-
Content Count
211,853 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo shalay ka dhacay degmada Kaxda, kaas oo lala beegsaday koox dhalinyaro ah oo adeegsata aaladda TikTok, kuwaas oo ku sugnaa dalcadda Kaxda xilli ay halkaas ku duubayeen muuqaal cusub. Qaraxa ayaa dhacay xilli ay dhalinyaradu duubista muuqaal cusub guda jireen. ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxa. dadka dhaawacmay qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo culus sida Gabadh ay labada Lugood meesha uga go’een. Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan ballaaran oo lagu raadinayo cidda ka dambeysay weerarka, inkasta oo aan la heyn cid loo qabtay. Sidoo kale horay waxaa goobtaan uga dhacay Qarax lala beegsaday dhalinyarada TikTok isticmaasha. waxaa ka dhashay khasaare kala duwan. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacado ka hor ka dagey magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono masuuliyiinta dowladdaas. Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada tirsan ururrada Jaamacadda Carabta iyo iskaashiga Islaamka ayaa ah laba dal oo dano iyo duruufo badan wadaaga, markii la eego xaadaha ay hadda ku jiraan iyo sooyaalkii horeba. Xariirka walaalnimo, ilbaxnimo, iyo ganacsi ee labada shacab oo qarniyaal soo jiray ayaa horseeday iskaashi iyo xulufanimo jirid adag oo dowladahani ay lahaayeen taniyo markii ay madax-bannaanida kala qaateen gumeysteyaashii Yurub,balse xariirka tooska ah iyo shaqada safaaradaha ayaa hoos u dhacay xilligii adkaa ee labada dal ay wahayeen qalalaasaha siyaasadeed iyo dagaallada sokeeye. Taageerada Ciraaq ee Soomaaliya: Intii ay jireen dowladihii rayidka ahaa ilaa xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, Ciraaq waxay ka mid ahayd dowladihii Carabta ee taageeray Soomaaliya, gaar ahaan xagga tababarka ciidanka iyo waxbarashada, Arday badan oo Soomaaliyeed ayaana wax ka bartay jaamacadaha dalkaas, ayadoo sidoo Duuliyaal iyo saraakiil ciidan oo tayo lihi ay tababarro heer sare ah ku soo qaateen. Xaaladda Xiriirka Hadda Xiriirka labada dal ayaa hadda dib u soo kabanaya, iyadoo labada dhinac ay danaynayaan inay xiriirkaas dib u xoojiyaan, waxaana jiray kulamo diblomaasi ah iyo is-afgaradyo lagu ballan qaaday iskaashi dhinacyo badan leh oo taabanaya dhanka waxbarashada, ganacsiga, amniga, iyo Teknolojiyadda. Duruufaha ay wadaagaan Amni iyo Siyaasad: Labada dalba waxay la daalaa-dhacayaan caqabado amni iyo kuwa siyaasadeed oo saameyn ku leh xiriirkooda diblomaasi, waxayna laba dowladood ka simanyihiin ka soo kabashada burbur qaranimo, dagaallada sokeeye, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah. Si kastaba ha ahaatee Xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq wuxuu leeyahay saldhig taariikhi ah oo adag, waxaana la filayaa in mustaqbalka dhow uu sii xoogaysto, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, iyo diblomaasiyadda. Source: goobjoog.com
-
Garowe (PP News Desk) — The Information Minister of Puntland State of Somalia Mohamud Aideed Dirir has claimed that the leader of the Sool, Sanaag, Cayn and Khaatumo (SSCK) administration Abdulkadi Aw Ali had signed a resolution calling for military action against Jubaland State. “Aw Ali signed the resolution that sanctions waging war against Jubaland State,” said Aideed, who has been accused of “brazenly misquoting an article in the resolution issued by the National Consultative Council”. The cited article in the resolution reportedly tasks the Federal Minister of Interior with recommending measures to address the ongoing political deadlock over the Jubaland administration. Aideed further alleged that the SSCK leader had expressed an intention to include the Sanaag region within his administration. Meanwhile, Puntland President Said Abdullahi Deni recently appeared to support Somaliland’s secession. “Somaliland is free to look after its interests,” President Deni said in what seems to reflect irreconcilable political differences with the SSCK administration. The secessionist administration in Hargeisa has not responded to President Deni’s remarks. The statement by the Puntland Information Minister, shared on Daljir Radio website, comes in the wake of the SSCK administration attaining federal member state status, equal to that of Puntland. Puntland continues to support the legitimacy of the SSCK administration based on the Laascaanood Declaration of 6 February 2023, the day when Somaliland’s secessionist forces began shelling the administrative capital of Sool. Puntland Political Forum, the main opposition group in Puntland, has called for a grand conference to envision a second phase of state-building, as the 1998 Puntland Charter is considered defunct following the federal recognition of the SSCK administration. Last year, Jubaland President Ahmed Mohamed Islam withdrew from the National Consultative Council after disagreements over the harmonisation of federal and regional electoral plans. Although re-elected for another term as Jubaland President, he had, while a member of the Council, signed agreements that sidelined Puntland State, prompting Puntland in 2023 to announce a downgrading of its ties with the Federal Government of Somalia. Former Prime Ministers of the Federal Republic of Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharmarke and Dr Abdiweli Mohamed Ali, and King Burhan, the highest traditional authority of Darod clan, have welcomed the federal member status of the SSCK administration.” © Puntland Post, 2025 The post Puntland Information Minister Accused of “Misquoting” NCC Resolution on Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Beeraleyda Puntland ayaa wajahaya khasaare ba’an oo gaaraya 89% tacabkoodii qudaarta, gaar ahaan basasha oo ahayd dalagga ay si weyn ugu tiirsanaayeen kana heli jireen dakhliga ugu badan oo ay ku maareeyaan kharashaadka beertooda. Qiimaha basasha ayaa hoos u dhacay si aan horey loo arag, iyadoo halkii kiilo oo basasha ah oo horey ugu kacaysay $0.7 ilaa $1.2 ay hadda gaartay $0.25 ilaa $0.35. Hoos u dhacaas degdegga ah ayaa si toos ah u saameeyay dakhliga beeraleyda, kuwaas oo wakhtigan la daalaa dhacaya in ay iska bixiyaan kharashaadka beertooda iyo daymaha lagu leeyahay. Beeraleydu waxay sheegeen in sababta ugu weyn ee xaaladdan ay tahay basasha ka timaada Yemen oo si baahsan ugu soo qulqulaysa Puntland, gaar ahaan dekedda Bosaso oo ah meesha ugu dhaw ee ganacsatada Yemen isticmaalaan. Arrintan ayaa timid kadib markii Yemen laga mamnuucay in ay basasha u dhoofiso suuqyadii waaweynaa ee ay ku tiirsanayd sida Sucuudiga, Oman iyo Imaaraadka Carabta, taasoo keentay in basashii Yemen loo leexiyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Basasha ka timaada Yemen oo khasaare ba’an u geysatay beeraleyda degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka, Maxamed Baari Shire, ayaa kormeer ku tagay aagga laga dhisayo dekedda cusub ee dhoofka xoolaha iyo maxjarka casriga ah ee magaalada Boosaaso. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in dekaddan cusub, oo mustaqbalka laga hirgelinayo bariga dekedda weyn ee Boosaaso, ay noqon doonto xarun istiraatiiji ah oo xoolaha nool looga dhoofiyo Puntland, taas oo si weyn u kordhin doonta dakhliga gobolka, abuuri doonta fursado shaqo, islamarkaana xoojin doonta koboca dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, maxjarka cusub oo dhawaan xariga laga jari doono, oo ah xarun casri ah oo lagu baaro, daryeelo laguna naaxiyo xoolaha kahor dhoofkooda, ayaa door weyn ka qaadan doona hubinta tayada xoolaha loo dhoofinayo suuqyada caalamiga ah, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida beesha caalamka ee xoolaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kormeeray aag laga dhisayo deked cusub oo xoolaha laga dhoofiyo appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's embattled journalists are being swept up in an intensifying crackdown by security forces, with at least 41 media workers arrested, harassed, or intimidated since mid-March—a development rights groups warn amounts to a "war on the truth," and what the Committee to Protect Journalists (CPJ) has called an "alarming escalation" in attacks on the media. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayaa si adag uga jawaabay diidmada ka imaanaysa madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee doorashada qof iyo cod. Madaxweynaha ayaa marka hore sii adkeeyay in ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isagoo xusay in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay caasimadda uga socoto si habsami leh. Mucaaradka ayuu ku eedeeyay inay diidan yihiin hore u socdka dalka, isla markaana la aado nidaamka axsaabta, si dib loogu celiyo bulshada waxa ay xaqa u leeyihiin ee ah inay soo doortaan hoggaankooda. “Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey kuwii soo xushay kama faa’iidin, bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay in la isku dilayo haddii doorasha dadban la aado markale, uuna xalku ku jiro doorasho qof iyo cod. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, sida uu hadalka u dhigay Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka. “Siyaasiga dhahaya hal guuto oo ciidan dagaalami karto majirto ma Al-Shabaab ayuu taageerayaa, wuxuuse sii leeyahay Shabaab ayaa Muqdisho qabsan rabto, balaayo ayaa soo socota, anaga ma fahmin ula jeedkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah bayaan ay shalay soo saareen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ka biyo diiday sida uu madaxweynaha wax u wado iyo hanaanka doorasho ee aan loo dhameyn. Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyagu ku baaqay in la isugu yimaado wadatashi deg-deg ah oo laga soo qayb-gelinayo bulshada, kaas oo ay sheegeen in lagu samata-bixinayo dalka.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ee gobolka Nugaal ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu kufsi u gaystay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garoowe. Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir ayaa haatan lagu xiray saldhigga galbeed ee Garoowe, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in kufsiga uu dhacay habeenkii 11-ka May 2025, isla markaana labada gabdhood oo lagu xadgudbay laga helay bannaanka agagaarka xaafadda Booray ee magaaladaasi. “Falka kufsiga ayaa dhacay habeenkii 11-ka May 2025, abaare 4:00 habeenimo, agagaarka xaafadda Booray ee magaalada Garoowe. Labada gabdhood ee dhibbanayaasha ah ayaa laga helay bannaanka xaafaddaas iyadoo lagu xadgudbay, waxaana markiiba bilaabmay baaritaanno ay fuliyeen Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da Gobolka Nugaal” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Sidoo kale Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay gaari uu watay eedeysanahayoo lagu raad-jooga, maadaama la tuhunsanaa in falka lagu gaystay.. Waxaa sidoo kale la qabtay labo gaari oo kale oo la tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen falkaas isla markaasna uu adeegsaday. Puntland ayaa sidoo kale si adag u cambaareysay falkan kufsiga ah ee lagula kacay labada gabdhood oo kasoo jeedo qoys dan-yar ah, waxayna sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono dambiilayaasha. “Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareyneysaa falalka arxan darrada ah ee lagu beegsado carruurta iyo dadka nugul, waxayna caddeyneysaa in eedaysanayaashu ay wajihi doonaan caddaalada iyadoo loo marayo nidaamka garsoorka ee dalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Horay deegaannada Puntland, waxaa sidaan oo kale uga dhacay falal kufsi iyo dil isugu jiro, waxaana qaarkood go’aanno kasoo saaray maxkamadaha maamulkaasi, iyada oo weli ay muuqato in dhibaatada iyo tacaddiyada loo gaysanayo dumarka ay kasii socoto Puntland.
-
Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo ka hadlay mudaharaadkii maanta ka dhacay magaalada Burco, ayaa sheegay in dadweynaha la gaadhsiiyey war been-abuura oo la xidhiidha in maxaabiis dagaal lagu soo daray liiska maxaabiista Madaxweynuhu cafinayo munaasibadda xuska 18 May awgeed. “Maxaabiista la sii daayo 18 May waa kuwo la isla yaqaano oo sannad walba waa la sii daayaa, waxaana munaasibadaasi lagu sii daaya dadka xadhigoodu soo gaabto, kuwa aan sannado badan ku xukunayn iyo maxaabiista u xidhan dambiyada fudud oo qudha, markaa munaasibad walba, 18 May ha ahaato ama ramadaan ha ahaatee maxbuus dagaal lagu sii dayn maayo cafis Madaxweyne, qof walibana taas wuu garanayaa oo xiitaa ilaa carruurta ayaa garanaysa,” ayuu Wasiir Xasan Macallin oo Hargeysa kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland. “Taayir la gubo waxba u tari maayo maxaabiista ku xidhan Laascaanood, xilkooduna Xukuumadda ayuu saaran yahay, sidii ay u soo dayn lahaayeen ee guryahoodii loogu soo celin lahaana anaga oo Ilaahay la kaashanayna waa hawl u taala Xukuumadda talada haysaa ee aan ka midka ahay. Qof shicib ah iyo ehelkooda midna uma taalo ee waxa aan leeyahay dadka ehelka ahi ha isdejiyaan,waxaana laga yaabaa inay dadka mudaharaadaya ay kicinayaan dad aan dan ka lahayn ehelka iyo maxaabiista xidhan oo aan weligood ku fikirin sidii loo soo dayn lahaa,” ayuu yidhi Wasiir Xasan Macallin. Saab Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga iyo amniga. Heshiiskan ayaa waxay horey dowladda Soomaaliya ula gashay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana maanta heshiiskan golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka. Sidoo kale waxaa golaha looga warbixiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, arrimaha la xiriira xajka, iyo sidoo kale warbixin la xiriirta hawlaha Guddiga Taakuleynta Dagaalka Khawaarijta. Si kastaba, heshiiskan uu maanta ansixiyay Golaha Wasiirrada ayaa xoogga saaraya horumarinta iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, wax ka qabashada dhinacyada muhiimka ah sida la dagaalanka argagixisada, wadaagga sirdoonka iyo tayeynta ciidamada Soomaalida. Heshiiskan ayey ujeedadiisu tahay in la xoojiyo qaab dhismeedka amniga labada dal, taasoo u ogolaanaysa habab isku xiran oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka. Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan, iyadoo xukuumadda Riyad ay dhinacyo badan ka taageerto xukuumadda Muqdisho, oo haatan dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada.
-
Three years ago, on 15 May 2022, Hassan Sheikh Mohamud was elected as the President of Somalia after a protracted indirect electoral process. This was his non-consecutive second period in office—he had first served between September 2012 and February 2017. His return was hailed as a positive sign. He was seen as an experienced president who had gained valuable insights from his nearly five years in office, had spent another five years in the opposition, and was likely to have drawn lessons from the mistakes of his first term. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May, taasoo lagu xusayay 81 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoreynta, dowladnimada iyo horumarka dalka, isagoo sheegay in dhallinyaradii SYL ay horseedeen midnimo iyo xornimo, halka dhallinyarada maanta laga sugayo inay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka iyo la dagaallanka argagixisada. “13 dhallin yaro ah oo gumeysi ku hoos nool, oo aan haysan fursadaha maanta jira ayaa inoo horseeday gobanimo iyo dowladnimo. Maatna dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa horyaalla door la mid ah kaas oo kaga aaddan in ay codkooda ku doortaan hoggaanka dalka, dhexdana u xirtaan difaaca iyo xoreynta”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey in ay ka go’an tahay dowladda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay haatan si rasmi ah uga socoto caasimadda Muqdisho, lagana shaqeeyey shuruucdii iyo nidmaadyadii doorashada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna ku bogaadiyey Guddiyada Dastuurka dadaalkooda ku aaddan dhameystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo midnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka. Munaasabadda waxaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali, Taliyaha Booliska Federaalka Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay u ambabaxaan magaalada Baqdaad ee caasimada Ciraaq, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaas, isla markaana uu dhowaan u duulayo Baqdaad. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale la xiriira ka qayb-galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dalkaasi ka furmi doona bilowga todobaadka soo socda, isla markaana ay martigelineyso dowladda Ciraaq. Sidoo kale waxaa haatan wafdi u hordhac u ah booqashada madaxweynaha ay gaareen dalka Ciraaq, waxaana hoggaaminayo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo kulamo ka bilaabaya halkaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale kasii qayb-galaya shirka heer wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka Carbeed ee loo tegayo dalka Ciraaq, kaas oo furmi doono May 17, 2025. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda Carbeed ay ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi oo qeyb ka ah arrinta Qasa iyo xaaladaha kasoo kordhay gobolka. Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa sidoo kale qorshuhu yahay inuu khudbad ka jeediyo shirka, taas oo uu uga hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha Carabta. Waxaa kale oo uu kulamo duceedyo la yeelan doonaa madaxda dowladda Ciraaq iyo kuwa Jaamacadda Carabta ee ka qayb-galaya shirka ka dhacaya Baqdaad oo ah, kalkiisa 34-aad. Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, iyada oo door wayn ka qaadato go’aannada xasaasiga ah ee uu ururka ka gaarayo gobolka iyo xaaladaha taagan.
-
State-building is never easy, even in the best of times. It demands patience, compromise, and above all, a shared understanding among citizens of what government is, what it is not, and what it is meant to serve. In Somalia, however, pervasive lack of understanding of civics has made the task nearly impossible. After decades of conflict, fragmentation, and lawlessness, too many Somalis have been left without the basic civic foundations that any stable political order needs Source: Hiiraan Online
-
Trans-Saharan human trafficking syndicates are deceiving Somali refugees living in Kenyan camps. The Magafe – a Libyan-based criminal group – is reportedly leading a kidnapping and trafficking network that exploits Somali refugees, appealing to their aspirations with false promises of relocation to Europe. Mostly young refugees are drawn into dangerous journeys that often result in severe abuse, hardship and can even be fatal. Source: Hiiraan Online
-
Burco (Caasimada Online) – Banaanbaxa ballaaran oo lagaga soo horjeedo maxaabiis la sheegay inay sii deynayso xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco. Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa la sheegay inay si weyn uga caroodeen wararka sheegaya in Somaliland sii deynayso maxaabiis, iyadoo weli SSC ay gacanta ugu jiraan saraakiil iyo askar reer Somaliland ah. Banaanbaxayaasha ayaa codkooda si cad u muujiyay iyaga oo dalbanaya in marka hore la soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, ka hor inta aan wax maxaabiis ah laga sii daynin dhinaca kale. Waxay sheegeen in tallaabo kasta oo lagu sii daayo maxaabiista SSC-Khaatumo aanay caddaalad ku fadhiyin haddii aan la helin isla tallaabo lamid ah oo maxaabiista Somaliland loogu soo celinayo. Banaanbaxan ayaa sababay in la xiro waddooyin muhiim ah oo magaalada Burco ah, iyadoo dadku ay gubeen taayirro, kana hor yimaadeen ciidamada ammaanka oo isku dayay in ay kala dareeriyaan dadka. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin wararka sheegaya in maxaabiista la sii daynayo, haddana baraha bulshada ayaa si ballaaran loogu baahiyay arrimahaasi. Wararkaasi waxay ahaayeen kuwo ka yimid dad madax-bannaan, mana jiraan wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda, taas oo su’aalo badan ka dhalisay saxnimada iyo ujeedada wararkaasi. Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhawaan soo jeediyay in xukuumaddu ay sii dayso dhammaan maxaabiista ay hayso, isagoo caddeeyay in aan la aqbali karin wada-hadal lagu saleeyo maxaabiista, kuna dooday in taasi ay wax u dhimayso jiritaanka Somaliland. Wuxuu sidoo kale ku taliyay in salaadiin ka socda Deegaanka Soomaalida loo adeegsado sidii loo heli lahaa xal lagu soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku jira gacanta SSC Khaatumo. Si kastaba, maamulka SSC Khaatumo ayaa dhankooda ku cel-celiyay in xal kasta oo ku saabsan maxaabiista uu ku iman karo oo keliya iyada oo labada dhinac ay u arkaan is-dhaafsi rasmi ah oo u dhexeeya laba maamul oo siman. Waxa kale oo ay shuruud uga dhigeen in Somaliland ay ka tanaasusho dhulka lagu muransan yahay, taas oo xoojinaysa xiisadda taagan.
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal kulul ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta dhallinyarada 15-ka May, isagoo si cad uga digay in dalka dib loogu celiyo doorasho dadban. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in xal waara uu yahay doorashada qof iyo cod ah, taasoo uu sheegay in ay tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo cadaalad iyo deganaansho siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa yiri: “Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey, kuwii soo xushay kama faa’iidin. Bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo.” Hadalkan ayaa imaanaya xilli siyaasadda dalka ay mar kale wajahayso dood adag oo la xiriirta habka doorasho ee sanadaha soo socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in nidaamkii hore ee doorashada dadban uu ahaa mid sababay khilaaf, kalsooni-darro iyo cabasho ka dhalatay qaabka loo xulay xildhibaannada. Isagoo la hadlayay dhallinyarada, ayuu sidoo kale xusay in da’yartu ay yihiin hormuudka isbeddelka, islamarkaana ay yihiin kuwa laga rabo in ay taageeraan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee salka ku haya codka shacabka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Mareykanka ayaa digniin culus oo heerkeedu yahay “Level 4: Ha u safrin” ka soo saartay xaaladda amni ee Soomaaliya, iyada oo si cad ugu digtay muwaadiniinteeda in aysan u safrin dalkaasi sababo la xiriira khataro badan oo amni iyo caafimaad ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankan cusub lagu saleynayo khataraha sii kordhaya ee la xiriira: denbiyada hubeysan, weerarada argagixisada, colaadaha gudaha, afduubyada, budhcad-badeeda, caafimaad-darrada, iyo sidoo kale adeeg la’aanta howlaha qunsuliyadeed ee joogtada ah. Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay: “Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya waxaa si buuxda looga mamnuucay in ay ka baxaan aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo safaaradda Mareykanku ku taallo.” Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in xaaladda caafimaad ee dalka ay tahay mid liidata, iyadoo la’aanta adeegyada caafimaad, gar-gaarka degdegga ah iyo daryeelka bukaannada ay qayb ka tahay sababaha keenay in muwaadiniinta Mareykanka laga waaniyo socdaalka. Source: goobjoog.com