-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray amar lagu mamnuucay cayda iyo aflagaadada madaxda dalka, isku dirka qabiillada, iyo baahinta sawirrada ama muuqaallada suurad xumaynaya qaranimada. Sidoo kale waxaa amarka uu Boolisku soo saaray lagu mamnuucay isticmaalka dareeska ciidamada, gaar ahaan dadka aan ka tirsanayn xoogagga ammaanka ama u xiranaya xafladaha iyo munaasabadaha gaarka ah. tallaabadana ayaa qayb ka ah dadaallada looga hortagayo ku xadgudubka madaxda iyo hadallada kicinta iyo isku dir ah, waxayna Boolisku sheegeen in qof kasta oo jebiya amaradan laga qaadi doono tallaabo sharci ah, iyadoo la horgeyn doono maxkamad si loo mariyo caddaaladda. Dhowaan ayay ahayd markii Booliska Soomaaliya, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaleey uu xabsiga u taxaabay dhallinyaro lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Source: goobjoog.com
-
Howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Shabaab ayaa weli ka socda deegaanada hoos taga degmada Ceeldheer, halkaas oo jimcihii la soo dhaafay uu dagaal culus ku dhex maray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya dadka deegaanka iyo kooxda Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer ayaa sheegay inay si buuxda uga feejigan yihiin weerarro kale oo laga yaabo kooxda Shabaab inay ku soo qaaddo degmada. Ciidamo sahan ah ayaa haatan gaaf meeraya gudaha iyo duleedka degmada si loo xaqiijiyo ammaanka. Dhanka kale, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku qulqulaya Ceeldheer, kadib guulihii ay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka soo hooyeen dagaalkii jimcihii. Taliyaha ciidamada lugta xoogga dalka, Sahal Cabdullahi, iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada si ay u dhiirrigeliyaan ciidamada ku sugan halkaas. Taliyaha ayaa kulammo la qaatay saraakiisha iyo maamulka degmada, wuxuuna ku bogaadiyay guulaha la gaaray, isaga oo ku adkeeyay inay sii xoojiyaan difaaca degmada iyo deegaanada ku xeeran. Maamulka degmada iyo saraakiisha ayaa dhankooda warbixino ka siiyay xaaladda amniga iyo howlgalada socda. Degmada Ceeldheer ayaa jab xooggan ku gaarsiisay kooxda Al-Shabaab kadib weerar dhowr jiho ah oo ay ku soo qaadeen jimcihii, waxaana tan iyo maalintaas degmada soo gaarayay gurmadyo kala duwan oo lagu xoojinayo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda. Source: goobjoog.com
-
Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa sanadkan muujisay guul-darro aad u baaxad weyn, ka dib markii kumanaan arday ay dhaceen. Sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada DDS, tirada ardayda galay imtixaanka waxay ahayd 16,779 arday, halka ay gudbeen oo kaliya 462 arday, taas oo ka dhigan in boqolkiiba aad u hooseeya oo ka mid ah ardayda ay heleen shahaadada. Natiijadan ayaa dhalisay dood iyo walaac ballaaran oo ku saabsan tayada waxbarashada deegaanka, waxayna mas’uuliyiinta waxbarashadau tilmaameen in guul-darradani ka dhalatay caqabado isbiirsaday, sida agab waxbarasho oo aan ku filnayn ardayda, macallimiin aan tababar joogto ah helin, ardayda oo aan si wanaagsan loogu diyaarin imtixaanka, iyo dhibaatooyin dhaqaale iyo bulsho oo carqaladeeya waxbarashada. Qoysas iyo arday badan ayaa muujiyay niyad-jab, iyagoo ku baaqay in dib u habeyn degdeg ah lagu sameeyo nidaamka waxbarashada, si loo hubiyo in ardayda mustaqbalka ay helaan fursad waxbarasho oo hufan. Wasaaradda Waxbarashada DDS ayaa dhankeeda ballan qaaday in la sameyn doono dib-u-eegis dhammaystiran oo lagu hagaajinayo manhajka, lagu tayeynayo macallimiinta, lana wanaajinayo habka imtixaannada, si sannadaha soo socda loo gaaro natiijo ka wanaagsan. Source: goobjoog.com
-
Players of FC Barcelona celebrate a goal during the La Liga football match between FC Barcelona and Valencia CF in Barcelona, Spain, on Sept. 14, 2025. (Photo by Joan Gosa/Xinhua) Source: Hiiraan Online
-
Israeli forces destroyed at least 30 residential buildings in Gaza City and forced thousands of people from their homes, Palestinian officials said, as U.S. Secretary of State Marco Rubio arrived on Sunday to discuss the future of the conflict. Source: Hiiraan Online
-
Manchester United's troubles deepened on Sunday as Ruben Amorim's side slumped to a comprehensive derby defeat against Manchester City. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar. Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qeybgalka shirweynaha degdegga ah ee ay isugu imaanayaan dalalka Islaamka iyo Carabta. Shirkan oo lagu qabanayo magaalada Doha ayaa diiradda lagu saarayaa weerarkii dhawaan ay Yahuuddu ka geysteen gudaha Qadar, arrintaasi si weyn walaac uga abuurtay waddamada Islaamka iyo Carabta. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirweynaha, isaga oo uga hadli doona mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda hadda taagan iyo baahida loo qabo mideynta codka dalalka Islaamka si looga jawaabo dhacdooyinka foosha xun ee ka dhashay weerarka. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaleey ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay aflagaado u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dhallinyaradan oo magacyadoodu kala yihiin: Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid ,Amin Maxamed Xasan, Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim ayay Booliisku sheegeen in la soo qabtay kaddib markii muuqaal ay soo dhigeen barta TikTok uu ku faafay baraha bulshada, kaas oo ay ku muujinayeen hadallo gef iyo aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha. War qoraal ah oo ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in falalka noocan ahi ay dhaawacaan sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana ay ka hor imanayaan Dastuurka iyo shuruucda dalka. Saraakiisha ayaana xaqiijiyay in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si loo mariyo habraaca sharciga ah. Booliiska ayaa bulshada ku wargeliyay inay ka fogaadaan faafinta ama ku dhaqanka falal lagu tilmaamay marin-habaab iyo aflagaado, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda. Source: goobjoog.com
-
UNHCR warns of rising migrant deaths on Somalia–Yemen route
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Migrants and asylum seekers moving through Somalia face escalating risks of violence, trafficking, and exploitation along smuggling routes, according to a new UNHCR report warning of life-threatening conditions across key migration corridors. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya shir ay dalalka Carabta iyo Islaamka ay kaga hadlayaan weerarkii ay dhawaan Israel ka fulisay magaalada Dooxa ee dalkaasi. Weerarkan oo Israel ku beegsatay madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub. Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israel ka fuliyeen gudaha magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah. Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maalintaas khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani oo uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Dooxa, isaga oo u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka. Weerarka kaddib, Xamaas waxay sheegtay in kuwa la beegsaday ay ka doodayeen soo jeedintii ugu dambeysay ee Trump. Kooxda waxay intaas ku dartay in weerarku “uu xaqiijinayo, shaki la’aan, in Netanyahu iyo xukuumaddiisu aysan doonayn in la gaaro wax heshiis ah ayna si ula kac ah u doonayaan inay fashiliyaan dhammaan fursadaha jira ayna carqaladeeyaan dadaallada caalamiga ah.”
-
Raaskambooni (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Jubbaland, gaar ahaan qaybta ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa howl-gal ballaaran ka wada deegaanka Raaskambooni. Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah ciidamadu uga sameeyeen dhulka howd ah ee hoos yimaada deegaanka Raaskambooni ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose. Howl-galka oo ay fuliyeen cutubka Hanqadh ayaa ka dhacay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Raaskambooni. Intii lagu guda jiray, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo lagu tuhunsan yahay in ay halkaasi kaga tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamisa ciidamada sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa in laga hortago weerarro qorsheysan oo kooxdaasi ku doonayeen inay ku qaadaan saldhigyada ciidamada iyo xarumo kale oo muhiim ah. Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si joogto ah uga waday howlgallo amni xaqiijin ah deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Hoggaanka ciidamada ayaa ku tilmaamay howl-galadan kuwo hordhac u ah qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana muujinaya go’aanka Jubbaland ee ku aaddan in gebi ahaanba la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadda shacabka. Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo Saaxiibada Caalamka, ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.
-
Doorashada duqa degmada Gaalkacyo ee dhinaca dowlad goboleedka Puntland oo maanta ka dhacday xarunta maamulka degmada ayaa noqotay mid ay hareeyeen buuq iyo gacan ka hadal. Doorashadan ayaa ahayd mid ay si weyn indhaha ugu hayeen shacabka magaalada iyo xisbiyada siyaasadda Puntland, maadaama Gaalkacayo ay tahay magaalo istaraatiiji ah oo xudun u ah ganacsiga iyo siyaasadda gobolada dhexe. Inta lagu guda jiray wareegii koowaad ee doorashada, waxaa dhacay gacan ka hadal kooban oo dhex maray xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka, taas oo keentay in codbixintu dib u dhacdo muddo kooban. Si kastaba ha ahaatee, guddiga doorashada ayaa ku guuleystay inay xaaladda dejiyaan, iyagoo kaashanaya ciidamada booliska ee goobta joogay, waxayna doorashadu gashay laba wareeg, iyadoo ugu dambeyntii uu ku guuleystay Xildhibaan Xuseen Dambalas, oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Puntland ee KAAH. Xildhibaan Dambalas ayaa helay codad badan oo ka sarreeyay musharixiintii kale, taasoo ka dhigtay duqa cusub ee Gaalkacayo oo ah magaalo sanadihii dambe wajahaysay culaysyo dhinacyada adeegyada dowliga ah iyo kaabeyaasha nolosha bulshada ah. Source: goobjoog.com
-
Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa maanta lagu soo afjaray kiis dil ah oo muddooyinkii la soo dhaafay xiisad ka dhex abuuray laba beelood oo deegaanka ku wada nool. Heshiiska lagu soo gunaanaday xurguftii ka dhalatay kiiskaas ayaa lagu gaaray gogol nabadeed oo ay hormuud ka ahaayeen odayaasha dhaqanka, culimada iyo maamulka deegaanka. Xalinta kiiskan ayaa ku dhammaatay in la bixiyo mag dhan 210 halaad oo geel ah, taasoo ah magta dhaqanka Soomaaliyeed, iyo in la siiyo laba gabdhood oo godob-reeb ah si loo adkeeyo heshiiska iyo xiriirka labada beel. Sidoo kale, waxaa la kala qaaday laba qori oo dirir-reeb ah si loo xaqiijiyo in colaaddaasi aysan dib u soo laaban, waxaynq odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka goobta ka hadlay tilmaameen in heshiiskani uu yahay mid soo celinaya nabadda, isku-duubnida iyo wada noolaanshaha bulshada Buuhoodle. Maamulka degmada iyo saraakiil amni oo ka qeybgalay madasha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo heshiiska oo aan dib loogu noqon colaad iyo xurguf. Goobjoogayaashii xafladda ayaa dhankooda sheegay in farxad weyn laga dareemay magaalada, maadaama heshiiskan uu soo afjarayo muran muddo dheer saameyn ku lahaa bulshada deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka ee Somaliland ayaa soo saartay habraac cusub oo socdaalka, kaasi oo si toos ah uga hor imanaya go’aankii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa). Habraacan cusub ee socdaalka Somaliland ayaa dhigaya in dadka kasoo degaya garoomada maamulka ay fiisaha soo gelitaanka ku bixiyaan gudaha garoomada ee maamulkaasi, ee uu ka mid yahay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa Maamulka Somaliland ayaa noqonaya maamulkii labaad ee si rasmi ah uga horyimaada nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Hay’adda Socdaalka ee Somaliland ayaa sidoo kale shardi uga dhigtay qofka ajnabiga ah ee imanaya deegaanadeeda in uu haysto tigidhka labaashada ee safarka iyo in la helo cid damiin ah oo qaada mas’uuliyadiisa. Qodobada kasoo baxay hay’adda socdaalka ayaa u dhigan sidan: 1. In qofka uu haysto Passport waqtigiisa dhicitaanku ay ka hadhsan tahay lix bilood iyo ka badan. 2. In qofku uu haysto tigidhkii labaashada ama tigidhkii safarka. 3. In uu caddeeyo in uu haysto dhaqaalihii uu ku joogi lahaa muddada uu Somaliland ku sugan yahay. 4. In la helo cid lagala xidhiidho ama Hotel uu ballan ka sii qabsaday. 5: Dadka asal ahaan Soomaaliga aha ama qurba joogta Soomaalida ah loogama baahna caddayn maaliyadeed ama tigidh noqosho. 6. Dadka soo degayaa waa in ay bixiyaan lacagta Fiisaha soo geli taanka oo ah mid lagu bixinayo goobaha ay Somaliland ka soo galeen. Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah mid ka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay. Puntland iyo Somaliland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.
-
Feeryahanadda Soomaaliyeed ee caanka ah Ramla Ali ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Dadweyne tiro badan, dhalinyaro isboorti iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa ku sugnaa garoonka si ay ugu muujiyaan taageerada iyo bogaadinta ay u hayaan guulihii taariikhiga ahaa ee ay ka soo hoysay caalamka. Ramla Ali ayaa dhowaan ku guuleysatay bilad dahab ah oo taariikhi ah, taas oo ka dhigaysa gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee gaarta heerkan sare ee feerka caalamiga ah. Soo laabashadeeda dalka ayaa u muuqata mid dhiirigelin weyn u noqonaysa dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha doonaya inay galaan ciyaaraha heer caalami. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sheegay in Ramla Ali ay tusaale u tahay sida dadaal iyo go’aan adag loogu gaari karo guul, xilli Soomaaliya ay dib u dhis ku waddo qeybaha isboortiga. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay la kulanto dhalinyarada feerka iyo kooxaha ciyaaraha si ay waayo-aragnimadeeda ula wadaagto. Source: goobjoog.com
-
Ceeldheer (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa gelinkii dambe ee shalay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay hub iyo maxaabiis laga qabtay kooxda Al-Shabaab. Maxaabiista nolosha lagu soo qabtay oo labo nin ahaa ayaa la hor keenay warbaahinta, iyagoo garbo duub u xiran. Maxaabiistan ayaa lagu soo qabtay dagaalkii Jimcihii ka dhacay degmada Ceeldheer. Saraakiisha soo bandhigay maxaabiistan Shabaabka ayaa ballan-qaaday in si habboon loola dhaqmi doono inta lagu wareejinayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Xafladda lagu soo bandhigay maxaabiista iyo hubka laga furtay kooxda Al-Shabaab waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Saahid Jaamac Faarax Jareere iyo saraakiil kale. Waxaa isla goobtaas abaalmarin lacageed lagu guddoonsiiyay askari la sheegay inuu ka hortagay gaari ay kooxda Al-Shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, kaas oo lagu doonayay in lagu weeraro degmada Ceeldheer. Weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer ayaa lagu tilmaamay midkii ugu weynaa ee kooxdaasi ku soo qaaday tan iyo markii degmadaas laga xoreeyay sanadkii 2022. Dagaalka Ceeldheer oo markii hore ku bilowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala hortageen difaac adag, iyadoo jab culus gaarsiiyeen cadawga. Dagaalkaasi oo socday muddo saacado ah, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo loo geystay xubnaha weerarka soo qaaday, iyadoo dowladdu soo bandhigtay muuqaallo meydad ay sheegtay inay halkaasi uga carartay kooxdu. Ciidanka ayaa dagaalkan ku dilay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka, sida ay sheegtay dowladdu.
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka ayaa soo saartay war-murtiyeed ay muwaadiniinta dalkooda ku wargelinayso siyaasadda cusub ee socdaalka ee ku saabsan dhulka isku magacaabay Somaliland. Aqbalidda Visa On Arrival Wasaaraddu waxay sheegtay in muwaadiniinta Jarmalka ee u socdaalaya magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo ay heli karaan dal-ku-gal (Visa On Arrival) marka ay ku soo degaan garoomada diyaaradaha ee magaalooyinkaas. Tani waxay meesha ka saartay shuruuddii ahayd in ay codsadaan E-Visa Soomaaliya kahor inta aanay soo safrin. Dhanka kale, Wasaaradda Jarmalku waxay muwaadiniinteeda uga digtay xaaladaha amni, caafimaad iyo nololeed ee ku adag gobolka, iyadoo sheegtay in adeegyada caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ay aad u liitaan. Waxay kula talisay muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo ku aaddan ammaankooda iyo caafimaadkooda inta ay ku sugan yihiin gudaha Somaliland. Go’aankan Jarmalka ayaa loo arkaa inuu jabinayo xeerka madax-bannaanida Soomaaliya, maadaama fiisaha rasmiga ah ee dalka Soomaaliya uu hoos yimaado dowladda Federaalka ee Muqdisho. Aqbalidda fiisaha gaar ahaaneed ee Somaliland waxay dhalisay dood ku saabsan faragelin sharciyeed iyo sida ay saamayn ugu yeelan karto xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in mar kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu raadinayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota, isla markaana ay ololihiisa ku muujisay Hawlgalka Calmiskaad. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warkan xaqiijiyay, ayaa ololaha ahaan u adeegsaday Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland kula dagaallamayaan maleeshiyada argagixisada ah ee Daacish. Wasiirku waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay Madaxweynihii ugu horreeyay Puntland, Korneyl Cabdullaahi Yuusuf, iyo Madaxweyne Siciid Deni. “Dowladda Puntland: gacanta difaaca, gacanta horumarka. Puntland waxay u diyaarsan tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed, sidii ay hore ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Mar kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuu samatabixin doonaa dawladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Deni si rasmi ah ugu tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota, isagoo ku adkeeyay: “Xilligan ma jiro hoggaamiye Soomaaliyeed oo waxqabadkiisa la hubo, marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni. Sidaas darteed, Soomaali maanta Saciid Cabdullaahi Deni bay u baahan tahay.” Doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya ee dhacay bishii May 2022, Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa mid ka mid ah musharrixiinta ugu saameynta badan. Wuxuu gaaray wareegii saddexaad ee doorashada, isagoo ka mid noqday saddexda musharrax ee ugu dambeeyay, isaga oo ay wehliyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inkasta oo Deni uu taageero ballaaran ka helay xildhibaanno badan iyo saameyn weyn ku lahaa saaxadda siyaasadda, haddana wuxuu ku haray wareeggii ugu dambeeyay. Doorashadaas waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud, oo noqday madaxweynihii labaad ee Soomaaliya dib loogu doorto. Si kastaba, Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa jiray khilaaf siyaasadeed oo joogto ah oo u dhexeeyay Xukuumadda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa si cad u dhaliilaysay Dowladda Federaalka, iyadoo ku eedeysay in Villa Somalia ay ku tumaneyso dastuurka iyo nidaamka federaalka, ayna ku dhaqmeyso siyaasad awood urursi ah oo aan la wadaagin dowlad-goboleedyada. Khilaafkaas ayaa horseeday in Puntland ay xiriirka u jarto dowladda federaalka, kuna dhowaaqdo in ay u dhaqmeyso sida dal madax-banaan oo kale. Sidaas darted, ma cadda sida Saciid Deni uu uga qeyb qaadan karo nidaam doorasho oo ay hogaamineyso dowladda federaalka.
-
SANAAG, Somalia – Authorities in Somalia’s semi-autonomous Puntland state have launched an investigation after a well-known traditional elder was killed in a mysterious airstrike, regional police confirmed. The attack has stirred fear and confusion in a region already struggling with complex security challenges. Omar Abdullaahi Abdi, a respected community elder known locally as a Caaqil, died when three missiles from an unidentified warplane struck his vehicle. The attack took place near the village of Jiicaanyo in the Sanaag region as he was driving alone toward the town of Badhan. Puntland police said local pastoralists witnessed the strike. A senior officer described the aftermath as devastating. “We found the vehicle and the deceased’s body at the scene, which was heavily damaged,” the officer told reporters. “A preliminary investigation confirmed that he was driving the car alone when it was hit.” The officer added that the car was targeted by an aircraft that fired “three missiles,” though the source of the plane remains unknown. “The investigation is still ongoing, and the final results will be announced later,” he said. Family demands answers The victim’s family has rejected any suggestion of mistaken identity, insisting he had no links to extremist groups. His brother, Ali Abdullaahi Abdi, made an emotional appeal for clarity. “We only have the bones of the Caaqil… he never had any contact with the wanted groups,” he said. “We are waiting for a clear answer from the Puntland government.” Police noted that the elder was an active community figure who had recently attended a government-led conference in Bosaso on developing the Sanaag region, underscoring his civic role. No group has claimed responsibility, and Puntland has not assigned blame. However, airstrikes in Somalia are most commonly carried out by US Africa Command (AFRICOM) in support of the Somali Federal Government, usually targeting Al-Shabaab or ISIS militants. According to monitoring groups like Airwars, AFRICOM has conducted multiple airstrikes in Puntland, including operations with local forces against an ISIS faction entrenched in the Cal Miskaad mountains on the Bari–Sanaag border. Still, the targeting of a civilian elder is highly unusual. Locals in the Ceelbuh district, where the strike occurred, said this was the first attack of its kind in their area, leaving residents shaken and questioning the intelligence behind the strike. The role of a Caaqil In Somali society, a Caaqil is a traditional elder who mediates disputes, fosters reconciliation, and upholds the clan-based governance system—a cornerstone of community life, as recognized by institutions such as the European Union Agency for Asylum. The killing of such a figure threatens to undermine social trust and weaken local governance structures. As the investigation continues, residents of Sanaag—and the family of Omar Abdullaahi Abdi—are left waiting for answers, struggling to understand how a man of peace became the victim of a military strike.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka. Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe. Danjir Richard H. Riley oo madasha ka hadlay ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka ku amaanay labada qodob oo uu goluhu wax ka qabtay, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Safiirka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Mareykanka uu garab istaagi doono dowladda iyo shacabkeeda, si loo adkeeyo dowladnimada Soomaaliya. Dhankiisa, Sheekh Aadan Madoobe oo isna hadalka qaatay ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Waxaa kale oo ay labada dhinac ay isku raaceen la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, si looga faa’iideysto fursadaha muhiimka ah. Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageera Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhinaca milatariga, isaga oo sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa faah-faahin hordhaca ah ka bixiyay baaritaanka ay wadaan ee ku aadan duqeyntii shalay lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo kamid ah waxgaradka gobolka Sanaag. Booliska ayaa sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday aagga degaanka Jiicaanyo oo ka tirsan degmada Ceelbuh, isla markaana lala beegsaday gaari uu watay Nabadoonka oo xilligaas kusoo jeeday dhanka degmada Badhan. Sarkaal sare oo u hadlay Booliska ayaa sheegay in marxuumka uu kaligiisa saarnaa baabuurka, isla markaana ay goobta ugu tageen isagii iyo gaarigii oo isku basbeelay. “Meeha waxaan ugu tegnay gaarigii iyo maydka marxuumka oo burbur wayn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karno inay yihiin xubno bani’aadan aanay ku jirin. Baaris hordhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada Boolisku waxaa la ogaaday in marxuumka oo watay gaari uu ahaa kaligii, una socday degmada Badhan” ayuu yiri saraalka Booliska. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay duqeysay baabuurka, isla markaana ay marxuumka la heshay saddex gantaal, balse ma shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda. “Duqeyntaas oo ay arkayeen dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ah waxay ahayd diyaarad la beegsatay saddex gantaal gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi Cabdi. Nabadoonku beryahaan wuxuu ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso oo uu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb-galay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumrinta Sanaag” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli baaristu ay sii socoto, isla markaana natiijada kama dambeysta ah ay dib ka shaacin doonaan. Dhinaca kale Cali Cabdullaahi Cabdioo la dhashay marxuumka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in qoyskiisa iyo bulshada deegaanka ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday Caaqilka. “Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi. Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii Buuraha Calmiskaad. Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada. Si kastaba, Geerida Caaqil Cumar ayaa si weyn u saamaysay bulshada ku nool Ceelbuh iyo nawaaxigeeda. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi iyo walaac ka dhashay dhacdadan, taas oo ahayd duqayntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda gobolka Sanaag.
