-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkii 5-aad ee Culuumta Engineering science and Technology oo ay si wadajir ah u wada qabanqaabiyeen Jaamacadda SIMAD iyo Jaamacadda Jamhuuriya ayaa Maanta Ka furmay Magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir dowlaha wasaarada Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud, Macallimiin, Cilmibaarayaal. Shirka Oo Muddo Laba Maalin ah Muqdisho ka socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Arrimaha Culuumta Engineering science and Technology waxan lagu soo bandhigidona Cilmi baarisyo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya. Gudomiyah Gudika Qabanqaabada Shirka Saalaxa Xassan Cali ayaa sheegay in labada Maalin ee shirku uu socdo lagu soo bandhigi doono inka badan 64 Cilmi baaris oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya. Sido kale Shirkan labada maalin socon doona ayaa waxaa daah furay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, waxa uuna labada Jamaacadood ee SIMAD iyo Jamhuuriya ku amaanay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta Ardayda iyo Dalka Dhinaca kale Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud ayaa ballan qaaday in ay joogteyn doonaan Barnaamijyada ay ku tayey nayaan kuna hormarinayaan Macallimiinta, Cilmibaarayaasha iyo Ardayda Soomaaliyeed Ugu dambeyn waxaa la filayaa in Shirka Tignolijida ee Maanta ka furmay in Maalinta Barrita ah lagu soo gaba gabayndoono. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 iyo Guddiga fulinta wareegtadii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga hoos ku xusan u magacaabay fulinta wareegtadii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud; 1)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax – Gudoomiye 2)- Wasiirka Caddaaladda: Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur 3)- Wasiirka Amniga Gudaha: Mudane Cabdulaahi Maxamed Nuur 4)- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji. PUNTLAND POST The post Guddi loo magacaabay fulinta amar uu dhawaan soo saaray Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Abstract This paper draws primarily on my own scholarship, supplemented by the limited academic resources available in the “peripheries” of the world where I live and work (namely, Somali society and Darfur, Sudan), to consider the relationship between colonialism and psychology. I first consider the history of psychology in justifying and bolstering oppression and colonialism. I then consider the ongoing intersection of colonialism and psychology in the form of metacolonialism (or coloniality). I end with thoughts about decolonizing psychological science in teaching, social, and clinical practice. To decolonize psychological science, it is necessary to transform its focus from promotion of individual happiness to cultivation of collective well-being, from a concern with instinct to promotion of human needs, from prescriptions for adjustment to affordances for empowerment, from treatment of passive victims to creation of self-determining actors, and from globalizing, top-down approaches to context-sensitive, bottom-up approaches. Only then will the field realize its potential to advance Frantz Fanon’s call for humane and just social order. Read more here The post Stages of Colonialism in Africa: From Occupation of Land to Occupation of Being appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi wasiiro ah oo shaqadiisu tahay fulinta xeerkii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray ee Ilaalinta dhulalka danta guud. Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo tixraacaya xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la xiriiray Ilaalinta dhulalka danta guud ayaa magacaabay Guddiga Fulinta xeerkii madaxweyne,” Guddiga ayaa kala ah: 1- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax Gudoomiye 2- Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur 3- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur 4- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab). Wareegtadii uu Farmaajo soo saaray 27-kii bishan ayaa qorneyd sidan:- Wargeeto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego; Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud; Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh; Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo; Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysanna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka; Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan; 1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa. 2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed. 4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab. 5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud. DHAMMAAD The post R/W ROOBLE oo guddi u magacaabay wareegtadii kasoo baxday FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), taas oo berri ka bilaabaneysa Muqdisho. Xaruntaan ayaa ku dhex-taalla dugsiga tababarrada booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato. Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha maanta ku wehliyey kormeerka ku tagay goobta ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada gobollada Waqooyi oo dhawaan la shaaciyey habraaceeda. Kormeerka uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble ku tagay dugsiga tababarka Boliiska ee General Kaahiye ayaa waxa uu u daarna u kuur-galida qaabka loo sugayo amniga goobtaas iyo dardar-gelinta howlaha amniga doorashooyinka oo Booliska u xilsaaran yahay. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay si wadajir ah usoo saaray habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi, kadib khilaaf muddo ka dhex aloosna. Sidoo kale waxa uu Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) kormeer howleed ku tagay Hoggaanka Gaadiidka Boliiska, si loo dardargaliyo howlaha u yaalla Ciidanka Boliiska. Xijaar ayaa inta badan kormeer ku taga goobaha ay ka qabsoomayaan doorashooyinka oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid, waxaana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo gudo galo doorashada Golaha Shacabka. The post Xarunta ay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka ee Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Koofi (bidix) iyo Cabdiqaadir (midig) Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdiqaadir Cilmi Cali. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee hay’ adda Socdaalka & Jinsiyadda Cabdiqaadir Cilmi Cali. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & Jinsiyadda oo loo magacaabay Cabdiqaadir Cilmi Cali, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimihli hore ee hay’adda Mudane Maxamed Aadan Koofi howshii u soo qabtay”. Maxamed Aadan Koofi ayaa xilka Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya hayay tan July 2016. PUNTLAND POST The post Koofi oo xilkii laga qaaday iyo Agaasime cusub oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka aan caadi aheyn ee maanta duhurkii ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada XFS ayaa waxaa lagu ansixiyey xil ka qaadista Agaasimihii hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi. Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Golaha uu sidoo kale ansixiyey magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’addaas oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali. “Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & linsiyadda oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimihli hore ee hay” adda Mudane Maxamed Aadan Koofi howshii u soo qabtay,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble. Kulanka maanta ee Golaha ayaa ahaa mid aan caadi aheyn, waxaana Wasiirada xalay saq-dhexe loo diray farriin loogu wargelinayo kulanka maanta oo qabsoomay labadii duhurnimo. Kulankan ayaa daba socda shirkii Khamiistii dib loo dhigay oo todobaad kastaa ay yeeshaan xubnaha golaha wasiirada, kaas oo lagu gorfeeyo xaaladda guud ee dalka. Koofi ayaa ka mid ahaa agaasimayaashii ugu xilka dheeraad ee soo maray dowladda federaalka, wuxuuna xilka hayey xilligii Xasan Sheekh, wuxuuna markii uu Farmaajo yimid noqday dad faro ku tiris ah oo aan xilkooda la taaban. The post KOOFI oo XILKA laga qaaday iyo golaha wasiirada DF oo magacaabay agaasime cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Biixi, ayaa Mawliid Nuux Ibraahim Taani u magacaabay Maareeyaaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland,xilkaas oo muddo banaanaa. Qaran News
-
Wasiirka amniga xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Nuur aya xilka ka qaaday agaasimaha ha’adda Maxamed Aadan Koofi oo muddo dheer soo maamulaay ha’addan. Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ku ansixiyeen agaasimaha cusub oo Hay’adda Socdaalka & linsiyadda oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali waxaana uu badali doona Agaasimihii hore ee Hay’adda. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa markii u horeysay ka hadlay bandhig dharka lagu xayeysiinayo oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho. Sheekh Bashiir oo la hadlay idaacada KNN ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay bandhig dharkaas lagu xayeesiinayay oo ay ku soo wada bandhigayeen dad iskugu jira rag iyo dumar. “Runtii waa munkar weyn maxaa yeelay Ilaahay SWT waxa uu na amraya in indhaha laga laabto jinsiga kale, waxay midaasina u saacideysa in uu indhaha ka laabto inuu dhowrsanaado,” ayuu yiri Sheekh Bashiir. “Waa macsidii oo la amaanayo oo loo sacabinayo, waana ka digeyna waxaana leenahay dadka noocaas ah Ilaahay ha ka baqaan, markaa waa ka digeyna si kale ha loo shaqeysto oo ha loo xamaasho.” Sidoo kale wuxuu u digay dadka bandhigyada noocaas ah soo abaabula, isagoona faray in si kale wax u soo bandhigaan oo ka madhan xaaraan iyo in la soo minguuriyo dhaqan gaalo, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii gaalada dhaqankooda iyo afkaartooda la qaato hadda kadibna caqiidadooda la qaadanaya, markaa sheygii xaaraanta ah haddii laga dhigayo xalaal oo la soo bandhigo oo la iskugu imaanayo.” Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in waxa Diinteena Islaamka naga xaraantimeysay aan la xalaashan, islamarkaana aan laga baayacmushtarin dadka diintooda iyo akhlaaqdooda. The post Sheekh Bashiir oo war kasoo saaray ‘arrin munkar weyn ah’ oo kusoo korortay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Federaalka ayaa ka horyimid habraacii doorashada Golaha Shacabka gobolada Waqooyi ee ay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Waxay sheegeen in Guddiga uu mas’uul ka yahay u garnaqida iyo xallinta cabashooyinka ay u soo gudbiyaan ergooyinka iyo musharixiinta ay saameyso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada dadban ee 2020-2021 iyo in uu awood sharci ah u leeyihiin in uu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada. Sidoo kale waxay sheegeen in Guddiga uu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo muranada lagu diido go’aanada ay gaareen guddiyada labada heer ee ku aadan kala shaandheynta ergooyinka iyo murashaxiinta u tartamaya Baarlamaanka 11-aad JFS. PUNTLAND POST The post Guddiga Khilaafaadka oo ka horyimid habraacii doorashada Golaha Shacabka gobolada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Sidiid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Mudane Maxamed Xasan Ciro . Guddiga Doorashadda ee heer Federaal ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Dowladda Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka. Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo Saraakiil Madaxtooyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Macalin Cabdi Diiriye oo kamid ah Golaha sare ee Ahlu-Sunna ayaa shaaciyey qorshe qarsan oo qaar kamid ah xubnaha ururka ay dejiyeen kaasi oo ay bulshada ugu maran habaabiyeen xiisadii ka dhex aloosneyd ururka iyo maamulka Galmudug. Sheekh Diiriye ayaa sheegay inaysan jirin duulaan lagu yahay caqiidada, taasi oo ay hore u sheegen qaar kamid ah Culima’udiinka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, si ay shacab badan u dagaal-geliyaan. “Marka ay arkeen in ciidamadii furimaha cadowga ku horjoogay loo daabulayo si loogu dagaalamo Culima’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, markay arkeen fatwooyinka is-daba jooga ah ee lagu baneysanayo dhiiga Culima’udiinka Ahlu-Sunna, waxay isla qaateen in uu yahay mid ku saleysan caqiido” ayaa lagu yiri 22-kii bishaan war-saxaafadeed ay soo saareen qaar kamid ah culima’udiinka Ahlu-Sunna. Sheekh Diiriye oo ah xubin ka tirsan Golaha sare ee ururka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xiisadaas lagu tilmaamo mid caqiido, islamarkaana la kiciyo dadka. “Ahlu-Sunna Waljamaaca laguma soo duulin oo diin laguma soo duulin, waxaa lagu kicinayay dadka. Dad badan ayaa run u qabay oo ayaga sidaas ku dhintay hadda oo dagaalka qeyb uga ahaa,” ayuu yiri Sheekh Macalin Diiriye. “Siyaasiyiintan mansab raadiska waxay rabaan toos ha u sheegtan, magacan la dhibaateyay ma qaadi karo dhibaato kale walaalayaal mid kale la baxa oo ha ka dhigina magaca mid umadda ka cararto.” Hadalkan ayaa waxa uu banaanka u soo saaraya in Ahlu-Sunna ay wajaheyso kala qeybsanaan weyn, kadib markii ay markale kusoo labo kacleeyen deegaanada maamulka Galmudug oo hore looga adkaaday. The post Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Ahlu-Sunna oo shaaciyey sir u qarsaneyd kooxda (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Biixi, ayaa Eng Mawliid Nuux Ibraahim Taani u magacaabay Maareeyaaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland. Source
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii u yeertay diblomaasiyiinteeda Beirut ayada oo “garab istaag” u muujineysa Sacuudi Carabiya kadib markii wasiir reer Lubnaan ah uu cambaareeyey howlgalka Riyadh ay hoggaamiso ee Yemen. Murankan, oo sidoo kale dhaliyey in Sacuudiga ay mamnuucaan badeecadaha looga soo dhoofiyo Lubnaan, iyo in Kuwait iyo Bahrain ay u yeertaan safiiradooda, ayaa dhabarjab weyn ku ah dal markii horeba wajahayey burbur dhaqaale. Lubnaan ayaa isku haleyneysay kaalmo maaliyadeed oo ay ka hesho dalalka Khaliijka si ay u badbaadiso dhaqaalaheeda. “Imaaraadka Carabta waxay ku dhowaaqeysa lasoo bixitaanka diblomaasiyiinteeda Lubnaan si ay taageero ugu muujiso dowlad aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kadib hadalkii aan la aqbali karin ee saraakiisha Lubnaan ee ku wajahnaa Sacuudi Carabiya,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay. Muwaadiniinta Imaaraadka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u safraan Lubnaan. Xiisaddan ayaa qaraxday markii Sacuudiga ay u yeerteen safiirkooda Lubnaan, kuna amreen kan Lubnaan inuu dalka uga baxo 48 saac gudahood. Saacado kadib Bahrain ayaa ku xigsatay, ayada oo sidoo kalena Lubnaan ay Sabtidii ku dhowaaqday tallaabo taas la mid ah. Xiisadda ayaa ka dhalatay wareysi toddobaadkii tegay lasii daayey oo wasiirka warfaafinta Lubnaan George Kordahi uu ku cambaareeyey howlgalka militari ee Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Yemen. Hadallan oo la duubay bishii August hase yeeshee lasii daayey Isniintii tegtay, ayaa Kordahi wuxuu dagaalka toddobada sano socda ee Yemen ugu yeeray “mid macno-darro ah”, wuxuuna sheegay in “la joogo watqigii lasoo geba-gebeyn lahaa.” Waxa uu sheegay in mucaaradka Xuutiyiinta Yemen “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray “in guryo, tacsiyo iyo xaflado meher ay duqeeyaan” isbaheysiga Sacuudiga. AFP + VOA The post Xiisadda Sacuudi Carabiya iyo Lubnaan oo weji cusub yeelatay iyo dalal ku biiray appeared first on Caasimada Online.
-
Nin Faras dabadii ka degay, wax u dhaama ayuu waayay! Asalaamu Calaykum Mujaahid/Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige oo ku magac dheer “Jaamac-shabeel” ayaa maanta shaaciyay inuu si rasmi ah uga dhaqaajiyay Xisbigii Kulmiye, isla markaasna uu go’aansaday inuu olole u geli doono sidii Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu ugu guulaysan lahaa doorashada inagu soo socota ee 2022. Garyaqaan Jaamac Shabeel oo ka mid ahaa geesiyaashii ururkii SNM, tacab aad u balaadhana geliyay dalkiisa hooyo, kana soo qayb qaatay yagleelidii, nabadayntii iyo dhismaha Qaranka Somaliland, waxa uu hormuud ka ahaa hoggaankii Xisbiga Kulmiye ee guusha haleelay labadii doorasho Madaxtooyo Xisbiga KULMIYE uu guulaysay. Waxa kale oo Jaamac Shabeel uu ahaa Geesigii u golan-golay ee mabda’iisa la bedeli kari waayay ee garab istaagay Madaxweyne Muuse Biixi xiligii ay duruuftu ku adkayd ee go’doonka laga dhigay. Waxay ahayd xilli aad ugu qadhaadhaa Madaxweyne Muuse oo ay cid kastaa ka dhaqaaqday, hase yeeshee Jaamac Shabeel waa la dhaqaajin waayay oo wuu u quturtay, waanuu diiday inuu saaxiibkii cidlo kaga dhaqaaqo. Markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku guulaysay Madaxnimada waxaa la filayay in Garyaqaan Jaamac Shabeel uu ka mid noqon doono masuuliyiinta uu Madaxweynuhu xulan doono, nasiib darro may dhicin taasi, waxaana uu Jaamac dareemay inaanuu helin xaqii iyo xurmadii uu ku lahaa Xisbiga Iyo Madaxweynahaba, taasoo dad badanina ay la dareemayeen. Inkasta oo aanan shakhsiyan jeclaysan dhaliilo badan oo uu Xukuumada u mariyay warbaahinta, hadana marnaba muu ahayn qof mudan sidii foosha xumayd ee loola dhaqamay Kaysar ahaan marar kala duwan ayaan si shakhsi ah oo dadban oo hoose aan uga hawl galay in la dhameeyo khilaafka u dhexeeyay Jaamac Iyo Xukuumada, nasiib darro may suurto gelin. Garyaqaan Jaamac waxaan u rajaynayaa Nasiib wacan iyo mustaqbal ifaya, waxaanan leeyahay Nin Faras dabadii ka degay wax u dhaama ayuu waayay. Allow Eex ma tiraabine Aqoon haygu cadaabin Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga, Qorshaynta Iyo Arrimaha Debada. kaysar@diplomats.com Bristol. UK Source
-
Dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay xiligan gaadhay in dalalka jaarka inala ahi ay innagaga daydaan nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo u ah cashar ay muddo dheer ku taamayeen oo aanay wali ka gaadhin hadafkii ay ka lahaayeen. Doorashooyinka JSL waa qaar xor iyo xalaal ah, waxana lagu soo shirabay 7 doorasho 19kii sannadood ee la soo dhaafay. Doorashadii isku sidkanayd ee Wakiillada iyo deegaanka ee sannadkan ka qabsoontay dalku waxay ahayd tijaabo kale oo dimuqraadiyada Somaliland kaga gudubtay dalcad adag, kadib markii ay ka dabaalatay laba doorasho oo culayskooda lahaa oo dad badani aaminsanaayeen in Somaliland aanay gaadhin inay mar wada qabato laba doorasho oo wada socda oo ay u tartameen 798 Murrashax oo labada doorasho isu soo taagay. Doorashadani waxay iftiimisay in hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland uu iskii u hano-qaaday maadaama oo ay jeebadeeda ka bixisay dhaqaalihii ugu badnaa ee ku baxay doorashadaas oo goobjoogeyaashii caalamiga ahaa ku tilmaameen mid u qabsoontay si xor ah oo nabdoon. Waxyaabaha Jamhuuriyadda Somaliland dheer tahay Soomaaliya iyo dalalka jaarka ah qaarkood, waxaa ka mid ah in soddon jirka u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland uu fursad u helay inuu gacantiisa toddoba jeer ku soo doortay madaxweyneyaal, Goleyaal baarlamaan iyo kuwo deegaanba, hase ahaatee doorasho qof iyo cod ahi waa mid qariib ku ah Soomaaliya oo aan muddo lixdan sanno ku dhow aan haweysan inay gacantooda ku soo doortaan madaxdooda. Maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya oo toddobaad ka hor galay doorasho deegaan oo ay ku tijaabiyeen saddex degmo, ayaa sida dhaqanka u noqotay soo min guuriyey xeerka doorashooyinka Somaliland iyo nidaamka xisbiyada badan oo kaga daydeen Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo ay meteleen habkii looga ololeyn jiray Somaliland, waxana Telefishannada ka soo muuqday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo siday ahayd jillay qaabkii Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu Khadka telefoonka uga dalbanayey codbixiyeyaasha inay codkooda siiyaan doorashadii madaxtinimada ee 2017kii. Doorashadii isku sidkanayd ee Somaliland ka qabsoontay waxa isu diiwaangeliyey 1,065,847 codbixiye, iyadoo doorasho qof iyo cod ah ifafaalaha muuqda aanay Soomaaliya ku gaadhi karin rubuc qarni kale. Waase gar iyo daw inay siddeetan jirka aan waligii madaxdiisa soo dooran ee ku sugan Soomaaliya, in wiilkiisuna aanu waayin xuquuqdii iyo fursadii aabihii seegay oo ay la yimaadaan caqliyad ay kaga baxaan burburka iyo dawlad la’aanta dishootay. Ugu dambayn, waxaan leeyahay reer Somaliland ha sii xoojiyaan dawladnimadooda iyo inay ku sii taagnaadaan hanaanka dimuqraadiyada ee ay sida nabdoon awooda iskugu wareejiyaan madaxda dalku. Waana in laga fogaadaa wixii cunfi iyo cadho ku noqon kara dawladnimadeena sida dayaxa uga muuqata gobolka Geeska Afrika. W/Q Cumar Maxamed Faarax Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa war kasoo saaray doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan bilaabaneysa, gaar ahaan mida gobollada waqooyi ee Somaliland. Ugu horreyn guddiga ayaa ka horyimid habraaca ay shalay si wadajir u soo saareen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ku aadan kuraasta gobollada waqooyi. Guddigu wuxuu sheegay in qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee habraacan uu ka hor imaanayo mas’uuliyadda loo igmaday guddiga xallinta khilaafaadka ee ah inay iyaga go’aan kama dambeys ka gaaraan cabashada ka dhalata doorashooyinka, halka habraaca lagu sheegay inay xallin doonaan wixii tabasho ah guddoonka sare ee doorashada Somaliland. Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka. “Habraaca doorashada Golaha Shacabka BFS ee gobollada waqooyi (Somaliland) ee soo baxay tr: 30/10/2021, qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee u qoran sidatan (wixii khilaafaad ah ee ay guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxa xallin doona oo go’aan kama dambeys ah ka gaaraya guddoonka sare ee doorashooyinka Somaliland). Wuxuu caddeynayaa in qodobkan uu si toos ah uga hor imaanayo mas’uuliyaadka loo igmaday guddiga xallinta khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka dabadan 2020,2021,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka. Qoraalka guddiga oo maanta soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in marwalba la dhowro heshiiska ay doorashada ka gaareen golaha wada-tashiga qaran. ”Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashada wuxuu xasuusinaynaa guddiyada maamulaya doorashooyinka heer dawlad goboleed (SEIT) iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal (FET) in ay dhawraan dhamaan heshiisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan war-murtiyeedkii shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021. Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca sulista ergooyinka doorashada iyo qodobkiisa saddexaad ee hindisaha daahfurnaanta doorashada 2021″ ayaa markale lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyn guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ugu baaqay guddoonka sare ee doorashada kuraasta Somaliland inay saxaan khaladaadka ku jira habraaca doorashada golaha shacabka gobolada waqooyi, siiba qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad. The post Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka horyimid habraacii ay soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’sul-wasaare dhimashadeeda ka hadashay maalintii xigtayna la dilay Maanta oo kale, 31-kii bishii October ee sanadkii 1984-kii, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Hindiya Indira Gandhi ayaa ku dhimatay dhacdo lama filaan ah kaddib markii ay dileen waardiyeyaasheedii khaaska ahaa. Xasuus badan oo ku saabsan Indira ayaa ku duugan magaalada Bhubaneswar ee caasimadda u ah gobolka Odisha ee dalka Hindiya. Waa isla magaaladii uu 1964-kii ku xanuunsaday kuna geeriyooday aabeheed, Pandit Jawaharlal Nehru, oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Hindiya. Isla magaaladan, sanadkii 1967-kii xilli ay ka qayb galeysay isusoobax qayb ka ah ololaha doorashada, qof ayaa Indira Gandhi ku soo tuuray dhagax, waxa uuna uga jabiyay sanka. Laakiin intaasoo dhan wax kasii yaab badan ayaa dhacay. Khudbad ay Indira Gandhi ka jeedisay isusoo bax doorasho galabtii ay taariikhdu ku beegneyd 30-kii bishii October 1984-kii waxay ahayd khudbad caadi ah oo usoo diyaariyay la-taliyaheeda dhinaca xiriirka bulshada, Y Sharda. Balse Ndira si lama filaan ah ayay mar qura uga baxday mowduucii khudbadda, qoraalkii loo soo diyaariyayna way iska dhigtay. Indira Gandhi waxay tiri: “Maanta halkan ayaan joogaa, barri inaan joogin ayaa laga yaabaa. Waxba igama galin haddii aan joogo iyo haddii kale. Nolol dheer waan soo qaatay. Waxaan ku faraxsanahay inaan nolosheyda oo dhan ku bixiyay u adeegidda dadka. Sidaas ayaan sii wadi doonaa ilaa neefteyda ugu dambeysa ay ka baxdo. Marka aan dhintana, dhibic kasta oo ka mid ah dhiiggeyga waxay awood u yeeleysaa Hindiya.” Mararka qaar hadalka afka kasoo baxa waxa uu si lama filaan ah ugu aadaa dhacdooyin lama filaan ah. Markii ay khudbadda dhammeysay, waxay tagtay guriga barasaabke ee Bhubaneswar, oo markaas ahaa Vishambharnath Pandey, wuxuuna ku yiri: “Maanta waad i argagax galisay markaad ka hadashay dhimashadaada qalalaasaha ah.” Indira Gandhi waxay markaas u sheegtay inay si daacad ah u hadleysay. Markii ay habeenkaas Gandhi ku laabatay Delhi, aad bay u daallaneyd. Hurdo fiican ma aysan helin habeenkaas. Sonia Gandhi, oo jiiftay qolka hore ayaa soo kacday afarta habeennimo waabariga ka horsi ay usoo qaadato qalabkeeda neefta. Indira Gandhi way soo jeeday waqtigaas. Sonia Gandhi waxay buuggeeda “Rajiv” ku qortay in Indira Gandhi ay sidoo kale usoo raacday si ay ula raadiso dawada. Waxay ku tiri Sonia: Haddii aad xanuun dareento ii dhawaaq kaliya, waan soo jeedaa.” Quraac fudud Saacaddu markii ay ahayd hal saac iyo bar subaxnimo, Indira Gandhi diyaar bay ahayd. Maalintaas waxay xirneyd sari jaalle ah iyo garbasaar madoow. Isla maalintaas waxaa u ballansanaa Peter Estuna oo sameynayay dokumintari ku saabsan Indira Gandhi, maalintaas maalintii ka horreysayna waxa uu Indira ka duubayay muuqaal. Galabtii waxa uu qorshuhu ahaa inay inay la kulanto Ra’iisul Wasaarihii hore James Callaghaniyo hoggaamiyaha siyaasadda ee ka socday gobolka Mizoram, maqribnimadiina waxay qorsheyneysay inay marti geliso Princess Anne oo ka tirsan qoyska boqortooyada Ingiriiska. Maalintaas quraac ahaan waxaa loogu talo galay cunto fudud, sida roodhi la dubay, ukun iyo oranjo seeko ah. Quraacdii kaddib, markii uu yimid qofkii wajiga waxyaabaha la isku qurxiyo u marinayay, dhakhtarkeeda Mathur ayaa ugu yimid si uu u arko. Maalin walba waqigaasoo kale ayuu u imaan jiray. Xitaa Dr Mathur gudaha ayay ugu yeertay wayna la hadashay. Waxay sidoo kale ku maadeysatay madaxweynihii Mareykanka Ronald Reagan oo isagoo 80 ah marsan jiray bootarka la isku qurxiyo. Markii ay Indira timid 9:10 am, qorraxdii quruxda badneyd ayaa soo iftiintay. Askari lagu magacaabayay Narayan Singh ayaa ku dul waday dallad madow, si uu qoraxxada uga celiyo. Dhowr tallaabood waxaa ka dambeeyay RK Dhawan, oo ahaa hoggaaniye siyaasadeed muhiim u ah Congress-ka, isagana waxaa xoogaa yar kasii dambeeyay Nathu Ram, oo ahaa shaqaalaha khaaska ah ee Indira Gandhi. Dhinaca dambe waxaa jiray waardiyaheeda amniga, Rameshwar Dayal. Markii ay Indira gaartay albaabkii xafiiska guriga Ra’iisul Wasaaraha oo ku yaalla 1 Akbar Road, waxay la hadleysay RK Dhawan. Dhawaan waxa uu u sheegayay in sida ay ku amartay Ndira lafteeda uu farriin u diray madaxweyne Giani Zail Singh oo soo booqanayay inuu kasoo dago Delhi saacaddu marka ay tahay 7 pm si markaas ay suuragal u noqoto in garoonka diyaaradaha lagu salaamo. Mar qura waxaa si lama filaan ah qori rasaas ku jirto u qabsaday Beant Singh wuxuuna ku jeediyay Indira Gandhi. Waxa uu rasaas uga dhuftay caloosha. Indira waxay gacanteeda ku aaddisay wajiga si ay u badbaadsato balse Beant ayaa labo xabadood oo kale ku dhuftay. Rasaastii waxay Indira uga dhacday kilkilaha, xabadka iyo dhabarka. Shan tallaabo meel u jirta waxaa taagnaa Satwant Singh oo heystay qori nooca darandoorriga u dhaca ah, oo isagana ka mid ah ilaaladeeda khaaska ah. Markii uu arkay Indira oo sii dhaceysa wuu naxay mana uusan dhaqdhaqaaqin. Kaddib Bennet ayaa ku qeyliyay “toogo”. Satwan kaddib wuxuu ku furay dhammaan 25-kii xabadood ee ku jiray qorigiisa, kuwaasoo uu dhammaantood ku dhuftay Indira jirkeeda. Muddo ayay qaadatay in isbitaalka loola cararo ilaa ay ka dhiig baxdo. Isbitaalka markii la geeyay waxaa la xaqiijiyay inay geeriyootay. Geerida Indira Gandhi waxaa la shaaciyay abaare 2:32 am, oo ahayd afar saacadood kaddib markii ay toogteen ilaaladeeda khaaska ah. Laakiin warbaahinta dowladdu way ka gaabsadeen inay warkaas tabiyaan ilaa galinkii dmabe ee maalintii xigtay. Indira Malhotra oo wax ka qorta taariikhda Indira Gandhi ayaa sheegtay in hay’adaha sirdoonka Hindiya ay ka digeen inuu weerar noocaasoo kale ah dhici karo laguna bartilmaameedsan karo Indra Gandhi. Ragga dilka Ra’iisul Wasaaraha fuliyay ayaa sheegay inay ka aargoosanayeen howlgal ay amar ku bixisay oo dhan ahaa bulshada Sikh. Mid ka mid ah ragga dilkeeda fuliyay waxa uu codsaday in meel u dhow musqusha la istaajiyo maadaama sida uu sheegayay ay caloosha xanuuneysay. Sidaas darteed Beant iyo Satwant Singh waxaa si wadajir ah loo istaajiyay meesha u dhow musqusha, halkaasna waxay ka heleen fursad. Ila markiiba labadii askari ee kala ahaa Beant Singh iyo Satwant Singh way is dhiibeen. “Waxaan sameynay wax waajib nagu ahaa, hadda nagu sameeya waxaad rabtaan,” ayuu yiri Beant Singh. Waardiyeyaashii kale ayaa labadoodaba u kaxeeyay qol lagu soo xiray balse islamarkiiba halkaas ayaa toogasho loogu dilay Beant. Nin kale oo lagu magacaabo Kehar Singh ayaa markii dambe loo soo xiray arrimo ku saabsan kiiskan. Satwant iyo Kehar labadaba waxaa lagu riday xukun dil ah, waxaana lagu daldalay xabsiga Tihar ee magaalada Delhi. Qaran News