-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Majaajiliistaha caanka ah ee Ibraahim Mustafa, isla-markaana ay Soomaalida u taqaano Basadiir ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Somalia. Basadiir oo u dhashay dalka Tanzania ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde maanta ku soo dhaweeyey saaxibkiis Farxaan Diraac oo wiil dhalinyaro ah, isla-markaana Af-Soomaali u beddala muuqaallada Basadiir oo si weyn loogu wadaago baraha bulshada. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyntiisa ka qeyb qaatay dhalinyaro kale iyo wariyeyaal, kuwaas oo si diiraan ugu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ibraahim Mustafa oo loo garan og-yahay Basadiir socdaalkiisa Muqdisho waa mid horey loo shaaciyey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayay baraha ay ku xiriirto bulshada. Sidoo kale wuxuu inta uu Muqdisho joogo Basadiir qaban doonaa bandhig weyn, maadaama uu sidoo kale uu yahay fannaan caan ku ah Raabka, sidoo kalena uu dadweynaha la wadaagi doono muuqaallo xiiso leh, kana mid ah kuwiisa majaajilada ah. Farxaan Diraac oo ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu caasimada ku soo dhoweeyo saaxiibkiis Basadiir, maadaama uu isagu sabab u noqday in Soomali badan ay bartaan Majaajiliiste Ibraahim Mustafa (Basadiir). Si kastaba, Basadiir ayaa horey u shaaciyey inuu jeclaan lahaa in mar uun yimaado gudaha Soomaaliya, taas oo hada u suura-gashay, kadib casuumaad uu u fudiyey Farxaan Diraac. The post Daawo: Majaajiliistaha caanka ah ee Basadiir oo lagu soo dhoweeyey MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Missing Muslim cleric Abdiwahab Sheikh Abdisamad had strong opinions relating to the Kenya-Somalia relationship. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa shaaciyey guddi hoosaadyada Golahaas iyo Xildhibaan walba Guddida lagu daray. Guddiyadan oo ka kooban 10 guddi, ayaa Mudaneyaasha ku jiraa guddi walba iska dhex dooran doona Guddoomiyaha fadhigooda u horreeya ee ay yeeshaan, Halkan hoose ka akhriso: Source
-
(SLT-Tehran)-Wakaaladda quwadda nukliyeerka Qaramada Midoobay ee IAEA iyo Iran ayaa gaadhay heshiis ay Iran ku aqbalayso in si toos ah loo kor joogteeyo warshadaheeda nukliyeerka. Heshiiskaa oo lagu gaadhay Tehran ayaa ogolaanaya in hay’addu wershadaha dalkaas ku xidho kamaradu lagula socdo hawlaha warshadahaas. Arintan oo ay hore ugu heshiisyeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dunidu sannadkii 2015 ayaa ay Iran joojisay markii Maraykanku heshiiskaa ka baxay markii uu tallada hayey Donald Trump ee uu sidoo kale ku soo celiyey cunoqabatayntii ahayd in laga qaado. Is waydiintu haatan se waxay tahay, maxay Iran haatan u aqbashay in dib loogu rakibo kamaradahaa wershadaheeda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Abdirisaq Khalif Ahmed , ayaa faah-faahin ka bixiyey Kulamo uu maalmihii u dambeeyey xafiiskiisa uu kula lahaa Dublamaasiyiin iyo wakiillo ka socday Dalalka caalamka. Guddoomiye Khaliif, ayaa sheegay in gole ahaan soo celinayaan xidhiidhkii golaha wakiilladu la lahaa Daneeyeyaasha caalamka iyo baarlamaannnada kale ee adduunka, waxaanu yidhi “Dhowrkii Isbuuc ee la soo dhaafay, waxa aannu kullamo isdaba joog ah la qaadannaynay wufuud ka kala socota Beesha Caalamka iyo Hay’ado kala duwan kuwaas oo aan dhammaantood kala hadlaynay sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-shaqeyntii & iskaashigii Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland kala dhaxeeyey. Waxa aannu la kulannay, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Hargeysa, Ergeyga Dawladda Norway, Wakiilka Dawladda Taiwan ee JSL, Wakiilka Dawladda Imaaraatka ee JSL, Madax ka socota Machadka Caalamiga ah ee Jamhuuriga IRI, Madaxda ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa. Waxa aanu rejaynaynaa dhawaan in aannu soo celinno xidhiidhkii qotoda dheeraa ee ka dhaxeeyey Golaha Wakiilada & dhammaan daneeyayaasha geedi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo Baarlamaannada caalamka.” Source
-
Saacadihii la soo dhaafay waxa ay dood sharci ka taagnayd Magacaabista Madaxweyne Biixi ee Jaamac Xaaji Axmed oo lagu daray, buuxiyeyna Boos ka bannaanaa Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland. Dad sharci yaqaanno ah, ayaa ku tilmaamay magacaabista Jaamac Xaaji Axmed oo ahaa Badhasaabkii Gobolka Hargeysa ee xubinimada Komishanka xuquuqul Iisaanka mid sharciga baal marsan, kana soo horjeeda xeerka Komishankaasi ku aasaasan yahay ee 39/2010-kii, iyaga oo ku dooday in xubinta Komishanka ka bannaata laga soo buuxiyo xubnaha kaydka ah oo uu liiskooda hayo Madaxweynuhu, madaama oo guddidan oo 7 xubnood ah, marka madaxweynaha loo gudbinayo loo gudbiyo liis ay ku qoran yihiin 14 xubnood oo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay, isla markaana madaxweynuhu ka xusho 7 ka mid ah, halka todobada kale ay noqdaan xubno Kayd ah oo buuxiyey Boosaska bannaanaada. Haddaba, waa kuma xubinta Buuxin karta Xubintan ka bannaanaatay Komishanka Xuquuqul Iisaanka qaranka. Mujaahid Abdi Osman Abdile ( Abdi Farjar), oo ka mid ahaa Xildhibaannadii Golihii Wakiillada ee wakhtigoodu dhamaaday 2005-tii, ayaa ka mid ah xubnaha Kaydka ah ee buuxin karaya Booskan, madaama oo ay isku deegaan ka soo jeedaa xubinta banaysay Jagadaasi oo ah imika Wasiirka Caddaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xaq u leh in isaga oo aan eegin deegaamo, in xubnaha Kaydka ah uu ku soo buuxiyo Xubinta ka bannaanaata Komishanka xuquuqul Iisaanka qaranka. Source
-
Laascaanood (Wararka PP) — Bil gudaheed waxay dabley aan la garanayn ku dileen Laascaanood madaxii guddiga doorashooyinka ee Sool iyo xubin ka tirsan golaha degaanka degmada. Dilalkan qorsheysani waxay cabsi badan u keeneen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka iyo xisbiyada Somaliland ee ku sugan Laascaanood. “Maamulka gobolku awood uma laha inuu ilaaliyo mas’uul kasta” ayuu yiri ganacsade ku sugan Laascaanood oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. Wuxuu intaas ku daray in dilayaashu heleen hab ay cabsi ugu abuuraan dadka la shaqeeya maamulka Somaliland. “Xubno ka mid ah golaha degaanka Laascaanood ayaa Duqa Magaalada Cabdiraxiim Cali Qase ka codsaday inuu u helo ciidan ilaaliya iyaga 24 saac. Wuxuu u sheegay inuusan awoodin inuu u helo askar ilaalisa siyaasiyiinta xisbiyada iyo shaqaalaha gobolka” ayuu ganacsaduhu u sheegay Puntland Post. Lama hayo cid sheegatay dilalka dhacay ilaa hadda. Cali Cantar, xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa telefishinka Saab u sheegay in Laascaanood noqotay kawaanka siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada gobolka ka soo jeeda. © Puntland Post, 2021 The post Madaxda Gobolka Sool oo Cabsi ay soo Foodsaartay appeared first on Puntland Post.
-
Bishii Novemebr 17, sanadkii 1962, Wakhti yar ka dib markii uu dayuuradiisa ka soo degay, isagoo ka soo laabtay safar debedda ah uu ku maqnaa ayaa madaxweynihii dalka Kongo ee caanka ahaa ee la doortay Mr.Lumumba la qabtay oo la xidhay, waxaana hawlgalka fuliyay ciidamo gadooday oo daacad u ahaa keligii taliyihii Mabuto Zeko Zeko. Waxa uu ahaa wakhti adag oo Madaxweyne Lumumba ka soo horjeestay dawladda Belgimka ee gumaysan jiray iyo weliba danihii Maraykanka iyo Ingiriisku ku lahayaen dalkiisa oo hodan ku aha macdanta kala duwan oo ay ka mid tahay Yuraniyamka qaaliga ah. Madaxweyne lamuba ayaa xidhiidh dhow la yeeshay Ruushka oo loolan adag kula jiray Maraykanka iyo Yurubta galbeed.. Muddo ka dibna waxa dilay ciidanka xidhay ka dib markii ay ciqaabeen. Sanadkii 2010 ayay islaanta Daphne Park oo ka tirsanayd sirdoonka Ingiriiska ay si cad u qiratay inay iyadu hogaaminaysay dilka Lumba iyadoo wakhtigaasi ku jirtay maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay, dhakhaatiirtuna u sheegen inay muddo yar ka dib ay u dhimanayso xanuunka haya awgeed. Daphne ayaa ahayd qunusulka iyo xoghayaha koowaad ee Ingiriiska u joogay caasimadda dalkaasi ee Kinishaasa. Islaanta Daphne ayaa intaasi ku dartay in sababta loo dilay ay ahayd iyagoo ka cabsi qabay xidhiidhka uu la yeeshay Ruushka iyo isaga weliba gacanta u geliyay godadkii macdanta Yuraaniyamka dawladii Sofiyeetka (Ruushka). Waxaana ay intaasi ku dartay in gobolka ay ku badan tahay macadantu ay cabsi weyn ka qabeen inuu Ruushku la wareego. Haddii taasi dhacdona dhamaan danaha dalalka Maraykanka , Ingiriiska iyo Belgimka ayaa ka soo xidhmayay. Dophne waxa ay wakhtigaasi qarka u saarayd geerida iyadoo u dhimatay xanuunka ay jiiftay markii ay warkaasi bixisay bil ka dib. Madaxda dunida sadexaad waxa ku dhaca dilal iyo xadhig haddii ay ka hor yimaadaan danaha Yurub iyo Maraykanka. Waxa kale oo Iyana caado ah in sirdoon kasta saacadaha geeridiisa uu sheego shaqooyinka ugu halista badnaa iyo madaxdii uu khaarjiyay. (Prep. Haybe) Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka dowladnimo wanaagsantahay, kala badh dalalka Afrika, dhamaan dalalka Jaamacadda Carabta marka laga reebo waddanka Tunusia oo Somaliland isku heer yihiin dhinaca dowlad wanaaga. “Somaliland waxay ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo adduunyada ku yaala oo ay ku jiraan labo kuwa awooda leh ah, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay kala badh dalalka Afrika, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay ururka Jaamacadda Carabta dhamaan, marka laga reebo Tunusia oo inala heer ah” ayuu yidhi wasiir Toorno. Inkasta oo aanu wasiir Toorno sheegin meesha uu ka keenay xogtan iyo cida soo saartay, hadana Somaliland waxa lagu tilmaama dimuquraadiyadda ugu fiican ee ka jirta Bariga Afrika sida ay qoreen wargaysyada The economist iyo The elephant. Dhinaca kale warbixin uu sanadkii 2017 soo saaray Aqalka Xoriyada Maraykanka (Freedom house) ayaa lagu sheegay in xaqa shacabka Somaliland ka helaan xukuumadooda uu ka badan yahay xaqa ay waddamada kale ee Geeska Afrika shacabkoodu ka helaan xukuumadahooda. Source
-
(SLT-Kabul)-Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa booqday caasimadda Afghanistan ee Kabul, wuxuuna la kulmay Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ah ku -simaha Raysal Wasaaraha xukuumadda cusub ee Daalibaan. Wuxuu sidoo kale la kulmay madaxweynihii hore Hamid Karzai iyo Abdullah Abdullah, oo ah madaxa Golaha Dib -u -heshiisiinta Qaranka maadaama uu ku dhiirri gelinayey dhinacyada iyo kooxaha Afgaanistaan inay galaan dib -u -heshiisiin qaran. Waa booqashadii ugu horeysay ee uu mas’uul heerkiisu gaadhsiisan yahay Wasiir Arrimo Dibadeed ku tago magaalada Kabul tan iyo markii millatariga Mareykanka uu ka baxay Afghanistan. Al Thani ayaa la kulmay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda cusub, oo ay ku jiraan wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ku -xigeenkiisa. Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta iyo dadaallada ay Qadar hadda ku bixinayso taageeridda dadka Afgaanistaan. Daalibaan ayaa baahisay sawirrada kulanka Al Thani ee Akhund, halka sawirrada isaga iyo Karzai hore ay ku baahinayeen baraha bulshada. Qadar ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dalalka saameynta ugu badan ku leh Taliban, oo la wareegtay Afgaanistaan bishii hore iyadoo ciidammada Mareykanka ay isku diyaarinayeen inay ugu dambeyn ka baxaan dalka 20 sano kadib. Waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay duulimaadkii weynaa ee Mareykanku hogaaminayay ee muwaadiniintiisa, muwaadiniintii reer Galbeedka iyo Afgaanistaan ee caawiyay waddamada reer Galbeedka. Waxay kaloo taageeraysaa tobanaan kun oo reer Afgaanistaan ah oo la daadgureeyay toddobaadyadii u dambeeyay ee ka bixitaankii Mareykanku hoggaaminayey. Ma jiro dal weli si rasmi ah u aqoonsaday dowladda cusub ee Daalibaanm 3 dal oo kaliya ayaa aqoonsaday xilligii xukunkii ugu horreeyay ee kooxda laga bilaabo 1996-2001. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hay’adda nabad sugidda ay shaacisay inay dileen xoogaga kooxda Al-Shabaab. Sheekha oo la hadlay telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday, haddii aan wax laga qaban arrinta Ikraan in gabdho badan oo Soomaaliyeed ay saameyn ku yeela doonto dhacdadaan, ayna soo wejihi doonto cabsi la mid ah waxa ku dhacay Ikraan Tahliil Faarax. “Ikraan Tahliil waxa ay u aheyd Role Model iyo in lagu deydo gabdho fara badan oo soo kacayey, haddii arrinteyda wax laga qaban waayo gabdha fara badan baa oranaya waddadii Ikraan in la’ii mariyo ma rabo, saas darteed dowladba uma shaqeynayo” ayuu yiri Sheekha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan-yahay in si weyn loogu doodo Ikraan, si ay cadaalad u hesho, isla-markaana ay arrinteeda u noqoto mid lama illaawan ah. “Waxaan dooneynaa arrintan in dood adag iyo meel adag la gaarsiiyo in loo dood in laga hadlo in la yiraahdo Ikraan waxay mudatay inay cadaalad hesho waxaan rabnaa inay noqoto darsi iyo mid lama illaawaan ah,” ayuu markale yiri Sheekh Cabdiraxman Shariif. Ugu dambeyn wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaahaan kiiska Ikraan, si looga dhigo mid caalami ah, sida dilka ninkii madowga ahaa ee Mareykanka George Floyd. “Waxaa doonaynaa in kiiska Ikraan Tahliil uu noqdo sida kii George Floyd oo caalamka ruxay,” ayuu sii raaciyey Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisad xoogan oo ka dhalatay arrinta Ikraan ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka. The post Maxaa dhici kara, haddii ay cadaalad weyso Ikraan Tahliil Faarax? appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle ayaa maanta bilaabaya iney dhageystaan musharaxiin u tartami doonta ilaa siddeed kursi oo ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah. Murshaxariinta oo gaaraya ilaa 27 ayaa la sheegayaa in horay u ahaayeen 33, iyada oo lix buuxin waayeen shuruudaha halna uu ka haray, kaas oo ah Muxyudiin Afrax. Lama oga in maanta ay khudbadaha soo dhammaan doonaan iyo in kale, tiro badnida tartamayaasha aqalka sare ayaa ka timid kadib markii madaxweyne Guudlaawe uu sameeyey cadaalad ah in qof walba tartami karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jowhar (Caasimada Online) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa haatan ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Sida uu qorshuhu yahay maanta oo ay tahay 13-ka September ayaa waxaa la dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta isa soo diiwaan-geliyey oo gaaraya illaa 27 musharax. Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle, Axmed Xasan Diini oo ka hadlay diyaar garowga doorashooyinkaas ayaa ugu baaqay xubnaha musharixiinta ah ee isdiiwaan-geliyey inay ilaaliyaan waqtiga loo ballamiyay in ay hortagaan baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu sheegay inay haatan si wanaagsan ay wax ku socdaan, isla-markaana hadal jeedinta, kadib ay guda-geli doonaan qabashada doorashada Aqalka Sare. HirShabelle ayaa doorashada ay qabaneyso waxa ay ka duwan tahay doorashooyinkii ka dhacay maamul goboleedyada kale, waxaana tartanka uu yahay mid furan. Kuraasta qaar sidoo kale waxaa ku tartamaya ugu yaraan 3 xubnood, kuwa ugu badan waa lix xubnood, taas oo muujineysa in HirShabelle aysan kuraasta u xiriin dad gaar ah. Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah, iyada oo doorashadan ay ku xigi doonto mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya. The post Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare? appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay ergeyga cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, ammaanka iyo xoojinta mashaariicda Midowga Yurub ka fuliyo deegaanada Galmudug. “Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg. Qoor Qoor ayaa kulanka uu la yeeshay Ms. Tiina Intelmann si gaar ah xoogan ugu saaray Msmashaariic horumarineed ee uu Ururka Midowga Yurub ka fuliyo Galmudug. Tiina oo dhowaan loo soo magacaabay danjirada Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bedashay Nicalos Berlang oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka. Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahiil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dishay Al-Shabaab. Si kastaba, Qoor Qoor ayaa ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si xal looga gaaro khilaafka dalka. The post Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay ergeyga M/Yurub appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda UK u qaabilsan Somalia Kate Foster, madaxa xafiiska Hargeysa ee dawladda UK Stuart Brown iyo madaxa siyaasadda ee xafiiskaasi Khadar Muxumed. kulanka ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa xeerarka muhiimka ah ee ay labada dhinacba danaynayaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta xafiiska Hargeysa ee dawladda Ingiriiska iyo Golaha Wakiillada Somaliland. Danjireyaasha Dawladda Ingiriiska ayaa ballan qaaday in ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta cilaaqaadka baarlamaanka Somaliland la yeelanayo baarlamaannada iyo dalalka Caalamka. Kulanka waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), lataliyaha xidhiidhka caalamka ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Ibraahim iyo agaasimaha qorshaynta ee Golaha Wakiillada Cabdinaasir Cismaan. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqayn. Qaran News
-
Mariane Ibrahim moved to the US 11 years ago, frustrated that, despite her native France’s long colonial history in Africa, there just wasn’t a market for contemporary artists of the continent’s diaspora. “People were not really open to the idea of diversity and Black artists,” says Ibrahim, who is of Somali heritage. “I needed to prove them wrong.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda Mursal Maxamed Saney ayaa ka hadlay burburka ku yimid wada-hadalladii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare iyo waxa xigi kara. “Horta aan wadahadalno waa aan heshiino, waana soo dhaweyneynaa inay wada hadlaan oo ay is horfariistaan madaxda iyadoo weliba ay dadaal ku bixinayaan mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah, in lagu kala tago arrintaas aad ayay shacabka Soomaaliyeed uga niyad jabeen, waxaa la sugayay in lagu heshiiyo,” ayuu yiri Mursal Saney oo la hadlay BBC Saney ayaa sheegay in mar haddii lagu kala tagay wada-hadallada inay jiraan wax badan oo aad loogu kala aragti duwan yahay. “Waa wax laga xumaado in hal koox oo dowlad isku ah oo wada joogo hal guri oo 500 oo mitir ah ka yar ay hogaanka dalka isku fahmi waayaan, arrintaasi niyad jab weyn ayay keentay,” ayuu yiri agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda. Mursal Saney ayaa sidoo kale hadlay in hadda ay imaan karto faragalin dhanka caalamka ah oo la isugu keenayo Farmaajo iyo Rooble, maadaama dadaalladii Soomaalida oo ay wadeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay fashilmeen. “Waxaan aad u aaminsaanahy oo aan markasta ku cel-celinaa in Soomaalida iyaga xallistaan arrimahooda sababtoo ah ceeb ayay nagu tahay in 30 sannadood iyo ka badan nalagu dhex-jiro balse haddii la heshiin waayo khasab ayay nagu noqonaysaa, marka waxa laga hadlaayo ugu weyn waa doorasho iyo arrimaha cadaaladda marka arrimahan faraha ayay la soo geli doonaan iyadoo intaan laga fool-xun-yahay oo Soomaalida ay ka ihaaneysantahay shacab iyo madaxba ayaa waxaa la isku khasbi doonaa wixii markaas loo arko inay xal tahay ,” ayuu yiri Musrsal. Waxa uu intaas ku daray in haddii ay fashilmaan dadaallada beesha caalamka ay xaaladdu faraha ka bixi karto oo ay isku rogi karto dagaal. “Haddii ay timaaddo in lagu heshiin waayo waxaa inoo muuqda in colaad iyo dhibaato keeni karto, taas waan ka digeynaa in dalkaan loo horseedo colaad iyo dhibaato, dalkaan waxaa la rabaa in doorasho la aado oo sidii horay u dhici jirtayba si nabad ah la isugu wereejiyo xilka xitaa haddii madaxweynaha hadda joogo dib loo soo doorto waaa in dalka uu sii hogaamiyo,” ayuu yiri. The post Arrimaha xiga ee dhici kara kadib fashilka ku yimid wada-hadalkii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Waan ku faraxsanahay in shakhsiyad ku culus qaaraddeenna Afrika uu booqasho gaaban iigu yimaaddo hoygeyga, @ProfPLOLumumba runtii waxa aan ka mid ahay dadyowga sida dhow ugu xidhan aragtiyaha uu baahiyo, JSL waa u milge & maamuus in uu yimaaddo, tacliinta sare-na wax ka taro. pic.twitter.com/uwFdIIdvsi — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 12, 2021 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul ayaa kusoo dhamaatay fashil, haddaba maxaa xal u noqon kara khilaafka Rooble iyo Farmaajo? Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada dhinac ay iskugu soo dhawaan karaan, islamarkaana xal u noqon karta khilaafkooda siyaasadeed in meesha laga saaro tallaabada wasiir xilka looga qaaday. Gaas ayaa qaba in Rooble uu sameeyo isku shaandheyn, iyada oo wasiirka uu wasaarad u quudhsado u dhiibo wasaarad kale, si loo ilaaliyo is-dhinac saarka siyaasadeed ee xiisada kiciyey. “Waxyaabaha yar yar ee la isku hayo waa la toosin karaa. Aniga kuma taliyeen saacaddan in wasiir la baddalo, laakiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu awood u leeyahay in haddii uu shaqada amniga ku aamini waayay Xundubeey u dhiibo wasaarad kale,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas. Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in agaasimaha NISA loo magacaabo qof saddexaad, oo labada dhinac kalsoonidooda siin karaan, maadama xiisada ugu culus ka dhalatay gacan ku haynta booskaas muhiimka ah, oo Rooble sarkaal u magacaabay, halka Farmaajo-na u magacaabay sarkaale uu wato. “Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuna waxay kala magacaabeen labo qof waxaa habboon in la isku afgarto qof saddexaad oo aan labadaas midna ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore. Waxa kale oo la qabaa in labada dhinac ay isla qaatan in marnaba aan laga wada-hadli karin, xal banaanka ahna laga gaari karin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo ah halka ay ka bilaabatay xiisadu. Qodobka uu ka dhashay muranka ugu weyn ayaa ahaa kiiska gabadha ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka qaranka, walina wax xal ah looma helin, waxaana muhiim ah in baaritaan habboon lagu sameeyo sida lagu waayay gabadhaas oo ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugida. Si kastaba, Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wada-hadallada ayaa u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu tuhmayo gacanta hay’adda, iyo habka loo baarayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad. The post GAAS oo soo jeediyey arrin xal u noqon karta loolanka Farmaajo iyo R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
