Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xafiiskii ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo ayaa shaaciyey in Kiiska badda uu yahay arrin lama taabtan ah. Qoraal kasoo baxaya xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble marnaba uusan ka tallaabsan doonin go’aanka laga sugayo maxkamadda caalamiga ee caddaalada, islamarkaaana uu ku adkeysanayo in murankaas aan laga geli karin wax wada-hadal ah. “Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada,” ayaa lagy yiri qoraalka xafiiska Rooble. Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in Rooble iyo Omamo ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, si uu booqasho ugu tego caasimada dalkaas ee Nairobi. Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida; diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Waxaa dhawaana meesha laga saaray mad-madow soo dhex-galay xiriirkooda. Arrintaan ayaa imaneysa xili ay saacadihii u dambeeyay soo baxayeen warar maran-habaabin ah oo la xiriira in Ra’iisul wasaaraha uu wada-hadal ka geli doono kiiska badda, kaasi oo ay Kenya si bareer ah ku sheeganeyso qeybo kamid ah baddeena. Wararkaas ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxda xafiiska madaxweyne Farmaajo. The post R/W Rooble oo mowqif kasoo saaray kiiska badda kadib kulankii Raychelle Omamo + Safar uu ku tegayo Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  2. Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI waxaa saaka lagu qabtay Shirkii billaha ahaa ee Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI, Shirkaas oo lagu kala dhageystay Warbixinaha Guddida Fulinta, sida oo kale warbixinno lagaga dhageystay Xubno ka socday Madaxda Qurbaha ee Xisbiga iyo Hoggaanka Xisbiga oo warbixin dheer ka siiyey Guddida wadadii dheereyd ee loo soo maray Guusha Xisbigu ka gaadhay Doorashooyinka. Sida oo kale Hoggaanka Xisbigu waxa ay Guddida Fulinta u soo jeediyeen Anshax Marin Laba mas’uul oo ka tirsana Xisbiga kuwaas oo ku gefay marar badan Xeerarka Xisbiga iyo Mabaad’iida Guud ee uu u taagan yahay Xisbiga WADDANI, kuwaas oo kala ah: 1. Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamed iyo 2. Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, iyaga oo lagu soo oogay in jabiyeen qoddobada lagu waayo Xubinnimada Xisbiga WADDANI ee Xeer Hoosaadka Xisbiga, ee kala ah Qoddobka 9aad iyo Qoddobka 10aad. Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI waxa ay cod gacan tag ah oo Aqlabiyad ah Hoggankii, Fulintii, Golaha Dhexe iyo Xubinnimada Xisbiga kaga saareen Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamed, iyo sida oo kale waxa ay cod gacan tag ah oo aqlabiyad ah Fulintii, Golihii Dhexe iyo Xubinnimadii kaga saareen Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa. Source
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo taas oo booqasho hal maalin ah ku timid Soomaaliya. ,War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya. “Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.” Ayaa lagu yiri warka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada kenya appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo xilkiisu ku sii siqayaa dhammaad, isaga oo soo qaatay inta badan wakhtigiisii 5-ta sanno ahaa ee la doortay. 460 maalmood, ayaa u hadhsan Madaxweyne Biixi, muddada sharciga ah ee la doortay, iyada oo muddada hadhsan iyo hawlaha culus ee horyaalla la saadaalinayo in ay keeni karo in muddo kordhin loo sameeyey, inkasta oo muddo kordhintaasi lafteedu caqabado horyaallaan. Sannadka soo socda ee 2022-ka iyo afarta bilood iyo dheeraadka ka hadhsan sannadkan 2021-ka, ayaa la filan karaa in ay Somaliland u noqon dooraan xilliyo ay soo wajahan yihiin khilaafyo siyaasaddeed iyo Mucaaradad adag oo dhex mari doona Muxaafidka iyo Mucaaradka. Hawlahan culus ee horyaalla madaxweyne Muuse Biixi, inta ka hadhsan muddo xilkeedkiisa, ayaa ah mid loo qaybin karo laba qaybtood oo mid hor ay tahay mid ku saabsan Xukuumaddiisa iyo Xisbiga Kulmiye, halka qaybta labaadna tahay mid ka balaadhan oo saameynaysa qaranka, Xisbiyada iyo Goleyaasha qaranka qaarkood. Hawlaha horyaalla Madaxweyne Muuse Biixi, ee dhinaca Xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa, ayaa ah; ■Isku shaadheynta la filayo inuu sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isku shaandhayn, Magacaabis, isku beddel iyo shaqonka erin sameeyo, si uu boodhka uga tumo Xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa oo aanay sannadkan u ahayn mid u wacan, madaama oo ay guul darro ka soo hooyeen doorashadii isku sidkanayd ee Wakiillada iyo Deegaanka, taas oo u horseeday in ay lumiyaan kuraas badan oo Golaha Wakiillada ah, Shir-guddoonkii golahaasi iyo weliba Maayarrada Magaalooyinka waaweyn. Madaxweyne Biixi, oo dadka siyaasaddiisa dhaliilaa, ay tilmaamaan in aanu ku dhiiran inuu sameeyo isku shaandhaynto saameyn leh, ayaa doorkan la sugayaa qaabka uu wax uga beddelo xukuumaddiisa, madaama oo fashilka doorashada ka soo gaadhay loo sibir-saarayo fadhiidnimada qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, kuwaas oo ku fashilmay in ay Xisbiga kala shaqeeyaan inuu kuraas badan helo. Isu shaandheyntan, ayaa la filayaa in ay galaafato Wasiirro, Kuxigeenno, Agaasimeyaal guud iyo qaar ka mid ah Maareeyeyaasha Hay’addaha qaarkood. Isku shaandhayntan, ayaa la sheegay inuu madaxweynuhu ku doonayo inuu ku soo daro Xukuumaddiisa xubno cusub oo saameyn leh oo dhisi kara kalsoonida Xukuumadda iyo deegaannada Somaliland, kuwaas oo qaarkood ka mid ahaayeen Xukuumaddii Siillaanyo iyo xubno aqoonyahanno ah. ■Xisbiga Kulmiye Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa hawlaha culus ee horyaalla, waxa ka mid ah mustaqbalka Xisbiga kulmiye, waxa uu ka yeelayo iyo inuu dib u qaabayn ku sameeyo. 19 sanno ka dib Kulmiye, ayaa markii u horreysay ku guul daraystay doorashadii u dambaysay, taas oo keentay inuu faro madhnaan ka joogo shirguddoonka wakiillada iyo Mayaarada iyo kuxigeennada Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Laascaanood. Arrintan, ayaa la filayaa in ay ku dhaliso Guddoomiyaha Xisbiga, inuu wax iska weydiiyo mustaqbalka Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay, madaama oo ay Somaliland ku soo wajahan yihiin doorashooyinkii Madaxtooyada, guurtida iyo tii ururrada Siyaasadduba. Tallaabooyinka uu qaadi karo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa ka mid ah inuu Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye wareejiyo iyo inuu dib u eegis ku sameeyo Hoggaanka Xisbiga. Qaybta Labaad hawlaha cusub ee horyaalla Madaxweyne Muuse Biixi 2022 ■ Furista Ururrada Siyaasadda Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxyaabaha hor yaallaa waxa ka mid ah furista Ururrada Siyaasadda, oo hore xeerka fududaynaya ay u ansixiyeen golihii Wakiillada ee hore iyo golaha guurtidu, isla markaana loo gudbiyey Madaxweyne Biixi. inkasta oo aanu saxeexa Xeerkan wareegto ku soo saarin, haddana sida uu hore u sheegay Xildhibaan hore Cali Barre oo ka mid ahaa Mudenayaashii hore ee Golaha Wakiillada, madaxweynaha ayaa saxeexay, sida uu sheegay. Sidoo kale, xeerkan oo muddadii ay ahayd inuu saxeexo madaxweynuhu in badan horyaallay ayaa sharcigu dhigayaa inuu dhaqan gal noqon doono, haddii wakhtiga sharcigu siiyey inuu ku saxeexo madaxweynuhu ku saxeexi waayo amma uu dib ugu celi waayo golaha Wakiillada. Xisbiyadan jira ee Kulmiye, Waddani, UCID, ayaa rusqadooda Xisbinimo, waxa ay dhacaysaa dabayaaqada sannadka soo socda, balse xeerkan cusub ee Goleyaashu ansixiyeen, ayaa waxa uu dhigayaa in la qabto doorasho toos ah oo Ururrada lagu soo dooranayo lix bilood ka hor wakhtiga sharciyadoodu dhacayso. Arrintan, ayaa la cabsi qabaa in ay abuuro khilaaf siyaasi ah, madaama oo ay Xisbiyada Mucaaradku u arkaan in ay tahay mid lagu doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo Madaxweynaha, madaama oo marka imika la eego wakhtiga uu dhacayo ruqsada Xisbiyada uu ka dambeeyi wakhtiga doorashada madaxtooyada ee 2022-ka. Waxa kale oo ku gedaaman arrintan duruufo ay ka mid yihiin doorashada Golaha Guurtida oo ku beegan wakhtiga Xeerka furista Ururradu dhigayo in la qabto diiwaan gelinta ururrada cusub. Sidoo kale, caqabada jirta ayaa noqon kara dhaqaalaha ku bixi kara hawlaha furista ururrada siyaasadda. ■Doorashada Golaha Guurtida Madaxweyne Muuse Biixi oo ammaan ka helay qabashadii doorashadii Wakiillada iyo Deegaanka ee isku sidkanayd iyo weliba bixinta dhaqaalihii ku baxay iyo qaabkii xorta iyo xalaasha ahayd ee ay u dhacday, ayaa mar kale waxa horyaalla inuu qabto doorashada Golaha guurtida oo aan hore dalka looga qaban. Qaabka ay ku iman doonaan golaha guurtidu, ayaa noqon doona dooddaha ugu xasaasan ee ay Somaliland wejihi doono sannadka soo socda. Inkasta oo aanu jirin xeer imika jira oo lagu soo dooranayo Golaha Guurtida, haddana waa arrimaha ugu culus ee caqabad ku ah qabsoomida doorashadaasi. Golaha Wakiillada ee cusub, ayaa la filayaa in waxyaabaha ay qaban doonaan in ay ka mid tahay samaynta xeerka lagu dooranayo amma lagu xulanayo Golaha Guurtida Somaliland. ■ Doorashada Madaxtooyada Madaxweyne Muuse Biixi, tijaabada ugu adag ee hortaalla, ayaa noqon doonta qabashada doorashada Madaxtooyada, iyada oo si gaar ah isha loogu hayo inuu noqon doono Madaxweynihii u horreeyey ee la doortay ee wakhtigiisii rasmiga ahaa ku qabto doorasho, isla markaana aan samaysan wax muddo kordhin ah. 460 maalmood oo u hadhsan Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxyaabaha horyaalla ay ka mid tahay qabashada doorashadan, oo ah mid ay Mucaaradku doonayaan in wakhtigeeda la qabto, iyaga oo dhiiri gelin ka helay doorashadii isku sidkanayd ee u dambaysay. Doorashada Madaxweynaha oo wakhtigeeda ku dhici wayda amma muddo kordhin la sameeyo, ayaa la saadaalinayaa in ay keeno karto khilaaf siyaasaddeed oo dalka ka dhaca sannadka dambe. Waxa Qoray: Saleeban Saxansaxo Source
  5. Rag allow waa la Doogiye, yaan la Dacaroon Loolankii iyo laacdankii doorashadu, mar haduu dhamaaday. Waxaan leeyahay, siyaasadu waa lur iyo laleemo badantahay’e, lix ruux waa in aanay maanta lix hal seegin. Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada waa in aan hal seegin Labada gudoomiye xigeen ee la doortayna waa in aan hal seegin Madaxweyne Muuse Biixina waa in aan hal seegin Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka, waa in aan hal seegin Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje, isna waa in aanu hal seegin Aniga iyo rag kalana, waa in aanu hal seegin. Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaa horyaala hawla badan oo aad loo hillaadinayo. Shalay hadii uu ahaa musharax, ay garab kali ahi gacal iyo gaashaan u yihiin, maanta waxa uu oday guud u noqday, labadii garab ee gulufka iyo gaaduhu u dhexeeyay labada bilood ee gowda ah. Sidaa darteed, gudoomiyaha waa in aanay seegin in ay la gudboon tahay in uu ururiyo, ititibiyo, isku ulo, Isla markaana idilkood isugu faaliyo mudanayaasha aqalka cusub. La soco qormada taxanahan qaybtiisa danbe. Waxa Qoray Maxamuud Xaashi Source
  6. Golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka yeeshay kal-fadhigoodii koowaad , waxaana fadhigan saaka shir gudoominaayey gudoomiyaha Golahaasi Xil Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ay hareero fadhiyaan labadiisa gudoomiye ku xigeen. Fadhigan saaka ayaa ahaa mid goluhu uu ku dooranaayey guddi xildhibaano ah oo ka soo shaqeysa sameynta xeer hoosaadka golahaasi yeelan doono. Sidoo kale, bilowgii fadhigan waxaa khudbad is lab xaadhasho iyo dardaaran ah xildhibaanada u jeediyey gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa waxaa lagu shaaciyey amar ah in aysan geli karin hay’adaha dowladda heshiisyo siyaasaddeed, mid amni iyo kuwa dhaqaale, inta lagu guda jiro xilliga kala guur ah, isla-markaana laga qabanayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Prof Huseen Warsame oo ah bare Jaamacadeed oo ku sugan magaalada Calgary ee dalka Canad ayaa fasiraad ka bixiyey wareegtada uu soo saaray madaxweynaha oo ku soo aaday xilli xasaasi ah, wuxuuna shaaciyey inay tahay mid muhiim ah oo ku soo aaday xilligeeda. Aqoonyahankan ayaa xusay in adduunyada inteeda ay ka jirto arrintan oo kale, isla-markaana la qaado tallaabooyinkan, marka la gaaro waqtiga doorashada. “Anigu waxaan isleeyahay cid loola jeedaa oo gaar ah in aanay jirin, laakiin waxaa muhiim aheyd koleyba mar haddii kala guur la joogo een dad badan oo xilal haya oo soo noqoneyn-baa jira, kana baqanaya inay doorashada waayaan, marka aduunyada oo dhanba waa iska sidaas, ” ayuu yiri Prof Huseen Warsame oo ah bare Jaamacadeed. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey in tallaabada uu qaaday madaxweynaha uu sharciga u ogol-yahay, maadaama uu yahay cidda ugu sarreysa ee maamulka dowladda. “Qodobka 18-aad ee dastuurka wuxuu madaxweynuhu awood u siinayaa in isagu yahay cidda ugu sarreysa ee dowladda ha noqoto fulin ama ha noqoto sharci dajin ama garsoor,” ayuu raaciyey. Prof Huseen Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay jiri karaan farsamooyin kale oo madaxweynaha ku kalifay amarkan, balse si guud marka loo eego ay warqaddani ku soo aaday xilli loo baahnaa, isla-markaana ay dowladdu ku kalifeyso inay dadajiso doorashada. “Anigu waxaan is leeyahay warqadan waqti yare loo baahnaa ayey soo baxday oo tartarsiin doonto dowladdu, si aanay mashruucyada uga xirmin ayna deg deg isaga dhammeyso arrimaha doorashooyinka ee daba jiitamay-baan anigu isleeyahay,” ayuu markale yiri. Si kastaba direegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee xayiyaaradda lagu saaray hay’adaha dowladda ayaa timid, kadib markii uu soo shaac baxay safarka wafdiga ka socda dalka Kenya ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. The post Maxaa looga dan lahaa wareegtadii FARMAAJO? appeared first on Caasimada Online.
  8. Dowladda Soomaaliya ayaa dhigeeda Faransiiska maanta ka gudoontay talaalka xanuunka Corona Virus dhuucisa Oxford/AstraZeneca ee COVID-19. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Faransiiska ay Soomaaliya ugu deeqday 108,000, kuwaas oo ah talaalka Corona. Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goordhaw laga soo dejiyay Talaalka halkaas oo ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay Faransiiska Talaalka Oxford/AstraZeneca ee COVID-19. War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu yiri “Maanta oo ah 08 Aug 2021, waxaa dalka soo gaaray 108,000 talaalka Oxford/AstraZeneca ee COVID-19. Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Faransiiska iyada oo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), ujeedaduna tahay in dalka, Wasaaraddda Caafimaadka waxa ay uga mahadcelinaysaa Dowladda Faransiiska deeqdan, waxaana loogu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.” Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Faransiiska ayaa ugu deeqday Soomaaliya 108,000 oo darsin oo tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca, si loo xoojiyo barnaamijka tallaal ee dalka. Deeqdu waxa ay soo gaadhay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde maanta 08 agoosto 2021. Daawadan waxa kala wareegtay COVAX global initiative, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. COVAX waxa ay la shaqaysaa dawladaha iyo warshadaha si loo hubiyo in tallaalka COVID-19 adduunka oo dhan laga heli karo, dalalka dakhliga sarreeya iyo kuwa dakhliga hooseeyana wada heli karaan. COVAX waxa wada hoggaamiya Isbahaysiga Coalition for Epidemic Preparedness Innovations (CEPI), Gavi oo ah Xulafada Tallaalka iyo Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO). 108,000 ee darsin waxa ay dardargalinayaan dadaallada tallaalka Soomaaliya oo bilaabmay badhtamihii Maarso 2021, markii uu dalka soo gaadhay tallaalkii ugu horreeyay ee COVAX keento oo dhannaa 300,000 oo darsin oo tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 ka ah. Soomaaliya waxa ay qorshaynaysaa in ay u tallaasho shacabkeeda ugu yaraan 20% dhawr qaabood oo kala horreeya. Ugu horraynta waxa awoodda la saarayaa shaqaalaha jiidda hore iyo dadka ugu nugul oo ay ku jiraan dadka da’da ah. Barbara Nel, Madaxa Afrika ee AstraZeneca ayaa tidhi: “In 108,000 oo darsin oo ah tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca soo gaadhaan Muqdisho waxa ay war lagu farxo u tahay shacabka Soomaaliya” “Dhammaan shaqo wadaagta Isbahaysiga Tallaalku wakhtiga oo dhan waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay u hubin lahaayeen in tallaalka COVID-19 gaadho inta ay suurtagal tahay dalalka Afrika. Maanta in uu Soomaaliya soo gaadhay waxa ay muujinaysaa qiimaha wadashaqaynta xukuumadaha, warshadlayda iyo dhinacyada kalaba u leedahay in laga jawaabo baahida dagdagga ah ee qaaradeennan ka jirta” “AstraZeneca aniga oo u hadlaya, waxa aan jecelahay in aan uga mahadceliyo Wasiirka Caafimaadka Fawsiya Abiikar Nuur, dawladda Faransiiska iyo shaqo wadaagtayada Xulafada COVAX, Ururka Caafimaadka Aduunka, Gavi, CEPI iyo UNICEF suuragalinta hawshan.” “Tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca qiyaastii 90% ayuu ka yahay COVAX inta ay bixisay taariikhdan maanta, iyada oo ah in ka badan 80 milyan oo darsin oo la gaadhsiiyay 127 dal, oo ay ku jiraan in ka badan 38 dal oo Afrikaan ah.” “AstraZeneca waxa ka go’an in ay tallaalka u fidiso sida ugu balladhan iyo si sinnaan ah aduunka, oo aan macaash lahayn inta safmarku jiro. Tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca wuxu caawiyay badbaadinta tobannaan kun oo nafood iyo ka hortagga in kumannaan kale dhakhtar jiifsadaan tan iyo bilawgii sannadkan” The post Faransiiska oo Soomaaliya soo gaarsiiyey deeq tallaalka AstraZeneca ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  10. MOGADISHU (HOL) - Kenya foreign Minister, Raychelle Omamo has today arrived in Somali capital, Mogadishu barely two months after her country lifted flight ban on Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Bas rakaab ah ayaa ku rogmaday galbeedka Turkiga subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah, waxa ku dhintay ugu yaraan 14 halka 18 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdegga ah. Baska ayaa ka baxay xadka la koontarooli karo wuxuuna ku rogmaday wadada weyn ee Balikesir isagoo kusii jeeday Edremit oo ku taal galbeedka gobolka Balikesir, rakaabkii ku dhwaacmay ayaa loo qaaday cisbitaalada ku dhow goobta shilku ka dhacay. Shilalka gaadiidka ayaa galaaftay boqolaal qof sanad walba guud ahaan dalka Turkiga iyadoo Guud ahaan dalka, 4,866 qof ayaa ku dhintay shilalka gaadiidka sannadkii hore halka 226,266 qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo, sida laga soo xigtay tirooyinka Machadka Tirakoobka Turkiga (TurkStat). Saddex meelood oo meel shilalka ayaa ka yimaada darawalada oo ka sarreeya xadka xawaaraha. Dawladdu waxay raadineysaa inay yareyso tirada shilalka iyadoo leh dhowr tallaabo. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay shil xoogan oo ka dhacay Turkiga appeared first on Puntland Post.
  12. Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda kenya, Raychelle Omamo ayaa maanta booqasho ku timid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Raychelle Omamo, waxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda. Socdaalka Omamo oo bilow u ah xoojinta xiriirka labada waddan, ayaa ah kii u horreeyay oo ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka labada dal. Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa casumaad rasmiya u sida Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu wado in uu Arbacada soo socota booqasho ku tago waddanka Kenya. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo booqasho ku timid Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaartay wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Raychelle Omamo, taas oo lagu wado in ay kulamo kala duwan la qadato mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble. Omamo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweyay dhigeeda wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Abdirasaq iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda soomaaliya. Raychelle Omamo ayaa sidoo kale lagu wadaa in ra’iisul wasaare Rooble ay guddoonsiiso casuumaad uu maalmaha soo socdo ku tagayo dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata. Kulanka Rooble iyo Uhuru Kenyata ayaa qorsheysnaa mudda laba bil ka hor ah, xilligaas oo Rooble uu Nairobi ka helay casuumaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. The black cliffs of Djibouti in the Horn of Africa may seem featureless at the first sight from afar. However, the rocks reveal 7,000-year-old engravings depicting various figures, from giraffes to antelopes, that offer insight into the past of the region. Source: Hiiraan Online
  15. Maanta waxaa la filayaa iney saaka oo axad ah ay Soomaaliya soo gaarto Ambassador Raychelle Awuor Omamo oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya iyada oo horay u waddo casuumaad ay ka waddo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ah inuu ra’isul wasaare Maxamed Rooble booqdo dalka Kenya. Rooble ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu tago dalka Kenya isaga oo qorshuhu ahaa inuu la galo Nairobi heshiisyo ay ka mid yihiin qaadista xayiraadda qaadka iyo heshiisyo kale oo ganacsi. Si arrimahaasi looga hortago, ayaa sabtidii waxaa Digreeto soo saaray madaxweynaha waqtigiisu dhacay Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo joojiyey in wax heshiis ah ay xukuumadda Rooble gasho muddada kala guurka. Waxaa xeer madaxweyne ku qornaa in lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro. Haddaba, arrintan hakinta shaqada fulinta, oo Farmaajo laga sugayey inuu sameeyo kahor 8-ddii February 2021-kii, oo aheyd markii uu ekaa muddo xileedkiisa ayaa la sheegayaa in aaney daacad ka aheyn, oo ay ku jiraan ilaalinta dano ganacsi. Ilo xog-ogaal ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Farmaajo diidan yahay in lasoo fasaxo qaadka Miiraaga isaga oo ilaalinaya heshiisyo qaadka Hareeriga lagu soo iibsansyo oo lala galay dalka ay saaxiibka yihiin ee Itoobiya. Ilaha aan xogtan ka helnay waxay qabaan in wareegtada Farmaajo ay kusoo Biyo shubaneyso loolan ganacsi oo Miraa iyo Hareerri ah. Farmaajo oo olole doorasho ku jira ayaa digreetadiisa waxaa uu ka dhigay mid uu ku ilaalinayo danaha qaran ee dalka, waxaana laga dheehan karaa in shacabka mar kale kusoo jeedinayo indhaha muranka badda. Isku dhaca Farmaajo iyo Rooble oo qarsoonaa ayaa hadda kor usoo baxay, waxaana lagu wadaa in uu saameyn ku yeesho doorashada 2021-ka iyo hankii ninka hore ka lahaa in dib loo doorto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. When Dr. Anisa Ibrahim was a child at a refugee camp in Kenya, she remembers admiring the health care workers who took care of the people there. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay cabasho ka timid shacabka ku dhaqan Muqdisho, waxayna sameeyeen howl-gallo ka dhan ah dadka isticmaala maandooriyaha iyo kuwa ganacsada. Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyey inta badan gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay tiro dad ah oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomalaiyeed, Zakiyo Xuseen Axmed oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka warbixisay baaritaanadaasi, waxaana ay shaacisay inay uga jawaabayeen cabasho ka timid dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha caasimada. “Taliska Boliiska G/Banadir iyo Maamulka G/Banadir oo is kaashanaaya kana jawaabaya cabasho ka timid bulshada ayaa howlgalo ka fuliyay dhamman degmooyinka G/Banadir howlgalkaas oo lagu soo qabtay dadka mandooriyaadka isticmaala iyo ka ganacsada,” ayey tiri. Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Howlgaladaan waxeey ka jawaabayaan cabashooyinka ay bulshada ku soo gudbiyeen Madasha Ila Wadaag, Qadka 991 iyo cinwaanada bulshada ay si toos ah oogala xiriir karaan Ciidanka Boliiska, “. Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howl-gallada iyo baaritaanada ka socda Muqdisho, si loo xaqiijiyo amniga caasimada. Howl-galkan ayaa wuxuu ku soo aadaya, xilli ay degmooyinka gobolka Banaadir ku soo badanayeen dhalinyarada isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya, waxaana si aad ah baraha bulshada loogu wadaagayey muuqaallo laga soo duubay qaar ka mid ah dadkaasi. The post DF Soomaaliya oo ka jawaabtay cabashada shacabka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Dowladda Faransiiska ayaa Soomaliya ugu deeqday 108,000. oo ah talaalka Oxford/AstraZenece ee looga hor tago caabuqa Covid19,talaalkan oo maanta soo gaaray Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho ayey Dowladda Faransiisku soo marisay xarunta “ COVAX,UNICEF,CEPI iyo Gavi”. Safiirka Dowladda Faransiiska u fadhiya Soomaaliya mudane Kuster- Menager ayaa yiri “Dowladda Faransiiska, Midawga Yurub iyo xarunta iskaashiga ee COVAX waxay diyaar u yihiin in ay gacan wayn ka gaystaan sidii loo xoojin lahaa dadaallada kor uqaadida helida tallaalka Soomaaliya, si hawl-wadeenada safka hore kaga jira la dagaalanka caabuqa Covid-19 uga badbaadaan iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed“ Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaliya Dr fawziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in imaatinka tallaalkani kusoo aaday xili uu sii kordhayo wejiga saddexaad ee xaalada fiditaanka Covid19 iyadoo xustay in sida quree looga hor tegi karaa tahay dadweynuhu inay qaataal tallaaalka,wasiirka ayaa xustay in Illaa iyo hadda, tiro lagu qiyaasay 186,094 qof oo ku nool Soomaaliya ayaa qaatay talaalkoodii kowaad halka 92,792 ay qaateen talaalkoodii labaad. Wasiirka Caafimaadka Soomaliya ayaa ugu dambayn uga mahadcelisay Dowladda faransiska deeqdan caafiimaad ee ay soo gaarsiisay Soomaliya PUNTLAND POST The post Dowladda Faransiiska oo Soomaliya ugu deeqday Tallaalka Covid19 appeared first on Puntland Post.
  19. Dowladda Sacuudi carabiya ayaa fasaxday dadka dalkeeda u imaanaya gudahashada waajibaadka Cimrada laga bilaabo kadib xayiraado mudda saarna dalkaas. Sacuudiga ayaa sheegay in dadka doonaya in ay gutaan waajibaadka Cimrada ay soo codsan karaan dal ku gal kooda, xilli ay ku xirtay shuruudo. Xukuumadda Riyaad ayaa amartay in dadka doonaya in dalkeeda ay u yimaadan gudahashada acmaasha diiniga looga baahan yahay in ay noqdaan kuwa qaatay talaalka Corona Virus. Sacuudiga ayaa horay u ogolaaday 60,000 qof in ay Cimrida u yimaadan, balse waxa ay hadda u ogolaatay dad intaas ka badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Nairobi)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Raychelle Omamo ayaa la filayaa inay maanta booqasho ku tagto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Cs Omamo wasiirka arrimaha dibbada Kenya ayaa waxa ay inta ay ku sugan tahay Muqdisho ay kulamo la qaadan doontaa mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibbada Maxamed Cabdirizaq, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo. Sida ay qoreen qaar kamid ah saxaafada Kenya oo soo xiganaysa saraakiila ayna magacaabain oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya, booqashada Omamo oo ah tii ugu horeysay ee ay Soomaaliya ku timaado waxana ay la xidhiidhaa sidii ay ugala hadli lahayd dowlada Soomaaliya arrimo la xidhiidha muranka badda ee ka dhexeeya labada wadan. Kenya ayaa 19 -kii July, 2021 -kii ka codsatay Guddiga Midowga Afrika in ay bixiyaan kaalmo farsamo oo la xidhiidha arrimaha xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya iyada u dirtey qoraal. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya ayaa xumaa bilihii la soo dhaafay hase yeeshee dhexdhexaadin ay ka gashay dowlada Qadar ayaa sababay in labada dal ay dib u soo ceshtaan xidhiidhkooda. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya oo la xidhiidha booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya. Source
  21. (SLT-Washington)-Osama Bin Laden waxa uu markii la dilayey qorsheynayey inuu khaarajiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, waxaa sidaas shaaca ka qaaday buug cusub. “Markii ay soo dhowaatay sannad-guuradii tobonaad ee weerarkii 9/11, Bin Laden waxa uu aad u daneynayey inuu munaasabaddaas ku xuso weerar kale oo weyn,” ayuu Peter Bergen, oo fallanqeeya amniga qaranka Mareykanka ku qoray buuggiisa “Soo Bixiddii iyo Dhiciddii Osama bin Laden”, oo nuqul ka mid ah lagu daabacay wargeyska Wall Street Journal. “Waxa uu ku-xigeenadiisa u sheegay inuu doonayey ‘howlgal wax ku ool ah, oo sameyntiisa ay ka weyn tahay weerarkii 9/11,’” ayuu Bergen ku qoray buuggiisa oo badanaa saldhig looga dhigay dukementiyo laga soo helay guriga Bin Laden markii la dilay. “Waxa uu sheegay in dilitaanka madaxweyne Barack Obama ay aheyd ahmiyad weyn, hase yeeshee wuxuu sidoo kale isha ku hayey Jeneral David Petraeus oo xilligaas ahaa taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan,” ayuu qoray Bergen. “Bin Laden wuxuu kooxdiisa u sheegay inaysan isku mashquulin in la dilo madaxweyne ku-xigeenkii xilligaas Joe biden, oo uu u arkay ‘nin gebi-ahaanba aan u diyaarsaneyn’ jagada madaxweynaha. Bergen ma sheegin sababta Jihaadiyiinta ay sidaas ugu arkeen Biden, oo toban sanno kadib geeridii Bin Laden noqday madaxweynaha Mareykanka. Biden ayaa lagu warramay inuu kasoo horjeeday howlgalkii lagu dilay Bin Laden oo ay fuliyeen cutubka Seal Team Six ee ciidammada Marines-ka Mareykanka, sababta oo ah ma hubneyn in guriga la weeraray uu ku jiray Bin Laden Damaca Osama Bin Laden ee warar kale oo weyn ayaa salka ku hayey inuu dareemay in dunida ay ilowday, sida buugga lagu qoray. “Waxay u muuqatay in taariikhda ay dhinac martay,” ayuu qoray Bergen. Osama ayaa sidoo kale ka war hayey in kooxaha xulufada la ah Al-Qacida ay dileeen kumanaan qof oo Muslimiin ah oo aan waxba galabsan, taasi oo wiiqday farriinta kooxda ee ah inay ku jiraan Jihaad ay ku difaacayaan Muslimiinta oo dhan Bin Laden wuxuu sidoo kale ka fakaray in magaca kooxda la beddelo lagana dhigo mid dabacsan, sida lagu qoray buugga Bergen. Qorshihii Bin Laden ayaan hirgelin, waxaana la dilay 2-dii May 2011, markii ciidamada Mareykanka ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaallay magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan. Source
  22. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliyaan Daraawiishta Jubaland, oo ku sugan Gobolka Jubada hoose, ayaa halkaas dagaal culus kula galay dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab. Dagaalka oo ka dhacay degaanka Baar-sanguuni, ayaa sida wararku sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sababay, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga hayn. Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay, in ay iska caabiyeen dagaallamayaasha Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhiga Baar-sanguuni, islamarkaana khasaare kala duwan la gaarsiiyay Al-shabaab. Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerarka ku dileen 8 askari oo ka tirsan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland, kuwaas oo uu ku jiro sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Aaden. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  23. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo tallooyin wax-ku-ool ah u jeediyay shir-gudoonka cusub ee golaha Wakiillada. 07/08/2021- Sabtidii maanta oo ay xilka la kala wareegayeen shir-guddoonkii hore ee golaha Wakiillada JSL iyo shir-guddoonka cusub, ee dhawaan loo doortay xilkaasi, ayaa masuuliyiintii ka qayb galay munaasibadaasi, qaar ka mid ah la gudoonsiiyay shahaadooyin lagu maamuusay. Masuuliyiinta shahaado sharafta la gudoonsiiyay waxa ka mid ahaa guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadam oo loo guddoomay, guddoomiyaha golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed iyadoo lagu maamuusay doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaateen doorashadii shir-gudoonka cusub ee salaasadii 03/08/2021 lagu doortay Cabdirisaaq Khaliif Axmed guddoomiye, Siciid Mire Giire guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo Cali Xaamud Jibriil guddoomiye ku xigeenka labaad. Waxa kale oo la guddoonsiiyay shahaado sharaf, masuuliyiin kale oo ay u arkeen in ay mutaysteen, abaal-marin, Waxanna kamid ahaa shir-guddoonnadii hore. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo madasha xil-wareejinta ka hadlay ayaa bogaadiyay shir-guddoonkii hore isagoo xusay sidii wanaagsanayd ee ay u soo wadashaqeeyeen halka uu u rajeeyay shir-guddoonka cusub iyo dhammaan xildhibaanada cusub in si wanaagsan ay u wada shaqayn doonaan isagoo Alle-na uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee ay qaadeen. Guddoomiye Aadam oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Hoggaanka cusub ee guddoomiye Cabdirisaaq hogaaminayo waxaan kula dar-daarmayaa waxa idiin taala shaqada ah in aad isku dheeli-tirtaan la shaqaynta hay’addihii Dastuuriga ahaa, wa’ayo shir-guddoonka imika yimid, waxay hoggaankiisa qabteen waax ka mid ah waaxihii qaranka, markaa waajib Dastuuri ah bay ku tahay in ay hay’adaha kale ee Dastuuriga ah la shaqeeyaan oo ay ixtiraam ku wada shaqeeyaan, wanaag ku wada-shaqeeyaan, aa’raa fiican la is-waydaarsado taana waan ka rajaynayaa, wa’ayo ragga loo doortay guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen waa rag u qalma xilka loo doortay”. Waxa kale oo uu guddoomiye Aadam u jeediyay golaha cusub in ay dib-u-habayn ku sameeyaan xeerarka u baahan dib-u-habaynta (reform-ka) sida xeer hoosaadka golaha si aanay gol-daloolooyin u soo bixin. Allaa Mahad leh. Qaran News