Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Click here to read more about this article Qaran News
  2. Safarka rasmiga ah ee uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sh. Cabdullaahi Daahir Jaamac Daahir (Baashe) ku tagay dalka Qadar, iyo kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Qadar, Sh. Qanim bin Shaheen, waa tallaabo istiraatiiji ah oo xambaarsan fursado muhiim u ah labada dhinac. Kulankaasi waxa uu ahaa mid lagu dhisay saldhig cusub oo iskaashi, gaar ahaan dhinacyada Diinta, Awqaafta iyo mashaariicda horumarinta ee la xidhiidha adeegyada bulshada. Waa markii ugu horreysay muddooyinkii dambe ee si rasmi ah looga hadlo xoojinta xidhiidh diimeed iyo mid waxtar u leh bulshada oo ka dhexeeya Somaliland iyo Qadar, iyadoo diiradda la saaray laba qodob oo muhiim ah: Xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee dawladaha, si loo abuuro is-faham iyo wada shaqayn joogto ah. Kobcinta iskaashiga wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee labada dal, iyada oo la isku dhaafsanayo khibradaha, aqoonta iyo hirgelinta mashaariic si wada jir ah loo fuliyo. Kulankan waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay Somaliland oo leh dhaxal diimeed iyo dhaqan suuban, iyada oo iskaashigan labad adal uu Somaliland u horseedi doono in si dhab ah looga jabaabo baahiyaha dhinaca awqaafta, tababarada culimada, iyo dhismaha kaabeyaasha diinta sida masaajidda, xarumaha diinta iyo xarumaha waqfiyada. Waxaa sidoo kale kulanka ka muuqday in uu yahay mid si qoto dheer loo agaasimay, maadaama uu Wasiirka wehelinayay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle), taas oo tilmaamaysa in arrintani ay leedahay dhidib siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo la taaban karo. Fursadda Istaraatiijiga ah ee Kulanka: Iskaashigan cusub wuxuu furi karaa albaabyo hor leh oo la xidhiidha: Maalgelinta mashaariic diimeed iyo bulsho oo Somaliland laga hirgeliyo. Tababar iyo kor u qaadista tayada culimada iyo khudbad-yaqaannada, Wacyigelin iyo barnaamijyo wadajir ah oo lagu dhiirrigeliyo is-dhexgalka iyo garashada diinta suuban. Gunaanad: Waxaan bogaadinaynaa dadaalka Wasiirka iyo weftigiisa, isla markaana aan rajaynayo in kulankan noqdo mid aan ku ekaan madal siyaasadeed oo sawirro laga qaato, balse uu noqdo mid natiijo keena oo taabanaya nolosha bulshada Somaliland, gaar ahaan dhanka adeegyada diinta iyo waqfiyada. Xidhiidhka diimeed iyo iskaashiga noocan ah waa mid ka mid ah tiirarka ay ku taagnaan karto sumcadda iyo isdhexgalka caalamiga ah ee Somaliland, xilli ay dunidu u baahan tahay wada shaqayn iyo is-afgarad dhinaca qiyamka iyo horumarka. Axmed M. Saleebaan Qaran News
  3. Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald J. Trump ayaa hadallo kulul oo dhaleeceyn ah u jeediyay Ilhan Omar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo asalkeedu yahay Soomaali. Trump oo ka hadlayay arrimaha siyaasadda gudaha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ilhan Omar in ay isku dayayso inay saameyn ku yeelato maamulka dalkaas, ayadoo kasoo jeedo dal uu ku tilmaamay mid aan lahayn nidaam dowladeed oo shaqaynaya. “Waxay ka timi Soomaaliya, iyagu miyay leeyihiin dawlad, Madaxweyne, miyay leeyihiin Booliis? Waa meel aan waxba ka jirin,” ayuu yiri Trump. “Waxayna doonayaan inay noo sheegaan sidaan waddankeena Maraykanka u maamuli lahayn.” Hadalkan ayaa ah mid sii hurinaya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Trump iyo Ilhan Omar, kuwaas oo hore ugu dagaallamay arrimaha socdaalka, siyaasadda arrimaha dibadda, iyo xuquuqda Muslimiinta Mareykanka. Ilhan Omar ayaa hore ugu jawaabtay weerarrada noocan oo kale ah, iyadoo ku tilmaantay hadallada Trump kuwo naceyb iyo takoor ku dhisan oo halis gelin kara bulshada Muslimiinta iyo dadka soo galootiga ah. Source: goobjoog.com
  4. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum, oo ay isugu yimaadeen wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay. Madashan, ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida. Halkudhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”. Waxaa madasha ka soo qeyb galay in ka badan 1,800 ergo, oo isugu jira wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah. Ka qeybgalka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wadahadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida. Source: goobjoog.com
  5. The US drone strike that killed Omar Abdullahi Ibrahim, conducted with the cooperation of the Federal Government of Somalia, casts doubt on the reliability of the intelligence used to designate Somali civilians for targeted killings. Badhan (Opinion) — Yesterday the United States of America stated it had killed Omar Abdullahi Ibrahim, a traditional Somali leader, last week near Badhan district in Sanaag. The area in which US drones targeted Omar is currently controlled by Puntland State of Somalia. The press release from AFRICOM states that the US carried out the attack in coordination with the Federal Government of Somalia. To carry out such an attack on a person suspected of terrorist links, the party launching the attack acts on intelligence provided by partner organisations. Since the federal National Intelligence and Security Agency (NISA) does not operate in Puntland State, who supplied the US with the intelligence on which it based its decision to assassinate Omar Abdullahi Ibrahim? Until yesterday the Puntland State government was under pressure to issue a statement on the death of Omar. The statement from AFRICOM does not exempt Puntland State from the obligation to share with the family of the slain man how the US concluded that Omar was “an arms dealer for Al-Shabaab.” Moreover, the US has a history of killing Somali civilians by mistake. In 2020 BBC News reported that “the US military has admitted to causing civilian casualties as a result of an air strike in Somalia.” “A respected Somali elder met the President of Puntland at the PMPF compound in Bosaso only [a] few days ago. This weekend he was killed in an airstrike & branded “al Shabaab.” This is not only false, it is dangerous. If an elder can meet a Somali leader in daylight & then be declared a terrorist by nightfall, what message does that send? That no Somali authority or individuals is safe from foreign mislabelling & targeting with impunity!” tweeted Abdisaid Muse, the former Foreign Minister of Somalia, who was once the National Security Adviser to President Mohamed Abdullahi Farmaajo. Somalia needs help with defeating transnational terrorist organisations, but information on which foreign countries use drones in Somalia should not lead to the killing of innocent people. Omar Abdullahi Ibrahim has never been blacklisted. The US should come clean on the killing of a Somali nabaddoon (peacemaker) whom Puntland State has never regarded as a terrorism sympathiser. Jama S. I. Ali is a lawyer in Badhan. The post When a Somali Elder Becomes a US Target: Who Decides? appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho, 18 Sebteembar 2025 — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise goboleed lagu yareynayo kharashaadka isgaarsiinta xuduudaha la isku maro isla markaana lagu horumarinayo isdhexgalka dhijitaalka ah ee Bulshada Bariga Afrika. Wada-tashigu wuxuu isu keenay shirkadaha isgaarsiinta si ay dib u eegis ugu sameeyaan qorshaha Soomaaliya ee ku biirista ONA iyo inay soo gudbiyaan talo iyo jawaab celin ku saabsan diyaarinta farsamo iyo sharci ee looga baahan yahay. Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo furay kulanka, ayaa xusay muhiimadda hindisahan, isagoo yiri: “Ku biirista Soomaaliya ee Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran waxay ka dhigan tahay dhimista kharashaadka adeegga roaming-ka, kobcinta isku-xirnaanta bulshada Bariga Afrika, taageeridda isbeddelkeenna dhijitaalka ah, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.” Intii uu socday kulanka, Hay’addu waxa ay soo bandhigtay Khariidadda Qaran ee Soomaaliya ee ku saabsan hirgelinta ONA, taas oo qeexaysa marxalado lagu fulinayo. Qorshe-hawleedku wuxuu bixinayaa waddo cad oo lagu waafajinayo shuruucda qaranka iyo tacriifooyinka heerarka gobollada, diyaarinta xeer-nidaamiyeyaasha, iyo hubinta isdhexgalka loo dhan yahay. Kulanka wada-tashiga waxa uu noqday madal wada-hadal oo u dhexaysa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta, taas oo adkaysay ballan-qaadka wadajirka ah ee ku aaddan isgaarsiin xuduudeed oo la awoodi karo oo hufan. Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhammaystirto hirgelinta ONA, taas oo siin doonta macaamiisha Soomaaliyeed adeegyo roaming oo jaban, isla markaana kor u qaadi doonta fursadaha isku-xirnaanta dhijitaalka ah iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka oo dhan. Source: goobjoog.com
  7. In an exclusive Interview with THE ADVOCATE POST by Abdul Rafay Afzal (Editor in Chief) with H.E Cumar Shucayb (Minister of Livestock, Fisheries and Rural Development, Somaliland) during his official visit to Somaliland, in which he explained the functioning of the ministry, areas of investment in the sectors of Livestock, Fisheries. How Investment in certain areas can be very beneficial for foreign investors in this new market and gateway to Central Africa and beyond. Apart from that other areas have been touched as well. Q1: Could you begin by explaining the role of your ministry and its contribution to Somaliland’s economy? Our ministry covers three vital areas: livestock, fisheries, and rural development. Livestock is by far the largest contributor to Somaliland’s economy, both in terms of GDP and export revenue. Every year, millions of sheep, goats, and camels are exported—mainly to the Gulf region, especially Saudi Arabia. Fisheries is still underdeveloped, despite our 850 km coastline along the Gulf of Aden, which is rich in marine resources. Rural development ensures that our pastoral and coastal communities are supported with infrastructure, education, and services, because they form the backbone of these sectors. Q2: Livestock is often described as the backbone of Somaliland’s economy. Why is it so important, and how do you see investment opportunities here? Livestock provides income for the majority of our rural population and makes up around 60–65% of our exports. Somaliland’s advantage is that our livestock is raised traditionally — no artificial hormones or chemicals, just open grazing. This makes our animals naturally organic, which is a growing demand in global markets. The key opportunity is in value addition. Right now, most animals are exported live. If investors establish modern meat processing and packaging facilities, we can move into processed exports, which brings higher revenue and creates jobs. This shift from live exports to processed meat could be transformative for both the economy and investors. Q3: What about the fisheries sector — why do you call it an underutilized opportunity? Our coastline is among the longest in the region and has rich fishing grounds, but today we are only utilizing a small percentage of that potential. Unlike Somali waters, which have had piracy and security concerns, Somaliland waters are relatively safe and open for trade. There is demand both regionally and globally for seafood, and investors can enter areas such as commercial fishing, fish processing, cold storage, and export logistics. This sector could become the “next big thing” for Somaliland if developed responsibly. Q4: Investors are often cautious about entering new markets. What makes Somaliland a credible place to invest? We are realistic: challenges exist, such as infrastructure gaps, limited recognition, and regulatory improvements still needed. But at the same time, Somaliland is stable, has democratic institutions, and is strategically located as a trade hub. With Berbera Port now modernized through DP World and Ethiopia’s involvement, we have a direct connection to Gulf and East African markets. For investors, this means efficient export routes. Our government also offers long-term land leases, customs facilitation, and in some cases, tax incentives for priority projects. Q5: Can you give a concrete example of how a new investment would benefit both Somaliland and the investor? Yes. A medium-sized even full stack but of international standards meat processing plant could handle tens of thousands of animals annually. Instead of selling live goats, processed and packaged meat can generate far higher margins per unit. This benefits pastoralists with better prices, creates jobs in processing and logistics, and gives the investor steady export markets in the Gulf and beyond. The same is true for fisheries: with proper cold storage and packaging facilities, Somaliland could supply high-quality fish to Gulf, Europe, Central African markets, where demand is growing. Q6: How do you ensure sustainability — both environmental and economic? That is critical. For livestock, we are working on better grazing management and water resource development to avoid overgrazing. For fisheries, we are developing licensing systems and marine protection zones to prevent overfishing. We want investors who are committed to long-term partnerships, not just short-term exploitation. Q7: What steps is the ministry taking to improve animal health certification and veterinary services to meet international export standards? This is a top priority. We are improving veterinary services, quarantine facilities, and disease surveillance to ensure our livestock meets international health and safety standards. We are also working with partners to introduce modern certification systems so that Somaliland’s exports are recognized as reliable and safe. At the same time, we are open to international cooperation in this field, including with Pakistan. Pakistan has strong expertise in veterinary sciences, dairy development, and meat processing. We welcome partnerships that can bring knowledge exchange, training programs, and joint ventures to enhance Somaliland’s livestock industry. Q8: What legal protections do foreign investors have in Somaliland, especially regarding property rights and dispute resolution? We understand that investors need certainty. Somaliland has Investment Laws and relevant departments and ministry for trade and investment as well that provides guarantees for foreign investors, including the right to repatriate profits and protection against expropriation. Long-term land leases are available for industrial projects, and our courts handle commercial disputes. We also encourage arbitration mechanisms where needed, to ensure fair resolution. While we continue to strengthen our legal framework, investors can be confident that Somaliland is committed to protecting their rights. Q9: How does Somaliland balance traditional nomadic lifestyles with modernization and industrial investment? This balance is very important. The nomadic lifestyle is part of our identity and culture, and it sustains millions of people. At the same time, modernization is necessary to create jobs and add value to our natural resources. Our approach is to integrate both: for example, processing plants will not replace pastoralists, but instead create higher demand for their animals at better prices. Similarly, in fisheries, industrial investment will work alongside artisanal fishermen. In short, we are modernizing without abandoning our traditions — ensuring that the benefits of new investment flow directly to the pastoral and fishing communities who are at the heart of our economy. Q.10 How do you see the role of regional partners like Saudi Arabia, the UAE, and Ethiopia, and how open is Somaliland to exploring cooperation with new partners such as Pakistan, other Gulf states, and countries like Kenya? Regional partners are vital for Somaliland’s agricultural economy. Saudi Arabia remains our largest livestock market, especially during the Hajj season. The UAE has shown confidence by investing in Berbera Port and related infrastructure, which strengthens our export capacity. Ethiopia is both a market and a transit partner, particularly with the Berbera Corridor project connecting us to the Ethiopian highlands. At the same time, we are very open to building new partnerships. Pakistan, for example, has strong expertise in meat processing, dairy development, and veterinary services, and we see great potential for cooperation in technology transfer and joint ventures. Other Gulf countries are natural partners for both livestock and fisheries, given their proximity and demand for high-quality, halal-certified products. We also see opportunities with East African neighbors such as Kenya, which already has an advanced dairy and livestock industry. Cooperation can bring mutual benefits — from sharing knowledge to opening new regional markets. Q11: Last question: what is your message to international investors and partners reading this interview? Somaliland is open for business. We offer organic livestock, untapped fisheries, and a strategic location at the Horn of Africa. We are looking for serious partners who can bring technology, knowledge, and investment. The market is not saturated — the opportunities are real. I invite investors to visit, see the potential for themselves, and work with us in a cooperative spirit. Qaran News
  8. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku dhawaaqay in Caasho Macalin Mursal Cali lagu helay dambiyo culus oo la xiriira maalgelinta ururka Al-Shabaab, dhaqaale gelinta falal argagixiso, iyo dhaqidda lacago sharci darro ah. Baaritaanno uu sameeyay xafiisku ayaa muujiyey in akoonka Caasho Macalin Mursal Cali uu marsiiyey lacag gaareysa $2,120,621 (Laba milyan, boqol iyo labaatan kun, lix boqol iyo kow iyo labaatan doollar). Lacagtaas waxaa loo adeegsaday maalgelinta argagixisada, fulinta qaraxyo, dilal, iyo abaabulidda weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay: 16 sano oo xarig ah, Ganaax lacageed oo ah $20,000, In la baabi’iyo dhammaan akoonnada ay leedahay, lana wareejiyo dowladda wixii hanti ah ee ku jira. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa caddeeyey in go’aankani qayb ka yahay dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah. Waxaa lagu wargeliyay dhammaan dadka ku hawlan falalka khatarta ah in si cad sharciga hortiisa loogu keeni doono lana horgeyn doono cadaaladda. Source: goobjoog.com
  9. Mas’uuliyiin ka tirsan qaybaha Xukuumadda ayaa maanta magaalada Boorama ku booqday Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble. Qaran News
  10. Ciidanka Booliska degmada Godinlabe ayaa xabsiga dhigay koox dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay si aflagaado ah ugu heeseen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo isticmaalayay heesta caanka ah ee “Birmade Xasan Sheekh” oo ay u rogeen qaab ka dhan ah sharafta Madaxweynaha. Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay muuqaallo ku duubeen baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, halkaas oo ay ku faafiyeen muuqaal ay ku dhaleeceynayeen Madaxweynaha, taasoo loo arkay aflagaado iyo ku xadgudub sumcadda hay’adda madaxtinimada qaranka. Sida uu sheegay sarkaal boolis oo la hadlay warbaahinta deegaanka, “Waxaan u qabannay dhalinyaradan in ay jebiyeen xeerarka, iyagoo isticmaalaya fursadaha baraha bulshada si ay u dhaawacaan sharafta Madaxweynaha iyo dowladda.” Kiiskaan ayaa dhalin kara dood ku saabsan xorriyadda hadalka iyo xadka uu leeyahay marka ay la xiriirto madaxda sare ee dalka, iyadoo bulshada qaybo ka mid ah ay ku baaqeen in dhalinyarada loo tixgeliyo si wacyigelin ah, halkii laga ciqaabi lahaa. Source: goobjoog.com
  11. Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo ka soo kicitimay Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe. Mudane Xasan Shire oo kamid ah hormuudka Siyaasiyiinta Puntland, ayaa waxa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay xubno miisaan culus oo isugu jira siyaasiyiin, xildhibaanno, mas’uuliyiin hore, bahda dhaqanka, ururrada Bulshada, Haweenka, Dhalinyarada iyo dadweyne isaga yimid dhammaan xaafadaha Garoowe. Intaaasi kaddib, mudane Xasan Shire oo khudbad u jeediyay dadweynaha ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo duruufta bulsho ee ka jirta degaannada Puntland, gaar ahaanna go’doonka dhaqaale ee shacabka Puntland wajahayaan, oo uu sabab u tahay go’aankii xukuumadda Deni ku xannibtay mashaariicdii heer Federaal. Wuxuu sheegay in dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland ay hawlgab noqdeen, oo aysan jirin hal mid oo shaqa ka socoto, islamarkaana shaqaalihii iyo ciidamadii Puntland xuquuq la’aan yihiin in ka badan lix bilood, taasi oo keentay in ciidamadu waddooyinka xirtaan oo xannibaan gaadiidkii canshuur-bixiyaasha ahaa, kaddib markii ay xuquuqdoodii ka waayeen xukuumadda Deni. “Waxaad ogtihiin maamulkii dowliga ahaa iyo hay’adihii dowladdu meeshay marayaan iyo siday yihiin maanta hal xafiis dowladeed oo shaqeeya ma jiro Puntland, guud ahaana shaqa socota ma jirto, waxaad ogtihiin mushaarooyinkii shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ugu danbaysay mudda lix bilood ka badan, oo ciidamadii waddooyinkay isbaarooyin dhigteen, si ay xuquuqdooda u helaan” ayuu yiri mudane Xasan Shire Abgaal. Hoggaamiye Xasan Shire wuxuu sidoo kale sheegay in mashaariicda u xanniban go’aaannada siyaasadeed ee xukuumadda Deni in ay sabab u noqdeen go’doon dhaqaale iyo mid nololeed oo ay wajahayaan shacabka Puntland, taasi oo dhibbane u noqday siyaasad-xumo iyo maamul-xumo, isagoo xusay in hadda kaddib madaxweyne Deni lagu la xisaabtamayo arrintaasi. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  12. Iyadoo maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayey cidda geysatay duqeyn ka dhacday Badhan ee gobolka Sanaag, taasoo lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo aan la xaqijin cidda geysatay weerarka duqeynta ah ee lagu dilay ayaa ciidamada Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa ay shalay soo saareen hadal qoraal ah oo kooban oo ay ku sheegeen in duqayn cirka ah ay ku beegsadeen ganacsade hubka ka iibiya Al Shabaab 13 September. Duqeynta ayey sheegeen in ay ka dhacday agagaarka magaalada Badhan. Taliska ciidamada Ameerikaanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa intaas ku daray “AFRICOM, oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda Al-Shabaab ay ku handadayaan Mareykanka, ciidamadeena iyo muwaadiniinteena ku sugan dibadda”. Warka kasoo baxay Taliska AFRICOM kuma qorna magaca qofka ay duqeynta ku dileen sidaasi oo kale kama hadlin in cid rayid ah ay duqeyntaasi wax ku noqotay. Ilaa iyo hadda si la isku waafajiyo in ay laba duqeyn ahayd iyo in ahayd duqeyntaas uu caaqilku ku dhintay weli wax faahfaahin ah lama hayo, laakinse xilliga ay duqayntu dhacday, taariikhda ay dhacday iyo meesha ay ka dhacday intaba waxay isla xiriirinayaan dilka caaqilka iyo weerarka Maraykanka. Bbcsomali Qaran News
  13. The President of the Republic of Somaliland, Mr. Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro), held an important meeting today with the Lord Mayor of Sheffield, Mrs. Safiya Saeed (Safiya Berberaawi), who is currently on an official visit to the country. The meeting focused on strengthening the historic relationship, development cooperation, and collaboration between the two parties, particularly between Somaliland and the city of Sheffield in the United Kingdom. The President thanked Mrs. Safiya Saeed for her visit to Somaliland, highlighting the important role played by the Somaliland community residing in Sheffield in the development of the country. He also praised their role as a bridge connecting Somaliland and the United Kingdom, consistently defending the cause and existence of Somaliland. The President noted that Sheffield was the first city in the UK to clearly show support for the recognition of Somaliland in 2014, a bold step that encouraged other major cities in the UK to also support Somaliland’s cause. On her part, Lady Lord Mayor Safiya Saeed thanked the President for the warm welcome she received in Somaliland. She emphasized the importance of cooperation in areas of development, education, and community collaboration. She particularly highlighted the role of women in building the Somaliland nation and encouraged increased participation of women in political and governmental administration. Mrs. Safiya Saeed pledged that the Sheffield City Council will continue to support Somaliland’s cause and strengthen the cooperative relationship between the two sides, especially in the fields of education, health, investment, and community development. Qaran News
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka soo laabtay safarkiisi waddanka Imaaraatiga Carbeed ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu ku booqanayo askar ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad. Madaxweynaha Puntland oo mudda 9 cisho ah joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa halkaasi kula soo kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE oo isku dayay in ay dhex-dhexaadiyaan labadan hoggaamiye iyo Villa Somalia, balse isku daygaasi uu fashil ku dhammaaday. Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa markii uu ku laabto Boosaaso in uu qaabilo wefdi ka socda dowladda Maraykanka oo ay hoggaaminayaan Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Dagvin Anderson iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, oo uu kala Shirayo La-dagaallanka Argagixisada Daacish& Al-shabaab iyo qodoba kale oo muhiim ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dhawaan Boosaaso ku qaabilaya wefdi sare oo ka socda dowladda Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  15. Marxuum Cumar Cabdullaahi Ibraahim oo toddobaadkii hore Maraykanku ku dilay meel aan ka fogeyn Badhan. Boosaaso (Wararka PP) — Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay in saldhiggeeda AFRICOM uu geystay weerar 13 Sebteembar 2025 ka dhacay Sanaag. Weerarkaas waxaa lagu beegsaday gaari uu watay Cumar Cabdullaahi Ibraahim oo ahaa nabaddoon, kuna geeriyooday weerarkaas. “Annagoo kaashanayna Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu 13 Sebteembar 2025 Taliska AFRICOM geystay weerar cirka ah oo lagu beegsaday qof Al-Shabaab hubka u iibin jiray” ayuu Taliska AFRICOM ku qoray warsaxaafadeed uu maanta soo saaray. Waxaa socotay baaritaan dilka ku saabsan oo uu maamulka Puntland waday. Nabaddoonka ayaa dhowaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kula kulmay Boosaaso. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo sheegatay weerarkii lagu dilay Cumar Cabdullaahi Ibraahim appeared first on Puntland Post.
  16. 𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Fadhigii 35-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 35-aad waxa ka mid ahaa: 1. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira lixda Gobol ee Dalka. Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto deggenaansho siyaasadeed oo buuxa. 2. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi, isaga oo Golaha u sheegay dedaal badan oo ay samaysay Wasaaraddu gashay kadib, in guud ahaan hawlaha Dakhli ururinta Qaranka ee odoroska bisha September 2025-ka ay u socdaan sidii loogu talo galay. Wasiirku waxa uu sheegay in inta ka hadhay sannadkana la rajaynayo in Xaaladda Dakhliga iyo Dhaqaalaha Qaranku uu ka sii wacnaado. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay si habsami leh u socdaan daraasadaha iyo qorshayaasha lagu xoojinayo Dhaqaalaha Dalka iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha dalka taasi oo ay horseed ka yihiin Guddida sare ee Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada JSL oo dhawaan soo gudbin Daraasado dhammaystiran. 3. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran, waxana uu Golaha u sheegay lin dedaallada Gurmadka Abaaruhu si wacan u socdaan, gaar ahaan Dayactirka Ceelasha Biyaha iyo qaybinta deeqaha raashinka oo la gaadhsiiyey meelaha ay ka jiraan baahiyaha ugu badani. 4. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐡𝐚𝐛-𝐬𝐚𝐦𝐢-𝐮-𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐨𝐨𝐟𝐤𝐚, 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Cumar Shucayb Maxamed. Wasiirka ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo la xidhiidha dhoofka xoolaha, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay adkaynayso nidaamka dhoofinta iyo ilaalinta tayada xoolaha. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu gebi ahaanba mamnuucday dhoofka xoolaha aan gaadhin da’da Dhoofka, si loo ilaaliyo taranka iyo tayada xoolaha dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay kor u qaadayso sumcadda Somaliland ee suuqyada caalamka ee Xoolaha nool iyo mustaqbalka dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in la xoojinayo kormeerka iyo hubinta caafimaadka Xoolaha. 5. 𝗪𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗝𝗦𝗟: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi. Wasiirka waxa uu Golaha Wasiiradda warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isaga oo xusay hawlaha adeegyada caafimaadka bulshada ee Gobollada Dalka iyo caqabadaha jira ee Qaran ahaan u baahan in wax laga qabto. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha u caddeeyey in jarista dhaqaalaha caalamiga ah ee ay Dawladda Maraykanku ka jartay Hay’adaha Caalamiga ah (USA global funding cuts) ay saamayn xun ku yeelatay barnaamijyo caafimaad oo muhiim ah ka socday Wasiiradda, halkaasina ay ka dhalatay caqabad iyo baylah culus oo xagga caafimaadka bulshada ah. Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay Wasaaradda ka go’an tahay xaqiijinta iyo xoojinta adeegyada caafimaadka bulshada iyo iskaashiga caalamiga ah, si ay shacabka Somaliland u helaan adeeg caafimaad oo hufan oo joogto ah. 6. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 84/2025: Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland ayaa toddobaadkii 2-aad dood adag ka yeeshay Xeerka Kalluumaysiga Qaranka JSL Xeer Lr. 84/2025. Dood dheer, soo jeedino iyo talooyin la xidhiidha qabyo-tirka iyo tifaf-tirka Xeerka kaddib, M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), maadaama uu Xeerka Kalluumaysigu yahay Xeer aad u muhiim ah, waxa uu Golaha faray in Xeerka lagu kaabo talooyinka Goluhu soo jeediyey, sidoo kalena lala akhriyo Xeerarka kale ee Dalka, Garyaqaankuna soo dhammaystiro, dabadeedna Todobaadka loo ballamo Ansixinta Xeerka. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  17. 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐓𝐀𝐈𝐖𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐗𝐎𝐎𝐉𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐈𝐒𝐊𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐈𝐁𝐋𝐎𝐌𝐀𝐀𝐒𝐈𝐘𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Taipei, Taiwan – Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Cabdinasiir Axmed Xirsi, ayaa kulan heerkiisu sareeyo la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Ambassador Wu Chih-chung François, iyo mas’uuliyiin kale oo sare sare. Kulanka ayaa daarnaa adkaynta xidhiidhka gaarka ah ee labada dal, iyadoo labada dhinac- Baanka Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Taiwan weeyaane- ay isla meel dhigeen iskaashi cusub oo dhinacyada Maaliyadda, Ganacsiga iyo Tignoolajiyada ah. Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo hadal ka jeediyey kulanka, waxa uu xusay kaalintii uu hore uga qaatay aasaaskii iskaashiga iyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sanadkii 2019 xiligaas oo uu ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha debedda ee somaliland, waxaana uu tilmaamay sida uu maanta u midho dhalay xidhiidhkaas labada dal oo ku dhisan kalsooni, is-ixtiraam iyo himilo wadaag. Sidoo kale waxa uu tilaamay in Iskaashiga Maaliyadeed, ka ganacsi iyo tignoolajiyaduba ay muhiim u tahay koboca dhaqaale ee labada dal ee Somaliland iyo Taiwan. Sidoo kale Guddoomiyaha Baanka Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey waxay booqdeen xarunta dhexe ee Hay’adda Dhexe Caymiska Dhigaalka ee Taiwan (Central Deposit Insurance Corporation (CDIC), waxaana weftigta Somaliland si diiran u soo dhaweeyey Mr. Tien-Mu Thomas Huang, oo ah Guddoomiyaha hay’ada CDIC, Madaxda fulinta Annie Cheng, iyo Guddoomiye ku-xigeenka fulinta Yvonne Y. Fan, kuwaas oo la wadaagay weftiga Somaliland khibraddooda ku saabsan Nidaamyada Caymiska Kaydka baananka iyo Hay’addaha Maaliyadeed ee kale si loo Maareeyo khataraha ke gedaaman, Labada dhinac waxay isku raaceen in la dardar-geliyo iskaashiga iyada oo loo marayo heshiish is af-garad (MoU) oo dhex mara Baanka Somaliland iyo Hay’ada (CDIC). Guddoomiyaha Baanku intii uu joogay Taiwan, waxa uu sidoo kale wada hadal la yeeshay 1. Baanka Dhexe ee Taiwan (Central Bank of Taiwan). 2. Hay’ada Korjoogtaynta Hay’addaha Maaliyadeed (Financial Supervisory Commission) (FSC) ee Taiwan, 3. Hay’adda Caymiska Kaydka Dhexe ee Taiwan (CDIC) Kulamadaas oo dhammaatood guul ku soo dhamaaday waxa laysla iqaatay in ay sameeyaan dhinacyadu iskaashi ku salaysan Khibrad-wadaag, Taageero farsamo , Horumarinta kaabayaasha maaliyadeed oo casri ah, iyo Fududeynta ku biirista Somaliland ee Nidaamyada Lacag-bixinta iyo is dhaafsiga lacagaha Caalamiga ah ee SWIFT. Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Hay’addaha dhinaca Maaliyada ee Taiwan waxa ay dhawaan kala saxeexan doona Heshiisyo is Af-garad (MoUs), si loo rasmiyeyo oo looga dhabeeyo ballan-qaadyadan iyo is-fahanka dhex maray labada dhinac, Waxaana sida ugu dhakhsaha badan dhawaan la filayaa in Hay’adda Dhexe ee Caymiska Dhigaalka ee Taiwan (CDIC) ay noqoto hay’addii ugu horraysay, taas oo gacan ka geysan doonta aasaasidda Nidaamka Caymiska Dhigaalka Somaliland, hadii Alle idmo. Gebogabadii, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid horseedi doona furfurnaan iyo in la horumariyo bahda Maaliyaddda ee Somaliland, taas oo keeni doonta koboc dhaqaale oo waara. Guddoomiyaha waxaa kulamada ku wehlinayey Safiirka Somaliland ee Taiwan Mudane Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, , iyo Mudane Maxamuud Axmed Maxamed, Lataliyaha Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland. ALLA MAHAD LEH Qaran News
  18. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha JSL 𝐌𝐝. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐥𝐞𝐞𝐛𝐚𝐚𝐧 ayaa maanta soo xidhay kulan-hawleed sadex cisho qaatay oo ay isugu yimaadeen dhamaan daneeyayaasha Mashuuraca Horumarinta Khayraadka Dawladda Ee 𝐒𝐄𝐑𝐏. Waxa intii uu socday kulan-hawleedku si weyn loogu lafo-guray wixii u qabsoomay mashruuca intii uu soo socday meelaha u baahan in wax laga badelo ee dib-u-eegista u baahan, caqabaddihii ka hor yimid iyo kuwa ka hor iman kara ee u baahan in laga sii gaashaanto, iyo dejinta qorshe-hawleedka lagu shaqaynayo labada sano ee soo socda hadii Rabi qadaro. Waxa kulanka goob-joog ka ahaa Masuuliyiinta Hay’addaha Mashruuca qaybta ka ah, gudiyada farsamo ee daneeyayaasha, masuuliyiin ka socday Bangiga Aduunka iyo hawl-wadeenada Mashruuca PIUs {𝐏𝐫𝐨𝐣𝐞𝐜𝐭 𝐈𝐦𝐩𝐥𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐔𝐧𝐢𝐭𝐬}. Mashruucan Bangiga Aduunku maalgaliyo ee SERP {𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐄𝐧𝐡𝐚𝐧𝐜𝐢𝐧𝐠 𝐏𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐑𝐞𝐬𝐨𝐮𝐫𝐜𝐞𝐬} waxa uu la xidhiidhaa dhinacyada Horumarinta Khayraadka Dawladda, waxaana qayb ka ah; Wasaaradda Maaliyadda, Hay’addaha Shaqaalaha iyo Maamul-wanaaga, Hanti-dhawraha Guud, Gudi-hoosaadka Wakiilada ee Dabogalka Hantida Dawladda (PAC), Bangiga-dhexe ee JSL, Hadaneeyayaaly’adda Qandaraasyada Qaranka iyo Qaran News
  19. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐋𝐨𝐫𝐝 𝐌𝐚𝐲𝐨𝐫-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐞𝐟𝐟𝐢𝐞𝐥𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 (𝐔𝐊). Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan la yeeshay Lord Mayor-ka Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, Marwo Safiya Saeed (Safiya Berberaawi). Kulanka waxa lagu falanqeeyey xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga horumarineed iyo wada-shaqaynta labada dhinac. Madaxweynuhu waxa uu Marwo Safiya Saeed uga mahad naqay booqashada ay ku timid Somaliland, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee ay bulshada reer Somaliland ee ku nool magaalada Sheffield ku leeyihiin horumarka Somaliland. Madaxweynuhu waxa kale oo uu bulshada Somaliland ee Sheffield ku ammaanay sida ay u noqdeen biriij isku xidha Somaliland iyo dalka Ingiriiska, iyaga oo mar kasta difaaca xuquuqda jiritaan iyo qadiyadda Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Sheffield ay ahayd magaaladii ugu horreysay ee ku dhawaaqda aqoonsiga Somaliland sanadkii 2014-kii, taasi oo ahayd tallaabo geesinnimo leh oo sii xoojisay xidhiidhka shacabka Somaliland iyo magaalada Sheffield, taasoo ku dhiirrigelisay in magaalooyin kale oo waaweyn oo ka tirsan Boqortooyada Ingiriiska ay ku dhawaaqaan aqoonsiga Somaliland. Iyaduna dhankeeda, Marwo Lord Mayor Safiya Saeed waxa ay Madaxweynaha uga mahad naqday qaabilaada, iyada oo kala hadashay arrimo muhiim ah oo la xidhiidha xagga horumarka, Waxbarashada iyo iskaashiga bulshada. Waxa ay si gaar ah u tilmaantay kaalinta muhiimka ee ay haweenku ku leeyihiin dhismaha Qaranka JSL iyo sida loogu baahan yahay in la xoojiyo korna loo qaado ka qaybgalka Haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo maamulka Dawliga ah. Waxa ay ballan qaaday in Golaha Deegaanka ee Sheffield ay sii wadi doonaan ka shaqaynta qadiyadda Somaliland isla markaana ay sii adkayn doonaan xiriirka wada-shaqayneed ee Somaliland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga iyo iskaashiga bulshada. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  20. Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Xukuumadda Siciid Deni ayaa Khamiista berri ah ku wajahan magaalada Garoowe. Xasan Abgaal oo lagu xasuusto in uu ahaa wasiirkii Maaliyadeed oo mudadii xil-hayntiisa aysan hal bil xuquuq la’aani ku dhicin ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, islamarkaana aysan jirin ciidamo gadoodsan oo waddooyin xirtay ayuu Siciid Deni xilka qaadis ku sameeyay 23th Sep. 2022. Wuxuu sidoo kale kamid noqday siyaasiyiinta u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii Jan. 2024, balse dib loogu doortay Madaxweyne Deni ,kaddib markii uu inta badan gacantiisa ku soo qortay kuraastii xildhibaannada oo ay saxiixi jireen odayaasha dhaqanka. Imaatinka Xasan Abgaal ee Garoowe ayaa ku soo beegmaya xilli ay xuquuq la’aan baahsan ka cabanayaan shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo dhawr jeer gadood sameeyay, kuwaasi oo wakhtigii xil-hayntiisa si joogto ah u heli jiray xuquuqdooda. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah mucaaridka ugu fog ee Siciid Deni oo berri ku wajahan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. Marxuum Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahan iyo Culimada Beesha East Sanaag Clan oo bayaan wadajir ah soo saaray ayaa ka dalbaday Xukuumadda Puntland in ay jawaab deg deg ah ka siiso cidda fulisay Weerarkii lagu dilay AUN caaqilka Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim oo Sabtidii Torobaadkan duqeyn diyaaradeed lagu dilay. “Sida aan wada ogsoonnahay, waxaa 13/sep/2025, weerar diyaaradeed oo gantaalo loo adeegsadey lagu diley Caaqil, Cumar C/laahi Cabdi Ibraahim isagoo ku jira safar oo keligiis wata gaadhigiisii, kana soo baxay Magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag, kuna socdey magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, markii uu marayey meel u dhow Tuulada Jiicanyo ayaa lala beegsaday saddex gantaal.” “Haddaba, madaxda Dhaqanka, aqoonyahanka iyo Culimada Diinta ee gobollada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka gobolka Bari iyaga oo ku hadlaya afka bulshada gobolladaas kana duulaya xilka iyo waajibaadka masuuliyiinta dawladda puntland ka saaran amniga guud ee dalka, ilaalinta bedqabka bulshada, iyo ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee nabadgelyada mawaadiniinta, waxay Madaxweynaha iyo dhammaan golayaasha dawladda puntland ka dalbayaan inay jawaab degdeg ah kasoo bixiyaan.” “Ciddii geysatey ee fulisey weerarka diyaaradda iyo gantaalaha loo adeegsaday laguna diley Caaqil, Cumar C/laahi Cabdi Ibraahim iyo cid kasta oo gacan kasiisay dilkaas. Sababta loo beegsaday ee lagu bannaystay dilkiisa annagoo og inuu caaqil, Cumar ahaa oday samatalis ah dalka oo dhanna laga yaqaaney inuu ahaa caaqil ku suntan ka shaqaynta amniga, nabadgelyada iyo maslaxadda dalka iyo dadka” ayuu u dhignaa bayaankaasi. Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahan iyo Culimada Beesha East Sanaag Clan, waxay sheegeen in ay jawaab dhammaystiran ka sugayaan Xukuumadda Puntland, islamarkaana Talo guud ka yeelan doonaan dilkii AUN caaqilka Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim, haddii aysan xog lagu qanci kado ka helay dhinaca Puntland. Halkan ka akhriso Bayaanka oo dhan PUNTLAND POST The post Beesha East Sanaag Clan oo Puntland ka dalbatay jawaab deg deg ah oo ku saabsan dilkii Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirka Amniga Waqooyi Bari Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaliya oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa ku eedaysay Xukuumadda Somaliland abaabul iyo dhaq dhaqaaq colaadeed oo khatar ku ah Amniga iyo Xasiloonida labada dhinac. Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayay ku eedaysay Somaliland abaabul ciidan iyo dhaqaaq colaadeed oo ku jihaysan degaannada Waqooyi Bari, taasi oo ay ku tilmaantay tallaabo halis ku ah Nabadda iyo Xasiloonida Geeska Afrika. Waxay sheegtay in Somaliland isu diyaarinayso in ay weerar ku soo qaaddo degaannada Waqooyi Bari, waxaana ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo looga hortagayo weerarka Somaliland. “Dowladda Waqooyi Bari waxay caddaynaysaa in ay si dhab ah u qaadanayso colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna ula socoto dhaqdhaqaaq kasta oo ay damacsan tahay, cawaaqib kasta oo ka dhashana ay masuuliyaddeeda qaadayaan Maamulka Hargeysa” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. “Dawladda Waqooyi Bari waxay ugu baaqaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhamaan beesha caalamka in si buuxda u cambaareeyaan qorshaha gurracan ee ay ku hawlanyihiin Maamulka Hargeysa. Sidoo kalana ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo Somaliland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedkan. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Maamulka Waqooyi Bari oo Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  23. Doha (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with the Emir of Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, at the Qatari Royal Palace on Monday. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) - Somali Police Force in Mogadishu’s Garasbaaley district have arrested four young men accused of posting a video on TikTok that allegedly insulted the President of the Federal Government of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud. Source: Hiiraan Online
  25. Nairobi – Baasaaboorrada dalalka Geeska Afrika ayaa sanadkan 2025 lagu qiimeeyay Henley Passport Index, iyada oo ay muuqato kala sarreyn cad oo ku saabsan awoodda socdaalka. Kenya ayaa weli hoggaamineysa gobolka, halka Soomaaliya ay sii wado inay ku jirto liiska ugu hooseeya ee caalamka. Kenya iyo Tanzania Kenya iyo Tanzania ayaa si isku mid ah ugu jira kaalinta 70aad caalamka, mid walbana wuxuu fursad u leeyahay in lagu safro 70 dal fiiso la’aan ama fiiso marka aad gaarto. Inkasta oo Kenya sanadkii hore kor u kacday, haddana sanadkan hoos u dhac ayaa ku dhacay. Uganda iyo Rwanda Uganda waxay ku jirtaa kaalinta 72aad, iyadoo dadka sita baasaaboorkeeda ay geli karaan 67 dal. Rwanda ayaa ka dambaysa, iyadoo ku jirta kaalinta 75aad, waxaana fursad u ah 63 dal oo fiiso la’aan ah. Ethiopia iyo Eritrea Ethiopia ayaa ka horreysa Eritrea, iyadoo ku jirta kaalinta 91aad, baasaaboorkeeduna uu oggol yahay socdaal 46 dal. Eritrea waxay ku jirtaa kaalinta 98aad, iyadoo leh 42 dal. Soomaaliya Baasaaboorka Soomaaliya ayaa ah kan ugu hooseeya Geeska Afrika, waxaana uu ku jiraa kaalinta 102aad caalamka. Dadka sita waxay geli karaan oo keliya 35 dal fiiso la’aan ama fiiso dal ku gal ah. Inkastoo ay jirto koboc yar marka loo eego sanadihii hore, haddana weli waa baasaaboorrada ugu daciifsan caalamka. Kala sarreynta cusub waxay muujinaysaa in Kenya iyo Tanzania ay sii hayaan hoggaanka gobolka, halka Soomaaliya ay u baahan tahay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan si loo ballaariyo gelitaanka muwaadiniinteeda. Henley Passport Index ayaa sanad kasta soo saarta qiimeynta caalamka, taas oo loo adeegsado cabbir lagu qiimeeyo awoodda socdaalka ee dal walba. Source: goobjoog.com