Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxdii la afgambiyey ee dalka Sudan oo la la’yahay Meelay Jaan & Cidhib dhigeen Abdalla Hamdok Qareeno matalaya hoggaamiyayaasha rayidka ah ee Sudan ee lagu xabisay afgambigii militari ee dalkaas ka dhacay toddobaadkii tegay ayaa sheegay inaan la garaneyn meel ay ku sugan yihiin “ayna ku jiraan xaalad sharci oo halis ah. Toddobaad kahor, ciidamada ayaa xiray ra’iisul wasaare Cabdalla Hamduuk, wasiiradiisa iyo hoggaamiyayaasha rayidka ee hoggaaminayey xaaladda kala guurka ee Sudan ay ugu gudbeysay nidaam dimoqraadi ah kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashiir 2019-kii. Wixii markaas ka dambeeyey koox qareeno ah oo ay taageerayaan qoysaska madaxda ayaa sheegay inay matalayaan madaxda. “Waxaan tagnay xarunta dacwad-oogista dambiyada oo aan rumeysneyn in lagu hayo, balse ma aysan joogin halkaas,” waxaa sidaas yiri Kamal al-Gizouli oo ah madaxda qareenada difaaca. Gizouli ayaa walaac ka muujiyey badqabka maxaabiista, wuxuuna ku baaqay in la shaaciyo halka lagu hayo. “Maxaabiistan waxay ku sugan yihiin xaaladda ugu halista badan ee sharci, maadaama aan waxba la ogeyn kiiskooda iyo cidda hogaamineysa baaritaanka,” ayuu ku daray. Jeneraalka ugu sareeyay Sudan Cabdifataax Al-Burhaan ayaa 25-kii October sheegay inuu kala diray golaha wasiirada iyo golaha qaranimada oo ka koobnaa militariga iyo rayidka. Cabdalla Xamduuk ayaa hadda ku jira xabsi guri, hase yeeshee waxaan waxba laga ogeyn xaaladda xubnaha kale ee golaha wasiirada. Burhan ayaa golaha qaranimada hoggaaminayey tan iyo 2019, isaga oo ka dhinac shaqeynaya Xamduuk, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis awood qeybsi. Qaran News
  2. Government asks people to take up arms as Tigrayan rebel forces are considering marching on Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
  3. Wararka naga soo gaarayo deegaanka Dhagtuur ee hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geystay uu ku dhex maray deegaanka laba maleeyshiyo beeleed oo wada dega. Dagaalka ayaa sida wararka ay sheegayaan waxa uu ka dhashay gabar xalay lagu kufsaday deegaanka, taas oo ka soo jeedda labada meel ee dirirta ay dhex martay mid ka mid ah. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku dhimatay dagaalka oo saacado badan ka socday deegaanka Dhagtuur ee gobalka Mudug. Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa lagu soo waramaya in ay ku baxeen dagaalka si loo kala qaado beelaha halkaas isku heysta. Galmudug ayaa inta badan waxaa deegaanadeeda ku soo noqnoqda dagaalada u dhaxeeya beelaha wada dega maamulkaas ee ku saleysan aanooyinka qabiil iyo dhibaatooyin kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isku dayey inuu qiil u sameeyo guul-darrooyinka ay wajahayaan ciidankiisa iyo guulaha ay gaareen mucaaradka Tigrayga. Abiy Ahmed ayaa Xoogagga Tigray ku eedeeyay in ay dagaal-geliyeen ciidamo ajaanib ah kuwaas oo ka qeyb qaatay dagaalka u dhaxeeya jabhadaas iyo ciidamada Federaalka. Inkastoo uusan sheegin wadamada ay kasoo jeedaan ajaanibtaas, islamarkaana uusan soo bandhigin caddeymo muujinayo eedeyntiisa haddana wuxuu sheegay in ajaanibtaas ay yihiin cadow kusoo duulay dalka Itoobiya. “Waxaa jira dad caddaan iyo madow isugu jira oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo la hadlay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa. Dad ku dhow Abiy ayaa laga soo xigtay in ajaaniibta uu sheegay ay ka id yihiin Masaari, inkasta oo uusan isaga si rasmi ah ugu eedeyn. Eedeynta Abiy ayaa loo arkaa inay caddeyn u tahay sida xaalka ugu xun yahay iyo inuu wajahayo guul-darrooyin xooggan. Abiy Ahmed ayaa ku baaqay in cid kasta oo awooda inay qaadato hubka, si loola dagaalamo TPLF, oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa doonaya, burburinta dowladda Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay. Ciidamada TPLF ayaa isku fidinayo magaalooyin cusub waxayna bartilmaameed ka dhiganayaan waddooyinka muhiim ah ee gala Magaalada Addis Ababa taasoo culeyska kusii badineyso Caasimadda Itoobiya. Maamulka Caasimadda Addis Ababa ayaa shacabka Magaalada ugu baaqay inay 2 berri gudahood kusoo diiwaan geliyaan hubka ay heystaan si ay uga qeybgalaan dagaalka lagula jiro TPLF oo 380 km usoo jirsaday. Ciidamada Tigray-ga Ethiopia ayaa shalay xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo. “Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda. Midowga Tigray-ga ay la sameysteen Oromada oo ah qowmiyadda uga tirada badan Ethiopia, waxaya xoojin doontaa awoodda ay ku halis gelin karaan caasimadda. Wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay xireen dad kasoo jeedo Qowmiyadda Tigrayga, taasoo dhallin karta dagaal qabiil oo ka dhex bilowdo qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya. Colaadda ka socota Waqooyiga Itoobiya ayaa bilaabatay 4-tii Nofembar 2020, kadib markii uu Abiy Axmed amray ciidamada federaalka inay duullaan ku qaadaan ururka TPLF oo xoog ku qabsaday taliska waqooyi. Muddo kooban kadibna, caasimadda Tigray ee Mekelle ayaa gacanta u gashay ciidanka Itoobiya, balse bartamihii June ee sanadkaan ayaa waxaa ku soo rogaal celiyey oo qabsaday xooggaga Tigray. Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana beesha caalamka ay ka digtay in malaayiin qof ay gaajo la ildarin yihiin gudaha Itoobiya. The post Abiy oo shaaciyey ajaaniib ka dhinac dagaalamaya Tigray-ga + Dalka ay kasoo jeedaan appeared first on Caasimada Online.
  5. Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo sida ay sheegeen ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa maanta jidgooyo dhigtay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ah ayaa xannibay isu-socodka laamiga dheer ee u dhexeeya caasimadda Garoowe iyo xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood. Gaadiid badan ayaa weli ku xanniban laamiga waxaana socda wada-hadal lagu xallinayo gadoodka ciidankaas. Dhinaca kale Saraakiisha ugu sarraysay ciidamada Daraawiishta Puntland ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan gadoodka ciidanka. PUNTLAND POST The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadood ka sameeyay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  6. Abstract Somaliland’s endurance as Africa’s longest de facto state has for decades preoccupied scholarship on state formation and democratization. The prevailing democratic success narrative has, however, downplayed the complex internal political dynamics and crises that have characterized Somaliland’s independence since 1991. Relying on a number of robust resources, including 110 interviews and archival work conducted in Somaliland from 2015 until 2021, this article examines at close range Somaliland’s political economy and provides a more cautious assessment of Somaliland’s democratization trajectory. It argues that the political authority of cross-border oligarchic–corporate structures and the securitization of aid created an ‘oligopolistic state’ and ‘peaceocracy’ rather than a national, democratic government. This analysis highlights how de facto states struggle to balance political control and financial hardship generating creative and uneven governance structures. This study also raises important questions about how donors in the Gulf and in Asia provide new opportunities for recognition through Islamic finance and business that may affect de facto states’ commitments to democratization. Finally, it contributes to theorizing about the ideologies of privatized governance that emerge in peripheral and developing economies and the political consequences of perennial non-recognition. Read more here The post Somaliland’s authoritarian turn: oligarchic–corporate power and the political economy of de facto states appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka fakaraya inuu xilka ka qaado guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, madaxweynaha Farmaajo ayaa loo geeyey eedeymo badan oo musuq-maasuq oo ka dhan ah Cumar Filish, kuwaasi oo badankood la xiriira musuq-maasuq lagu sameeyey dhul danguud ah. Farmaajo ayaa soo saaray 28-kii October dikreeto ujeedkeeda lagu sheegay looga hortagayo in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego. Qoraalka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu helay xog ku saabsan in dhulalka dan guud ee la musuq-maasuqayo, ay ka mid yihiin: Dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay, kuwaas sida lagu sheegay qoraalka la isku dayayo in loo sameeyo dukumiinti sharci darro ah. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in warqdada madaxweynaha ay si toos ah ugu socotay Cumar Filish, ayna timid kadib markii loo geeyey xog ka dhan ah guddoomiyaha. Cumar Filish ayaa tan iyo markii ay soo baxday digreetada waxa uu waday dadaallo xooggan oo isugu dayayo inaan xilka laga qaadin, isaga oo maalmihii dhowaa aad ugu badnaa madaxtooyada. Wuxuu sidoo kale dirsaday ergooyin odayaal ah oo la hadlay madaxweynaha, sida aan xogta ku helnay. Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Maxmed Xuseen Rooble uu qeyb ka yahay cadaadiska xilka looga qaadayo Cumar Filish, isaga oo madaxweynaha kala hadlay arrintan. Rooble ayaa olole ugu jira in xilkan loo magacaabo la-taliyihiisa abuukaate Cumar Dhagey, oo ay isku beel yihiin Cumar Filish. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in mustaqbalka Cumar Filish ee xilka duqa Muqdisho uu kala caddaan doono toddobaadkan, waxaana la sheegay in haddii uu badbaado toddobaadkan ay u badan tahay inaan la taaban. The post Xog: Madaxweyne Farmaajo oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Cumar Filish + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  8. Wariyihi HCTV ee Caynaba ayaa Xukuumadda Somaliland maanta ku xidhay magaaladaasi. Weli ma cadda sababta xukuumaddu u xidhay Saxafigan. Source
  9. Wasiirka Wasaarada Ganacsiga S/land oo war cusub ka soo saaray Qiimaha Shidaalka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL waxay faraysaa dhamaan Ganacsatada ka ganacsada Shidaalka,Jimlad iyo Tafaariikh ba in qiimaha shidaalka ee Bisha November uu ahaan doono sida ku xusan Warqadda Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku soo saartay 02/11/2021.Cidda Fulin weydana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. <img class=”j1lvzwm4″ role=”presentation” src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 66 2 Comments 4 Shares Like Comment Share Qaran News
  10. GAROWE (HOL) - The Puntland government cancelled a public forum Monday evening moments before the Federal elections Committee chairman Mohamed Irro was due to address. Source: Hiiraan Online
  11. Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa munaasabad ka dhacday deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka HirShabelle. Askarta iyo saraakiisha ‘is dhiibtay’ ayey Al-Shabaab ku sheegeen inay gaarayaan illaa 9 ruux, isla-markaana ay ka how-galayeen degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi. Qaar ka mid ah askarta lasoo bandhigay oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inay ka howl-galayeen dowladda hoose ee Beledweyne iyo xarumo kale oo ku yaal Hiiraan. Sidoo kale askarta qaar ee la wareystay ayaa magacyadooda waxa ay ku kala sheegeen:- Ibraahim Cabdi Kariin Maxamuud, Cabdirisaaq Cali Aadan, Cabdi Xasan Maxamed, Cabdi Maxamuud Cagey, Bishaar Axmed Abiikar iyo sidoo kale Cabdifitaax Aadan. Cabdirisaaq Cali Aadan oo ka mid ah askarta hadlay wuxuu wareysigiisa ku sheegay inuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa dowladda hoose ee degmada Beledweyne, marna uu soo noqday hoghaye ka tirsan xafiiska guddoomiyaha gobolka, sida uu hadalka u dhigay. “Beledweyne ayaa ka imaaday walaal dowladda hoose ayaan ka shaqeynaayey xogheyn ayaan ahaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa kow ka shaqeyn jiray, qeybta soo dhoweynta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Beledweyne iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Hiiraan, kuna aadan arrinta askartaas ‘isku dhiibtay’ Al-Shabaab. Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla xarumo waa weyn, sida maxkamado iyo saldhigyo ay dagan yihiin dagaalyahanadeeda. The post Shabaab oo soo bandhigtay askar iyo saraakiil ciidan oo ‘isku dhiibay’ + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  12. GAROWE (HOL) - Puntland police boss Hassan Abdi Yare was sacked Monday evening barely few hours after meeting the chairman of the Federal Indirect Elections Team Mohamed Irro. Source: Hiiraan Online
  13. Al-shabaab ayaa soo bandhigtay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo isu dhiibay Al-shabaab. Rag isu’gu jira askar iyo saraakiil ayaa Al-shabaab ku soo bandhigtay tuulada Buq-Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Raggaas oo tiradooda lagu sheegay sagaal nin ayaa ka hawl-gelayay magaalooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi sida Al-shabaab sheegtay. Warbaahinta Al-shabaab ayaa qortay magacyada raggaas; Ibraahim Cabdi Kariin Maxamuud, Cabdirisaaq Cali Aadan, Cabdi Xasan Maxamed, Cabdi Maxamuud Cagey, Bishaar Axmed Abiikar iyo Cabdifitaax Aadan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo soo bandhigtay askar iyo saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo ka qeyb galaya siyaasadda Mareykanka Soomaalida Mareykanka Doorashooyin heer deegaan ee gobolada Mareykanka, ayaa ka qasboomaya dalkaasi, iyadoo xubnihii ugu badnaa ee Soomaali ah ay ka qeyb galayaan tartankan siyaasadeed. Jagooyinka loo tartamayo waxaa kamid ah duq magaalo iyo xubnaha golaha deegaanka. Waxaa sharaxan illaa iyo haatan inta og yahay 14 ruux oo Soomaali Mareykan ah, kuwaasoo u sharaxan kuraas kala duwan. Gobolka Minisota waxaa ka sharaxan sagaal qof oo Soomaali ah. Gobolka Washintan, magaaladiisa Siyatal, waxaa ka sharaxan illaa iyo afar qof oo Soomaali ah. Magaalada Kolombas ee gobolka Ohaayana, waxaa ka sharaxan hal qof, oo u tartamaya golaha waxbarashada. Magaalada Miniyabolis kursiga u sarreeya waxaa u sharaxan A J Cawad, oo ah wiil dhalnyaro ah oo Soomaali ah, isla markaana shaqadiisu tahay qareen. Magaalada Miniyabolis, ayaa u ah xudun siyaasadda Soomaalida Mareykanka, uma codeynayaan kuraasta loo tartamayo oo kaliya. Sidoo kale, waxey kala dooranayaan wax ka badalka xeerka magaalada, ee kusaabsan mustaqbalka booliiska ee amniga, sida looggu qeybinayo awooda Golaha Deegaanka iyo duqa magaalada, iyo xadidista kirada guryaha, oo waa yadii danbe si xawli ah qiimahooddu sare ugu kacayey. Qaran News
  15. Wasiirad ka socota Dawlada Israel oo tahli kariweyday ka qeybgalka Shirka Cimilada Adduunka-UK+Sababta Wasiir Elharrar oo ku fadhida kursigeeda Wasiir katirsan Golaha Wasiirada Israa’iili ah, ayaa sheegtay iney ka qeyb gali weysay Isniintii shirka madaxeedka caalamiga ee cimilada, kaasoo ka dhacaya magaalada Galaskow ee dalka iskotlan. Sababta ka qeyb gal la’aanteeda, ayey la xiriirisay in aaney u saamaxeyn in kursigeeda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ay saaran tahay, inaaney la geli karin goobta uu shirka ka socdo. Karine Elharrar, ayaa ku qortey barteeda Twitter-ka, iney tahay wax laga xumaado, in shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay Jimciyadda Quruumaha Kadhaxeysa, aanu laheyn adeegyada dadka lixaadkoodu dhameyn. Sargaal kamid ah wafdiga ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennet, ayaa sheegay in arrintani cabashadeeda ay u gudbiyeen qaban qaabiyayaasha shirka. Ra’iisal wasaare Bennet, ayaa carabka ku dhuftey inaanu ka qeyb galeynin shirkani Talaadada, oo maanta ah, haddaaney wasiiraddiisa Elharrar aaney helin adeegii u fududeyn lahaa iney kaqeyb gasho shirka. Safiirka u fadhiya Israa’iil dalka Ingiriiska, Neel Wigan, ayaa iyana ku qortey barteeda Twitter-ka, iney si buuxda uga raalli galineyso wixii dhacey wasiir Elharrar. Waxey intaa raacisay safiiradda iney doonayaan shir madaxeedku inuu noqdo mid gacmo furan kusoo dhoweynaya qof kasta, noocuu doonaba ha noqdee. Qaran News
  16. TPLF & OLF-Shane oo sameystay taxaluf cusub Dagaalada Itoobiya Jabhadda Shene OLF iyo TPLF, ayaa sameystay isbaheysi cusub, taasoo noqoneysa awood ballaadhan oo mucaarad ah, oo halis galin karaya caasimadda Addis Ababa iyo dowladda Itoobiyaba. Shaley, labadda kooxood ayaa ku dhawaaqey iney isku dareen dagaal yahanadooda, si ay ula dagaalamaan ciidamada dowladda Itoobiya. TPLF iyo OLF-Shene, ayaa dowladda Itoobiya ku dartey liiska argagaxisada bishii May ee ina dhaaftey. Warkii ugu horeeyey ee la xidhiidha isbaheysiga ay yeelanayaan labadan kooxood, ayaa soo baxey bishii August ee ina dhaaftey. War ku qornaa afka Amxaariga, ee ay soo galiyeen TPLF bog Facebook-ga ay ku leeyihiin oo huban, kaasoo laga soo xigtey hoggaamiye Debretsiyon GebreMaykal, ayaanan lagu carababin dagaaladii ugu danbeeyey ee kooxda, iyo qorsheyaasheeda fog. Waxaa lagu sheegay qoraalka in wadiiqada kaliya ee u furan TPLF mustaqbalka ay tahay burburinta, waa sida qoraalka lagu muujiyee, kooxda Faashistaha, oo ay ula jeedaan hoggaanka dowladda dhexe ee Itoobiya, si ay ugga gun gaadhaan himilooyinkooda fog fog. Afhayeenka TPLF, Getajew Reda, ayaa sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, ka gaabsadey iney ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Inkastoo warar kal hore soo baxey, ay muujinayeen in kooxda TPLF ay doonayaan iney galaan magaalada caasimadda ee Addis Ababa. Mucaaradka kusoo siqaya caasimadda, ayaa ku qasbay ra’iisal wasaare Abiye Axmed, inuu dadweynaha ka dalbado iney hubka qaataan, iyadoo xaalad degdeg ah lagu soo rogey ismaamulka Amxaarada. Qaran News
  17. Somali Journalists Syndicate (SJS) & its partner, Somali Media Association (SOMA) jointly called for end of the violence against Somali journalists and for accountability for perpetrators of crimes against journalists and media workers, and reminds the international community to play its role to protect media freedom in Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay dil iyo dhac ka geysatay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana falalkan ay maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayey caasimada. Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi burcadda ah ay xaafadda Jamhuuriyada ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, kadibna ay u geysteen dhac, iyaga oo ka qaatay taleefanka uu watay. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mowliid Cali Maxamed, wuxuuna ka mid ahaa ardayda sanadkii hore ka baxay Dugsiga Sare ee magaalada Muqdisho. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in burcadda ay markii hore ku amreen Mowliid inuu ku wareejiyo taleefankiisa, kadibna uu dhaga adeegay, iyaga oo mar qura rasaas ku furay, waxaana la sheegay in dhaawac soo gaaray uu markii dambe u geeriyooday marxuumka. Mowliid Cali Maxamed ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana ku noolaa xaafadda Jmahuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo si weyn looga yaqaanay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi. Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey falalka ammaan dari, sida dilalka iyo dhaca xilliyada habeenkii ah ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir. Si kastaba arrimahan waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro, maadaama dowladda Soomaaliya ay haatan ku guda-jirto doorashooyinka 2021-ka. The post Dil xanuun badan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa mar kale wajahaya tartan adag oo u dhexeeya inta illaa imika la hubo Laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo kala ah Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi). Labadan masuul ayaa siyaabo kala duwan mid walba hankiisa Guddoomiyaha Kulmiye ee beddeli doona Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha imika ee Kulmiye u shaaciyey. Damaca labadan masuul ee Guddoomiyaha Kulmiye doonaya oo isku deegaan ka soo jeeda, ayaa labaduba u muuqdaan kuwo hankooda murrashaxnimo la socod siiyey Guddoomiyaha Kulmiye, kaas oo isaguna labadaba madaxa u ruxay. Wasiir Kaahin oo ah Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Kulmiye, ayaa dhawaan qaar ka mid ah Waxgaradka deegaankiisa kula hadlay huteel ku yaala Hargeysa, ayaa u soo jeediyey in ay hankiisa ku dhisaan, maadaama oo uu yahay ninka ugu mudan wakhtigan deegaankiisa ee la dhisi karo, waa sida uu hadalka u dhigaye, isaga oo xusay in uu hore ugu soo tanaasulay siyaasiyiin deegaankiisa ah oo uu muddo u daba fadhiyey sidii ay hankooda u gaadhi lahaayeen. Wasiir Gaafaadhi, ayaa isaguna warbaahinta shalay la hadlay, ayaa xusay in uu doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Kulmiye, isaguna waxa uu fagaaraha la yimid dood ah inuu yahay nin mudan in la dhiso, maadama oo uu dhawr jeer uu soo tanaasulay oo markii u dambaysay uu u tanaasulay Maxamed Kaahin oo doonayey Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Kulmiye, waxaanu carrabka ku adkeeyey in aan mardambe loola iman tanaasul iyo waxaasi. Labadan masuul, ayaa u muuqda in loollankoodu uu noqon doono mid adag oo keeni kara in Madaxda Kulmiye iyo Wasiirrada Xukuumaddu la kala saftaan, iyada oo imika la dareensan yahay in Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo labadan masuul ay isku deegaan yihiin in qaarkood la safan yihiin Xasan Gaafaadhi. Arrintan, ayaa la saadaalinayaa in ay keeni karo dil-dilaac iyo khilaaf Xisbiga hadheeya, maadaama oo labada nin mid walba uu isu arko inuu yahay in Xisbiga dhisi kara codna u keeni kara, isla markaana waxay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay isku muujinayaan. Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isaguna u muuqda mid aan ku deg degayn inuu labada masuul midkood taageero, illaa xaaladdu meel adag gaadhayso, isla markaana shirweyneyaasha Xisbiyada mucaaradka ahi dhinac u dhacayaan, Kulmiye laftiisuna uu helo wakhti uu shirkiisa qabsan karo. Tallaabada uu Madaxweyne Muuse Biixi ku wajaho loollanka labadan Wasiir, ayaa noqon doono laba daran mid dooro, madaama labada masuulba yihiin kuwo siyaabo kala duwan saameyn ugu dhex leh bulshada iyo deegaannadooda. Dadka siyaasadda rog roga, ayaa qaarkood aamisan yihiin in Madaxweyne Muuse Biixi, oo Xasan Gaafaadhi ula tegay hankiisa Murrashaxnimo uu ogolaaday, taasina ay muujinayso in Madaxweynuhu taageersan yahay, isaga oo eegaya waxyaabo dhawr ah oo ay ka mid tahay in haddii uu damaciisa ka hor yimaado in uu ka boodi karo, oo ay sii kordhin karto duruufta siyaasaddeed iyo cabashada deegaannada uu ka soo jeedo, in uu ku xisaabtamayo deegaannada uu ka soo jeedo Gaafaadhi ee garadag iyo Ceel Af-weyne in aanu lumin, in madaama Maxamuud Xaashi dhawaan Xisbiga laga saaray in aanay arrinta Xasan Gaafaadhi-na ay raacin. Dhinaca kale, Maxamed Kaahin Axmed, oo ay Madaxweynaha saaxiibo dhow yihiin, ayaa la aamisan yahay in duruufaha siyaasaddeed ee ku gedaaman Xukuumaddooda iyo Xisbigooduba ay keeneen muddooyinkii u dambeeyey in ay kala weji dadbaan, oo xidhiidhkoodii saaxiibtinimo ay mid shaqo oo duruufaheeda wataa soo dhex gashay, iyada oo qaabka Madaxweyne Biixi uga fikirayo mustaqbalka siyaasaddeed ee Kulmiye iyo ka Maxamed kaahin ay kala duwan yihiin. Muddooyinkii u dambeeyey, waxa jiray tallaabooyin uu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi, oo aanu ku farxin Wasiir Kaahin, inkasta oo tallaabooyinkaasi ahaayeen kuwo ka mid ah waajibaadka Madaxweynaha oo uu gutay, waxaana ka mid ahaa Wasiirro iyo Masuuliyiin Xilalka laga qaaday oo u badnaa kuwo markii hore talo soo jeedintiisa ku yimid, halka la magacaabay kuwo uu u arkay in aan lagala tashan oo ka soo jeeda deegaankiisa. Tallaabooyinkan u dambeeyey ee Madaxweyne Biixi, ayaa dadka siyaasadda lafa guraa tilmaamayaan in ay yihiin kuwo walaac ku abuuri kara Mujaahid Kaahin, oo keeni kara in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi ku dhiso, amma uu isagu sii hayo. Wargeyska Saxansaxo Source
  20. Mogadishu – Tuesday is the International Day to End Impunity for Crimes against Journalists – a key occasion to highlight the difficult conditions some journalists work under and the need to provide justice for the journalists, investigating and prosecuting not only killings but also threats of violence against journalists. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - Armed robbers shot and killed a young man in the Karan district of Mogadishu on Monday night. Source: Hiiraan Online