Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,074
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maamulka SSC-khaatumo lagu casumay Shirka soo socda ee Madasha Wada-Tashiga Qaran. Ra’iisul Wasaare Xamse oo khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka SSC-khaatumo ee Laascaanood ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si rasmi ah Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ugu marti-qaaday Hoggaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC—Khaatumo, Cabdiqaadir (Firdhiye) ayaa Laascaanood ka dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan degaannada maamulka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay in SSC-khaatumo lagu casumay Shirka Madasha Wada-Tashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay ololaha Somaliland ee ku aadan aqoonsiga, gaar ahaan rajada ay ka qabaan dalka Mareykanka. Cirro oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska The New York Times ayaa rajo aad u weyn ka muujiyay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland, isaga oo ku sifeeyay “shakhsi lala xaajoon karo”, sida uu ku caddeeyay wareysiga. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u doorashadii Trump ay u noqotay fursaddii ugu wayneyd ee soo marta Somaliland, ayna ku gaari doonaan guusha ictiraafka. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in kalsooni wayn ay ku qabaan maskaxda ganacsi ee Trump, isla markaana labada dhinac ay kala heli doonaan fursado muhiim ah. “Aniga iyo dadkayguba waxaan ku rajo weynahay in maskaxda ganacsi ee Madaxweyne Trump ay horseedi doonto aqoonsigeenna. Waa fursaddii ugu weynayd ee abid na soo marta,” ayuu wareysiga ku yiri Madaxweynaha Somaliland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan la filayo in Madaxweyne Cirro uu booqasho ku tego Washington, sida uu xaqiijiyey wasiirkiisa arrimaha dibadda Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo isna dhowaan booqasho ku tegay dalka Mareykanka. Arrinta aqoonsiga ayaa waxaa indhawaanahan si weyn u kar-karinayay saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan ictiraafka Somaliland. Tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan. Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanka uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee uu doonayo in laga soo barakacayo Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in Mareykan ay kala hadleen arrintaasi. Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxaa dhowaan ka hadlay safiirka u jooga magaalada Washington Daahir Carab oo sheegay in aanay hadda u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo uu xusay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya. “Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu horay u yiri Danjire Daahir Carab. Si kastaba, Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa keensatay qalab ay sheegtay in lagu galayo doorashada soo socota, kaas oo lagu soo bandhigay munaasabad uu maanta Muqdisho ku qabtay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka. Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo faah-faahin ka bixiyay qalabka ay keeneen ayaa sheegay in maanta loo soo bandhigay dadka Soomaaliyeed, ururada syaasadda iyo saaxibada caalamka ah, si tijaabo loogu sameeyo, kahor doorashada. “Maanta waxaan daah-fureynaa qalabka aan rabno inaan doorashada ku qabano, annaga oo u bandhigeyno dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalaka, waxaan rabnaa in qalabka la fiiriyo warbixin guudna laga bixiyo” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in waajibaadkooda ay gudanayaan, isla markaana doorashada golaha deegaanka la bilaabi doono bisha June ee sanadkan, iyada oo lagu bilaabi doono gobolka Banaadir, si dadweynaha ay usoo doortaan golayaashooda. “Beri maahinee saa dambe dalka Soomaaliya waxaa ka bilaabaneyso diiwaan-gelinta dadweynaha Soomaaliyeed oo loo diyaarin doono in bisha June sodonkeeda la qabto doorashada golaha deegaanka” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashada. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Diiwaan-gelinta waxa ay ka bilaabaneysaa gobolka Banaadir, kow waxay ka bilaaban doonto degmada Shangaani, kadibna waxaa ku xigi doono Shibis, Xamarweyne iyo degmooyinka kale, kadibna waxaa sii aadi doonaa gobollada oo dhan ee dalka”. Dhawaan guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in illaa 5 urur ay is diiwaan-geliyeen, kuwaas oo uu tilmaamay inay noqon doonaan saamileyda siyaasadda ee saxda ah, isla markaana uu loolanka u dhexeyn doono iyaga iyo xukuumadda, shacabkuna ay u dhexeyn doonaan, taas oo caqabad ku ah siyaasiyiinta mucaaradka ah. “Saamileyda siyaasada saxda ah waa shanta urur ee noo diiwaan gashan wixii kasoo hara waxba ma ahan isbuuca soo socdana waxaa bilaabaneysa diiwaan galinta dad weynaha waxaa xigi doona doorashada golaha deegaanka” ayuu yiri guddoomiyuhu. Waxaa kale oo uu raciyay “Maanta siyaasadda Soomaaliya waxa ay ka dhexeysaa shantaan urur iyo xukuumadda dalka joogta iyo Ummadda Soomaaliyeed ayuu banuuniga u dhexeeya”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay doorashada isku hayaan madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo iyagu weli diidan dhismaha guddiga doorashada iyo hanaanka ay wax ku wado dowladda dhexe.
  4. The launch of Somalia’s National Transformation Plan (NTP) 2025-2029 marks a pivotal moment in the nation’s post-conflict recovery and long-term development. Officially unveiled by Prime Minister Hamza Abdi Barre, this ambitious strategy serves as a blueprint for rebuilding a resilient and self-reliant Somalia. It replaces the previous National Development Plan, shifting focus toward a more integrated and forward-looking approach that prioritizes infrastructure, governance, security, justice, and economic revitalization. Source: Hiiraan Online
  5. DUBAI, UAE (HOL) — The streets of Dubai are no strangers to linguistic diversity. But a young Somali man speaking Malayalam—flawlessly, and in the unmistakable Thrissur dialect—was enough to send Malayalis across the Gulf into collective amazement. Source: Hiiraan Online
  6. NAIROBI, Kenya (HOL) — Kenya’s Agriculture and Livestock Development Minister Mutahi Kagwe has warned miraa cartels against exploiting farmers by purchasing the stimulant at unfairly low prices and selling it abroad at massive markups, particularly in Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Africa is full of stunning locations that people from across the world flock to see. But some places on the continent are also politically unstable and violent, and tourists are well advised to avoid them. One of these is Somalia, where conflict has been raging since the collapse of its government in 1991. After the overthrow of President Siad Barre, a power vacuum led to a civil war erupting between an array of factions, including the Somali National Movement (SNM) and forces in support of the government. Source: Hiiraan Online
  8. Xisadihii taariikhda ee dugsigii hoose, dhexe waxa ay isoo xusuusiyeen Jabuuti, Xeebta Soomaalida. Source: Hiiraan Online
  9. Laascaanood (Caasimada Online) – Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa si caro leh uga fal-celiyay hadal xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimo la xiriira safarka ra’iisul wasaare Xamza uu shalay ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Turkiga ayaa isaga oo faah-faahin ka bixinayay ujeedka safarka Xamza, wuxuu ku sheegay inuu la xiriiro nabadda iyo midnimada dalka. Madaxweynaha oo wareysi siiyay warbaahinta Turkiga ayaa xusay in Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu dadaal u galayo sidii xal loogu heli lahaa xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, isla-markaana uu halkaas u tagay si uu u abuuro jawi wadahadal oo ay ku kulmi karaan labada dhinac. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta maxaabiista ee ay weli kala haystaan maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland, isaga oo tilmaamay in lagu jiro xal raadinteeda, ayna arrimahaasi qayb ka yihiin xaaladaha ka jira gudaha dalka, balse la xallin doono. “Ra’iisul wasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa inuu xal raadiyo. Khilaafka weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Sidaas darteed, ujeedadiisu waa in la abuuro jawi wadahadal dhab ah, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in si toos ah la isula fariisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Dhanka kale, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo kamid ah waxgaradka SSC-Khaatumo ayaa si adag uga fal-celiyay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha, wuxuuna uga jawaabay 3 qodob oo uu ku naqdiyay tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh. “Nimco kastaa nusqaanteeda leh. Madaxweynihii Qaranka oo xamili kari waayey soo dhoweyntii heer qaran ee loo sameeyey RW Xamza iyo xubnihii xukuumadiisa ee maanta ka degey Laascaanood. Fariinta ku dhex jirta hadalka madaxweynaha:- 1- In shacabka SSC Khaatumo ay yihiin SomaliLand, 2- In la wada hadashiisiiyo dadka reer Laascaanood iyo Hargeysa xiisada gudahooda taal, 3- Si taasi u suurto gasho, in maxaabiista la is weydaarsado” ayuu yiri Garaad Mukhtaar oo qoraal kooban soo saaray. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha uu dhabarka jabiyay ra’iisul wasaarihiisa oo hadda booqasho ku joogo Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay. “Runtii aad baan uga xumahay in Madaxweyne Xassan Shiikh caawa dhabarka ka toogtey Raysal Wasaarihiisii iyo Xubnihii kale ee weheliyey, isaga oo xitaa fursad siin waayey inuu sugo safarka RW Xamza dhammaadkiisa” ayuu mar kale sii raaciyay. Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safarka Ra’iisul wsaaraha ku sheegtay mid lagu xoojinayo midnimada dalka, taasoo si weyn uga cadhaysiisay Somaliland oo weli u aragta gobolka Sool inuu ka mid yahay dhulkeeda. Xukuumadda iyo goleyaasha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Ra’iisul wasaaraha.
  10. Ku tiirsanaanta cuntooyinka wadniga ah iyo wax soo saarka gudaha waxaa ku jira 3 faa’iido oo waaweyn kuwaas oo kala ah; mid dhaqaale, mid caafimaad, iyo nabad-gelyo. Ugu horreyn dalagyada ka soo go’a gudaha dalku way ka tayo iyo nuxur badanyihiin kuwa dibedda laga soo dhoofiyo, waxayna dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in wax soo saarka beeraha Soomaalidu uu bedqabka iyo caafimaadka aad ugu wanaagsanyahay. Raashinka ka soo go’a beeraha dalku wuxuu u badanyahay cuntooyin qolof leh, sida galleyda, digirta, Masegada, qamadiga, iyo qutaarta, kuwaas oo dhammaantood ay bahda caafimaadku dadka kula taliyaan inay isticmaalaan, badelka bariiska,burka, iyo baastada intooda badan dibedda laga keeno. Dhanka kale xoolaha nool iyo kalluunka dalka ayaa lagu tiriyaa in hilibkooda uu waxtar iyo nafaqo dheeli-tarin leeyahay, taas oo meesha ka saaraysa cudurro badan oo ka dhalan lahaa cuntooyinka aan nuxurka iyo tayada feecan lahayn. Dhanka kale ku tiirsanaanta cuntooyinka wadniga ah waxaa ku jira faa’iido dhaqaale iyo mid amni oo dalku isku filnaasho ayuu gaarayaa haddii wax soo saarka gudaha la xoojiyo, nolosha maalin laha ahna lagu jaangooyo dalagyada beeraha gudaha. Sidoo kale madax-bannaanida dalka ayay saameyn ku leeyihiin waxyaabaha dibedda laga soo dhoofiyaahi, maxaa-yeelay dowladdii aan wax soo saarkeeda guduhu ku filnayni waxay u nugushahay, faragelin siyaasadeed, gorgortan maslaxad ku dhisan, cuna-qabataynno, iyo canshuuro xad-dhaaf ah. Haddaba Soomaaliya oo ah dal Alle siiyay kheyraad walboo dabiici ah, xoolo nool oo duunyo iyo kalluun isugu jira, iyo dhul beereed webiyo iyo carra-sanba isugu jira ayaan la ogeyn xilliga ay ka faa’iidaysan doonto nimcada Illaahay siiyay, ayna ka maarmi doonto deeqaha shisheeye ee danaha gurracan xambaarsan. Source: goobjoog.com
  11. Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Cirro described U.S. President Donald Trump's re-election as the "greatest opportunity" for his self-declared republic to gain formal international recognition, highlighting Trump's reputation as a pragmatic negotiator. Source: Hiiraan Online
  12. The tarmac of Las’ Anod Airport witnessed a moment etched in Somali history on April 12, 2025. Prime Minister Hamza Abdi Barre became the first sitting Somali premier in over half a century to set foot in Las’ Anod, the capital of the SSC-Khatumo State of Somalia, an autonomous administration located in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. Bogota (Caasimada Online) – Askar hore oo u dhashay dalka Colombia ayaa loo qaaday dalka Suudaan si ay u xoojiyaan ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), iyadoo loo ballan qaaday mushaar fiican laguna khiyaaneeyey in ay ilaalin doonaan xarumo shidaal baaris ah. “Naxariis ma jirin – sheekadan u bixi cinwaanka ah: ‘Waxay ka baxsadeen naarta’,” ayuu yiri askari hore oo Colombian ah, intii uu ku jiray wicitaan muuqaal ah oo gariiraya. Wuxuu la hadlayey mid ka mid ah ragga uu Suudaan kula dagaallamay afar bilood. Labadooduba waxay galeen dagaalka iyagoo ah calooshood u shaqeystayaal. Isagu bishii hore ayuu kusoo laabtay dalkiisa. Labadan nin waxay ka tirsanaayeen guuto lagu magacaabo “Desert Wolves” – magac sir ah oo loo adeegsaday afar shirkadood oo dhamaantood ka kooban askar hore oo Colombian ah. Waxa loo diray Suudaan si ay u xoojiyaan RSF – koox u tababaran sida militariga oo sanadkii 2023 afgambi ku qaaday dowladda militariga Suudaan ee uu hoggaamiyo Abdel Fattah al-Burhan. Suudaan, waxaa haatan ku sugan 24.6 milyan oo la ildaran macaluul, halka 12 milyan oo kale ay ka barakaceen guryahooda – taasoo ka dhigtay dhibaatada barakaca ugu ballaaran adduunka. RSF oo lagu xoojiyey askar Columbian ah RSF, oo hadda lagu xoojiyey dagaalyahanno Colombian ah, ayaa lagu eedeeyey dambiyada dagaal ee ugu xun – gaar ahaan hor istaagga gargaarka bini’aadantinimo. Sida ay daabacday La Silla Vacía, ku dhawaad 300 oo askar hore oo Colombian ah ayaa kooxda ku biiray tan iyo sanadkii hore, qaar badan oo ka mid ahna waxaa loo sheegay howlgal amni, balse la geeyey dagaal toos ah. Waxay u sii mareen shabakad calooshood u shaqeystayaal ah oo uu hoggaamiyo Álvaro Quijano, oo ah sarkaal hore oo Colombian ah. Wuxuu la shaqeeyaa shirkad ammaan oo gaar ah oo fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Global Security Service Group. Mid ka mid ah askarta dhowaan kasoo laabtay Suudaan, oo fadhiyey maqaaxi ku taalla Bogotá isagoo qaxwo kulul cabaya, ayaa dib u milicsaday bilowgii: “Waxaan meesha tegey annagoo ahaa ilaa 150. Annagaa ahaa guutadii ugu horreysay. Waxaan tagnay dhamaadkii 2024,” ayuu yiri. Ninkan, oo codsaday in loogu yeero Héctor si loo ilaaliyo amnigiisa, wuxuu ka mid yahay afar askari hore oo wareysi siiyey La Silla Vacía. Waxay bixiyeen sawir dhammaystiran oo ku saabsan doorkii Colombian-ka ku lahaayeen dagaalka Suudaan. Qiyaasta Héctor, ilaa 80 askari oo saaxiibadiis ahaa ayaa dalka kusoo laabtay, laakiin laba guuto oo cusub ayaa gaaray Suudaan tan iyo bishii December. Wuxuu rumeysan yahay in hadda ay u dhaxeyso 350 ilaa 380 askari hore oo Colombian ah oo ku sugan goobaha dagaalka. La Silla Vacía waxay heshay dukumiintiyo sir ah, muuqaal dagaal iyo sawirro goobeed oo muujinaya ka qeybgalka Colombian-ka – gaar ahaan dagaalka El Fasher, oo ka mid ah meelaha ugu dhiigga badan. Qaramada Midoobay ayaa ka dalbatay RSF inay joojiyaan go’doominta magaaladaasi. Shaqo shidaal ilaalin ah oo isu rogtay dagaal fool-ka-fool ah Qoraallo 18 bog ah oo xambaarsan amarrada sirta ah ee loo diray guutada Colombian-ka ee lagu geeyey El Fasher ayaa xambaarsanaa tilmaamo ku saabsan ilaalinta xeerarka caalamiga ah ee dagaalka iyo xuquuqda aadanaha. Laakiin tilmaamahaasi way iska hor imanayaan falalka RSF – oo ay ku jiraan eedeymo ah dambiyo dagaal, sida xasuuq iyo weerarro lagu qaaday dad rayid ah. Héctor wuxuu sheegay in guutadoodu ay El Fasher gaareen bishii November 2024. “Dagaalku wuxuu ahaa guri-guri, jid-jid. Ma ciyaartay Call of Duty? Sidaas ayuu ahaa,” ayuu yiri. Wuxuu saxiixay heshiis qarsoodi ah oo lala galay shirkadda GSSG, taasoo sheegtay in shaqadoodu noqon doonto ilaalinta xarumaha shidaalka ee Bariga Dhexe ama Afrika. Laakiin halkii la geeyn lahaa goobahaas, waxaa lagu daabulay Suudaan. Baasaboorkiisa wuxuu muujinayaa inuu ka duulay Abu Dhabi ilaa Benghazi, Libya. Halkaas waxaa baasaboorradoodii ka qaaday rag uu sheegay inay ahaayeen askar Libyaan ah. “Waxay noo sheegeen in qofna uusan ka bixi doonin Libya ilaa aan gaarno RSF,” ayuu yiri. Waxa lagu hayey xero ciidan muddo toddobaadyo ah, kadibna waxaa lagu qaaday baabuurta nooca pickup-ka ah, waxaana loo sii gudbiyey xadka Suudaan iyagoo ka tallaabay saxaraha. “Markii aan Libya ka gudubnay, waxaan gacanta u galnay koox burcad ah,” ayuu yiri Héctor. “Waqtigaas waan hubeysnaa. Markii aan gaaray xadka Chad iyo Suudaan, weerar ayaa nagu dhacay. Burcaddii waxay si degdeg ah u amreen in aan dhaqaaqno.” Habeenkii, lix baabuur oo pickup ah ayaa kasoo muuqday iyadoo nalka dansan yahay, mid walbana wuxuu lahaa qori weyn oo .50 cal ah. Hal baabuur ayaa isku dhacay, waxaana lugta ku dhaawacmay askari hore oo lagu magacaabo Christian Lombana. Kadib, maleeshiyaad taageersan dowladda Suudaan ayaa helay aqoonsi, baasaboorkii iyo xitaa kaar baska Bogotá ee Lombana – kuwaasoo markaas baraha bulshada lagu faafiyey. Waxaa la rumeysan yahay in Lombana la geeyey Imaaraadka si lugta looga qalo. Héctor iyo saaxiibadiis waxay aaminsan yihiin in la iibiyey – waxayna tuhun ka qabaan in saraakiil Libyaan ah ay siiyeen xogtooda maleeshiyaadkii weerarka qaaday. Markii dambe, amar cusub ayaa ka yimid Colonel Quijano: u gudba RSF. Dagaalka El Fasher iyo weerarrada “tayra” Héctor wuxuu sheegayaa in guutadoodu ay gaareen bannaanka El Fasher dhammaadkii 2024. Colombian hore ayaa horey u joogay halkaas – gaar ahaan kuwa ku takhasusay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (drones). Saddex kamid ah ayaa halkaas ku dhintay – maydkoodana lama soo celin. Ciidamada Suudaan waxay sheegeen inay dileen 22 askari Colombian ah iyo afar Imaaraad ah 29-kii November 2024, balse askarta Colombian-ka ah waxay sheegeen in kuwii dhintay ay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ka tirsan Wagner (Africa Corps). Dagaalyahannada Colombian-ka ah waxay la kulmeen weerarro drone ah, qaraxyo iyo duqeyn ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Suudaan – kuwaasoo ay ugu yeeraan “tayra”. “Subax kasta, waardiyaha wuxuu ku qeylin jiray: ‘Tayra! Tayra!’ Dabadeedna dhulka ayaad isku tuuri jirtay,” ayuu yiri Héctor. Tilmaamaha Desert Wolves waxaa ku jira wax ka qabashada weerarada drone-ka. “Haddii ay dhacdo weerar is-qarxin ah, la mid noqda habka loo wajaho weerarka diyaaradda ‘tayra’,” ayaa lagu qoray dukumiintiga. Waxaa la xaqiijiyey in askarta Colombian-ka ay dhaawacyada ka daryeelaan dagaalyahanno RSF ah – qaar badan oo ka mid ahna waa carruur. “Waxaan daaweynay wiilal 10 ama 11 jir ah,” ayuu yiri Héctor, isagoo muujinaya muuqaal wiil yar oo dhaawacmay kadib weerar drone ah. Si kastaba, Héctor iyo saaxiibadiis waxay codsadeen in dib loo celiyo. Waxay sheegeen in aysan helin lacagihii ballanqaadka ahaa, caymisyadii dhimashada ama gunnooyinkii. Shirkadda A4SI waxay ballanqaadday $5,000 bil kasta oo labaad si askarta loo qanciyo, balse ma aysan fulin. Nyala oo noqotay xarunta calooshood u shaqeystayaasha Nyala, caasimadda Koonfurta Darfuur, ayaa noqotay saldhigga ugu weyn ee Colombian-ka. Sida ay sheegtay Reuters, RSF ayaa ka dhistay saddex hangar oo waaweyn garoonka Nyala, halkaasoo laga arkay drones sahamin ah. Hadda, socodka Kolombiyaanka wuxuu maroaa waddo cusub: Madrid ilaa Itoobiya, kadib Boosaaso (Soomaaliya), markaasna N’Djamena (Chad) iyo ugu dambeyn Nyala, halkaasoo RSF ay garoonka gacanta ku hayso. Markii uu dib ugu laabtay Colombia, Héctor wuxuu sitay laba shaabadood – mid ka timid Imaaraadka iyo mid laga bixiyey dekedda Boosaaso. Waxaa la rumeysan yahay in Imaaraadka uu saldhig ciidan halkaas ka dhistay. Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyey xoojiyey saameyntiisa magaalada Boosaaso, isagoo si weyn ugu maalgeliyey kaabeyaasha dekedda. Wuxuu sidoo kale taageero ciidan siiyey Soomaaliya – heer ay qaar ka mid ah askarta Colombian-ka ee dib ugu laabtay dalalkooda sheegeen in ay ka gudbeen saldhig ciidan oo Imaaraadku leeyahay. “Boosaaso way fududahay in looga tallaabo Chad,” ayuu yiri mid ka mid ah calooshood u shaqeystayaasha. “Imaaraadku wuxuu halkaas ku leeyahay saldhig ciidan, heshiisna wuu ku leeyahay si uu u isticmaalo.” “Waxaan u tegey si aan nolosha u hagaajiyo,” ayuu yiri Héctor. “Laakiin markii aan gaarnay, waxaa nalagu khasbay dagaal.” Si kastaba, shaqo dalka gudihiisa laga helo oo lacagtaas la mid ah way adag tahay. Marka la weydiiyo sababta raggan u sii socdaan, jawaabtu waa mid: lacag iyo khiyaano. “Waxaa la leeyahay tababare ayaad tahay, balse markii aad timaaddo, dagaal toos ah ayaad geli doontaa,” ayuu yiri mid. Mushaarka ballanqaadka ah wuxuu ahaa $2,600 askarta caadiga ah iyo $3,400 serjannada – laakiin qaar badan lacagtii kama aysan helin. Colombia oo mamnuucaysa calooshood u shaqeystanimada Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro wuxuu cambaareeyey calooshood u shaqeystanimada bishii November 2024. Wuxuu faray wasaaradda arrimaha dibadda inay soo celiyaan askarta baxday. Weli, maydkoodii lama soo celin. Wasaaradda arrimaha dibadda waxay sidoo kale hor keentay sharci lagu mamnuucayo calooshood u shaqeystanimada, si loo joojiyo askarta hore oo aan hadda la xakameyn karin. Sharicigan wuxuu marayaa akhrintiisii labaad ee Senate-ka. Dhinaca kale, hay’adaha caalamiga ah iyo NGO-yada ayaa ka digaya in dagaalka Suudaan uu sii kululaan doono. Hawlgallada Kolombiyaankuna wali way socdaan.
  14. Las Anod (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud said Prime Minister Hamza Abdi Barre's landmark visit to Las Anod is part of an effort to ease tensions between Somaliland and the SSC-Khaatumo administration and to create an environment conducive to dialogue. Source: Hiiraan Online
  15. Las Anod (HOL) — Somalia’s Federal Minister of Interior, Ali Yusuf Ali (Ali Xoosh), said the SSC-Khaatumo administration will play a pivotal role in the upcoming National Consultative Council meeting, scheduled to take place in Mogadishu in early May. Source: Hiiraan Online
  16. Roobabka gu’ga ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Puntland oo jiilaal adag iyo biya yaraani ka jirtay waxaana meelaha qaarkood ka da’ay roobab mawjiid ah oo daadad sababay. Wararka ka imaanaya degaanka Timirshe oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari waxay sheegayaan in halkaasi uu ka da’ay roob mahiigaan ah oo sababay daadad, waxaana ka dhashay khasaare nafeed. Daad xooggan oo roobkaasi ku soo rogay togga Carra-weyn ee degaanka Timirshe ayaa qaatay haweeney iyo laba carruur ah kuwaasi oo meydadkooda laga helay toggaasi sida ay soo sheegayaan dad ku sugan degaanka Timirshe. Roobabka gu’ga ayaa sidoo kale ka da’ay degaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada, Karkaar, Mudug, Nugaal, Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo dhammaantood Sabtidii shalay roobku ka curtay. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay roobabka gu’ga oo ka curtay degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) — The Banadir Regional Administration has announced that voter registration for the upcoming local government elections will begin on April 15 in nine districts across Mogadishu, marking a significant step toward implementing a one-person, one-vote system in the capital. Source: Hiiraan Online
  18. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galaya Madasha Diblumaasiyadda Antalya ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ay ka wada-hadleen saddex qodob oo xasaasi ah. Kulanka oo ahaa mid miro-dhal ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale si gaar ah uga wada-hadlay saddex qodob oo ku aadan iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay kulanka Xasan iyo Erdoğan. Sidoo kale, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu wajahayo argagixisada, isagoo ku ammaanay dowladda Turkiga kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayso nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya. Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa adkeeyey in dowladda Turkigu ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Kulankan oo ayaa qayb ka ah shirar gaar gaar ah oo uu Madaxweynuhu ka wado dalka Turkiga, kuwaas oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee kasoo gayb-gashay Madasha Diblumaasiyadda Antalya oo looga hadlayo xaaladaha gobolka iyo caalamka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda Masar Dr. Badr Abdel At oo Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynihiisa, isagoo sidoo kale u rajeeyay in la sii wado wada-shaqeynta labada dal oo haatan sii xoogeysaneyso. Dr. Badr Abdel Aty ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo nabad kuso dabaalida Soomaaliya. Kulanka ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo xiriirka Muqdisho iyo Qaahir oo dhowaan kala saxiixday heshiis difaac oo dhex-maray labada dowladood. Waxaa sidoo kale, heshiiskaas qayb ka ahaa ciidamo ay Masar usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya. Si kastaba, kor u qaadida iskaashiga labada dal ayaa ku yimid, wada-hadallo toos ah oo ay yeeshen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar,, kuwaas oo xiriirkooda sii xoojiyay intii ay taagnayd xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo haatan xal rasmi ah laga gaaray.
  19. Somalia is currently facing an alarming security and political crisis, with the situation deteriorating rapidly across multiple fronts: 1. Territorial Decline and Al-Shabaab Expansion Al-Shabaab, the militant group with ties to Al-Qaeda, has made significant gains, demonstrating its capacity to capture new territories and overpower Somali government military installations. Recent incidents, including the overrunning of several military bases, highlight a drastic decline in the authority and effectiveness of the Somali state. Their intensified operations in and around the capital, Mogadishu, have escalated concerns among both citizens and officials. Noteworthy events include the attempted assassination of President Hassan Sheikh Mohamud, which underscores the escalating threats to political leadership. Moreover, the group has escalated mortar attacks on highly fortified locations, such as the Halane compound—home to international military and diplomatic missions—and the Italian Embassy, indicating that these secure areas are now facing credible threats. This situation marks a critical turning point for Somalia, as the very stability of the capital is placed in jeopardy, raising fears of further violence and upheaval. Al-Shabaab is designated as a terrorist organization by key international entities, including the United Nations, the United States, the European Union, and the African Union. This classification highlights the severe security threat that the group poses, particularly in the fragile context of Somalia. 2. African Union Mission (ATMIS/AUSSOM) Challenges Mr. Sivuyile Thandikhaya Bam, Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia and Deputy Head of Mission, remarks underscore the increasing alarm regarding the underfunding of African Union peacekeeping forces, which have faced shortages for seven consecutive months. This sustained lack of financial support significantly undermines their operational capacity, leaving them ill-equipped to confront security threats. The recent withdrawal of U.S. funding, coupled with the European Union’s hesitance to augment its contributions, further compromises Somalia’s security architecture, essentially allowing Al-Shabaab greater latitude to expand its influence and operations within the region. 3. U.S. Strategic Calculations: Berbera Port Reports suggest a strategic pivot by the United States towards Berbera Port in Somaliland for repositioning military assets, reflecting a comprehensive recalibration of geopolitical priorities. Reopening the former Soviet-era base in Berbera could provide the U.S. with a secure operational hub in a relatively stable part of Somalia as Mogadishu becomes increasingly volatile. This development may have several significant implications: It would solidify Somaliland’s strategic importance in the Horn of Africa, enhancing its status as a critical player in regional security dynamics. The port could serve as a fallback base for U.S. military operations in the Red Sea, Bab al-Mandab Strait, and Gulf of Aden, providing a vital logistical point of support amidst rising tensions in the region. 4. Clan Conflicts and Internal Fragmentation Beyond the persistent threat posed by Al-Shabaab, inter-clan violence in regions such as Galgaduud, Mudug, and Gedo presents an additional layer of instability. Driven by underlying issues of land disputes, revenge killings, and competition for scarce resources, these conflicts exacerbate the already fragmented political landscape. The continuous cycle of violence not only erodes central authority but also complicates efforts at national reconciliation, impeding progress toward lasting peace. 5. Political Elitism and Denia The current political elite in Somalia exhibits a concerning trend of prioritizing grandstanding over substantive governance. Actions such as Prime Minister Hamse Barre’s visit to Lasanood, while seemingly symbolic, fail to tackle the fundamental issues that underpin the nation’s fragmentation and instability. This performative approach is evident as the federal government remains engrossed in superficial displays of unity while critical areas of governance are neglected: Electoral frameworks necessary for democratic processes remain unresolved, hindering the electoral timeline. Fundamental constitutional questions affecting federal-state relations are left unaddressed, creating uncertainty in governance. Efforts for meaningful reconciliation with federal states are shallow, lacking the depth needed to foster genuine unity. Finally, Somalia stands at a critical inflection point regarding its statehood and governance. Without immediate and substantive reforms, regional and international security partners may begin to reassess their engagement strategies—a shift that appears imminent, especially as attention turns to more stable alternatives like Somaliland. ma. In this climate, the Villa- Somali government faces the risk of international marginalization if it continues to favor superficial optics over essential, transformative substance in its governance approach. Eng.Abdi Ali Barkhad Hargeisa, Somaliland Engineer Abdi Ali Barkhad is a retired Somali electrical engineer, political analyst, and writer known for his comprehensive commentary on the politics of the Horn of Africa and international relations. He has published numerous articles analyzing current policies in the region and is a staunch advocate for the cause of the Republic of Somaliland. His insights have been featured on platforms such as Araweelo News Network etc. He can be reached at : tra50526@gmail.com Editor’s Note : Views in the article do not necessarily reflect the views of qarannews.com __ Qaran News
  20. Johannesburg, South Africa – Waxaa xalay fiidkii magaalada Johannesburg lagu dilay ganacsade caan ah oo Soomaaliyeed, Mohamud Abdi Rahman Siyaad (Doole), kadib markii ay rasaas ku fureen dabley hubeysan oo aan weli la aqoonsan. Marxuumka ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee si weyn looga yaqaanay magaalada Johannesburg, gaar ahaan xaafadaha ay Soomaalidu degto. Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, weerarka lagu dilay wuxuu dhacay xilli uu kasoo baxay ganacsigiisa, waxaana lagu toogtay meel u dhow gurigiisa. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay weerarrada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh Koonfur Afrika, iyada oo laga dayrinayo ammaanka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan. Sida ay sheegayaan ururrada bulshada Soomaaliyeed, sanadkan 2025 oo kaliya waxaa la dilay in ka badan 20 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan lagu beegsaday goobahooda ganacsi ama mararka qaar xilli ay kusoo socdeen guryahooda. Source: goobjoog.com
  21. Waxaa hadallo duurxul iyo dhaliilo ah hawada isu mariyay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo horey usoo noqday Wasiirka Gaashaandhigga, iyo Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo ka tirsanaa dowladdii Madaxweyne Farmaajo. Fahad ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu u adeegayo dowlado shisheeye. Fahad mar walba eeddiisa wuxuu saaraa dowlado uu isaga dantiisa ka waayo, isagoo qof walba oo ka aragti duwan ku sifeeya inuu u adeegayo dowlado kale, sida uu isaga ugu adeegi jiray Qatar iyo Itoobiya. Wasiir Jaamacse wuxuu duray Fahad iyo kooxdiisa, isagoo ku eedeeyay inay xiriir la lahaayeen kooxda Khawaarijta ee arxanka daran, kuwaas oo dalka iyo dadkaba dhaawac weyn u geystay intii ay haysteen talada sirdoonka iyo qeybaha kale ee amniga. Wasiirku wuxuu xusay dhacdooyin caddaynaya sida Fahad Yaasiin u lumiyay miisaankiisii siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo sida isaga iyo kooxdiisu mar walba uga soo horjeedaan halganka lagula jiro argagixisada. Waxaa kale oo uu sheegay in xilligii Fahad uu madax ka ahaa hay’adaha amniga, lacagaha baadda ee Al-Shabaab lagu siin jiray mushaharka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada laga jari jiray. Waxa uu ku eedeeyay inay saami ku lahaayeen cashuuraha laga qaado shacabka, taasoo dadka ku khasbeysay inay bixiyaan baadda Al-Shabaab. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay hadalkii Farmaajo ka jeediyay 2012-kii taageerayaashiisa hortooda, isagoo sheegay in uu Muqdisho ku arkay beel dhaaftay beelaha kale 30 sano, haddii aan dib loo celin aysan suurtagal noqon doonin in dalka la simo. Wuxuu Farmaajo ku baaqay in beesha Muqdisho ay aqoon, dhaqaale, ganacsi iyo siyaasad ahaanba dhaaftay beelaha kale, loona baahnaa in dib loo celiyo si loo simo fursadaha. Jaamac wuxuu ku eedeeyay in markii Farmaajo la doortay, isaga iyo kooxda uu Fahad kamid yahay ay gacmo furan ku qaabileen kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab. Wuxuu tilmaamay in la abaabulay qaraxyo badan, suuqyo la gubay, horumar la hor istaagay, lana abuuray xasillooni darro si dhallinyarada uga cararto dalka — dhammaan waa qorshayaal lagu curyaaminayo beesha uu Farmaajo ka ciil qabay, sida uu sheegay, Fahadna uu ahaa gacantii fulisay. Waxaan leeyahay: Wasiir Jaamac waa Wasiirka keliya ee si cad u muujiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. In kasta oo ay jireen eedo iyo dhaliilo loo jeediyay muddadii uu xilka hayay, taasi ma qarinayso doorka muuqda ee uu ka qaatay la-dagaallanka argagixisada. Gunaanad: Marka laga eego danta guud ee dalka iyo dadka, doodda u dhaxeysa Wasiir Jaamac iyo Fahad Yaasiin, waxaa muuqata in Wasiir Jaamac uu yahay ninka wax u taray ummadda, halka Fahad uu yahay nin ka xun sida argagixisada loo jebiyay, boodhna isku qarinaya. W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.
  22. Freetown (Caasimada Online) – Dab ayaa ka kacay Sabtidii gudaha xarunta madaxtooyada Sierra Leone ee ku taalla bartamaha magaalada Freetown, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo dowladda. Madaxweynaha Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaan ku sugneyn dhismaha xilliga uu dabku kacay. Sarkaal sare oo ka tirsan adeegga dab-damiska ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in dabka la xakameeyay kadib shan saacadood oo ay ciidamada dab-damiska si adag ugu howlnaayeen damintiisa. Dabku ma geysan wax khasaare nafeed ah, balse wuxuu baabi’iyay dokumentiyo muhiim ah iyo qalab xafiiseed, sida uu sheegay sarkaalku. Bayaan hore ee kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dabku ka kacay dabaqa saddexaad iyo kan afraad ee dhismaha State House, halka xafiiska madaxweynaha ee ku yaalla dabaqa labaad uu ka badbaaday waxyeello. Sababta dabka dhalisay, oo billowday abaare 4:00 galabnimo (1600 GMT), weli lama xaqiijin, sida lagu sheegay bayaanka dowladda. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac iyo qiiq madow oo ka baxaya daaqadaha sare ee dhismaha weyn ee caddaanka ah. Mohamed Kamara, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay AFP: “Fiidkii maanta waxaan aragnay qiiq iyo dab xooggan oo ka baxaya daaqadaha iyo dabaqa ugu sareeya ee dhismaha.” Booliiska ayaa xiray waddooyinka ku xeeran xarunta, iyadoo ciidamo amni iyo askar milatari ahna la geeyay goobta si loo sugo ammaanka. Madaxweyne Bio ayaa haatan ku sugan dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb galayo shir caalami ah.
  23. Puntland ayaa beenisay war saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay oo ku saabsanaa inay deegaanadeeda ka mamnuucday mid kamid ah diyaaradii wefdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya geeyay magaalada Laascaanood. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu yiri ” Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland waxay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland u caddeynaysaa inaysan jirin wax diyaaradda ah oo ay shaqada ka joojisay, Sidoo kale waxaan caddaynaynaa wararka social media ku jira ee sheegaya in diyaarad shaqada laga joojiyay ay been abuur yihiin”. Wax yar ka dib markii wefdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay gaareen magaalada Laascaanood ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Puntland oo safarkaas diidani ay tillaabo ka qaaday mid kamida diyaaradii masuuliyiinta halkaas geeyay. Source: goobjoog.com
  24. In a comprehensive interview with The New York Times, President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro) of the Republic of Somaliland showcased the nation’s achievements in security, democratic governance, and economic development. He emphasized Somaliland’s strategic location and its potential role in enhancing regional stability and international trade. President Irro highlighted Somaliland’s commitment to peace and democracy, noting the country’s successful efforts in maintaining internal security and conducting democratic elections. He pointed out that, despite lacking international recognition, Somaliland has established effective governance structures and a stable political environment. The President also discussed the strategic significance of the Berbera Port and Airport, offering them for potential U.S. military use to bolster security in the Red Sea and Gulf of Aden regions. He expressed optimism that former President Donald Trump’s understanding of global trade dynamics could lead to U.S. recognition of Somaliland’s independence. According to The New York Times, President Irro plans to visit Washington, D.C., in the coming months to propose partnerships in trade, security, and strategic cooperation. He aims to present Somaliland as a reliable partner in promoting regional stability and economic growth. This interview underscores Somaliland’s ongoing efforts to gain international recognition and to contribute positively to regional and global affairs. Qaran News
  25. HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in isaga iyo dadkiisuba ay aaminsan yihiin in marka la eego garashada ganacsiga ee madaxweyne Trump ay dhalin doonto inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland. “Aniga iyo dadkayguba waxaan rajaynaynaa in garashada ganacsiga ee Madaxweyne Trump ay keeni doonto inuu aqoonsado Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo u warramay wargeyska caanka ah ee New York Times. Waxaanu intaas ku daray “Tani waa fursadii ugu weynayd ee aanu helay.” Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta wargeyska New York Times kaga warramay maanta nabadgelyada iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xusay in Jamhuuriyadda Somaliland dedaal dheer ugu jirto in Maraykanku aqoonsado madaxbannaanideeda oo ay Maraykanka u soo bandhigtay inay siin doonaan saldhig millatari oo istaraataji ah oo ku yaalla madaarka Berbera. Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Somaliland uu booqan doono Washington bilaha fooda innagu soo haya. Waxa wargeysku xusay in madaxweynaha Somaliland uu Maraykanka u soo bandhigi doono heshiis ku wajahan saldhig millatari iyadoo xeebta Somalilabd dhererkeedu yahay 500 Mayl. Wajaale news Qaran News