-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero loogu muujiyey Ra’iisul wasaare Rooble oo galabta ka soo jawaabay dikreetadii uu xalay soo saaray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, taas oo hoos loogu dhigaayey awooda fulineed ee xukuumadda Rooble. Puntland waxay ku bogaadisay ra’iisul wasaaraha maareynta siyaasadda dalka xilligaan xasaasiga ah iyo dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka. “Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka. Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Puntland. Xafiiska Ra’iisul Wasaare ayaa galabta shaaciyey in isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran uu ka hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha gudaha iyo kuwa dibadda, isagoo ilaalinaya danaha shacabka Soomaaliyeed. “Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta, kuwaas oo ay nagala dhaxeyso xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad kale Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh, kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankii uu Rooble uga jawaabay dikreetadii Farmaajo. Dhanka kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday mucaaradka oo uu hoggaaminayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna wada qaateen shir mudo saacado ah socday. Qoraal kooban oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka soo saaray shirkii uu la yeeshay Ra’iisul wsaare Rooble waxa uu ku yiri, “Waxaan kulan la qaatay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.” The post Puntland oo war ka soo saartay tallaabadii uu qaaday R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Puntland ayaa soo dhaweyay go’aanka maanta ra’iisul wasaaraha dalka uu ku kaga hor yimid qoraal xalay ka soo baxay Xafiiska Farmaajo. Puntland ayaa ku bogaadisay Rooble doorka hogaamineed ee uu ka qaatay arrimaha doorashooyinka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaana lagu sheegay in maamulka Puntland uu soo dhaweynayo go’aanka Rooble. Hoos ka akhriso qoraalka Puntland Source: goobjoog.com
-
Puntland ayaa taageertay go’aankii Ra’iisul Wasaare Rooble kaga horyimid wareegtadii madaxweyne Farmaajo xukuumaddiisa kaga joojiyay galitaanka heshiisyada iyo is af-garadyada. Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku bogaadinayso hogaaminta dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka. “Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble, hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka” ayaa lagu yiri qoraalka. Puntland waxay sheegtay in ay markasta aaminsan tahay sarreynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah. “Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Puntland oo taageertay Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa kulan saacado qaatay kula yeeshay musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Rooble iyo Warsame ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda dalka si gaar ah arrimaha doorashooyinka dalka iyo mar xaladihii ugu dambeyay ee uu dalka ku jiray. Labada dhinac ayaa kulan kooda yimid kadib markii saacado ka hor ra’iisul wasaaraha uu soo saaray wareegto lagu buriyay go’an xalay farmaajo uu ku hakiyay heshiisyada ay xukuumadda galeyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ayaa maanta shir gaar ah ka yeeshay dagaalka siyaasadeed ee siyaasiyiinta reer waqooyiga ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed. Kulankaas oo laga soo saaray baaq ku aadan arrintaan waxaa hadal ka jeediyey guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, isagoo sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi lagu dulminayo Muqdisho, taasna ay bahdil ku tahay Soomaali oo dhan. “Hadaan nahay odayaasha Mogadishu Clan, waxaan maanta ka hadalnay waxa nagala gudboon cabashada iyo qeylo dhaanta ka soo yeertay qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi, si gaar ah guddoomiye Cabdi Xaashi, sida aan maqleynay odaygu markii xaaladdu ku xumaatay arrinta waxa uu u soo bandhigay umadda Soomaaliyeed inay garsoor ka noqdaan, meesha qeyladu ka yeereyso anagaa ka odayaal ah, kamana aamusi doono arrintaas,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka ayaa sheegay inay dirayaan laba fariimood oo ku kala socda dadka reer waqooyiga ah ee ku sugan Muqdisho iyo Ra’iisul wasaare Rooble, waxayna kala yihiin labadaas fariin: 1 – “Dadka reer waqooyiga waxaan leenahay Cabdi Xaashi maaha waxa lala dagaalayo ee waa awoodiina, waxaa la yiri Maska madaxa ayaa laga dilaa, tani waa fariin la idinku bahdilayo, sida Soomaalida kale ay xaq ugu leedahay inay is doortaan, ayaad idinkuna xaq ugu leedihiin, odagii idinkugu sareeyey ee la doortay in la bahdilo ma ahan wax aan fiirsa karno, sida aad u kala qeybsan tihiina dhamaantiin ayey idinku tahay dhibaato, aniga aragtideyda waxa lagu sameeyey kooxda Cabdi Xaashi, kama duwana diyaaradii lagu duqeeyey Hargeysa, waxayna sii fogeyneysaa midnimada umadda Soomaaliyeed, reer waqooyina ku gaar maaha ee Soomaali oo dhan ayey taabanee,” ayuu yiri. 2 – “Fariinta labaad waxaan u dirayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaan leenahay ra’iisul wasaarow anagoo odayaashaadii ah, waxaan kaa codsaneynaa in arrintaas aad dib u eegis ku sameyso, arrintaan saameyn xun ayey nagu yeelan doontaa, waan ognahay meesha mushkiladdu ka jirto, waxaan balan qaadnay inaan kula shaqeyneyno, cabashada reer waqooyiga waa nadhibeysaa, awoodii wax looga qaban lahaana adigaa noo haya, hada dalkena laba dhib ayuu qabaa oo kala ah qadiyadda Somaliland iyo Shabaab, hadii doorashadu sidaan ku meel marto, dhib kale ayaa imaan doona,” ayuu yiri guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan. Hoos ka daawo The post Daawo: Beelaha Mogadishu Clan oo ka shiray dagaalka siyaasadeedka Muqdisho ka socda ee… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, Golaha Badbaadinta Qaranka iyo Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ku keli yeelay dagaalka uu Villa Somalia kula jiro guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Cabdi Xaashi oo garab weyn ka heystay dhinacyadaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si keli ah ula daala dhacayay xiisada u dhaxeysa isaga iyo Mahdi Guuleed oo ay gadaal ka taagan tahay Villa Somalia. Ma cadda sababta rasmiga ah, hase yeeshee waxaa muuqata in ay uga baxeen dagaalkii wadajirka ahaa ee ka dhanka ahaa Qorshaha Villa Somalia. Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxay ahaayeen garbihii ugu muhiimsanaa ee uu ku duuli jiray Cabdi Xaashi oo culeys ka tan badan kala kulmaya Villa Somalia. Dhamaan mas’uuliyiinta aan soo sheegnay ayaa hadda meesha ka baxay, mana cadda sababta rasmiga ee keentay. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qaba in mucaaradka ay aaminsanyihiin in aysan waxba ka qaban karin arrimaha taagan, sidaas darteed ay door bideen in aysan ka hor imaanin talaab kasta si aan cadaawad kale loogu qaadin, ama aysan Rooble ugu sii riixin dhanka Villa Somalia. Xubnaha mucaaradka ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashadii ka dhacday Baydhabo ee Aqalka Sare oo laga reebay xubno xisbiyadooda ka tirsanaa, iyagoo sidoo kale ka aamusay doorashadii shalay ka dhacday Teendhada Afisyooni, taasoo ka dhigan in ay gaabsadeen mas’uuliyiinta mucaaradka ah. Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya inay kala durqeen Mahdi Guuleed iyo Villa Somalia, sidaas darteedna ay yaraatay walaaca ay mucaaradka ka qabeen Mahdi Guuleed, taasi oo horseeday inaysan dhex-galin xiisadda siyaasiyiinta gobollada waqooyi. Lama oga talaabada uu qaadi doono Guddoomiye Cabdi Xaashi oo habeen hore u gar dhigtay shacabka Soomaaliyeed kadib markii uu wax ka waayay madaxda qaranka, isagoo si aad ah u eeday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. The post Maxay mucaaradka uga gaabsadeen taageeradii iyo garab istaagii Cabdi Xaashi? appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble has responded to a decree issued by President Mohamed Farmaajo Saturday night calling on his cabinet to 'proceed with business as usual'. Source: Hiiraan Online
-
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo u jawaabayey qoraal kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in shaqada xilgaarsiinta ee uu dalka u hayo ka helay dastuurka KMG ah, isaga oo faray golihiisa iney shaqada sii wadaan. Rooble, oo u muuqda mid carooday warqadda Farmaajo ayaa ku celiyey in uu hoggaanka dalka qabtay, dalkana ka badbaadiyey burbur iyo colaado sokeeye. Qoraal dheer oo arrinkan ku saabsan ee Rooble, halkan ka akhriso: Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye. Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu inagala dhaxeeyaan. Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taagan. Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda. Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi,waxbarasho ,ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib dastuuri ah uu ka saaranyahay Ra,iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo. Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto ,Soomaaliya xasilooni ,nabad ah oo xiriir wangaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale. Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka. Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah. Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda. Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaalau Maxamed Xuseen Rooble ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna ka horyimid wareegtadii xalay uu madaxweyne Farmaajo, xukuumaddiisa kaga joojiyay heshiisyada iyo is af-garadyada. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu sheegay in awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ay leeyihiin Golaha Wasiirrada oo ah hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Xukuumaddu ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo dadka Soomaaliya, sidaas la mid ahna uu Dastuurka Qaran u xilsaaray Xukuumadda wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira hishiisyada caalamiga ah. Rooble wuxuu sheegay in isaga iyo golihiisa xukuumadda sii haynayaan xilka inta doorasho ka dhacayso oo Ra’iisul Wasaare cusub la dooranayo, dastuurkuna uu u fasaxayo in ay si caadi ah u fuliyaan waajibaadka Qaran. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xukuunaddiisa iyo dhamaan hay’adaha dawladda in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah. War-murtiyeedka hoos ka akhri: War Murtiyeed Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka. Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye. Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu inagala dhaxeeyaan. Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taagan. Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda. Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi,waxbarasho ,ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib dastuuri ah uu ka saaranyahay Ra,iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo. Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto ,Soomaaliya xasilooni ,nabad ah oo xiriir wangaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale. Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka. Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah. Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda. Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Rooble oo ka horyimid go’aanka xukuumaddiisa looga joojiyay heshiisyada iyo is af-garadyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah xiisadda siyaasadeed ee ka dhex-qaraxday isaga madaxweyne Farmaajo iyo wareegtadii xalay kasoo baxday madaxweynaha. Hoos ka aqriso qoraalka Rooble War Murtiyeed Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye. Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga badbaadin lahaa marxaladaas adag, wuxuuna u hawlgalay sidii loo dajinlahaa Xiisadaha Gudaha iyo kuwa dibadda, iyadoo la ilaalinayo danaha Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu waxeey ku guulaysteen toban bilood ka dib in uu muuqdo isbadal wayn oo ku yimid muuqaalka qaranka ee gudaha iyo dibadda, taas oo keentay in maanta dalka ay ka bilawdeen Doorashooyin nabdoon oo dhinacyadii kala fogaaday wada aqbalsanyihin, isla markaana si tartiib tartiib ah uu usoo noqonayo Cilaaqaadka dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah, Ururada iyo Dawladaha kale ee danuhu inagala dhaxeeyaan. Tilaabooyinka xalinta mushkuladda gudaha ee uu qaaday Ra’iisul wasaaruhu waxaa ka mid ah hagaajinta wadashaqaynta Dawladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, furista masraxa siyaasadda, si Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee leh hanka loogu diyaariyo jawi xasiloon oo ay aamini karaan, dhisidda kalsoonida Bulshada ee hanaanka Doorashooyinka iyo wadashaqaynta saaxiibada beesha Caalamka ee na garab taagan. Si la mid ah arrimaha Diblomaasiyadda. Ra’iisul Wasaaraha isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan simanaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh kuwaas oo ay mas’uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed oo waajib dastuuri ah uu ka saaranyahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa, dhanka kalana xeerinaya Danaha Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhimista nooc kasta oo ah nacayb iyo colaad laga maarmi karo. Dedaalada kor ku xusan waxa ay marayaan meel wanaagsan oo u baahan in horay loosii wado iyada oo yoolku uu yahay in R/Wasaaruhu gaarsiiyo kuna wareejiya Xukuumadda dhalan doonto, Soomaaliya xasilooni, nabad ah oo xiriir wangaagsan la leh dariskeeda iyo dunida inteeda kale. Hadaba, iyada oo ay socdaan shaqooyinkaas wanaagsan ayay soo muuqatay baahida loo qabo jihaynta qaabka xil gudasho ee hay’adaha Dawladda marxaladda soo socota, sidaas awgeed, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka. Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah. Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Ra’isul Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda. Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha. The post ROOBLE oo jawaab culus kasoo saaray amarkii Farmaajo “Awoodaha fulinta waxaa leh xukuumadda” appeared first on Caasimada Online.
-
Beirut (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan Sheekh Hassan Nasrallah ayaa Sabtidii sheegay in kooxdiisa ay dooratay inay duqeymaha Israel uga jawaato gantaallo lagu tuuray dhul banaan, balse ay ficilladooda kasii dari karaan mustaqbalka. Lama soo werin wax duqeymaha oo dhacay Sabtidii, mana jiraan illaa hadda khasaare ka dhashay weerarada labada dhinac. Jimcihii, Xizbullah ayaa gantaallo ku tuurtay dhanka ciidamada Israel, taasi oo dhalisay in Israel ay iyana weerarto Koonfurta Lubnaan. Labada dhinac ayaa gantaalladooda la beegsaday dhul banaan, taasi oo muujisay inaysan dooneyn inay xaaladda kasii daraan. Khudbad uu jeediyey oo lagu maamuusayey dhammaadka dagaalkii 2006 ay la galeen Israel, ayaa Nasrallah wuxuu ku sheegay in duqeymaha Israel ay yihiin “halis cusub” oo aan la arkin 15-kii sano ee tegay. Wuxuu sheegay in kooxda ay dooneysay inay muujiso in duqeyn kasta oo Israel ay fuliso looga jawaabayo “habka ugu habboon iyo qeyb qeyb.” “Waxaan shalay dooranay dhul banaan oo ah aagga Beeraha Shebaa, si aan farriin u dirno, iyo inaan tallaabo qaadno, balse marka dambe waxaan qaadi karnaa tallaabo kasii daran,” ayuu yiri Nasrallah. Gantaallada ay is-weydaarsanayaan labada dhinac ayaa billowday Arbacadii markii gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ku dhaceen Israel, ayada oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda. Weerarkaas, oo Xizbullah aysan ka hadlin, ayaa keenay in Israel ay jawaabto. Xiisadda gobolka ayaa kacsaneyd wixii ka dambeeyey weerar lagu qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey meel u dhow xeebaha Cumaan, kaasi oo lagu eedeeyey Iran. Iran way beenisay inay ku lug laheyd weerarka. Reuters + VOA The post Wararkii ugu dambeeyey weerarada Xizbullah iyo Israel iyo Sheekh Xasan Nasrallah oo war soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
HAMBALYO MADAXWEYNE : 08 /08/2021 Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1443-ka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba. Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Isniin ah. Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo. Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusubi ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda. Kullu Caam Wa Antum Bikhayr Qaran News
-
Xulka Nugaal oo u baxay wareega afar dhamaadka Kulan ka tirsan tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo maanta dhexmari lahaa xulalka Nugaal iyo Sanaag ayaa dhicin, markii xulka Sanaag uu ka baxay garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee Garowe. Xulka Nugaal ayaa la siiyay saddexdii dhibcood ee kulanka, waxayna sagaal dhibcood ugu baxeen wareega afar dhamaadka tartanka. Xulka Sanaag ayaa qoraal ka soo baxay ku sheegay in ay garoonka uga baxeen markii ay arkeen ciyaaryahan labo jaalle horey u qaatay oo u safan xulka Nugaal. Sidaan oo kale shalay waxaa muran u baaqday labo kulan oo ay ciyaari lahaayeen Mudug VS Gardafuu iyo Karkaar VS Cayn, kuwaas oo markii dambe loo wareejiyay 11 bishan Agoosto. Sababta muranku u hareeyay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland ayaa khuburada ciyaaraha ku xeeldheer ku sheegeen in aysan jirin xeerar hagaya tartanka oo u dagsan xiriirka kubadda cagta Puntland. Xiriirka kubadda cagta Puntland iyo wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyara ayaa ilaa hadda war ka soo saarin muranka hareeyay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland. PUNTLAND POST The post Muran hareeyay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Baardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay is rasaaseyn ku dhex martay ciidamo kawada tirsan kuwa Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM. Inta la xaqiijiyey laba askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa ku dhimatay is rasaaseynta dhex martay Ciidamada Itoobiya taasoo socotay dhowr daqiiqo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-rasaaseynta ayaa ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay askarta Itoobiya ee AMISOM, wuxuuna khilaafka salka ku hayaa colaadda ka jirto dalkaas oo u dhaxeysa Tigrey iyo ciidamada Dowladda Federaalka ee Itoobiya. Labada askar ee is dishay ayaa kasoo kala jeeda qowmiyadaha Tigray iyo Amxaaro oo hadda colaad u dhaxeyso, waxa ayna labadan askari ka wada howlgalayeen saldhig ku yaala gudaha magaalada Baardheere. Ciidamo badan oo kala qowmiyad ah ayaa ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana xiisadaha colaada ee ka jirta gudaha Itoobiya ay saameyn weyn ku yeelatay ammaanka dalkaas. Ethiopia ayaa ka digtay Jimcihii inay howlgelin doonto “dhammaan awoodaheeda difaac” kadib markii ciidamada Tigray-ga ay ku siqeen gobollada deriska la ah. Dowladda “waxaa lagu qasbayaa inay is abaabusho oo ay daad-gureyso dhammaan awoodaheeda qaran haddii nabadda iyo xaaladda bani’aadaminimo halis la geliyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku tiri wasaaradda arrimaha dibdda. “Ficillada koox aan mas’uul aheyn ayaa tijaabinaya dulqaadka dowladda federaalka, waxayna ku qasbayaan inay beddesho xaaladda difaac ee loo qaatay sababo la xiriira xabad-joojin bani’aadaminimo oo hal dhinac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. The post Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada Ethiopia ee Gedo oo u kala baxay Amxaara iyo Tigray iyo askar ku dhinatay appeared first on Caasimada Online.
-
Sahan is a conflict research boutique founded by Matt Bryden on account of his past work at War-torn Societies Project in Somalia of 1990s. He claims to have a deep knowledge of Somali clan politics. Bryden is on the same league as that of some self-styled researchers who win contracts from donor countries to write on Somali politics. In Nairobi, it is the norm that new graduates of European stock get jobs from such conflict entrepreneurs as International Crisis Group. Several years ago, Matt Bryden formed Sahan to pontificate on Somali politics. In Somalia he is persona non grata. Matt Bryden thinks Somaliland has 70 seats in the bicameral legislature of Somalia. His latest tweet on the selection of the electoral chairman for Somaliland seats betrays ignorance on Somali electoral politics. “With approx. 70 parliamentary seats at stake, it’s essential that the election of candidates from #Somaliland be free, fair and transparent. Boycott by Senate Speaker’s caucus renders the process partial, exposes rigging and should invalidate it” tweeted Bryden. Somaliland does not have 70 seats in the bicameral legislature of Somalia. What Matt Bryden conflates is the total number of Dir clan’s seats and the number of seats from Somaliland within the “70 seats” Bryden refers to in the tweet. The Speaker of the Upper House Abdi Hashi has no special privileges to solely oversee the selection process for Somaliland MPs and Senators. The consensus approach to this issue emphasizes a joint chairmanship of the process under the Deputy Prime Minister Mahdi Guled and Abdi Hashi. If Matt Bryden had paid attention to the make-up of electoral seats for Somaliland MPs and Senators, he would hesitate to express a tweet-based opinion on the selection of the Chairman for the process to elect Somaliland MPs and Senators. I don’t blame Matt Bryden for promoting himself as a seasoned analyst on Somali politics. He is a man who fronts the donor countries’ mantra to employ graduates who are still wet behind the ears in the hope of letting them cut their teeth in conflict-ridden politics of some African countries, writing reports that accentuate stereotypes and valorize identity politics. The prolonged conflict in Somalia spawns an analyst industry that thrives on disinformation, and funded by key donor outfits such as EU and other European countries’ aid agencies. By Jama Ali Rugte, Nairobi The post Matt Bryden Knows Less About Somali Electoral Politics appeared first on Puntland Post.
-
Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibadda Kenya & Somalia? Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya & Soomaaliya Raychelle Omamo iyo Maxamed Cabdirisaaq Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa wada-hadallo la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo, oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Labada wasiir ay yeesheen wada hadallo saabsan xiriirka labada dal, “ayna wada xuseen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo muujiyo xurmadda madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida siyaasadeed, kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dal.” Weli lama shaacin wax qodob ah oo labada dhinac ay isku raaceen. Kulankaas ayaa kadib, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu xafiiskiisa ku qaabilay Raychelle Omamo, waxaana sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal. “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta,” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya. Dhinaca kale, xafiiska Rooble ayaa sheegay “in xukuumadda Soomaaliya ay adkeyneyso in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.” Dhinaca kale, Ilo wareedyo ayaa VOA u xaqiijiyay in socdaalka Raychelle Omamo uu ku saabsanyahay wadahadal la xiriira sidii dowladda Soomaaliya ay xayiraadda uga qaadi laheyd Jaadka Kenya. Qaran News
-
Laba Siyaasi oo laga caydhiyey Xisbiga Waddani Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI waxaa saaka lagu qabtay Shirkii billaha ahaa ee Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI, Shirkaas oo lagu kala dhageystay Warbixinaha Guddida Fulinta, sida oo kale warbixinno lagaga dhageystay Xubno ka socday Madaxda Qurbaha ee Xisbiga iyo Hoggaanka Xisbiga oo warbixin dheer ka siiyey Guddida wadadii dheereyd ee loo soo maray Guusha Xisbigu ka gaadhay Doorashooyinka. Sida oo kale Hoggaanka Xisbigu waxa ay Guddida Fulinta u soo jeediyeen Anshax Marin Laba mas’uul oo ka tirsana Xisbiga kuwaas oo ku gefay marar badan Xeerarka Xisbiga iyo Mabaad’iida Guud ee uu u taagan yahay Xisbiga WADDANI, kuwaas oo kala ah: 1. Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamed iyo 2. Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, iyaga oo lagu soo oogay in jabiyeen qoddobada lagu waayo Xubinnimada Xisbiga WADDANI ee Xeer Hoosaadka Xisbiga, ee kala ah Qoddobka 9aad iyo Qoddobka 10aad. Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI waxa ay cod gacan tag ah oo Aqlabiyad ah Hoggankii, Fulintii, Golaha Dhexe iyo Xubinnimada Xisbiga kaga saareen Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamed, iyo sida oo kale waxa ay cod gacan tag ah oo aqlabiyad ah Fulintii, Golihii Dhexe iyo Xubinnimadii kaga saareen Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa. Qaran News