-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid go’aanka uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ku xalaaleeyay kursigii loo doortay Yaasiin Farey. Cabdiraxmaan ayaa go’aanka kursiga loogu xalaaleeyey Yaasiin Farey ku sheegay inuu yahay “nabar la filayey naxdin ma leh”, taasi oo ka dhigan in hore loo filayay go’aan noocan ah uu soo saaro guddiga, oo sida la fahamsan yahay gacanta ku hayso Villa Somalia. Tallaabada guddiga ay qaadeen ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay in labo ujeedo midkooda u xaqiijinayaan Farmaajo, kuwaasi oo kala ah; in lagu banaysto kuraasta loo boobayo Farmaajo iyo in jid-gooyo loogu dhigto kuraasta lagu boobo degaannada gacantiisa ka baxsan. “Haddii tan hore socon wayso waa in doorashada oo idil la foolxumeeyo, Farmaajana sheegto in doorashooyinka dalka la boobay, natiijadeedana aan la aqbali karin, eedana dusha ka saaro Rooble iyo dawlad goboleedyadda,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu intaas kusii daray in marnaba madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan aqbaleyn doorasho hufan oo si daah-furan loogu tartamo. “Waxaa ii muuqda qolo damac wado, iyo kuwo lagu yiri yaan lagu duufsan, welina dabinnada la qoolayo fahmin, laakiin uu waagu ku baryi doono mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceeen. Dalkaan dawadiisu waa doorasho hufan, daahna furan, ama dadkoo talada loo celiyo.” Hadalkan ayaa imanaya saacado un kadib markii uu maanta Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban uu shaaciyey in doorashada kursiga HOP#067 ee uu ku guuleystay Yaasiin Farey loo maray habraac sax ah. Guddiga ayaa sheegay baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigaas loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha. Guddiga ayaa sheegay in Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, islamarkaana ay soo ogaadeen in Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu kamid ahaa ergadii sanadkii 2016 soo dooratay kursiga HOPP#67, islamarkaana uu liiska ergadaas kaga jiray Nambarka 12-aad. Nabadoon Cali Jeesto ayuu guddiga sheegay inuu kamid ahaa Odayaashii ka qeyb-galay dhismaha Maamulka Galmudug sanadkii 2015, shirkaas oo uu kaga qeybgalay caaqil ku xigeenka Beesha Waceysle, sida ku cad Documentiyo uu guddiga sheegay inuu helay. Guddiga doorashada heer Maamul Goboleed ayaa maanta wixii laga bilaabo u fasaxan yahay ku dhawaaqista natiijada doorashadii kursiga HOP#067, sida uu sheegay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Nabar la filayey naxdin ma leh appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Meydka Bashiir Warsame Cabdulle oo ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda Dahabshil Group ayaa maanta laga helay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Illaaa iyo hadda ma cadda sababta dhimashada Bashiir iyo cidda ku lugta leh intaba. Mas’uuliyiinta Kenya ayaan weli ka hadlin arrintan. Markii ugu dambeysay ayaa Bashiir wuxuu gurigiisa ka tegay Talaadadii, isaga oo aaday Masjid ku yaalla xaafadda Islii, balse sooma noqon, sida ay sheegeen qoyskiisa. Qoyska ayaa xilligaas sheegay inaysan garaneyn sababta loo waayey Bahsiir, oo ahaa nin ka dhex-muuqda bulshada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii. Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo horey ay u jireen Soomaali dhowr ah oo lagu waayey magaalada Nairobi, inkasta oo bilihii dhowaa ay yaraadeen kiisaska noocan ah. Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqoonyahan degan Nairobi ayaa bishii September laga afduubtay Nairobi, waxaana la haystay toddobaad kahor inta aan lasii dayn, ayada oo weli aysan caddeyn sababta loo afduubtay iyo cidda afduubatay. Waxaa sidoo kale ka horreeyey afduubka Xafsa Luqmaan oo ah gabar Soomaali ah, taasi oo kiiskeeda uu markii lasoo daayey kadib lugaha la galay gabar ay saaxiibo ahaayeen. Waxaa sidoo kale jiray 24-kii May 2021 la helay meydka Bashiir Maxamed Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali ah oo maalmo la la’aa. Meydkiisa waxaa laga helay meel duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee gobolka Kirinyaga, oo Nairobi u jirta 180km. The post Soomaali ka tirsanaa shirkada DAHABSHIIL oo la la’aa oo meydkiisa laga helay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dareemay in madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas uu ahaa “aabe oo kale” intii ay socdeen wada-hadallo la doonayey in heshiis lagu dhex-dhigo Israel iyo Falastiin. Trump ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyey weriye Israeli ah oo lagu magacaabo Barak Ravid, oo qoray buugga Trump’s Peace: The Abraham Accords and the Reshaping of the Middle East. Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa si xooggan u cambaareyn jiray Falastiiniyiinta sababo la xiriira inay diideen heshiikii mamaulka Trump ee looga magac daray “Peace to Prosperity” kaasi oo Falastiiniyiinta lagu siin lahaa balaayiin dollar si ay uga tagaan xuquuqdooda siyaasadeed. Hase yeeshee Trump ayaa sheegay in xilligii ugu horreeyey madaxtinimadiisa uu dareemay in Netanyahu uu ahaa caqabadda ugu weyn ee nabadda ee aanu aheyn Cabaas. Trump ayaa wareysiga ku sheegay in Cabaas uu si ka badan ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu “u doonayey inuu heshiis galayo.” “Kulan aad u weyn ayaan la yeeshay Cabaas. Waqti badan ayeynu wada qaadanay, oo aan waxyaabo badan uga hadalnay. Wuxuu ahaa aabe oo kale, waxaan ula jeedaa aad ayuu u wanaagsanaa,” ayuu yiri Trump. “Waxaan u haystay inaysan ka suurta-gelin Falastiiniyiinta, oo Israa’iiliyiinta ay wax walba u sameyn lahaayeen in heshiis nabadeed la gaaro. Balse waxaan ogaaday in taasi aysan sax aheyn,” ayuu yiri. Mid ka mid ah kulamii uu Netanyahu la yeeshay, Trump ayaa dib u xusuustay inuu ku yiri “Kulan wanaagsan ayaan la qaatay Cabaas, heshiisna waa la gaari karaa.” Hase yeeshee jawaabta Netanyahu ayaa noqotay diidmo, wuxuuna sida uu Trump sheegay yiri “Aan ka fakarno, yeynaan deg degin.” Trump ayaa intaas ku daray “Markii uu sidaas yiri ayaan iri ‘ukaadi, oo ma dooneysid miyaa heshiis,’ kadibna wuxuu yiri ‘aah, aah.’ Xaqiiqda waxay tahay in Bibi uusan marnaba dooneyn heshiis.” Bibi waa naaneysta Netanyahu. Trump ayaa sheegay inuusan la hadlin Netanyahu sidii uu xukunka uga degay, isaga oo ka careysan inuu u hambalyeeyey Joe Biden markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha Mareykanka. “Ma jirto cid Bibi u sameysay waxa aan u sameeyey. Welina waan jeclahay Bibi. Wuxuu ahaa nin aan u sameeyey wax ka badan wax kasta oo aan qof u sameeyey. Balse waxaan sidoo kale jeclahay daacadnimada,” ayuu yiri Trump. “Qofkii ugu horreeyey ee Biden u hambalyeeyey wuxuu ahaa Bibi. Umana hamblyeyn oo kaliya’e wuxuu iska duubay muuqaal. Bibi wuu ka aamusi kara. Wuxuu sameeyey khalad weyn.” Netanyhu ayaa ka ajwaabay hadallada Trump wuxuuna yiri “Waan ku faraxsanahay tabarucaadda weyn ee Trump uu u sameeyey Israel iyo amnigeeda.” Intii uu Trump madaxweynaha ahaa, Mareykanka ayaa Jerusalem u aqoonsaday caasimadda Israel iyo sidoo kale in dhulka Golan Height ee Syria uu yahay dhul Israel.’ Sidoo kale uma arkin Daanta Galbeed dhul la haysto, wuxuuna maamulka Trump ogolaaday deegaameynta Yahuudda ee halkaas. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Trump: Maxamuud Cabaas wuxuu ahaa Aabe oo kale, Netanyahu ayaa ahaa caqabad appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, Dec 15 (Reuters) – Somali Islamists have captured a town in the semi-autonomous central state of Galmudug, residents said, part of a string of incursions underscoring the group’s gains amid divisions between the central government and its erstwhile allies in the region. The gains – in towns free of the al Shabaab insurgency for more than a decade – are evidence that the group with links to al Qaeda is capitalizing on deepening political divisions in Somalia ahead of long-delayed presidential elections scheduled for next year. The group on Tuesday captured the town of Eldheere, 30 km (18 miles) south of Galmudug’s capital Dhusamareb. Al Shabaab fighters bombed the police station before taking over the town, residents and an official from Galmudug state’s military told Reuters. “Last night the (Galmudug state) forces left and al Shabaab captured the town,” elder Nur Hussein said by phone from Eldheere town on Wednesday. The Islamists also kidnapped a trader and were threatening a key regional road. On Monday, al Shabaab fighters briefly took over the town of Mataban before it was reoccupied by troops from Galmudug state, resident Ahmed Abdullahi told Reuters by phone. “I saw masked al Shabaab fighters raising flags and addressing the people in the centre of town,” he said. Al Shabaab has been fighting in Somalia for years, seeking to topple the central government and rule based on its own strict interpretation of Islamic law. Major Farah Ahmed, a police officer in Galmudug, confirmed al Shabaab had taken Eldheere but said the state had dispatched troops to dislodge them. The incursions follow infighting between the Somali government and its erstwhile allies, Ahlu Sunnah Wal Jama’a (ASWJ), a Galmudug militia that was instrumental in the fight against al Shabaab. ASWJ says the government has accepted too many hardline clerics into its fold. In October, the two sides fought a deadly battle that claimed more than 120 lives. Analysts fear the clash is derailing the fight against al Shabaab. read more “This is a big threat to Galmudug’s cities like Dhusamareb,” said Abdisalam Yusuf Guled, former deputy at Somalia’s national intelligence service agency, NISA. Galmudug state did not have enough forces to fight al Shabaab, he added. Reporting by Abdi Sheikh; Writing by Elias Biryabarema; editing by Katharine Houreld and Giles Elgood The post Somali Islamist insurgents make gains as government and allies fall out appeared first on Caasimada Online.
-
Abiy Axmed oo shaaciyey inuu noqon doono Boqorka 7aad ee Itoobiya+Sababta Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo furumaha dagaalka ku sugan Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo celiyay xusuustii boqoradii Itoobiya kadib markii uu galay furumaha dagaalka ka dhanka ah kooxda TLPF. Muuqaalo iyo sawirro cajiib ah ayaa laga duubay Abiy oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka, isaga oo xiran dareenka ciidamada, wax ku eegaya toorabiinka, geed hoostiisna ku jira. „Kuwa doonaya in ay ka mid noqdaan wiilasha Itoobiya ee lagu xuso taariikhda, waa in aad u sare kacdaan dalkiina” ayuu yiri Abiy. Prof. Kjetil Tronvoll oo wax ka dhiga jaamacadda Oslo ee dalka Norway ayaa sheegay in aysan shaki lahayn in talaabada Abiy uu ku galay dagaalka ay wax ka badeshay natiijada, balse wuxuu qirey in sawirrada ay muujinayaan in uu furunta u dhowyahay, ee uusan galin meesha ay xabbadda ka dhacayso. Ciidamada TLPF ayaa kulaalayay magaalada Debre Birhan oo 130 KM oo keliya u jirta Addis Ababa ka hor intii aanan dib loogu riixin magaalada Weldiya oo 400 km u jirta caasimadda. Duqeymo diyaaradaha Drone-ka ay u geysteen Maqale Prof. Tronvoll wuxuu sheegay in isbadelka ugu weyn ay ka timid dhanka diyaaradaha Drones-ka oo Itoobiya ay ka keensatay Turkiga, Shiinaha iyo Iran. „Diyaaradaha nooca Wing Loong II ee Shiinaha ayaa ah kuwa aad ugu awood badan dhanka burburinta taangiyada, hubka culus ee madaafiicda goobta, iyo waliba ciidamada lugta ah oo ay bambaanooyin la dhici karto” ayuu yiri Prof. Tronvoll. Abiy waxa uu sheegaa in uu la dagaalamayo koox u adeegaysa cadawga Itoobiya, isagana uu yahay kan u dagaalamaya soo celinta sharafta Itoobiya, si la mid ah boqoradii hore. Bishii November ayuu Abiy kooxda TLPF la barbar dhigay ciidamadii Talyaaniga ee kusoo duulay Itoobiya , kuwaas oo lagu jabiyay dagaalkii Adwa ee 1896-dii, dagaalkaas oo uu hormuud ka ahaa boqorkii Itoobiya Menelik II, kaas oo kasoo jeeday gobolka Amxaarada. Boqorkii Itoobiya Menelik Kumanaan qof ayaa dibad bax ka dhigay Addis Ababa, waxayna taageero xoog leh u muujiyeen Abiy iyo dowladiisa. Dad badan oo Addis Ababa ka dhigay dibad bax Sida uu qabo Cabdiraxmaan Sayid oo ah falanqeeye ku nool UK , Abiy wuxuu heley taageero weyn oo dadka Itoobiyaanka ah ” Waxa uu aad ula dhacsanyahay boqoradii Itoobiya soo maray, mar ayuu dad dhagaysanayay u sheegay in hooyadiis ay ku riyootay isaga oo boqor noqday , uuna noqon doono boqorka todobaad ee Itoobiya” ayuu yiri Prof Tronvoll. “Obama ayaa heley abaalmarinta Nobel-ka isaga oo dagaal diyaaradaha Drone ka waday Afghanistan, balse wuxuu kaga duwanaaa Abiy wuxuu arrimaha ka hagayay qolka hawlgalada ee furunta ma uusan aadin sida Abiy oo kale ” ayuu yiri aqoonyahankani. Abiy markii koowaad waxa uu tagay furumada bari ee dagaalka, halkaas oo ciidamada gaarka ah ee gobolka Cafarta ay ka dagaalamayeen. Gobolka Cafarta waa kan ugu xiga gobolka Tigreega. “Dhaqan ahaan , qof kasta ah oo lab ah oo Cafar ah wuxuu haystaa qori marka uu gaaro da’da 15 jirka, waxaa loo yaqaanaa halyeeyo, waxa ay sameeyeen iska caabbin xoog badan, iyada oo markii ugu horeysay ay dagaalka galeen dumarka Cafarta” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sayid. Qariirad muujinaysa meelaha ay dagaalada ka socdaan Cabdiraxmaan wuxuu qabaa in iska caabbinta Cafar ay TPLF ka hor istaagtay in ay gaaraan xuduudda Jabuuti, halkaas oo Itoobiya ay wax kasta uga soo degaan. “Haddii ay TLPF qabsan lahayd xuduudda Jabuuti, dhaqaalaha Itoobiya jilbaha ayuu dhulka dhigan lahaa, wax badeeco ahna Addis Ababa ma aysan gaareen, sidaasi darteedna waxaa kordhi lahaa fursadaha ay TPLF ku qabsan karto Addis Ababa” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Abiy mar kale ayuu furaha ku noqday, waxaana muuqata in ciidamadiisa ay gaareen guulo , iyaga oo la wareegay magaalooyin kale. Prof Tronvoll wuxuu qabaa in inkasta oo Abiy uu xajistay awoodda, haddane uu dhaawacay sumcaddiisii caalamka, isaga oo iska dhego tiray dhammaan baaqyadii xabbad joojinta, xilli lasoo weriyay in ciidamadiisa ay galeen gabood falo. Balse Cabdiraxmaan Sayid wuxuu qabaa in Abiy uusan lahayn dookh badan iyo kala doorasho, uuna ku qasbanaa in uu iska caabbiyo TLPF. Qaran News
-
ISTANBUL, Dec 14 (Reuters) - Turkish house sales to foreigners jumped nearly 50% to a record level in November, data showed on Tuesday, bringing in billions of dollars in foreign exchange as a lira slump made purchases significantly cheaper for those buying with hard currency. Source: Hiiraan Online
-
Buuga danjire ee uu qoray Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ee waliba uu u hibeeyay labadiisa waalid ee kala ah hooyo Xaawo Muudeey Gacal iyo aabo Cali Nuur Xuseen (Ameeriko) waa buug xasuus qor ah oo ka hadlaya waayihii kala duwanaa ee uu qoraaga buuga usoo joogay dhib iyo dheefba ayadoo waliba kaligiis aysan ku koobnayn taariikhda buugakan ku xusan ee ay tahay mid ka waramaysa dhamaan qoyska qoraaga buuga waliba ayadoo qaarkood ay geeriyoodeen oo aysan ahayn dad dunida guudkeeda saran maanta. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Masar iyo Norwey ay u soo magacaabeen Soomaaliya, Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas iyo Mudane Gunner Andreas. Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah. Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Norwey ee Soomaaliya Mudane Gunner Andreas oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda mahad celin ku aaddan soo dhoweynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu kala kulmay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha Cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Dowladaha Masar iyo Norwey. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirada Masar iyo Norwey appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI (HOL) - The body of the missing Dahabshil Group employee Bashir Warsame Abdulle was today found in a mortuary in Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland. Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubaland iyo qaar kamid qeybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo madaxweynaha Jubaland ayaa sida aan xog ku helnay yeelan doona shirar albaabadu u xiran yihiin oo ay uga wadahadlayaan arrimaha doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Si gaar ah waxay uga wadahadli doonaan kuraas deegaan doorashadoodu tahay Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo ay leeyihiin beelaha ay ka soo kala jeedaan Laftagareen iyo Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Maxay salka ku haysaa booqashada Laftagareen ee Kismaayo? appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, xilli uu maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. Si rasmi ah illaa hadda looma oga sababta loo xiray Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo mar hore cafis madaxweyne ku tagay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii uu iska casilay golihii uu kamidka ahaa. Madaxweynaha ayaa kal hore qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu aqbalay codsi uu usoo gudbiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo ka tirsanaa xildhibaanada federaalka Soomaaliya, ka hor inta uusan dhawaan ka tagin xilkaasi. Qoraalka madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inuu tixgeliyay codsi afar maalin ka hor ay usoo gudbiyeen odayaasha dhaqanka ee beesha uu kasoo jeedo Qaalib, kuwaasi oo ay ku dalbanayaan inuu iman karo deeganada Somaliland. Wararka kasoo baxaya xarigiisa ayaa qaarkood sheegayaan in Maxamed uu sababsaday xeerkii u dambeeyay ee madaxweynaha Somaliland uu kasoo saaray siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho. Xeerkan ayaa lagu sheegay in dambi iyo khiyaamo qaran ay tahay in qof Somaliland ah uu ka qeyb-qaato siyaasadda Soomaaliya, waxaana go’aamiyey labada Gole ee Somaliland. “Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin,” ayuu qoddob kamid ah xeerkaasi leeyahay. Xeerkan ayaa meesha ka saaraya siyaasiyiintii reer Somaliland ee cafiska loo fidin jiray marka ay imanayaa Somaliland, wuxuuna dhigaya in haatan wixii ka dambeeya Maxkamadda Awooda u leh loo gudbin doono qofkaas, si ay xukun ugu rido. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya oo la xiray appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga xalinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka ayaa 17 cisho kadib go’aan ka soo saaray dooraqshada kursiga HOP#67 oo muran badan ay hareysay doorashadiisa. Kursigaan oo laga soo doortay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa ku soo baxay Yaasin Fareey oo ah sii hayaha Taliyaha nabad sugidda dalka. Guddiga xalinta oo kadib doorashadiisa qabtay dacwad ka dhan ah hanaanka loo maray doorashada kursiga ayaa sheegay in Hanaanka loo maray doorashada kursigaas ay tahay mid sax ah. Hoos ka akhriso go’aanka guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyey baaritaanka dacwaddii laga gudbiyey kursiga nambarkiisu yahay HOP#067 ee doorashadiisa ay ka dhacday Magaalada Dhuusaamareeb ee Xarunta Maamulku Galmudug taariikhda markey aheyd 25/11/2021. Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay ku simaha taliyaha Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Faray, kadib markii laga xiray musharaxiintii kale, loona furay isaga iyo musharaxiin malxiis ah. Guddiga ayaa sheegay baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigaas loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha. Guddiga ayaa sheegay in Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay soo ogaadeen in Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu ka mid ahaa ergadii sanadkii 2016 soo dooratay kursiga HOPP#67, islamarkaana uu liiska ergadaas kaga jiray Nambarka 12-aad. Guddiga ayaa xusay in Nabadoon Cali Jeesto uu kamid ahaa Odayaashii ka qeybgalay dhismaha Maamulka Galmudug sanadkii 2015, wuxuuna guddiga sheegay inuu shirkaas kaga qeybgalay caaqil ku xigeenka Beesha Waceysle, sida ku cad Documentiyo uu guddiga sheegay inuu helay. Wuxuu kaloo guddiga sheegay inuu wax caddeyn ah u waayey in Nabadoon Cali Jeesto laga hor istaagay inuu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo lagu qabtay doorashada kursigaas marka laga reebo sheegashadiisa. Guddiga ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay in guddiga doorashada heer Maamul Goboleed uu Maanta wixii laga bilaabo u fasaxan yahay ku dhawaaqista natiijada doorashadii kursiga HOP067. Natiijada guddiga uu ku dhowaaqay ayaa ah mid horey loo filayey, maadaama guddiga uu hoos tago islamarkaana ay gacanta ku hayso madaxtooyada Soomaaliya, oo ka dambeysay doorashada Yaasin Farey. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga kasoo baxay oo dhameystiran The post Guddiga Xalinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaray kursigii loo doortay Yaasiin Farey appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Amniga Gobalka Nugaal oo Loga Hadlay Xoojinta Amniga Caasimada Garoowe oo ay ka dhacayso Dorashada Xildhibanada Hoose ee Soomaaliya. Shirka Amniga Oo Uu Shir Gudominayay Gudomiyaha Gobolka Nugaal Waxaa Ka Qayb Galay Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka,, Gudoomiyaha Degmada Garowe Madaxda Garsoorka Iyo Sirdoonka. Shirka Oo Lagu Lafa Guray Sugida Amniga Madama Lagu Qabanayo Garowe Dorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamanka Somaliya. Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Gudiga NabadGalyada Gobolka uga Warbixiyay Qorshayasha Amni Ee Socda Iyo Kuwa La Qabtay. PUNTLAND POST The post Guddiga Nabadgelyada Gobolka Nugaal oo ka shiray Amniga Doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaga magaalada Hargeysa lagu xiray Maxamed Cumar Carte Khaalib oo horay Soomaaliya uga soo noqday ra’iisul wasaare ku-xigeen. Xarigga Maxamed Cumar Carte illa iyo hadda laamaha ammaanka Somaliland kama aysan hadlin, xilli Horay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis madaxweyne u sameeyay Maxamed Cumar. Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in aysan aqbali doonin in ay deegaanadeeda yimaadaan dadka magaca leh ee taga Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’isal-Wasaare-xigeenkii hore ee Soomaaliya oo lagu xidhay Madaarka Hargeysa. Ra’iisal Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Qarte Qaalib ayaa Hada lagu xidhay Saldhiga Booliska ee Madaarka Hargeysa. Maxamed Cumar Carte sababta lagu xidhay ayaa lagu sheegay markii uu Dayuurad ka soo dagey isagoo ku safraya Baasaboorka Dublaamsiga ee Dawlada Soomaaliya Bixiso, Kaas oo Somaliland ka Mamnuuca,Horena Ciidamada Socdaalka S/landu Siyaasiyiin badan intay u xidheen Baasaboorkana ka xareeyeen,kuwaas oo uu ka mid ahaa Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa. Qaran News
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay caasimadda dalkaas ee Jabuuti. Labada Hoggaamiye ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada shacab. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage oo kulmisay boqolaal ka mid ah aqoonyahanka iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed, si loo darso duruufaha iyo mustaqbalka dadkeenna. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti diyaar uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed. “Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, waxa uuna sheegay in ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo Geelle? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka ka socda dalka ee 2021, taas oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey. Mareykanka ayaa si gaar ah farriin ugu diray madax goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday inay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka dalka. Qoraalkan oo ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay in xilligeeda lagu qabto doorashada oo aysan dib u dhicin markale. “Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay safaaradda. Horay Mareykanka ayaa qoraallo is daba joog ah uga soo saaray xaaladda doorashooyinka, wuxuuna jiray farriimo hore oo uu u diray hoggaamiyeyaasha maamullada dalka. Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa weli ka taagan dood xoogan, taas oo saameysay geeddi socodka doorashooyinka socda oo ay haatan cabasho xoogan ka keeneen xubnaha musharixinta mucaaradka oo eedeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Si kastaba, qoraalka cusub oo uu soo saaray Mareykanka ayaa kusoo aadayaa, xilli haatan maamul goboleedyada qaar ay bilabeen doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey Jubbaland oo soo saartay liiska musharixiinta xil doonka ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Mareykanka oo farriin culus u diray madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
