-
Content Count
212,896 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn ballaaran, taasi oo xilalkii kaga qaaday Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa, kuwaasi oo isugu jira wasiiro, kuxigeeno iyo agaasimayaal. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 25-xubnood. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. 7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. 8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. 9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta. 11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha. 12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. 16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. 17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga. 18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose. 19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda. 20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. 24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe. 25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. The post Madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo Golihiisa Xukumada Seefta la dhexqaaday+isku-saandheyn,Xilkaqaadis,Bedelid & Magacaabid Wareegto Madaxweyne : 02/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya Ku: Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. 7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. 8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. 9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta. 11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha. 12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. 16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. 17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga. 18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose. 19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda. 20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. 24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe. 25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ee qeybta ka ah askarta AMISOM ku leeyihiin Jaziirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah ah oo u dhexeeyey dagaalyahanadii weerarka qaaday & ciidamada Kenya ee ku sugnaa xerada la weeraray. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac is-weydaarasanayeen, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha sar sare ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo isku fidiyey agagaarka Jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee koonfurta & bartamaha dalka. Si kastaba Jubbooyinka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha si aadka ay haatan ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolladaasi. The post Saldhigga ciidamada KENYA ee KUDHAA weerar culus lagu qaaday + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Wareegto Madaxweyne : 02/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya Ku: Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
A Turkish military aircraft carrying the first batch of Somali female police commandos to complete special training in Turkey landed at Aden Adde International Airport in the capital Mogadishu on Wednesday. Senior government officials, the deputy chief of the Somali police force and Turkish officials welcomed them upon arrival. “You have received one of the best trainings in the world thanks to our Turkish brothers, and it is time now to serve your country and its people with honor and dignity,” said Osman Abdullahi Mohamed, first deputy police chief of Somalia. The female officers will join a special forces unit locally known as Harmacad (Cheetah). Separately, officials received over 100 Gorgor (Eagle) commandos, who also completed their training in Turkey. The Gorgor and Harmacad elite units are fighting against al-Qaida-affiliated terrorist group al-Shabab. Turkish officials who spoke at the ceremony said Turkey will continue its support to the Somali government and its people. The post Turkey-trained female Somali commandos arrive in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirru dawlaha Arrimaha siyaasadda ee Wasaaradda Arrimha dibadda Itoobiya Mr Ridwaan Xuseen ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Waxa weftiga madaarka ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibadda. Weftigan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay mucaaradku ku dhalliilay madaxweyne Biixi in xilli gobolka isbedel weyni ka socdo Somaliland tahay bilaa wasiir arrimo dibadeed islamarkaana aanay saamayn ku lahayn arrimaha gobolka ka socda. Source
-
Dareenka iyo filashadu halkii Shalay ma joogaan. Musharrax Madaxweyne Cirro waa in aanay hodin guushii ugubka ku ahayd Somaliland iyo guud ahaan Afrikaba ee uu Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka soo hooyey doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021 oo Xisbiga Waddani heley tirada xildhibaanada ugu badan iyo hogaanka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland sidoo kale uu ku hantiyey badiba Maayirada Degmooyinka A da ah ee dalka. Sababtoo ah lama kala dooranayn KULMIYE, UCID IYO WADDANI ee waxa la kala dooranayey qofaf iyo haldoor ka kala sharraxnaa Xibiyadan. Sidaa daraadeed waa in aanay Gudoomiye Cirro seegin saddex arrimood: 1- Dib u qaabaynta iyo salballaadhinta dhismaha Xisbiga WADDANI. 2- Curinta iyo hal abuuridda barnaamij iyo aragti togan oo qodaxda iyo shilintaba laga guray oo Bulshada reer Somaliland laga iibiyo. 3- Xulashada haldoor iyo aqoon-yahan xambaara barnaamijka iyo aragtida Xisbiga lana jaanqaada dareenka iyo fikirka maanta oo ka duwan dareenkii iyo fikirkii shalay. ALLAA MAHAD LEH La soco … Qaybta 3aad Waxa qoray, Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucadeeye Source
-
07- 8 August 2021 waxa soo ifbaxay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Ra’iisulwasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Xusen Rooble iyo Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isugu jawaabay warqado ka soo kala baxay xafiisyadooda. Khilaafkan oo markii hore salka ku hayay maareynta arrimaha dibada iyo doorashooyinka ayaa hadda u gudbay howlmaalmeedka wasaaradaha iyo maamulka Gobolka Banaadir. 29-kii August Waxaa soo shaac baxday Warqad taariikhdeedu ahayd 27-06-2021 oo Wasiirka warfaafinta uu ku ogolaaday in shirkad gaar loo leeyahay maqaaxi ay ka dhisato dhul bannaan oo ku yaalla Tiyaatarka Qaranka. 28-kii August wasiirka waxbarashada ayaa dib ugula noqday maamulka iskuul horey Gobolka Banaadir loogu wareejiyay. 31-kii August Wasiirka waxbarashada ayaa shaaciyay in maamulka Gobolka Banaadir laga wareejiyay warqadaha bedelashada ardayda , wasaaraduna ay ku bixin doono si lacag la’aan ah. Hanti-dhawrka qaranka oo ka falcelinayay cabashada ka soo yeertay dhulka Tiyaatarka ayaa 01- Semptember joojiyay in aan la kirayn Karin ama la iibin Karin Hanti-Qaran. 01-September maamulka Gobolka Banaadir oo ka falcelinayay go’aanka Wasaaradda waxbarashada ayaa amray in lagu soo wareejiyo maamulka laba isbitaal oo la tuhunsan yahay in xiriir la leeyihiin Wasiirka waxbarashada . Culeyska ku yimid bixinta adeegyada Bulshada ayaa la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble kuwaas oo ay la kala safteen maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiisyada Wasiiradaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, taas oo hadda hortaal ICJ. Allaha u naxariistee geerida ku timid Injineer Saalixi waxaa xaqiijiyey xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Mahdi Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in Injineer Maxamed Cumar Saalixi uu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee ka dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, “Marxuumku wuuu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. “Isagoo dalkiisa ugu shaqeeyay si hagar la’aan ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Marxuumka waxaa kale oo uu ahaa khabiir aqoon durugsan u leh cilmiga badda, isla-markaana ahaa shakhsiga kaliya ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf, sidoo kalena wuxuu ahaa la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada. AUN Injineer Saalixi ayaa dadka ay soo wada-shaqeeyeen waxa ay sheegeen inuu ahaa shaqsi aad u dhowrsan, Af-gaaban, sidoo kalena aamin ah. The post Khabiir Soomaaliyeed oo laf-dhabar u ahaa dacwadda baddeena oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Oonline) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna sidoo kale duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guri dowladeed oo ay degto siiyey Maryan Aadan Amiin oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida ay iyadu shaacisay Marwo Maryan Aadan. Agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo xalay khudbad ka jeedisay munaasabadda sanad-guurada labaad marka uu xilka la wareegay Cumar Filish ayaa sheegtay inay u mahadcelineyso duqa Muqdisho, maadaamo uu siiyey guri ay degto. Maryan oo si daah-furan uga hadashay arrintan ayaa sheegtay in dhulka la siiyey xilligii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isla-markaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku soo xiriiriyeen guddoomiyaha gobolka Banaadir, isaguna uu si wanaagsan uga jawaabay. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in saddex guri la geeyey, balse ay ka xulatay guryaha la soo tusay midkii ugu yaraa, sida ay hadalka u dhigtay. “Guddoomiyaha guri dowladeed ayuu siiyey, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha annaga oo shir ku jirno ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu yiri madaxweyne Maryan 700 ayey qaadataa Isxilqaana waa dhistaa, guri ijaar ah oo 500 ahna way ku jirtaa, hadday meel fog tagtana nafteydaa qatara, kadib Cumar Filish ayaa la’iigu soo xiray,” ayey tiri Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay in duqa Muqdisho uu siiyey lacag iyo waraaq amar ah oo ay ku dhisaneyo guriga la siiyey. “Lacag aan ku dhistay wuu i siiyey waraaqna wuu isiiyey guddoomiye waa mahadsan tahay,” ayey sii raacisay agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, wuxuuna haatan ku soo aadayaa, iyada oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay in la iibiyo qeyb ka mid ah dhismaha Tiyaartarka Qaranka. The post FILISH oo ‘guri dowladeed siiyey’ agaasime ka tirsan DF appeared first on Caasimada Online.
-
Eng. Maxamed Cumar Saalixi oo ahaa halyey qaran oo gacanta ku hayey kiiska badda Soomaaliyeed ayaa goordhow geeryooday, Saalixi oo muddo ku xanuunsanaa Turkiga ayaa saaka la keenay caasimadda Muqdisho, kadib codsigiisa, waxaa uuna ku geeriyooday gudaha Airportiga. Eng. Maxamed Cumar Saalixi waxaa ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo1952-dii, aabihii waxaa uu ka tirsanaa SYL, waxaa uuna qansnaji kahaa dowladda hoose. Eng Saalixi 1958 ilaa 1964, waxaa uu Luuq ka dhigtay dugsi hoose, 65-68-dii dhexe magaalada Baydhabo halka sare uu ka dhameeyey dusgi sare Banaadir isaga oo ka mid ahaa 5-ta ugu sareysa, taasi oo dhaxalsiisay inuu deeq waxbarasho u aado dalka Poland. University of Warsaw ayuu ka bartay cilmiga Injineeriyadda ka qaatay Master-ka, markii uu dalka kusoo noqday 1979-kii waxaa uu fuliyey mashruucii Bay, isaga 1979 illaa 1987 ka shaqeeyey hoggaanka sahanka iyo maababka ee wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya, markii dambe 1983 ilaa 1987, wax aa uu dhisey mashaariic dhismayaal iyo Beero ay ka mid yahiin Matxafka Qaranka, Beerahii wasaarada Gaashandhiga iyo Sameynta Kanaalo ballaaran oo si casri ah uu u sameeyey, halka 1987 ay dowladda u magacawdey agaasinka waraabka ee Mashruucii Beeraha ee Farxaane ee Gobolka Sh/hoose. 1988 ilaa 1990-kii waxaa uu ku mid ahaa guddi dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia ay u xilsaareen kala qaadida ciidamadii Soomaaliya iyo Ethiopia ee xadka labada dal. Dagaalladii sokeeye, 1992 ilaa 1994 ,waxaa uu ka shaqeeyey xafiiskii UNISOM qeybta Binii’aadinimada ee Gobolka Gedo, Baardheere, waxaa kale uu la shaqeeyey Care iyo heyádo kale. 1998 ilaa 2000, waxaa uu waxbarasho u aaday waddanka Tanzania gaar ahaan Daru Salaam oo u ku bartay cilmiga sida xogta looga soo saaro sawirrada Dayax-gacmeedka u qaado iyo lafa guridda xogta (Remote Sensing iyo GIS). 2000 ilaa 2002-dii waxaa uu noqdey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha DKMG ee Cabdi Qaasim uu madaxweynaha ka ahaa, inta ka dambeeyey waxaa uu la shaqeeyey heyádo dibadda ah oo ay ku jiraan kuwoo Imaaraad ah, isaga oo dalkaas ka qaatay PhD. 2009 Ilaa Maanta uu geeriyooday waxaa uu ahaa ninka keliya ee Soomaaliga ah ee gacanta ku hayey, soona aruuriyey Dokomentiyada, khariidadaha, xeerarka iyo doodaha kala duwan ee kiiska badda. 2015 Ilaa Ilaa 2018 Eng Saalxi, waxaa uu ahaa ninkii ahaa cabiray dhulkii Buulaxo Xaawo Ilaa Mandheere, isaga oo taako-taako u yaqaaney goobaha ay Kenya ku murmeyso. 2014 ilaa 2021, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh u ahaa la taliyaha dhanka badda iyo xuduudaha Soomaaliya, jagadaas oo uu sidoo kale ka hayey maamulka hadda jira ee madaxweynaha muddada ka dhamaatay ee Farmaajo. Eng. Saalixi Hadda waxaa uu hadda ahaa la taliye sare oo ka tirsanaa DFS, waxaa uuna ku hadli jiray luqadaha Englishka,Talyaaniga, Polishka, Carabiga iyo Ruushka. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taalibaan ayaa ku dhowaaqay in dagaalyahanadooda ay hareereeyeen gobolka ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Panjshir, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad uu wato Ahmed Mascuud, oo uu dhalay hoggaamiyihii caanka ahaa ee la dagaallamay kooxdaas ee Ahmed Shah Masoud. Amir Khan Motaqi oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa shaaciyey in ay isku fidiyeen hareeraha gobolka kaliya ee ka soo horjeeda maamulkeeda. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay kooxda ka soo horjeeda inay si nabad ah isku soo dhiibaan, iyaga oo ka faa’iideysanaya cafiska ay kooxda fidisay, kadib la wareegitaankeeda Kabul. “Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay hoy u tahay dhammaan dadka reer Afgaanistaan,” ayuu yiri Amir Khan Motaqi. Hoggaamiyahan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Taalibaan ay dadaal badan samaysay, si ay wada-xaajood ula gasho hoggaamiyeyaasha xoogagga mucaaradka ee Panjshir, laakiin wuxuu shaaciyey inaan wax natiijo ah laga gaarin, taas oo uu ku tilmaamay “nasiib darro”. Si kastaba ciidanka uu hoggaaminayo Ahmed Mascuud oo uu dhalay hoggaamiyihii hore ee la dagaallamay Taalibaan Ahmed Shah Masoud iyo dhowr kun oo ka tirsan malayshiyaadka dooxada Panjshir iyo haraadiga ciidankii Afghanistan ayaa hada la dagaallamaya Taalibaan. The post TAALIBAAN oo hareereysay Ahmed Mascud iyo ciidankiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasibad ay ku qalin jabinayeen in ka badan 800- arday kuwaas oo dhameysatay heerka Koowaad ee waxbarashada Jaamacadda. Ardaydan oo wax ka baratay Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya (SIU), ayaa ka qalin badashay dhamaan kuliyada ay bixiyo Jaamacadda. Xafladda ardaydan oo ka qabsoomtay Hoolka weyn ee Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Maamul Jaamacadda, Waalidiin iyo Marti sharaf kale. Furitaanka Munaasibadda ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay Mas’iiuliyiinta iyo maamulka Jaamacadda. Madaxda xafiiska diiwaan gelinta Jaamacadda SIU ayaa sheegay in ay dufcadda qalinjabineyso ay gaarayaan illa iyo 827 oo arday ah kuwaas oo 564 ay yihiin rag halka inta kale ay yihiin Gabdho. Siihayaha Xafiiska guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya, ahne guddomiye ku-xigeenka Jaamacadda Mudane Maxamed Yuusuf Sheikh Cumar, ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay dhamaan ardayda Jaamacadda ka qalan jabineysay dadaalka iyo horumarka ay gaareen. Qaar ka mid ah waalidiinta caruurtooda ay ka qalin jabisay Jaamacadda ayaa dhankoda ka hadlay dareenkooda ku aaddan farxadda Caruurtooda. Aabbe Axmed Cabdi Jaamac oo ay Jaamacadda Shalay u dhameysay Laba gabdhood oo uu dhalay ayaa kula dardaarmay Ardayda in ay dadaalkooda halkaas ka sii wadaan. Axmed Jaamac ayaa waxaa jaamacadda SIU uga qalin jabiyay laba gabdhood oo uu dhalay kuwaas oo kala ah Xamdi Axmed Cabdi Jaamac iyo Deeqa Axmed Cabdi Jaamac. Ugu Dambeyn Munaasibaddan ayaa Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay waxa ay ugu baaqeen ardayda in ay dadaalkooda iyo mustaqbalkooda sii horumariyaan. Sawirada Xafladda Source: goobjoog.com
-
Hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa gebi ahaan baabi’iyay qandaraas wasiirka Warfaafinta uu ku bixiyay dhul ku yaallo gudaha Tiyaatarka Qaranka. Xafiiska hanti dhowrka ayaa sheegay in aysan sax aheyn sharciyadda lagu bixiyay dhulkan, kadib baaq ka soo yeeray Hobalada Fanka. Hoos ka akhriso wareegtada ka soo baxday xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka Source: goobjoog.com
-
Allaah u naxariiste waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Aadan Abdiid (Shamuuri) oo ka mid ahaa hobaladii Fanka Soomaalida. Shamuuri ayaa mudda dheer ku dhex jiray howlaha fanka, isagoo sidoo kale ka mid ahaa Jilayaasha aadka looga yaqaanay masraxyada Ruwaayadaha. Taariikh Kooban Maxamed Aadan Abdiid (Shamuuri) Allaah u naxariiste Maxamed Aadan Abdiid (Shamuuri) waxaa sanadkii 1958-kii ku dhashay magaalada Jowhar, halkaas oo uu ka soo bar baaray yaraantiisi. Waxa uu sanadkii 1972-kii fanka ka soo galay kooxdii hobalada Fanka ee Yogol oo ka dhisneyd magaalada Jowhar. Gu’gii 1974-kii ayuu ku biiray kooxdii Hobalada Qaranka ee Waaberi, xilliigaas oo uu socday olalihii horumarinta Afka. Shamuuri waxa uu qeyb ka noqday ruwaayado badan, isagoo qaaday Heeso isugui jira Jaceyl iyo Wadani. Maxamed Shamuuri ayaa ku soo caanbaxay heestii Qufac iyo Kalgacal, oo uu curiyey Diiriye Gacan isaguna uu laxanka saaray. Allaah u naxariisto Fanaan Shamuuri ayaa qeyb ka noqday jilidda iyo laxameynta ruwaaydaha kala ah : Yaa u wanqalay Waqtiga? , Kibirkii Beerta iyo riwaayaddii Dhego Awdan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Toronto (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil iyo dhaawac dhalinyaro Soomaali ah loogu geystay magaalada Toronto ee dalka Canada. Weerarkan ayaa sababay geerida AUN Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa iyo dhaawaca laba gabar oo la socotay, sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee Toronto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in markii hore saddex-dooduba uu dhaawac soo gaaray, balse marka la geeyey isbitaalka uu geeriyooday Sahal. Koox hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen xilli ay marayeen wadada, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay arkayeen gaari cad oo meesha kasii dhaqaaqaya. Ma cadda sababta loo beegsaday dhalinyaradan Soomaaliyeed, balse saraakiisha ammaanka ee Canada ayaa haatan wada baaritaano dheeraad oo ku aadan dhacdada. Dhankiisa Aabaha Sahal Maxamed ayaa sheegay in uusan ogeyn illaa iyo hadda sababta loo dilay wiilkiisa, wuxuuna tilmaamay in lagu Aasay qabuuro ku yaal magaalada Toronto. Canada ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku soo badanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida oo inta badan dil iyo dhaawac loogu geysto gudaha dalkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey dil iyo dhaawac Soomaali loogu geystay Canada appeared first on Caasimada Online.
-
Bilawgii todobaadkaan koox aan la aqoon heyb tooda ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo marayay waddo ku taalla Magaalada Toronto ee dalka Canada. Dadka rasaasta lagu furay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Allaah ha u naxariistee Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ku dhacday. Booliiska dalka Canada ayaan illa iyo hadda ka hadlin dhacdadaan lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, xilli ay booliisku cadeeyeen in ay weli wadaan Baaritaanno ku aaddaan sidii loosoo qaban lahaa dadki ka dambeyay falkaan. Dhacdadaan ka dhacday Toronto ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen laba hawewen ah kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Isbitaal ku yaallo magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaaradda Fyl Dubia ayaa saaka dib u bilowday duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland, ka dib muddo sannad ka badan oo ay xayiraad saarnayd. Saaka, ayey qaaday rakaabkii u horreeyey, iyada oo mid cusubna keentay Madaarka Magaalada Hargeysa. Diyaaraddan, oo dhawaan ay Xukuumaddu ka qaaday xayiraadii saarnayd, ayaa soo laabashadeeda waxa soo dhawaayey bulshada Somaliland, gaar ahaan qurbo jooga iyo ganacstada oo muddadii la joojiyey duulimaadyadeeda kala kulmi jiray dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhinaca qiimaha lagu raaco diyaaraddaha kale ee dalka yimaada. Source
-
Wararka ka imaanaya dalka Canada, waxay sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha magaalada Toronto ee dalka Canada dil iyo dhaawac ugu geysteen dad Soomaaliyeed oo qaxootimo ku deganaa dalkaas. Ragga hubeysan oo watay gaari ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaali ah, waxaana halkaas lagu dhaawacay seddax wiil oo mid goor dambe uu dhaawacaas u geeriyooday. Sahal Maxamed Sahal, ayaa magaciisa naloogu sheegay wiilka Soomaaliyeed ee dhaawaca ka soo gaaray weerarkaas ugu geeriyooday dalka Canada, halka labada qof oo kale ay dumar yihiin, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada uu weerarkaan ka dhacay ee Toronto. Aabaha dhalay wiilka la dilay ee Sahal Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in uusan ogeyn cadaw gaar ah oo uu lahaa wiilkiisa, qadartana uu aaminsan yahay, isla markaana ay meydka wiilkiisii Sahal ku soo aaseen qabuuro ku yaalla magaalada Toronto, sidoo kale Aabe Maxamed, waxa uu sheegay in laamaha amniga magaalada ay wadaan baaritaano la xiriira dilka wiilkiisa, balse illaa hadda aysan jirin wax xiriir ah oo ay la soo sameeyeen mas’uuliyiinta dowladda. PUNTLAND POST The post Dad Soomaaliyeed oo lagu weeraray dalka Canada appeared first on Puntland Post.
-
Here at the Refugee Empowerment Center—people are hard at work looking to welcome Afghanistan refugees coming to the United States, some of which will call Omaha home. Source: Hiiraan Online
-
Tacsi 1. Xasan Xaaji Mxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) 2. Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh 3. Suldaan Shariif Batuun 4. Maayar Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin 5. Xildhibaan Aadan Cismaan Xarbi 6. Axmed Siciid Cige 7. Saleebaan Cumar Ku-joog 8. Dr Axmed Saleebaan Jaamac (Shiine) 9. Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) 10. Ramaax Cali Hayste 11. Axmed Saleebaan Kaahin 12. Mustafe Saleebaan Kaahin 13. Yuusuf Daahir Axmed 14. Cabdilaahi Malxush 15. Maxamed Cabdilaahi Mire 16. Mahdi Jaamac Xirsi 17. Maxamed Xuseen Bisad 18. Maxamed Aftax Madar 19. Naasir Yuusuf Daahir 20. Cabdiqaadir Nuur Baxnaan 21. Sacad Cali Kaahin 22. Maxamed Saxardiid Raage 23. Khadar Axmed Warsame Dhammaan dadkaasi waxa ay tacsi u dirayaan Marxuum Proff. Cismaan Ciise Cawaale oo caawa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa oo muddo 60 sanno ah, ahaa barre waxbarasho, ilaahay ha u naxariistee, wakhtigana ka mid ahaa macallimiinta khibradda dheer leh ee Jaamacadda Hargeysa, ahaana hormoodka kulliyadda waxbarashada muddo dheer. Waxay si gaara uga tacsiyadaynayaan geerida Marxuumka qoyska reer Ciise Cawaale meel ay joogaanba gaar ahaan Ooridii iyo ubadkii uu ka baxay Marxuumku. Marxuumkana waxa ay Alle uga baryayaan inuu naxariistii Janno ka waraabiyo una denbi dhaafo. Qaran News
-
Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Al-Qaacida ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay guusha Taalibaan ay dib ugula wareegtay dalka Afghanistan kadib markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka iyo xulufadiisa. Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa Afghanistan qabsaday 2001, kadib markii Taalibaan ay diiday inay usoo gacan geliso hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Sheekh Osman Bin Laden iyo saraakiishii kale ee ururka ee lagu eedeeyey weeraradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September 2001. Qoraal ay baahisay Mu’asasada As-saxaab, oo ah garabka warbaahineed ee Al-Qaacida, ayey kooxda ku bogaadisay wax ay ugu yeertay “furashadii weyneed ee dhowaan ka dhacday” Afghanistan. “Waxaan munaasabaddan taariikihiga ah ugu hambalyeyneynaa hoggaanka Imaaradda Islaamiga ah, gaar ahaa Haibatullah Akhundzada,” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Qaacida. “20 sano oo ixtilaal ah kadib ay shacabka Afghanistan iyo mujaahidiintiisa waxay hadda hanteen miraha jihaadkii waqtiga dheeraa ee ay soo galeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Qaacida. Ururka Al-Qaacida ayaa sidoo kale ugu baaqay muslimiinta caalamka inay garab istaagaan “Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan,” oo ah magaca dowladda Afghanistan ee ay soo dhiseyso Taalibaan, magacaas oo ah kii horey looga yiqiin dowladdii Taalibaan ee dalkaas ka jirta 1996-kii illaa 2001. Al-Qaacida ayaa sheegtay inay rajeyneyso in guusha Taalibaan ee Afghanistan ay hoggaamin doonto guulo kale oo ka dhaca “dunida la caburiyey.” Waxay ku baaqay in “jihaadka hubeysan uu sidoo kale cadowga Islaamka ka xoreeyo dalalka Soomaaliya, Falastiin, Magribta Islaamiga ah, Yemen iyo Kashmiir,” sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa xusid mudan in heshiiska ay gaareen Taalibaan iyo Mareykanka ee ay ciidamada ajnabiga dalkaas uga baxeen uu dhigayo in kooxdan aysan ogolaan in Afghanistan ay noqoto meel weeraro argagixiso looga qaado dunida inteeda kale. Ma cadda sida Taalibaan ay u maareyn doonto xiriirka Al-Qaacida, oo hogaamiyayaasheeda ay ku marti-gelisay Afghanistan. Si kastaba, Taalibaan ayaa sheegtay inay dooneyso inay dhisto dowlad aqoonsi ka hesha caalamka intiisa kale, taasi oo ka dhiggan inay aad isaga ilaalin doono Al-Qaacida, ugu yaraan si shaacsan. The post Maxay Al-Qaacida ka tiri guusha ururka Taalibaan iyo bixitaanka Mareykanka? appeared first on Caasimada Online.