-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweymihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muuqaal soo duubay ayaa ka hadlay munaasabadda Ciidul-Adxa oo maanta Talaado ah ay ku beegan tahay maalintii koowaad oo si weyn loo Ciidayo. Ugu horreyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasadda Ciida u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo dalkana Alle uga baryey amni iyo horumar. “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidd Al-adxa. Waxaan Alle dalkeena uga baryayaa amni iyo horumar,” ayuu yiri. Dhinaca kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo heshiiska laga gaaray. Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya waxa dhibaatada u keenay ay tahay fulin la’aanta wixii lagu heshiiyey, sidaas daraateedna wuxuu ku baaqay in wax weliba loo fuliyo, sida ay tahay, si looga gaashaanto khilaaf horleh oo yimaada. “Iyada oo shalay aan soo heshiinay Maanta wixii lagu heshiiyay in si kale aan ula dhaqano waa waxa mudada dheer aan dhibaatada ugu jirno, marka waxaan ku baqayaa in wax walba sida ay yihiin loo fuliyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo halkiisii uu yahay heshiiska doorashooyinka ee ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & G/Banaadir. Si kastaba Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, iyada oo haatan lagu wado in la guda-galo doorashada, iyada oo lagu hormarayo soo xilista xildhibaanada. The post Xasan oo war cusub kasoo saaray heshiiska doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxo Burcad hubeysan ah ayaa xalay magaalada CapeTown ee waddanka Koonfur Afrika ay dil, dhaawac iyo Boob hantiyadeed ay u geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed. Alle ha u naxariistee Axmed Macalin Jimcaale, ayaa dhintay halka Walaalkiis ka weyn ee Maxamed Macalin Jimcaale uu dhaawac yahay, kadib markii ay Kooxo hubaysani weerar ku galeen dukaan ay ku lahaayeen Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town. Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka weerarka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii lagu heli lahaa Burcadii ka dambeeysay dilkaas. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana todobaadkii hore rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas lagu dilay ilaa Afar Dhalinyaro Soomaali ah. PUNTLAND POST The post Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu gaystay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya ururada Is-xilqaamayaasha Gobolka ayaa xalay shaqo bilic soo celin ah ka qabtay Laamiga isku xira labada dhinac ee Gaalkacyo. Saraakiisha iyo Is-xilqaamayaasha ayaa ku guulaystay in ay nadiifin ku sameeyaan Laamiga weyn islamarkaana ka qaadaan qashin badan oo daadsanaa dhinacyada Laamiga. Sidoo kale waxay shacabka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada Gaalkacyo. Tallaabadan ayaa ku soo aadday xilli ay ku beegantahay maalinta kowaad ee Ciidda Carafo. PUNTLAND POST The post Shaqa bilic soo celin ah oo xalay laga sameeyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Qarax khasaare badan dhaliyay, ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda waddanka Ciraaq, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas. Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo laga iibsanayay dharka ciidda. Dadka ku dhintay qaraxaas ayaa u badnaa qoysas u diyaar-garoobayay dabaal-degga ciidda Carrafo oo ku beegan Talaadada maanta ah. Kooxda Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo dowladda waddanka Ciraaq aysan weli war rasmiya ka soo saarin khasaaraha qaraxaas. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Ciraaq appeared first on Puntland Post.
-
Eid al-Adha, Arabic for Festival of the Sacrifice, is the latter of the two official holidays celebrated within Islam (the other being Eid al-Fitr). It honours the willingness of Abraham to sacrifice his son Ishmael as an act of obedience to God's command. Source: Hiiraan Online
-
This week, Muslims around the world will finally be able to debut their finest abayas, salwar kameezes, kaftans and thobes they've been saving in the backs of their closets for three pandemic Eids. For a growing number who have rethought their fashion choices during that time, those glitzy, intricately woven pieces will be more sustainable. Source: Hiiraan Online
-
Dhammaan dunida muslimka iyo dalalka ay ku nool yihiin dadka muslimiinta, ayaa maanta looga dabaal-degaya munaasabadda Ciidda Carrafo. Inkastoo saacadaha wakhtigu kala duwan yihiin daafaha dunida, haddana si isku mid ah ayaa muslimiintu ugu dabbaal-degayaan munaasabadda Ciidda. Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga xusayo munaasabadda Ciidda Carrafo, iyadoo dadweynuhu Salaadda ciidda ku oogeen guryaha iyo masaajidda. Ciidda Carrafo ayaa sannadkan ku soo beegmatay iyadoo hoos u dhac laga dareemayo heerka xanuunka COVID-19 ee gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dunida muslimka oo maanta looga dabaal-degayo Ciidda Carrafo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa cod cusub oo uu soo duubay, oo lagu soo beegay munaasabadda ciidda, kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan. Abu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku macneeyey inay ka tarjumeyso sida “shisheeyaha ay dalka u haystaan iyo in amarradooda lagu maamulo.” Waxa uu madaxda dalka hadda maamula iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sidoo kale weerar culus ku qaaday hay’adda culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu yeeray “culumaa’u suuq faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciyaaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka, oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Allah.” Abu Cubeyda ayaa culimada dusha ka saaray xukun ah inay diinta ka baxeen, kana mid yihiin caqabadaha Soomaaliya heysta, sida uu hadalka u dhigay. Abu Cubeydah ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaalida, isaga oo sheegay in warbaahinta ay u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimqoraadiga ah, oo xaqiiqda ay qariyaan, sida uu hadalka u dhigay. Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya. “Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri. “Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.” Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto. The post Amiirka Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saaray doorashada, weerarna ku qaaday dhinacyo badan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey 16-kii bishii hore. Ikraan waxay ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxaana isisoo taraya tuhunka la xariira in gabadhaas ay ku maqan tahay gacanta saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya. Ikraan waxay kaamiraduhu qabteen, iyadoo gaari sii raaceysa markii cid ugu war dambeysay. Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela beesha ay u dhalatay Ikraan oo la hadashay TV-ga Universal ayaa sheegay in Ikraan ay reerkeeda u sheegtay inuu jiro sarkaal ka tirsan NISA oo u hanjabay, islamarkaana ay qorsheyneysay inay dalka isaga baxdo. “Gabadhu NISA ayey la shaqeyneysay, waxaa markii hore shaqaaleysiiyey Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe, tuhumada la qabana waxaa ka mid ah in gabadhaan ay xog badan ka heysay qaabkii loo qaaday ciidanka la qeysan yahay ee Eritrea ku maqan, waa dhici kartaa in waxyaabo noocaas ah gabadha loo heysto,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed. Xildhibaan Aamina oo sii hadlaysay ayaa tiri, “Waxaa jirtay in gabdhu ay wacday ehelkeeda qaar oo ay u sheegtay inuu handaday sarkaal la yaqaano, ayna rabtay inay dalka isaga baxdo, sarkaalkaas magaciisa gabadhu waa sheegtay, waana sheegi doonaa markii loo baahdo cadeyn.” Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in gaarigii gabadha ka qaaday Taliska NISA uu watay nin darawal u ah Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir. “Markii aan u tagnay mas’uuliyiinta hey’adda Nabad sugidda waxay na dheheen kiiska gabadha waan baareynaa, hadii ay baarayaan waxaa la rabay inay wiilkaas soo xiraan oo asaga la weydiiyo gabadhii meesha uu geeyey, anaga waxaan xaqiijineynaa in wiilkaas uu yahay darawalka taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, asagaana la weydiinayaa gabadha oo dad ugu war dambeeyey, hadii shakhsiyan uu gabadha u heysto ama hey’adda uu meel u geeyey, isagaa laga rabaa inuu meel ku sheego gabadhii,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Aamina oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela gabadha maqan ee Ikraan. Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xogta ay bixisay xildhibaan Aamina. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan Aamina oo xog cusub ka bixisay kiiska Ikraan Tahliil iyo sarkaal lagu tuhmayo appeared first on Caasimada Online.
-
The Department of Homeland Security (DHS) on Monday re-designated Somalia in the Temporary Protected Status (TPS) program, which allows some Somalis in the United States to work and live in the country. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee sharciga aan ku lahayn Maraykanka 18 bilood lagu kordhiyey waqtiga ay sii joogi karaan waddankan. Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inuu yahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay. Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS). Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabanaya bisha soo socota ee September 18-keeda 2021, waxayna ku egtay bisha March 17-keeda sannadkan 2023. Waxa uu sheegay xoghayuhu in tallaabadan cusub ay dawladda Maraykanka u saamaxayso inay gabbaab siiso dadka Soomaalida ah ee aan ku laaban karin dalkooda colaadda taagan iyo xaaladda bani’aadannimo darteed. “Waxaan sii wadi doonaa inaan gargaar siino muwaadiniinta Soomaalida ah muddadan ku meelgaarka ah ee loo eegayo dhinaca bani’aadannimada,” ayuu yiri Xoghaye Alejandro Mayorkas. Joogitaankan ku meel-gaarka ah ayaa la siiyaa dadka sharciga aan ku lahayn Maraykanka iyo kuwa waayey sharciga balse aan ku laaban karin waddamadii ay ka yimaadeen. Xoghayaha ayaa sheegay inuu gaaray go’aankan kadib markii wadatashi uu la sameeyey hay’adaha kala duwan ee Maryaknaka, si taxaddar lehna uu u dersay colaadda iyo xaalada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka mid yihiin soddon sano oo colaado ah, cudurro, masiibooyin daaiici ah iyo qalalaasaha dhinaca bani’aadannimada. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhwaan la kulantay gacan ka hadal kordhay, abaar, fatahaado oo biirsaday cunno yarida, barakaca iyo xanuunka Covid-19. Waxa uu sheegya in tallaabadan ay u oggolaanayso ilaa 447 qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Maarso 17, 2023 haddii ay fuliyaan shuruudaha laga doonayo. Waxaa sidoo kale uu sheegay in go’aanka Soomaaliya loogu asteeyey inay tahay waddan dhibaato ka taagan tahay ay ka faa’iidayaan dad lagu qiyaasay 100 qof oo Soomaali ah ama shaqsiyaad aan dhalasho haysan laakiin markii ugu dambaysay ku noolaa Soomaaliya. Xigasho: VOA The post Mareykanka oo go’aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sugayeen Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Addis Ababa)-Waxaa jira astaamo muujinaya in dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya uu sii fidayo, iyadoo iska horimaadyo laga soo sheegayo gobolka Canfarta ee dariska la ah. Dowlada ayaa ku eedeysay fallaagada inay weeraraan dadka rayidka ah ayna xannibayaan gargaarka inkastoo ay gaashaanka u daruureen eedeyntaasi waxayna sheegayaan in ay bartilmaameedsanayaan maleeshiyaadka xulafada la ah Dowladda Itoobiya. Suuragal ma ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo faahfaahinta isku dhaca ama tirada dhimashada. Wadooyin badan oo gala gobolka Tigreega ayaa haatan gebi ahaanba la xidhay. Weriyaasha ayaa sheegaya in gobolka Canfarta uu noqday mid muhiim u ah isku xirka gargaarka ee gobolka, halkaasoo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan gaajo aad u daran. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi ay ka duubtay Naftii-haligihii fuliyey weerarkii maalintii jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne, kaasi oo lagu shaaciyey magaciisa iyo beesha uu kasoo jeedo. Ninka fuliyey weerarka naf-halig-nimada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdullaahi Cabdiqaadir oo loo garan og-yahay “Shaakir”, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Tuni, gaar ahaan Xajuubo, sida uu sheegay. Shaakir ayaa sheegay intii uu socday wareysiga laga qaaday ka hor inta uu is-qarxin inuu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray 2018-kii, wuxuuna sheegay inuu ugu soo biiray si uu ula Jihaado gaalada kusoo duushay dalka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay ku dhinteen 7 ka tirsan ciidamada dowlada, halka ay 8-deed kale ku dhaawacmeen iyo bur-burinta gawaaridii ay wateen ciidamada dowladda. Marka laga imaado sheegashada Shabaab ee khasaaraha ka dhashay weerarka is-miidaaminta ah, waxay dowladda hore u shaacisay in uu qasaare geysan qaraxaas. Ciidamada dowladda ayaa ka hortagay weerarkaas kadib markii ay toogteen wadihii gaariga waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay, oo ahaa naftii-haligaha ay wareysigiisa baahisay warbaahinta Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey weerarkii Bacaadweyne appeared first on Caasimada Online.
-
SHIR-GUDOONKA GOLAHA WAKIILADA EE LOOLANKA LOOGU JIRO , HABKA LOO DOORANAYO IYO SHAQADIISA Shirgudoonka golaha wakiiladu waa saddex xubnood oo kala ah 1- Gudoomiye , 2- Gudoomiye ku xigeen 1aad 3- Gudoomiye ku xigeenka 2 aad , caalamka waxa looga yaqaanaa ( House Speaker ) . Marka ay golaha soo hor-fadhiyaan waxa dhexda fadhiya Gudoomiyaha, dhinaciisa midig waxa fadhiisanaya ku xigeenka 1aad , dhinaciisa bidixna ku-xigeenka labaad. Maamuuskiisa heer qaran waa qofka leh maamuuska 4aad , waxaa maamuuska 1aad ee qaranka leh madaxweynaha, maamuuska 2 aad ee qarankana waxa leh madaxwayne ku xigeenka , maamuuska 3aad ee qaranka waxa leh gudoomiyaha guurtida jamhuuriyada Somaliland, maamuuska 4 aad ee qaranka waxa leh gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland. Shaqadiisu waa shirgudoominta kalfadhiyada golaha wakiilada, hadii gudoomiyuhu maqan yahay, waxa golaha shirgudoominaya gudoomiye ku-xigeenka 1aad , hadii labadaasiba maqan yihiin waxa gudoominaya kalfadhiga gudoomiye ku-xigeenka 2aad. Marka mooshinada kalfadhiyada loo codeynayo Gudoomiyuhu oo ah shir-gudoonku cod malaha , laakiin labada gudoomiye ku xigeen waxa ay leeyihiin cod , golaha codkiisuna waa gacan taag. Kalfadhiga koowaad ee golaha wakiilada waxa isugu yeeshaya madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabma maalinta lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee golaha wakiilada sida ku cad; Qodobka 44naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland qaybta 1aad , qaybta 2aad waxa uu sheegayaa hadii madaxweynuhu isugu yeedhi waayo golaha ayaa iskii u kulmaya maalinta 45 aad laga soo bilaabo mudadii natiijada , qaybta 3aad golaha cusub waxa furaya gudoomiyaha maxkamada sare oo dhaarinaya xubnaha golaha, ka dib xubinta ugu da’da weyn ayaa shir-gudoominaya golaha oo iska dhex dooran doona gudoomiye iyo laba gudoomiye ku-xigeen. Sida ku cad qodobka 45naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 3aad , go’aamada golaha wakiiladu waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri tirada golaha joogta markaa oo ah aqlabiyad fudud ( Simple Majority) , marka laga reebo xaaladaha dastuurka ama xeer hoosaadka goluhu sheego aqlabiyad kale. LOOLANKA AXSAABTA SIYAASADA JAMHUURIYADA SOMALILAND UGU JIRAAN SHIR-GUDOONKA. Doorashadii ka dhacday dalka jamhuuriyada Somaliland 31-05-2021 waxaa lagu doortay 82 xubnood oo noqonaya xildhibaanada golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland maalinta la dhaariyo , waxaana ay sadexda xisbi qaran u kala heleen sida tan; 1- Kulmiye 30 Xubnood 2- Waddani 31 Xubnood 3- Ucid 21 Xubnood . 7 June 2021 waxaa shirkii koowaad oo isbahaysi siyaasadeed ah galay xisbiyada Waddani iyo Ucid oo ujeedkiisu ahaa sidii mayerada dalka ee degmooyinka jamhuuriyada Somaliland mucaaridku u heli lahaa iyo waliba sidii ay shir-gudoonka golaha wakiilada u hantiyi lahaayeen. 22 June 2021 waxaa shir-gudoonka golaha wakiilada sadex Xubnood u soo xulay labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo xubnaha axsaabtooda ka soo baxday ay isku yihiin 52 Xubnood oo ahayd 64% xubnaha golaha wakiilada , gudoomiyaha oo ah Waddani iyo labada ku xigeen oo xisbiga Ucid ah. 17 July 2021 ayaa waxaa sameysmay isbahaysi kale oo ay galeen qayb ka mid ah xubnihii xisbiga Ucid oo 10 ah iyo hogaanka xisbiga Ucid oo ay ka mid ahaayeen Murashaxii madaxwayne ku-xigeenka xisbiga Ucid , ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga , xoghaye ku xigeenkii guud iyo xoghayihii hore ee arimaha gudaha oo xisbiga kulmiye la sameeyey xulafo. Waxaana xulfigan siyaasadeed oo noqday is-bahaysi kale loogu heshiiyey in uu gudoomiyaha golaha wakiilada qaato xisbiga kulmiye, labada ku xigeena ay qaataan xisbiga Ucid, marka tiradii la kala haystay lagu noqdo oo ahayd mucaaridka oo hore u ahaa 52 -10 = 42 hadda , halka Muxaafidka oo hore u haystay 30 + 10 = 40 hadda haystaan. Wali waxa aqlabiyadii haysta labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo leh 42 Xubnood, halka uu xisbiga muxaafidka ah iyo qayb ka mid ah xisbiga Ucid yihiin 40 Xubnood, ilaa hadda waxa socda loolan adag oo aan la saadaalin karin labada shir-gudoon ka guuleysan doona, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda madaxweynuhu isugu yeedho golaha. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo. “Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo fariin u diray dadkii sanadkan qorshaynayey gudashada rukniga xajka appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa amray in diyaarado rakaab siday oo ka baxay Muqdisho saaka, oo ay lahaayeen shirkadaha Haala Airline iyo Blue Sky, inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimadeen ee garoonka Muqdisho xilli ay doonayeen inay ku dagaan Garoonka Shaati Gaduud. Muqtaar Xaamud, xoghayaha AOC, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in diyaaraha Haala Airline iyo Blue Sky oo saakay ka duulay magaaladda Muqdisho marka ay gaareen Baydhabo lagu wargaliyay inaysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo ayna dib uga soo noqdeen magaaladda Muqdisho, iyaga oo sida rakaabkii Baydhabo. Sidoo kale, madaxa Suuq geynta shirkadda Blue Sky Axmed Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadweynihii rakaabka ahaa ee ka tegi lahaa Muqdisho iyo kuwii kasoo bixi lahaa magaalada Baydhaba ay ku xayirmen labada garoon. “Garoonka Baydhabo culays ayaa ka jira, aan caadi ahayn taas oo ah in wasaaradda gaaddiidka Koofur Galbeed in ay xanibaad ku soo rogtay diyaaraha Guddaha ee u kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo si ka duwan caasimadaha dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Muqtaar Xaamud. “Laba diyaaradood oo ka kacay Muqdisho Airporta oo ah diyaaradaha ka diiwaan gashan wasaaradda gaadiidka Soomaaliya, sidayna dad Soomaaliyeed, ayaa markii ay dultageen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay dagi lahaayeen ayaa lagu yiri ma dagi kartaane dib u laabta marka culayskaas ayaa jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Sababta ka dambaysa in diyaaradaha la soo celiyo ayuu ku qeexay in wasaaradda gaadiidka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in garoonka diyaaraha magaaladda Baydhabo maalinkii loo ogolyahay hal diyaarad oo rakaab ah “taas oo shacabku dhibaato ku qabaan”. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed uu xayiraad kusoo rogay musharixiinta xildhibaannada ah ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka oo aan loo ogoleyn inay tagaan Baydhaba, taasoo halis gelineysa Doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamulkaasi. The post Laba diyaarad oo ka tegay Muqdisho oo loo diiday inay ka dagaan Baydhaba + Sababta appeared first on Caasimada Online.