Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – 24-kii saac ee la soo dhaafay, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley waxay casharro lama ilaawaan ah u dhigeen kooxda Al-Shabaab. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo geesiyaasha Xoogga iyo kuwa deegaanka ay Shabaabka ugu dhigeen cashir lama ilaawaan ah. Deegaanka Aboorey Argagixisada ayaa lagu gaarsiiyay khasaare culus, kaddib dagaallo dhowr jeer la isku noqday oo socday muddo saddex maalmood ah. Waa deegaanka keliya ee argagixisada lagu gaarsiiyay jabkii ugu cuslaa tan iyo muddooyinkii u dambeeyay, iyagoo cududdooda isugu geeyay halkaas. Waxaa la sheegay in kooxdaasi ay halkaas keeneen ajaaniibtii ugu badneyd, kuwaas oo u badnaa Oromada. Muhiimadda deegaanka Aboorey u lahayd argagixisada waxay ahayd laba ujeeddo: Marka koowaad, inay deegaankaas kaga tallaabaan dhanka Yasooman, halkaas oo ay ku taallo dhul buuraley ah si ay weerarro uga fuliyaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ka tirsan. Marka labaad, in ay gurmad degdeg ah ka helaan dhanka galbeed, gaar ahaan jiinka webiga Shabeelle. Gurmadkooda wuxuu ka imaan karaa deegaanada galbeedka Hiiraan sida Buq-Aqable, taasoo muujineysa istiraatiijiyadda muhiimka ah ee deegaanka Aboorey u leeyahay kooxdaasi. Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada qaranka iyo xoogagga xaq u dirirka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyay Al-Shabaab, oo dib u gurtay kaddib markii ay ku guuldarreysteen weerarkii rogaal-celiska ahaa ee ay markale ku soo qaadeen deegaankaas. Dagaalka Aadan Yabaal Shalay duleedka degmada Aadan Yabaal wuxuu ahaa goob ay argagixisadu isku dayeen inay ku yareeyaan cadaadiska ay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ku saareen Aboorey, si aysan u helin gurmad. Labada dagaal oo isku waqti dhacay waxay muujinayaan sida sare ee uu u yahay mooraalka iyo isku xirka ciidamada. Saraakiishii hoggaaminaysay labada dagaal waxay muujiyeen adkeysi iyo dhiiranaan si ay u xaqiijiyaan ujeeddada dagaalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa, iyo saraakiil kale oo ka tirsan XDS, NISA, iyo Macawiisley oo ku sugnaa Aboorey, waxay isku dhaarsadeen in argagixisada aan laga joojin xabbad iyo hub culus ilaa godadkooda laga soo saaro iyagoo meyd ah. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay, iyadoo dagaalka lagu xoojiyay diyaarado casri ah, kuwaas oo garab siinaya ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka si loo ciribtiro kooxaha argagixisada.
  2. Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka (State Department) ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta laga daad-gureeyo, kaddib markii ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee Muqdisho. Wargeyska New York Times oo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in xubno kamid ah Waaxda Arrimaha dibadda (State Department) ay soo jeediyeen in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta laga daad-gureeyo, sababo ammaan dartood, kaddib markii argagixisada Al-shabaab kaabiga u yimaadeen Muqdisho. Mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka ee uu soo xigtay wargeyska New York Times ayaa xaqiijiyay in argagixisada Al-shabaab ay kaabiga u yimaadeen magaalada Muqdisho, kaddib dhaq dhaqaaqii ay dhawaanahan ka wadeen gobollada Shabeellooyinka ee deriska la ah Muqdisho, kuwaasi oo ay degaanno badan ka qabsadeen ciidamada dowladda. Xubnahan ayaa Wargeyska u sheegay in walaac amni oo dhab ah loo qaadanayo dhaq dhaqaaqa sii kordhaya ee dagaallamayaasha As ka wadaan gobollada deriska la ah Muqdisho, sidaasi darteedna ay tahay in la xiro safaaradda Mareykanka lagana daad-gureeyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta ku sugan. PUNTLAND POST The post Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la soo jeediyay in sababo amni loo xiro lagana daad-gureeyo diblomaasiyiinta appeared first on Puntland Post.
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa martigelisay shir muhiim ah oo lagu gorfeynayo horumarinta marinka ganacsi ee muhiimka ah ee isku xira dekedda Berbera (Somaliland) iyo magaalada Addis Ababa (Itoobiya). Shirka waxaa ka qeyb-galay maayarro iyo mas’uuliyiin ka kala socday Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Somaliland. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd sidii dib-u-habeyn iyo horumarin loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, si loo fududeeyo ganacsiga, isu-socodka dadka iyo badeecooyinka. Marinkan ayaa loo arkaa inuu yahay xariiq istiraatiji ah oo xoojin kara xiriirka dhaqaale iyo bulsho ee ka dhaxeeya labada dhinac. Faa’iidooyinka mashruuca iyo aragtiyaha mas’uuliyiinta Injineer Shaafi Axmed Macallin, maayarka magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in marinkan uu xambaarsan yahay muhiimad weyn oo dhaqaale iyo istiraatiji ah, isagoo tilmaamay in uu fure u noqon karo isku xirka bulshada iyo kor u qaadidda iskaashiga gobolka. “Waa mashruuc la isku hallayn karo oo wax weyn ka beddeli doona dhaqaalaha gobolka. Waxaa la rajeynayaa in dhammaan magaalooyinka uu marayo ay si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu yiri Injineer Shaafi oo la hadlay BBC-da. Wuxuu sidoo kale xusay in shirkan lagu falanqeynayo caqabadaha iyo fursadaha mashruuca, iyadoo jaamacadaha maxalliga ah, sida Jaamacadda Jigjiga, ay sameeyeen daraasado ku saabsan saameynta iyo faa’iidada uu leeyahay. Dekedda Berbera iyo doorka Itoobiya ee gobolka Mashruuca dhismaha waddada isku xirta Berbera iyo Addis Ababa ayaa bilowday sanadkii 2021, kaddib heshiis dhex maray shirkadda DP World iyo Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya. Shirkadda DP World ayaa ku dhawaaqday maalgelin dhan $1 bilyan oo doollar, taasoo la qorsheeyay in lagu fuliyo muddo 10 sano ah si loo horumariyo kaabayaasha ganacsi ee marinka muhiimka ah. Dekedda Berbera, oo shirkadda DP World si weyn u ballaarisay, ayaa kaalinta 165-aad kaga jirta dekedaha ugu sarreeya caalamka, sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Sidoo kale, waxay noqotay deked si weyn ula tartami karta kuwa kale ee gobolka Geeska Afrika. Itoobiya, oo leh dad kor u dhaafaya 100 milyan, ayaa si weyn ugu baahan dekedo wax ku ool ah si ay uga soo dejiso badeecooyin iyo ugu dhoofiso wax soo saarka dalkeeda, sida bunka. Inkasta oo Itoobiya muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha Jabuuti iyo Suudaan, haddana waxaa muuqata in ay dooneyso in ay balaadhiso xulashooyinkeeda, iyadoo qorsheyneysa in ay la wareegto saami ka mid ah dekedaha ay leeyihiin dalalka dariska ah.
  4. ADDUUNYADU WAXAY LA YAABANTAY HABDHAQANKA FOOSHA XUN EE UU XASAN SHIIKH ULA DHAQMAY MAAMMULADII SOOMAALIYA IYO S. LAND. Xasan shiikh wuxuu dhabanna hays ku riday caalamkii iyo wax garadkii ummadda soomaaliyeed wuxuu u dhaqmayaa sidii hoggaamiye kooxeed (war lord) wuu dagaallansanyay waxba reebimaayo. Wuxuu ka bilaabay jamhuuriyadda s. Land oo uu dagaal qaawan oo nolosha ah uu la galay isagoo raadkiisa guray madaxweynihii hore ee s. Land si uu u go’doomiyo s. Land oo ilaa imminkana uu cirro kula jiro dagaal qaawan oo caalamiya kaas oo ay kaga guulaysatay s. Land Wuxuu argagixisada u go’doomiyay puntland oo dagaal culus kula jirta daacish, wuxuu ka jaray xitaa dhaqaalihii kabka ahaa ee ay dawladda dhexe siin jirtay iyo caawimooyinkii caalamiga ahaa intaba. Wuxuu si qaawan oo Soomaalinimada ka baxsan u weeraray axmad madoobe isagoo go’doon cirka ahna saaray oo aanay weli diyaaraduhu tegi karayn kismaayo. Wuxuu marayaa laascaanood oo aanay nololiba ka jirin inuu xamse u diro oo uu sawir ku soo galo, firdhiyene uu shaadh ka weyn u soo geliyo si ay xaaladda laascaanood u sii adkaato. Anigoo soo koobaya xasan cid kale ayuu u shaqeeyaa fidmaduna gondihiisa ayay imanaysaa ee maammuladu degdeg hawga tashadaan intay xaaladdu dhawday. Ummadda turkigu u haynmaayo waxa imandoonta xamar oo gacantiisa ka baxda. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  5. COPENHAGEN, Denmark (HOL) — Danish police are searching for a man suspected of fatally stabbing a 21-year-old Somali woman on Gormsvej in Herning Monday night, in an incident investigators believe was not random. Source: Hiiraan Online
  6. Garowe (HOL) — Puntland’s regional government has issued an urgent appeal for humanitarian assistance as a worsening water crisis threatens lives and livelihoods across the northeastern Somali state. Severe water shortages, triggered by prolonged drought and failed seasonal rains, are forcing mass displacement, killing livestock, and endangering public health, particularly among women and children. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar. Heshiiskan ayaa ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, taas oo u oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah. Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka. Golah ayaa looga warbixiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha qaranku deegaanno badan ka saareen Al-Shabaab. Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo. Sidoo kale waxaa la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardar-galiyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada. Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan xaqiijiyay xoojinta howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay guddi taakulada geesiyaasha dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish.
  8. Mogadishu (HOL) — Somali government forces killed five Al-Shabaab militants and destroyed several vehicles in a planned military operation in the village of Ceelka Nuur Gadoow in Middle Shabelle, the Ministry of Defense announced Thursday. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Custodial Corps has arrested several of its own soldiers after they fled the frontlines of an ongoing offensive against Al-Shabaab and attempted to sell their government-issued rifles, the force’s commander confirmed Thursday. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Somalia has signed a $306.5 million debt relief agreement with the Arab Monetary Fund, marking a major step in its efforts to recover from decades of conflict and rejoin the global financial system. Source: Hiiraan Online
  11. Some State Department officials have proposed closing the embassy in Mogadishu, the Somali capital, as a precaution after recent gains by Al Shabab militants. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay askar ka tirsan ciidamadeeda oo kasoo baxsaday furimaha dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan “Shub”, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo loo diray dagaalka ay si fuleynimo ah uga soo baxsadeen aagga hore, kadibna ay kusoo laabteen Muqdisho. Taliyuhu wuxuu ku tilmaamay falkaas mid ceeb ku ah askartaas, sida uu hadalka u dhigay. Taliye Shub ayaa xusay in askartii la qabtay lagu xiray xabsiga dhexe ee Xamar, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. “Rag isku mid ma aha, goobta dagaalka ayaa lagu kala baxaa. Kuwa fuleyda ahaa ee ka soo cararay jiidda hore annaga Muqdisho kuma dayn, waanu soo qabanay, waaran ayaana u jarnay, xabsiga ayaana ku shubnay,” ayuu yiri. Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in weli ay baadi-goobayaan askari kale oo baxsad ah, isla markaana la filayo in mar dhow la soo qabto. “Waxaa jira nin naga fakaday oo aan weli raadineyno, waana heli doonnaa, isaguna wuxuu geli doonaa Gaal Shire,” ayuu yiri Taliye Shub. Dhanka kale, taliyaha ciidanka Asluubta ayaa ammaan u jeediyay askarta kale ee weli ku sugan furimaha dagaalka, isagoo ku bogaadiyay sida ay uga qayb-qaadanayaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dalka. Maalmo kahor ayaa Muqdisho laga sagootiyay ciidamo ka tirsan Asluubta, kuwaas oo loo diray furimaha hore si ay uga qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayna garab siiyaan ciidamada milateriga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka ku jira. Sidoo kale, ciidamo ka tirsan Booliska ayaa iyana lagu daray safka hore, si ay u xoojiyaan dagaallada ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay Al-Shabaab isku dayeen inay dib usoo abaabulaan. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalladii u dambeeyay, iyagoo xoreeyay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan maamulka HirShabelle. Sidoo kale, waxaa lagu dilay tiro badan oo maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si rasmi ah u shaacisay maydadka qaarkood.
  13. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Shabaab ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka. Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha Qaranku deegaanno badan ka saareen Shabaab. Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixiso lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada. Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee, waxaa haatan socota qabanqaabada aaska marxuum Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo saaka maydkiisa lagu wareejiyay ehelkiisa, kaddib markii uu dhowaan geeriyooday isaga oo xabsi ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya. Marxuumka ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday isbitaalka Digfeer, waxaana aaska ka qayb-galay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo kasoo jeeda beesha uu ka dhintay. Maydka marxuumka oo dadweynuhu kasoo qaaday isbitaalka ayaa si lug ah loogu qaaday garoonka Aadan Cadde, halkaas oo diyaarad looga qaaday, waxaana ehelladiisu sheegeen in lagu aasi doono magaalada Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeeday. “Waxaa la isku afgartay in la dhameystiro aaskiisa, dowladdana waxay ogolaatay in Jananka lagu wareejiyo ehelkiisa,” ayuu yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada. Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray: “Beesha Jareerweyne ayuu ka dhintay AUN Jeneraal Sheegow, maydkiisana maanta waxaan ku aaseynaa magaalada Jowhar.” Sheegow ayaa horay loo sheegay in xanuunkiisu uu kasoo bilowday cagaarshow, balse uu ugu dambeyn u dhintay kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka qaraabo la ahaa. Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay Jeneraalka, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu u dhintay dayacaad caafimaad, maadaama uusan helin daryeel ku filan. Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidamo uu hoggaaminayay iyo kuwa dowladda. Kaddib qabashadiisa, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo 22 dhalinyaro ah oo lala xiray Jeneraalka, kuwaas oo ehelladoodu codsanayaan in xorriyaddooda dib loo siiyo. “Waxaa kale oo jira 22 dhalinyaro ah oo maxaabiis ah, kuwaas oo dowladda u xiran. Howlo farsamo oo haatan socda ayaa jira, marka la dhameystiro iyagana waa la sii deyn doonaa,” ayuu mar kale yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada marxuum Sheegow.
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda gargaarka ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhowaaqday xaalad adag oo ka taagan deegaannada maamulkaasi, taas oo sababtay barakac, dhimasho xoolo, iyo kororka cudurrada la xiriira biyo la’aanta. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in abaar baahsan ay ku dhufatay guud ahaan Puntland, isla markaana xaalado adag ay ka jiraan dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulkaasi. Qiimeyn la sameeyay ayaa sidoo kale muujinayso xaalad degdeg ah oo ku saabsan nafaqo-xumada sii kordhaysa gaar ahaan haweenka iyo carruurta ee Puntland. Wasaaradda ayaa soo saartay baaq deg-deg ah, si wax looga qabto xaaladaha bani’aadanimo ee hadda ka soo kordhyay Puntland-Soomaaliya. “Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada puntland taas oo sababtay biyo la’aan baahsan oo saamaysay dhammaan gobolada iyo deeganada puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxa ay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Puntland farriin culus u diray hay’adaha samafalka oo ay ugu baaqday inay qaataan doorkooda, una gurmadaan qoysaska ay soo wajahday xaaladda nololeed ee ku dhaqan maamulkaasi. “Wasaarada ayaa ugu baaqayso hay,adaha bah-wadaagta la,ah ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada inay ka wada qayb qaataan sidii gargaar biyo dhaan ah loogu samayn lahaa dadka ay saamaysay abaartu” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Wasaaradda ayaa ku hawlan sidii looga looga hortagi lahaa khataraha ka dhalan kara abaaraha iyo biyo yarida ee ka jira deegaanada Puntland”. Puntland ayaa markii hore ku jirtay xaalad dagaal oo ka dhan ah Daacish, waxaana kusoo darsoomay mid bani’aadanimo oo saameynteeda laga dareemay maamulkaasi. Si kastaba, Soomaaliya oo dhan ayaa lasoo warinayaa inay ka jirto abaar daran, waxaana di’in roobkii la filayay, taas oo uga sii dartay kuleelka iyo abaarta jira.
  16. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay masuuliyiin Dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta. Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait, kulan kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa maalgalin ku saabsan ilaha dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo dowladda Kuwait ay hore qeyb libaax uga qaadatay. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay fursadaha maalgalineed ee u baahan in iskaashi gaar ah laga yeesho, iyada oo diiradda la saarayo maalgalinta ilaha wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed ay aadka u danaynayaan si dhaqaalaha gudaha dalka uu sare ugu kaco. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay in Sanduuqani uu door muhiim ah kulahaa in Dowladda Soomaaliya ay gaarto bartii kama dambeysta ee hannaankii deyn cafinta, sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa sheegay in kulanka ay hada la yeesheen Agaasimaha Guud ee Kuwait Fund Mr. Waleed Shamlan Al-Bahar ay warbixin guud ka siiyeen heerka maaliyadeed ee maanta ay taagan yihiin kadib deyn cafintii iyo qorshe yaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay mihiimadda siinayso. Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaaliya ee sida joogtada ah uga qeyb qaatay safarkii Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Dhaqaalaha iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadeed ee dalka. Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (HOL) – Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with Ambassador Abdullah Al-Otaibi, Head of the Arab League Mission in Somalia, on Wednesday to discuss expanding political and economic cooperation between Somalia and the Arab League. Source: Hiiraan Online
  18. Jigjiga (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa maanta loo doortay hoggaanka sare ururka ONLF, kadib kulan ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida, Itoobiya oo ay isugu yimaadeen xubnaha ururka. Golaha Dhexe ee Xisbiga ONLF ayaa xilkan u doortay Qalb-Dhagax, iyaga oo xilkii guddoomiyenimo ka qaaday Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo ay ujeediyeen eedeymo culus. Faafin rasmi ah oo kasoo baxday ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiyihii hore uu jabiyay xeer-hoosaadka xisbiga, isla-markaana uu farogelin ku sameeyay habraaca go’aan qaadashada, uuna sidoo kale khatar geliyay badqabka xubnaha xisbiga. Intaas kadib, Cabdikariin Qalbi-dhagax oo ahaa ku xigeenka guddoomiyaha ayaa loo doortay xilkan isaga oo sii hoggaamin doono ONLF ilaa laga gaarayo shirweynaha guud. Sidoo kale ururka ayaa hoosta ka xariiqay in mowqifkiisa uu weli sidiisii yahay, uuna taageersan yahay heshiiskii nabadeed ee 2018-kii, kaas oo ay ku tilmaameen tiirka nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan ismaamulka deegaanka Soomaalida. Qalb-dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF ayaa lagu xasuustaa sida uuu ugu dagaalamay ururkan, iyada oo xittaa mar dhexe ay dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo ay u dhiibtay Itoobiya, arrintaas oo dhalisay walaac xoogan, waxaana mar dambe uu dib u helay xoriyaddiisa, kadib isbeddallo ka dhacay dalka Itoobiya. Isbeddalka haatan lagu sameeyay hoggaanka sare ee ONLF ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda xiisad xoogan kala dhexeyso maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ay isku hayaan arrimaha maamulka ee dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya. ONLF ayaa dhowaan Cagjar ku eedeysay waxqabad la’aan iyo fadhiidnimo, taas oo uu jawaab adag ka bixiyay isagoo ganafka ku dhuftay eedeynta loo jeediyay, Sidoo kale wuxuu dhankiisa ONLF ku tilmaamay koox macangag ah oo dulqaad yar, sida uu hadalka u dhigay. “Baahiyaha shacabka Deegaanka haysta way badan yihiin, marnaba dowladdu kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarka ee shacabku qabaan. Waxay ka jawaabaysaa kuwa ay u aragto in lagu wajihi karo tabarta la haysto,” ayuu yiri Cagjar. Si kastaba, ONLF ayaa si guud saluug uga muujisay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida labada dhinac oo horay u yeeshay wada-hadallo looga hadlay xiisadda dhexdooda ah.
  19. Mogadishu (HOL) – Somalia has reaffirmed its commitment to enhancing migration cooperation and combating human trafficking at the Second Ministerial Conference of the Khartoum Process in Cairo on Wednesday under the Chairmanship of Egypt. Source: Hiiraan Online
  20. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo laga soo doorto gobolka Sool ayaa sheegay in saxaafadda iyo mas’uuliyiinta Puntland ay ku jiraan shakhsiyaad xagjira oo khatar gelinaya midnimada iyo wadajirka bulshada. Xildhibaan Qaalib Xasan Baaruud oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in shakhsiyaadkaasi yihiin kuwa aan colaad iyo nabad midna wax ka tari karin oo mar kasta faafinaya afkaar ku dhisan nacayb iyo kala fogaynta bulshada Puntland iyo kuwa SSC-khaatumo. Xildhibaan Qaalib Baaruud ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan koox af-duubtay magacii SSC-khaatumo, kuwaasi oo halgankii is daad-raaciyay, islamarkaana ka shaqeeyay isku dirka shacabka Puntland iyo SSC si ay xilal uga helaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ka digay in labadaasi kooxood dhibaato u horseedaan bulshada labada dhinac “Saxaafada iyo lakabyada dowladda Puntland waxaa ku jira dad xagjir ah oo khatar ku ah jirtitaanka Puntland iyo mabaadi’dii Puntland lagu asaasay. Dadkaasi waa kuwo aan colaad iyo nabad midna Puntland wax ka tari karin. Haddana hadh iyo habeen waxa ay ka shaqeeya oo kaliya waa kala fogeenta dadka walaalaha ah.” “Waa dhiga kooxda magaca SSC-Khaatumo afduubtay ee halgankii is daad raacisay, haddana isku dirka shacabka walaalaha ah, kurista Xamar iyo Laascaanood kaga raadinaya. Labada kooxoodba waxay khatar ku-yihiin wada-jirka shacabka Puntland iyo SSC-Khaatumo” ayuu yiri xildhibaan Qaalib Baaruud. PUNTLAND POST The post Qaalib Baaruud: Saxaafadda iyo mas’uuliyiinta Puntland waxa ku jira shakhsiyaad xagjir ah oo neceb SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
  21. On Tuesday, there was a sense of uncertainty among humanitarian organizations and food aid recipients throughout Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Kenya's government urged vigilance on Wednesday as it tackles a cholera outbreak that has killed at least five people, a health ministry official said. Source: Hiiraan Online
  23. Foreign Affairs, Emigration and Egyptian Expatriates Minister Badr Abdelatty had talks on Wednesday with his Somali counterpart Ahmed Moallim Fiqi. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaq aan horay loo arag oo ay qabteen dayax-gacmeedyo sirdoon oo caalami ah ayaa laga dareemay xeebaha Soomaaliya, taas oo dhalisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan barnaamijka hawada sare ee Turkiga ee si xawli ah u kobcaya. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Intelligence Online, oo ah hay’ad sirdoon oo fadhigeedu yahay Faransiiska, dayax-gacmeedyo casri ah oo ay leeyihiin shirkadda Maraykanka ah ee Maxar, kooxda Faransiiska ah ee Airbus Defence and Space, iyo shirkadda Shiinaha ee Changguang Satellite Technology, ayaa si joogto ah ula socday laba goobood oo gaar ah oo ku yaalla gudaha Soomaaliya. “Tirada badan ee sawirrada la qaaday” ayaa si cad u muujinaysa in dadaal xooggan lagu bixinayo la socodka dhaqdhaqaaqyada ka dhacaya goobahaas. Falanqaynta Intelligence Online ayaa tilmaamaysa in mid ka mid ah goobahaas, oo ku taalla xeebta magaalada Kismaayo, loo maleynayo inuu yahay saldhig sahayda lagu kaydiyo. Goobta labaad, oo ku taalla meel ku bannaanka Jamaame ee dhanka koonfur-bari balse xigta dhinaca xeebta, ayaa loo arkaa inay tahay halka laga dhisayo saldhigga hawada sare ee Turkiga – mashruuc uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ku dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay. Inkasta oo dowladdu ay dhowr toddobaad kadib si rasmi ah u xaqiijisay mashruuca, haddana lama sheegin faahfaahin ku saabsan halka ama goorta la dhisayo saldhigga. Intelligence Online waxay rumaysan tahay in kormeerayaashan caalamiga ah ay haatan iyagu si gaar ah u ogaadeen xogtaas. Jamaame oo si gaar ah loola socdo Kormeerka xooggan ee dayax-gacmeedyada caalamiga ah ay si gaar ah u diiradda saareen bannaanada Jamaame ayaa si weyn u muujinaya in halkaasi ay tahay goobta loo asteeyay saldhigga hawada sare ee Turkiga. Tani waxay la jaanqaadaysaa hadalkii Madaxweyne Erdoğan, waxayna dhalinaysaa su’aalo muhiim ah oo la xiriira saameynta istiraatiijiyadeed ee xarun noocaas ah ku yeelan karto Geeska Afrika oo ah gobol xasaasi ah. Daba-galka joogtada ah ee ay sameeyeen quwadaha waaweyn ee dunida ayaa muujinaya heerka walaaca ay ka qabaan waxa Turkigu ka wado gobolka, iyo sida ay ugu baahan yihiin in si dhab ah loo fahmo ujeedada iyo qorshihiisa dhabta ah ee mashruuca. Saldhigga dayax-gacmeedka ka sokow, Intelligence Online waxay sheegtay in yoolalka istiraatiijiyadeed ee Turkiga ay sidoo kale ku wajahanyihiin horumarinta awoodda difaaca. Sida lagu sheegay xogtii hore, Ankara waxay muujisay inay dooneyso saldhig madax-bannaan oo dayax-gacmeedyo laga tuuro oo ku dhow dhul-baraha. Iyadoo Soomaaliya ay leedahay “muuqaal si toos ah ugu furan Badweynta Hindiya,” warbixintu waxay tilmaamaysaa in dalka uu yahay “goob istiraatiiji ah” oo ku habboon saldhig noocaas ah. Qorshahan ayaa la mid ah kan Talyaaniga oo raba inuu dib u furo saldhiggiisii hore ee Kenya, iyo xiisaha Sacuudigu ka qabo saldhigga Duqm ee dalka Cumaan. Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in Turkigu “uusan ku koobnayn oo keliya dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka.” Ankara waxay sidoo kale raadineysaa “goob ku habboon oo ay ka dhisto xarun lagu tijaabiyo gantaallo waaweyn oo masaafado fog fog u duula.” Dhismaha juqraafiyeed ee Turkiga ayaa ka dhigaya tijaabooyinkaasi kuwo adag in la sameeyo – waxaana si fudud ula socon kara quwado kale – maadaama gantaalladu ay u duuli karaan dhanka Badda Midhiterranean ama Badda Madow. Dhanka kale, dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya oo dad yari ku nool yihiin ayaa bixinaya jawi aad u habboon oo lagu sameeyo tijaabooyin noocaas ah, iyada oo laga fogaado meelaha si weyn loo deggan yahay, isla markaana laga yaabo inay yaraato indho-indheynta caalamiga ah marka la joogo marxaladaha ugu muhiimsan ee tijaabada.
  25. A wonder goal from Khvicha Kvaratskhelia upstaged a brilliant curling shot from teammate Désiré Doué as Paris Saint-Germain beat Aston Villa 3-1 in the first leg of the Champions League quarterfinals on Wednesday. Source: Hiiraan Online