Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,876
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markale qaaday tallaabo loo arko karo inay Somaliland u aqoonsan-tahay dal madax-banaan, kadib markii uu dhawaan soo saaray liis uu ku xusay dalalka uu dib ugu ogolaaday inay u safraan dalkiisa. Imaaraadka ayaa dib u bilowday 30-ka bishii hore August, 2021 bixinta fiisooyinka dadka dalalka kale ku nool ee raba inay u safraan ama u dalxiis tagaan dalkaas, waxaan kasoo muuqday liiskaas Somaliland iyo Soomaaliya oo labo dal loo kala saaray, iyo dalal kale oo aad u badan. Wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee magaceeda loo soo gaabiyo WAM, ayaa baahisay in shuruudaha laga rabo dadka u safraya Imaaraadka Carabta, ay kamid tahay in hore u qaateen tallaalka difaaca u ah ee cudurka Covid-19 ee ay aqoonsan tahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. “Waxay qeyb ka tahay tani Istaraatiijiyadda dalka Imaaraadka Carabta ee ah in la abuuro dheelli-tirka caafimaadka dadweynaha iyo taageerada dedaallada qaran ee lagu gaarayo soo kabasho waarta iyo koboc dhaqaale.” Sidoo kale waa in ay sitaan dadkaasi Waraaqaha caddaynaya inay qaateen talaalkaasi, iyagoo iska diwaan-gelin doona garoomada diyaaradaha Imaaraadka Carabta si loo hubiyo xaaladdooda caafimaad iyo waraaqaha aqoonsiga ee sheegaya inay tallaalan yihiin. Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee dowladda Imaaraadka ay sidii dal madax-banaan ula dhaqanto Somaliland oo ayadu ku dooda inaysan qeyb ka aheyn Soomaaliya, midaasi oo bahdil iyo xad-gudub ku ah dowladda federaalka Soomaaliya. The post IMAARAADKA oo qaaday tallaabo wax u dhimeysa madax-banaanida Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  2. WASIIRKA CUSUB EE BEDELAY SHEEKH KHALIIL MALAHA WAA DHAGAX KELIYA UU DOONAYO MADAXWAYNE BIIXI IN LABA SHIMBIROOD UU KU WADA DILO Enough is enough. Ugu dambaystii 11 sanadood ka dib ayaa xilkii laga qaaday Sh. Khaliil. Muddadaasi dheer kooxdiisa adag ayaa loo mari la’aa oo kursiga ku ilaashanaysay, isaguna runtii nin macquul ah buu ahaa. Wasiirka lagu bedelay sida la ii sheegay waxay isku ardaa yihiin C/maalik Coldoon oo hadda xabsiga ku jira. Dhinaca aragtidiisa diiniga ahina sida la leeyahay way ka duwan tahay ta kooxda Khaliil uu ka tirsanaa haba jirto in ay isku Wahaabiyiin yihiin oo aanay wax badan ku kala duwanayn xaga Dugsi Fikradeedka (School of thought) eh. Hadana waa laba kooxood oo aan midna mid bixinin tartanna ka dhexeeyo. Markii Masar ay Akhwaaanku doorashada ku adkaadeen ee Maxamed Mursi uu Madaxwaynaha noqday, sanad ka dib way kala leexdeen iyaga iyo kooxdii kale ee Islamiga ahayd ee Salafiyiintu. Afgembigii Akhwaankana Salafiyiintu raali bay ka ahaayeen hadii aanay qaybba ka ahayn. Xagga Khaliijka waa Pro-Doha iyo Pro-Riyaad. Waa sida shaarac Hargeysa Taala eh. Hadii ay sidaa tahay marka aan sadarada dhexdooda akhriyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddu waa dhagax keliya oo Madaxwayne Biixi uu doonayo in uu ku wada dilo laba shimirood. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey inay bixiyeen deyn badan oo lagu lahaa gobolka, taasi oo ay bixinteeda uu qeyb weyn lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalana ah duqa magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay munaasib loo qabtay sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii uu Filish yimid gobolka Banaadir, ayaa sheegay in deyntaas badankeeda la bixiyey, taasi oo muddo badan ku qorneyd gobolka. “Gobolkaan deyn badan ayaa lagu lahaa oo dhaqaale badan oo guddoomiyaha ka horeeyay oo culeys ah oo dhib ah oo meesha ugu yimid ayaa la bixiyey. Guddoomiyaha wax weyn buu ka qabtay deyn aad u weyn oo lagu lahaa gobolka, maalinba qaar buu la daala dhacayey,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in wax badan laga qabtay dhanka amaanka iyo horumarinta gobolka, tan iyo markii uu yimid guddoomiye Cumar Filish, isagoona meesha ka saaray eedeymo la xiriira fadhiidnimo oo lala xiriiriyey maamulka. Xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu qabtay munaasibad lagu xusaayay Sanad-guuradii 2-aad ee marka uu xilka Guddoonka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho uu la wareegay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Munaasabadaan oo ay ka qeyb-galeen Marti-sharaf kala gedisan oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Madaxda Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada, waxaana inta badan lagu soo bandhigay waxqabadka labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir. The post Maxay tahay deynta lagu lahaa gobolka Banaadir ee la bixiyey 2-dii sano ee tagtay? appeared first on Caasimada Online.
  4. Haweenay Xil Xasaasiya ka haysay Sirdoonka Somalia oo la dilay+Cida dishay,Sida loo dilay & Sababta Ikraan Tahliil oo muddo ka badan laba bilood la weysanaa xilli ay ku sugneyd magaalada Muqdisho, ayaa war hadda soo baxay wuxuu sheegayaa in la dilay. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa war ay goor dhoweyd soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaan ay ku hayeen kiiska Ikraan ay ku ogaadeen in “ay dileen kooxda Al-Shabaab” Markii Ikraan la waayay dabayaaqaadi bishii June ayaa waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliya qabsaday qeylo dhaan ku saabsan gabadh ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, taas oo la waayay. Ikraan Tahliil Faarax ayaa sidoo soo noqotay agaasimaha xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay Cabdiraxmaan Yariisoow oo lagu dilay qarax. Haddaba si sharraxaad badan loo helo waxaan eegeynaa afar arrimood oo ku saabsan gabadhaas ay hadal heynta xooggan ka taagan tahay. Waa Tuma Ikraan? Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay. Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga. Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas. Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe. Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd. Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska. 2-Sida lagu “afduubay” Inta badan wararka la isla dhex marayo waxay sheegayeen in Ikraan la afduubtay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda afduubatay, marka laga soo tago eedeymaha. Gabadhan hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay in gabadheeda iyadoo joogta guri u dhow xarunta nabad sugidda lasoo wacay kaddibna gaari lagu kaxeeyay. Guriga ay ku sugneyd wuxuu ku yaallay agagaarka xarunta Nabad sugidda, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo. Qaali Maxamuud oo waddanka Turkiga uga timid si ay gabadheeda u raadiso ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabatay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda ka codsatay in laga caawiyo sidii ay gabadheeda dib ugu heli lahayd. “Aniga in sida ugu dhaqsiyaha badan wax la iila qabto ayaan rabaa, oo gabadheyda meesha ay ku jirto laga soo bixiyo. Gabadheyda meel dheer ma jirto, ma dhoofin, baasaboorkeeda aniga ayaa haayo, waddankaan ayay ku jirtaa, magaalada Muqdisho ayaa meel laga galiyay, ha la ii soo bixiyo,” ayay tidhi Qaali Maxamuud oo ah gabadha maqan hooyadeed. Sidoo kale nabadoonno kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay gabadha ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo helo Ikraan Tahliil. 3- Gaarigii lagu “afduubay” Ikraan Hooyadeed ayaa shaaca ka qaadday in ay jiraan dad ay ku tuhunsan yihiin gabadheeda, inkastoo aysan si cad u sheegin magaca cidda ay gabadha ku maleynayaan. Waxay intaas ku dartay in la garanayo gaarigii lagu qaaday Ikraan markii ugu dambeysay ee ay ka baxday guriga. “Waxaa la ii sheegay in maalintii ay bisha June ahayd 26, abaare 8:03 ay iyadoo laptop wadata guriga ka baxday. Gaari la yaqaanno ayay racaday sida aan xogta ku heyno markii aan aragnay kaamirooyinka CCTV-ga,” ayay tidhi gabadha hooyadeed. Laakiin xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in uu xarun ka mid ah xarumaha hay’adda nabad sugidda kusoo arkay gaari baraha bulshada lagu sheegay inuu ahaa kii gabadha lagu qaaday, wuxuuna sheegashadaas ku qeexay eed aan sal iyo raad toona lahayn. “Waxaa baraha bulshada ku jira baabuur, baabuurkaasna waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay ee la tusay, xarumaha nabad sugidda mid ka mid ah ayaa la iiga yeeray, kaamiradi ayaan fiirinnay, baaburki ayaa la daba galay, waxaana yeeshay shakhsi hay’adda ka tirsan. Haddii hay’adda wax lagu tuhmaayo sawirkaasba ma aysan soo saarteen,” ayuu yidhi. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in ay ku jiraan howsha la xiriirta raadinta gabadha, wuxuuna warbaahinta u sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay qeyb ka yihiin dadaalkaas. “Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed in ciddii xog ka heysa ay nala soo wadaagaan, ayna ila soo xiriiraan aniga oo ah adeerkeed, ahna xildhibaankeeda,” ayuu yidhi. Wuxuu xildhibaanka ka digay dadka eedeymaha ku saabsan sida ay Ikraan u maqan tahay ku faafinaya baraha bulshada. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar uu ku wargalinayo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya inay muddo bil ah (oo ku eg 02/10/2021) kusoo diiwaan-galiyaan dhammaan heshiisyada la xiriira dhulka iyo guryaha ee ay galeen. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo ujeedkiisu ahaa “Diiwaan-gelinta heshiisyada hantida la kireeyay ee dhulalka iyo guryaha dowladda”, ayaa waxa looga hortagaya wax is-daba-marin iyo in si gaar ah loogu faa’iideysto heshiisyada. “Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hogaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beekhaansan uguna waxtarka fiican,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Xafiiska oo ka taxaddaraya in si khaldan loo maamulo ama dano gaar ah looga faa’iideysto hantida ummadda, sidoo kalana iyadoo la tixraacayo Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS, Qodobka 1aad (1) xarafka (J) iyo Qodobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019) iyo Qodobka 8aad ee Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud (Sharci Lr. 34 ee 14/04/1972).” Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa hay’addaha Dowladda ku wargeliyay 3 qoddob oo la xiriira amarka diiwaan-gelinta heshiisyadaas, kuwaasi oo kala ah; Muddo hal bil gudaheeda ah oo ku eg 02/10/2021 lagu soo diiwaan-geliyo dhamaan heshiisyada la xiriira maamulka hantida ummadda, gaar ahaan dhulalka iyo guryaha. In dhamaan hay’addaha Dowladda ay arrinkan u qaataan in lagu saxayo nidaamka Dowliga ah sidoo kalana lagu ilaaliyo hantida umadda. In dhamaan ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heshiisyada dhulalka iyo guryaha la xiriira la galay hay’adaha Dowladda ay hay’adaha ka dalbadaan in ay ka wadaagaan/siiyaan nuqullada heshiisyada ka diiwaan-gashan Xafiiska Hantidhawrka Guud si hawsha dhex-maray muwaadinka/qofka iyo hay’ada ay u noqoto mid xalaal ah oo waafaqsan sharciga. “Xafiiska Hantidhawrka waxaa uu hay’adaha Dowladda kula talinayaa in ay u hogaansamaan dhamaan shuruucda dalka, sidoo kalana ay heshiisyada ku soo diiwaan-geliyaan muddada sare ku cayiman, iyadoo howl-wadeenada iyo mas’uuliyiinta hay’adaha ay imaan karaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hantidhawrka shaaciyey in sharci-darro loo aqoonsan doono heshiisyada aan laga soo diiwaan-gelin xafiiska, maadama uu baaris ku sameyn, islamarkaana uu ka qaadi doono tallaabada sharciga ee ku haboon. Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xili uu dhawaan buuq badan ka dhashay heshiis lagu bixiyey dhul kamid ah Tiyaatarka Qaranka, kaasi oo loo maray sifo sharci darro, sida uu hore u shaaciyey Xafiiska Hantidhawrka. The post Hant-dhowrka Qaranka oo soo saaray amar 3 qodob ah oo ku socda hay’adaha DF appeared first on Caasimada Online.
  6. Anchored at the deepwater port of Berbera, an Ethiopian-flagged ship offloads its cargo of sugar and rice coming from India in what officials hope is a sign of a fresh era of trade in the self-declared east African state of Somaliland. Thanks to a $442m investment from the Dubai-based ports operator DP World, Berbera is shaping up to regain its centuries-old trade lustre, setting up a battle of ports over a maritime thoroughfare traversed by about a third of ships worldwide. The revamped port of Berbera now offers an alternative to Djibouti as a gateway to lucrative trade routes through the Suez Canal. Berbera was once the capital of the British Somaliland protectorate. For centuries, until a civil war destroyed much of its facilities three decades ago, it was a hub of maritime trade between the Horn of Africa, the Arabian peninsula, and India thanks to its key location on the Gulf of Aden opposite Yemen. Now, “we are getting another chance to become an international business centre,” said Berbera’s mayor, Abdishakur Mohamed Hassan. Outside his office, rows of camels and herds of goats are heading to the dock, destined for the port of Jeddah in Saudi Arabia. “There will be a healthy competition between the neighbouring ports,” he added. Berbera’s terminal, which opened in June, can handle the world’s largest ships. Its container capacity increased from 150,000 20ft containers (TEU) to 500,000 TEU annually, and work is already under way for an expansion to handle up to 2m TEU a year. The main aim of the port is to serve Ethiopia, Africa’s second most populous country, which needs “multiple gateways”, according to Supachai Wattanaveerachai, chief executive of DP World’s port of Berbera. Eritrea broke away from Ethiopia in 1993, leaving the latter landlocked and reliant on neighbouring Djibouti for port access. Djibouti had remained “almost entirely free of competition” in the region, according to the World Bank which in a report said almost 95 per cent of Ethiopian cargo passed through it. The remainder goes through Port Sudan, in Sudan, and Mombasa, in Kenya. Berbera’s resurgence could mark a return to its role as a pivotal port in the late 19th century © Mustafa Saeed/AFP/Getty Images A 2021 global container port performance index by the World Bank and IHS Markit rated Djibouti as the most efficient port in Africa, measured by minutes per container move. The former French colony has capitalised on its infrastructure and privileged location on the strait of Bab-el-Mandeb, with nearly 1m TEU passing through its ports each year. But the competition has intensified, with DP World now in Somaliland and going head to head with Djibouti. “Ethiopia destined cargo does predominantly move through Djibouti port, however there are future alternatives within the area,” said Carl Lorenz, managing director for eastern Africa at container shipping group Maersk. Those options include Berbera and the much-delayed new port in the Kenyan town of Lamu, close to Somalia, which partly opened in May. Sultan Ahmed bin Sulayem, DP World’s chair, said Berbera would be a viable and efficient option for trade in the region, especially for Ethiopian transit cargo. “We believe that developing the Berbera corridor into one of the major trade and logistics corridors will unlock huge economic benefits for Ethiopia,” he said. Those ambitions have not been welcomed by neighbours, according to Berbera’s mayor, Hassan. “Djibouti is 100 per cent not happy with the investment DP World made in our port,” he said. Three years ago, Djibouti seized the container port of Doraleh from DP World. Djibouti argues the company’s goal was to take control of the country’s coastline and that the port was not operated to its full potential. DP World counters Djibouti acted illegally and won several international arbitration cases. Djiboutian officials have played down any rivalry. Ilyas Moussa Dawaleh, Djibouti’s finance minister, said Berbera would compete “in a way”. Another senior Djiboutian official said their country was in “pole position” as it was closer to the Suez Canal, adding that Djibouti was already a linchpin of global commerce. Djibouti has been rated as the most efficient port in Africa measured by minutes per container move © Yasuyoshi Chiba/AFP/Getty Images Although a road corridor from Berbera to Wajaale, on the Somaliland-Ethiopia border, is due to be completed by 2022, Somaliland requires infrastructure development for which it could not directly receive multilateral financing because it is not an internationally recognised country. And unlike Djibouti, where China has invested heavily, it has relations with Taiwan. But much depends on the political situation in Ethiopia, the regional giant that is the main customer for the competing ports. Over the past decade, Ethiopia went through an Asian-style economic miracle, growing at a whopping average of 9.4 per cent a year. Then the pandemic struck and an unending civil war started. Said Hassan Abdullahi, general manager of Somaliland Ports Authority, said Addis Ababa had already missed the deadline for acquiring a stake in the port of Berbera and worries about the war continuing. In July, fighting spread from Tigray to the region of Afar, a transit point between Ethiopia and Djibouti. “If the war goes on there will be no trade,” he said. “We are building all this infrastructure for Ethiopia. It could be a problem for Somaliland and for Djibouti.” Newotime Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey warkii ay caawa Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ku sheegtay in Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay. Haddaba hoos ka aqriso qoraallo ay soo saareen. Qoraalka Mahad Salaad Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah. R/W Maxamed Xuseen Rooble waxaan kula talinayaa in uu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, dalkana in uu ka baxo aan loo oggolaanin si Maxkamad loo soo taago! Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay. Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin facebook lagu soo daabacay. Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa 1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil. 2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda. 3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo. 4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya. Allaha u naxariisto Ikraam, ehelkeedana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Waan la damqaneynaa ehelka Ikraan. The post Falcelin ka dhalatay warkii NISA ee dilka Ikraan Tahliil iyo su’aalo la isweydiinayo appeared first on Caasimada Online.
  8. A Turkish military aircraft carrying the first batch of Somali female police commandos to complete special training in Turkey landed at Aden Adde International Airport in the capital Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) muddana la la’aa ay dileen Al-shabaab. War qoraal ah oo ay goordhaweyd soo saartay NISA laguna baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu sheegay in baaritaan ay ku hayeen kiiska Ikraan ay ku ogaadeen in ay u gacan gashay kooxda Al-shabaab, kadibna ay dileen. Marka laga tago warka NISA, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya in ay Al-shabaab dileen Ikraan Tahliil oo ahayd xubin firfircoon oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka. Ikraan oo ahayd gabar da’yar ayaa la la’aa tan iyo 26-kii June ee sanadkan, waxaana kiiskeeda baarayay guddi uu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Gen. Cabdullaahi Buulle Kamay. Ikraan Tahliil ayaa hay’adda NISA ku soo biirtay 2017, waxayna horay uga soo shaqeysay xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay guddoomiyihii qaraxa lagu dilay Cabdiraxmaan Yariisoow. Ikraan ayaa markii cid ugu dambaysay waxaa la sheegay in ay ahayd xilli habeen ah oo ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda NISA. PUNTLAND POST The post NISA: Ikraan Tahliil waxaa dilay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  10. Darussalam (Caasimada Online) – Ninkii Soomaaliga ahaa ee toddobaadkii afarta qof ku dilay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania, kahor inta aan toogasho lagu dilin, waxa uu ahaa “argagixiso lagu xagjireeyey internet-ka,” waxaa sidaas maanta sheegay booliska. Ninkan oo booliiska ay magaciisa ku sheegeen Hamza Mohamed ayaa 25-kii August rasaas oodda kaga qaaday aagga diblomaasiyadda ee magaalada, meel ku dhow safaaradda Faransiiska, wuxuuna dilay saddex sarkaal oo boolis ah, iyo sarkaal amni oo u shaqeynayey shirkad gaar ah. “Baaritaanadeena waxay shaaca ka qaadeen in Hamza Mohamed uu ahaa qof lahaa nolol sir ah oo ay ka buuxaan astaamaha argagixisanimada,” waxaa sidaas yiri agaasimaha qeybta dambi-baarista Camillus Wambura. Wambura ayaa ku qeexay ninkan “argagixiso.” “Waxa uu waqtigiisa inta badan ku bixiyey inuu Internet-ka wax uga barto ficillada noocan ah ee argagixisada, sida kuwa ay fuliyaan Al-Shabaab iyo Daacish, oo ay sameeyaan argagixiso badan,” ayuu yiri Wambura. Afarta qof ee dhintay ka sokow, lix qof oo kale ayaa lagu dhaawacay toogashada, oo ka dhacday meel u dhow albaabka laga galo safaaradda Faransiiska. Tobaneeyo saraakiil boolis ah, siyaasiyiin iyo muwaadiniin ayaa Jimcihii ka qeyb-galay munaasabad tacsi ah oo la sameeyey saraakiisha dhintay. “Haddii waalidkiisa ay kasoo bixi lahaayeen mas’uuliyaddooda, wixii uu Hamza sameeyey ma dhici laheyn,” waxaa sidaas sheegay Simon Sirro oo ah madaxa booliska. Dadka dariska lahaa Hamza ayaa naxdin ka muujiyey toogashada, waxayna sheegeen inuu hooyadiis kula noolaa meel laba kilometer u jirta un halka uu weerarku ka dhacay. “Waxaan garanayey illaa yaraantiisa. Waxaa jirta mar la waayey illaa uu dhowaan dib uga soo laabtay,” waxaa sidaas yiri Omar Issa oo ah taksiile. “Wuxuu ahaa qof caadi ah, oo aan ula macaamili jira si la mid ah dhammaan deriskeyga. Aad ayaan xaqiiqdii uga naxay,” ayuu yiri. Weerarka uu fuliyey Hamza ayaa ah mid noociisu naadir ka yahay dalka Tanzania, oo ah nabad ah, xilli ay xasarad dagaal oo ay ku lug leeyihiin jihaadiyiin ay ka jirto dalka deriska la ah ee Mozambique. The post Booliska Tanzania oo shaaca ka qaaday xogta rasmiga ah ee Soomaaligii weerarka ku qaaday safaarada Faransiiska appeared first on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s national intelligence agency has said one of its female agents who went missing on June 26 was kidnapped and killed by the militant group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  12. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil oo horay loo sheegay in ay ku maqan tahay gacanta Taliska NISA. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kadib baaritaanno ay sameeyen ay ku ogaadeen in Marxuumad Ikraan Tahliil ay gacanta u gashay Ururka Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaan lagu sheegin sida ay gacanta ugu gashay Ikraan Ururka Al-shabaab iyo halka lagu aasay . Qoyska iyo Ehelada Ikraan ayaa horay u sheegay in Gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta Taliska NISA. Hoos Ka akhriso Qoraalka Dowladda Soomaaliya. Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi. Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021. HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda. HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah. INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xaqiijisay in Ikraahin Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay. Qoraal lagu faafiyey warbaahinta dowladda ayaa u qornaa sidan: Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021. HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda. HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah. INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN. The post DG DEG: NISA oo ku dhowaaqday in la dilay Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa qaatay mowqif lama filaan ah, oo u ku furay doorashada Aqalka Sare, isaga ballan-qaaday inaysan dhici doonin in musharax laga hor istaago inuu kasoo muuqdo liiska musharaxiinta. Go’aanka Guudlaawe ayaa ka duwan dhammaan madax goboleedyada kale oo horey liiska musharaxiinta ugu xiray siyaasiyiin gaar ah, ayaga oo u diiday muwaadiniin badan oo xaq u lahaa. Guudlaawe oo khudbad ka jeediyey daah-furka Kalfadhiga Baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in musharax kasta oo soo buuxiya shuruudaha musharaxnimo uu xaq u leeyahay inuu u tartamo kuraasta maamulkaas kasoo galeysa Aqalka Sare. “Waxaa hortiina ka ballan-qaadaya in Liiskaas aan kusoo dari doono Musharax kasta oo soo buuxiya shuruudihii, oo aan dhihi doonin hebel aan jeclahay oo liiska u xirayaa iyo hebel aan necbahay oo liiska ka reeba,” ayuu yiri. “Muwaadin kasta oo kusoo baxo musharaxiintan in uu nagala shaqeyn doono horumarka HirShabelle haddey nabad-gelyo tahay iyo haddey horumar tahay oo uu noqon doono Senator noo dhago nugul ayaa rajeynayaa.” Sidoo kale waxa uu xusay in si xor iyo xalaal ah u dhici doono tartanka Aqalka Sare, ayada oo uu kula dardaarmay mudaneyaasha HirShabelle inay si human u kala xushaan tartamayaasha. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guudlaawe ay cadaadis xooggan saartay Villa Somalia kadib markii uu diiday inuu liiska musharaxiinta ka saaro Muuse Suudi, taas beddelkeedna ay ku qasabtay inuu furo liiska, si loolan adag loo geliyo Xaaji Muuse. Maamulka HirShabelle ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay aan si toos ah u faro-gelin musharaxiinta Aqalka Sare, sida kal hore ka dhacday doorashooyinka maamulada kale ay qabteen, kuwaasi oo laga reebay shaqsiyad ay is-hayeen, halka ay kusoo baxeen dad hore loo sii ogaa. The post Cali Guudlaawe oo go’aan lama filaan ah ka qaatay liiska musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ballan-qaaday in uu muwaadin walba oo xaq leh, buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo ku soo dari doono liiska musharaxiinta Aqalka sare. Madaxweyne Guudlaawe oo hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu furayay kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in uusan ku soo xuli doonin liiska Aqalka Sare nin jeclaysi iyo nin nebcaysi midna, hase ahaatee uu ku soo xuli doono caddaalad. Wuxuu xusay in go’aanka qofka ka mid noqonaya Aqalka Sare ay leeyihiin Baarlamaanaka Hirshabeelle oo doorasho ku kala saari doona tartamayaasha Aqalka Sare, wuxuuna ugu baaqay xilhibaannada in ay ku kala xushaan aqoontooda iyo khibradoona. Munaasadda uu hadalkan ka jeedyay Guudlaawe waxaa ku sugnaa rag doonaya in ay ka soo dhexmuuqdaan liiska tartamayaasha Aqalka Sare oo la filayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo. Hoos ka eeg muuqaalka hadalka Guudlaawe. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo si ka duwan maamullada kale ku soo xuli doonta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  16. MOGADISHU (HOL) - Engineer Mohamed Omar Salihi who advised President Mohamed Farmaajo in the maritime case with Kenya died Wednesday morning in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. Gudoomoyihii hayadda shaqaalaha dawlada ee xilka maanta laga qaaday Farxaan Aadan Haybe ayaa yidhi:- “Isbedelku waa dabciga nolosha oo ah in ay maalinba si u egtahay, waxa taas la mid ah sunnaha dawladnimo oo ay aasaas u tahay in xilku qori isu dhiib yahay oo qofba inta Allah u qadaro joogayo, Ilaahay ha ku asturo inta masuuliyad xilleed loo magacaabay maanta oo uu ugu horreeyo gudoomiyaha xilka aan ku wareejin doono. Madaxwaynuhuna waa ku mahadsan yahay go’aankiisan xilka qaadista, waayo isaga ayuunbaa isla xilkan hore iigu xushay. Dalka waxaan ka soo qabtay xilal badan oo kala duwan oo wasiirnimo iyo xilkan aan wareejin doonaa ka mid yihiin, markaa uma hamuun qabo xil ee waxaan ku faraxsanay inaan qarankayga u soo shaqeeyay intii itaalkay iyo awooday ah”. Source
  18. Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa isla qaatay in ay dhankooda nabad ka qaataan colaada ka taagan deegaanada Saaxmaygaag iyo Sangajabiye. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo maanta kulan la qaatay nabadoonnada iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku go’aamiyay in ay dhankooda nabad taaqaan oo ciidanka iyo hantida ka soo saaraan deegaannada colaadu ka dhacdayn, waxaana go’aankaas la qaatay nabadoonnada iyo waxharadka kale. Sidoo kale Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa garabka kale iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay iyaguna nabad qaataan. Hoos ka eeg muuqaalada waxgaradka Nugaal PUNTLAND POST The post Gaorwe: Islaan Ciise oo go’aamiyay nabad laga qaato colaada Saaxmaygaag iyo Sangajabiye appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo mudd ka badan labo bil la la’yahay ayaa waxaa la shaaciyey inay u gacan gashay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, sida ay sheegen saraakiil amni oo la hadlay VOA. Barnaamijka Bandhigga VOA oo toddobaadkan si gaar ah diirada loogu saaray kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxaa lagu shaaciyey in Al-Shabaab ay u wateen Ikraan Tahliil gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan Dhoobley. Sidoo kale waxaa shaki weyn laga muujiyey in Ikraan ay nooshahay, ayada oo ilo wareedyo kala duwan ay sheegayaan inaysan xiligaan nooleyn, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Xogta la helay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan NISA ay shirqooleen Ikraan, islamarkaana u gacan geliyeen Al-Shabaab. Ma cadda weli haddii NISA ay ogaatay xubnahaas, iyo tallaabada laga qaaday haddii la aqoonsaday. Dhanka kale, Hooyada dhashay Ikraan oo la hadashay Barnaamijka Bandhiga VOA-da ayaa u sheegtay inaysan aaminsaneyn in Al-Shabaab ay wateen inanteeda Ikraan Tahliil, inkasta oo sidaas ay u sheegeen saraakiil. Waxay weli ku adkeysaneysaa inay ku maqan tahay gacanta taliska NISA, oo ay hore u qabteen Camerada ayada oo raaceysa gaari laga leeyahay taliska NISA. Xogtaan ayaa kor u sii qaadeysa walaaca laga muujinayo in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milmatay hay’addaha dowladda, maadama gabadha lagu watay gaari ka diiwaan gashanaa hay’add kamid ah kuwa dowladda. The post Ikraan Tahliil ma waxay u gacan gashay Al-Shabaab? (Dhageyso Xog xasaasi ah oo laga helay NISA) appeared first on Caasimada Online.
  20. MOGADISHU (HOL) - Somaliland is considering a request by the U.S and other international refugee agencies to host Afghanistan refugees, deputy foreign affairs minister Liban Yusuf Osman has said seemingly negating earlier remarks by information minister Saleban Ali Koore. Source: Hiiraan Online
  21. Taalibaan oo shaacisay inay hareereysay Ahmed Mascud & Ciidankiisa Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taalibaan ayaa ku dhowaaqay in dagaalyahanadooda ay hareereeyeen gobolka ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Panjshir, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad uu wato Ahmed Mascuud, oo uu dhalay hoggaamiyihii caanka ahaa ee la dagaallamay kooxdaas ee Ahmed Shah Masoud. Amir Khan Motaqi oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa shaaciyey in ay isku fidiyeen hareeraha gobolka kaliya ee ka soo horjeeda maamulkeeda. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay kooxda ka soo horjeeda inay si nabad ah isku soo dhiibaan, iyaga oo ka faa’iideysanaya cafiska ay kooxda fidisay, kadib la wareegitaankeeda Kabul. “Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay hoy u tahay dhammaan dadka reer Afgaanistaan,” ayuu yiri Amir Khan Motaqi. Hoggaamiyahan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Taalibaan ay dadaal badan samaysay, si ay wada-xaajood ula gasho hoggaamiyeyaasha xoogagga mucaaradka ee Panjshir, laakiin wuxuu shaaciyey inaan wax natiijo ah laga gaarin, taas oo uu ku tilmaamay “nasiib darro”. Si kastaba ciidanka uu hoggaaminayo Ahmed Mascuud oo uu dhalay hoggaamiyihii hore ee la dagaallamay Taalibaan Ahmed Shah Masoud iyo dhowr kun oo ka tirsan malayshiyaadka dooxada Panjshir iyo haraadiga ciidankii Afghanistan ayaa hada la dagaallamaya Taalibaan. Qaran News
  22. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilka qaadis, bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegto uu soo saaray xilalkii ka qaaday mas’uuliyiinta kala ah. (Xilka qaadis) 1. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Biyaha, 2. Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Wasaarada Macdanta iyo Tamarta 3. Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 4. Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 5. Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha 6. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 7. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka 8. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Somaliland ee Dalka Itoobiya 9. Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 9. Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Baanka Dhexe. Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegtada ku magacaabay mas’uuliyiinta kala ah. (Magacaabis) 1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. 7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. 8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. 9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta. 11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha. 12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. 16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. 17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga. 18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose. 19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda. 20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. 24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe. 25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiis xukuumadda appeared first on Puntland Post.