Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa howl-galo ay kula dagaalamayaan waxyaabaha Maanka dooriya ku soo qabtay maandooriyeyaal kala duwan, kadib markii ay gacan ku dhigeen Warshad kamid ah kuwa sameeya Maandooriyaha oo ku taalla magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed oo sidoo kale ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen keydkii ugu ballaarnaa ee waxyaabaha Maanka dooriya. “Shalay iyo maanta waxay ciidanka Booliiska ah wadeen howl-gal lagula dagaalamayo daroogada dhibaatada badan ku haysa da’yarta dalka, shalay waxaan qabanay maandooriye farabadan, maantana waxaa gacanta lagu dhigay Warshad weyn oo lagu sameynayay waxyaabaha Maanka dooriya,” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish. Waxyaabaha Maanka dooriya ee Warshadaas lagu sameeyo ayaa waxaa kamid ah Calaqa, Xashiiska, kuwaas oo uu sheegay Guddoomiye Filish in uu soo dul istaagay iyagoo 8 digsi lagu karinaayo. Guddoomiye Filish ayaa sidoo kale sheegay in maandooriyaha gacanta lagusoo dhigay lagu gubi doono goob fagaare ah, isagoona uga digay dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya. Warshadaan ayaa waxay ku taalay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxayna gacan ku soo dhigisteedu qeyb ka tahay howl-galo ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ku cirib-tirayaan maandooriyaha oo kusoo batay caasimada dalka. Si kastaba, warshadaan ayaa aheyd tan ugu ballaaran ee lagu farsameeyo waxyaabaha Maanka dooriya, sida ay sheegen ciidamadu, waxayna kamid tahay warshado dhowr ah oo la sheegay inay ku yaallan gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Daawo: Warshad ka mid ah kuwa ugu halisan ee ku yaalla Muqdisho oo gacanta lagu dhigay appeared first on Caasimada Online.
  2. A leaking heart valve – or in technical terms, aortic insufficiency – is a condition in which the valve between the left ventricle of the heart and the main artery cannot close completely. The disease can have varying levels of severity and can be caused by congenital malformations or calcification, among other things. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wafaafinta Soomaaliya Senator Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Senatorradii la doortay ee baarlamaanka federaalka ay ku jiraan xaalad dhaqaale oo aad u adag, maadaama aysan jirin wax xuquuq ah oo ay ka helaan dowladda. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in doorashadaan daba dheeraatay ay kala kulmeen caqab xoog leh hadii ay yihiin senatorrada dooran, isagoo madaxda dalka ka codsaday in xuquuqdooda la siiyo. “Waxaa nasiib darro ah in Senator bishii 7-aad la doortay uusan bishaan 12-aad ID laheyn, oo Mushaar laheyn, oo guno lahey, oo shaqadiisii hore uu ka tegay, oo hadda uusan shaqeyn, waxaa laga yaabaa in dhowr qof oo ila mid ah ay shaqo hayaan hadda, marka xaalad adag ayey ku jiraan senataradii la doortay,” ayuu yiri wasiir Dubbe. Waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen arrintaas, balse ilaa hadda aan waxaba laga qaban, “Ra’iisul wasaaruhu waa ogyahay, madaxweynaha habeen hore ayaan kala hadleynay oo waxa uu lahaa senatorradu xaalad ayey ku jiraane maxaan la qaban karnaa sidaan laguma eegan karee,” ayuu yiri. Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in caqabadaan xuquuq la’aanta ah ee heysata xubnaha Aqalka Sare ay keentay doorashada dalka oo aad u jiitantay, isagoo codasaday in doorashada golaha shacabka la dedejiyo. “Waxaan u baahanahay si arrintaas looga baxo, maadaama la yiri labada Aqal halmar hala wada dhaariyo in doorashada golaha shacabka la dedejiyo, warbaahintana waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeyso dedejinta doorashada,” ayuu yiri Senator Cusmaan Dubbe. Hoos ka daawo Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Daawo: Dubbe oo shaaciyey caqabad heysata xubnaha dooran ee AQALKA SARE appeared first on Caasimada Online.
  4. (SLT-Hargeysa)-Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalalka Itoobiya iyo Gini, Ambassador Timbor Nagy, ayaa ka hadlay Wefti ka socda Aqalka Koongarayska Maraykanka oo safar ku jooga Somaliland. Ambassador Timbor Nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wefti ka socda Kongarayska Maraykanku ay booqdaan Somaliland. Nagy wuxuu sheegay in Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn, balse dedaalaya oo qabsanaya wixii karaankiisa, sidaasi darteed Weftiga ka socda Maraykanku ay bilow u yihiin Socdaallada xaqiiqo-raadinta ah. Timbor Nagy ayaa sheegay “Aad baan ugu faraxsanahay booqashada wefti ka socda Koonkarayska Maraykanku ay booqasho ku tagaan Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Somaliland, waa waddan dhab ahaan shaqaynaya oo samaynaya intii karaankiisa ah, haddii ay dunidu aqoonsan tahay iyo in kale..” Nagy wuxuu sheegay in Weftiga Maraykanka ahi ay bilow u yihiin xaqiiqo-raadinta lagu samaynayo Xaaladaha Somaliland “Waftiga Maraykanka ee booqday Somaliland waa bilow wanaagsan oo dhanka xaqiiqada ah..” ayuu yidhi. Source
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa shaqeyn waayey adeega lacag kala gudbinta ee Zaad Services, oo si weyn looga isticmaalo gudaha Somaliland, kadib cillad ku timid shirkada Telesom. Adeega Zaad ayaa saacadaha uu hawada ka maqan yahay waxa uu saameeyay goobihii Ganacsiga, ayada oo ay isku cakirmeen kumanaan adeegaas lacago ugu jireen oo wax ku kala iibsanayey. Sidoo kale waxa ayaduna cilladu saameysay dhanka ku hadalka (wicitaanka), kaasi oo gebi ahaanba go’an, waxaana adag in dadka isticmaala simcard-ka Telesom inay xiriir la sameeyan shirkada ama dadyow-ga kale. Shirkada Telesom ayaa goordhoweyd raali-gelin kasoo saartay cilada saacadaha qaadatay ee illaa haddana haysata adeegyadii ugu muhiimsana ee Zaad-ka iyo ku hadalka. “Raali Gelin! – Waxaanu ka raali galineynaa dhammaan macaamiishayada sharafta leh hakadkii ku yimid isticmaalka adeegyada Telesom. Waxaanu ku guddo jirnaa xalintii iyo cilad saaridii waxaanu iidiin balanqaadeynaa in aanu wakhti kooban ku xalineyno cilada dhacdey. Mahadsanidiin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkada Telesom. Shirkada si dhab ah uma sheegin waxay tahay cilada soo food saartay, ayada oo ballan-qaaday in sida ugu dhaqsaha badan u xalin doonto, si adeegyada lacag dirista iyo ku hadalka oo muhiim u ah dadweynaha dib ugu shaqeeyaan. Adeega Zaad oo ah middka ciladiisa si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, ayaa waxaa dhowr jeer oo hore uu wajahayay xatooyo kala duwan, ayada oo dhowr jeer shirkada lagu eedeyay in ay mas’uuliyad weyn iska saarin ilaalinta lacagaha dadweynaha. The post Adeegga ZAAD oo hawada ka maqan iyo Telesom oo war kasoo saartay appeared first on Caasimada Online.
  6. Istanbul, December 16, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galaya meertada saddexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mevlut Cavusoglu, isaga oo uga mahad celiyey tageerada ay dowladda Turkigu la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Kulanka Labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta, iyada oo la isla meel dhigay ka wadashaqaynta danaha qaran iyo adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah. Wasiir Cabdisaciid ayaa qayb ka ah Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka qayb galaya Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Istanbul, waxaana shirkan looga hadlayaa iskaashiga iyo mustaqbalka xiriirka Dalalka Afrika iyo Turkiga. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay qiray in culeys uu ku hayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kal hore ka heshiiyeen khilaafkii soo kala dhex-galay. Rooble ayaa sheegay in Farmaajo uu kamid yahay culeyso dhowr ah oo doorashada darteed loogu hayo, kuwaasi oo uga imaanaya Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka. “Dherigii saddexda dhadhaar u dhaxeeyay ayaa ahey haddey tahay madaxda dowlad goboleedyada, musharaxiinta iyo xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo si duur xula u sheegaya in cadaadis ku hayo madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in wax isbedel ah ku iman mowqifkiisi doorashada iyo in la helo doorasho hufan oo daah-furnaan ku dhisan, taasi oo ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda. “Waxaa la isweydiinaya ra’iisul wasaaraha muxuu la aamusan yahay waayadan, tolow ma wadanidii uu tagay ayaa dhabarka kasoo taabtay, cid aan u dhuuntay iyo cid dhabarka iga soo taabatay majirto, doorashadii waa qabasho.” Waxa uu intaas kusii daray in uu ka shaqeyn doono xalinta tabashooyinka laga muujiyey hanaanka doorashada Golaha Shacabka, islamarkaana uu dhawaan shir iskugu imaan doonaan Golaha Wadatashiga Qaranka, oo lagu xoojinayo daah-furnaanta doorashada. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in lama taabtan tahay daah-furnaanta doorashada iyo ku dhaqanka habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyay, ayada oo fursad la siinayo korjoogtayaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Rooble oo qiray in Farmaajo uu kala kulmayo cadaadis la xiriira doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  8. Weftigii Wasiir Max’ed Kaahin Hogaaminaayey Oo Shil Ku Galay Jidka u dhexeeya Laascaanood & Xuddun Wefti uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo ku sugnaa gobolka Sool ayaa shil gaadhi ku galay deegaano u dhaxeeya Laascanood iyo Xudun ee gobolka Sool. Gaadhiga Wasiirka Arimaha gudaha iyo gaadhi ay saarnayeen Ciidanka Booliska ee (RRU) ayaa is galay, shilkaasi waxaa ka dhashay dhaawac fudud iyo burbur soo gaadhey labada gaadhi. Wasiirka Arimaha Gudaha ma jiraan wax soo gaadhay, waxaa dhaawacmay qaar kamid ah Askarta Booliska. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka duulay magaalada Muqdisho, si uu dalka Turkiga uga qeyb-galo shirkii saddexaad ee u dhaxeeya Turkiga iyo Afrika, ayaa qaaday tallaabo banaanka u soo saartay khilaaf shaqsi ah oo kala dhaxeeya madaxweynaha Jabuuti, sida ay ogaatay Caasimada Online. Farmaajo ayaa ka baaqsaday in uu raaco diyaarada Turkish Airlines oo duulimaad toos ah ku tagta Istanbul, kadib markii uu ka war helay in diyaarada ay 45 daqiiqo ku hakaneyso garoonka diyaaradaha Jabuuti. Waxay tallaabadan banaanka u soo saareysa in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Jabuuti, kaasi oo ka baxsan xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Farmaajo ayaa Muqdisho ka raacay diyaarada Ethiopian Airlines oo sii mareysa Addis Ababa, halkaas oo caawa saq dhexe diyaarad kale oo Turkiga aadeysa ka sii raacayo. Ehtiopia ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, tan iyo markii uu hogaanka dalka qabtay Farmaajo. Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dad badan, ayada oo ay hoos u dhacday xiisadii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti, islamarkaan uu dhawaan dalkaas shir uga qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Farmaajo ayaa inta badan lagu eedeya in danaha shaqsiga ah uga faa’iideysto arrimaha diblumaasiyadeed ee dalka, ayada oo kal hore uu isku maqiiqay xumeynta xiriirka Jabuuti, oo kal dambe dib loo hagaajiyay. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Madaxweyne Farmaajo oo qaaday tallaabo banaanka u soo saartay khilaaf kala dhaxeeya madaxweyne dal appeared first on Caasimada Online.
  10. 𝗬𝗢𝗢𝗟𝗞𝗘𝗘𝗡𝗔 𝗧𝗢𝗕𝗔𝗡𝗞𝗔 ( 𝟭𝟬 ) 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗𝗢𝗢𝗗 𝗘𝗘 𝗦𝗢𝗢 𝗦𝗢𝗖𝗗𝗔𝗔 𝗪𝗔𝗔 𝗜𝗡 𝗨𝗨 𝗡𝗢𝗤𝗗𝗔𝗔 𝗜𝗡 𝗚𝗨𝗥𝗜 𝗪𝗔𝗟𝗜𝗕𝗔 𝗨𝗨 𝗬𝗘𝗘𝗦𝗛𝗢 𝗚𝗢𝗢𝗕 𝗪𝗔𝗫 𝗔𝗞𝗛𝗥𝗜𝗦 ( 𝗟𝗜𝗕𝗥𝗔𝗥𝗬 ) Wax walba oo olole guud lagu qaadaa wuu hirgalaa , tusaale waxa aynu xoojinay soddonkii sanadood ee la soo dhaafay in aynu dedaal badan galino aqoonta iyo waxbarashada waxaa maanta jirta in miyi iyo magaalo ay suuragal tahay 78% in guri walba laga heli karo qof wax akhriya waxna qori kara. Sidaasi oo kale sanadihii ugu dambeeyay waxaa olole iyo is abaabul lagu galay in xooga la saaro qorista buugaagta si umaddani u hesho dhaxal waara oo taariikheed , aqooneed , ilbaxnimo , nololeed iyo waayo aragnimo ugu dhigmaan. Qoristii iyo soo bandhigistii buugaagta waxa ka abuurmay in uu xoogeystay wax akhriskii oo marka buugaagta la qorey ama la turjumey ee la soo bandhigayaa sii badato ba waxii sii badanaya in dadku wax akhriska jeclaadaan oo wacyigii wax akhriskuna aad u kordhay. Hadii wax akhrisku sii bato iyo la saaxiibka buugaagtu waxa sii kordhaya in garaadka bulshada iyo hab fekerkoogu kor u kaco , la helo maskax maal faro badan oo maanka tuujiya , la helo dad ku baraarugsan oo og waayihii ay soo mareen , la helo dad soo qoda aqoonta iyo waayo aragnimada ku keydsan geyigani oo xambaarsan saqaafad weyn. Waxaa aynu u baahanahay haddaba in aynu olole ku qaadno in magaalo walba ay yeelato ugu yaraan sadex goobood oo wax akhris oo guud marka laga reebo goobaha dugsiyada iyo jaamacadaha ee wax akhriska , magaalooyinka waaweyn iyo Caasimada kama maarmayaan in degmo kastaa ay hesho ugu yaraan sadex goobood oo wax lagu akhristo (public libraries) ugu badnaana ilaa inta la awoodo in la gaadhsiiyo. Yoolkeena tobanka sanadood ee soo socdaa waa in uu noqdaa in guri walba uu yeesho meel wax lagu akhristo oo ay buugaagi taallo inta ay doonto ha leekaato e , waynu awoodnaa in aynu gaadhsiino , umad walibana aqoonteedu waa inta ay wax akhrido , waxaana curinta iyo qoraalkoogu kordhaa inta ay xog iyo aqoon hayaan dadkoogu. Qofwaliba oo wax akhriyi karaa waxaa haboon in uu sanadkii ku taamo in uu buugaag badan akhristo oo uu u sameysto jadwal ( timetable ) bille , todobaadle ilaa maalinle ah , waxaa nolosheena iska badeli doona wax weyn waxaana aynu sameyn doonaa horumar weyn oo fekri ah oo laga faaiideysto. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  11. PRESS RELEASE Sustainability Takes Centre Stage Corporate sustainability in practice was under the microscope at a special Expo 2020 Dubai edition of the Canon Frontiers of Innovation thought-leadership series DUBAI, United Arab Emirates, December 16, 2021/ — Corporate sustainability moves from the sidelines to centre stage; Big businesses embracing a triple bottom line see positive business returns; Growing commitment by corporates to helping achieve the UN Sustainable Development Goals (SDGs); Increasing scrutiny – how are companies measuring up? What are big businesses doing to build a better future? More than you may realise. Although there has been widespread concern that environmental issues and global inequality would be placed on the back burner as a result of COVID-19, it appears many corporates have shifted sustainability from the sidelines to the centre stage. Corporate sustainability in practice was under the microscope at a special Expo 2020 Dubai edition of the Canon Frontiers of Innovation thought-leadership series, featuring Unilever’s Head of Corporate Affairs & Sustainability, Priya Sarma Muthur (https://bit.ly/3IWZgWY) and Canon EMEA’s Sustainability & Government Affairs Director, Peter Bragg (https://bit.ly/3muY2sL). At Unilever, a ‘Sustainable Living Plan’ places sustainability at the heart of business strategy and operations. “More than 2.5 billion people use Unilever products each day,” explains Muthur. “We made a strategic decision to use our scale to help consumers and the planet.” According to Bragg, the philosophy of ‘Kyosei’, a Japanese word meaning ‘living and working together for the common good’, has been central to Canon’s operations for over thirty years. “Whilst the principles are nothing new, there is a growing sense of urgency to drive the sustainability agenda, from product development and manufacture to service.” Ethical equals resilient The World Economic Forum’s 2020 Global Risk Report (https://bit.ly/3oZQpff) highlights that the world’s top five risks are environmental – extreme weather events, natural disasters, climate change, human damage to the environment and major biodiversity loss. To make a real impact, corporate sustainability has to look beyond the core business. “These risks impact our people, customers and suppliers,” says Bragg. It’s not enough to drive change only for ourselves, we have to drive it across our entire operation. Ethical supply chains are proven to be more resilient.” Muthur strongly agrees, “We are working to specifically prevent risk across the supply chain at scale. For example, climate change is a concern for tea production, and we are one of the largest buyers of tea in the world.” From a linear to a circular economy Companies are seeking viable ways to shift from a throwaway to a circular economy. Canon pioneered recycling printer cartridges more than 30 years ago; today every product is designed to be efficient and remain in use for as long as possible, through remanufacturing, refurbishing and recycling. Unilever has committed to be net-zero by 2039 with an ambitious Clean Future Strategy and a billion-euro reforestation programme. “We are innovating design so that 100% of packaging is recyclable, renewable or compostable by 2025,” explains Muthur. “Already in the MENA region, 70% of our packaging is ‘recycle ready’, meaning it can be recycled if the infrastructure exists.” Sustainability under scrutiny Allegations of greenwashing and low consumer trust in brands (https://bit.ly/3pYqO5P) mean that companies are under pressure to demonstrate credible results. The demand not only comes from consumers – at the G7 Summit (https://bit.ly/3oXiEeH), global finance leaders called for standardised measurement of corporate impact on climate and the environment, as well as mandatory disclosure of exposure to climate-related risks. Until standards are set, corporates adopt different approaches to measure success. “The SDGs are a universal framework and a useful tool to set targets and assess performance,” says Bragg, who is in favour of scrutiny from independent bodies. “Canon invites EcoVadis (www.EcoVadis.com) and CDP (www.CDP.net/en) to examine and score our performance. 2021 was the sixth consecutive year we received a gold rating from EcoVadis (https://bit.ly/31VavyP), placing us within the top 3% of companies globally in terms of environmental practices.” For Muthur, Unilever’s ambitious targets ensure focus. “Our goal was to be 100% zero-energy by 2020, which we achieved in 2019, followed by recognition with first place in the GlobeScan Sustainability Leaders Report 2021 (https://bit.ly/3ma8eXg).” What’s good for the planet is good for business It’s official: commitment to people and the planet benefits the bottom line. A recent report from Deloitte (https://bit.ly/3dYNywO) found that 46% of businesses surveyed had experienced revenue growth as a result of their sustainability efforts. They also reported more resilient supply chains, increased efficiency, improved interactions between stakeholders and better financial performance. From a consumer perspective, it’s well documented that people are willing to spend more on eco-friendly products and will stop buying products that are not. Yet, there are some misconceptions about the financial impact of bringing sustainability to the fore, which Muthur is keen to dispel. “Sustainability makes us more competitive,” she says. “Of our 400+ brands, the ones with the strongest purpose are growing the fastest. It also helps us attract the best talent and has been instrumental in forming strong partnerships with businesses, governments and NPOs. It’s a win-win.” Expo 2020 Dubai – showcasing a more sustainable future It’s no coincidence the conversation took place at Expo 2020 Dubai in the ‘Terra’ Sustainability Pavilion, which is designed to be 100% self-sustaining. The expected 25 million visitors to the pavilion will be challenged to look at the world in new ways. “We are showing a potential future,” explained ‘Terra’ Director, John Bull. “By helping people reconnect with nature we hope they will be inspired to join us in working to overcome the enormity of the challenges.” Expo 2020 Dubai and Canon will be hosting Frontiers of Innovation (https://bit.ly/3pZkaw4) talks every month until March 2022. For more information follow Canon Middle East and Africa on LinkedIn (https://bit.ly/33zn6rP) or Facebook (https://bit.ly/321L0M7). SOURCE Canon Central and North Africa (CCNA) Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ee Himilo Qaran, isla-markaana uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyey mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka socda ee 2021. Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Suleymaan Maxamuud Xaashi oo u warramay Universal TV ayaa shaaciyey in aysan marnaba raalli ka aheyn doorashada boobka ah, balse haddii la saxo qaladaadka ka jira hannaankeeda ay soo dhoweynayaan inay sii socoto doorashada. “Doorashada boobka mana aqbaleyno waan diidanahay, laakiin haddii doorashada la saxo oo mida aan annagu dooneyno oo danta saxda ahna ay ku jirto doorashada inay socoto weeyey,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri guddoomiyaha guud Xisbiga Himilo Qaran. Suleymaan oo wax laga weydiiyey arrinta Musharixiinta Mucaaradka ayaa beeniyey inay ka Xisbi ahaan ka baxeen golahaasi wuxuuna yiri “Meel aan annaga ku iclaaminay ama aan kaga baxnay haddii ay qoraal tahay iyo haddii af-tahayba oo Midowga Musharixiinta u sheegnay inaanu ka baxnay ma jirto,”. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay qeyb ka yihiin shirka wada-tashiga ee goluhu qabanayo, isla-markaana waxa uu tilmaamay in looga arrinsanayo aayaha doorashada. “Shirka waa loo ballansan yahay ka mid baanu nahay, waana ka qeyb-galeynaa,” ayuu markale yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kulankii ay la qaateen ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray walaaca ka dhashay shirkaasi, isaga oo tilmaamay in aanu ka duwaneyn kulamadii hore oo ay xubnaha mucaaradka la qaateen R/W Rooble. ‘Horay waa loola shiray oo xubno ka mid ah Midowga Musharixiinta iyaga oo jamaacaa waa la shireen, iyaga oo kali kali ahna waa la shireen, Annaguna inaan la shirno waxay kaga duwan tahay shirarkii hore oo lagu raadinayey in doorashada lagu saxo ma garanaayo wixii aan ka wada-hadalnana waan sheegnay oo qarsoodi ma aheyn,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Ugu dambeyn waxaa su’aal laga weydiiyey hadii uu jiro xiriir gaar ah oo ay la leeyihiin Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haba yaraatee uusan jirin wax xiriir ah oo haatan kala dhexeeyo Farmaajo. “Madaxweyne Farmaajo waa madaxweynaha hadda xilkiisu dhammaaday oo kursiga fadhiya waa ka aragti duwanahay Xisbi Mucaarad ah ayaan nahay, haba yaraatee wax xiriir ah oo naga dhexeeyo ma jiraan,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey guddoomiyuhu. Jawaabta Himilo Qaran ayaa kusoo aadeyso, xilli maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in Sheekh Shariif iyo xubnaha kale ee Golaha Midowga Musharixiinta uu soo kala dhex-galay mad-madow ka dhashay ku kala aragti duwanaashaha go’aamada qaar ee ay goluhu soo saareen, kadib markii ay ku baaqeen in la hakiyo doorashada, shirna la qabto. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xisbiga HIMILO QARAN oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.
  13. PRESS RELEASE Red Cross Red Crescent reaching 1.5 million people on the move in MENA, yet millions are left without support Climate change and conflicts are only expected to accelerate the number of people migrating out of the region in the coming months and years BEIRUT, Lebanon, December 16, 2021/ — Red Cross and Red Crescent National Societies are reaching more than 1.5 million migrants, refugees and internally displaced people (IDPs) in the Middle East and North Africa, yet the number of people on the move left without essential support is colossal, a report by the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC) has found. Ahead of International Migrants Day on 18 December, the IFRC is calling for a stronger commitment to support people on the move during their journey, not only once they have managed to reach their planned destination – if they ever do. Fabrizio Anzolini, Migration Regional Advisor for IFRC MENA, said: “Countless migrants face inhumane conditions along their way, including violence, lack of food, shelter and access to health services. Climate change and conflicts are only expected to accelerate the number of people migrating out of the region in the coming months and years. We need to act right now on the routes and advocating for durable solutions.” The region, with more than 40 million migrants and 14 million internally displaced people, has some of the world’s longest protracted conflicts, combined with frequent natural disasters, man-made crises and the ongoing COVID-19 pandemic. Regional hotspots include the population movement from Afghanistan to Iran, the migration flows from Morocco, Tunisia and Libya to Europe, the extensive number of internally displaced persons in Syria, as well as the route from the Horn of Africa to Yemen, the Kingdom of Saudi Arabia and other Gulf states. Rania Ahmed, IFRC MENA Deputy Regional Director, said: “Red Cross and Red Crescent Societies are reaching more than 1.5 million migrants and displaced people in the Middle East and North Africa, but it is not enough. We need bigger investment and greater long-term commitment to address their plight. We need to mobilize all efforts and resources to ensure people on the move receive humanitarian assistance and protection. Migrants and displaced populations are intensely vulnerable and must be included in COVID-19 prevention, response, and recovery plans. We urge governments to ensure that people on the move have equal access to vaccinations, health care and basic services.” With the engagement of the IFRC, Red Cross and Red Crescent Societies in the MENA region are on the frontline attempting to cover the enormous gap between people’s needs and the support that is available for them. Red Cross and Red Crescent teams provide multidisciplinary assistance, including health services, livelihood support, protection for children and victims of violence, mental health, and psychosocial support, as well as cash assistance. These support services are also widely available to host communities, leaving no one behind. Red Cross and Red Crescent Societies remain committed to continue responding to the needs of migrants and displaced people as well as advocating for the support that they need at country, regional and global levels through evidence-based humanitarian diplomacy. However, their continued activities are hampered by shrinking funding. In addition, access to migrants is often limited, especially in conflict zones and due to restrictions put in place to curb the COVID-19 pandemic. You can access the full report here: MENA Red Cross and Red Crescent Activities on Migration and Displacement – Snapshot 2021. The survey includes responses from twelve Red Cross and Red Crescent Societies in the Middle East and North Africa. Source International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC) Qaran News
  14. Turkey’s central bank voted on Thursday to cut the country’s key interest rate, the one-week repo rate, to 14% from 15%, sending the lira to a new record low of 15.5 to the dollar immediately following the news. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa u amba-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayaan meertada saddexaad ee Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika. Shirweynaha Madashan oo socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay Madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga amniga, socdaalka, ganacsiga, wershedaha, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo shirweyne uga qayb-galay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cali Xasan Cali (Jeesto) oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ayaa jawaab culus ka bixiyey go’aankii ay shalay soo saareen guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal, kadib markii ay go’aamiyeen in hannaanka loo maray doorashada kursigaas ay tahay mid sax ah. Cali Jeesto oo ka mid ah dadka dacwadda gudbiyey ayaa ku gacan seeray go’aanka kasoo baxay guddiga, wuxuuna shaaciyey in aysan marnaba aqbali doonin. Sidoo kale wuxuu eedeyn jeediyey hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ku eedeeyey inay beesha u sameeyeen odayaal dhaqameedyo aan jirin, sida uu hadalka u dhigay. “Galmudug xaq uma laheyn in beelaha Marooyin usoo magacowda odayaal dhaqameedyo aan jirin ee loo sameystay in lagu boobo doorashada, isla-markaana aan ka tirsaneyn dhaqanka beesha,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Nabadoon Cali Xasan Cali (Jeesto). Nabadoonka ayaa intaasi ku daray in beesha aysan aqoonsan doonin doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb ee lagu soo doortay Yaasiin Cabdullaahi Maxamed (Farey). “Waxay beesha Marooyin caddeyneysaa in aysan aqoonsan doonin doorasho ku sheeggii boobka aheyd ee kursiga HOP#067 ee 25/11/2021,” ayuu markale ku yiri qoraalkiisa. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee doorashada, isla-markaana uu wax ka qabto ‘boobka’ soda. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli shalay guddiga xallinta uu ku dhowaaqay go’aankiisa kama dambeysta ah, iyada oo kursigan loo xukmiyey Yaasiin Cabdullaahi Farey oo haatan ah agaasimaha KMG ah ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Nabadoon Cali Jeesto oo jawaab culus ka bixiyey go’aankii Guddiga Xallinta appeared first on Caasimada Online.
  17. Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo kulan la yeeshay Wefti ka socda dalka Maraykanka Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland Waddani, Ucid & Kulmiye ayaa xalay kulan balaadhan la yeeshay Wefti ka socday dalka Maraykanka oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay Somaliland. Hoggaanka Xisbiyada Somaliland iyo Weftiga Maraykanka ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda Geeska Afrika, Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ee dhanka horumarka, dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka. Qaran News
  18. Dalka Jarmalka oo 12 milyan oo Yuuro ah ugu deeqay wax ka qabashada Abaaraha ka jira Somalia Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u baxay safar dalka dibaddiisa ah, gaar ahaan dalka Turkiga, sida ay goordhow shaacisay Villa Soomaaliya. Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo qabanayo shirweynihii saddexaad ee Turkiga iyo Afrika, kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah beri uga furmo gudaha magaaladda Istanbul ee wadankaasi. “Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ka qeyb-galayaan 13 madaxweynayaal Afrikaan ah oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan ku sii jeeda Turkiga. Sidoo kale xubno ka kala socda 9 waddan ayaa lagu casuumay shirkaasi oo ku soo aaday, xilli haatan aad loo iibsanayo diyaaradaha Droneska Hubeysan ee lagu farsameeyo Turkiga. Sida ay shaacisay madaxtooyada Turkiga shirkan oo ka dhacaya xarunta shirarka ee Istanbul Congress Center ayaa socon doono muddo laba cisho ah, iyadoona ay khudbado ka jeedin doonaan madaxda kala duwan ee ka socda Afrika, laguna casuumay madashaasi. Erdogan ayaa haatan si weyn ugu ololeynayo in suuq loo helo diyaaradaha Droneska ee dalkiisa uu soo saaro, wuxuuna khudbad ka jeedin doono shirka Afrika iyo Turkiga. Si kastaba, Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada aadka ay isugu dhow yihiin Turkiga, marka loo eego Afrika, wuxuuna ku leeyahay saldhig ballaaran, isagoo sidoo kale ka qeyb-qaata dib u dhiska ciidamada Xoogga oo uu siiyo tababaro dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Farmaajo oo maanta u baxay safar dibadeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.