Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay hay’adaha maaliyada dalka, sida Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud, xilli uu sii adkeynayo maamulka maaliyadda dalka. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kulankaan ayaa qeyb ka ah waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda. “Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, kulankaan ayaa daba socda amar uu ra’iisul wasaaraha dul dhigay wasaaradda maaliyadda, kaasi oo dhigayey inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan. Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqaan SDRs. Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, ayaa marka mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, ayaa dhigay in oggolaansho ka helaan ra’iisul wasaaraha inta aan la bixin wax lacag ah. Rooble ayaa tallaabooyinkan ku xaqiijinaya in wax is-daba-marin iyo musuq-maasuq lagu sameyn hanaanka kharash-bixinta dowladda, xili uu dalka marayo marxaladda kala-guurka, islamarkaana baahi weyn loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF. The post Sawirro: Rooble oo qaaday tallaabo kale oo uu ku xajisanayo maamulka maaliyadda dalka appeared first on Caasimada Online.
  2. PRESS RELEASE Dubai becomes gateway for African multi-billion-dollar stationery imports Paperworld Middle East to attract African buyers as continent’s stationery market forecast to reach US $5 billion by 2027 DUBAI, United Arab Emirates, September 13, 2021/ — Dubai has emerged as a key export gateway for stationery goods which are in spiralling demand throughout Africa, according to a new report by market information advisory 6Wresearch. Its Africa Stationery Market report forecasts the continent’s stationery consumption will reach a value of US $5.04 billion by 2027, growing at a compound average growth rate of 2.4% annually from its current US $4.39 billion valuation. The report was produced by 6Wresearch on behalf of Paperworld Middle East, the region’s largest international trade exhibition for the stationery, paper, gifts, and office supplies industry, which will mark its 10th anniversary showing at the Dubai World Trade Centre from December 14-16 this year. It cites a growing education sector throughout Africa and upscale commercial sector investment as behind the surging demand. “Africa’s stationery market is majorly import driven, with Dubai being the major exporter to African countries,” says the report. South Africa, where office inventory is set to reach 14.83 million square meters by the end of this year, Egypt and Nigeria account for the lion’s share of the stationery and office supplies demand. “Office space in South Africa has been increasing over the past few years on the back of government initiatives to drive the real estate and corporate industries,” says the report. “Due to the increasing office sector outlook, new potential opportunities for deployment and use of video conferencing solutions in the corporate sector are expected to increase.” Education though represents 60% of overall sector demand in Africa and, though the COVID-19 pandemic has slowed demand with schools being forced to close, the report believes the sector will rebound by the end of this year. Given the forecasted demand and Dubai’s increasing role as a supply base for the continent, African buyers and suppliers are expected to be a significant force at Paperworld Middle East 2021, which is organized by Messe Frankfurt. The show, which was originally scheduled for March this year, has moved to the December date when it is likely to benefit from an influx of visitors for Expo 2020 Dubai. “This move to December was made following regular contact with our stakeholders,” explained Syed Ali Akbar, Show Director for Paperworld Middle East. “The feedback we received prompted the change of date, which is widely supported by our customers, partners and trade associations. “The show and the debut of its associated Gifts & Lifestyle Middle East exhibition will now open doors at the same time as Expo 2020 Dubai – a global mega-event that’s expected to attract more than 25 million visitors during its six-month run from October 2021 to April 2022. “These trade shows will benefit from the association with Expo 2020 so we can confidently predict an influx of new visitors from an expanded geographic footprint which means a wider opportunity base for exhibitors Source Paperworld Middle East Qaran News
  3. Odayaasha Dan iyo Duco iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir Cabdillaahi Abokor oo yeeshay kulan is laab-xaadhasho ah. Odayaal, siyaasiyiin iyo Masuuliiyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdillaahi Abokor iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, ayaa xalay yeeshay kulan ay isku laab-xaadhanayeen, iskagana cafinayeen gardoofooyin iyo is jiidh-jiidh siyaasaddeed oo salka ku hayey doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaanka dalka ka dhacay, kuwaas oo ay Odayaashan iyo siyaasiyiintu u horseeday in ay Muxaafid iyo Mucaarad u kala jabaan, iyaga oo Xildhibaanno kala duwan wata. Kulan is laab-xaadhashada ahaa, oo qaar kale ka horreeyeen ayey Odayaashan iyo siyaasiyiintan, ayaa isku af-gartay in la isa saamaxo oo jewi cusub oo wada shaqayneed la bilaabo, madaama doorashadii dhamaatay, tii madaxtooyaduna soo dhawdahay. Waxgaradka iyo siyaasiyiinta kale ee kulankan ka qayb galay waxa ka mid ahaa Caaqil yare, Jaamac Rooble, Maxamed Cabdillaahi Mirre, Cabdi Qarax iyo Cabdiqani Xaaji Muuse. Source
  4. Mogadishu (HOL) - Somalia's Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation announced on Sunday that the Arab League has agreed to provide Somalia with financial and technical assistance for the upcoming elections. Source: Hiiraan Online
  5. Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee maanta khudbada ka hor jeediyay mudaneyaasha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa si ka duwan musharaxiinta kale uga dalbaday codkooda. Senator Muuse Suudi ayaa ka muquurtay in ballan-qaad ka hor sameeyo baarlamaanka hortiisa, halka musharaxiinta ka horeysay ay sameeyen, wuxuuna ku gaabsaday “in uusan ogeyn waxa uu qaban doono maadama uu qaa’ib ka yahay”, arrintaasi oo lama filaan ku noqotay dad badan. “Warkeyga ma badnaan doono, waxa aan soo qabtay ma aqaano ma ii miisaana, waxa aan qaban doonana ma ogi, qaa’ib aan ka ahay, waxaa idinka codsanaa Senator Aqalka Sare ahay, haddaan u qalmana igu celsha, haddaa i dhibsateen iga reeba,” ayuu yiri. “Waxaa u mahadcelinaa madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen iyo madaxweyne ku-xigeenka, madaxda kale kuligood waa u mahad-celinaa.” Kursiga uu ku fadhiyo Muuse Suudi ee uu markale u tartamayo ayaa waxaa kula loomaya saddex musharax oo kale, kuwaasi oo kala ah; Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Xasan Cadaay Cali, waxaana ka tanaasulay Xaaji Muxidiin Xasan Afrax oo ku soo baxay liiskii uu soo saaray madaxweyne Guudlaawe. Sida la sheegayo Villa Somalia ayaa si weyn u daneynaysa in kursigaas lagu ciriiriyo Muuse Suudi, loolan adagna lala galo, maadama ay ku guul-dareysatay in Guudlaawe uu ka reebo liiska. Daawo Muuse Suudi The post Daawo: Muuse Suudi oo khudbad lama filaan ah u jeediyay xildhibaanada HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
  6. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta dawladda Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta. Kulankan aya daba socda warqad shalay warbaahinta loo soo dusiyay oo kaso baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha taa oo lagu faray wasaaradda Maaliyadda in wax lacag ah iyo xita musharaadka ciidamada aysan bixin karin iyada oo aan ogolaasho laga helin Xafiiska Wasiirka koowaad. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  7. Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Abuukar Xasan Yuusuf ayaa sheegay in doorashooda ka dib ay gaareen guulo waaweyn oo dhinaca gudaha dalka iyo dibadiisa,wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo kaalin ka geystay horomarka iyo guulaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka. “Doorashadeena ka dib waxaa inoo qabsoomay shaqooyin badan oo ay ka mid tahay qorista sharciyada Minifootboolka dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya Mudane Abuukar Xasan Yuusuf. Dhinaca kale Guddoomiye Abuukar wuxuu guul taariikhi ah ku tilmaamay aas aaska 24 koox uu iminka lee yahay Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya, kuwaas oo hada loo kala saaray heerka 1-aad iyo 2-aad ee Minifootboolka, waana markii ugu horeesay ay madaxda SOMFA ay yeeshaan kooxaha kubadcag yaraha. “Horomarka muuqda ee aan gaarnay doorashadeena ka dib waxaa qeyb ka ah aas aaska 24 koox ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, waxaana u mahadcelinaynaa madaxda kooxaha oo iyagana kaalin weyn ka geystay guulaha iyo waxqabadka Xiriirka Sooamaliyeed ee Minifootboolka ” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka mduane Abuukar Xasan Yuusuf Ugu danbeyntii Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Abuukar Xasan Yuusuf wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay da’daalada kala duwan ee ka socda gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa, isagoo Wasaaraddda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda Fedraalka Soomaaliya ku amaanay doorka ay qaatay horomarka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka. “Sanadaha soo socda madaxda SOMFA waxaa laga filayaa in ay samayso da’daalo ka waaweyn sanadkii kowaad, waxaan u mahadcelinaynaa cid kasta oo nagu caawosay horomarkii iyo guulihii aan gaarnay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha Mudane Abuukar Xasan Yuusuf . Daawo Waraysi Uu Guddoomiye Abuukar Siiyay Goobjoog Sports Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Waa Nasiib Darro In Warbaahinta Ay Ka Maqnaadaan Dhacdooyinka Minifootboolka” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha dalka u qaabilsan maaliyadda sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud. War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu kulan la qaatay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud. Warkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kulankalooga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta. “Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta.” PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha Maaliyadda dalka appeared first on Puntland Post.
  9. Kabul (Caasimada Online) – Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan, haddana ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Afghanistan ayaa maanta baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaana caafimaad qabo, kadib markii baraha bulshada ay qabsadeen warar sheegaya inuu dhintay. Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaadkii tegay loo magacaabay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan Akhund oo hoggaaminaya xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Taalibaan, ayaa “dacaayad been abuur ah” ku tilmaamay xanta ku saabsan dhimashadiisa. Wararkan la xiriira dhimashiisa ayaa aad u qabsaday baraha bulshada –gaar ahaan dalka India — halkaasi oo lagu sheegay in lagu dhaawacay hoobiye kadib iska horimaad madaxtooyada Afghanistan ku dhex-maray laba koox oo ka kala tirsan Taalibaan. “Waxaa warbaahinta ku jira warar ku saabsan dhimashadeyda,” ayuu Baradar ku yiri cod ay baahisay Taalibaan. “Dhowrkii habeen ee tegay, waxaan ku maqnaa safar. Meel kasta oo aan hadda joogo, waan wanaagsannahay dhammaanteen, walaalahey iyo saaxiibadey,” ayuu yiri. “Warbaahinta waxay mar kasta daabacaan dacaayad been abuur ah. sidaas darteed, si geesinimo leh isaga diida beentaas, waxaana 100% idiin xaqiijinayaa inaysan waxba jirin, oo aan wax dhibaato ah qabin,” ayuu yiri. Suurta-gal ma aheyn in si madax-banaan loo xaqiijiyo codka, hase yeeshee waxaa lasoo dhigay bogagga rasmiga ah ee kooxda – oo uu ku jiro midka afhayeenka xafiiska siyaasadda ee xukuumadda cusub. Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sidoo kale dhowr sano la isla dhex-marayey inuu dhintay kahor inta aanu afhayeenka kooxda sheegin “inuu ku sugan yahay Kandahar” laba toddobaad kadib markii ay qabsadeen. Dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa xantu aheyd inuu u dhintay cudurka COVID-19, ama lagu dilay qarax. AFP + VOA The post Maxaa ka jira ‘inuu dhintay’ Mullah Abdul Ghani Baradar? appeared first on Caasimada Online.
  10. Amsterdam (Caasimada Online) – Maalinimada Axada ee taariikha Hjiriyadu tahay 12-Safar-1443, kuna beegan 19 September ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands in ay la kulmaan guddi odayaal ah oo in muddo ah a isha ku hayay khilaafka dhex aloosnaa guddiga maamula masjidka Quba, oo ah masjid Soomaalidu ay maamulaan, kuna yaal Amsterdam. C/qaadir Kediye wuxuu ka mid yahay maskax-maalka Soomaalida, in muddo ah ayuu la socday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray khilaafka u dhexeeya guddiga maamula masjidka. C/qaadir sidoo kale, wuxuu safka hore kaga jiray walaalaha hirgelinta masaajidka ku bixiyay juhdiga, isaga oo aragtidiisa shaqsiga ah ka dhiibanaya waxyaabaha la isku hayo & dhumucda khilaafka waxa uu u soo jeediyay waxgaradka Soomaalida in labada daraf ee uu khilaafku ka dhexeeya si cadaalad & hor ALLE ah in loogu kala garqaado. “Hadal jeedintii dheereyd ee Axadii uu waddaadka Shiikh Suldaan Soomaalida kula hadlayay anigu 2 qoddob ayaa igaga baxay. Qoddobka 1-aad wuxuu ahaa in Shiikhu ku taagan yahay lixdii qoddob ee lagu heshiiyay ee labada daraf ay saxiixeen sidii loo fulin lahaana ay lagama maarmaan tahay in la helo dad madax bannaan oo fulinta qoddobaas u kor-joogteeya si hufnaan & cadaalad ku dhisan & Qoddobka 2-aad ee ahaa; in Shiikhu sheegay in amaanadii ay ummadda u dhiibatay uu ku soo celiyey , waalalaha kalena looga baahan yahay in ay qaataan go’aankaas geesinimada leh oo kale, ummadduna ay u tasho sidii ay ka yeeli laheyd ama iyaga ha ku celiyeen ama cid kale ha u magacowdeen” Ayuu yiri C/qaadir oo waraysi siinayay shabakadda Somnieuws. C/qaadir wuxuu beeniyey in khilaafku u dhexeeya Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga & maamulka oo dhinaca kale, isaga oo xusay in dadka sida sharciga ah ugu qoran mas’uuliyada masaajidka ay ahaayeen 3 qofood oo Shiikhu guddoomiye u yahay. “Marka hore waa in aynu fahanaa cidda is haysaa waa ayo.? 3 qofood oo ku wada qoran maamulka masjidka ayuu khilaafku u dhexeeyaa. Shiikh Suldaan oo guddoomiye ah, Guuleed Wayrax oo lacag-haye ah iyo Shiikh Ibraahim [Abuu Khadiija] oo xog-hayn ah. Saddexdaas qof ayaa u diiwaangashan maamul ahaan masjidka, haddii cid loo kala gar-noqayo waa in saddexdaas walaalo loo kala gar-qaadaa. Waxaan ka mid ahay dadka sida dhow ula socda marxaladihii uu soo maray masjidku Quba Amsterdam. Masaajidkan hirgelintiisa dadka ugu badan ee lacagaha ku yaboohay waa Soomaalida dalkan ku dhaqan, waxayna xaq u leeyihiin in lala socodsiiyo marxaladaha khilaafka & waxa la isku hayo, ciddii qaldanna la wada arko, fartana lagu fiiqo” Ayuu yiri aqoonyahan C/qaadir Kediye oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, sheegayna inuu ka mid yahay dadka ku xiran masaajidka, isaga oo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in habsami u socodka howsha masaajidka laga hor mariyo wax kasta oo kale. C/qaadir, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in isaga & rag kale oo saaxiibadiis ah ay ula muuqatay in maamulka masjidka si ku meel gaar ah in shaqa-joojin loogu sameeyo, loona dhiibo socodsiinta howlaha masjidka guddi cusub, inta laga xalinayo khilaafaadka u dhexeeya guddiga maamulka. C/qaadir, waxaa kale uu sheegay in aanu kala jecleyn Shiikh Suldaan joogitaankiisa & in la ruqseeyo, balse muhiimadiisu tahay in la ogaado dhumucda khilaafka iyo waxa la isku hayo. “Walaalaha Shiikha ka soo horjeeda qaladaadka ay sameeyeen waxaa ka mid ah; markii sharciga la isla tegay Shiikha lacagaha dacwada & garyaqaanka kaga baxay isaga ayaa jeebkiisa ka bixinayay, darafka kale lacagihii masaajidku lahaa ayeey isticmaalayeen. Teeda kale, Guddiga lagu leeyahay waa guddi dhexdhexaadin ah, haddii meesha ay dan [intrest] soo gasho laguma tilmaami karo dhexdhexaad. Ka warrama haddii mid ka mid ah ragga guddiga ka tirsan loo balanqaaday in marka Shiikha meesha laga tuuro in isaga uu masjidka iimaam ka noqonayo.? ama ay ku jiraan rag sifo aan sharci aheyn lacagihii masaajidku lahaa deyn ahaan lagu siiyay oo masjidka ay deyn ka qabaan muddo ka badan 3 sanno, sideey sax ku noqoneysaa dhexdhexaadnimadooda.? anigu xaqiiq “facts” baan ka hadlayaa mala-awaal kama hadlayo. Guddi dhexdhexaad ah laguma tilmaami karo walaalaha Tilburg & Eindhohoven ku sugan intooda badan, mana aha in caqliyadeena lagu ciyaayo” Ayuu yiri C/qaadir, isaga oo intaasi sii raaciyay: “Eeg….waxaa jira qoddob ku jiray warqada ay Shiikha u soo qoreen ee ay ku qeexayaan in awoodiisii ku qorneyd [status] in iyaga ay la wareegayaan, warqadii uu sheegay waddaadka in lagu qasbay inuu saxiixo waxaa ku jirtay in awoodii uu lahaa guddoomiyaha ay qaataan guddiga dhexdhexaadinta Tilburug, waxaa kale oo jirta in waddaadka ay tahdiid ku sameeyeen xubno guddiga ka mid ah, wuxuu ka sheegay madashii uu Soomaalida kula hadlayay maalintii Axadda, in nin guddiga ka mid ah uu ku yiri: “Waxa ay kaa sheegayaan ragga aad is haysaan markii hore been baan u haysanay, balse markaan dhaqankaaga aragnay waxaan ogaanay in ay saxan yihiin, annaga ayaa Soomaalida u sheegeyna qofka aad tahay” Marka su’aashu waxay tahay guddi daraf ka mid ah 2dii daraf ee laga sugayay in ay dhexdhexaadiyaan la safan, oo sidaas waddaadkii ugu bahdilaya garabkii kale oo madasha fadhiya sidee lagu aamini karaa dhexdhexaadnimadooda.? Soomaalida ayeey u taalaa in guddi noocaas ah ay war ka dhageystaan” C/qaadir, waxa kale oo uu sheegay in lacagaha masjidka ku soo xarooda aysan marin hab-raac [process] sax ah.? isaga oo arrintaasi ka hadlaya na waxa uu yiri: “Sida sharcigu dhigayo lacagaha masaajidku leeyahay marka la soo uruuriyo, ee la xisaabiyo, waa in 2 qof saxiixdaa, bangiga lagu shubaa, bangiga laga arki karaa, sida ay u baxaanna waa in bangiga lagala socdaa masaajid ma noqon karo familiebedrijf” C/qaadir, wuxuu ku tilmaamay hab dhaqan aan la aqbali karin in ragga ay waddaadka is hayaan marka loo sheego qaladkooda in masaajidkii ay gabaad ka dhiganayaan, oo ay leeyihiin masaajidka ayaa duulaan lagu yahay. “Ragga Shiikha ka soo horjeeda waxaa ku jira nin af-macaani iyo ballaaqad kulansaday ma doonayo inaan magaciisa sheego waxay ku soo heshiiyaan isaga ayaa loo soo dhiibaa, isaga oo aan si hufan u miisaamin ayuu la soo shir tagaa, Shiikhu wuxuu ku yiraa: carabkaan ILLAAH baa ku siiyay qadiyadaha aad difaacayso iska hubi. Waxyaabaha kale ee aad la yaabayso waxaa ka mid ah, metelan qof marti ah ayaa u imaanaya lacagtii masjidku lahaa ayeey sideey doonaan ugu tasarufayaan, si shaqsi ah ayaa loo isticmaalayaa. Shiikhu wuxuu oran jiray, xoolahaana miyeeydnaan ILLAAH uga baqayn.? dagaalku ugu weyn ee Shiikha lagu qaaday wuxuu ahaa waxay dhibsadeen war ka daaya’daas uu ku hayay” Ayuu yiri C/qaadir, wuxuu ku celceliyay in waddaadku qadiyadaha uu ku durayay ragga ka soo horjeeda in ay ugu wayn tahay qaddiyada ku takri-falka hantida masaajidka loogu talogalay. C/qaadir Kediye, wuxuu tusaale u soo qaatay dadka ugu badan ee masaajidka ka shaqeeya in ay yihiin caa’ilada guddiga, isaga oo arrintaasi faahfaahinaya waxa uu yiri: “Masjidka dadka ugu badan ee laga shaqaaleeysiiyay waa caruurtooda & ehelka ragga maamulka haya, hal nin baa ku jira oo ay shaqada u qoreen isaga na 2 goor bay damceen in ay shaqada ka eryaan Shiikh Suldaan ayaa ka hor istaagay, taksi ayeey u iibiyeen iyagii buu la safan yahay iminka, ileeyn xaalkiisu waa af wax cunay xishoo’e, inaan magaciisa sheego ma doonayo wuu is yaqaanaa, waxaa masjidka soo martay caruur aad u fahmad fiicnaa, oo haddii fursad la siin lahaa meel sare gaari lahaa, ma doonayaan in ay fursad siiyaan waxay doonayaan dad ay ku kalsoon yihiin in ay meesha joogaan, shuruudaha ay dadka ku xulanayaan waxaa ka mid ah qofku inuusan noqon qof wax fahmaya, dadka waxgaradka ah waxaan ku boorinayaa in arrintaasi baaritaan dhab ah ku sameeyaan” C/qaadir, waxaa kale oo uu sheegay in qoddobadii ugu horreeyey ee la isku qabsaday in ay ka mid aheyd in masjidka sii ahaado qeybta hoose, qeybta kore na laga dhiso dabaqyo lana sii kireeyo. “Shiikha arrintaasi mowqif cad ayuu iska taagay, wuxuu yiri taladaasi aan Soomaali ku celino, taladii masaajidka 2 nin baa iska haysata suurtagal na ma aha” Ayuu yiri C/qaadir Kediye. “Lacago masaajidku lahaa ayaa lagu bixiyay mashruuc uu watay nin dhalinyaro ah oo Ingiriiska dagan mashruucii wuu qasaaray, lacagtiina waxaa laga bixiyay qasnada masaajidka, bal eeg dulmigaas.? Dhacdo kale. nin guddigan dhexdhexaadinta ee Tilburg ka mid ah, ma doonayo inaan magaciisa sheego lacag tiro badan oo dayn ah ayuu masaajidka ka qabaa, balantu waxay ahayd inuu 6 billood ku soo celiyo, 3 sanno ayuu sii marayaa, Shiikh Suldaan isaga oo safar ka soo laabtay bay is arkeen markaas buu ku yiri: Dayntii uu masaajidku kugu lahaa ma bixisay.? wuxuu ku jawaabay: hebel & hebel waxay igu yiraahdeen markaad doonto iska bixi. Sideey ku dhici kartaa hantidii masjidku lahaa in sidaa loogu takri falo. waxay aheyd in sharciyad adag laga soo saaro dhinaca dhaqaalaha masjidka, oo shilling kasta ee masjidku leeyahay go’aan ka gaaristeeda loo saaro guddi bulshadu ay soo xulatay, arrin sax ah ma aha in dhaqaalaha masjidka 2 ama 3 qofood in ay go’aan ka gaarto” Ayuu yiri C/qaadir, wuxuuna intaasi sii raaciyay in waddaadku ku celceliyay waxgaradka Soomaalida in ay ku baraarugaan ragga maamulka masjidka haya in mas’uuliyada lagula xisaabtamo. C/qaadir ugu dambeyntii waxa uu ku tilmaamay in ay tahay tillaabo geesinimo leh in waddaadka Shiikh Suldaan ka sheego meel fagaara ah in mas’uuliyadii ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland u hayay inuu dib ugu soo celiyay. FIIRO GAAR AH: Waxaan isku daynay inaan darafta kale ee guddiga la dhaliilayo ah aan xiriir la sameyno, balse xagooda ayeey suurtagal ka noqon waysay. Mas’uul kama nihin aragtida uu soo jeediyay qofka hadlaya, isaga ayeey u gaar tahay. Si arrimaha quseeya khilaafka masaajidka, aan dadweynaha ugu soo gudbino, baaritaanadeenu weli waa ay socdaan ciddii xog sax ah haysana waxay nagala soo xiriiri karaan ciwaanka hoos ku qoran. E-mail: cabdishakuur48@yahoo.com W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan The post Xaalad cusub oo kusoo korortay khilaafka masjidka Soomaalida ee Amsterdam appeared first on Caasimada Online.
  11. Tobanka dhisme ee ugu qaalisan adduunka+Cadadka Lacagta Masjidul-xaramka lagu qiimeeyay Xaramka Daraasad ay sameysay xarunta MSN money ee ka faalooda dhaqaalaha adduunka gaar ahaan dhismayaasha ganacsi ayaa lagu soo bandhigay dhismayaasha kuwooda ugu qaalisan adduunka. Waxaan daraasadda diiradda lagu saaray 30-ka dhisme ee ugu qaalisan adduunka iyadoo Sucuudiga ay ku yaallaan labada xarun ee ugu qaalisan adduunka oo uu kamid yahay Xaramka. Sahanka MSN Money uu sameeyay sanadkii 2019-kii ayaa lagu ogaaday in Xaramka uu yahay dhismaha ku fadhiya qiimaha ugu qaalisan adduunka. Daraasadda ayaa intaas ku dartay in ballaarinta iyo dayactirka sanado badan lagu sameynayay Xaramka ay horseeday in la geliyo agab badan oo qaali ah taasina ay ka dhigtay in uu noqday dhismaha ugu qaalisan adduunka oo uu ku fadhiyo $ 100 bilyan oo doolar. Xaramka, Maka, wuxuu ku fadhiyaa $ 100 bilyan oo doolar Xaramka iyo masaajidka ugu weyn adduunka ee ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka, wuxuu sanad kasta qaabilaa Muslimiinta xujeyda ah oo gaareysa in ka badan 4 milyan oo qof, waxaana lagu qiyaasaa in dhismaha Xaramka la geliyay lacag gaareysa $ 100 bilyan oo doolar. Waxaana kharashkan inta badan uu ku baxay agabka nashqadeynta iyo dayactirka Xaramka xilli uu isbaddalayo dhaqaalaha adduunka. Dhismaha Abraj Al Bait, Maka wuxuu ku fadhiyaa $16 bilyan oo doolar Dhismaha Abraj Al Bait, Maka Dhismahan wuxuu ku yaalla meel u dhaw Xarameynka, waxaana la dhisay sanadkii 2012. Waxaa lagu qiyaasa qiimaha lagu dhisay $16 bilyan oo doolar. Abar Al Beit waxaa loo dhisay in uu qaado xajueyda gaar ahaan madaxda iyo dadka taajirka ah. Waxaana dhismahan ku yaalla saacadda ugu weyn adduunka. Abraj Al Beit waa dhismaha ugu qaalisan adduunka marka laga reebo Xarameynka. Jasiirad loo damaashaad tego oo ku taalla Singapore Marina Bay Sands Jasiiradda loo dalxiis tego ee Marina Bay Sands oo ay ku yaallaan huteelo, waa dhismaha saddexaad ee ugu qaalisan adduunka, waxaana ku fadhiyaa qiimo lagu qiyaasay $6.2 bilyan oo doolar. Marina Bay Sands waxaa la dhameystiray sanadkii 2010. Xarunta shirkadda Apple, Cupertino Apple Park, Cupertino Apple Park, waa xarunta shirkadda Apple ee ku taalla Cupertino, ee gobolka California dalka Mareykanka, Waana dhismaha afaraad ee ugu qaalisan adduunka. Waxaana dhismaha lagu bixiyay qiimo dhan $ 5 bilyan oo doolar. Dhismaha huteelka Cosmopolitan, Las Vegas Ginin Cosmopolitan, Las Vegas Dhismaha huteelka Cosmopolitan ee ku yaalla Les Vegas dalka Mareykanka ayaa la dhisay 2009. Waxaana la geliyay dhismihiisa lacag gaareyso $ 3.9 bilyan oo doolar. Huteelkan waxaa ku yaalla goobo waaweyn oo lagu caweeyo iyo 3,200 qolalka lagu qabto shirarka, waana dhismaha shanaad ee ugu qaalisan adduunka. Xarunta cusub ee ganacsiga adduunka ee New York Xarunta cusub ganacsiga adduunka ee New York, Xarunta cusub ee ganacsiga adduunka ee New York, waa dhismaha lixaad ee ugu qaalisan adduunka, sida laga soo xigtay MSN Money. Waxaana sanadkii 2012 lagu dhisay qiimo gaarayo $ 3.8 bilyan oo doolar balse haatan waxay ku fadhidaa $ 4 bilyan oo doolar. Waa dhismaha haatan ugu dheer Mareykanka. Dhismaha baarlamaanka Bucharest Dhismaha baarlamaanka Bucharest Dhismaha baarlamaanka Bucharest waxaa la dhisay sanadkii 1984, wuxuu ku fadhiyaa $ 3.9 bilyan oo doolar. Dhismahan wuxuu ku yaalla dalka Romania. Dhismaha Emirate Palace Dhismaha iyo huteelka Emirate Dhismaha iyo huteelka Emirate wuxuu ku yaalla magaalada Abu Dhabi, wuxuu u eg yahay qasriga madxtooyada, waxaana gudihiisa ku yaalla dhowro xarumood oo isugu jiro dukaamo waaweyn iyo huteelo kuwa raaxada ah. Waxaana la dhisay 2005, waxaana qiimaha lagu dhisay lagu qiyaasay $ 3 bilyan oo doolar, qiimaha hadda uu ku fadhiyo ayaa ka badan midkaas. Xarunta Wynn, Las Vegas Xarunta Wynn, Las Vegas Waxaa ku yaalla huteelada kuwooda ugu quruxda badan adduunka, waxaa sidoo kale ku yaalla goobo lagu caweeyo. Sanadkii 2005, waxaa xarigga laga jaray xarunta Wynn, waxaa ku yaalla qolal gaaraya 2,716, waxaana dhismihiisa ku baxday $ 2.7 bilyan oo doolar, haatan wuxuu ku fadhiyaa in ka badan $ 3.4 bilyan oo doolar. Qasriga boqorka Brunei Qasriga Brunei ee Nuurul Iimaan Qasrigan waxaa la dhisay sanadkii 1984, waxaa ku baxday $ 1.4 bilyan oo doolar. Qasriga Brunei (Nuurul Iiman) waa qasriga ugu qaalisan adduunka, welina waa mid taagan. Dhismahan wuxuu xarun u yahay dowladda Brunei, wuxuu ka kooban yahay qolal gaarayo 1,788, wuxuu qaadaya dad gaarayo 5,000 qof. Sultaanka Brunei, Hassanal Bolkiah wuxuu kamid yahay dadka ugu taajirsan adduunka. Qaran News
  12. (ERGO) – Ilyas Abdikadir Adan, 12, and his nine-year-old brother Abdi Manan used to worry about where their next meal was coming from because their widowed mother was barely able to keep the large family fed. Source: Hiiraan Online
  13. By providing solar power to rural clinics, Japan and UNDP are helping to bring down sky-high mortality rates Source: Hiiraan Online
  14. Mudane Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI ayaa jawaab waafi ah siiyay Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiir Saleebaan Cali Koore oo majaro habaabiyay hadal damqay oo hore xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI uga jawaabay wasiir Koore. Waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI bulshada reer Sool, Sanaag iyo Togdheer iyo guud ahaan bulshada JSL sharaf iyo xushmad u wada hayo “Sool iyo Sanaag dadka deggan ee Wasiir Koore ka soo jeedo Xisbiga WADDANI waxba kama sheegin ee wanaag iyo kalgacal buu u hayaa waxaana daliil u ah sidii hufnaanta lahayd ee WADDANI uga shaqeeyay sidii guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif u noqon lahaa oo isba u dhashay gobolladaas,” ayuu yidhi Mudane Dhimbiil. Waxa kale oo uu tilmaamay in hadalka Wasiirku ka damqaday yahay mid marag loo hayo oo hore wasiirku saxaafadda uga sheegay “Kalmadda Xoghayuhu yidhi ee damaqday Saleebaan Cali Koore maaha been abuur ee isaga hore u yidhi ‘Somaliland horena uguma qanacsanayn imikana kuma qanacsani oo Youtube-ka laga helaya hadalkiisii..” Mudane Maxamed Iid Dhimbiil waxa kale oo uu ka jawaabay hadalka wasiir Maxamed Kaahin ku difaacay wasiir Koore “Wasiir Maxamed Kaahin waxa waan waydiinayaa sababta kalmadda Xoghayaha WADDANI meel kadhac u noqotay hadalkii Taliyaha ciidankuna ummadda dhan iyo ciidamada Badhan joogay uu lahaa 20 sanno ayay mushahar ku joogeen bilaashana meel ka dhac u noqon wayday? Maxay kalmadda Xoghayuhuna u reerawday hadalkii taliyuhuna u reeroobi waayay? Waxaan leeyahay xilliyadii reeraha la is cunsiinayay waynu soo dhaafnay oo 94-kii bay ahayd oo lagu galay reeraha qaarkood Soomaaliweyn bay doonayaan, maanta in filinkaa la ciyaarsiiyo oo la xoqo meesha ma taallo,” Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa soo bandhigay 9-qoddob oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax oo ay sheegtay Nabadsugida inay geeriyootay, ay ku maqan tahay gacanta NISA. Fiqi ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu isku dayayo inuu daah-saaro xaqiiqada kiiska Ikraan oo ku maqan saraakiishii NISA, islamarkaana doonayo in qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi iyo qoddobada uu soo bandhigay oo dhameystiran. Cadaymo marag ma doonto ah in Ikraam ku maqan tahay Hogaanka NISA & Villa Somalia oo u soo tafa-xaydatay ka xaglinta cadaaladda iyo duugista Kiiska Ikraan. 1. Qoraalkii NISA soo galisay barta facebook-ga uu ku leeyahay SNTV oo lagu qiray dhimashada Ikraam, looguna tacsiyeeyey ehelkii Ikraam. 2. 48 saac oo raysulwasaaruhu u qabtay agaasimaha NISA in xogta Ikraam uu ku keeno oo ka dhaqangeli weyday dhanka Fahad Yaasiin. 3. Oday Farmaajo oo arrin aan u oolin soo salooshay iskuna dayay in uu indhaha ka weeciyo kiiska Ikraam asagoo furey buuq siyaasadeed. 4. Agaasimihii NISA oo kiiska Ikraam darteed xilka looga qaaday 5. Farmaajo oo Isku dayey in uu qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam asagoo aan marna qaabilin hooyada Ikraam. 6. Kooxda dilaaga ah ee Shabaab oo si la yaab leh isaga fogaysay dilka Ikraam ee dhankeeda loo soo baasay. 7. Caburin iyo Jirdil lagula kacay dhallinyaro banaanbax ku dalbanaysay in Ikraam ay cadaalad hesho. 8. Baabuurkii gabadha lagu afduubay oo la sheegayo in gobol kale la geeyey si baaritaanka looga qariyo. 9. Farmaajo oo ku gorgortamaya in kiiska guddi loo saaro, lagana daaayo maxkamadda. Ma dhumayo xaq qofkii lahaa daba-joogo. kiiska Ikraam wuxuu imtixaanayaa maxkamadda gacanta ku haysa in sharcigu uu sarreeyo ama in qofku sarreeyo. The post FIQI oo soo bandhigay 9 ‘caddeyn oo muujinaya’ cidda ay ku maqan tahay IKRAAN appeared first on Caasimada Online.
  16. Waxaa maanta si rasmi ah loo furay waddada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye kadib in ka badan labo sano oo dhismo lagu waday. Jidkan oo inta uu socday ay ka dhaceen qaraxyo badan kuna naf waayeen dad isugu jira rayid, ciidan iyo xataa injineerada iyo shaqaalaha dhisayey ayaa hadda caadi loo marayaa. Dowladda Qatar ayaa maalgelisay mashruuca dhismaha, waxaa uuna dhismihiisa bilowday July 21, 2019-kii. Qatar waxaa kale oo ay maalgelisay mashruuca dhismaha jidka Muqdisho ilaa Jowhar kaas oo dhismihiisa ay hadda socoto. Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (HOL) - Prime Minister Mohamed Hussein Roble has called on an accelerated process to complete the Upper House selections for Somaliland during a meeting with the deputy prime minister and Senate chairman Mahdi Guled Abdi Hashi. Source: Hiiraan Online
  18. UN Deputy Secretary-General Amina J. Mohammed has called on Somali political leaders to shun political discord which may jeopardize the gains made in the country. Mohammed, who made a day-long visit to Mogadishu on Sunday, said Somalia has achieved considerable momentum with its ongoing electoral process and urged the leaders to de-escalate the political tension in the country, reports Xinhua news agency. “I was encouraged to hear the commitment from all I met with to ensure that this momentum is sustained and that critical elections move forward as scheduled,” said the UN official who also met President Mohamed Farmajo and Prime Minister Mohamed Roble. “I have confidence in Somalia’s leadership to de-escalate any tensions and avoid action that could lead to violence and further delay the elections or undermine its credibility,” she added. Somalia is currently holding elections for its Upper House and is preparing for elections for its Lower House. The international partners have been heavily engaged in supporting national efforts to advance the country’s elections. During the visit, Mohammed expressed solidarity with Somali women’s calls for full and equal participation in political life, and expressed the support of the international community for timely, inclusive, peaceful and credible elections. She highlighted the country’s parliamentary elections as an opportunity to build on the progress made in women’s political participation and emphasised that women’s full inclusion in all sectors of society will contribute to greater resilience, peace, and stability. “Somalia achieved a milestone at its last elections in 2016/17 with 24 per cent of parliamentary seats filled by women, and I am hopeful that the country will build on this by expanding women’s participation even further – ensuring the 30 per cent quota is met is an important first step to full representation and an inclusive society. The peace dividend will not happen without women,” Mohammed added. The post UN urges Somali leaders to shun political discord to enhance stability appeared first on Caasimada Online.
  19. A 26-year-old male Somali asylum seeker was arrested by police in Italy after several people were stabbed in the northern resort town of Rimini, several Italian news outlets reported on Sunday. What do we know so far? Four women and a six-year-old boy were injured in the incident, which occurred on Saturday evening. The boy is is said to be in critical condition after wounds on his neck. The suspect was reportedly riding a bus without a ticket, and attacked two ticket controllers while aboard the vehicle. He then fled the scene and wounded three other people while on the run. The police later managed to track down the suspect and arrest him. Investigators do not believe the man’s motive was terrorism-related, but rather think the man was likely under the influence of drugs during his rampage. The man had applied for asylum in Italy and was reportedly housed in a Red Cross facility in Rimini. According to the Italian ANSA news agency, the suspect had been living in Europe since 2015 and was denied asylum in several other European countries, such as Denmark, Sweden, Germany, and the Netherlands. Interior minister under fire from Salvini Interior Minister Luciana Lamorgese is expected to meet with local authorities in Rimini on Monday to discuss the incident. She called the crime a “very grave episode.” Former Italian Deputy Prime Minister and leader of the right-wing Lega Nord party Matteo Salvini slammed Lamorgese over the incident and called for stricter immigration controls. “Minister Lamorgese, how many other victims do we have to count until Italy becomes a safe country?” Salvini tweeted Sunday. Migration is a major political topic in Italy, with asylum seekers from Africa and the Middle East often sailing across the Mediterranean to to reach Italy’s shores. The post Somali man arrested in stabbing of five people at Italian resort appeared first on Caasimada Online.
  20. Officials from AMISOM, the Somalia Police Force and the Office of the Prime Minister on Thursday conducted a security assessment and reconnaissance visit to Garbaharey, Gedo region of Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada S/land oo shaaciyey Liiska Guddi-hoosaadyada Golaha+Xildhibaan walba Guddida lagu daray Guddiyadan oo ka kooban 10 guddi, ayaa Mudaneyaasha ku jiraa guddi walba iska dhex dooran doona Guddoomiyaha fadhigooda u horreeya ee ay yeeshaan. Qaran News