Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xiisad dagaal ayaa maanta ka aloosan xarunta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka NISA ee magaalada Muqdisho. Xiisaddan ayaa ku salaysan khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo laba taliye u magacabay hay’adda NISA, islamarkaana aan weli xal loo helin murankaas. Wararku waxay sheegayaan in gaadiid dagaal uu buux dhaafiyay albaabka laga ilaaliyo xarunta hay’adda NISA kadib markii uu halkaas ciidamo geeyay taliye Yaasiin Faray oo madaxweyne Farmaajo magacaabay. Cabsi xooggan ayaa laga dareemaya xarunta NISA iyo nawaaxigeeda halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo kala taabacsan dhinacyada ku muransan hoggaanka hay’adda Sirdoonka dalka. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka aloosan xarunta hay’adda NISA ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd shaaciyey magacaabista guddi cusub oo ka shaqeynaya Maareynta iyo La-wareegida Isbitaalada Yardimeli iyo Jaziira ee gobolka Banaadir, xilli weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay isku daygan. Maamulka ayaa hore ugu qabtay muddo toddobaad ah in lagu soo wareejiyo maamullada Isbitaalada Jaziira iyo Yardimeli, ayada oo 8-dii bishaan loogu daray toddobaad kale, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maamulida labadaas Isbitaal. Afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey guddigaas cusub, oo ka kooban siddeed xubnood, kuwaasi oo kala ah; Maxamed Maxamuud Cadow, Saynab Warsame, Mucaawiye Muudeey, Maxamed Cantooba, Cabdulqaadir Dalxa, Cabdullaahi Caraaye, Mukhtaar Dhagacade iyo Saalax Xasan Cumar. “Guddiga sare ku xusan waxaa aad loogu adkeynayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u guddo galaan howlahooda shaqo ee ku xusan wareegtadan. Maamulka labada Isbitaal waxaa la farayaa in si hufan ula shaqeeyaan guddiga la magacaabay si ay u fuliyaan waajibaadka loo xil-saaray si habsami leh,” ayuu yiri. “Waxaa la farayaa maamulada Isbitalaadaas inay wax agab ah ka saari karin xarumahaas, waxaana si gaar ah loo farayaa maamulada degmooyina Warta-nabadda iyo Xamar Jajab inay kor-joogteyan hubiyaana inay hirgeliyeen amarka ku aadan ilaalinta hantida dadweynaha ee taalla labada Isbitaal.” Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labadaan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal. Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato. “Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas.” Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka The post Gobolka Banaadir oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah Yardimeli iyo Jaziira + Video appeared first on Caasimada Online.
  3. Waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, ehalada, Bahda dhaqanka, asxaabta & Shacbiga reer SL geerida AHU Sul Cumar Sul Maxamed Suld Faarax oo xaqii u yimid, Marxuum Sul Cumar waxa uu ahaa addoon dhowrsoon, cibaado badan, afgaaban oo haybaddii Saldanadda huwan, dhamaanteen samir & iimaan pic.twitter.com/rACoZ3o4nM — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 14, 2021 Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha KMG Mudane Cabdiqaadir Jirde ayaa tacsi ugu tagay qoyska iyo ehelka uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Qaran News
  4. Shacabka Somaliland oo sida Fiinta uga qayliyey wareegto Kooto uu soo saaray Saleebaan Bukhaari Gudoomiyaha Ha’yada Caymiska S/land Halkan ka Akhri wareegtada:- Qaran News
  5. Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Saacid Xuseen Cabdi , sidoo kalane ah Guddoomiyaha isboortiga Degamda Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa Goobjoog kala hadlay arrimo badan oo ku aadan horomarka iyo is badalka ka jira Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha dalka. “Hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka ayaa ii magacaabay in aan hogaamiyo shaqada culus ee tartamada Minifootboolka, runtii mudadii aan hayay xilkaa waxaan gaarnay guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Saacid Xuseen Cabdi. Dhinaca kale Guddoomiye Saacid Xuseen wuxuu guul weyn ku tilmaamay ka qeybgalka tartankii Kubadcag yaraha Qaarada Afrika ee bishii July 2021 ku qabsoomay dalka Nigeria, isagoo u mahadceliyay wafdigii ka socday Soomaaliya ee tagay magaalada Ibadan ee dalka Nigeria. “Soomaaliya waxay u aheyd sharaf iyo guul ka qeybgalka tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka, balse hadafkuuna waan in gaarnaa kaalamaha hore ee tartanka Kubadcag yaraha Caalamka iyo Qaarada Afrika” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Saacid Xuseen Cabdi. Inkastoo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha oo soo jiray tan iyo 2015 , hadana doorashadii September 2020 lagu doortay maamulka cusub , waxay is badal weyn ku sameeyeen hannaanka shaqo ee Xiriirka, waxayna taas kor u qaaday in hogaanka cusub ay la yimaadaan waxqabad ka duwan kuwii hore. “Doorashadii September 2020 waxay Soomaaliya u aheyd fursad weyn , sababtoo ah jiritaanka iyo horomarka Xiririka Kubadcag yaraha hada ayuu ka duwanyahay shantii sanno la soo dhaafay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye Saacid Xuseen Cabdi. Guddoomiyaha tartmada Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya, sidoo kalane ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Warta Nabada Mudane Saacid Xuseen Cabdi wuxuu balan-qaaday in ay qaban doonaan tartamada Kubadcag yaraha Degmooyinka iyo kan Gobolada Soomaaliya. “Yeelkeena waa in aan qabanaa bilaha soo socda tartamada Kubadcag yaraha degmooyinka iyo kan Gobolada , waxayna u jeedada tahay in la helo ciyaartooy xirfada wanaagsan oo matasha Xulka Kubadcag yaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka Mudane Saacid Xuseen Cabdi. Daawo Guddoomiye Saacid Waraysi Uu Siiyay Goobjoog Sports Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Bloomington (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maleeshiyadii weerarkii qaraxa ahaa kusoo qaaday Masaajidka Darauf Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota oo la yiraahdo Emily Haris ayaa lagu xukumay 53 sanadood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay. Dacwad-oogeyaasha ayaa ku rajo weynaa in Emily Haris, oo magaciisa afgarashada uu ahaa Micheal Haris in lagu xukumo xabsi daa’in, maadama uu hoggaaminayay kooxda weerarka ku soo qaaday masaajidka Daarul Faaruuq. “Waa Illahey Mahadi in maanta la xukumay raggii ku soo duulay oo qarxiyay Masaajidka Daarul-Faaruuq, waa guul u soo hoyatay Muslimiinta Minnesota” ayuu yiri Imaam Maxamed Maxamuud Maxamed Carab oo ah Mamaulaha Masaajidka. Andres Folk oo ah ku-simaha xeer-ilaaliyaha maxkamadda heer Federaal ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dhammaan dadkii ay wareysteen ay isku raaceen xanuunka iyo niyad jabka weerarkan oo ahaa mid “islaam naceyk ahaa”. Garsooraha maxakamadda Federaalka Donovan Frank oo ku dhawaaqay xukunka Haris oo 50 -jir ah ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagixiso ah. Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyehaasha Muslimiinta Minnesota ayaa soo dhaweeyay xukunkii shalay oo baritaankiisu socday sadex sano iyo bar. Masaajidkaa Daarul Faaruuq ayaa la weeraray bishii August ee sanadkii 2017. VOA The post Hogaamiyaha raggii qarxiyey Masjidka Daarul Faaruuq ee Soomaalida oo la xukumay appeared first on Caasimada Online.
  7. NAIROBI (HOL) - Economic growth in Somalia is set to rebound to 2.4 per cent this year following the adverse effects of COVID-19, locust infestations and extreme flooding, the World Bank has said. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka (FEIT), isaga oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa. Ugu horreyn guddiga doorashooyinka dalka ee heer federaal ayaa ra’iisul wasaaraha u gudbiyey warbixin ku aadan halka ay marayaan doorashooyinka iyo dardar-gelintooda. Sidoo kale guddiga ayaa Rooble u gudbiyey codsi gaar ah oo la xiriira fududeynta howlaha doorashooyinka ee ka billowday dalka. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay kulankan, waxaana lagu sheegay inuu Rooble ka jawaabayo codsiyada ka yimid guddiga doorashada. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo warbixin ka siiyay Halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Rooble. Kulankan waxaa ka horreeyey shir kale oo uu ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ururada bulshada rayidka, kaas oo looga hadlay doorashooyinka iyo xiisadda ka taagan dalka. Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, waxaana maanta HirShabelel ay qabaneyso kuraas ka mid ah kuwa Aqalka Sare ee yaalla Jowhar. The post Guddiga doorashooyinka oo dalab xasaasi ah u gudbiyey R/Wasaare Rooble + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. JOWHAR (HOL) - HirShabelle state parliament is today electing senators following lengthy delays that have seen the exercise which was set to conclude on July 28 drag for more than one and half months. Source: Hiiraan Online
  10. “Cidna looma xidhi karo caymiska gaadiidka bulshadu xaqbay u leeday in ay ka caymisato shirkada kasta oo caymis bixinaysa oo kalsooni qofku ku qabi karo, sida hada warqadan ka muuqata waa afduub cidgaar ah loogu afduubayo bulshada taasina sinaba suurogal uma aha maadaama oo aanu nahay dadkii bulshadu soo dooratay waxa kasta oo aan sharciyan sax ahayn waanu ka hor joogsanaynaa in bulshada lagu dhaqo”. Xildhibaan Cali Qaran ayaa yidhi. Source
  11. Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay jirto cabsi ay ka qabaan khatar aragagixso oo uga imaan karto dalal ay ku jirto Somalia, balse waxaan warbixinta lagu sheegay in cabsida koowaad ay tahay kooxda ISIS ee Afgaanistaan. Avril Hanes oo agaasimaha sirdoonka Qaranka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegtay shirka sanadlaha ah ee amniga iyo sirdoonka ee 2021 oo lagu qabtay Washington DC. Agaasimaha oo alaadda fogaan araggga uga qeyb-gashay shirkaasi ayaa sidoo kale shaacisay magacyada dalalkaasi, waxayna kala yihiin Somalia, Yemen, Syria iyo Iraq “Cabsida ugu sareysa ee Argagixisada ee Xilliga ma aha dalka Afganistan, balse waxaan aad u arkaa inay Khatarta ka soo fool leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria, Iraq iyo Kooxda Daacish,” ayey tiri Avril Hanes agaasimaha sirdoonka qaranka dalka Mareykanka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ka dowlad ahaan ay si gaar ah isha ugu hayaan afartaasi dal, si looga looga hortego halista kooxaha argagixisada. Ugu dambeyn Avril Hanes ayaa sheegtay inay si aad ah ula socon doonaan dhaq-dhaqaaqa kooxda Daacish-ta Afgaanistaan, si looga hor istaago ulinta weeraro horleh oo ay geysato. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo horey Daacish ay u sheegatay weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka, ka hor inta aysan ka bixin garoonka Kabul. Si kastaba, Soomaaliya ayaa marka la’eego Mareykanka waxa uu ka fuliyaa howl-gallo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka gudaha dalkeena. The post Mareykanka oo shaaciyey khatar uga imaan karto dalal ay ku jirto Somalia appeared first on Caasimada Online.
  12. (SLT-Muqdisho)-Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa toddobaadkaan safar gudaha iyo dibadda ah laga celiyay laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Soomaaliya. Xogta la helayo ayaa sheegeysa in saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho ay kala yihiin Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo ku wajahnaa gobalka Gedo, iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Wadna Qabad oo isagana safar u ahaa dalka dibadiisa. Wadna qabad ayaa la sheegay in uu ku dhoofayay baasaboor shisheeye oo ah dhalashadiisa 2-aad waxayna labada sarkaalba qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dacwada ka gudbiyeen ehellada Ikraan Tahliil Faarax. Si rasmi ah looma oga safarkooda waxa uu salka ku haayo, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya inay baxsad ahaayeen maadaama ay waajahayaan eedo la xadhiidha afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneed hay’adda NISA. Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la baadho saraakiisha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil, ilaa amar dambana ayna Muqdisho ka bixi karin. Raysal Wasaare Rooble ayaa hore u ballan-qaaday in cadaaladda la marin doono kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna diiday qorshe uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo oo ahaa in qoyska Ikraan mag la siiyo, islamarkaana kiiska halkaas lagu xidho, oo aan la baadhin. Source
  13. (SLT-Vienna)-Laba Hablood oo Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah dilkaas dhacay. Labada gabdhood ee Soomaalida ah ayaa meydadkooda laga helay Guri ay ka daganaayeen Magaalada Vienna oo da’dooda lagu kala sheegay inay kala aheyd 28-jir iyo 37-jir, kuwaasi oo kamid ahaa Soomaalida kunool Austeria. Dilka loo geystay labada gabdhood ayaa waxaa la tilmaamay in lagu tuhunsanyahay Wiil dhalinyaro oo Soomaali ah oo 28-jir ah, waxaana la sheegay in mid kamid ah gabdhaha uu xidhiidh ka dhexeeyay. Booliska Magaalada Vienna ee Caasimadda dalka Austeria ayaa gacanta ku dhigay wiilka lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dilka dhacay, kaasi oo ay haatan ku wadaan baadhitaano kala duwan, isagoona xiligii la qabanayay isticmaalay maandooriye. Qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa waxaa dilal loogu geystaa dad Soomaali ah, halka qaarkood Soomaalida iyagu is dilaan, waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale Magaalooyin ku taalla dalalka Yurub dilal loogu geystay dad Soomaali ah. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceysa magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Illaa 27 musharax ayaa ku loolamaya doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku tartamaya sideeda kursi ee maamulkaasi uu ku leeyahay Golaha Aqalka Sare. Musharixiinta ayaa xalay kulamadii ugu dambeeyey la qaatay xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada. Guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa dhinaca kale xusay in kaliya maanta la qabanayo doorashada saddex kursi oo ka mid ah sideeda kursi ee taalla magaalada Jowhar. Kuraasta qaar ayaa isha lagu hayaa, kuwaas oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn, waxaana ka mid ah kuraastaas kursiga uu ku fadhiyey Muuse Suudi Yalaxow oo mar labaad doonaya in dib loo doorto, hayeeshee waxaa haatan kula tartamaya Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Xasan Cadow (Daaci) iyo Dr. Xasan Cadaay Cali. Sidoo kale kursiga xiisa leh waaa midka uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo markale isa soo sharraxay, isna waxaa kula tartamaya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Raage Xasan Cusmaan (Xuut) Dhammaan musharixiinta tartameysa ayaa shalay khudbado ka jeediyey xarunta baarlamaanka ee HirShabelle, iyaga oo ka hadlay taariikhdooda iyo waxqabadkooda. Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana musharixiinta ay u tartami doonaan si daah-furan, iyadoo halkii kursi ay u sharraxan yihiin laba ugu badnaana lix. The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare ee ka dhaceysa Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  15. Waxaa saaka magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada kuraasta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Hoolka weyn ee baarlamaanka Hirshabeelle oo ay hadda ka socoto diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada ayaa Waxaa maanta ku sii qul qulaya xildhibaanada iyo Musharixiinta Maanta doorashada u taagan. Musharixiintan ayaa kor u dhaafaya 25 musharax kuwaas oo u tartamaha 8-kursi oo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Hirshabeelle ku leedahay. Xildhibaanada tartamaya ayaa isugu jira kuwa Afarti sano ee la soo dhaafay kuraasta ku fadhiyay oo doonaya in ay soo noqday iyo Musharixiin Siyaasadda ku cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga doorashooyinka Heer federaal. Rooble ayaa warbixin ku aaddan halka ay marayaan howlaha doorashada ka dhageystay xubnaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal. Guddiga ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha kula dardarmaay sidii loo dar dargelin lahaa howlaha doorashada, iyadoo lagu wado in todobaadka soo socda la guda galo doorashooyinka Aqalka sare ee Xubnaha Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee waxa xalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku geeriyooday Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Sul. Cumar (Suldaanka Guud ee beesha Arab) ayaa la sheegaa in uu ahaa nin dhowrsoon, cibaado badan, afgaaban, oo haybaddii iyo karaamadii Saldanad lagu yaqaanay oo dhan koobsaday. Bahda Somalilandtoday waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska Reer Suldaan, qaraabadii, beesha uu suldaanka u ahaa, iyo guud ahaan Qaranka JSL. Ilaahay jannooyinkiisa ha ku deeqo innaga samir iyo iimaan hay naga siiyo, Aamiin Yaa-Rabbi. Source
  18. NAIROBI, Kenya (AP) — The United Nations human rights chief on Monday said a highly awaited joint investigation into abuses in Ethiopia’s Tigray conflict was unable to deploy to the site of one of its deadliest attacks, the alleged massacre of several hundred people in the holy city of Axum. Source: Hiiraan Online
  19. Nairobi, (HOL) - Two Kenyan lawmakers on Monday threatened to take action against Interior Cabinet Secretary (CS) Dr. Fred Matiang'i and Inspector General of Police Hillary Mutyambai if they will not come out clear and explain the abduction of Somalia Scholar Abdiwahab Sheikh Abdisamad. Source: Hiiraan Online
  20. Xaafad ka tirsan magaalada Vienna ee waddanka Austria, ayaa laga helay maydka laba gabdhood oo Soomaali ah sida laga soo xigtay Booliiska magaaladaas. Marxuumiinta ayaa magacyadooda lagu sheegay Shukri Axmed Abtidoon iyo Faaduma Maxamed Xirsi, waxaana dilkooda lala xiriiriyay nin Soomaali ah oo midkood qabay. Booliiska Austria ayaa xabsiga dhigay ninka lagu tuhmay dilka gabdhaha, si baaritaan loogu sameeyo, kadibna maxkamad loo hor-geeyo. Eedaysanaha oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa sidoo kale looga shakisanyahay, in uu isticmaalay Khamri ka hor inta uusan dilka gaysan. PUNTLAND POST The post Gabdho Soomaaliyeed oo lagu dilay waddanka Austria appeared first on Puntland Post.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ee loo xilsaaray doorashooyinka Soomaaliya. Xubnaha Guddiga ayaa Warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Xubnaha Guddiga sida ay ku wadaan howlaha doorashooyinka socda, waxaana uu kula dardaarmay inay dardar geliyaan doorashooyinka dhiman ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya oo loo xilsaaray qabsoomida doorashooyinka dalka ayaa dhowr sheegtay inay qaban doonto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka oo warbixin u gudbiyay Ra’iisul wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.
  22. Yasmin Warsame still knows how to find the perfect light in every photo, despite having been out of the haute couture scene for several years. Moments before sitting down for an interview in her publicist’s office, she’s posing for a photo. Her lithe frame is perched atop a bare table, dressed in a chic black and white ensemble by Montreal designers Atelier UNTTLD. Without direction, she angles her face – pose, pose, pose – matching the camera’s shutter speed, smouldering into the lens. Source: Hiiraan Online
  23. Magaalada Jowhar waxa maanta oo talaado ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle. 27 Musharax ayaa u taagan 8 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaanaXildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ay dooran doonaan qaar kamid ah Musharaxiinta tartameysa. Xildhibaanada ayaa shalay dhegaystay khudbado ay u jeediyeen Musharaxiinta oo ay uga hadleen waxa ay qaban doonaan marka la doorto, waxaan doorashadan loo arkaa mid loollan adag. Kursiga ugu adag ee doorashada waxa ku tartami doona Senatar Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay. PUNTLAND POST The post Doorashada Aqalka sare oo maanta ka dhacaysa Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
  24. The Swiss Government have appointed Australian digital marketing agency G Squared and software company Station Five, to develop a first-of-its-kind data platform to monitor humanitarian and development programs in Somalia. Source: Hiiraan Online