-
Content Count
212,876 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said 27 Somali police officers have completed five-day training on how to effectively secure ongoing elections. Source: Hiiraan Online
-
Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Puntland ee PSF ayaa saacadihii la soo dhaafay ku biiray gulufka ciidan ee ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ka socda dowlad goboleedka Galmudug. Ciidanka Daraawiishta Galmudug, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan kumaandada PSF iyo ciidamada dowladda Federaalka, ayaa ku jihaysan degaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin koonfurta Gobolka Mudug. Saraakiil ka tirsan Puntland oo warkan xaqiijiyay, ayaa sheegaya in ciidamadu ku wajahan yihiin degaannada Bacaadweyne iyo Cammaara oo ka tirsan koonfurta Mudug, halkaas oo Al-shabaab dib u qabsadeen. 26-kii Agoosto 2021, Al-shabaab ayaa dib u qabsaday Bacaadweyne iyo Cammaara, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo horay Al-shabaab uga saaray degaannadaas. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo ku biiray gulufka dagaal ee ka socda Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
(ERGO) – Kasim Serar, a young Somali entrepreneur in Garowe, is making strides in the technology business that he believes can have positive impact on society and create job opportunities for youth. Source: Hiiraan Online
-
St. Paul - The Minnesota Department of Employment and Economic Development (DEED) will begin accepting applications for the Main Street COVID Relief Grants Program on September 20th. This program was approved by the Minnesota State Legislature and signed by Gov. Tim Walz on June 30, 2021. Source: Hiiraan Online
-
On 3rd September 1952, Mahmood Mattan—a 28-year-old British Somali seaman—became the last person to be hanged in Wales. His alleged crime was murdering a local shopkeeper, Lily Volpert, but he was convicted with scant evidence. Source: Hiiraan Online
-
Hudur is a town under siege. For the last seven years, the main supply routes to and from this provincial capital in south-west Somalia have been blocked and controlled by Al Shabaab. Food and other commodities have had to be transported by donkey carts. And in the last two months, the situation has got even worse. Deliveries can be airlifted in, but this means high transportation costs – out of reach for most consumers. As a result, goods are becoming more scarce and prices are rising. Source: Hiiraan Online
-
Estonia's former ambassador to the UK Tiina Intelmann is now leading the European Union embassy in Somalia. Intelmann is the third Estonian to lead an EU foreign embassy. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Kabul)-Dowladda Qadar ayaa Khamiistii sheegtay inay kala shaqayneyso Taalibaan sidii si dhaqso ah dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo xidhitaankiisa ay keeni karto caqabado waaweyn oo istiraatiiji ah iyo kuwo bani’aadamnimo. Garoonka Hamid Karzai ayaa xidhan tan iyo markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka, waxaana diyaarad ka timid dalka khaliijka ee Qadar ay ahayd diyaaraddii ugu horraysay oo soo caga -dhigata caasimadda Afghanistan Arbacadii tan iyo markii daadgureyn xowliga aheyd la soo afjaray. Diyaarad ka timid Doha ayaa ka degtay Kabul Khamiistii, iyadoo sidday khubaro baadhitaan ku sameyn doona dhinacyada amniga iyo howlaha ku saabsan garoonka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow arrintan. “Waxaan weli ku rajo weynahay inaan si dhaqso ah u hawlgalin doonno garoonka diyaaraha,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, oo dalkiisu xiriir dhow la leeyahay Taalibaan oo la wareegtay gacan ku haynta Kabul 15-kii Ogosto. Turkiga ayaa isna sheegay Khamiistii inay “qiimeynayaan” soo jeedinnada Taalibaan ee ku saabsan garoonka diyaaradaha, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu uu sheegay in amniga “gudaha iyo dibaddaba” ee garoonka ay tahay mudnaanta koowaad. Sarkaal ka tirsan waaxda duulista rayidka ee Afghanistan ayaa u sheegay Al-Jazeera oo laga leeyahay Qadar in Kabul ay bilaabi doonto howlaha garoonka diyaaradaha “dhawaan’, wuxuuna intaas ku daray in duulimaadyada gudaha ay billaabanayaan maanta oo Jimce ah. Source
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan ku sameeyay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. “Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddi ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loona xiksaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan daahsoon” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June, . Hooyada dhashay Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa dhankeeda waxba kama jiraan ku tilmaantay warkaas iyadoo sheegtay in Gabadheeda Ikraan ay ku maqan tahay gacanta Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay in guddi baaritaan loo saaro kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Puntland Post.
-
Waxaan weli soo afjarmin hadal-haynta Qoxooti reer Afgaanistaan ah oo la sheegay in Maraykanku doonayo inuu si ku meel-gaadh ah u keeno Somaliland. Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee AFP ayaa Toddobaadkii hore baahisay in Dawladda Somaliland ka aqbashay Maraykanka inuu si ku meel-gaadh ah dalkeeda u soo dejiyo kumanaan ka mid ah Dadka reer Afgaanistaan ee ka qaxaya dalkooda, ka dib markii ay xoog awoodda dalkaa kula wareegeen Kooxda Daalibaan oo laga cabsi qabo inay dhibaatayso Dadka badhkood. Xilligaa Wakaaladda Wararka ee AFP waxay soo xiganaysay Xubin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo aan Magaciisa la sheegin, laakiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii Warkaasi soo baxay ka dib, beeniyey inuu jiro heshiis dhex maray Maraykanka ama Maalgashade matalaya Maraykanka, heshiiskaas kaasi oo ogolaanaya in dalka la keeno Qoxootiga reer Afgaanistaan ah. Hase-ahaatee, Wargeyska Wall Street Journal, ayaa daabacay War-bixin sheegaysa in Cidda heshiiska la gashay Somaliland isla-markaana doonaysa inay soo daabusho Qoxootiga Afgaanistaan tahay Nin Maalgashade ah oo lagu Magacaabo Zach Van Meter, kaas oo ah Muwaadin Maraykan ah oo ka soo jeeda deegaanka Naples, Fla ee dalka Maraykanka. Ninka ayaa markii hore Telefoon arrintan kagala hadlay Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good, waxaanu waydiiyey su’aalo ku saabsan in Somaliland ay marti-gelinayso Qoxootiga Afgaanistaan laga soo qaadayo, sida uu Wargeyska u sheegay Bashiir Good. Wargeyska Wall Street Journal, ayaa War-bixinta uu arrinta ka qoray ku sheegay in heshiiska AFP sheegtay in Somaliland ku ogolaatay Qoxootiga reer Afgaanistaan uu saxeexay Sii haya Xilka Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland “25-kii August, sii hayaha Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa heshiis hordhac ah la saxeexday hay’adaha samofalka ee la shaqeeya Mr. Van Meter, isagoo oggolaaday in si ku -meel -gaadh ah loo dejiyo (Somaliland) illaa 10,000 oo qof oo reer Afgaanistaan ??ah..” ayuu qoray Wargeyska Wall Street Journal. Joornaalka ayaa sidoo kale sheegay in qorshuhu yahay in Dadkan Qoxootiga ah laga soo daad-gureeyo Berbera. Zach Van Meter ayaa ah Maalgashade iyo Qandaraasle Dawladda Maraykanka la shaqaysta, kaasi oo door ku lahaa in illaa 5 Kun Qof oo reer Afgaanistaan ah Toddobaadyadii laga soo daad-gureeyo Magaalada Kaabul ee Caasimadda Dalka Afgaanistaan, sida uu sheegay Wargeyska qoray War-bixintani. Xidhiidh aanu la samaynay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, Wargeyska Geeska Afrika uma suurto-gelin inuu helo, si aanu wax uga waydiino warkan sheegaya inuu saxeexay heshiis dhigaya in Qoxooti reer Afgaanistaan ah la keeno Somaliland. Wasiir ku-xigeenka uu Wargeysku sheegay inuu heshiiskan u saxeexay Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa Maanta Madaxweyne Biixi u Magacaabay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka. Source
-
Wakiilka cusub Ee Somaliland U Fadhiisanaya Addis Ababa Maxamed Cawad Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay “Mudane Madaxwayne waan kaaga mahad naqayaa mudadii aan hayey xilka Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga, sharaf bay ii ahayd inaan ka mid noqdo golahaagii wasiiradda ee u horeeyey, Wasaaraddani waxa ay laf dhabar u tahay korriinka dhaqaale ee dalka kalsooni badana waan ku qabaa shaqaalaha joogaa inay garab istaagi doonaan wasiirka cusub. Markale mudane Madaxwayne waxaan ka mahad naqayaa Ka mid ahaanshaha Golaha Wasiirradda runtii waxa ay ii ahayd fursad iyo khibrad aan ugu adeeggo shacabka. Anigoo kaslooni ku qaba soo jeedintaada waxaan sidoo kale kaaga mahad naqayaa inaad ii magacawday xilka danjire /Safiir oo aan ku matali doono qarankeena caasimad lagu jaan-gooyo siyaasadda wadamada Africa (AU). mundane Madaxwayne kaalsoonidda aad i siisay Waa mid aan ugu adeegi doono qarankeena iyo siyaasadaada hogaamineed.” Source
-
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dadka reer Afgaanistaan ay soo wajaheyso xaalado dhanka bini’aadanimada ah oo ay sababeen cunto yari, taasoo ka dhigeysa in saddexdii qofba mid ka mid ah uu dareemayo gaajo. Ramiz Alakbarov, oo ah isku -duwaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Afghanista ayaa Arbacadii sheegay in Xaaladda Afgaanistaan marka laga eego dhinaca bani’aadamnimada ay tahay mid aad u kacsan,wuxuuna intaa ku daray in in ka badan kala bar carruurta dalka ay durba la halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen cunto Maalmihii u dambeeyay qiimaha raashinka ee Afgaanistaan ayaa kordhay ilaa boqolkiiba 50, halka batroolka uu kordhay ilaa 75 boqolkiiba,waxaana sidoo kale joogsaday gargaarkii caalamiga ahaa ee ka imaan jiray dibadda. Dhanka kale, diyaarad ay leedahay Qatar Airways ayaa soo caga -dhigatay Kabul ,taas oo sidday koox u howlgasha in mar kale uu garoonku shaqeeyo ,fursadna loo helo dib u bilaabidda howlaha gargaarka. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo ka digtay xaalado bini’aadanimo oo wajaheysa Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Qoryooleey (Caasimada Online) – Laamaha Amniga Degmada Qoryooleey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgal ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen Nin Hilibka Waraabaha ku dhex iibinayay Gudaha Suuqa degmadaas si qarsoodi ah, iyaga oo ku dhex qariyay Hilbka Xoolaha. Qabashada Ninkaan ayaa timid kaddib markii Ciidamo howlgallo ka waday Degmada Qoryooley uu ka dul dhacay Ninkaan oo magaciisa ay qariyeen Hay’adaha Amniga sabab la xiriirta baaristiisa oo aan soo dhammaan. “Ciidanka oo howlgal wado ayaa qabtay jawaanno (Loorar) lagu soo riday Hilibka Waraabaha oo duurka lagu soo gowracay, hay’adaha ammaanka waxa ay gacanta ku hayaan Ninkii waday oo wajahaya Baaris guud” ayuu yiri Cali Maxamed Aadan Taliyaha Booliiska Degmada Qoryooley. Ninka lagu qabtay isagoo iibinayo Hilibka Waraabaha ayaa laamaha Amniga u sheegay in ka ganacsiga Hilibka Waraabaha qoryooley uu mooday in ay bannaan tahay sidaasna uu mar kasta uga ganacsan jiray. Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Qoryooley waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanka in ay wadaan baaris dheeraad ah si ay wax uga qabtaan in suuqyada Hilibka lagu iibiyo la geeyo Waraabaha. Dadweynaha kunool degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u hadal haayay Hilibka Waraabaha oo lagu iibinayay Kawaanka degmada, iyaga oo shaki weyn muujiyay. Sheekh Umul oo ka tirsan Culumada Soomaalida ee ku nool wadanka Kenya ayaa horey u sheegay in cunista Hilibka Waraabaha uu yahay mid bannaan inkastoo ay arrintaas si weyn uga hor imaadeyn guud ahaan culumada Soomaalida. The post Laamaha amniga oo qabtay nin iibinayey hilib waraabe appeared first on Caasimada Online.
-
Kudhaa (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa aroornimadii saaka weerar culus ku qaaday saldhigga ciidanka Daraawiishta Maamul Goboleedka Jubbaland ee ku leeyihiin Jazeeradda Kudhaa ee hoostagta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii saaka ay ku qaaday Kudhaa ay ka gaartay guul weyn kadib markii ay gacanta ku dhigtay saldhigyada Cidamada Daraawiishta Jubbaland ee Jaziiraddaas. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in markii Xerada ay qabsadeen ay qaadatay Hub & agab ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Daraawiishta ee saldhigga joogay, halka ay gubeen Gaadiidkii yaallay xerada ay weerarka ku qaaday. Kooxda Al-Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha dhimashada oo ay gaarsiiyeen ciidamada Maamulka Jubbaland, mana aysan soo bandhigin caddeymo muujinayo inay qabsadeyn saldhigga Kudhaa ee ciidamad Jubbaland. Caasimadda Online oo la hadashay dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka ay isku adeegsanayeen ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Jubaland, inkastoo aysan xaqiijin inay Al-Shabaab la wareegtay saldhigga. Dhanka kale, Maamul Goboleedka Jubbaland illaa haatan kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab ee la xiriirta in ay gacanta ku dhigeen Saldhiggoodii Jaziirada Kudhaa Degmada Badhaadhe ee Gobolka Gobolka Jubada Hoose. The post Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay Jaziirada Kudhaa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata inuu dagaal ganacsi ka dhax billowday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish. Dagaalka ganacsi ee labadaan masuul ayaa soo ifbaxay Arbacadii markii saacado gudahood ay soo saareen laba amar oo iska soo horjeeda, kuwaas oo aysan dad badan fahmin xiriirka ka dhaxeeya. Wasaaradda Waxbarashada ayaa Arbacadii soo saartay in ay bixin doonto warqadaha badalashada ardayda ka baxaya Iskuul ee galaya mid kale, iyadoo ka jawaabeysa cabasho ka timid ardayda, waalidiinta iyo maamullada Iskuullada. Sidoo kale Wasaaradda ayaa hore u sheegtay in ay dib usoo ceshaneyso maamulka 24 Iskuul oo danguud ah oo la hoos geeyay maamulka Gobalka Banaadir, kadib markii maamulka Gobalka uu bixin waayay mushaarka macallimiinta. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka jawaabaya go’aanadaas ayaa isagana isla Arbacadii ammar duldhigay Isbitaalada Jaziira iyo Yardimeli, iyadoo lagu amray in muddo 7 maalmood ku wareejiyaan maamulka Isbitaalka. Labadaan Isbitaal waxay hoos tagaan Hay’adda Manhal oo ay saami ku yihiin Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab iyo shaqsiyaad Turkish ah. Sidoo kale xogaha qaar ayaa sheegaya in wasiirka Waxbarashada uu hantida ugu badan ee Hay’adda Manhal leeyahay, waana sababta uu gobalka Banaadir u beegsaday labadaas Isbitaal. Waxaa hadda socda dadaalo lagu dhameynayo xiisada u dhaxeysa labadaan xarumood ee Wasaaradda iyo Gobalka Banaadir. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa miisaaniyad gaar ah ku qaata Waxbarashada Gobalka Banaadir inkastoo aan mushaar la siinin Macallimiinta ka shaqeeya Iskuulada la hoos geeyay Gobalka bilaha qaarkood. The post Wasiirkee leh Isbitaallada Jaziira iyo Yardimeli, maxayse isku hayaan Cumar Filish? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ku gacan seertay warka kasoo yeeray hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ee ah in kooxda Al-Shabaab ay dileen gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax, oo la la’aa tan iyo 26-kii June. Hooyo Qaali ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin warka kasoo baxay NISA, oo ay gabadheeda ku tuhmeyso hay’adda sirdoonka qaranka, gaar ahaan taliye Fahad Yaasiin. “Wax ka jira ma lahan, waa been aan sal iyo raad toona laheyn. Gabadhii laga qaaday guri ku ag yaalla xarunta NISA, ayagaiina bad-qabaan, ayadiina waa la qaaday la leeyahay, wax ka jira ma lahan. Shabaab beri ayuu ka yahay arrintaas,” ayey tiri. “Shabaab waa ay ka hadli doonaan wayna beenin doonnaa, horeyna way uga hadleen. Wax ka jira ma lahan, hadda ay rabaan inay gabadheeda dilaan ama horey ayey u dileen. Bidix iyo midig meel uma dhaafto Fahad Yaasiin.” Hooyo Qaali Guhaad ayaa sheegtay inaysan Soomaaliya cadaalad ka jirin. “Gabadheeda sidee ayey ku tagtay Dhoobley, ma diyaarad ayaa qaaday, side halkaas ku tagtay. Shabaab berri ayey ka yihiin, horeyna website-yadooda ayey ugu soo qoreen, wax shaqo ah kuma lahan” ayey tiri hooyo Qaali. Hooyo Qaali, oo la weydiiyey sida ay ku ogaatay in Al-Shabaab aysan ku lug laheyn arrintan, ayaa sheegtay inay xiriiro la sameeyeen dad ehel la ah gabadha oo ku jira kooxdan. “Gabadheyda dafo ma dafin, gaarigii qaaday waa gaariga Kulane Jiis, darawalka Kulane Jiis ayaa qaaday, Kulane Jiis iyo Fahad Yaasiin ayaana loo geeyey gabadhaas, dadka caqliga saaxiibka u ahna waa ogyihiin,” ayey tiri. Hoos ka dhageyso wareysiga hooyo Qaali https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/09/Hooyo-Qaali.mp3 The post Wareysi: Hooyo Qaali oo ka hadashay warka NISA ee ah in Shabaab ay dileen Ikraan appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Qadar ayaa Khamiistii sheegtay inay kala shaqayneyso Taalibaan sidii si dhaqso ah dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo xiritaankiisa ay keeni karto caqabado waaweyn oo istiraatiiji ah iyo kuwo bani’aadamnimo. Garoonka Hamid Karzai ayaa xiran tan iyo markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka, waxaana diyaarad ka timid dalka khaliijka ee Qadar ay ahayd diyaaraddii ugu horraysay oo soo caga -dhigata caasimadda Afghanistan Arbacadii tan iyo markii daadgureyn xowliga aheyd la soo afjaray. Diyaarad ka timid Doha ayaa ka degtay Kabul Khamiistii, iyadoo sidday khubaro baaritaan ku sameyn doona dhinacyada amniga iyo howlaha ku saabsan garoonka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow arrintan. Sarkaal ka tirsan waaxda duulista rayidka ee Afghanistan ayaa u sheegay Al-Jazeera oo laga leeyahay Qadar in Kabul ay bilaabi doonto howlaha garoonka diyaaradaha dhawaan, wuxuuna intaas ku daray in duulimaadyada gudaha ay billaabanayaan maanta oo Jimce ah. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Arrimaha Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada waddan ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Labada wasiir waxa ay sidoo kale isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan. PUNTLAND POST The post Wada-hadalo dhexmaray Soomaaliya iyo Cumaan appeared first on Puntland Post.
-
Panshir (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa la sheegay inuu dhexmaraya xoogagga Taalibaan iyo maleeshiyaadka iska caabinta dooxada Panshir ee dalka Afqaanistaan. Taalibaanku waxay sheegeen inay la wareegeen deegaanno khasaaro culusna gaarsiiyeen kooxda iskaaabinta ee NRF Balse kooxda NRF ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan marinada laga gala dooxada, Taalibaanna ay ka dileen boqolaal dagaalamayaal ah. Panshir waa gobolka kaligaa ee aan wali gacanta u gelin Taalibaan, waxaana la rumeysan yahay in boqolaal dagaalamayaal ah ay halkaasi ku sugan yihiin. Kooxaha iskacaabinta waxaa ku jira madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afqaanistaan Amrullah Saalax, ciidammo horay uga tirsanaa milatariga Afqaanistaan iyo mleleeshiyaad maxalii ah oo u hoggaaminaya hogaamiya qabali ah Axmed Mascuud. Taalibaan ayaa horay u sheegtay inay wadahdal kula wareegi doonto dooxdani, balse waxay sidoo kale sheegtay inaysan meesha ka saari doonin suuragalnimada inay sidoo kale xoog kula wareeegaan. The post Dagaal u dhaxeeya kooxda Taalibaan iyo koox kale oo ka qarxay dalka Afghanistan appeared first on Caasimada Online.