Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb James Swan. Wefdiga waxaa sidoo kale ka qayb-ahaa Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale. Kulanka Madaxweynaha iyo Saaxiibada Beesha Caalamka inta uu Socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga & sidii loo dardar gelin lahaa Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya. Amb James Swan ayaa sidoo kale Madaxweyne Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ku amaaney kaalinta dhex dhexaadineed ee uu ka dhex wado Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka si Xasilooni siyaasadeed loo helana, sii wado dadaalkiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shiray wefdi ka socda Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  2. Saraakiil ku dhaawacmay Dagaal ku dhexmaray Muqdisho Ciidamada Milateriga & Booliiska Somalia Ciidan ka wada tirsan booliska iyo militariga Soomaaliya ayaa ku dagaallamay dhismo ku dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Waxay wararka sheegayaan in askartaas ay isku haysteen dhul ay leedahay mid ka mid ah wasaaradaha Soomaaliya. Afhayeenka booliska Soomaaliya, ayaa sheegay, Cabdifitaax Adan Xasan, “dadka meesha ku dagaallamay ay yihiin malleeshiyaad”, wuxuuna beeniyay in ay ahaayeen askar ka wada tirsan ciidanka Soomaaliya. In kastoo uusan sheegin tirada haddana wuxuu tilmaamay in ay dad kala duwan ku dhinteen kuna dhaawacmeen dagaalka. “Illaa afar qof ayaa goobta ku dhaawacantay oo ay ka mid yihiin saraakiil booliska Soomaaliyeed ah kuwaas oo dhex gashay malleeshiyaadkii dagaallamayay. Hadda goobta waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska wax dhibaato ahna kama jirto”, Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, hase yeeshee ilo wareedyo madax-banaan yaa xaqiijiyay in taliyaha ciidmada ciidanka Haramacad Cabdixamiid C/llaahi Fanax uu ku dhaawacmay. Mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya oo la xidhiidha isku dhaca labada ciidan. Dadka degan agagaarka isgoyska Banaadir iyo xaafadaha u dhow ayaa ku waaberiistay rasaas cuslus oo labada dhinac isku adeegsadeen. Dhaqdhaqaada dadweynaha ee meeshii uu dagaalka ka dhacay ayaa caadi ku soo noqotay Qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga ayaa dib loo furay Qaran News
  3. Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta Jubbaland & ilaalada gudoomiye ku xigeenka amniga Ceelwaaq uu ka dhacay degmadaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada isku qabteen kaarar raashin ah oo ay qey hay’adda cunnada aduunka ee WFP, isla-markaana loogu tala-galay dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwooda danta-yar ee ku dhaqan gudaha magaalada Ceelwaaq. Inta la xaqiijiyey waxaa isku hor imaadka labada dhinac ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmadaasi Shukri Tuure, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Shukri oo ciidamadiisa iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay wada dagaalameen ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana la geeyey goob caafimaad. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus haatan laga dareemayaa gudaha degmada Ceelwaaw oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo kan gobolka oo ku aadan dagaalkaasi geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh. Inta badan dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamo ayaa khasaare xoog leh waxaa kasoo gaaraa iska hor imaadyada ciidanka dhexdooda ah ee ka dhaca gudaha dalka. The post Dagaal culus oo maanta ka dhacay Gedo iyo Jubaland oo laga dhaawacay mas’uul appeared first on Caasimada Online.
  4. Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Siyaasadeed Ee KULMIYE, Madaxweyne Muuse Biixi Oo U Taagan Mar Kale Doorashada Madaxtinimo Ee 2022 Iyo Masuulka Uu U Cugtay Qori-isu Dhiibka Jeegaamaysan Ee Xisbiga KULMIYE (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ahna guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa la xaqiijiyey in uu wax ka yar laba bilood kadib si rasmi ah u wareejinayo kusriga Guddoomiyenimada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo uu xilkiisa hayay tan iyo markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mansabkaasi uga horreeyey uu xilkaasi ku wareejiyey sannadkii 2010-kii. Kadib muddo dhawr sano ah oo hadal haynta wareejinta kursiga Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ay soo taagnayd ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa ay wararka naga soo gaadhaya xisbigaasi tibaaxayaan in uu dabayaaqada sannadkan aan ku jirno ee 2021 uu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejin doono Wasiirkiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay muddo dheer rafiiq ku soo ahaayeen dhinacyada siyaasadda iyo halgankii dib u xoraynta. Ilo-wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xisiga KULMIYE waxa ay wargeyska FOORE si rasmi ah ugu xaqiijiyeen in Madaxweynuhu go’aan ku gaadhay in uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi KULMIYE. Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay wargeyska Foore u sheegeen in Madaxweynuhu si rasmi ah isugu diyaarinayo tartanka muddo xileedkiisa labaad ee doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la filayo in ay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadka innagu soo aaddan ee 2022-ka haddii ay ku qabsoonto wakhtigeeda iyada oo muddo xileedka Madaxweynaha muddo sannad ah oo kali ahi uga hadhsan tahay. Wararka la xidhiidha xaaladda wareejinta kursiga Guddoomiyaha KULMIYE waxa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynuhu xilka guddoomiyaha xisbiga ku tirin doono Shirka 8aad ee Golaha dhexe ee KULMIYE oo la filayo in uu qabsoomo horraanta Bisha Diisambar ee innagu soo aaddan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa xisbiga sidaas kula wareegi doono isaga oo shirweynaha guud ee KULMIYE lagu ansixin doono wixii intaasi ka horreeyana noqon doona Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo shirka Golaha dhexe lagaga dhawaaqi doonaa Musharraxnimada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isu soo taagi doona doorashada Madaxtooyada. Wareejinta mansabka Guddoomiye ee xisbiga KULMIYE ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta xisbigan iyada oo siyaasiyiin, wax-garad iyo aqoonyahano badan oo isla beesha Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ka soo jeeda oo saami ahaan la filayay in ay la wareegaan xisbigu sidaa kaga tagi doonaan taasi oo wiiqi doonta taageeradii xisbiga ee Beesha Bariga Burco xisbigan u hayeen. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyayaasha xisbiyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Faysal Cali Xuseen iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inay doorashada Madaxtooyada ee innagu soo aaddan 2020 mar kale ku tartamaan si la mid ah sidii ay ugu tartameen doorashadii hore ee 2017. Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xooggan ee mar kale ka bilawday xisbiyada Somaliland dhexdooda maadaama la gaadhay sannadkii ugu dambeeyey muddo xileedka xukuumadda, la iskuna diyaarinayo doorashada Madaxtooyada ayaa waxa soo baxaya ifafaale culus oo muujinaya in ay mar kale kursiga Madaxtooyada Somaliland ku loollami doonaan saddexda Guddoomiye ee xisbiyada qaran kuwaasi oo isla doorashadii hore ee 2017 ku tarramayay. Soo bixitaanta ifafaalaha muujinaya in ay saddexdan siyaasi mar kale doorashada Madaxtooyada ku loollami doonaan ayaa dadka siyaasadda Somaliland falanqeeya waxa ay ka dhex dhalisay doodo culus oo la xidhiidha sida shacabku uga niyad jabsan yihiin saddexdan Masuul oo mid kastaa dhinaciisa u leeyahay dhaliilo kala duwan iyo in aanay mar kale buuxinayn indhaha Shacabka Somaliland ee u baahan is baddal siyaasadeed oo ballaadhan oo lagaga gudbo xaaladaha kala qaybsanaanta qabaliga ah, kuwa siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee dalka. Inkasta oo marka la eego siinaariyada iyo saansaanta taagan Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi wax yar ku horreeyo saadaasha shacabka ee ku guulaysiga kursiga Madaxtooyada haddana waxa aanay taasi ugu shafeeco qaadayn dad badan oo saluugsan siyaasaddiisa hogaamineed iyo sida uu ugu guulaysan karo in uu u dhiso xisbi Mucaarid oo adag, dhinacyo badanna ka xooggan si la mid ah sidii xisbiga KULMIYE uu Axmed Siilaanyo u dhisay intii u dhaxaysay sannadihii 2003 illaa 2010 illaa uu xisbigaasi ka noqday kii dhulka dhigay ee ka guulaysatay xisbigii ballaadhaan ee UDUB. Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhawaan la filayo in xisbiga WADDANI u ansixiyo Musharraxnimada Madaxtooyada ayaa waxa ay dad badani ka dhur sugayaan sida uu xisbiga u dhiso, uguna hubeeyo kaadiriin siyaasiyiin ah oo saamayn weyn ku leh dhammaanba Beelaha Somaliland, sidoo kalena uu isugu wadi karo raggii xisbiga hore wakhtiga badan u soo galiyey iyo kuwa doonaya in ay wakhtigan ku soo biiraan iyada oo la hadal hayo in siyaasiyiin u badan xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay dhawaan xisbigaasi ku biiraan. Waxaanay dad badani hoosta ka xariiqayaan sida uu Cabdiraxmaan Cirro siyaasiyan ugu diyaarsanaan doono in uu ka tallaabsado Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddo xileedkiisa labaad u taagan, iskuna hallaynaya awoodda dawladnimo iyo tan xisbul muxaafidba. Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa ay shacabku saluug badan ka qabaan waxqabadkiisa muddo xileedkiisa sii dhammaanaya, sida uu dalka u hogaamiyey iyo in uu mar kale talada dalka ku soo laabto. Waxa dhaawacyo waaweyni soo gaadheen awooddii xisbiga KULMIYE marka laga qiyaas qaato doorashooyinkii dhawaan dalka ka qabsoomay sidoo kale waxa Madaxweyne Muuse Biixi in badani u arkaan siyaasi aan lahayn hal-abuur wax-qabad, mid dad la tashi iyo hogaamin toolmoon oo uu is baddal ku samayn karo taasina waa ta keentay in xataa dad badan oo isaga hore u taageersanaa ay wakhtigan aad u dhaliilsan yihiin. Ugu dambayn Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo la filayo in uu isku biimeeyo markii Afraad in uu ka qayb galo tartanka doorashada Madaxtooyada Somaliland kadib sannadihii 2003, 2010 iyo 2017 ayaa dad badani u arkaan in ay tahay xaalad jar iska xoornimo ah iyaga oo ku dhaliilaya in ay ahayd in uu waaqaca dhabta ah akhristo ka hor inta aanu mar Afraad hunguri galin maadaama saddexdaa jeer ee horaba uu codadka ugu yar ka keenay doorashooyinka. “Waxa ay ahayd in uu xisbiga ku wareejiyo siyaasiyiin da’ yar oo saamayn keeni kara isna uu noqdo odayga xisbiga oo taariikh kaga fadhiista siyaasadda” sidaa waxa idhi Maxamuud Axmed Warsame oo falanqeeya siyaasadda Somaliland oo la hadlayay wargeyska Foore. Isku soo wada duuboo lama oga sida shacabka Somaliland hannaan xamaasad leh ugu wajihi doonaan haddiiba ay saddexdan siyaasi mar kale umadda hor yimaaddaan iyo halka ay ku dambayn doonto cabsida laga qabo in dad badani aanay codaynba iyaga oo aan haysan kala doorasho ay codkooda milicda ugu samraan. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Khilaaf hor leh ayaa ka dhex qarxay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hay’adda Caymiska Qaranka kaasi oo ku saabsan buuq ka dhashay Lacag culus oo Hay’adda Caymisku ku soo rogtay Ganacsatada gaadiidka kala soo degta Dekedda Berbera iyo shirkad cid gaar ahi leedahay oo Mashruucaasi kooto loogu xidhay. Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Saleebaan Cawed Bukhaari oo arinta Warbaahinta uga waramay Shalay ayaa ku hanjabay in haddii uu dhaboobo warka la sheegayo ee ku saabsan in Wasiirka maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire uu soo saarayo warqad la sheegay inuu ku joojinayo Kootada Hay’adda Caymiska Qaranku ugu xidhay shirkadda AMAANO, uu qaranku halis galayo, islamarkaana ay lumi doonto kala dambayntii hay’adda Qaranka ee kala madax bannaanaanta. Gudoomiye Bukhaari oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Dawlad ayaa la wada yahay,haddii aan la wada shaqayn oo dawladda iyo Hay’addaheedu wada shaqaynin wax dhaqaaqayaa majirayaan, Qaranimaduna Halis ayay galaysaa. Wasiir Maaliyaddu waa wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidku waa Wasiirka Gaadiidka, labaduba waa ogaayeen oo Xog ogaal ayay ka ahaayeen, kamaanu qarin, markaanu waajinaynay waanu sheegnay, waanu ka dhaadhicinay, wasiirka gaadiidkuna warqad ayaabu qoray, intuu nala qaatay yidhi, Isu duwihiisa Gobolka Saaxil ku socodsiiyay, arinta la isla qaatay oo aan hadal laga keenin ayay ahayd”. Isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Wararkaas la sheegayo ee Wasiirka maaliyadda ee la hadal hayo, Wasiirka Maaliyaddu, Wasaaradda Maaliyadda ayuu Wasiir u yahay, Halkan aniga ayaa Gudoomiye ka ah, waa in la isku ixtiraamaa Shaqada, maadaama oo ay sidaasi tahay , laba ha’addood oo kala madax bannaanu ayaanu nahay, Hawshan aanu galnayna laab lakac kumaanu galin eh ee Tashi balaadhan oo masuuliyiinta Qaranka, masuul kasta oo ay khusayso, ka u sareeya haday tahay, la tashigeeda ayaanu kala samaynay, cidlo kamaanu abuurin”. Ugu dambayn waxa uu yidhi “Markaan waxaanu leenahay, warkaasi la sheegayo iyo hadal hayntaasi haddii uu jiro oo uu soo baxo waxa weeyi dawladdii oo kala socota, waana ceeb, filimaayo inuu jiro, oo wasiirka maaliyadu leeyahay Warqad ayaanu soo saarayaa oo waan joojinayaa, dee waxay noqonaysaa in wax waliba meesha ka baxaan, amarkii iyo kala dambayn lunto, ninku warqadda uu doono uu qoro, siday doonto ay u socoto, taasin ceeb keento, wixii dhexdayada aanu ka wada shaqaynayo waa nidaam laakiin awooddaasi cid ayaa iska leh”. Bukhaari oo u hanjabaya Ganacsatada Gaadiidka soo dejisa ee kasoo horjeeda Amarkiisa ayaa waxa uu yidhi “Ma nimanka raba inay lasoo degaan gaadiid wada qanax ah “Duug ah” oo dadka jiidhaya oo aan Biriik lahayn, BBG-ga ayay ka cabanayeen oo ay lahaayeen Badqabka naga daaya, ma waxay rabaan wax kasta intay keenaan oo ay lacag ka qaataan inay magaalada ku sii daayaan, oo uu dadka jiidho oo uu la rogmado, waan in laga tijaabiyaa, in qiimaha ay siinayan la eegaa oo xiitaa ALBAABKU Dhinaca uu ka furmayo la eeggaa, Caymis yar ayay ka cabanayaan”. Foore Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ka warbixiyey iska hor imaad saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir, qeybta xigta degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Afhayeenka ayaa shaaciyey inuu dagaalka u dhexeeyey laba maleeshiyo beleed, isla-markaana ay ku baxeen ciidamada Booliska, kadibna rasaas lagu soo furay, sida uu hadalka u dhigay. Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ugu dambeyn dhulka lagu muransan yahay ee sababay dagaalka ay la wareegeen ciidamada ammaanka, si loo dajiyo xaaladda. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in gurigan ay arrintiisa ku jirto maxkamadda gobolka Banaadir, dhowaana lasoo gabagabeyn doonaa muranka ka dhashay lahaanshihiisa. Dhinaca kale afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijyey dhaawaca taliyaha Haramcad, Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, sidoo kalena ay jiraan khasaare kale oo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa dhismaha lagu dagaalamay. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo saaka shacabka Muqdisho ay ku soo waabariisteen dagaal ka socda qeybo ka mid ah caasimada, gaar ahaan degmada Hodan. Si kastaba dagaalkan ayaa kusoo aadayaa, xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad dhexeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha The post Yaa la wareegay dhulkii lagu dagaalamay ee Banaadir? appeared first on Caasimada Online.
  8. (SLT-Nairobi)-Askarta Eritrea iyo maleeshiyada Tigreega ayaa kufsi, xabsi iyo dil u geystay qaxooti Eritrean ah oo ku sugnaa gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray, sida ay saaka sheegtay hay’ad caalami ah oo ilaalisa xuquuqda ee Human Rights Watch. Warbixinta Human Rights Watch ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro ka dhacay agagaarka laba xero oo ku yaalla Tigray, halkaas oo ciidammada TPLF ay kula dagaallamayeen dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda Eritrea tan iyo bishii November ee sannadkii hore, waxaana dagaalkaas uu ahaa iska horimaad ruxay gobolka Geeska Afrika. Tobannaan kun oo qaxooti Eritrean ah ayaa ku nool gobolka Tigray, oo ah gobol buuraley ah oo sabool ah, ayna ku nool yihiin ilaa 5 milyan oo qof. “Dilalkan foosha xun, kufsiga, iyo dhaca loo geysto qaxootiga Eritrea ee Tigray waa dembiyo dagaal oo cad,” ayay tidhi Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch. Wasiirka Warfaafinta Eritrea kama soo jawaabin xiriir lala sameeyay oo u aaddan eedeeynta xadgudubyadan, laakiin Eritrea ayaa horay u beenisay xasuuqa lagu eedeeyay, waxayna sheegtay in ciidammadoodu aysan beegsan dadka rayidka ah. Afhayeen u hadlay Jabhadda Tigreega ayaa sheegay in ciidamada Tigreega ay mar dhow soo galeen meesha ay ka dhaceen dambiyadan, wuxuuna intaa ku daray in bil ka hor ciidammo badan oo Eritrean ah ay ku sugnaayeen goobaha gaboodfalkan ka dhacay. Ka hor colaadda Tigray, Itoobiya waxay martigelisay ku dhawaad 150,000 oo qaxooti Eritrean ah, kuwaas oo ka soo qaxay saboolnimada iyo xukun kaligi talis ah. Inta badan warbixintu waxay diiradda saartay laba xero ee kala ah Shimelba iyo Hitsats – oo la burburiyay intii dagaalka socday. HRW waxay soo xigatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo sheegtay 7,643 ka mid ah 20,000 oo qaxooti ah oo markaas ku noolaa xeryaha Hitsats iyo Shimelba weli la la’yahay. Source
  9. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda magacaabo xubnaha sare ee Garsoorka dowladda Puntland. Hoos ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabaya Xubnaha sare ee Garsoorka Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Taliyaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax iyo sarkaal kale oo Boolis ah ayaa ku dhaawacmay dagaal dhexmay labo ciidan oo kawada tirsan dowladda oo ka dhacay Muqdisho. Ciidmado ka tirsan Booliska Turkigu tababaro ee Haramacad iyo Milateriga ayaa dagaal la xiriira muran dhul ku dhexmaray agagaarka Isgoyska Banaadir iyo wadooyinka ku hareereysan, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay ilaa 4 qof oo ay jiraan shacab. Dhaawaca soo gaaray Taliyaha Haramacad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax ayaa wararku sheegayaan in uu yahay mid sahlan. Sidoo kale dagaalka waxaa ka dhcay khasaare hantiyeed oo soo gaaray goobo ganacsi, iyadoo uu hakad galay isku socdka gaadiidka iyo dadka. Xaaladda aagagii lagu dagaalmay ayaa haatan ah mid degan, waxaana si caadi ah ku soo noqday isku socdka gaadiidka iyo dadka. Ma ahan markii ugu horreesay oo ciidamo kawada tirsan dowladda ay dhul ku dagaalamaan gudaha Muqdisho, marar badan ayaa dagaalo noocaan ah ka dheceen caasimadda. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Taliyaha Haramacad oo dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Pretoria)-Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay nin Soomaali ah oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha waddankaasi lagu toogtay agagaarka magaalada Pretoria. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Mahad Dheere ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay goobtiisa ganacsi oo lu taallay degmada Malmelodi oo hoostagta Pretoria. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Ganacsadaha Soomaaliga ah oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed. Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta iskaga baxsadeen falka kadib. Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidammo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baadhitaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama ayna hadlin dhacdadaasi. Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajaha xaalado aad u adag. Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo weerarada loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika. Source
  12. (SLT- Minnesota)-Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa arbacada maanta ah laashay xukunkii dilka darajada-saddexaad ahaa ee lagu riday Maxamed Nuur, oo ahaa Somali-American ka tirsan booliska Minneapolis, kaasi oo afar sanno ka hor toogtay gabadh soo wacday 911. Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu helay dil kama’ ah oo darajada-labaad ah oo la xidhiidha dhimashadii Justine Ruszczyk Damond ee 15-kii July 2017, xukunkaas oo weli taagan Sarkaalkaas hore ayaa hadda dib loogu xukumi doona dilka kama’ ah oo kaliya, si ka duwan xukunku 12-ka sanno iyo barka ahaa ee lagu riday 2019-kii. Maxamed ayaa hadda waajahaya xukun u dhaxeeya 41 illaa 57 bilood, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay xeer-ilaalinta degmada Hennepin County. Haddii Maxamed lagu rido xukun afar sano oo ah dil kama’a oo darajada labaad ah, wuxuu sharci u yeelan doonaa in lasii daayo, sababtoo ah wuxuu mar hore qaatay laba meelood saddex meel xukunka, sida uu sheegay qareenkiisa racfaanka Peter Wold. Maxamed Nuur ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 30-kii April 2019. “Maanta ayaan la hadlay Maxamed, waa farxad, farxad weyn,” ayuu Wold u sheegay taleefishinka NBC News. Maxkamadda sare ayaa xukmisay in dacwad-oogayaasha aysan caddeyn in Maxamed uu ficilka dilka sameeyey “ayada oo maskaxdiisa ay dulmi ku talo-gashay, oo aan txigelineyn noloshada aadanaha,” taasi oo loo baahan yahay si loo rido xukun dil darajada-saddexaad ah. Dacwad-oogayaasha ayaa ku dooday in Maxamed uu buuxiyey qeexitaankaas, sababtoo ah toogashadii uu ku dilay Damond, waxay sidoo kale dhaawici kartay sarkaal boolis ah oo la socday ama qof meesha marayey. Si kastaba, maxkamadda sare ayaa xukuntay inay caddeyd Maxamed Nuur uu beegsanayey kaliya haweeneyda uu dilay. Gabadha la dilay ee Damond ayaa wacday 911, xilli habeen saq-dhexe ah, ayada oo aaminsan inay maqashay haweeney ay deris yihiin oo lasoo weeraray. Markii ay Damond usoo baxday bannaaka si ay ula hadasho Maxamed iyo sarkaal la socday oo lagu magacaabo Matthew Harrity ayey cabsi gelisay. Maxamed oo argagaxay ayaa kadib toogtay Damond. Source
  13. (SLT-Kabul)-Ku-simaha Raysal wasaare ku-xigeenka Afghanistan, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa ka soo muuqday cajalad fiidiyow ah si uu u beeniyo wararka sheegaya inuu ku dhaawacmay isku dhac dhex maray isaga iyo koox ka soo horjeeda ee Taliban. Aasaasaha Taalibaan ayaan muddo dhowr maalmood ah la arag. Waxaana jiray warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay hoggaamiyeyaasha Taliban, oo uu ku lug lahaa Baradar iyo koox iska soo horjeedda oo daacad u ah shabakadda awoodda badan ee Haqqani. Laakiin wareysiga cusub ayuu Baradar ku beeniyay wararka ku saabsan isku dhaca gudaha ee la sheegay. “Maya, tani run ma aha; waan fiicanahay waana caafimaad qabaa,” ayuu yidhi Baradar markii la weydiiyay bal in la dhaawacay iyo in kale. Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya in is maandhaafka hoggaanka Taalibaan uu soo taagnaa tan iyo markii Baradar laga waayay fagaareyaasha maalmihii la soo dhaafay. “Waxaan ka maqnaa Kabul, mana aanan helin internet ii fududeyn lahaa in aan ganafka ku dhufto wararka been abuurka ah,” ayuu raaciyay. Muuqaalka gaaban oo lagu baahiyay Twitter-ka xafiiska siyaasadda Taliban ee Doxa ayaa muujinayay isaga oo fadhiya kursi u dhow wareyaha telefishinka dowladda, oo sida muuqata ka akhrinaya warqad. “Waa Alle mahadiis ah in aan leenahay xidhiidh wanaagsan oo ah is xushmeyn. Xidhiidhkeena xitaa waa ka wanaagsan yahay midka ka dhexeeya qoysaska,” ayuu yidhi. Baradar ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Taalibaan oo si toos ah ula xidhiidhay madaxweyne Mareykan ah, ka dib markii uu wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Donald Trump, sannadkii 2020-kii. Intaas ka hor, wuxuu saxeexay heshiiskii Doxa ee ku saabsanaa ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, isagoo wakiil ka ah Taalibaan. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) lagu wareejiyay maamulka Miisaaniyadda ee Hay’adda ay ku laheyd Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu u hoggaansamay amarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee ah in Bahsiir Goobe uu yahay agaasimaha saxda ah ee hay’’adda, sidaas darteedna ay isaga u gacan geliyaan maamulka miisaaniyadda NISA. Miisaaniyadda loo gacan geliyey Bashiir Goobe ayaa u ku dhiira gelisay go’aankii uu shalay qaatay ee uu ku magacaabay Taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac). “Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15.09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ayuu Bashiir Goobe ku yiri warqad uu soo saaray. Arrintan ayaa dhinac u ridi karta loolanka ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo oo isna agaasimaha NISA u magacaabay Yaasiin Farey, oo ahaa taliyihii hore ee NISA ee gobolka Banaadir. Waxay sidoo kale keeni kartaa in laga baaqsado iska hor-imaad ku saleysan cidda maamuleysa hay’adda iyo xarunta NISA. Xarunta Habar Khadiijo ayaa waxaa hadda haysta ciidamada Waran ee taaageersan Rooble, hase yeeshee ciidamada Duufaan oo taageersan Farmaajo ayaa jooga aagga xarunta, taasi oo diiday in Bashiir Goobe uu xarunta tago. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiday in ciidankaas awood loo adeegsado, si aanu dhiig u daadan, hase yeeshee hadda oo dhaqaalihii NISA uu gacanta ku hayo, waxay keeni kartaa in ciidankaas iyo hoggaankooda ay tartiib u kala siibtaan. The post Miisaaniyadda NISA oo lagu wareejiyey Bashiir Goobe appeared first on Caasimada Online.
  15. MOGADISHU (HOL) - Fighting broke out between Somali National Army and Haram’ad paramilitary forces in Mogadishu Wednesday morning amid reports of casualties on both sides. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s transition to democracy cannot happen in an environment where freedom of expression and media freedom are disregarded and abused at will by the political class, a local media watchdog has warned amid the horn of African nation is in preparation to hold presidential elections in October. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal haatan ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dagaalka oo ah mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidaamo boolis ah iyo kuwa milatari oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cali Yare oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi. Sidoo kale Cali Yare ayaa meesha ka saaray in dagaalkan uu salka ku hayo arimo la xiriira siyaasad ama xiisada ka taagan Muqdisho. “Waxaa jira is-rasaaseeyn muran dhul la xariirta. Kuma lug lahan wax siyaasad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir. Taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, saraakiil kale iyo askar ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta lagu dagaalamay, iyada oo ay dhaawacmeen illaa saddex qof oo rayid ah. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya ciidamada ku dagaalamay aaga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyey DAGAAL saaka ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  18. Turkey conveyed condolences to Somalia over Tuesday’s deadly terror attack in the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  19. Ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa dagaal uu ku dhaxmaraya Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Iska hor imaadkan ayaa u dhaxeeya Ciidanka Harmacad iyo kuwa Militiriga , waxana dagaalkan uu saameyn ku yeeshay adeegyadii ka jiray isgoysyada Banaadir iyo Soobe Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhashay , dhul ku yaalla dhabarka dambe ee Masjidka Cabdullaahi Ciise ee Banaadir. Askar ka tirsan Dowladda Federaalka ee dagaalka uu dhaxmaray ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhawaacmeen. Taliye ku xigeenka ciidanka ah ee Harmacad Cabdixamiid Abdullaahi Fanax ayaa la xaqiijinayaa inuu ka mid yahay saraakiil ku dhaawacmay dagaalkan , waxa sidoo kale jira dad kale oo shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalkan. Wixii ku soo kordha halkaan kala soco. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo jeediyay in faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil madaxweynaha muddo xileedkiiska uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, xili uu khilaaf hor leh ka dhashay kiiskaas. Cabdiwali Gaas oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa qaba in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’addaha garsoorka iyo maxkamadda ku shaqada leh, islamarkaana xilligaan xooga la saaro habsami u socodka hanaanka doorashada dalka. “Is-qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waa in loo daaya hay’adaha shaqadoodu tahay ee cadaaladda, xeer-ilaaliyaha iyo maxkamadda ciidamada, waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u isticmaalayo arrintaan,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas. “Waxay noqoneysa labadoodaba arrintaasi (waraaqaha iska hor-imaanaya ee Farmaajo iyo Rooble) in ay dhib ku keento mustaqbalkooda siyaasadeed. Labadoodaba eedeysanayaal ayey noqonayaan. Waxaa kula talinayaa Ra’iisul Wasaaraha in uu u jeesto qabashada doorashada.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha guushiisa iyo guul-daradiisa siyaasadeed ay halbeeg u noqoneyso qaabka ay u dhacdo doorashada, hase yeeshe aan lagu cabiri doonin kiiska Ikraan oo uu dalbaday in uu faraha kala baxo, una daayo hay’addaha shaqada ku leh. “Kiiska Ikraan meel la’aan ma dhici doono, aduunka oo dhan ayaa ku soo jeeda, Soomaalida oo dhan ayaa ku soo jeeda, markaa waxaa loo baahan yahay in aan lagu mashquulin arrintaan hay’addaha ku shaqada leh loo daayo.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilligaan uu dalka u baahan yahay cadaadis caalami ah si hoos loogu dhigo xiisadaha ka aloosan gudaha, islamarkaana ay dib ugu joogsan lahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha, sida uu sheegay. The post Farmaajo iyo Rooble oo laga dalbaday inay faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
  21. As the foreign policy community continues to reflect on United States’ withdrawal from Afghanistan and grapple with the failure of decades-long efforts to support political stability in the country, broad areas of consensus have emerged from the diversity of perspectives on what went wrong. Nearly universally, policymakers and analysts agree that part of the problem was the delusion that the deeply corrupt government in Kabul was a viable authority or an attractive alternative to the Taliban. Source: Hiiraan Online
  22. Mas’uuliyiinta degmada Garoowe, oo ay weheliyaan saraakiisha Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe ku burburiyay shan boqol iyo afar dhalo oo khamri ah. Khamrigan ayaa lagu qabtay hawlgal Booliisku ka sameeyay tuulada Kalabayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 60km dhanka koonfureed kaga beegan Garoowe. Saraakiisha ayaa sheegay in Khamrigan oo lagu siday gaari Maarked ah ay ku soo wargeliyeen bulshada ku nool Kalabayr, kadibna sidaas Booliisku ku soo qabteen. Shakhsigii gaariga waday oo Booliiska ka cararay ayaan weli gacanta lagu dhigin, sida ay sheegeen saraakiishaas. PUNTLAND POST The post Khamri badan oo lagu burburiyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.