur diid ka jirto oo u dhaxaysa qabiilka reer Sugulle iyo Cuqaal qabiillo kale ah Giib la toogtey shalay (24 February 1922). Waxaa dabeeto Giib oo turjumaankiisii wataa uu u baxay meeshu buuqu ka jirey dabeeto askar ka tirsan ciidankii Camel Corps-ku ay isku dayeen iney ka joojiyaan Meesha oo u sheegaan in Meeshu khatar tahay laakiin uu ka madax-adaygay sidaasna niman ku hubeysan qoriga RIFLE ahi ku dileen. Qoraalkaas TELEGRAM wuu dheeryahay ee dulucdiisa ayaynu hoos usii geleynnaa waana in ARCHER oo la sheegay in reer burco u yaqaanneen CAARSHE oo ah magac somali ah uu dalbaday in labo dayuuradood oo kuwa wax duqeeya ah lagu soo gaadhsiiyo 14 cisho gudahood waayo wuxuu ku hawlannaa qorshe weyn oo ah in beesha wax dishey laga aargoosto. Wuxuuna kusoo xidhey codsigiisa isagoo soo jeediyay inay rabaan in dadka wax diley lagu xukumo 2500 Halaad (ogow qoraal horena 3000 Halaad baa ku xusnaa in lasoo jeediyey in lagu xukumo dadka diley ninkaas GIIB), isla markaas ay kusii labo jibbaaraan haddii ay bixin waayaan, weliba xoolahooda iyo dhul-daaqsimeedkooda ay ku RUSHEYN doonaan dayuuradaha. (Fine to be doubled in failure to comply with latter conditions and aeroplanes to be used to bomb stock on grazing grounds). Haddaba, xaajadu waxay kusoo ururtey dayuuradihii la dalbadey oo ah labo kana mid ah raxanta ROYAL AIR FORCE (RAF) ay CADAN kasoo duuleen oo ku dul duuleen dhulkii loo tuhmayey in dadkii dilka geystey u baxsadeen isla markaas BURCO inta dadkii laga saarey dabeeto la duqeeyey. Waxaa qoraalladaas ku xusan in qabaa-ilkii dilka geystey dabeeto ay oggolaadeen iney magta GIIB bixiyaan laakiin waxay ka madax-adaygeen oo diideen iney sheegeen raggii dilka GIIB geystey iyo iney soo gacan geliyaanba. Marka sheekadan qaybteeda qoraalka oo aad u dheer aan intan kusoo koobno waxaynu geleynnaa qaybaha danbe oo ku saabsan taariikhaha ODAY KASOO GAADH ama laga soo weriyey jiilkii saddexdaad ee kan immika jooga ka horreeyey, waan ku kalsoonahay in dad badan oo sheekadan DHEG KU MAAL ku haya lagasoo helayo SOMALILAND weliba Togdheer region. La soco qaybta shanaad…….. Halkani Ka Akhtiso Qaybtii 3’aad Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Loolanka guddiyada doorashada ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gobollada waqooyi, wuxuu banaanka usoo saaray Istaraatiijiyadda doorasho ee madaxweyne Farmaajo, oo isku dayaya in mar kale dib loo soo doorto. Farmaajo ayaa xoogga saaraya sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa maamulka doorasho ee xildhibaanada gobollada waqooyi, beelaha Banaadiriga, beesha Shanaad iyo kuwa beesha uu kasoo jeedo ee Gedo. Marka la isku geeyo xildhibaanada Farmaajo uu doonayo inuu gacantiisa kusoo saaro waxay ku dhow yihiin 120, hase yeeshee inay u codeyn doonaan marka uu saaro kadib, waa su’aal kale. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday wuxuu ku guuelystay inuu gacanta ku dhigo inta badan hoggaanka guddiyada doorashada ee ka shaqeynaya doorashada xildhibaanada, si ay ugu sahlanaato in lasoo doorto xildhibaano taageersan. Guddiga doorashada xildhibaanada waqooyi ayaa waxaa Farmaajo uga wakiil ah Mahdi Guuleed, oo si sharci-darro ku qabtay doorasho hoggaan loogu doortay garabkiisa, ayada oo lagala dhuunto garabka guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, oo iyagana guddoon kale doortay. Farmaajo ayaa rumeysan inuu 90% xildhibaannada ka imaanaya Somaliland ee lagu dooranayo Muqdisho uu isagu soo saaran karo, codkoodana heli karo, waana taas sababta toddoba ka mid ah 11-ka xubnood ee guddiga doorashada ee xildhibaanada waqooyi ay u yihiin taageerayaashiisa, Qorshaha Farmaajo ayaa ah in meesha laga saaro siyaasiyiinta waayo aragga ah ee Somaliland, ee aan la isku haleyn karin, taas beddelkeedna lasoo saaro dhallinyaro daacad ah oo laga keenay Somaliland, kuwaasi oo la dejiyey hoteellada Muqdisho. Farmaajo ayaa doonaya in ugu yaraan 50 ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee beesha Direed uu isaga soo xusho. Farmaajo ayaa sidoo kale rumeysan in xildhibaanada lagu dooranayo Garbahaarey, ee 16-ka ah ay wada noqon doonaan kuwa taabacsan, isaga dagaal adag u galay in magaaladaas ay degto beeshiisa doorasho lagu qabto. Villa Somalia ayaa sidoo kale ahmiyad weyn siisay guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada Banaadriga, oo ka yimid dhinaceeda. Waxaa qorshuhu yahay in shanta xildhibaan ee Banaadiriga ay gebigood noqdaan kuwa ka socda dhanka madaxtooyada. Sidoo kale, xildhibaanada beesha Shanaad oo lagu soo kala doorasnayo HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la rumeysan yahay in intooda badan ay u gacan geli doonaan Farmaajo. Xildhibaannadan ayaa badankood iminkaba taageera Farmaajo, waxaana ka mid ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamed Cumar Dalxa, iyo xubno kale, umana baahna Farmaajo inuu soo saaro kuwa cusub ee wuxuu ku dadaalayaa in ayaga ay dib usoo laabtaan. Halka uu Farmaajo ka filayo xildhibaanada ugu badan ayaa ah doorashada ka dhaceysa Koonfur Galbeed, oo uu maamulayo madaxweyne goboleedka kaliya ee 100% daacadda u ah Farmaajo. Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu soo dooranaya xildhibaanada ugu badan oo gaaraya 77, waxaana qorshuhu Farmaajo uu yahay inuu xaqiijiyo in ugu yaraan 50 mid ah ay noqdaan taageerayaashiisa. Marka la isku geeyo, Farmaajo wuxuu ku rajo weyn yahay in ugu yaraan 120 ka mid ah xildhibaanada cusub ay noqdaan taageerayaashiisa, hase yeeshee taasi kama dhigna in 120 ay isaga u wada codeyn doonaan, sida aan ka barangay doorashooyinkii hore, waase billow fiican. Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo. The post Qorshaha FARMAAJO uu gacanta ugu dhigayo 120 ka mid ah xildhibaanada cusub appeared first on Caasimada Online.
  21. Dowladda Soomaaliya ay si adag uga hor timid warbixin ay soo saareen guddiga madaxa banaan ee qiimeynta midawga Afrika. Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa sheegay in dowladda ay si adag uga soo horheeddo warbixinta ay soo saareen guddiga. “Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya kulan ka yeelatay warbixintaas,waxa ayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu. Warka ka soo baxay xukuumadda ayaa sidoo kale waxa intaas la sii raaciyay in ay dowladda warbixin rasmi ah ka soo saareyso warka ka soo yeeray guddiga oo lagu sheegay in soomaaliya afartii sano ee la soo dhaafay ay wax horumar ah sameynin oo ay lugaha kula jirtay qalalaaso. “DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira”, ayuu intaas hadalkiisa sii raaciyay Afhayeen Mocalimuu. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah weriye sama-fale ah oo ka howlgala gobollada waqooyi ee Somaliland ayey saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyntiisu aad ugu faaftay baraha bulshada, kadib markii uu xalay u istaagi diiday astaanta calanka Somaliland. Cabdimaalik Coldoon oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa ka jawaabay sababta uu ugu istaagi waayey heesta calanka Somaliland, markii laga yeeriyey munaasabad lagu soo bandhigayey Buug uu qoray Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi. Sawirka Cabdimaalik oo fadhiya iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay munaasabadaas oo u istaagay astaanta calanka ayaa aad loogu faafiyey baraha bulshada, waxayna dadka badankood tallaabadaas ku macneeyeen in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn calanka Somaliland. “Wax kasta oo aan qabaneyno waa in aan u eegno waxa ay ka qabto diinteena Islaamka, laakiin aanaa ka eegin dadku saas ayey sameeyeene aan ku daysano, anigu waxa aan ku dhaqmay waxa aan ka fahmay diinteena Islaamka, waxaana diinteena ka fahmay in Khushuuca uu Ilaahey iska leeyahay,” ayuu yiri Cabdimaalik Coldoon. Sidoo kale Coldoon ayaa sheegay in calan ama cid kale aysan u qalmin in loo Khushuuco, “Waxaan ugu istaagi diiday cabsi aan nafteyda uga baqayey in aan ku dhaco wixii ilaahey iga reebay, taxadar ayey iga aheyd, waana in bulshadu ay ku baraarugto arrintaan,” ayuu yiri. Mar wax laga weydiiyey guuxa bulshada ee ah in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn jiritaanka calanka Somaliland ayuu ku jawaabay, “Maya calamadu waa isugu keymid, ma jiro calan aan u istaagi lahaa, Ilaahey dartiis ayaan wax u naceynaa, ilaahey dartiis ayaan wax u jeclaaneynaa,” ayuu yiri Cabdimaalik Coldoon. Hoos ka daawo The post Daawo: Dood ka dhalatay Coldoon oo u istaagi waayey calanka Somaliland iyo jawaabtii uu ka bixiyey appeared first on Caasimada Online.
  23. How can one explain the motivations of Abiy Ahmed, the Ethiopian Prime Minister, who in 2020 launched a war against Tigray one year after he won the Nobel Peace Prize? Abiy Ahmed reversed this decision a few weeks ago when he claimed that Ethiopian National Defence Forces had withdrawn from Tigray only to mobilise ethnic regional forces for a second round of a civil war against Tigrayans. This time his justification for the war is that TPLF “is recruiting children for the war.” What is well-documented is the demonsisation campaign against Tigray on top of ethnic profiling expressly targetted against Tigrayans. In 2019 Abiy Ahmed won the Nobel Peace Prize over a peace agreement with Eritrea. Ethiopia invited Eritrean forces to attack Tigray, a decision that forced TPLF to retreat into the mountainous areas. The catalogue of warmongering decisions and human rights violations under Abiy Ahmed’s watch is too much to list. What is happening in Ethiopia now is reminiscent of what was happening in Rwanda in 1994. Sovereignty should never be a bulwark when the state resorts to persecution of its citizens on the basis of their identity or political conviction. An Unknown Quantity Abiy Ahmed is no longer the reformist leader whose plan to reconfigure the Ethiopian federal system have won plaudits from Professor Mohamud Mamdani and Ellen Johnson Sirleaf, the former Liberian President. All of a sudden he has become an unknown quantity even to countries that subtly promoted his agenda. In 2019 America viewed Abiy Ahmed as the leader who could terminate the developmental state that transformed Ethiopia into an economic powerhouse in Africa. Professor Francis Fukuyama gave a lecture at a university in Addis Ababa two years ago, to coincide with the thirtieth anniversary of his book The End of History. Under Abiy Ahmed and his Prosperity Party, Ethiopia is closer to Russia, sparking the fear that Ethiopia might become a Russian sphere of influence in northeast Africa. There is a conundrum with which peace scholars are grappling: why did Abiy Ahmed make a pact with Eritrea to authorise invasion of his country by Eritrean forces although he won the Nobel Peace Prize over the peace agreement with Asmara? It is a question peace studies scholars might research. By Adan Essa Hussein The post Abiy Ahmed Desecrated the Nobel Peace Prize appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor timid warbixin uu soo saaray Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika taasoo looga hadlay xaladda siyaasadeed ee afartii sano ee dalku uu hoos joogay taliska Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Kulan ay yeeshen Golaha Wasiirada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ayaa laga soo saaray in Dowladda Soomaaliya ay si hordhac ah u diiday natiijada warbixinta loo gudbiyey Midowga Afrika. “Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya kulan ka yeelatay warbixintaas, waxa ayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira,” ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Sida xogta sheegeyso warbixinta ay soo saari rabto Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu sheego in warbixinta kasoo baxday Midowga Afrika ay tahay mid ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya isla markaasna aan lagala tashan Dowladda Soomaaliya. Warbixinta ay Dowladda Soomaaliya ka carootay ayaa waxaa lasoo saaray Bishii May ee sanadkaan, waxaana loo gudbiyey Midowga Afrika iyadoo looga hadlay amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dhanka siyaasadda gashay qalalaase iyo heshiis la’aan afartii sano ee uu madaxweynaha dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in qalalaasaha siyaasadeed iyo heshiis la’aanta doorashada uu Soomaaliya u horseeday amniga darro iyo dagaal. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn inay amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo wax ka badan 10 sano, iyadoo arrintaan sabab looga dhigay inaan la fulin heshiisyadii aniga iyo dhismaha ciidamada Qaranka. The post DF oo ka carootay warbixin Midowga Afrika uu kasoo saaray afartii sano ee Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  25. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID ayaa xubinimadii iyo xilkiiba ka qaaday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID kadib markii isaga iyo xildhibaanu uu hogaaminaya isbahaysi la samaysten xisbiga KULMIYE. Qodax ayaa xisbiga laga saaray kadib markii isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayaa ka baxeen isbahaysigi mucaaradka iyagoo Kulmiye kula heshiiyay isbahaysi siyaasadeed. Afhayeen u hadlay xisbiga UCID, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in Qodax laga caydhiyay xisbiga UCID. “Xisbigu wuxuu xilkii ka qaaday xogeeye ku xigeenkii xisbiga Qodax, isagoo u cuskaday qodobka 7aad farqadisa 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 8aad” ayuu yidhi. Afhayeenka ayaa sheegay in Qodax iyo xildhibaanada uu hogaaminaya ay ku xad gudbeen wixii bulshadu ugu codaysay oo ah is badal. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID isla markaana waa xildhibaan kasoo baxay xisbiga UCID. Source