-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Sabtidii kulan gaar oo qarsoodi ah la qaatay Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sharma’arke oo dhawaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa kulamo wada-tashi ah la qaatay xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka, wuxuuna la qabtay dhowr shaqo oo gaar ah. Isaga iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aragti hordhac ah ka keenay habka loo sameyn karo Gole Qaran haddii la joojin waayo doorashada boobka ah, taasoo loo qeebiyey xubaha Midowga Musharaxiinta si ay dood xooggan u geliyaan. Cumar Cabdirashiid, wuxuu kadib kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo, kulankaan oo la sheegay inuu ka yimid dhanka Madaxweyne Farmaajo kama marna inuu Cumar Cabdirashiid aaminsanaa in haddii maamuladii doorashada wada boobayaan in la raadiyo dariiq kale oo awoodda ugu soo laaban karto siyaasiyiinta la yaqaano ee heer federaal. Si kale markii loo dhigio habka awoodda iyo loolanka loogu soo koobi karo Farmaajo iyo mucaaradka la yaqaano. Kulankii Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid kadib, waxaa soo baxay warar xooggan oo sheegaya in mucaaradku rabaan in doorashadaan boobka ah la joojiyo, awoodana laga soo celiyo maamul goboleedyada, iyaga iyo Farmaajana toos u macaamilaan. Balse dhinaca kale, xubno ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxay qabaan in mucaaradka Farmaajo kala hadleen in xilka Ra’iisul Wasaaraha uu mucaaradka siiyo, laba sano oo cusub iyo hannaan doorasho oo maamulada daciif ka yihiina laga wada-hadlo iyadoo la tirtirayo dhammaan xubnihii kusoo baxay doorashada boobka ah loona laabanayo ama lasoo nooleenayo baarlamaankii 10-aad. Mucaaradka sida muuqata hadda waxaa Farmaajo uga daran madaxda maamul goboleedyada dalka. Haddaba markii uu warkaan soo baxay kadib waxaan la xiriirnay qaar kamid ah madaxda mucaaradka si aan uga waydiino waxa ka jira inay gorgortan Ra’isiul Wasaare miiska keeneyn. Xubnaha aan la hadalnay waxay sheegeen in maadaama uu Rooble awoodi waayey inuu cabashadooda xaliyo, maamuladiina diideen shirkii, doorashadiina in la boobayo ay caddahay ay dareemeen inuu jiro xal kale oo sheegaya mucaaradka iyo Farmaajo maxay wada qabsan karaan hadda? Mucaaradka ma xaqiijin mana beenin in lagu gorgortamayo madaxa Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo loo laabanayo baarlamaankii 10-aad, doorashada socotana laga dhigayo waxba kama jiraan. Xubnaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo iyaguna aan la hadalnay arrintaan si weyn ayey uga walaacsan yihiin. Markii hore loolanka doorashada iyo midka siyaasadduba wuxuu u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka, laakiin hadda labadiiba waa laga xoog badiyey meeshiina waxaa qabsaday madaxda maamulada. Waxaa cad in waqti dheer kadib uu hoggaankii siyaasadda isbadal qarka u saaran yahay oo awoodii ay aaday jiho kale oo aan waxba xeerineyn waana ragga hormuudka u ah gobolada Dalka. Sida qura ee awoodda ay deg degg ku heleen looga dhigi karo hoggaamiyaasha gobolada waa inay Farmaajo iyo ragga kasoo horjeeda keenaan dood tii hore mid ka duwan, ayey leeyihiin dadka siyaasadda ka faallooda qaarkood. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa la filayaa inuu qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta kala hadlo wixii uu Farmaajo kala soo kulmay, balse guuxa ah in dariiq cusub la furo oo wiiqi kara awoodda madaxda gobolada waxaa la sheegay in xitaa Farmaajo uusan diidaneyn. Sida loo furayo dariiqaas, mucaaradku inay isku fahmi karaan sharci ahaanshaha arrintaan iyo in la heli karo doorasho kale oo heshiis lagu yahay waa mid u baahan sharaxaad kale iyo faham dheeri ah. Haddii ay cadaato inay mucaaradku qabaan in Rooble la bixiyo lana keeno ra’iisl wasaare cusub lagana doodo hannaan doorasho oo ka duwan midkaan boobka ah, dalku wuxuu geli doonaa xaalad kale oo aan dhammaadkeeda la aqoon. Waxaa kaloo la hubin inay madaxda mucaaradka isku raaci karaan in Farmaajo lala heshiiyo, Ra’iisul Wasaare laga qaato oo ballan lala yeesho. Xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka iyo Rooble aad ayey usii kala fogaadeen maalmahaan dambe, sababta waxaa lagu sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha ka cudur daartay inuu doorashada joojiyo. Rooble wuxuu qabaa in doorashadu socoto lana xaliyo cabashada mucaaradka, balse taas ma ogola mucaaradka, wax walba ayaana iska badali kara siyaasadda Soomaaliya xilligan la joogo. Joogitaanka Cumar Cabdirashiid ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sababi karta inay xaaladdu u dhammaato meel aan la fileyn maadaama uu labada dhinacba u furan yahay uuna awoodo inuu wax u kala sarifo labada dhinac. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xog: Mucaaradka ma waxaa hunguri ka galay xilka Rooble kadib tallaabadii ay qaadeen? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdinuure Siyaad oo hadal ka jeediyey madal uu Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ku shaacinayey inuu yahay musharax xildhibaan ayaa ku goodiyey in hadii Indha-Cadde kursiga loo diido aysan meel fadhi doonin. Cabdinuure Siyaad ayaa sheegay in dalku uu dayacan yahay, isla markaana aysan hadda kadib indhaha kasii fiirsa doonin, muhiimna ay tahay in la doorto dad wax ka bedeli kara xaaladaan. “Jeneraal Indha-cadde waxaan banaanka u keenay oo aan u codsanay inuu is sharaxo in badbaadada dalkaan uu ka qeyb qaato, marka waxaan u soo jeedineynaa beesha iska leh kursiga Indhacadde inay codkooda siiyaan,” ayuu yiri Cabdinuure Siyaad. Sidoo kale siyaasigaan ayaa sheegay in xildhibanadii hore ee beeshaan aysan waxaba u qaban reerkooda, isla markaana hadda loo baahan yahay in la helo is bedel deg deg ah. “Waxaan beesha ka codsaneynaa in Sheekh Yuusuf Indhacadde kursiga lala raadiyo oo ergada laga dhaadhiciyo, hadii taas la diido oo kursiga uusan soo helin, walaahi meel fadhi meynee ogaada, sida dayaca ah ee dalku ku sugan yahay wax la fiirsan karo maaha, dayacaadaan waxaa dalka looga saari karaa in la doorto dad macna leh oo wax qaban kara,” ayuu yiri Cabdinuure Siyaad. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii Hoos ka daawo The post Daawo: Cabdinuure Siyaad: Haddii aan la dooran Jeneral Indha-Cadde wallaahi meel… appeared first on Caasimada Online.
-
Haweenay uu dhalay Madaxweyne hore oo Muslim ah oo ka baxday Diinta Islaamka+Sababta Sukmawati Soekarnoputri Gabadh uu dhalay oo madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Indonesia ayaa lagu soo warramaya inay ka baxday diinta Islaamka isla markaana ay qaadatay diinta Hinduuga. Qaar kamid ah wabaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysay bilihii lasoo dhaafay sheekada gabadhan ku nool waddanka ay dadkiisa ugu badan ay yihiin muslimiin. Waxaana gabadhan lagu magacaabaa Sukmawati Sukarnoputri, haatan waa 69 jir, waxay qaadatay diinta Hinduuga kadib xaflad ka dhacday jasiiradda Bali ee dalkaas. Sida laga soo xigtay warbaahinta qaar waxaa go’aanka ay gabadhan ku qaadatay diinta Hinduuga saameyn xooggan ku laheyd ayeydeed, Ida Ayu Nyoman Rai Srimben. Qareenkeeda wuxuu warbaahinta u sheegay inay aqoon dheer u leedahay dhammaan caqiidooyinka iyo caadooyinka Hinduuga. Qof ka agdhaw gabadhan ayaa warbaahinta South China Morning Post u sheegay in qaraabadeeda ay u duceeyeen markii ay kusoo biirtay diinta Hinduuga.Wuxuu ku tilmaamay go’aan geesinimo leh iyo tusaale ku aadan in qoyska Sukarno ay muujiyeen “dulqaad diimeed”. Qofka saaxibka la ah Sukmawati Sukarnoputr wuxuu sidoo kale sheegay in 20 sano ee lasoo dhaafay ay aad u jecleyd diinta Hinduuga isla markaana ay horey u booqatay macbadyo waaweyn oo ku yaalla jasiiradda Bali iyo inay akhrisay qisooyin la xiriira diinta Hinduuga. Sukmawati Sukarnoputri waxay door weyn ku leedahay siyaasadda Indonesia, qoyskeedana si weyn ayaa looga qaddariyaa gudaha dalkaas.Waalidkeeda ayaa kaalin mug leh ka qaatay halgankii Indonesia ee madax-bannaanida kaga qaadatay gumaystihii Netherlands. Ka dib markii dalka looga dhawaaqay madaxbanaanida sanadkii 1945, aabaheed Sukarno wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay, wuxuuna xilka hayay 22 sano, ilaa awoodda laga tuuray sanadkii 1967-dii. Sukmawati walaasheed waxay madaxweyne kasoo noqotay dalka Indonesia halka iyada lafteedu ay aasaastay xisbiga Qaran ee Indonesia (Partai Nasional Indonesia-PNI), kaas oo ku tartamay doorashooyin qaran oo dhowr ah. Qaran News
-
Janaale (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xogta gabar 15 sano jir aheyd oo kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo tacadigii loo geystay dartiis ugu geeriyootay isbitaal ku yaalla degmada Marka ee xarunta gobolkaas. In ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Janaale iyo rag kale oo aan askar aheyn ayaa la sheegay in kufsi wadareed ay Janaale ugu geysteen gabadhaas. Guddoomiyaha deegaanka Janaale oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in hadda ay guddi u xil-saareen baaritaanka kiiskaas, isla markaana ay jiraan dad loo soo qabtay inay ka dambeeyeen falkaas. Gabadha oo lagu magacaabi jiray Sahro Cali Maxamuud ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Marka oo loo geeyey in lagu dabiibo, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha deegaankii lagu dhibaateeyey gabadha ee Janaale. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragga gabadha kufsaday ay isugu jireen askar militeriga Soomaaliya ka tirsan iyo rag kale oo shacab ah oo ciidanka la joogay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in saacadaha soo socda ay shaaci doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay falkaas kufsiga ah iyo geerida gabadha. Waxa uu sheegay in saraakiisha ciidmada xoogga dalka ee ku sugan Janaale iyo maamulka deegaanka Janaale ay iska kaa shanayaan baaritaanka kiiskaas. Hoos ka dhageyso wareysiga Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post 15 jir u geeriyootay ‘kufsi wadareed ay u geysteen’ ciidamo ka tirsan dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Jubaland ayaa shaaciyey kuraasta 14 ka mid ah golaha shacabka oo doorashadooda uqaban doono dhowaan, kuwaas oo noqon doono kuwii ugu horreeyey ee Jubaland lagu soo doorto. Doorashada 14 kursi ayaa dhammaantood ka dhici doonta magaalada Kismaayo oo ah mid ka mid ah labada deegana doorasho ee Jubaland. Guddiga doorashada Jubaland ma shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada, balse waxaa la filayaa in la qabto toddobaadkan gudihiisa ama toddobaadka xiga. Guddiga weli ma shaacin wax kuraas ah oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Garbahaarey oo ah magaalada labaad ee deegaan doorasho ee Jubaland, halkaasi oo maamulka uusan awood ku laheyn, ayna gacanta ku hayaan mas’iiliyiin taageeeersan madaxweyne Farmaajo. Liiska kasoo baxay guddiga doorashada Jubaland ayaa yimid saacado un kadib markii xalay war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga hirgalinta doorashada ee heer federaal looga dalbaday guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo HirShabeele in 48-saac gudahood ay ku bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka. Qoraalkaan ayaa guddiyada seddaxdaas maamul looga dalbaday in hadii saacadahaas ay doorashada ku bilaabi waayaan ay bulshada u cadeeyaan caqabadaha ka hor taagan qabashada doorashada. “Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee sadexdaan Dawlad Goboleed in ay muddo 48 saac ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal. Go’aanka Jubaland ay ku qabaneyso doorashada 14 kursi ayaa dhabarjab ku ah isku daygii ay Midowga Musharaxiinta Soomaaliya doonayeen inay ku hakiyaan doorashada oo ay sheegeen in la boobayo. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Jubaland oo shaacisay liiska doorashada 14 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa dalka Turkiga uga qayb galay shirweynaha Istaraatijiyadda Warbaahinta oo ka dhacay magaalada Istanbul. Shirkan waxaa looga arrinsanayey sidii uu caalamku istaraatijiyad iyo xal midaysan uga gaari lahaa ka hortagga wararka been abuurka ah ee lagu marin habaabiyo bulshooyinka caalamka iyo sidii ay dowladaha caalamku xiriir wanaagsan oo dhanka warbaahinta ah u la yeelan lahaayeen shucuubtooda. Shirka oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Warfaafinta iyo Afhayeennada Dowladaha lagu martiqaaday, ayaa waxaa ka soo baxay go’aanno miro-dhal ah oo ku aaddan ka hortagga wararka been abuurka ah, marin habaabinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta caalamka. “Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxtooyada Dalka Turkiga T.C. İletişim Başkanlığı martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay noo fidisay,” ayuu yiri agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi. The post Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia oo shir uga qeyb-galay ISTANBUL + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Jubaland ayaa caawa shaaciyay 14 kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo aan la sheegin jadwalka doorashadooda. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SIT oo fulinaya waajibaadka qaran iyo heshiisyadii madasha qaranka waxa uu halkan ka shaacinayaa qabashada doorashada 14 Kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan dawladda Jubaland”. Guddigu wuxuu sheegay in uu dib ka soo sheegi doono jadwalka kala horreynta kuraasta la shaaciyay. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa saacado ka hor qoraal uu soo saaray ku faray guddiyada doorashada Jubaland, Puntland iyo Hirshabeelle in ay 48 saac ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama caddeeyaan caqabadaha hortaagan. PUNTLAND POST The post Jubaland: Kuraas aan la sheegin jadwalka doorashadooda oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Dhulgariir cabbirkiisu sarreeyo ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku dhuftay bariga dalka Indonesia, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Mareykanka (USGS), iyadoo digniino laga soo saaray surtagalnimada mowjado dhulgariir ah oo ku dhufta dalka Indonesia Dhul-gariirku wuxuu ka dhacay waqooyiga jasiiradda Flores ee gobolka Nusa Tenggara ee bariga Indonesia ayaa cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.3 RS, halkaasoo dhulgariirku ka dhashay argagax ka dib markii uu dhacay 0320 GMT. Hay’adda saadaasha hawada ee Indonesia,Climatology, iyo Geophysical Agency oo loo yaqaan BMKG ayaa goor sii horaysay sheegtay dhulgariirkan cabirkiisu ahaa 7.4, waxayna ka digtay Tsunami suurtagal ah. Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ah ee ka dhashay deegaannada laga dareemay dhulgariirku, balse maamulka ayaa ku baaqay in laga digtoonaado. PUNTLAND POST The post Dhul-gariir ka dhacay dalka Indonesia appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa Banaan ee Somaliland waxay cambaraynasa, xadhiga Khaliil Xuseen Muuse, oo ah gudoomiyaha Degmada Berbera ee Xisbiga Mucaarad ka ah ee UCID, oo 12/12/2021 boolisku Berbera ku xidheen. Khaliil waa marki labaad ee la xidho, hore waxa loo xidhay 5/10/2021, iyadoo xiligaa loo xidhay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay oo uu ku dhaliilay Maayarka iyo Badhasaabka Berbera, waxaana markaa lagusii daayay damaanad. Hadda waxa amarka xadhigiisa bixiyay Dr Axmed Maxamed Xaashi, oo ah Badhasaabka Gobolka Saaxil. Isla imikana waxa uu u xidhan yahay qoraalkii uu bartiisa Facebook hore usoo dhigay ee horena loogu xidhay. Xadhiga Gudoomiye Khaliil waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal Insaanka. Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah amaba qaabkale”. Xaruntu waxay aad uga walaacsan tahay korodhka xadhiga laxidhiidha arimaha xoriyatul qowlka oo aad usoo badanaya. Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ah si bilaa shuruud ah na usoo dayso gudoomiyaha xidhan, isla markaana ixtiraamto dastuurka dalka uyaala. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana Qaran News
-
Djbouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar Cagjar oo dalka Jabuuti uga qeyb galay Shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage ayaa si qota dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in laga haboon yahay in dadka Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah Madaxweyne Farmaajo ay la coloobaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Farmaajo saaxiib la ah. Sababta waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka nabad gashay faro-gelintii Itoobiya intii uu xukunka joogay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo sidoo kale hadda dagaal kula jira kooxdii Soomaaliya kala qeybineysay mudo 27 sano ah. Waxa uu sheegay in qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya ay wax ka tirsan karaan Abiy Axmed, balse Soomaalidu ay ka nabad gashay, isagoo xusay in la buun-buuniyo dacaayado la xariira qorshaha Abiy uu mustaqbalka ka damacsan yahay Soomaaliya. “Seddax sano iyo barkii u dambeeyey in Abiy dhaho waxaan la shaqeynayaa dowladda dhexe, waa wixii ay Soomaaliya dalbaneysay mudo 30 sano ah, faro-gelintii iyo hubeyntii in laga joojiyo waa ku saxan yahay, ujeedada uu ka leeyahay anaga waxaba nagama gelin,” ayuu yiri Mustafe Cagjar. Sidoo kale Madaxweyne Mustafe waxa uu qiray in hadii ay yihiin Soomaalida hoos tagta Itoobiya ay dhibaato badan u geysan jireen dadka kale ee Soomaaliyeed, isagoo taas u tiiriyey xukunkii hore ee Itoobiya ka jiray. “Hadda waxaa la dilaa ciidankeena Liyuu Boolis, laakiin ma dhacdo inay fal-celin sameeyaan oo dadka laayaan, sababtoo ah talo Soomaaliyeed ayaa deegaanka ka jirta, sidaas darteed waxaan aaminsanahay in Dr. Abiy go’aanka uu ka qaatay Soomaaliya uu ku saxan yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar. Waxa uu sheegay in kalsooni badan uu ku qabo in Abiy uu la macaamili doono Madaxweynihii ay Soomaaliya doorato oo bedela Farmaajo, “Marka carooyinka gudaha ah ee Farmaajo loo qabo, Abiy in loogu caroodo waa wax laga haboon yahay,” ayuu yiri. Sidoo kale Madaxweyne Mustafa ayaa sheegay in ka dowlad deegaan ahaan ay heystaan xorriyad dhameystiran, isla markaana ay hadda si xor ah isku soo doortaan. “Soomaalida gobolka markii aan eegno, waxaba nama yeelin Abiy anaga, hadii ay jiraan dad siyaasad u xiran, anagaa iska xirnay, ceebteedana anagaa leh, laakiin waa u madax-banaanahay sayaasadeena, waxaan heysanaa xorriyad aan caadi aheyn, waligeed ma dhicin in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo deegaanka Soomaalida sanadahaan ka hor,” ayuu yiri Mustafe Cahjar. Ugu Dambeyntii waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu la dagaalamayo oo ku sii jeedo kooxda TPLF oo Soomaalida duleyneysay 27 sano oo xariir ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Daawo: Mustafe Cagjar “Carada Farmaajo loo qabo yaan Abiy Axmed lagula dhicin” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay kulan qarsoodi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada, sida ay ogaatay Caasimada online. Kulanka, oo yimid toddobaad kadib markii Cumar Cabdirashiid uu soo gaaray Muqdisho, ayaa ahaa mid horey u qorsheysan oo ay kasoo shaqeeyeen xubno aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo. Ma cadda waxyaabaha kulanka looga hadlay, hase yeeshee waxaa su’aalo ay ka taagan yihiin sababta uu Cumar Cabdirashiid u qariyey. Cumar Cabdirashiid ayaa kulan uu ra’iisul wasaare Rooble la qaatay 5-tii December sawiradiisa ku baahiyey baraha bulshada balse sidaas oo kale ma sameyn kadib kulankii shalay. Kulankan ayaa kusoo beegmay iyadoo Midowga Musharaxiinta, oo Cumar Cabdirashiid uu aad ugu dhow yahay, ay ku dhawaaqeen shirweyne Wadatashi ah. Cumar Cabdirashiid ayaa toddobaadyadii tegay aad u dhaliilayey habka ay ku socdaan doorashooyinka golaha shacabka, oo uu ku qeexay kuwa la boobayo una baahan in deg deg loo joojiyo. Qoraal uu soo saaray 29-kii November wuxuu ku yiri “si looga fogaado baarlaman lagu muransan yahay, dalku kala qeybsamo, ama kasii daro xanuun kale oo Ethiopian ah: a) Joojiya doorashada lagu shubtay, b) Dib usoo celiya hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah maadaama heshiiskii August uu horseeday wax is-daba marin baahsan, c) Ku dara kormeerayaal si sare loogu qaado kalsoonida.” Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post XOG: Kulan qarsoodi ah oo Villa Somalia ku dhex maray Farmaajo iyo Cumar C/rashiid appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga hirgalinta doorashada ee heer federaal ayaa lagu go’aamiyey in lasii wado doorashada dalka, waxaana guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo HirShabeele looga dalbaday in 48-saac gudahood ay ku bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka. Qoraalkaan ayaa guddiyada seddaxdaas maamul looga dalbaday in hadii saacadahaas ay doorashada ku bilaabi waayaan ay bulshada u cadeeyaan caqabadaha ka hor taagan qabashada doorashada. “Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee sadexdaan Dawlad Goboleed in ay muddo 48 saac ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal. Sidoo kale guddigaan ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey inay ka go’antahay in doorashada baaralamaanka ay ku soo gabagabeeyaan jadwalkii loo qorsheeyey oo ku eg 24-ka bishaan, balse wixii dib u dhac ah oo jadwalkaas ku yimaada uu mas’uuliyadiisa qaadanayo golaha wadatashiga qaranka. “Wuxuu guddigu caddeynayaa inuu mar walba ku dedaalayay sidii jadwalkaas loo hirgalin lahaa, ayna guddiyada heerarkooda kala duwan dhameystireen diyaar garowga qabashada doorashada. Haddaba dib u dhaca ku yimaada jadwalka doorashada waxaa mas’uuliyaddiisa qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaranka oo siyaasiyan dhankooda uga xanibantahay hawshu,” ayaa lagu yiri bayaanka. War-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal ayaa intaas ku sii daray, “Ayada oo la tixgalinayo xaaladda dalku ku jiro iyo culeyska jiitanka doorashadu ku hayo amniga iyo nolosha guud ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaranka inay gutaan mas’uuliyadda ummadeed ee saaran, ayna dedejiyaan doorashada golaha shacabka, iyadoo habraacyada iyo hanaanka howlgalka doorashada, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashada.” Guddiga ayaa qoraalkaan ku bogaadiyey guddiyada doorashada ee gobollada waqooyi iyo kuwa dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo bilaabay doorashada xildhibaanada golaha shacabka, sidoo kale waxay cadeeyeen in natiijada laba kursi horay loo laalay, mid kalena ay go’aankiisa ka sugayaan guddiga xalinta khilaafaadka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Guddiga doorashada heer federal oo soo saaray go’aan la xiriira doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Waa maalin colaadu ay kow ahayd, maalin madow, maalin wixii dhacayay ninna uusan saadaalin karayn waxay noqonayso ciribtoodu! Waxay ahayd maalin murugada iyo dhiillada ay xambaarsantahay ay ka muuqatay in is-bedel ku dhici doono nolosha bulshada qaybaheeda kala duwan, waxayna dhibaatada aad uga muuqatay dadka maxasta ah sida waayeelka, caruurta iyo weliba dumarka. Waa maalintii uu qarxay dagaalkii burburiyay wadankeenii bilicda iyo nabadda astaanta u ahaa! Dagaalku, wuxuu ahaa musiibo rabaani ah oo qornayd waxaase xaqiiq ah inuu Allah wax badan nooga naxariistay oo hadaan sidii aan u dambi badnayn naloo abaal marin lahaa cidna kama badbaadeen ciqaabta Allah laakiin in badan buu Alle noo saamaxaa. DHibta wadanka ka dhacday waxay qaybta ugu weyni ku habsatay dumarka oo iyagu u nugul, murugada iyo walwalka colaadihii dhacayna ay meel walba ka hareeyeen, maadaama ay qoysna u dhalatay midna ay u dhaxday 31 Sano maalinkaas ka dib waxaa wali si is dabo joog ah u yeeraya baroorta hooyooyinka Soomaaliyeed oo ay sababeen inteeda badan duulka rag la yiri, mid ay dhashay iyo mid ay u dhaxdo iyo wixii kale ee laysu ahaadaba. DHibta dumarka gaartay waa mid aan la soo koobi karin oo noocyo badan waxaase ugu weyn sida marar badan la tilmaamo oo la wada ogyahay wax-barashada haweenka Soomaaliyeed oo mar kasta ahayd mid aan la siin mudnaantii ay lahayd, marka la garab dhigo dadaalka aalaaba la siin jiray wiilasha, iyadoo ay markii horaba taas jirtay baa haddana markii uu burburka yimid hakadkkii galay waxbarshada sababay inay la kulmaan dhibaatooyin badan sida shaqo aan ku haboonayn oo ay la daalaa dhacaan, iyo in hoos loo fiiriyo ama la liido taas oo kaga timaada dadyowga dalalka ay maganta soo bideen, sidaa soo kalana ragga ay u dhaxaan intooda aan xil-kaska ahayn iyo mararka qaarkood caruurta ay hooyada u yihiin oo aan iyagana garanayn qadariilnta ay hooyadood mudantahay waxaana arrinta sii bari-taaray dhaqammada dalalka la yimid oo wax badan oo ka mid ah mudnaantii waalidka (Aabbe iyo Hooyaba) luntay…cajiib!. Markii qurbaha la yimid dadku waa qaybsamay ina-rag badidiis wuxuu u dhaqaaqay; shaqo ama wax barasho, qaybna noloshaa ka adkaatay oo u talisay oo naftoodiiba wax ma tarin tu kalana iskaba daa. Siday hooyo tahay ama ahaan jirtayba dumarkii waxay u qalab qaateen korintii, iyo ababintii dhallaanka, iyo inay daboolaan baahida ilmaha yar iyadoo aaminsan inay iyadu tahay aabo iyo hooyo maadaama aan ragga intooda badan la heleyn xiligii loo baahdo oo ay badankood la tahay inay shaqada ilmuhu hooyada ku gaar tahay sidii markii wadankii la joogay oo xitaa ciiddu caawinaysay hooyada. Waxaa iyadana xusid mudan in baahida guriga taal si dakhli iyo masaariif loo helo ay qasab ka dhigtay in rag badan ay guntiga u adkeystaan inay soo shaqeeyaan oo waqtigoodii badankiisa ay ku qaataan goobaha shaqada si ay u daboolaan baahida iyo adeegyada guriga laga rabo. Arintaasi waxay keentay dib u dhac ku yimaada horumarka hooyada Soomaaliyeed, waxayna saartay oo ku rartay culays baaxad weyn oo nololeed, waana midda keentay inay soo bataan dumarka isku buuqaya oo mararka qaarkood gaara heer khatar ah. Waxaa iyadana sare u kacay tirada hooyooyinka qurbaha ku nool ee ay ku dhaceen cudurrada dhimirka taasoo inta badan lala xiriiriyo dhibaatooyin xagga nolosha guriga iyo maamulka iyo ka war qabka ilmaha ka haysta isla markaasna aan wax kaalmo ah ka heleyn aabbihii ilmaha dhalay oo waliba mararka qaarkood ay dhici karto inuu gacan bannaanyahay. Meelaha qaarkoodna xaaladuhu waxay gaaraan heer ay hooyadu waxyeeleyso nafteeda ama nafta ilmaheeda yar. Sidaa aawadeed, dumarku dhib kastaba waa soo mareen, waxaase maanta la soo gaaray waqtigii ay raggu ka garaabi lahaayeen culeyska ay ku keli yeeleen dumarka, taasoo macnaheedu yahay inay ku garab istaagaan inay wax bartaan si aan u helno qoys caafimaad qaba oo aqoon leh ragooda iyo dumarkoodana ay door ka qaadan karaan horumarinta iyo dhismaha ummaddooda. Si taas loo gaaro ama ay u dhaqan gashana waxaa loo baahanyahay in nin walba (Ragga) uu marka hore saxo wixii horay uga khaldamay isagoo ka bilaabaya inuu xaaskiisa iyo gabdhaha uu dhalay ku dhiiri geliyo wax-barashada si ay u soo saaraan berri ayaguna awlaad wax baratay oo dhisa mustaqbalka dalkeenii quruxda badnaa, badbaadiyana jiilalka soo socda. Rasuulku SCW wuxuu ku yiri xadiis macnihiisuna ahaa; qof kasta wax baa la raacshay oo loo diray waana la weydiin doonaa wixii loo diray ee la raacshay. Markaa qof walba ha diyaarsho su’aasha jawaabteeda khaasatan ragga. Nabigu SCW wuxuu yiri waxaa idiinku khayr badan kan reerkiisa u khayr falid badan aniguna waxaan ahay kan reerkiisa u khayr fala. Wuxuu kaloo yiri SCW waxaa dumarka karaameeya ninka kariimka ah, waxaana dhiba kan la’iimka ah amba ardaalka. Mar mar baan idiin cudur daaraa oo waxaan soo xasuustaa maahmaahdii carbeed oo macnaheeduna ahaa, qofna wuxuusan haysan ma baxsho. Macnaha nin aan isba jacayl ku soo korin oo aan la soo koolkoolin loogama fadhiyo isna inuu wax koolkooliyo laakiin bal koolkoolintu ha danbeeysee waajibaadka ay ugu horreeyso wax barida dumarka ku dadaala, oo saxa wixii horay u khaldamay oo bal isku daya inaad suubanaha ku dayataan suu uladhaqmi jiray reerkiisa iyo dhamaan mujtamacii loo soo diray waayo Rassuulka SCW waxaa noogu sugan ku dayasho. Waxan ku soo koobayaa Aqoon la’aan waa iftiin la’aan! Isku meelna ma joogaan mutacalinka iyo jaahilku waxaana u horeeya aqoonta diinta ka dibna tan maadiga ah waayo qof aan aqoon Allihii abuuray, amba aan kala aqoon xaaraan iyo xalaal amba aysan macnaba ugu fadhiyin diintu asna waa lumay kuwa uu gacanta ku hayana wuu lumin doonaa. Sidaa darteed cilmiga xaawaleydu waa muhiim waana badbaadiyaha ummadda ee yaan loo kala harin oo xasuusta dumarku agtiina waa ku qafaalan yihiin ee u fududeeya inay wax bartaan oo weliba ku garab istaaga kuna dhiiri galiya adinkoo Allahna ku raali galinaaya ubadkiinana u hiilinaaya si aan berri loo bahdilin dalkooda iyo diintoodana u difaacaan khaasatan hablaha. Ninkii gabar wax bara wuxuu wax baray ummad sababtoo ah gabadhu waa barre ama waa ababiye bulsho. DHAMAAD W.Q: Yaasmiin M A Sooyaan Caaliyatulhima@gmail.com The post Qofna wuxuusan haysan ma baxsho! – Qaybtii 2aad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa weerar cusub oo dhanka baraha bulshada ah kala kulmay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed, kadib kulan uu maanta la qaatay Ururada bulshada Rayidka. Kulanka oo lagu baahiyey barta Xafiiska Rooble ku leeyahay Facebook-ga, ayaa waxa si weyn loogu dhaliilay qaabka uu ku wajahay is-mari-waaga ka dhashay hanaanka doorashada, kaasi oo xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka. Kulanka oo ku aadana sidii loogu wada istaagi gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu, ayaa haddana waxay dadka qaarkood si weyn Ra’iisul Wasaaraha ugu weerareen in uu kasoo bixi waayey waajibkii loo igmaday ee qabasahda doorasho daah-furan, islamarkaana uu iska indho tirayo xaalada siyaasadda dalka. “Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu dalka gacantiisa sababsan haddi uu qof qiimo leh yahay oo dalkaan ka naxaya maahan in maalin walba qof la isku soo sawiro ee waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho oo cid walba oo doorashada hagar daameysa ama dhinac marta habraacii lagu heshiiyay oo tilaabo ka qaado,” ayuu yiri mid kamid ah bulshada aragtiyada ka dhiibtay. “Dadku kala daran ninkii loo doortay doorasho kaliya wuxuu u shaqeynayaa sidii ra’iisul wasaare cusub wax ka badalaya arki meysid oo dhahaya war doorashaan kuu dooranay hadaad gebtay adeerow na dhaaf anaga nama meteshide. Muxuu dhamaa ninka habeen habeen iyo maalin ay ku dheganyihiin kani wax loo dirsan ayuu ka shaqeynayaaye yaa udirsaday.” Qof kale oo kamid ah dadka aragtiyada ka dhiibtay ayaa asaguna yiri “PM Rooblow dadka Soomaaliyeed kadaa ilameereysada. Doorashada adaa laguu wakiishay sida muuqatana Qatar heshiiskaa kusoo gashay waa muuqataa. PM Rooblow naga daa ciyaarta.” “Maalinkasta kulan qiyaali ah!” – “Rooble waxba waa kala furdaamin waayay” ayey qaar kalena kaga fal-celiyeen. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u muuqda mid iska indho tiraya xaalada dalka uu ku jiro ee horseedka u yihiin hanaanka ay u socdaan doorashooyinka, oo mucaaridku ku tilmaameen mid ku dhisan boob iyo sharci daro. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay mucaaridka ku howlan yihiin kulamo looga tashanayo sida ay wax u socdaan, waxayna dadka qaar muujinayaan walaac la xiriir in dalka uu ka dhaco iska hor-imaad siyaasadeed oo hubeysan. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Weerar cusub oo ku billowday Ra’iisul Wasaare Rooble kadib tallaabo uu qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Israeli Prime Minister Naftali Bennett met Abu Dhabi’s crown prince Monday during the first visit by a leader of the Jewish state to the United Arab Emirates, over a year after the two countries established ties. Bennett’s visit comes as Israel pursues a diplomatic push against international nuclear talks in Vienna that could ease sanctions on its arch-foe, Iran. He was received by Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan at his private palace, where they exchanged greetings before heading inside for talks. The visit comes 15 months after the wealthy UAE broke with decades of Arab consensus and forged diplomatic ties under a series of US-brokered deals known as the Abraham Accords. Bennett, who arrived late on Sunday and was expected to focus on trade links, according to his spokesperson, said his visit reflected a “new reality” for the Middle East. “In my opinion, this is… the new reality this region is witnessing, and we are working together to ensure a better future for our children,” he told the UAE’s official WAM news agency. Israel is also stepping up its diplomatic efforts against the renewed talks in Vienna with Iran, over the Islamic republic’s nuclear programme. Bennett has called for the talks to be halted, accusing Tehran of “nuclear blackmail” and charging that it will use any revenue from sanctions relief to bolster a military arsenal that can harm Israel. On Thursday, global powers began meetings with Iran in Vienna aimed at reviving a deal to curb the nuclear programme after former US president Donald Trump pulled out in 2015. Ahead of the talks, the UAE’s national security adviser met Iran’s ultraconservative President Ebrahim Raisi in Tehran, a rare trip by a senior Emirati official. – ‘Last chance’ – The Israeli prime minister will also meet the UAE’s technology and culture ministers during his visit, and he spoke of “limitless future opportunities” to develop trade. “Israel, like the UAE, is a regional hub for trade. Our cooperation provides unprecedented economic opportunities not only for us, but for more countries,” he said. The UAE last year became the third Arab nation to establish full diplomatic relations with Israel after Egypt and Jordan, and was swiftly followed by Bahrain and Morocco. Sudan also agreed to normalise ties with Israel under the Abraham Accords, but full relations have not yet materialised. The agreements were negotiated by Bennett’s predecessor, Benjamin Netanyahu, who said they would offer Israel new regional allies against Iran and bolster its diplomatic efforts to stop Tehran from acquiring nuclear weapons. Iran claims it only wants to develop a civilian nuclear capability but Western powers say its stockpile of enriched uranium goes well beyond that, and could be used to develop an atomic weapon. On Sunday, the G7 grouping of the world’s richest nations warned time was running out to renew a deal with Iran. The Vienna talks were Iran’s “last chance to come to the negotiating table with a serious resolution”, said Foreign Secretary Liz Truss, from G7 host Britain. th/dm/fz. Source AFP Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. General Indhacadde ayaa isku soo taagay kursiga nambarkiisu yahay HOP#138 oo uu hadda ku fadhiyey ganacsade Saciid Nuur Gariish, oo aan diyaar u aheyn inuu u tartamo kursigaan. Xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen Siyaasiyiin, Ganacsato, Culumaa’udiin, Dhallinyaro iyo Haween ayuu kaga dhawaaqay go’aankiisa ah inuu u tartamo kursigaan. Kursiga uu hadda isku soo sharaxay Indhacadde ayaa waxaa horey usoo baxay warar sheegaya in Beesha iska leh kursiga ay siisay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka. “Kursiga uma doonayo inaan hanti ka sameeyo ama aan dad ku dulmiyo, waxaana u doonayaa inaan ugu adeego Diinta, Dalka iyo Dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Indha Cadde oo ballan-qaad ka sameeyay munaasibada ku shaacinayey musharaxnimadiisa. Yuusuf Indhacadde ayaa Beesha iska leh kursigaan ka codsaday inay siiyaan kursigaan, waxayna arrintaan kusoo aadeysa xilli Midowga Musharixiinta ay ka hor yimaadeen hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka. Indhacadde ayaa kamid ahaa saraakiishii Badbaado Qaran ee ka hor yimid muddo kororsigii uu sameystay madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Indha Cadde oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax iyo ballan-qaad uu sameeyay appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda duullimaadyada ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda caasimada Somaliland ee Hargaysa laga bilaabo 18-ka bishan December. Flydubai ayaan in muddo ah iman magaalada Hargaysa, kadib markii ay maamulka hay’adda duulimaadyada hawada ee Somaliland isku maandhaafeen, tirada duulimaadyada ay ee diyaaradu Hargaysa ku iman karto, oo maamulka hawadu sheegeen in lagu soo ururiyay laba duulimaad oo kali ah madaama oo lagu jiro xili jilaal ah oo aanu suuq badani jirin. Flydubai oo hore uga biyo diiday amarka xukuumada, ayaa hada u muuqata in ay aqbashay, iyadoo sheegtay in ay Hargaysa ka bilaabi doonto safaro todobaadkiiba saddex jeer ah. Qoraal lagu baahiyay boga Flydubai ayaa lagu sheegay in diyaaradu ay saddex jeer todobaadkiiba safaro ku tagi doonto madaarka caalamiga ah ee Cigaal, iyagoona sheegay in ay la shaqaynayaan hay’ada duulimaadyada Somaliland oo ay hore isku maandhaafeen. Shaqajoojinta Flydubai ayaa samayn ku yeelatay dadka rakaab ka ah iyadoo uu qaaliyoobay tigidhada diyaaraha lagu raaco. Source
-
Five al-Shabab militants were killed by Somali National Army forces during security operations in the southern region of the country. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka degmada matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa markii u horeysay ka hadlay saacadihii koobna ee dagaal-yahaanada Al-Shabaab gacanta ku hayeen degmada iyo sida ay wax u dhaceen. Guddoomiyaha degmadaas Maxamed Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyntii beeniyay in Al-Shabaab ay si buuxda u qabsadeen degmada Matabaan, balse waxa uu qirtay in qeybo kamid ah u soo gudboon dagaalamaayal ka tirsan kooxda. Waxa uu sheegay in ciidamada degmadaas iyo xoogaga Al-Shabaab uu dagaal ku dhex maray gudaha degmada, islamarkaana ay markii dambe dib uga laabteen dagaal-yahanaadii weerarka kusoo qaaday degmada. “Waxaa weerar ku yimid degmada saaka nimanka khawaarijta ka bacdina waxyar oo is-rasaaseyn ah oo ka dhacday magaalada gudaheeda ayey kuso dhawaadeen magaalada gudaheed ayey soo galeen, ka bacdi waa ay ka laabteen,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in waxyeelo ay gaarsiiyeen dagaal-yahanaadii soo weerartay Saldhigii degmada Matabaan oo bur-bur uu soo gaaray, hase yeeshe ay xiligan ku howlan yihiin xaqiijinta amniga degmada oo gacanta ku hayaan, sida uu sheegay. “Shabaabkii waxay aadeen dhinaca Bacda oo hadda ay joogan oo degmada Matabaan aan ka dheereyn, haddana anaga ayaa gacanta ku hayna oo magaalada anaga ayaa joogna.” Waxa uu intaas kusii daray in dagaalkii saaka ay ku barakaceen dad badan oo deegaanka ah, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dadkaas degmada, kadib marka ay xaqiijiyaan amniga degmada. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaal ay ku qaadi doona dagaal-yahanada Shabaab ee saldhiga ka dhigtay deegaan aan ka fogeyn Matabaan, iyaga oo garabsanaya ciidamada kala duwan ee dowlada. Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta saacado kooban la wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay gudaha u galeen degmada ayaa waxay qaraxyo ku burburiyeen saldhiga booliska degmada Matabaan. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Maamulka Matabaan oo war kasoo saaray qabsashadii Al-Shabaab iyo halkay ku sugan yihiin appeared first on Caasimada Online.
