-
Content Count
212,896 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Janaraalka ugu sarreeya Ciidamada Mareykanka ayaa kooxda Taalibaan ku tilmaamay inay yihiin “koox arxan daran” isagoo sheegay in aysan kala caddeyn inay is beddeli doonaan iyo in kale. Janaraal Mark Milley, ayaa sheegay in ay suurta-gal tahay in Mareykanka uu mintidiinta Taalibaan kala kaashado hawlgallada mustaqbalka ee lagula dagaallamayo argagixisada. Ciidamada Mareykanka ayaa Talaadadii ka baxay Afghanistan, iyagoo soo afjaray dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka ku qaatay 20 sano, kadib markii ay bilaabeen duulaan ay ku doonayeen inay dalkaasi kaga saaraan Taalibaan. kooxda ayaa hadda gacanta ku haysa guud ahaan dalka, waxaana la filayaa inay ku dhawaaqaan dowlad cusub. Howlgalkii ka samata bixinta dadka ee Mareykanku uu ka waday Kabul ayaa soo idlaaday 31-kii Agoosto, waxaana maamulka garoonka diyaaradaha caasimadda Afghanistan ee Kabul gacanta loo geliyey kooxda dalka qabsatay ee Taliban. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Arxan-laawayaal ku tilmaamay Taalibaan appeared first on Puntland Post.
-
To listen and order on iTunes, Spotify, Amazon and more, go to: http://aarmaanta.com. For album reviews, interviews, and questions, please contact: info@aarmaanta.com. Today Somali-British musician Aar Maanta releases Children Have Priority (Ubadkaa Mudnaanta Leh), the first bilingual English & Somali children’s album in world music. Aar Maanta created the pioneering 14-track album together with Somali-American youth in Minneapolis, Minnesota. Source: Hiiraan Online
-
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka amar qaadanaya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa shalay qarxiyey dagaal siyaasadeed nooc cusub ah oo lagu gelayo magaca ‘Soo celinta Hantida Guud’, kadib markii ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo maamulka isbitaallada waaweyn ee Jazeera iyo Yardimeli ee magaalada Muqdisho. Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inay arrintan ka dambeysay kulan lagu kala tegay oo dhowaan dhex maray Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, kana dhacay Madaxtooyada Somaliya, waxaa madaxda ka qeyb galay ka mid ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal, waxaana Farmaajo uu ka dalbaday Rooble inuu dhiso Doorashada dadban, kuna taageero in mar kale dib loo doorto, laakiin waxaa arrintaas ka hor yimid Rooble oo si cad ugu sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay Doorashada. Xiriirka Farmaajo iyo Rooble oo halkii ugu xumaa gaaray, kadib socdaalkii Ra’iisal wasaaraha ku tegay dalka Kenya, ayaa mar kale xumaaday oo tegay heerkii ugu hooseeyay toddobaakan, waxaana arrintan ay keentay in kooxda Farmaajo ay weeraro qarsoon oo siyaasadeed ku beegsadaan Rooble iyo siyaasiyiinta saaxiibada la ah. Weerarkii koowaad wuxuu ku dhacay gacan-yaraha iyo saxiibka ugu weyn Rooble oo ah wasiirkisa Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Carab, kaasoo ah xildhibaan ganacsade saami badan ku leh Isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli ee Muqdisho, isagoo kusoo galay Hay’adii uu madaxda ka ahaa ee Manhal. Labadan Isbitaal waxay ka siman yihiin in lagu dhisay dhul hanti Guud oo Qaran ah iyo inau dhismahooda koowaad lagu dhisay deeq umadda Soomaaliyeed loogu taloglay, laakiin waxaa ka faa’iideystay xubno uu ka mid yahay wasiirka Waxbarashada xilligan iyo Ganacsato oo maalgelin ku sameeyay, kadibna u bedelay Isbitaallo adeegyo badan bixiya oo ganacsi ah. Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ayaa bishii Febraayo 2020 shaacisay in Isbitaalka ku shaqeeyo si sharci darro ah oo dano gaara, looga faa’iideysto, isla markaana ay hay’adda maamusha Isbitaalka Yardimeli si sharci darro ah uga faa’iideysato deeq Soomaalida loogu talogalay. (Halkan ka akhriso) Khilaafka Wasaaradda iyo Maamulka Isbitaalka Yardimeli, wuxuu qaboobay markii uu dhex galay Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre, waxaana isbitaalka shirko ku ah saddex dhinac oo wasiir Carab ka mid yahay. Isbitaalka Jazeera ayuu sidoo kale wasiirku dhinac ka yahay, waxaana xarunta laga dhisay oo ahayd Xaruntii Ubaxa kacaanka ee UKO, bixisay dowladii hore, iyadoo laga dhisay Isbitaal ay maalgelisay dowladda Baxreyn oo indhaha loogu talogalay, iyadoo la wareegay Wasiirka iyo ganacsato degaanka ah oo ku heyb ah Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre, iyadoo maalgelin weyn lagu sameeyay, loona bedelay isbitaal guud. Dowladii Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxba kama qaban sidii labadan isbitaal loo waafajin lahaa sharciga, looguna koontarooli ahaa qeybta hantida guud ah ee ku jirta iyo maalgelinta ganacsiga, marka laga reebo qoraalka Wasaaradda Caafimaadka oo ah hay’adda ay ahayd inay qeyb ka noqoto maamulka labadan Isbitaal oo mar kasta ay horjoogeen dano siyaasadeed. Xilligan kala guurka ah ee Doorashada inay Isbitaalladan ka mid noqdaan dagaal siyaasadeed hoose oo u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble waxay kaliya dhalin doontaa weji cusub oo qalallaase ah iyo inaysan ujeedadu ahayn soo celin hanti guud. Xigasho: Goobjooge.net The post Muxuu ka dhashay dagaal siyaasadeedka ‘hantida guud’ ee Farmaajo iyo Rooble? appeared first on Caasimada Online.
-
The General Secretariat of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) hosted on 01 September 2021, at OIC headquarters, a delegation from the Integrated Office of the United Nations in Somalia headed by H.E. Mr. Adam Abdelmoula, Deputy Special Representative of the UN Secretary General, Resident Coordinator and Humanitarian Coordinator in the United Nations Assistance Mission in Somalia, to discuss the ways and means to strengthen support for Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta sheegay in ololihii 20-ka sano socday ee Mareykanka ee Afghanistan uu ku dhammaaday “kaliya musiibo iyo khasaarooyin.” Hoggaamiyaha Ruushka ayaa wuxuu taariikh u leeyahay inuu dalalka Reer Galbeedka ku cambaareeyo inay isku dayaan inay qiyamkooda ku qasbaan dalalka aan galbeedka aheyn. Moscow ayaa sidoo kale si joogta ah u cambaareysay siyaasadda Mareykanka ee dalka Afghanistan, oo hadda ay maamulaan kooxda Taalibaan oo la wareegtay laba toddobaad kahor ka bixitaanka Mareykanka ee 31-kii August. Putin ayaa maanta sheegay in ciidamada Mareykanka ay isku dayeen “inay xeerarkooda ku qoraan” Afghanistan muddo 20 sano ah, taasi oo uu ku macneeyey mid aan waxtar laheyn. “Natiijada waxay noqotay kaliya musiibooyin, kaliya khasaarooyin gaaray kuwii sameeyey, ee Mareykanka, iyo kasii daranee shacabka ku nool dhulka Afghanistan.” “Macquul maaha in la isku qasbo waxa banaanka laga keenay,” ayuu yiri Putin. Putin ayaa ka hadlayey kulan uu la yeeshay dhallinyaro ku sugan magaalada ku taalla Bariga Ruushka ee Vladivostok, oo uu kaga qeyb-galay munaasabadda furitaanka sanad dugsiyeedka cusub. Toddobaadkii tegay Putin ayaa sheegay in Russia aysan faro-gelin doonin Afghanistan, oo ay Moscow cashar ka baratay qabsashadii Midowga Soviet ee dalkaas. AFP + VOA The post Muxuu madaxweyne Putin ku macneeyey 20-kii sano ee Mareykanka ee Afghanistan? appeared first on Caasimada Online.
-
Diyaaradii ugu horeysay ee ka degtay Garoonka Diyaaradaha Kaabul intii Taalibaan la wareegtay+Waxay siday & Dalka leh Diyaarad laga leeyahay Qatar ayaa Arbacadii Maanta ah ka degtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kabul iyadoo sidday koox farsamo oo Taalibaan kala xaajoon doona dib u bilaabista howlaha gegida diyaaradaha kadib qabsashadii Taalibaan ee Afgaanistaan, sida laga soo xigtay il xog ogaal u ah arrintaan. “Diyaarad Qadar ah oo sidday koox farsamo ayaa goor hore oo maanta ah ka degtay Kabul si ay ugala hadasho Taalibaan dib-u-bilaabista shaqadii garoonka,” ilo-wareedka ayaa sidaas u sheegay AFP. Weli ma jiro heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan bixinta kaalmo farsamo oo dhanka garoonka Kabul ah, waxayna kooxdaan ka socota Qatar dooneysaa inay kooxda Taalibaan ku qanciso in dhinaca farsamada laga caawiyo. Waxaa weli socda wada-hadal u dhaxeeya kooxda farsamada ee ka socoto Qatar iyo kooxda Taalibaan, waxaana laga wada-hadlayaa cidda maamuleysa garoonka Amni ahaan iyo shaqo ahaan labadaba. Illo wareedyada la hadlay AFP ayaa sheegay in hadafka ugu weyn uu yahay in dib loo bilaabo duulimaadyadii gargaarka bini’aadanimo iyo in la helo xorriyad lagu dhaq-dhaqaaqi karo, gaar ahaan dib u bilaabidda dadaallada daad-gureynta. In ka badan 123,000 oo ajaanib iyo Afgaanistaan ah ayaa dalka ka qaxay kadib markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay talada dalkaas, waxaana weli jira dad kale oo doonaya inay dalkaas isaga baxaan oo aan weli helin fursad. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu ku jiro xaalad xun, iyada oo inta badan kaabayaashii aasaasiga ahaa ay xumaadeen ama burbureen. Dagaalyahannada Taalibaan ayaa ku dabaaldegay rasaas maalintii Talaadada aheyd kadib markii ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay ka tageen Kabul kadib dagaal socday labaatan sano. Qadar waxay martigelisay wada -xaajoodyo u dhexeeya Taalibaan iyo Mareykanka sannadihii la soo dhaafay waxayna u ahayd marin ay maraan qiyaastii 43,000 oo laga soo daadgureeyay Afghanistan. Mareykanku wuxuu ku duulay Afgaanistaan wuxuuna afgembiyay xukuumaddii Taalibaan sanadkii 2001 wixii ka dambeeyay weeraradii 9/11 ee Al-Qaacida, oo doonaysay inay gabaad ka dhigato dalkaas. Caasimadaha reer Galbeedka ayaa ka baqaya in Afgaanistaan ay mar kale noqoto hoyga kooxaha xagjirka ah ee doonayo inay weeraro ka fuliyaan adduunyada. Wadamada khaliijka oo ay ku jirto Qadar ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay duullimaadyada daad -gureynta muwaadiniinta dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale turjumaannada Afgaanistaan, suxufiyiinta iyo kuwa kale. Qaran News
-
Noocyada Qalabkii & Saanadii Milateri ee Maraykanku ka huleeleen ee Taalibaan la wareegtay Waxaa soo baxay sawirro muujinaya dagaalyahannada Taalibaan oo wata qalab milateri oo ay ciidammada Mareykanka kaga tageen garoonka diyaaradaha Kabul ee Hamid Karzai. Guud ahaan waa 73 diyaaradood, ku dhawaad 100 gaari iyo qalab kale oo ay ciidamada Maraykanka ka tageen markii ay ka baxeen Afghanistan waqtigii loo qabtay ee 31 Ogosto. Laakiin madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaan qalabkaasi laga dhigay kuwa aan la isticmaali karin. “Diyaaradahaas ma ahan kuwa dib dambe u duuli doona,” ayuu yidhi. Sida ay xigteen wakaaladaha wararka qaarkood , saraakiisha Taalibaan ayaa walaac ka muujiyay in agabka iyo hubka ciidan ee uu Maraykanka ka tagay aysan ahayn kuwa shaqaynaya. Diyaaradaha looga tagay Kaabul waxaa ka mid ah: • Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee MD-530, oo loo adeegsado sahanka iyo weerarka dhow • A-29 oo ah diyaaradaha weerarka fudud loo isticmaalo. Bishii Juun, ciidamada qalabka sida ee Afgaanistaan waxay adeegsanayeen: • 43 MD-530s, oo ay bixisay Maraykanka. • 23 A-29s #Taliban fighters enter a hangar in #Kabul Airport and examine #chinook helicopters after #US leaves #Afghanistan. pic.twitter.com/flJx0cLf0p — Nabih (@nabihbulos) August 30, 2021 Qiimaha alaabta shaqsiyeedka ma aha kuwa si toos ah loo sheegi karo laakiin qiimaha qeybta A -29 ayaa lagu sheegay inay ka badantahay $ 10 malyan oo doolar. Diyaarada nooca A-29 Muuqaal uu duubay weriyaha LA Times Nabih Buulos ayaa muujinaya dagaalyahanada Taaliban oo wata helicopter nooca CH-46 Sea Knight. Waxaa adeegsaday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay shaqaalaha uga daadgureeyaan safaaradda Kabul, toddobo ka mid ah diyaaradaha ayaa la sheegay in laga dhigay kuwo aan shaqayn karin oo laga tagay. Dagaalyan Taalibaan ah oo sawiraha diyaaradda nooca MD-530 Ugu yaraan hal diyaarad oo nooca C-130 Hercules ah ayaa sidoo kale la sawiray iyadoo taalla laamiga. Diyaarad nooca C-130 Hercules oo looga tagay garoonka diyaaradaha ee Hamid Karzai Sida laga soo xigtay Gen McKenzie, 70 baabuur oo ah lagu baaro miinooyinka ayaa iyagana la tagay, kadib markii laga dhigay kuwa aan geibi ahaana shaqeynayn. Qiimaha hal gaari oo noocaas ah ayaa lagu sheegay inuu gaarayo inta u dhaxeysa $ 500,000 ilaa hal milyan oo doolar. Sidoo kale waxaa Kaabuul looga tagay. • 27 baabuurta milatariga dhulka gaar ahaan kuwa nooca la yirahdo Humvee. • Tiro aan la cayimin oo ah qalabka difaaca gantaalaha iyo madaafiicda. Hase yeeshee dhanka kale ciidamada Afgaanistaan ayaa waxay ka carareen hub ay u saamixi weysay inay burburiyaan ama curyaamiyaan qalabkaasi. Sawirada dayax gacmeedku waxay tilmaamayaan in diyaarado qaar laga saaray dalka Uzbekistan, maalmo ka hor burburkii dawladda Afgaanistaan. Waxayna khubaradu tilmaamayaan in diyaaradaha qaarkood laga yaabo inay aad ugu xaddidan yihiin Taalibaan sababtoo ah ma haystaan duuliyeyaal tababaran, iyo sidoo kale u helidda dayactirkooda. Balse, in kasta oo aysan suurtogal ahayn in la sheego tirada saxda ah, haddana inta badan 167 diyaaradood, oo ay ku jiraan 33 helicopter oo ah nooca UH-60 Black Hawk, oo ay gacanta ku hayeen ciidamada qalabka sida ee Afghanistan dhammaadkii Juun, ayaa hadda loo malaynayaa inay ku jiraan gacanta Taaliban. Noocyada diyaaradaha ay heleen Taalibaan Sidoo kale Taalibaan ayaa si cad u adeegsanaysa hub kale oo oo Mareykanka leeyahay oo waxaa la arkayay xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Taalibaan oo lagu sawiray Kaabuul iyaga oo wata qoryaha M4. Mareykanka ayaa sidoo kale ciidamada Afghanistan siiyay in ka badan 2,500 oo ah gaawaarida milatariga ee Humvees, laga bilaabo Diseembar 2017 illaa Abriil 2020, sida uu sheegay Kormeeraha Guud ee Mareykanka ee Dib -u -dhiska Afghanistan. Khubarada kale ee ku takhasusay qalabka milatariga ayaa sheegaya inay qiimo weyn u yeelan karto kooxda Taalibaan oo ay ka faa’iideysan doonaan muraayadaha aragga ee habeenkii, kuwaas oo gaaraya 16,000 oo la siiyay ciidamada Afghanistan intii u dhaxaysay 2003 iyo 2021. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa si adag uga hadlay xarumo magaalada Muqdisho ka billaabay wax-ka-bedelka qaab-jireedka dumarka, taasi oo muran badan dhalisay. Guddoomiye Filish ayaa ugu horeyntii sheegay in uusan kasoo horjeedin in dumarka is qurxiyaan, hase yeeshe aysan aqbali doonin maamulkooda wax kasta oo ka hor-imaanaya dhaqanka iyo Diinteena. Waxa uu sheegay in ay albaabada u laabeen xarumo lagu weeyneynayo bishimaha dumarka, isagoona digniin u diray xarun kasta oo caafimaad oo isku deyda inay arrintaas billowdo, taasi oo uu sheegay inay xiri doonaan. Guddoomiyaha ayaa xusay in goobaha Ganacsiga markii ruqsada la siinayo aysan si faah-faahsan u sheegin waxyaabaha ay qabanayaan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ruqsada lagala laaban doono goob kasta oo lagu arko arrintaas. Hadalkaan ayaa kusoo aadaysa xili labo cisho ka hor ay dowladda federaalka Soomaaliya albaabada isugu dhufatay xarun dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, taasi oo ay xoog ku galeen ciidamada. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha bulshada, gaar ahaan kuwa Soomaalida qabsaday muuqaalada gabdho ku faanaya in faruuryaha loo weeynayey iyo qeybaha dambe, midaasi oo sharci ahaanteeda dood ka dhex dhalisay bulshada. The post FILISH oo digniin iyo amar kasoo saaray arrin muran badan ka dhalisay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Saldhigyada Magaaloyinka Carmo iyo Ceeldaahir oo ka tirsan Gobalka Bari. Taliyaha waxa kormeerka ku wehlinaayay Taliyaha Daraawiishta Silsilada Golis G/Sare Siciid Nuur Shire iyo Duqa Degmada Carmo Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Farax. Taliye Xuseen, ayaa kulan looga hadlayey dardar gelinta Ammaanka la qaatay Gudoomiyaha Carmo Ciidamada Daraawishta,iyo Booliska.isagoona u sheegay in loo baahan yahay in la sii adkeeyo Amniga,waxaana Ciidanka Booliska iyo daraawiishta uu ku ammaanay inay ku guuleysteen sugiga amniga, waxaana uu kula dardaarmay in la sii dardar geliyo shaqada. Ugu danbeyn Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa u mahadceliyay Gudoomiyaha Degmada Carmo iyo Taliyaha Saldhiga Carmo oo dib u habeyn ku sameeyay saldhiga Degmada Carmo waxana uu ku amaanay qabka wanagsan ay saldhigaas bilicdiisa uga shaqeyeen. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Gobolka Bari oo kormeeray saldhigyada Carmo iyo Ceeldaahir appeared first on Puntland Post.
-
Nairorbi (Caasimada Online) – Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in in ka badan 48,000 oo qof lagu la’yahay Afrika oo dhan, ugu yaraan 21,600 kamid ahna ay yihiin carruur aan qaangaarin. Inta badan dadka la waayay ee diiwaangashan – oo si weyn loo rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin musiibada bani’aadamnimo ee ballaaran ee qaaradda, ayaa lala xiriiriyaa iskahorimaadyada hubeysan, rabshadaha, masiibooyinka iyo socdaalka guud ahaan qaaradda. Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in tirada dadka u soo baxaya inay soo sheegaan dadka la la’yahay ay kusoo badanayaan Afrika. Amaya Fernandez, oo ah la-taliyaha hay’adda samafalka ee dadka maqan ee Galbeedka Afrika ayaa sheegtay in tirada dadka la la’yahay ay sii kordheyso laba laab. “Waxaan isku dayaynaa inaan diinwaan gelinno kiisas badan oo nidaamsan oo dadka la waaayey ah kuna baahsan gobolka oo dhan, sababta ay dadka la’yahay usoo badanayaan ayaa ah kororka rabshadaha iyo iska horimaadka soo maray qaaradda Africa, kala bar dadka maqan ee la diiwaan geliyey ayaa ah rag aan gaangaari” ayey tiri Amaya Fernandez Natiijada ICRC waxay muujineysaa in 39,360 oo ka mid ah 48,000 ee la la’yahay ay ka soo jeedaan toddoba dal oo ay colaado hubeysan ka jiraan. Sida laga soo xigtay Machadka Nabadda iyo Cilmi -baarista Caalamiga ah ee Stockholm, 20 dal oo Afrika ku yaalla waxaa ka jiro iska-horimaad hubeysan, sidoo kale machadka wuxuu sheegay in 10 kamid ah 20-kaas dal inay ka jirto xaalad aad u halis ah. Fernandez ayaa sheegtay in iska-horimaadka ka socda qaar ka mid ah dalalka Afrika uu xanuun iyo rafaad badan u abuuray qoysaska ay dadka ka maqan yihiin. “Cawaaqibyada bini’aadanimo oo ay sababaan dagaallada hubeysan ee dabada dheeraada ayaa badanaa lagu arkayaa inta badan wareysyada laga qaado dadka wax raadinayo. Tusaale ahaan, kala bar qoysaskii lagu wareystay Nigeria ayaa soo sheegay in qaraabadoodu la waayay 2014-2015. Koonfurta Suudaan, inta badan qoysasku waxay raadinayeen dad la waayay intii u dhaxaysay 2013 iyo 2016. Liibiya, qoysasku waxay soo wariyeen inay raadinayeen qaraabo maqan dhammaadkii 70 -meeyadii ilaa maanta, sidaas oo kalana waxaa lamid ah Itoobiya iyo Uganda,” ayay tiri. Khubarada qaarkood waxay arkaan baahida loo qabo in shaqaalaha bulshada iyo hay’adaha amniga loo tababaro muhiimadda ay leedahay wadaagidda macluumaadka si ehelada looga caawiyo helitaanka dadka maqan. Kaaliyaha taliyaha booliiska Zimbabwe Crispen Lifa ayaa sheegay in dalkiisa iyo gobolka ay u baahan yihiin nidaamka maareynta xogta si loola socdo kiisaska dadka maqan. ICRC waxay ugu baaqday dowladaha Afrika inay ka hortagaan dadka la weynayo oo ay bulshada ka caawiyaan raadinta iyo aqoonsiga, iyo wax ka qabashada baahiyaha qoysaska ay dadka ka maqan yihiin. The post Dad gaaraya 48,000 oo qof oo lagu la’yahay AFRIKA appeared first on Caasimada Online.
-
Allaha u naxariistee waxa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii Soomaaliyeed ee Hooballada Waaberi Maxamed Aadan Shamuuri. Geerida marxuumka wax aka tacsiyeeyay geeridiisa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe. “Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.” Maxamed Aasan oo ku magac dheeraa Shamuuri waxa uu fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii, waxuuna xalay ku geeriyooday degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Fanaankii Maxamed Aaden Shamuuri oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa soo saaray digniin uu sheegay inay ku socoto guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isagoo uga digaya inay la macaamilaan ‘gaalada’ sidoo kalena ay ku lug-yeeshaan doorashooyinka dalka ka socda. Waxa uu sheegay in cidii ku lug yeelata doorashooyinka dowladda dhexe ama dowlad goboleedyada ay dagaal u dhaxeeya xaqa iyo baadilka uga biirtay dhanka baadilka, sida uu hadalka u dhigay Cali Dheere. “Odayaasha beelaha waxaan uga digeynaa shirqoolka loo maleegay in aysan ku dhicin, iyagoo fiirsanaya sandareerada yar ee la siinayo, aan idin weydiiyeen kuwii idinka horeeyey maxay ku tartay dowladii ay soo dhiseen, waxay noqdeen qaar dhintay iyo qaar meel ay ku noolaadaan weysan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in sababta ay Al-Shabaab u beegsadeen odayaashii soo dhisay dowladii tan ka horeysay ay tahay inay cadaw kala safteen kooxda, balse ay ka difaaci weysay dowladii ay soo dhiseen, sida uu hadalka u yiri. “Waxaan digniin u jeedinayaa qabaa’ilka Soomaaliyeed, feejignaan dheeri ah muujiya oo cadawgu yuusan idinka faa’iideysan, isagoo idiin adeegsanaya diintiina iyo dalkiina si uu deeqdiina u qaato, waxaan ognahay in hub la isugu kiin dhiibay, si aad isku leysaan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere. Sidoo kale Cali Dheere waxa uu sheegay in qof kasta oo gacan ka geysta faafinta waxa uu ugu yeeray ‘dimoquraadiyadda’ uu yahay “Murtad diinta Islaamka banaanka ka jooga” kooxduna ay beegsan doonto, sida uu hadalka u dhigay. The post Sheekh Cali Dheere oo soo saaray war xasaasi ah oo ku socda beelaha Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid go’aan ay dowladda Soomaaliya ruqsadaha ugala noqotay afar shirkadood oo ka shaqeeya baaritaanka Covid-19, iyagoo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ku eedeeyey inay abuurayaan shirkad aan horay u jirin. Odayaashaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaamay in hal shirkad oo hadda la sameeyey loo xiro howlihii ay dalka ka hayeen afartaas shirkadood ee dowladda ay warqadda ka soo saartay. Waxay sheegeen in warqad uu soo saaray wasiir ku xigeenka caafimaadka lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu amray in hal shirkad loo xiro qandaraaska baaritaanka cudurka Covid19, kadib markii ay shirkadihii hore qaar ay dadka shahaado siiyeen iyagoo aan baarin. Eedeyntaas waxay odayaashaan ku tilmaameen been abuur lagu xalaaleysanayo xiritaanka shirkadahaan. “Anigoo la-talinaya wiilkeyga Ra’iisul wasaare Rooble waxaan leeyahay, mustaqbalkaagu yuusan halaabin, warqadda waxaa ku qoran Rooble waxa uu amray in afar shirkadood la xiro, qandaraaskaasna hal shirkad loo xiro, markii ay ugu yartahay afartaas shirkadood waxaa u shaqeynayey dad ka badan 300, ee Rooblow ka joog,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay. Sidoo kale xubnihii maanta ka hor yimid warqadaas ka soo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa ugu baaqay dhinacyadii lagu socodsiiyey ee dhanka ammaanka in aysan qaadan amar qaldan oo aysan fulin. “Amarkaan waxuu warku nagu soo gaaray in hal shirkad loo xiro howshii intaas oo shirkadood ay bulshada u hayeen, iyadoo sababo xun loo raadinayo, marka hey’adaha kala duwan ee ammaanka waxaan leeyahay amarkaas ka fiirsada amar qaldan lama qaato ee waa laga fiirsadaa,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay. Hoos ka daawo The post Daawo: Odayaasha beelaha Muqdisho oo ka horyimid go’aan kasoo baxay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta hadlay ka jeediyey xaflad lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa qiil yaab leh u sameeyey dhulkii Tiyaatarka Qaranka ee uu bixiyey, balse uu ka laabtay kadib caradii ka dhalatay. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in sababta uu dhulkaas u bixiyey ay tahay imaanshaha fanaaniin reer Sudan ah, balse Tiyaatarka uu yahay meel aan dad lagu soo dhoweyn karin oo xitaa aan laheyn meel biyo laga cabo. “Waxaa ii yimid safiirka Suudaan inoo jooga oo igu yiri Fanaaniinta Suudaan ayaa raba inay Barnaamij qurux badan ku dhigaan Tiyaatarka Qaranka oo ay ka mid tahay Nada Al-qalca, indhihii Caalamkaa kusoo jeeda ragna Geel bay rabaan inay ka dhax baafiyaan,” ayuu yiri Dubbe. “Kadibna maareeyihii ayaa igu yiri meel Biyo laga gato malahan Tiyaatarku, anaa go’aamiyey in la sameeyo biibito, kadibna Ra’iisul wasaarahaa igu yiri naga daa dadka ha iska harraadaane,” ayuu yiri wasiir Dubbe. Dubbe ayaa sheegay in markii saxiixaas laga qeyliyey uu Ra’iisul wasaare Rooble ku amray in la joojiyo qorshihii lagu bixinayey dhulkaas. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo maalmihii u dambeeyay ku jiray hubinta iyo xaqiijinta arrinta la xiriirtay bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ayaa maanta soo saaray amar joojin, xili hore looga laabtay. Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta inuu si deg-deg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka, uuna Wasiirku muddo 72 saacadood gudahood oo maanta ka bilaabanaysa uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulkaas. Sidoo kale Xafiiska ayaa ka dalbaday Wasiir Dubbe in uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo in arrimaha maamulka hantida wasaaradda aan looga faa’iideysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan. Hoos ka daawo hadalka Dubbe The post Daawo: Dubbe oo qiil yaab leh u sameeyey iibinta Tiyaatarka iyo cidda ka dhaadhicisay appeared first on Caasimada Online.
-
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in arrinta la xiriirta bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ay tahay mid si cad loogu xadgudbay nidaamka dowliga iyo shuruucda dalka. Qoraal uu soo saaray xafiiska Hantidhawrka ayaa lagu caddeeyay in wasiirka warfaafinta Cismaaan Abuukar Dubbe uu maamulka hantida wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsanayn, sidoo kalana aan wax dan ah ugu jirin shacabka iyo bahda fanka Soomaaliyeed. Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa faray wasiir Dubbe in 72 saacadood gudahood ku soo saaro qoraal rasmi ah oo uu ku joojinayo bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka iyo sidoo kale in uu Hantidhawrka la soo wadaago hadii ay jiraan heshiisyo kale oo dhulalka wasaaradda. Qoraalka Hantidhawrka ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ra’iisul Wasaare Rooble maalin ka hor joojiyey bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka, kadib markii abwaanada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed ka horyimaadeen go’aanka uu wasiir Dubbe ku bixiyay dhulkaas. Wasiirka warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa warqad ku taariikhaysan 27/06/2021 ugu ogolaaday shirkadda Xaawo Taako in ay makhaayad iyo jardiino lagu nasto ka hirgaliso dhulka dambe ee Tiyaatarka. Hoos ka akhriso qaraalka Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka PUNTLAND POST The post Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo amar dul dhigay wasiir Dubbe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo maalmihii u dambeeyay ku jiray hubinta iyo xaqiijinta arrinta la xiriirtay bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ayaa maanta soo saaray amar joojin, xili hore looga laabtay. Qoraal laba bog ahaa oo kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in sida ay u wajahday Wasaaradda Warfaafinta bixinta dhulkaas aysan marnaba waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, shuruucda dalka iyo wareegtooyinka hay’adaha dowladda. “Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hoggaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha Dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beekhaansan uguna waxtarka fiican,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay 5 qoddob oo Wasaaradda Warfaafinta ka dul booday markii la bixinayay qeyb kamid ah dhulka Tiyaatarka, islamarkaana ay ka hor imaaneyso wareegtada lagu bixiyey dhulkaas, kuwaasi oo kala ah; Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS Qoddobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019) Amar Madaxweyne oo ku taariikheysan “19 Janaayo 2018”, taas oo lagu caddeeyey in ay sharci darro “hibeynta, bixinta iyo wareejinta dhulka Dawladda’ Qoddobada 2aad iyo 3aad ee Xeer Ra’iisal Wasaare (Xeer Lr.047 ee 06/12/2018), kaas oo ku saabsan “Heshiisyada Dawladda Federaalka la galeyso Shirkado ama Hay’ado Qodobka 1aad ee warqada Hantidhawraha Guud ee 20/10/2020 oo lagu sheegay in hay’adah Dowladda heshiisyada ay galaan ka soo diiwan geliyaan Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka “Wasaaradda Warfaafinta ayaa si cad ugu xad-gudubtay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalka, maadama Wasiirka Wasaaradda uu maamulka hantida Wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsaneyn, sidoo kalana wax dan/faa’iido aysan ugu jirin guud ahaan shacabka iyo bahda fanka Soomaaliyeed ee laf dhabar u ah Qarankeena.” Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta inuu si deg-deg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka, uuna Wasiirku muddo 72 saacadood gudahood oo maanta ka bilaabanaysa uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulkaas. Sidoo kale Xafiiska ayaa ka dalbaday Wasiir Dubbe in uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo in arrimaha maamulka hantida wasaaradda aan looga faa’iideysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan. Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hantidhawrka meel adag iska taagay bixinta dhulka danta guud ee loo marayo sifo sharciga waafaqsaneyn, ayadoona hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda looga digay in hantida umadda u maamulaan si gaar ah, kana faa’iideystaan xilliyada kala guurka. The post Hanti-dhowrka Qaranka oo go’aan xasaasi kasoo saaray iibinta Tiyaatarka Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Electoral delegates for Somaliland will be selected by deputy prime minister and senate speaker Abdi Hashi, Prime minister Mohamed Roble has said in what is seen as a climbdown following uproar over a decision by the National Consultative Council last week to leave out the two leaders out of the process. Source: Hiiraan Online
-
A delegation from the Kenya Ministry of Foreign Affairs is in the Somaliland capital of Hargeisa to finalise plans to open up a Kenyan consulate in the Horn of Africa nation. Reports indicate the team has been in Hargeisa over the last fortnight working on the final plans that will see Kenya become only the third African nation after Ethiopia and Djibouti to set up a consulate in Somaliland. Plans to have a Kenyan consulate in Hargeisa were cemented last December when Somaliland President Muse Bihi made an official visit to Kenya on invitation from President Uhuru Kenyatta. The two leaders agreed among other issues to upgrade the Somaliland Liaison office in Nairobi to a consulate and set up a Kenya consulate in Hargeisa. While this was to be formalized in March this year, the outbreak of the second wave of the Coronavirus pandemic slowed down the process. Kenyan officials from the foreign affairs ministry have however made several visits to Hargeisa to survey the suitable location for the consulate. “It is true we are finalizing plans to set up a consulate in Hargeisa. We will be giving an official communication soon,” an official from the Kenya Ministry of Foreign Affairs who did not want to be named said. In February this year, a strong delegation from Somaliland held discussions with the Kenya Head of Public Service in Nairobi as efforts to solidify diplomatic relations between the two countries went a notch higher. The Somaliland delegation among them Ministers of National Planning and Finance, Mr. Hassan Gafadhi and Dr. Saad Ali Shire met with Kenya’s head of civil Service Joseph Kinyua in what they said was the second round of talks ahead of the opening of a Kenyan consulate in Somaliland capital Hargeisa and introduction of direct flights from Nairobi. The team said the talks centered on the memorandum of understanding signed between President Uhuru Kenyatta and his Somaliland counterpart Musa Bihi in December last year when the latter made an official visit to Kenya. “This is just a follow-up meeting to discuss key areas of the memorandum because as you know, the two presidents set timelines which we hope to meet,” they said. In the memorandum, the two presidents agreed to upgrade the Somaliland Liaison office to a Consulate and open a Kenyan consul in Hargeisa by the end of March. In December, Somaliland’s president made a historic visit to Kenya where he signed a memorandum with President Uhuru. Key among the agreements was to set up a consul in Hargeisa and introduce direct flights between Nairobi and Somaliland. Other areas which the two leaders agreed on include the expansion of bilateral trade, enhancing cooperation in air transport as well as cooperating in agriculture, livestock development, education, energy. Kenya Airways was expected to launch their direct flights to Hargeisa in May but this was put on hold at the last minute. It is expected that once the Consulate is opened, Kenya Airways will introduce direct flights which will make it cheaper and easier for travelers from the two countries to move. Kenya and Somaliland enjoy strong relations from the pre-colonial times. The two countries were also colonized by the British. Kenya has over 5000 nationals living and working in Somaliland in the education, hospitality and banking, manufacturing sectors while hundreds of others are businessmen. Source Business week Qaran News
-
Kabul (Caasimada Online) – Diyaarad laga leeyahay Qatar ayaa Arbacadii Maanta ah ka degtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kabul iyadoo sidday koox farsamo oo Taalibaan kala xaajoon doona dib u bilaabista howlaha gegida diyaaradaha kadib qabsashadii Taalibaan ee Afgaanistaan, sida laga soo xigtay il xog ogaal u ah arrintaan. “Diyaarad Qadar ah oo sidday koox farsamo ayaa goor hore oo maanta ah ka degtay Kabul si ay ugala hadasho Taalibaan dib-u-bilaabista shaqadii garoonka,” ilo-wareedka ayaa sidaas u sheegay AFP. Weli ma jiro heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan bixinta kaalmo farsamo oo dhanka garoonka Kabul ah, waxayna kooxdaan ka socota Qatar dooneysaa inay kooxda Taalibaan ku qanciso in dhinaca farsamada laga caawiyo. Waxaa weli socda wada-hadal u dhaxeeya kooxda farsamada ee ka socoto Qatar iyo kooxda Taalibaan, waxaana laga wada-hadlayaa cidda maamuleysa garoonka Amni ahaan iyo shaqo ahaan labadaba. Illo wareedyada la hadlay AFP ayaa sheegay in hadafka ugu weyn uu yahay in dib loo bilaabo duulimaadyadii gargaarka bini’aadanimo iyo in la helo xorriyad lagu dhaq-dhaqaaqi karo, gaar ahaan dib u bilaabidda dadaallada daad-gureynta. In ka badan 123,000 oo ajaanib iyo Afgaanistaan ah ayaa dalka ka qaxay kadib markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay talada dalkaas, waxaana weli jira dad kale oo doonaya inay dalkaas isaga baxaan oo aan weli helin fursad. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu ku jiro xaalad xun, iyada oo inta badan kaabayaashii aasaasiga ahaa ay xumaadeen ama burbureen. Dagaalyahannada Taalibaan ayaa ku dabaaldegay rasaas maalintii Talaadada aheyd kadib markii ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay ka tageen Kabul kadib dagaal socday labaatan sano. Qadar waxay martigelisay wada -xaajoodyo u dhexeeya Taalibaan iyo Mareykanka sannadihii la soo dhaafay waxayna u ahayd marin ay maraan qiyaastii 43,000 oo laga soo daadgureeyay Afghanistan. Mareykanku wuxuu ku duulay Afgaanistaan wuxuuna afgembiyay xukuumaddii Taalibaan sanadkii 2001 wixii ka dambeeyay weeraradii 9/11 ee Al-Qaacida, oo doonaysay inay gabaad ka dhigato dalkaas. Caasimadaha reer Galbeedka ayaa ka baqaya in Afgaanistaan ay mar kale noqoto hoyga kooxaha xagjirka ah ee doonayo inay weeraro ka fuliyaan adduunyada. Wadamada khaliijka oo ay ku jirto Qadar ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay duullimaadyada daad -gureynta muwaadiniinta dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale turjumaannada Afgaanistaan, suxufiyiinta iyo kuwa kale. The post DALKII ugu horreeyey oo maanta diyaarad ka dejiyey garoonka KABUL kadib la-wareegistii TAALIBAAN appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa Isniintii oo ku beegan 30-ka bisha August, 2021 dib u bilaabaysa bixinta fiisooyinka dalalka kale ku nool ee doonaya inay Imaaraadka u safraan ama u dalxiis tagaan. Wakaaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee magaceeda loo soo Gaabiyo WAM, ayaa baahisay in 30-ka bishan dib loo bilaabayo qabashada Codsiyada Fiiseyaasha Dadka Imaaraadka tagaya ee ka imanaya dalalka kale ee Adduunka guud ahaantood. Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta oo soo xiganaysa Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka ee (NCEMA), ayaa baahisay Liiska Waddamada Dadkooda loo ogolaaday inay u safraan Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somaliland, Soomaaliya iyo Dalal kale oo aad u badan. Shuruudaha laga rabo Dadka u safraya Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ka mid ah inay hore u qaateen Tallaalka difaaca u ah Xanuunka Covid_19 ee ay aqoonsan tahay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, isla-markaana sitaan Waraaqaha caddaynaya inay qaateen talaalkaasi, iyagoo iska diwaangelin doona garoomada diyaaradaha Imaaraadka Carabta si loo hubiyo Xaaladdooda Caafimaad iyo Waqaaraha aqoonsiga ee sheegaya inay Tallaalan yihiin. War Qoraal ah oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM, ayaa lagu yidhi “Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka (NCEMA) waxay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in laga bilaabo 30ka August, codsiyada fiisooyinka dalxiiska uu u furan yahay dadka ka socda dhammaan waddamada Dunida, haddii si buuxda loogu Tallaalay Talaallada Covid_19 ee ay aqoonsan tahay WHO..” Warka ayaa intaa ku daray in go’aankani qayb ka yahay qorshaha Dawladda Imaaraadku ku doonayso isku-dheeli-tirka Caafimaad-qabka dadweynaha iyo hirgelinta qorsheyaasha soo kabashada Imaaraadka Carabta “Tani waxay qayb ka tahay Istaraatiijitadda Dalka Imaaraadka Carabta ee ah in la abuuro Dheelli-tirka Caafimaadka dadweynaha iyo taageerrada dedaallada Qaran ee lagu gaadhayo soo kabasho waarta iyo koboc dhaqaale..” ayaa lagu sheegay Warka ay daabacday Wakaaladda WAM. Ugu dambayn, arrinta xiisaha leh ee Warka ku saabsan ayaa ah, in Dawladda Imaaraadku liiska ay soo saartay ay Somaliland ka soo hor-marisay Soomaaliya, taasi oo tilmaan u ah siyaasadda rasmiga ah ee Dawladda Imaaraadka ee ku aaddan Somaliland, taasi oo ah inuu ula dhaqmayo sida Dawlad uu aqoonsan yahay oo kale, inkasta oo aanay ahayn markii koowaad ee uu sidaa yeelo. Geeska Qaran News