Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,886
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle ayaa shaaca ka qaaday arrin dhex martay isaga iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe. Muuse Suudi ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu u balan qaaday in la dooran doono, balse uu ku canaantay in afarta sano ee soo socota uusan u dhaqmin sidii hore. “Walaalkey waa i canaantay, waxuu iyiri waa lagu dooranaa, laakiin sidii hore hayeelin, marka anaguna sidii hore in Alle uusan ka dhigin ayaan rajeyneynaa, halkaas ma dhaafaayo,” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Arrinta uu Muuse Suudi sheegay ayaa waxaa 22-kii bishan shaacisay Caasimada Online, oo sheegtay in Cali Guudlaawe la filayo inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, oo kaga yimid Villa Somalia. Sidoo kale Muuse Suudi ayaa amaan kala dul dhacay maamulka madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo sheegay in mustaqbal fiican ay leedahay HirShabeelle, waxuuna bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan maamulkooda oo tafaraaruqa ay meel iska dhigaan. Waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadkii soo dhaweeyey uu weydiiyey sababta uu u imaan waayey Jowhar afartii sano ee Senatorka uu ahaa, “Jowhar kamana maqneyn, mana imaan, intaan oo dhib ah dadka waan ka dhowraayey, dadkaan isoo dhaweynaya iyo dadka aan u soo martinaayo dhib ayey igu qabi lahaayeen, sida maanta oo kale, laakiin qoylkeygu kama maqneyn HirShabeelle,” ayuu yiri Muuse Suudi. Waxa uu sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu kursiga Aqalka Sare ku difaaci jiray dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, oo sida uu sheegay iyagu leh ilaha dhaqaale ee dalka laga wada biisho kheyraadka ka soo xarooda. “Intii Aqalka Sare aan joogay HirShabeelle wixii laga haleeyo banaankaan u taagnaa, waxaa soo labeysay Galmudug, waxay ugu dared markii lacag yar oo tan la siiyo dowlad goboleedyada kale ka yar loo qoondeeyey laga goostay labadaas maamul, iyadoo canshuurta dadkooda laga qaado oo dekadahooda la biisho, maadaama kuwa kale gaar loo leeyahay, warkeyga xiligaas inuu saas noqdo ma rabin, laakiin waan huri waayey, markii aan Aqalka Sare ka qeyliyey seddax beri gudahood ayaa lagu fasaxay lacagtii labadaas maamul,” ayuu yiri Senator Muuse. Hoos ka Daawo The post Daawo: Muuse Suudi oo shaaca ka qaaday arrin dhex-martay isaga iyo Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
  2. President Joe Biden is vowing that the U.S. will never again use its military to impose regime change abroad, as he sought to slam shut the door on the Afghanistan War a day after pulling out his country’s last troops. Source: Hiiraan Online
  3. Ciidamada Daraawiishta iyo PSF ee Puntland, oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Golis ee Gobolka Bari. Hawlgalkan oo lagu xaqiijinayay Amniga Gobolka ayaa laga sameeyay buuraleyda Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Puntland. Hawlgalka waxa hoggaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca ee Silsiladda Golis G/Sare Saciid Nuur Shire, waxaana lagu baadi-goobayay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo halkaas ku dhuuntan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Golis ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  4. Imaaraadka Oo Soo Saaray Liiska Dalal Somaliland Ku Jirto Oo Uu Dadkooda U Fasaxay Fiiseyaasha Booqashada Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa Isniinta Berri oo ku beegan 30-ka bisha August, 2021 dib u bilaabaysa bixinta fiisooyinka Dadka Dalalka kale ku nool ee doonaya inay Imaaraadka u safraan ama u dalxiis tagaan. Wakaaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee magaceeda loo soo Gaabiyo WAM, ayaa baahisay in 30-ka bishan dib loo bilaabayo qabashada Codsiyada Fiiseyaasha Dadka Imaaraadka tagaya ee ka imanaya dalalka kale ee Adduunka guud ahaantood. Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta oo soo xiganaysa Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka ee (NCEMA), ayaa baahisay Liiska Waddamada Dadkooda loo ogolaaday inay u safraan Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somaliland, Soomaaliya iyo Dalal kale oo aad u badan. Shuruudaha laga rabo Dadka u safraya Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ka mid ah inay hore u qaateen Tallaalka difaaca u ah Xanuunka Covid_19 ee ay aqoonsan tahay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, isla-markaana sitaan Waraaqaha caddaynaya inay qaateen talaalkaasi, iyagoo iska diwaangelin doona garoomada diyaaradaha Imaaraadka Carabta si loo hubiyo Xaaladdooda Caafimaad iyo Waqaaraha aqoonsiga ee sheegaya inay Tallaalan yihiin. War Qoraal ah oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM, ayaa lagu yidhi “Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka (NCEMA) waxay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in laga bilaabo 30ka August, codsiyada fiisooyinka dalxiiska uu u furan yahay dadka ka socda dhammaan waddamada Dunida, haddii si buuxda loogu Tallaalay Talaallada Covid_19 ee ay aqoonsan tahay WHO..” Warka ayaa intaa ku daray in go’aankani qayb ka yahay qorshaha Dawladda Imaaraadku ku doonayso isku-dheeli-tirka Caafimaad-qabka dadweynaha iyo hirgelinta qorsheyaasha soo kabashada Imaaraadka Carabta “Tani waxay qayb ka tahay Istaraatiijitadda Dalka Imaaraadka Carabta ee ah in la abuuro Dheelli-tirka Caafimaadka dadweynaha iyo taageerrada dedaallada Qaran ee lagu gaadhayo soo kabasho waarta iyo koboc dhaqaale..” ayaa lagu sheegay Warka ay daabacday Wakaaladda WAM. Ugu dambayn, arrinta xiisaha leh ee Warka ku saabsan ayaa ah, in Dawladda Imaaraadku liiska ay soo saartay ay Somaliland ka soo hor-marisay Soomaaliya, taasi oo tilmaan u ah siyaasadda rasmiga ah ee Dawladda Imaaraadka ee ku aaddan Somaliland, taasi oo ah inuu ula dhaqmayo sida Dawlad uu aqoonsan yahay oo kale, inkasta oo aanay ahayn markii koowaad ee uu sidaa yeelo. Qaran News
  5. Bristol Somali Youth Voice (BSYV), which works with disadvantaged young people, organised the day of sport at Lockleaze Sports Centre. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) - Somali has launched an innovative program to identify and protect vulnerable children on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  7. Washington (Caasimada Online) – Warbaahinta Mareykanka ayaa ka falcelisay hadal been ah oo afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ay ku sheegtay in ciidamo Mareykan ah aysan joogin Soomaaliya, xilli ay difaaceysay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan. Psaki ayaa ku dooday in Mareykanka uu awoodi doono inuu howlgallo ka hortag argagixiso ka fuliyo Afghanistan ayada oo aysan joogin ciidamo, waxayna tusaale usoo qaadatay Soomaaliya iyo dalal kale, halkaas oo dhab ahaantii ay ciidamo Mareykan ah joogaan, taas oo lid ku ah sheegadeeda. Hadalkan ayaa yimid kadib markii militariga Mareykanka ay ku dhowaaqeen inay dhameystireen ka bixitaankooda Afghanistan. Psaki ayaa la weydiiyey haddii dadka Mareykanka ee ku sugan dunida daafaheeda ay hadda halis dheeri ah ku jiraan, sababo la xiriira hubka tirada badan ee u gacan galay Taalibaan kadib bixitaanka ciidanka Mareykanka. “Awoodaheena aan ku beegsan karno argagixisada waa ay jiri doonaan. Waxaa jira qeybo ka mid ah dunida kale sida Soomaaliya, Libya iyo Yemen oo ciidamo aysan dhulka naga joogin, welina aan ka hortagno in argagixisada ay kasoo qaadaan weeraro ama ku halis geliyaan muwaadiniinteena,” ayey tiri Jen Psaki. Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa hadalkan oo kale Axaddii ka sheegay barnaamijka Meet the Press ee NBC. “Waxaan dunida, oo Afghanistan ay ku jirto aan ku leenahay awoodo aan ku weerari karno argagixisada dooneysa inay na waxyeeleyso,” ayuu yirri Blinken. “Sida aad la socotaan, meelo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Syria iyo Libya, oo aysan naga joogin ciidamo, waxaan awood u leenahay inaan ka daba-tagno kuwa doonaya inay na waxyeeleeyaan, waxaana Afghanistan ku lahaan doonnaa awood taas la mid ah.” Hadallada Psaki iyo Blinken ayaa ah been, sababtoo ah madaxweyne Joe Biden ayaa warqad uu bishii June u diray Congress-ka ku xaqiijiyey in Mareykanka ay ciidamo ka joogaan Soomalaiya. “Amar uu bixiyey maamulkii iga horreeyey ayaa inta badan ciidamada Mareykanka looga soo qaaday Soomaaliya, balse weli shaqaale ka mid ah militraiga Mareykanka ayaa ku sugan Soomaaliya, si ay u tababaraan, ula taliyaan, una caawiyaan ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM,” ayuu Biden ku yiri warqaddiisa. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada Mareykanka “ee saldhiggoodu yahay meelo ka baxsan Soomaaliya, ay weli wadaan inay ka hortagaan halista ka imaneysa kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.” Sidoo kale bishii April, taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa xaqiijiyey in qiyaastii 100 askari oo Mareykan ah ay joogaan Soomaaliya. The post Arrin been ah oo Aqalka Cad uu ka sheegay Somalia oo fal-celin ka abuurtay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  8. Africans around the world have signed an open letter enjoining the African Union to mediate in the war in Ethiopia. Analysts agree on the need for intervention to end the bloodshed and prevent a major refugee crisis. Source: Hiiraan Online
  9. Rebels in Ethiopia's war-torn Tigray region have been looting aid warehouses, the US aid agency said on Tuesday, calling the alleged thefts a "great concern for humanitarians". Source: Hiiraan Online
  10. When US president Donald Trump imposed the so-called “Muslim ban” in 2017, limiting travel to the US for citizens of several majority-Muslim countries (Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria, and Yemen), it encountered significant opposition. Among the fears was that it would disrupt the lives of Muslims—immigrants as well as citizens—who were already in the US. Source: Hiiraan Online
  11. Wiil kale oo Soomaali ah oo lagu dilay Sweden+ tirada Soomaalida oo gaadhay 30 Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ayaa sii kordhaya, ayada oo ugu dambeeyay wiil habeenimadii ay Isniintu soo galeysay lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Stockholm. Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame oo ah imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho, kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm ayaa idaacada VOA-da u sheegay in wiilkaas oo da’diisu aheyd labaatameeyada dilkiisa loo qabtay dad ku dhow 8 qof. Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in dilalka Soomaalida ee ka dhaca dalka Sweden ay u badan yihiin kuwa dhex-mara dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ayagu u kala qeyb-qeybsan kooxo kooxo, sida uu sheegay. “Habeenkii ay Isniintu soo galeysay ayaa lagu dilay xaafad ay dadka Soomaalidu ku badan yihiin, Ilaahay waxaa uga baryaynaa isaga iyo intii hore ee dhimatayna unaxariisto,” ayuu yiri Sheekh Xuseen Faarax. Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dowladda iyo ciidamada dalkaas wax ka qabtaan dilalkaas, isagoona xusay inay ka wacyi-geliyaan bulshada Soomaaliyeed sidii ay u xoojin lahaayeen midnimadooda. Horey waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii, halka ay dhaawacyo kala duwan isku geysteen ku dhawaad Sagaal dhallinyaro. Si kastaba, waddamada galbeedka waxaa ka jira in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaabo kala duwan ayagu isugu dila ama loogu diley. Qaran News
  12. White House press secretary Jen Psaki falsely claimed the United States does not have any troops in Yemen or Somalia while defending the full U.S. military withdrawal from Afghanistan. Source: Hiiraan Online
  13. Dozens of Somali shop owners, shop assistants and other business persons operating at the ‘Marine Market’ inside the Halane Base Camp in Mogadishu have started receiving COVID-19 vaccines, courtesy of the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) serving under the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM). Source: Hiiraan Online
  14. Ankra (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa wada-hadal qadka taleefoonka ah la yeeshay hogaamiyaha dhabta ah ee Imaaraadka ahna Dhaxal Sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan, sida uu sheegay Xafiiska Erdogan. Wada-hadalladan cusub ayaa muujiyey inuu sii xoogeysanayo isbeddel weyn oo bilihii dhowaa ku yimid xiriirka labada dal. Turkiga iyo Imaaraadka ayaa ku tartamay saamaynta gobolka tan iyo markii kacdoonnadii Carabtu qarxeen toban sano ka hor, waxayna labada dhinac kala taageerayeen dhinacyada kala duwan ee uu ka dhaxeeyey dagaalka sokeeye ee Liibiya . Erdogan ayaa sheegay sanadkii hore in Turkigu uu ka fikirayay inuu xiriirka diblumaasiyadeed u jaro kadib heshiiskii dowladaha Khaliijka ee ahaa inay caadi ka dhigaan xiriirka ay la leeyihiin Israel. “Xiriirka u dhexeeya dalalka iyo arrimaha gobolka ayaa looga hadlay wada-hadallada,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Erdogan oo looga hadlay wicitaankiisa Sheekh Maxamed. Wada-hadalka labada mas’uul ayaa yimid laba toddobaad kadib markii Erdogan uu la kulmay sarkaal sare oo ka tirsan Imaaraadka, wuxuuna sheegay in labada dal ay horumar ka sameeyeen wanaajinta xiriirka taasoo horseedi karta maalgashi weyn oo Imaaraadku ku sameeyo Turkiga. “Qof walba waxay dani ugu jirtaa in la raaco siyaasad ku salaysan heshiis halkii laga samayn lahaa siyaasad ku salaysan khilaaf. Sababtoo ah tan dambe waxay leedahay kharash. Tanna horana waa horumar muhiim ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo Turki ah oo ka hadlay wadahadaladii u dambeeyay. Ankara iyo Abu Dhabi ayaa muddo sanado ah taageerayay kooxaha iska soo horjeeda ee Bariga Dhexe, iyadoo Turkigu uu taageerayay dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta, gaar ahaan Ikhwaanul Muslimiinka oo ka qayb qaatay kacdoonnadii Gugii Carabta. Hoggaamiyeyaasha khaliijka ee hodanka ah waxay ka walwalaan in xasillooni -darrada noocan ahi ay gurigooda gaarto. Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen “rajada laga qabo in la xoojiyo xiriirka labada ummadood si loogu adeego danahooda guud iyo labadooda shacab.” Turkiga ayaa sanadkii la soo dhaafay ku eedeeyay Imaaraadka Carabta in ay qas iyo qalalaase ka wadaan Bariga Dhexe iyada oo loo marayo faragelinta Libya iyo Yemen, halka Imaaraadka iyo dhowr dal oo kale ay dhaleeceeyeen tallaabooyinka milateri ee Turkiga. Dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa sheegay inay qaban doonaan wajiga labaad ee wada hadalka toddobaadka soo socda. Sarkaalka Turkiga ah ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in la filo in muddo gaaban lagu xaliyo dhibaatooyinka muddada dheer jira. Ankara ayaa sidoo kale sannadkaan ku dhaqaaqday tallaabooyin ku wajahan xulafada ugu weyn gobolka ee Imaaraadka, Masar iyo Sacuudi Carabiya si looga gudbo xiisadaha saameeyay dhaqaalaha Turkiga. Xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga oo aad u cakiran ayaa burburay kadib dilkii Dowladda Sacuudiga ay sanadkii 2018 ay wariye Jamal Khashoggi ku dileen qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Xiriirka Masar iyo Turkiga ayaa xumaaday tan iyo markii militariga ay afgembiyeen madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar oo si dimuqraadi ah loo soo doortay, Maxamed Mursi oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiinka. Erdogan oo ka tirsan xisbiga AK Party ee islaamiga ah ayaa si weyn u taageri jiray Mursi. The post ERDOGAN oo wada-hadallo lama filaan ah la yeeshay hoggaamiye ay xifaaltamaan appeared first on Caasimada Online.
  15. Sheekada dooxada ‘isdhiibi weyday’ ee Afghanistan ku taalla Dhowr kun oo dagaalyahanno ah oo ka soo horjeeda Taliban ayaa lagu soo warramayaa in ay ka hortegayaan in ururka la wareegay Afghanistan ay qabsadaan dooxadan fog oo leh irrid cidhiidhi ah – wax ka yar 30 mayl ku dhawaadna u jirta caasimadda Kabul. Ma ahan markii ugu horreysay ee dooxada Panjshir ee aadka u xiisaha badan ay noqoto mid ifafaale u ah taariikhda qallafsan ee Afghanistan – Waxay ahayd meel laga soo horjeedo ciidamadii Soofiyeeti, sannadihii 1980-meeyadii, iyo Taalibaankii 90-meeyadii. Kooxda halkaas ku suggan hadda – Jabhadda Iska-caabbinta Qaran ee Afghaanistaan (NRF) – ayaa dhowaan xusuusiyey adduunka doorkii dooxadan. “Ciidanka Cas, iyagoo xoog leh, way awoodi waayeen in ay naga adkaadaan… iyo Taliban, 25 sano ka hor – waxay isku dayeen inay la wareegaan dooxadan wayna ku guuldaraysteen, waxay la kulmeen guuldarro aad u xun,” ayuu u sheegay BBC, Ali Nazary, Madaxa xidhiidhkaka dibadda, ee NRF. Dooxada ayaa ku fidsan ilaa 75-mayl (120km) – koonfur-galbeed ilaa waqooyi-bari ee dhanka waqooyi caasimadda Afghanistan ee Kabul. Waxaa lagu ilaaliyaa buuraha dhaadheer – oo kor u kacaya 9,800ft (3,000m) oo ka sarraysa dooxada. Waxay yihiin xannibaad dabiici ah oo weyn – dhanka kalena waa hab badbaadineed oo ay miciinsadaan dadka halkaas ku nool. Waxaa jiro hal waddo oo cidhiidhi ah, taas oo sii maraysa inta u dhexeysa dhagaxyo waaweyn iyo Webiga Panjshir. “Waxaa jiro dhinac khuraafaad ah oo ka jira aagga oo dhan. Ma ahan dooxo oo kali ah. Markaad gasho waxaa jira ugu yaraan 21 dooxyo hoose ah oo isku xiran,” ayuu yiri Shakib Sharifi, oo halkaas ku noolaa xilligii uu carruurta ah, laakiin ka tagay Afghanistan, ka dib markii Taliban gacanta ku dhigtay. “Taariikh ahaan, Dooxada Panjshir waxaa lagu yaqaanay macdan-qodis – oo ay ku jiraan dahabka qaaliga ah,” ayay tiri Elisabeth Leake, oo taariikhda caalamiga ah ka dhigta Jaamacadda Leeds ee UK. Maanta, dooxada waxay leedahay biyo-xidheenno koronto ku shaqeeya iyo beeraha dabaysha. Maraykanka wuxuu gacan ka geystay dhismaha waddooyinka ee goobtaas. Xaruntii hore ee cirka ee Mareykanka ee Bagram – oo markii hore ay dhiseen Soofiyeetyadii 1950 meeyadii – sidoo kale waxay masaafo gaaban u jirtaa afka dooxada. Waa dad ‘Geesiyiin ah’ Inta u dhaxaysa 150,000 iyo 200,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku nool yihiin dooxada. Badankoodu waxay ku hadlaan luqadda Daari – oo ka mid ah afafka ugu waaweyn Afgaanistaan – waxayna ka soo jeedaan qowmiyadda Tajik. Qowmiyaddan Tajik waxay ka yihiin qiyaastii rubuc dadka Afgaanistaan oo ah 38 milyan oo qof – laakiin dadka Panjshir ma eegaan dhinaca Tajikistan, oo ka mid ah dariska waqooyiga Afghanistan. Taas beddelkeeda waxay leeyihiin aqoonsi deegaan oo u gaar ah. Sharifi – oo illaa dhowaan ahaa agaasimaha guud ee qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha ee Afghanistan – wuxuu shacabka Panjshir ku tilmaamaa geesiyiin. “Laga yaabee qofka u dhashay inuu yahay kan ugu geesisan Afghanistan”. Wuxuu sheegay in dadka maxalliga ah aysan la heshiin karin Talibaan – oo ay leeyihiin “unug dagaal – laakiin si wanaagsan u tababaran”. Guulihii taariikhiga ahaa ee ka dhanka ahaa Ingiriiska, Soofiyeedka iyo Taliban, ayaa si fudud “u sii dhiirrigeliyay dadkaas”. Markii laga adkaaday Taalibaan, sannadkii 2001-dii, dooxada waxaa loo dallacsiiyay degmo ilaa gobol. Waa mid ka mid ah kuwa ugu yar Afghanistan. Xerta ka soo horjeedda Taliban, August 2021 Sharifi ayaa sheegay in muhiimadda Panjshir ay ku xiran tahay arrimo badan oo isbiirsaday. “Ma ahan oo kaliya daraasiin goobaha dagaal ee fog oo dooxada ah. Ma ahan kaliya juqraafiga buuraleyda, mana ahan kaliya sababta qaabka baaxadda leh ee dadka Panjshir ay leeyihiin. Balse waa arrimo kale oo jira” Is -maandhaafkan u dambeeyay, dooxada ayaa la rumeysan yahay in ay sidoo kale hoy u tahay hub fara badan. Halgamayaasha fadhigoodu yahay dooxada ayaa loogu talagalay in la kala diro 20-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna wareejiyeen hubkooda. “Laakiin wali waxaa jiro kaydad halkaas yaal,” ayuu yiri Dr Giustozzi. “Saraakiisha Afghanistan ​​ee xiriirka la leh Panjshir ayaa sidoo kale halkaas u raray hub badan, iyagoo ka walwalsan in Karzai iyo Ghani, laakiin aakhirkii waxay noqotay in Taliban ay ka walwalaan.” Ninka ah hoggaaminaya xoogagga la-dagaallanka Taalibaan ee dooxada waa Ahmad Macuud oo 32 sano jir ah – waa wiil uu dhalay hoggaamiyaha iska-caabbinta iyo u dagaallankii xurmada ee soo bilowday 1980-meeyadii iyo 90-meeyadii, Axmad Shah Mascuud. Axmad Mascuud oo ku sugan dooxada, 2019 Mascuud wuxuu sheegay in dagaalyahannadiisu ay taageero militari ka haystaan ​​xubno ka tirsan ciidanka Afghanistan iyo ciidamada gaarka ah. “Waxaan haynaa bakhaarro rasaas iyo hub ah oo aan si dulqaad leh u ururinnay tan iyo xilligii aabbahay, sababtoo ah waxaan ogayn in ay maalintani imaan kartay,” ayuu ku qoray maqaal uu dhowaan ku qoray Washington Post. Aabihii oo lagu naanaysi jiray “Libaaxii Panjshir”, wuxuu ahaa taliye mujaahid oo fashiliyay ciidamadii Soofiyeedka iyo Taalibaan, labadaba. Panjshir lafteedu macnaheedu waa “shan libaax”. Wiilkan uu dhalay janaraalkii ka tirsan ciidamada Afghanistan, Axmad Shah Mascuud, wuxuu ku dhashay dooxa. Sawirkiisa ayaa wali laga heli karaa meelo badan oo ku yaal Gobolka Panjshir iyo Kabul – laga bilaabo taallooyin ilaa boodhadh iyo daaqadaha dukaammada. Isaga dartiis, dooxada Panjshir waxay noqotay xarun ka soo horjeedda shuuciyadda, ka dib markii Xisbiga Dimuqraadiga Dadka ee Afgaanistaan ​​(PDPA) uu ku guuleystay awoodda hoggaanka 1978 – iyo Midowgii Soofiyeeti ayaa si xoog ah uga dhaqaaqay sannad ka dib. Waddanihga Axmad Shah Mascuud ee Panjshir Valley, 2009 AXmad Mascuud wuxuu ahaa 12 sano jir markii aabbihii dhintay. Wuxuu wax ku bartay London, wuxuuna tababar ku qaatay muddo sannad ah Akademiyada Ciidanka ee Royal ee Sandhurst. “Wuxuu leeyahay soo jiidashada aabbihiis, laakiin lama tijaabin ka hoggaamiye ciidan ahan,” ayuu yiri Dr Giustozzi. “Wuxuu sidoo kale u baahan yahay xirfado uu ku gorgortamo si uu u gaaro heshiis kasta oo awoo -qaybsi oo suurtogal ah oo heer qaran ah. Sababtoo ah waa qof cusub oo wax badan ma lumin doono – si ka duwan qaar ka mid ah tirooyinka dawladda ee waawayn – wuxuu noqon karaa mid aad u dalbada wax badan marka laga hadlayo doonistiisa.” Waxa xiga ee dooxada ka dhici doona way adag tahay in la qiyaaso, ayuu tidhi Prof Leake. “Sida iska cad wuxuu aad uga warqabaa dhaxalkiisa gaarka ah iyo muhiimadda taariikhiga ah ee aabbihiis – waxaan arki karnaa isagoo sii wata dhaxalkan ka-qaybgalka caalamiga ah.” “Laakiin markan, sheekadu way ka duwan tahay. Taalibaanku waxay qabsadeen magaalooyin iyo magaalooyin waaweyn oo u dhow – silsiladihii sahayda ayaa la carqaladeeyay. Taasi waxay beddeshaa dheelitirka,” ayey sheegtay. Axmad Mascuud oo ku sugan xabaashii aabbihii, July 2021 Mascuud laftiisu wuxuu codsaday in la taageero. “Haddii dagaal-oogayaasha Taliban ay soo qaadaan weerar, dabcan waxay nagala kulmi doonaan iska caabin adag waxaanan rabnaa saaxiibadeenna reer galbeedku in ay na taageeraan”, ayuu yiri. Qaran News
  16. Muxuu La-taliyihii Osama Bin Laden ka doonay Afghanistan? Dhaqtar Amin Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya soo laabashada mid ka mid ah dadkii aadka ugu dhowaa Osama Bin Laden, hoggaamiyihii Al-Qaacida ee ciidamada Mareykanka ay Pakistan ku dileen sanadkii 2011. Waxaa la sheegay in qofka ka muuqda fiidiyow la baahiyay, oo aysan weli kooxaha ammaanka xaqiijin, uu yahay kaaliyihii ammaanka ee Osama Bin Laden, Dhaqtar Amin al-Xaq. Dr. Amin-ul-Haq, a major al-Qaeda player in Afghanistan, Osama Bin Laden security in charge in Tora Bora, returns to his native Nangarhar province after it fell to the Taliban. Dr. Amin became close to OBL in the 80s when he worked with Abdullah Azzam in Maktaba Akhidmat. pic.twitter.com/IXbZeJ0nZE — BILAL SARWARY (@bsarwary) August 30, 2021 Muuqaalka oo muujinaya Al-Xaq oo shirka hore ee gaariga rakaabka fadhiya, ayaa la sheegay in Isniintii lagu duubay Nangarhar. Waxaa sidoo kale la arkayay in Al-HXq uusan salaanta ka qaadin dadkii salaamayay. Weriyaha Afghanistan u dhashay Bilal Sarwary, oo muuqaalkan soo wadaagay, ayaa sheegay in Amin Al-Xaq uu aad ugu dhowaa Bin Laden. Amin al-Xaq, oo ku jirya hoggaanka Al-Qaacida, ayaa ka qaxay Tora Bora, 20 sano kahor, kaddib markii isbahaysigii uu Mareykanka horkacayay ay qabsadeen Afghanistan, taas oo dabasocotay weerarradii September 11 ee 2001. Tora Bora, oo ah halkii uu Bin Laden isku qarinayay waagaas, ayaa la qarxiyay ka dib qabsashadii Mareykanka iyo Xulafadiisa ee Afghanistan. Kabul oo Mareykanka uu qabsaday bishii December 2001, Al-Qaacida ayaa isku ururisay Tora Bora iyo gobolka Waziristan ee Pakistan. Xiriirka Taliban iyo Al-Qaacida ee lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobay Intii ay socdeen wada hadalladii Taliban iyo Mareykanka ee ka dhacay Dooxa, caasimadda Qatar, sanadkii hore, kuwaas oo Mareykanku uu ku oggolaaday in ay gebi ahaanba isaga baxaan Afghanistan, waxaa Taliban loo sheegay in sida keliya ee ay ku aqoonsan karto beesha caalamka ay tahay inay gebi ahaanba ka go’aan Al-Qaacida. Warbixin ay dhowaan soo saareen Qaramada Midoobeey ayaa lagu sheegay in xiriir qabiil iyo mid guur oo dhow uu ka dhaxeeyo Taliban iyo Al-Qaacida. Sida laga soo xigtay nin ka tirsan Ururka Asia Pacific oo Aqoonyahanno ah, Dr. Sajjan Gohel, wuxuu BBC-da u sheegay in lagu qiyaaso in inta u dhaxeysa 200-500 oo xubno Al-Qaacida ka tirsan ay ku sugan yihiin gobolka Kunar ee Afghanistan. Gohel ayaa sheegay in tiradan la filayo in ay kororto maadaama ay Talibaan qabsadeen dalka Afghanistan. Osama Bin Laden, aasaasihii Al-Qaacida, ayay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ku dileen magaalada Abbotabad, Pakistan, sannadkii 2011. Qaran News
  17. Wasiir & Sheekh isaga jawaabay Qadiyada Weriye Coldoon Munaasabad lagu qabtay Hargeysa Waxaa soo kordhaya dhawaaqyada codadka kala duwan ku darsanaya xadhigga Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhowaan lagu xidhay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Cabdimaalik, ayaa la xidhay laba toddobaad ka hor mana ahan markii u horraysay ee xabsiga la dhigo. Dadka dhaliila ayaa ku eedeeya in uu badanaa soo bandhigo “dhaliilo iyo eedaymo aan caddayn ku filan lahayn”, badanaana uu ka hadlo “wax aan khusayn.” Halka kuwo kale ee taageeraana ay u arkaan “shakhsi xaq u dirir ah oo difaacaya diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan”. Coldoon ayaa dhowaan barihiisa bulshada ku baahiya dad uu sheegay “in ay dhaqan xumo ku faafinayaan gudaha Somaliland”. Shiikh Cabdirisaaq Cabdillaahi oo ku magacdheer ‘Jenaraal Jiir’, ayaa ka mid ah dadka ka hadlay kiiska xadhiga Coldoon. Sheekh Jenaraal Jiir, oo ka safray Kenya, wuxuu ka mid yahayculimada maalmihii u danbeeyeyna booqashada ku joogay Somaliland, wuxuuna ka mid yahay Culimo ka kala timid meelo kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo kulan diineed weyn kaga qayb gelayey magaalada Hargeysa. Shiikh Cabdirisaq Jiir ayaa ka codsaday madaxweyne Muuse Biixi in la cafiyo Cabdimaalik. “Waxaan ka codsanayanaa madaxweynaha Ilaahay dartii, in uu sii daayo ninkaa Ina Coldoon ah, diin buu qabsadaye,” Ayuu madal ka yidhi Shiikha. Sheekh Cabdirisaaq ayaa hore uga mid ahaa culimo dhowr ah oo madaxtooyada Somaliland kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Sheekha ayaa soo hadal qaara sababta dhowr goor culimada loogu eedeeyay in aysan ka hadlin arrinta Coldoon. “Waa nala dhibay annagoo khayrkaa wadnay. Waxaa nagula maagay social media-ha. Waxaana nala leeyahay ‘maxay uga hadli waayeen ninkii Coldoon?’,” ayuu yiri Sheekha. Sheekh Jiir oo sii watay jawaabta uu ka bixiyay eedaha loo jeediyay wuxuu yiri: “Annagu ma lihin waa sax iyo waxaa, mana aannaan jeclaysanin sidaa uu isu soo qotomiyey, dadkiina waxay meel kasta ku soo qoreen ‘waa la kulanteen [Muuse Biixi] lacag iyo boorso ayuu idiin dhiibay’.” Wuxuu intaa ku daray: “Ilaahay dartii baa na loogu yeedhay, annana ilaahay dartii baannu u qaabilnay.” “Annaga oo ku hadlayna afkii culimada, in aad ina coldoon iyo wixii diinta loo xidhay, noo sii daysid ayaanu kaa codsanaynaa. Waa nala maagaye, oo maxaad uga hadli weydeen ayaa nalagu qabsadaye,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Shiikh Cabdirisaaq Jiir. Isla madashaas waxaa joogay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, oo isna dhankiisa ka jawaabay codsiga sheekh Cabdirisaaq jiir, wuxuuna sheegay in diinta ilaalinteeda uu madaxweynuhu u dhaartay, kiiskaasina uu maxkamad ku jiro. “Madaxweynaha wuu balan qaaday in uu diinta Ilaahay ilaalinayo, laakiin qofka hadii uu qaldamo yaan la xidhin dee meelna kuma taalo”, ayuu yiri. “Xadhiga caqli celinta ayuu ka mid yahay. Imika maxkamad baabu taagan yahay oo kiiskiisa wuxuu yaallaa maxkamadda, cadaalad baanu ka rajeynaynaa Insha Allah. Laakiin ma nalagu bahalo galinanayo wadaad baad xidheen,” ayuu yidhi Wasiir Khaliil. Dhanka kale Wasiir Khaliil ayaa sheegay in aan diinta loogu soo gabbanin. “Haddi aynu nahay culimo iyo dawlad, illeen dad walaalo ah aynu nahaye, in wixii xun dalkeenna aynu ka qabanno iskuma khilaafsanin, laakiin wixii ujeeddo kale leh ee siyaasad leh, waxaannu leennahay la is khiyaamayn maayo.” “Diinta cid walba annagaa uga lexjeclo badan, waxaanu idiin hubnaa in aannaan ogolayn oo dastuurkeennuna uu mamnuucay in wax diinta Islaam ahayn aan lagu faafin, waana danbi.” “(Anigoo ka jawaabaya) kelmaddii uu yidhi Shiikh cabdirisaaq, madaxweynuhu wuu ballanqaaday in la ilaaliyo diinta, laakiin yaan la xidhin qofka khaldama diinta meelna kagama taallo,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Wasiir Khaliil. Coldoon ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago, muddooyinka soo aaddan sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha ee magaalada Hargeysa. Qaran News
  18. Stockholm (Caasimada Online) – Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ayaa sii kordhaya, ayada oo ugu dambeeyay wiil habeenimadii ay Isniintu soo galeysay lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Stockholm. Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame oo ah imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho, kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm ayaa idaacada VOA-da u sheegay in wiilkaas oo da’diisu aheyd labaatameeyada dilkiisa loo qabtay dad ku dhow 8 qof. Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in dilalka Soomaalida ee ka dhaca dalka Sweden ay u badan yihiin kuwa dhex-mara dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ayagu u kala qeyb-qeybsan kooxo kooxo, sida uu sheegay. “Habeenkii ay Isniintu soo galeysay ayaa lagu dilay xaafad ay dadka Soomaalidu ku badan yihiin, Ilaahay waxaa uga baryaynaa isaga iyo intii hore ee dhimatayna unaxariisto,” ayuu yiri Sheekh Xuseen Faarax. Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dowladda iyo ciidamada dalkaas wax ka qabtaan dilalkaas, isagoona xusay inay ka wacyi-geliyaan bulshada Soomaaliyeed sidii ay u xoojin lahaayeen midnimadooda. Horey waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii, halka ay dhaawacyo kala duwan isku geysteen ku dhawaad Sagaal dhallinyaro. Si kastaba, waddamada galbeedka waxaa ka jira in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaabo kala duwan ayagu isugu dila ama loogu diley. The post Wiil kale oo Soomaali ah oo lagu dilay Sweden iyo tirada Soomaalida oo gaartay 30 appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siisay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadashay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato. Kate Foster oo wareysigaan lagu weydiiyey heerka cabsida laga qabo in ay ururka Al-Shabaab saameyn ku yeeshaan doorashooyinka ka socda Soomaaliya ayaa muujisay walaac weyn oo la qabo, iyadoo sheegtay in wax kasta ay macne u yeeli doonaan hanaanka ergooyinku wax u soo dooranayaan. “Waa walaac jira waxaanse isleeyahay waxa muhiimka ah waa geeddi socodka ergada wax dooraneysa oo sida wax loo dhigo ay macne u sameyneyn doonto, waxaan rajeynayaa inay dhici doonaan wadahadallo ay horkacayaan dadka Soomaaliyeed, si loo helo nidaam ay dadku ku codeeyaan, waana nidaam aan hadda ku jirin geedi socodka doorashooyinkaan socda,” ayey tiri. Waxay sheegtay in tan iyo markii la gaaray heshiisyadii doorashada 17 September sanadkii hore iyo midkii 27-kii May ee sanadkaan, ay dowladda UK oo taageero ka heleysa deeqbixiyayaal caalami ah ay Soomaaliya ku taageertay lacag gaareysa $7.2 Milyan. “UK kaalin kuma laha sida doorashada u dhaceyso waana arrin ay u madax bannaan yihiin dadka Soomaaliyeed, Waxaan isleeyahay annaga waxyaabana aan daneyno waa ilaalinta horumarka Soomaaliya ay sameysay 10-kii sano ee ugu dambeeyey, gaar ahaan guusha laga gaaray deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray sidii loo heli lahaa dhaqaale ka yimaada caalamka, si gaar ah caafimaadka iyo waxbarashada, Soomaaliyana waxay ku taagan tahay waddadii ay u xaqiijin lahayd deyn cafintaas,” ayey tiri. Sidoo kale waxay sheegay in UK ay horay u garab taagneyd doorasho qof iyo cod ah, balse tan dabdan ee hadda la qaatay ay xiiso badan tahay doorashada heer degmo ee ka socota Puntland, taas oo hal qof iyo hal cod ah. “Reer Puntland waxay dareemeen inay si toos ah u dooran karaan musharaxa ay doorbidayaan, marka waxaan isleeyahay arrintaan waa wadahadal aad loogu baahan yahay in la yeesho, kadib markii ay dhammaato doorashadaan,” ayey tiri safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster. Mar Safiirka wax laga weydiiyay waxa ay kala socoto eedeymo la xiriira wax isdaba marin ka dhacay doorashooyinka Aqalka Sare ee deegaanada maamul goboleedyada ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan hanaanka ay ku billaabatay doorashada Aqalka Sare. “Waxaa billaabanaysa doorashada Aqalka Hoose, waana in geeddi-socodkaas uu u dhacaa si wanaagsan oo ergada loo soo xulaa qaab cad oo caddaalad ah, waxaana jira inta dootashadu socoto kormeereyaal indhaha ku haya waxa soconaya, waxaana ogahay in ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay ka wadahadlayaan geeddi-socodka doorasho ee dalka, sababta deeqbixiyaashu ay qarashka ugu bixinayaan doorashooyinka waa in la xaqiijiyo sidii loogu heli lahaa amni la isku halleyn karo goobaha doorashooyinku ka dhacayaan, lagana hortago cabsi dib u dhigi karta,” ayey tiri Kate Foster. Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhisa dalka Soomaaliya sidoo kale waxay sheegtay in haddii ay Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM ay jiri karto cabsi laga qabo wixii ka dhacay Afghanistan. “Waxaan isleeyahay xaaladda ka jirta Afghanistaan waa mid ay hadal hayeen usbuucaan dadka Soomaaliyeed waxaana jira casharro ay tahay in laga barto iyo meelo ay xaaladdaas uga egtahay midda ka jirta Soomaaliya, waxaan u xaqiijinayaa dadka inuusan jirin qorshe dhow oo ay AMISOM ku baxayso, laakiin waxa uga deggan arrintaan Golaha Ammaanka ee QM waa in si nidaamsan oo horumarsan hoggaanka amniga looga wareejiyo AMISOM, loona wareejiyo dowladda Soomaaliyeed,”ayey tiri. Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay wadahadallo ka leeyihiin meel marita qorshaaha ay AMISOM ku wareejineyso ammaanka Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn ku aruuri doonta la-talinta iyo tababarridda ciidamada ammaanka Soomaaliyeed. The post Dowladda UK oo shaaca ka qaaday walaac ku saabsan Al-Shabaab iyo doorashada appeared first on Caasimada Online.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay habka loo xulayo Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Somaliland ay soo xulayaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Waxaa uu xusay Ra’iisul Wasaaraha in uu isaga ka hubinayo Liiska Musharaxiinta ay soo saaran Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, isla markaana Carabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay la shaqeynta labada Mas’uul oo ay u siman yihiin. Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ka dalbaday inay ka shaqeyaan, horumarinta iyo Is-aaminaada, ayna doorashada labada Aqal ee Somaliland ku dhacdo si cadaalad ah. PUNTLAND POST The post Rooble oo codsi u jeediyay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi appeared first on Puntland Post.
  21. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani. Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya , si la mid ah waxa ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa u soo jeediyay hindiso Dowladda Qatar oo xilligan shir-guddoon ka ah kaltanka caadiga ah ee 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir in ay soo hordhigto feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada si looga hadlo horumarka siyaasadeed iyo amni. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo dalab hordhigtay dowladda Qatar appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ka qeybgalay kulan fogaan arag ah ee AU PSC, oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxii ka dambeeya Sanadka 2021-ka. Kulanka waxa lagu bogaadiyay bayaankii wadajir ahaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ku saleysana 19-kii bishii Agoosto 2021 Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa soo jeediyey in laga gudbo warbixintii qiimeynta madaxa bannaan ee AU-da ee dhawaan ay DFS diiday. Waxa uu adkeeyey in goluhu ay ahmiyadda siiyaan rabitanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda marka ay go’aaminayaan arrimaha ku saabsan amniga iyo nabad galyadda dalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay kulan ku saabsan mustaqbalka Hawlgalka AMISOM appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweyne Muusow annaguna fartayadii eednay, adiguna afkaagii eeday ee calool adayg yeelo inaadeer. Waxay ila xog ogaal ahi innoo soo tebiyeen inuu Madaxweyne Muuse uu odayaashii xaafada, gaar ahaan kuwii Saaxil kasoo jeedey uu la kulmay todobaadkii inna soo dhaafay, dhowr habeen shirkaas kadibna, waxuu la kulmay odayaasha xaafada loogu yeedho bariga Burco. Madaxweynuhu waxuu ku tawaawacay inuu khalad sameeyey oo uu il-duufay, laakiin uu iminka diyaar u yahay inuu xafadaas beriga Burco uu ku wareejinayo xisbigii Kulmiye, iyaguna ay codkooda mar labaad ugu deeqaan. Allah inaadeerkay xariifsanaa, waxaan madaxweynaha kula talin lahaa ama xasuusin lahaa in laga soo gudbey waqtigii lagu shaqaysan jirey reer hebel baa Somaliya iyo Muqdisho innagu wada ama calankii buluuga ahaa baa Boorame iyo Laascaanood lala soo baxay ee aynu iska gaashaan buureysano (Jeegaan) cadowyadaas, sidoo kale mujaahidiin baanu nahay oo dalka hogaamintiisa annagoo keliya baa xaq u leh (Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali miyaan lagu duudsiyin oo kulmiye loogaga caydhin waa Daahir Rayaale inaadeerkii) ummada reer Somaliland way ka ilbaxday, sababtoo ah waxuu Ilaahay u kala danbeysiiyey labo mujaahid oo xukuumadahoodii la sixi kari waayey. Waxa soo if baxay oo la arkay dad soo xoogsi tegey, oo nidaam dawladnimo oo hufan aad uga fog, oo siyaasadana ka yaqaana uun sida dadka qabiil qabiil iyo Jees jees loogu kala qaybiyo, isla markaana xukuumadnimo iyo dawladnimoba la kufaa dhacaya. Xaqiiqdu waxay tahay, inta ay ardaydii macalinkii Afweyne xukuumadiisa ka soo aflaxdey ay hogaanka dalka hayaan, Jamhuuriyadaas barakaysan ee Somaliland waxay la mid noqotay sheekadii ay dacawadu tidhi, “wallee reer aan ogahay mana guuro mana nagaado”. Hadaba Madaxweyne Muusow, naftu markay kalxanyaha soo gaadho ee ay sii baxayso, tawbadaba lagama aqbalo, ee Madaxweyne kala quusanee aynu kala qoomamo la’aano. Abwaankii weynaa, Filoosoofarkii, Mujaahidkii, Janaraalkii Faarax Nuur Wacays waxuu yidhi: Qosol been ah, fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo, Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo, Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad, Qullaab iyo kullaab iyo laacib, laysu qarinaayo, Qiyaamada kobtaa daahira, aan qun uga soo jeedo, Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doona. Rahimulaah. W/Q Cali Kubad Source
  24. PRESS RELEASE Wari partners with TBLDC to ease visa processes for the United Arab Emirates The platform will enable clients in Africa to conveniently manage the visa application process and pay in their local currency Access Multimedia Content DAKAR, Senegal, August 31, 2021/ — Wari (www.Wari.com/), a global platform offering digital financial services, has announced a partnership with TBLDC to provide a more effective visa process for African travellers intending to visit the United Arab Emirates (UAE). TBLDC clients in Africa will benefit from Wari’s highly secure network to access low-cost visa process payment online via WhatsApp Messenger and the myWari mobile app. “We are excited about this partnership and are proud that TBLDC has chosen Wari as its payment platform of choice for the UAE visa process. This partnership will provide TBLDC clients in Africa with a hassle-free visa process by providing low-cost, secure payments via Visa or MasterCard completely remotely. By joining forces with TBLDC, Wari has contributed to simplifying UAE visa processes, providing a stress-free visa completion process for TBLDC. Clients can follow quick steps using the myWari either on a mobile phone or PC to complete their transactions. Further, clients will be rewarded for referring contacts through the Wari Ambassador program. It’s truly a win-win for everyone!” says Wari, Head of Marketing and Communications, Pape Diene. Vice President of TBLDC, William Opili, says: “TBLDC is harnessing the power of financial technology to ease people’s travel from Africa to UAE. Currently, the process required for African travellers to secure a UAE visa is complicated and tedious. We will simplify this process by partnering with Wari, enabling clients to start and complete the entire visa acquisition procedure online without ever physically visiting an embassy. We want to harness the over 62% internet connectivity in Africa to ease a traditionally tiresome process. It’s a simple solution to a huge problem.” The partnership between Wari and TBLDC was birthed from the two companies shared determination to move Africa forward. The platform will enable clients in Africa to conveniently manage the visa application process and pay in their local currency. With over 18 million unique business and tourist visitors every year, the UAE is the second most frequented country in the Middle East. While the UAE is the first destination this platform is being piloted, TBDLC has plans to expand to other territories. Wari and TBLDC’s partnership will relieve millions of travellers from Africa from the stressful visa processes, providing an efficient and secure platform for payments and visa finali SOURCE Wari Group Qaran News