-
Content Count
212,876 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa la filayaa in todobaadkan uu toos uga dago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in qaban-qaabada soo dhoweynta haatan laga sii bilaabayo waqooyiga Gaalkacyo, iyada oo sidoo kale aad loo adkeeyey dhanka ammaanka. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Deni marka uu gaaro Gaalkacyo uu xarigga ka jari doono garoonka kubadda Cagta ee Cawaale Studium. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamo uu ka bilaabi doono waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo uu la qaadan doono waxgaradka deegaanka iyo maamulka. Sciid Deni ayaa sidoo kale maamlmo joogo doono Gaalkacyo, isaga oo kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee magaalada, si u qiimeeyo xaaladda guud ee deegaanka. Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland, waxaana muddooyinkii dambe aad loo xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga magaaladaas. Si kastaba socdaalka la filayo in madaxweynaha Puntland uu ku tego degmada Gaalkacyo ayaa kusoo aadayo, xilli dagaallo ka dhan Al-Shabaab ay ka socdaan gobolka Mudug. The post Saciid Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadkan ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni, oo weli ku maqan safar dibadda ah, ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto dalka, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha sida warar ku sheegayaan, inta uu Gaalkacyo ku suganyahay wuxu xarigga ka jari doonaa garoonka kubadda Cagta ee Cawaale Studium. Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo bulshada Gaalkacyo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo dhismaha dekedda magaalada Gacarad oo meel geba-gabo ah maraysa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland has been a destination for many bloggers and newsmakers from different parts of the world. Hargeisa, the capital city of Somaliland, is the safest place to visit in the Horn of Africa. The city experiences high levels of peace that can’t be equalled to any city around the world. Thanks to community policing, the city is so secure that one can easily walk around without fear of being. robbed. The people of Somaliland are very friendly and helpful to foreigners visiting their country. The citizens will easily pull a conversation about your country of origin, your likes and dislike about Hargeisa. Most of the shopping centres run late into the night hence anyone planning on shopping can find a place at any time of the day or night. Commuting from the CBD to the estates can be done using taxis and buses where one only pays about 2000 Somaliland shillings equivalent to 0.2US dollars. Taxi services can also be easily accessed using mobile applications. This has made transportation convenient around the city Content created and supplied by: RichardMwanga (via Opera News ) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dilka Allah ha u naxariistee ikraan Tahliil Faarax, wuxuu abuuray argagax, diidmo, iyo caro xooggan oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujiyeen. Hay’adda NISA, oo Ikraan ay ka tirsaneyn, waxay afduubka iyo dilkeeda ku eedeysay Al-Shabaab, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa durba iska fogeysay, ayada oo sheegtay inay eedaas “ula yaabtay si la mid ah shacabka kale ee Soomaalida.” Siyaasiyiin badan oo ka hadlay dilka, oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Caynte, Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sanbalooshe, Cumar Cabdirashiid, Taabit Cabdi iyo kuwa kale, waxay falcelintooda, inkasta oo qoraal ahaan ay kala duwaneyd, ay laheyd hal macno, waxayna ku dalbadeenin ra’iisul wasaare Roobleuu tallaabo qaado. Waxaa la mid ahaa shacabka Soomaalida badankood, oo u kuur gelid ay sameysay Caasimada Online, ay ku ogaatay inay badankood dalbanayeen in Rooble uu tallaabo ka qaado dadka lagu tuhmayo kiiskan, oo Ikraan ay caddaalad hesho. Aaway Farmaajo? Baaqyada ku socda Rooble waxay nagu dhalisay su’aal ah, maxaa loo waayey cid baaq u direysa Farmaajo, oo ka codsaneysa inuu wax ka qabto xaaladdan? Baaqyada ku socda Rooble, waxay macno weyn ka bixinayaan halka uu maanta Farmaajo ka taagan yahay Soomaaliya, sumcad ahaan iyo sharciyad ahaan; haddii uu dareensan yahay iyo haddii kaleba. Dadka dalbanaya inay caddaalad hesho Ikraan, ee dhinaca maraya Farmaajo una qeylinaya Rooble, waxay Farmaajo u dirayaan farriin laba macno leh; 1- iInuusan sharciyad madaxweyne haysan, 2- Haddii uu haysatana aysan ku kalsooneyn inuu caddaalad fali karo. Sharciyadda Farmaajo Madaxweyne Farmaajo, wuxuu muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin inuu kursiga ku fadhiyo sharci-darro, oo ay tahay inaan waxba laga weydiin masiirka umadda iyo dalka. Famaajo kahor, waxaa jiray madaxweynayaal waqtigooda dhammaaday, sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif haddana marnaba aan sharciyaddooda dood la gelin, sababtuna waa inaysan isku dayin muddo kororsi, islamarkaana jallaafo kasta oo ay awoodaan u dhigin in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida ka duwan Farmaajo. Waa taas sababta ay u rumeysan yihiin in Farmaajo uu kursi un ku fadhiyo, balse aanu dalka maamulin, oo Rooble iyo xukuumaddiisa ay haystaan sharciyadda xil-gaarsiinta, illaa inta madaxweyne kale laga dooranayo. Tacaddiyada Farmaajo Qeyb kale oo shacabka a ka mid ah ayaa Farmaajo u muujinaya in xitaa haddii ay rumeysan yihiin inuu sharciyad haysto, aysan aaminsaneyn inuu caddaalad fali karo, ama qaado karo wax tallaabo ah oo ka dhan dadka lagu tuhmayo dilka Ikraan. Farmaajo intii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, waxaa dhacay tacaddiyo badan oo loo gaystay dad shacab ama siyaasiyiin ah, sida dhiibistii Qalbi-Dhagax, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, xasuuqii shacabka Baydhaba, iyo askartii la geeyey Eritrea ee weli la’yahay, qaarkoodna la xaqiijiyey in la dilay. Dhammaan tacaddiyadan waxay si toos ah ugu dhammaadeen Farmaajo, waana taas sababta aysan maanta u jirin cid soo hadal qaadeysa Farmaajo, ama caddaalad uga dalbeysa marxuumad Ikraan Tahliil. Afar sano kadib markii Farmaajo la doortay, oo shacbiyadda uu helay ay aheyd mid aan horey loo arag, wuxuu maanta taagan yahay maqam loo arko inuu ahaa madaxweynihii ugu tacaddiyada badnaa uguna xukunka xumaa ee dalka uu arko 30 sano kadib. Waxaa dhimatay sumcaddiisa, wuxuuna marayaa heer, xitaa aan lasoo hadal qaadin, xilli kiis xasaasi ah oo noociisa aan dalka lagu arag uu taagan yahay. Farmaajo waa kaas. The post Dilka Ikraan Tahliil iyo halka FARMAAJO uu taagan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
In June 2021, Osman Mohamed, 18, from Mogadishu, felt unwell for over a week. He was quickly getting tired and was coughing a lot. He decided to go to the hospital and was diagnosed with COVID-19. Source: Hiiraan Online
-
Somali journalists find cover in pool of UN-trained lawyers
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia’s journalists face daily threats to their lives. But the biggest scare in their daily work is lack of legal protection, according to their lobby, the National Union of Somali Journalists (Nusoj). Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa dowladda ugu baaqay in jawaab waafi ah oo dadku ay ku qancaan ay ka bixiso kiis gabadhaas oo hey’adda NISA ay xalay baahisay inay dileen Al-Shabaab, halka Al-Shabaab-na ay iska fogeeyeen dilka iyo afduubka gabadhaas. Sheekh Bashiir ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan ku tagri falin awoodeeda oo kiiska gabadhaan iyo kuwii horay u dhacay ay jawaab cad ka bixiso, shacabkana ka qanciso, halka shacabkana uu ugu baaqay in wax kasta ay dowladooda uga dambeeyaan. Sidoo kale qabaa’il ayuu ugu baaqay in aysan is dhibaateyn oo qadarta ay ku qancaan, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta kiiska Ikraan loo afduubto dad aan waxba galabsan oo heybtooda lagu beegsanayo. “Dowladda waxaa laga rabaa in aysan awooda dadka ku dulmin oo si sax ah ay u isticmaasho, wixii dhacayna sida ay u dhaceen dowladda ayey u taallaa, dhibka dadka soo gaaray waa in dowladdu iska xilqaanto, ee dadku inay macluumaad raadiyaan sax maaha, kiis kasta oo dhaca waxay mas’uuliyadiisu fuuleysaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad. Sheekha ayaa dadka ehelka ah ee gabadhu ay ka maqan tahay ugu baaqay inay sharciga u maraan baadi goobka gabadhooda, si looga sal gaaro kiiska, iyadoo dhib kale aan la geysan. “Qawaacidda Islaamka waxay noo sheegeysaa dowladdu inay masuul ka tahay dadka dhiigooda, ammaankooda iyo maalkooda, dowladdu dalka ayey ka waardiyeyneysaa in cadaw ku soo duulo, shacabka xitaa inay kala celiso ayaa laga rabaa dowladda,” ayuu yiri Sheekh Bashiir. Sidoo kale waxa uu sheegay in kiis gabdheed uu culeyskiisa leeyahay, “Gabdhuhu diin ahaan iyo dhaqan ahaan xurmo gaar ah ayey leeyihiin, culeys gaar ah ayey leeyihiin, waa in daryeel iyo dadaal fiican laga geysto in kiiskaas xogtiisa dhabta ah laga gun gaaro, ama ugu yaraan dadkii ay gabadhu ka dhalatay laga qanciyo,” ayuu yiri. Sheekh Bashiir oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Sax ma aha in la dilo ama la qafaasho qof aan geysan dembigaas, sida aan hadaba maqleyno, ficilkaas mid diini ah maaha, qof kale ayaan ka aar goosanayaa hadaa dhahdo dulmi waaye, diinteenu ma ogola, dulmina, dulmi loogama jawaabo, hadii cadaaladda la waayo, dad kale yaan la afduuban oo la dilin, dulmiga iyo dhibku waa sii badanayaa.” Ugu dambeyntii Sheekh Bashiir ayaa dowladda ugu baaqay in arrintaan ay mas’uuliyad iska saarto si dhibku uusan u sii badan, halka guud ahaan dhinacyada ay khuseyso arrintaan uu kula taliyey in la isku dul qaato. Hoos ka daawo The post Muxuu Sheekh Bashiir ka yiri dilka Ikraan Tahliil? (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo ay ku dhaawacmeen Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xalay ka dhacay magaalada Jowhar. Weerarka bambo gacmeedkaa halka lagu tuuray ayaa ah xaafad ay si weyn u degen yihiin musharaxiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka ayna ka fogeyn hotelada waaweyn ee magaalada. Xaaladda Caafimaad ee xildhibaanada ayaa la sheegay in ay soo hagaageyso , waxaa la sheegay in dhaawacyadooda ay fudud yihiin. Howlgalo dadka guryaha loogu galayo ayaa saakay oo sabti ah ka socda xaafadda Hanti-wadaag gaar ahaan laanta koowaad ee magaalada Jowhar halkaas oo uu xalay ka dhacay Qarax bam gacmeedka. PUNTLAND POST The post saddex xildhibaan oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Sawirka Todobaadka:Bundadan yaa lagala baxay? Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid maamulkiisa iyo waxqabad la’aanta xukuumadiisa, ayaa ugu qiil sameeyay in uu kusoo aaday xili uu taagna khilaafka doorashooyinka. Waxa uu sheegay in ayada oo muddo kooban uu dhisan yahay maamulka HirShabelle uu qeyb ka noqday xalinta khilaafka doorashooyinka, midaasi oo sida uu sheegay ka mashquulisay wax badan oo u qabsoomi lahaa. Sidoo kale waxa uu sheegay in caqabadihii badnaa ee ku gudboona doorashada laga soo gudbay badankooda, islamarkaana uu dalka uu jiheystay doorashooyin, ka maamul ahaana ay diyaar u yihiin qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare. Cali Guudlaawe oo kamid ah Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxa uu maamulkiisu wajahaya khilaaf iyo xiisado ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay, taasi oo illaa hadda aan xal muuqda laga gaarin. Si kastaba, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la daala dhacayay muddooyinkii dambe eedo iyo dacaayado ka dhan inuusan tagin karin qeybo kamid ah maamulka uu ka taliyo, xiisado taagan awgood. The post Madaxweyne Cali Guudlaawe oo qiil yaab leh u sameeyay dib u dhaca maamulkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy in Maraykanka ay ka go’an tahay in uu Ukraine ka taageero ilaalinta xuduudaheeda Madaxweyne Biden ayaa soo gudbiyey 60 bilyan oo dollar oo taageero dhinaca amniga ah, xilli Ukraine ay la tacaalayso xad-gudub kaga imanaya Ruushka. Biden ayaa kulan uu Aqalka Cad kula qaatay madaxweynaha Ukraine ka sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay madax banaanida dhuleed ee Ukraine, xilli ay uu dalkaasi xad-gudub kala kulmayo Ruushka. Labada hogaamiye oo markii ugu horeysay kulmay illaa markii Biden uu xilka la wareegay ayaa sidoo kale waxaa ajendahooda ku jiray ka hadalka mashuuca dhuumaha saliidda ee Nord Stream 2. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo $60 bilyan oo Dollar ku taageeray dowladda Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay banaanka u soo baxday in shirkad gaar ah laga kireeyay dhul kamid ah Tiyaatarka Qaranka, si looga dhiso maqaayad ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn xoogan oo ku aadan awooda dowladda ee bixinta hanti-qaran. Dadka sharciyan aqoonta u leh arrintaan ayaa sheegaya in markii laga hadlo lahaanshiyaha dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, lagana eego dhanka sharciga ay dowladdu leedahay dhulka halka khayraadka dhulka iyo kan baddana ay yihiin hanti Qaran oo ka dhaxeeysa dadweynaha (hanti dadweyne). Qodobka 42-aad ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya farqadiisa 1-aad ayaa dhigaysa “in khayraadka badda iyo kan bariga labaduba yihiin hanti dadweyne”, sida uu Wasiirkii hore ee howlaha guud, Eng Saadiq Cabdullaahi u sheegay BBC-da. Eng Saadiq ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu “ay iibin karto wixii dhul dowladeed ah loona arko dan qaran oo waliba ay ka iibin karto shirkad ama shaqsi”, balse loo baahan yahay keliya in dowladda u marto nidaamka sharciga ah, ayada oo la waafajinayo xeerarka dalka uga yaalla arrintan. “Marka hore soo jeedinta arrintaan waxaa iska leh guddiga qaran ee wakiilka uga ah dowladda dhexe, waxaa sidoo kale qayb arrintaan ku leh golaha deegaanka dhulku ku yaalla markaa kadibna waa in la raadiyaa si loogu tartamo oo cidii ku guulaysata ay sidaa ku hesho,” ayuu yiri. “Dakhliga ka soo baxa dhulkaas iibkiisa waa inuu si toos ah ugu xarooda qasnadda dowladda oo aanu ku dhicin gacan wasaarad gaar ah iyo shaqsi gaar ah.” Dhinaca kale, Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay 5 qoddob oo Wasaaradda Warfaafinta ka dul booday markii la bixinayay qeyb kamid ah dhulka Tiyaatarka, islamarkaana ka hor-imaneysa wareegtada lagu bixiyey dhulkaas, kuwaasi oo kala ahaa; Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS Qoddobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019) Amar Madaxweyne oo ku taariikheysan “19 Janaayo 2018”, taas oo lagu caddeeyey in ay sharci darro “hibeynta, bixinta iyo wareejinta dhulka Dawladda’ Qoddobada 2aad iyo 3aad ee Xeer Ra’iisal Wasaare (Xeer Lr.047 ee 06/12/2018), kaas oo ku saabsan “Heshiisyada Dawladda Federaalka la galeyso Shirkado ama Hay’ado Qodobka 1aad ee warqada Hantidhawraha Guud ee 20/10/2020 oo lagu sheegay in hay’adah Dowladda heshiisyada ay galaan ka soo diiwan geliyaan Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Wuxuu Hantidhawrku meel adag iska taagay bixinta dhulka danta guud ee loo marayo sifo sharciga waafaqsaneyn, ayadoona hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda looga digay in hantida umadda u maamulaan si gaar ah, kana faa’iideystaan xilliyada kala guurka. The post Sharciyan dowlada federalka ma iibin kartaa mise kireyn kartaa dhul hanti qaran ah? appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen Gobalkaasi oo ay haysteen Kooxda Xoogaga Iska-caabinta Daalibaan ee NRFA. Afhayeenka Daalibaan, Bilaal Kariimi ayaa waxaa uu shaaciyey in ay si buuxda ula wareegeen Gobalkaasi. Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ee Daalibaan ayuu ku sheegay in Gobalka Panjshir uu soo galay gacanta Imaaradda Islaamiga er Afganistaan. Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa waxaa ay dabaaldeg ka dhigeen Caasimada dalkaasi ee Kabul, iyago rasaas Hawada Sare u ridayey. Madaxda Kooxda Iska-caabinta Gobalka Dooxada Panjshir waxaa la sheegay inay u baxsadeen dalka Tajakistan, kadib markii ay Daalibaan gudaha u soo galeen Gobalkaasi. PUNTLAND POST The post Ururka Daalibaan Oo la wareegay Panjshir iyo Mucaaradka oo Baxsaday appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE UK’s Minister for Africa announces £250,000 to support Ghana Two weeks after UK-donated COVID-19 vaccines arrived in Ghana, the UK Minister for Africa James Duddridge has arrived in Accra for a two-day visit to the country LONDON, United Kingdom, September 3, 2021/ — Ghana’s long-term prosperity is central to the UK-Ghana partnership and security and stability is essential to the country’s growth. Together, the UK and Ghana are partnering to tackle shared threats through a new Ministerial security dialogue, law enforcement partnerships and peer-to-peer training. To strengthen the UK-Ghana security partnership, Minister Duddridge will use his visit to announce a further £250,000 to fund 4 vital security and stability projects that will bolster Ghana’s capability to combat threats. This funding is in addition to the existing £1 million of UK funding to support the country’s counter-terrorism capability. Arriving in Ghana, UK Minister for Africa James Duddridge MP, said: Ghana’s stability is essential for growth and prosperity in both Ghana and across West Africa. Through our flagship Conflict, Stability and Security Fund we are launching 4 new projects in Ghana worth £250,000, to support the ongoing safety and stability on the northern border. The UK is clear that it is in our shared interest to support a strong, and peaceful Ghana, both now and in the years ahead, and our new package of support will empower communities, the country’s security agencies and civil society organisations to continue to uphold stability along the border, across the country and within the region. These new 4 security and stability projects will: grow the capacity of Ghana’s national crisis response model provide specialists to help deliver Ghana’s nationwide security exercise fund the important work of on-the-ground civil society organisations through STAR Ghana Foundation, working directly with communities across the country that are most vulnerable to insecurity During his visit, Minister Duddridge will meet with key partners and stakeholders including honourable Ministers, leaders in Ghana’s art and tourism sectors, as well as representatives from business and industry. The Minister will also visit Accra’s iconic Christiansburg castle, tour Gallery 1957 and meet British-Ghanaian diaspora driving business and innovation in Ghana. Minister Duddridge last visited Ghana in January 2021, where he attended His Excellency President Nana Akufo-Addo’s Presidential Inauguration, met virtually with His Excellency Vice-President Mahamudu Bawumia during the recent UK-Ghana Business Council held in June this year and finally met His Excellency President Akufo-Addo with other senior officials and honourable Ministers during the recent Global Education Summit held in London in July. Source Government of UK Qaran News
-
Garowe (PP News Desk) — The Transitional Puntland Electoral Commission has come under fire for alleged partiality in overseeing the process for pilot local government elections to be conducted in Puntland. Mustaqbal (Future), Truth and Justice, Runta iyo Caddaaladda, Ifiye (Enlightener), Puntland Youth Political Party, and Labour Political Association have issued a joint statement to address “technical and legal obstacles” to the democratisation process in Puntland. The absence of a Constitutional Court following the expiration of the Puntland Supreme Court’s term constitutes a politically formidable challenge, the political associations wrote. “The closed list system does not provide district council candidates with a level playing field” the five political associations said. They have criticised TPEC for issuing a statement to which all political associations had not assented, thereby causing loss of trust in the organisation’s mandate. “We call for Puntland Development and Research Center (PDRC) and Puntland Non-State Actors Association (PUNSAA) to act impartially and refrain from mischaracterising the nascent democratisation process” the statement reads. On 30 August, TPEC Chairman Guled Salah told the local media that there was a consensus on moving forward with conducting the pilot local elections within the agreed timeline. © Puntland Post, 2021 The post Five Puntland Political Associations Question TPEC’s Impartiality appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay isku beel yihiin Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo loo heysto hey’adda NISA iyo dhalinyaro si aar gudasho ah maanta loogu afduubtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Ugu horeyn Xildhibaanka ayaa sheegay in murugada uu la qeyb sanayo qoyska Ikraan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ka ‘argagaxay waayideedii iyo in la dilay’. “Waxaan codkeyga ku biirinaya guud ahaan dadka codsaday in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dilka Ikraan, inay cadaalad hesho Ikraan waa waajib saaran dadka Soomaaliyeed ee wax garadka ah, aniguna dadkaas daba taagan dhiigga Ikraan iyo dilkaas waxuushnimada ah ayaan ka mid ahay,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax. Sidoo kale Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xitaa Al-Shabaabkii nabadda nebcaa ay iska fogeeyaan dilka gabashaas. “Waxaa maanta isoo gaartay in dad ay isku heyb yihiin Ikraan oo ka naxay dhibka gaaray, ay afduubteen seddax dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beel kale, iyagoo tuhun ka qaba in beeshaas dad ka dhashay ay lug ku leeyihiin hey’adihii ay ka shaqeyn jirtay Ikraan,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax . “Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada iyo waxgaradka reer Beledweyne, in dhalinyaradaas si deg deg ah xoriyadooda ay ku helaan, sax ma ahan dhaqanka ah in dadka aano iyo wax lamid ah loo raadsado oo dad aan waxba galabsan loo dhibaateeyo, arrintaasna waxba kuma soo kordhineyso cadaaladda aan u goobeyno kiiska Ikraan,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa bogaadiyey dadaallada Ugaaska beesha Gaaljecel oo Ikraan ay ka dhalatay, guud ahaan odayaasha dhaqanka iyo maamulka magaalada Beledweyne oo maanta u istaagay inay dhashaaqada ka dhalatay kiiska gabadhaas ay xaliyaan. “Waxaan u rajeynayaa dadka walaalaha ah ee reer Beledweyne in shaqaaqooyin aysan lug ku laheyn ama meel kale ka dhacay aysan ku keenin xasilooni darro iyo dhibaatooyin kale oo sii dhaca, dhamaan waxaan ugu baaqayaa qeybaha oo dhan inay is dejiyaan oo ogaadaan inay yihiin dad xigto iyo ehel isku ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Dhanka kale Xildhibaan Aamino Maxamed oo golaha shacabka ku metesha reerka ay ka soo jeedo Ikraan Tahliil oo ka hadashay dhalinyarada lagu afduubtay Beledweyne ayaa tiri, “Qof aan dhibaato noo geysan yaan loo dhibaateynin Ikraan darteed, Ikaraan dadbaa lagu tuhmayaa una eedeysan, kaama hari doono, anagaa u taagan in Ikraan ay cadaalad hesho, laakiin waxaan codasaneynaa in dhalinyarada xirxiran la sii daayo, oo Ikraan darted aan loo dhibaateyn qof aan waxba galabsan.” Hoos ka daawo muuqaalka Faarax Cabdulqaadir The post Daawo: Faarax Cabdulqaadir oo ka hadlay dilka Ikraan Tahliil iyo afduubyadii ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabele waxay sheegayaan in goordhaw weeraray lagu qaaday guri ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle. Sida aan xogta ku helnay weerarka waxaa loo adegsaday Bambo-gacmeed, waxaana ku dhaawacmay seddax xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabeelle. Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in markii guri lagu tuuray Bamka kadib la maqlay rasaas mudo daqiiqado ah socotay, taas oo loo maleynayo in ilaalada xildhibaanada ay ridayeen. Xaafadda lagu weeraray xildhibaanadaan ee ka tirsan xaafadaha magaalada Jowhar waxaa aad u degan musharaxiinta dowlad goboleedka HirShabeelle, waana mid aad loo ilaaliyo amaankeeda, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka. Xildhibaanadii dhaawacmay ayaa isbitaalka loola cararay, waxaana magaalada ka bilaawday howlagglo lagu baacsanayo raggii geystay weerarkaas, welina wax war ah arrintaan kama soo saarin maamulka HirShabelle. The post Weerar caawa lagu qaaday guri ku yaalla Jowhar oo lagu dhaawacay xildhibaanno appeared first on Caasimada Online.
-
Baashe Cawil oo iska casilay Xilkii Wasiir kuxigeenimo ee Madaxweynuhu u magacaabay iyo Wakiilkii waddanka Kenya “Mudane Madaxweyne anoo xiganaya Wareegtadaada summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday. Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya. Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay. ALLAA MAHAD LEH. Baashe Cawil Xaaji Cumar. Source
-
On August 10 at the Beldamin-Golweyn Forward Operating Base in the Lower Shabelle region of Somalia, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) engaged in a fierce firefight between the mission’s troops and the al Qaeda-linked Al-Shabaab fighters. In that battle, according to multiple reports, at least seven civilians were killed near the village of Golweyn, approximately 100 kilometers south of Mogadishu. These are facts, and these are largely undisputed. What is also know is this. In a tweet on the day of the attack (a tweet later deleted), AMISOM indicated that troops on routine patrol “engaged and dislodged” an Al-Shabaab ambush. The tweet read, in part… “During the counterattack, 7 terrorists were killed while others sustained injuries and an assortment of weapons was recovered.” Tweet authorized by Deputy Special Representative of Chairperson of the AU Commission for Somalia Simon Mulongo. The details that have emerged since paint a far more nefarious and disturbing picture of what really happened on the farmland 2km northeast of Golweyn towards Danow. In an interview with the BBC’s Mogadishu correspondent Ibrahim Mohamed Aden shortly after the killings, Shalambood District Commissioner Nur Osman Rage indicated that the death of the seven civilians was far from accidental. “After the brief encounter with Al-Shabaab, the AMISOM officers diverted to a nearby farm, picked an elderly farmer and four of his workers, blindfolded them and paraded them on the tarmac road. They then stopped two trucks on transit in the area, picked the two drivers, blindfolded them and together with the other five, took them to a point where an IED was planted, forced the civilians to sit on the device and detonated it on the seven victims who were blindfolded, instantly killing them.” District Commissioner Nur further indicated that this incident was witnessed firsthand by Somali security officers, local elders and many others in the area, a report was later corroborated by Abdulkadir Mohamed Nur, the Governor of the Lower Shabelle region, after personally meeting with local residents. The day after the killings, under intense pressure from the local community, AMISOM released the following statement… “AMISOM has since received reports that civilian lives were lost. Under the applicable International Humanitarian Law (IHL) and Human Rights, AMISOM is obliged and remains deeply committed to carrying out its mandated tasks in Somalia in strict compliance with such obligations. To this end, AMISOM has launched a thorough investigation into the reported incident. The investigation team will present its findings, and this will be followed by a Board of Inquiry.” The actions of the AMISOM troops in Golweyn are both reprehensible and unacceptable and AMISOM must be held accountable for the behavior of their officers. It is simply not good enough to publish a press release (dated August 21) confirming that, indeed, the seven victims were not members of Al-Shabaab as originally asserted in the tweet of August 10. And it is simply not good enough to commit to an investigation that will identify and punish the barbaric perpetrators of this heinous act. Cases of supposed peacekeepers killing civilians in Somalia are becoming far too commonplace as our country continues to struggle with the instability of the region. The mission of these soldiers is to serve a single purpose, protect the civilians and the country from terrorist operations. The shocking and senseless civilian executions by soldiers deployed for the sole purpose of protecting our citizens must be thoroughly and impartially investigated by AMISOM and that investigation must be immediate, and the punishment must be exacting. These acts warrant a swift, transparent, and harsh punishment to the troops that committed these war crimes as well as to the organizations under whose authority these acts were committed. Nothing else is sufficient. Nothing else is equitable. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has been a center of distrust, cover up and controversy in Somalia as a result of its involvement in civilian deaths. Human rights Reports show that AMISOM is responsible for 2% of all civilian deaths in Somalia and that AMISOM efforts did not improved over the last decade. It begged the question: are 2% of all civilian deaths still too many? Somali People demand answers now. And we demand accountability today. The post EDITORIAL: AMISOM’s Role in Civilian Killings and COVER-UP appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dilka Ikraan Tahliil, oo ay ha’yadda NISA sheegtay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, halka ay iska fogeysay kooxdu dilkaas. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in aan la aqbali karin in tuhmanayaasha kiiska Ikraan ay ka noqdaan garsoorayaal. “Kiiskan waxaa hareeyay mugdi iyo shaki laga qabo dhinacyada ku lugta leh, sidaas darteed waa in baaris madaxbannaan lagu sameeyo. Lama aqbali karo in tuhmanayaashu garsoorayaal ka noqdaan,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu dalbaday in kiiskaas oo uu mugdi iyo shaki badan hareeyay loo saaro guddi madax-banaan, islamarkaana lagu sameeyo baaris aysan shaqo ku laheyn dhinacyada lugta ku leh. Hadalka madaxweynihii hore ayaa imanaya xili uu Golaha Midowga Musharaxiinta ay shaaciyeen inaysan ku qancin qaabka loo shaaciyey geerideeda, ayaga oo ka dalbaday ra’iisul wasare Rooble in uu si deg deg ah u soo faro-gasho kiiskaas, xilalkana ka qaado hogaanka hay’adda NISA. Kiiska Ikraan Tahliil ayaa galay marxalad aad u xasaasi ah, kadib markii ay hay’adda Nabadsugida shaacisay inay gabadhu ku baxday gacanta Al-Shabaab, oo ayadu iska fogeysay kooxdu arrintaas, waxaana maanta magaalada Beledweyne ka dhacay afduub aargudasho ah oo loo gaystay wiil dhallinyaro ah, oo aan wax dambi ah galin. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay dilka Ikraan, dalbaday hal arrin appeared first on Caasimada Online.