-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Fadhigii 82aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa war-biximo lagaga dhagaystay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Waxaana goluhu ka wada hadlay arrimaha xoojinta amniga Dalka oo goluhu dood dheer ka yeeshay. Sidoo kale goluhu waxa uu lafo-guray dardar-gelinta siyaasadda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, islamarkaana hoggaamiya urur siyaasadeedka Mustaqbal ayaa markii u horraysay maanta ka hadlay doorashadii ka dhacday saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn. Xildhibaan Siibad ayaa eedaymo culus u jeediyay guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC, oo uu ku tilmaamay kuwa baal-marsan shuruucda iyo nidaamka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee doorashada qof iyo cod. Halkaan ka daawo khudbadda xildhibaanka PUNTLAND POST The post Xildhibaan Siibad oo eedaymo culus u jeediyay guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC appeared first on Puntland Post.
-
Wadada weyn ee halbalaha u ah magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland ayaa maanta la kowsatay qurux iyo nidaam taasi oo ay ka danbaysay kadib markii dawlada hoose ee Hargaysi ay furtay wadada dheer ee dhex marta suuqa weyn oo ay isku cadilnaayeen dadka iyo baabuurtu Halkan ka daalaco isbadalka Dadweynaha ayaa meelihii loogu talo galay baabuurtuna meeshoodii Dadweynaha ku dhaqan caasimada oo maanta ay qaarkood wax ka waydiisay nidaamkani banaynta wadooyinka ayaa sheegay in ay ku diirsadeen soona dhawaynayaan arinkaasi, sidoo kale dadkii jidadka ku ganacsanjiray ayaa noo sheegay in ay ku qanacsanyihiin oo wakhti la siiyay Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in muran xuduudeed cusub oo dhanka dhulka ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, waxayna ku hanjabtay in haddii wada-hadal lagu dhameyn aysan ogolaan doonin in dhulkeeda qeyb kamid ah lagu daro Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. Taliyaha ciidamada militariga Kenya Jeneraal Robert Kobochi ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xuduud wadaag ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah xal loogu helo muranka ka dhaxeeya. “Soomaaliya iyo Kenya waa deris, waxaa loo baahan yahay in aan ku heshiinno inaan ku wada noolaanno si wadajir ah, sababtoo ah rumee ama ha rumeysan, Carruurta Soomaaliyeed waxay aadaan iskuullada Mandheera, oo ay daryeel caafimaad ka helaan”, ayuu yiri Kibochi. Sidoo kale waxa uu sheegay in Kenya ay ka hortagi doonto wax uu ku sheegay “khataraha kusoo wajaha”, kuwaasi oo uga imanaaya wayaabaha laga faafinayo iyo macluumaadka baraha bulshada, sida uu sheegay. “Haddii uu fashilmo wada-hadalku, ciidamada difaaca Kenya waxay xaqiijin doonaan in taako kamid ah dhulka Kenya aan loo ogolaan doonin in lagu daro Soomaaliya,” ayuu yiri Jeneraal Robert Kobochi. Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowlada Kenya si weyn uga carootay kiiskii dacwada badda ee maxkamadda ICJ ka go’aan gaartay, kaasi oo inta badan dhul badeedka loo xukmiyey Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya weli kama hadal muranka ay sheegtay Kenya, hase yeeshee waxaa horey u jirtay in Kenya ay dhul ka mid ah Soomaaliya soo gashay oo ay isku dayday inay darbi ka dhisto. The post Muran xuduudeed cusub ‘oo ka dhex billowday’ Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, Nov 4 (Reuters) - Diplomatic efforts to try to avert an attack on Ethiopia's capital gathered pace on Thursday after Tigrayan forces from the north of the country made advances towards the city this week. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey diyaaraddii shalay ku gubatay garoonka diyaaradaha degmada Doolow, kadib markii uu dab-qabadsaday diyaaraddaasi oo aheyd mid xamuul ah kana baxday dhanka Muqdisho. Warqad kasoo baxday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda gubatay uu nooceeda ahaa TransallC-160 NG, kuna suntaneyd: EY-360, waxayna wasaaradu shaacisay in gabi ahaan ay gubatay, kadib dab ka kacay. Wasaaradda ayaa sheegtay inay ka xun-tahay shilkaasi diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Doolow, isla-markaana ay si aad cambaarayneyso. Sidoo kale Jubbaland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay fara-gelin ku heyso maamulka garoomada diyaaradaha ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi. ”Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu iyada oo ka xun shilkaas nasiib darada ah, waxay cambaareyneysaa Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya (DFS) faragalinta qaawan islamarkaana hareer-marsan sharciga ee ay ku hayso garoomada diyaaradaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda gaadiidka ee Jubbaland. Waxa kale oo ay wasaaraddu intaasi ku dartay inay iyada diyaar u tahay maareynta tayada garoomada iyo badqabka nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed Ugu dambeyn wasaaradda ayaa ugu baaqday dowladda dhexe inay ka joojiso fara-gelinta, isla-markaana ay Jubbaland dib ugu soo celiso maamulka garoomadeeda. The post Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda, kadib diyaaraddii ku gubatay Doolow appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan lagu ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan oo dhan $354,039,039. Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland. Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho, doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2022 appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Garabkii uu hogaaminayay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee xisbiga KULMIYE, ayna ka mid ahaayeen Wasiirradii, Safiirradii, Badhasabbadii iyo kaadirkii xisbiga KULMIYE ayaa shalay mar kale Hargeysa ku yeeshay kulan ballaadhan oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xaaladda xisbigoodii KULMIYE iyo ugu dambayn halka ay u jihaysan doonaan ee ay cududdooda siyaasadeed ku biirin doonaan. Garabkan Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Hogaamiyo ee u badnaa Madaxdii xisbiga KULMIYE iyo wasiirradii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo muddoba Hargeysa iyo Gobolada dalka ay uga socdeen kulamo xidhiidh ahi ayaa shalay Hargeysa ku qabsaday kulan ballaadhan oo ay kaga arrinsadeen go’aamada ugu dambeeya ee ay ka qaadan doonaan itijaahooda siyaasiga ah iyo halka ay salka dhigan doonaan saacadaha soo socda kadib markii sida ay sheegeen ay ka caal waayeen in xisbigii KULMIYE ku soo laabto dhabbihii uu ku hanan lahaa mar saddexaad talada dalka sida ay ku doodeenna ay qabaan saluug weyn oo ku aaddan hannaanka hogaamineed, geeddi socodkiisa iyo xaalada uu wakhtigan ku sugan yahay oo ay ka dayriyeen sida ay doodda u dhigayaan. Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulankii ugu dambeeyey ee ay shalay Hargeysa ku yeesheen garabkani ayaa lagu naaqishay sidii ay u qaadan lahaayeen mawaaqif kaam dambays ah oo ay ka qaataan xaaladdooda siyaasi iyada oo xogaha kulamadaasi ka ag dhawi wargeyska Foore u xaqiijiyeen in ay mabda’ ahaan isla qaateen in ay hal xisbi isugu biyo shubtaan kaasi oo ah xisbiga WADDANI balse aanay wali xisbigaasi la gaadhin wax heshiis ah oo qodobaysan maalmaha soo socdana ay la saxeexan doonaan heshiis kama dambays ah oo ay xisbiga ku dhisaan. Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in la filayo ka hor inta aanu xisbiga WADDANI qabsan shirweynihiisa 2aad oo ku beegan badhtamaha Bishan November in ay labada dhinac isla gaadhi doonaan heshiis kama dambays ah oo lagu soo afjaro wada hadalladii muddoda u socday labada dhinac. Kaasi oo guddo labada dhinac ka kooban loo saari doono qabyo tirka heshiiska garabkani kula midoobi doono xisbiga WADDANI. Kulamadan ayaa ku soo beegmaya kadib markii maalmo uun ka hor xisbiga KULMIYE si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay xisbiga ka saareen siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa siyaasiyiintii dhidibada u taagay xisbiga KULMIYE, muddooyinkii ugu dambeeyeyna khilaaf weyn soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Siyaasiyiinta garabkan ka tirsan ee shalay kulmay waxa ka mid ahaa Wasiirradii xukuumaddii Siilaanyo sida Qabo, Cukuse, Cali Siciid Raygal, Cabdillaahi Dheere iyo rag kale oo badan. Waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socda si rasmi ah shaaca uga qaadaan heshiiska ay kula midoobi doonaan dhawaan xisbiga Mucaaridka Somaliland ee WADDANI ka hor inta aan la gaadhin shirweynihiisa 2aad. Source
-
(SLT-Addis Ababa)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee Caasimadda waddanka Itoobiya waxa ay sheegayaan in xaaladda dagaalka culus eek a socda waddanka Itoobiya uu galay waji cusub oo jahawareer ku riday xukuumadda Abiy Axmed ee Federaalka ah kadib markii shalay xooggagga TDF ee Tigraygu ku dhawaaqeen in ay ku soo wajahan yihiin caasimadda Addis Ababa. Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo warbaahinta madaxa bannaani shalay heshay ayaa xaqiijiyey in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye iyo madaxda Ururrada caalamiga ah ee dalkaasi fadhiyay ay bilaabeen in ay qoysaskooda iyo xataa iyaga qaarkood bilaabaan in ay dalka isaga baxaan waxaana arrintaasi laga dheehan karayay sida dadka ajaaniibta ah ee madaxda ahi u goosanayeen tigidhada diyaaradaha oo ay dibadda uga baxayeen dalka. Wararka ku aaddan dagaalka lagu hoobtay ee dalka Itoobiya ka dhacaya ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed uu dadka u dhaw dhaw ku war galiyey in uu qaadanayo go’aan kasta oo ay lagama maarmaan ula muuqato haddiiba dunidu ku cadaadiso in uu xilka ka dego si loo gaadho xal kama dambays ah oo lagu badbaadiyo dalka Itoobiya. Waxa ay arrintani ku soo beegmaysaa markii xooggagga Tigreega ee TDF ay shalay soo gaadhay deegaan aad ugu dhaw magaalada Addis Ababa iyada oo horumarkan ay badhi taartay dagaal culus oo jabhadda Oromada ee OLF/OLA ay guluf dardar culus ku socda ay ku soo qaadeen saldhigyo ay lahaayeen ciidamada Federaalku waxaanu dagaalka Oromadu soo qaadday ak socdaa goobo badan oo Koonfurta- Galbeedka iyo badhtamaha Itoobiya ah waxaanay wararku sheegayaan in heshiis dhex maray iyaga iyo TPLF. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalyahanno shisheeye ay ka qeyb qaateen weerarrada ay xooggaga Tigray maalmihii la soo dhaafay ku qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada. Khudbad uu u jeediyay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa isla markaana laga sii daayay telefishinka, ayaa Abiy oo u muuqday inuu ka hadlayay qabsashada xooggaga Tigray ee magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha waxa uu yareystay guulaha ay gaareen xoogaggaas. “Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy oo aan faahfaahin dheeraad ah iyo caddeyn toona soo bandhigin. Shalay ayay ahayd markii Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ku dhowaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey dalka, xilli aad looga cabsi qabo in kooxda TPLF ee Tigray-ga ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa “Xaaladda deg degga ah ayaa waxaa loogu talo-galay in shacabka laga bad-baadiyo xasuuqa ay argagixisada TPLF ka gaysanayaan qeybo dhowr ah oo ka mid ah dalka,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA. Xaaladda deg degga ah ayaa ogolaaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la sameeyo jidgooyooyin, la carqaladeeyo hanaanka gaadiidka, lasoo rogo bandow, ayna militariga la wareegi karaan meelaha qaar. Qof kasta oo lagu tuhmo inuu xiriir la leeyahay “kooxaha argagixisada oo TPLF ay ka mid tahay” ayaa la xabisi karaa ayada oo aan maxkamad lasoo taagin, sida lagu sheegay qoraalka dowladda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Inkasta aan la shaacin wakhtiga rasmiga ah ee uu Madaxweyne Biixi wareejinayo Booska Gudoomiyenimadda Kulmiye, haddana waxaanu muran ka taagnayn inay Madaxweyne Biixi ka go’an tahay islamarkaana uu go’aansaday inuu kursigan ku wareejiyo Beesha Bariga Burco. Hadaba tan iyo markii ay soo shaacbaxday inuu Madaxweyne Biixi wareejinayo Kursiga Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye waxa soo shaac baxday hadal hayn badan oo ku saabsan cidda uu ku wareejinayo kursigaasi ee ku dhisay dabadii iyo wakhtiga uu wareejinayo iyadoo sidoo kalena wax la iska waydiiyay inuu Madaxweyne Biixi mar kale sharaxan yahay iyo inuu wakhti ku darsanayo sidii caadada ahayd ee ay Siyaasiyiintii ka horeeyay sunnaayeen. Sikastaba ha noqotee, Illaa hadda waxa shaaciyay inay Booska Gudoomiyenimada Kulmiye u taramayaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay Saaxiib dhaw yihiin Madaxweyne Biixi iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi, oo labadooduba kasoo jeedaan Deegaanka Bariga Magaalada Burco kuwaasi oo mid waliba goonidiisa Warbaahinta ka sheegay inuu Booskaasi u tartamayo. Hadaba, Inkasta oo bilawgii arintan aad loo hadal hayay inuu Madaxweyne Biixi ku dhisayo Booska Gudoomiyenimada KULMIYE Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo saaxiib dhaw ahaayeen tan iyo halkii SNM, hadana waxay arintaasi soo laab laabatay Todobaadkan kadib markii uu Xasan Gaafaadhi mar kale iclaamiyay inaanay jirin cid Booskaasi kaga habooni isagoo farta ku fiiqaya dhinaca Saami Qaybsiga Siyaasadeed ee Deegaankiisa oo dad badani u arkaan inuu Wasiir Gaafaadhi ka soo shidaal qaadanayo hadal haynta iyo garnaqsiga ka dhex taagan Bulshada uu kasoo jeedo oo la aamisan yahay inay jiraan Heshiisyo dhex maray oo isaga u xaglinayaa. Warar kale oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Biixi badelay Mawqifkiisii hore ee uu laabta ku haystay ee ahaa inuu Saaxiibkii Maxamed Kaahin ku wareejiyo, kuna dhiso Gudoomiyenimada Kulmiye isaga dabadii, islamarkaana cidda ku fadhiisanaysa Kursigaasi uu u daba fadhiisnayo Beesha Bariga Burco oo uu hore ugu balan qaaday inuu Kursigaasi ku celinayo. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Biixi balanqaaday in haddii ay Beeshaasi isku soo raacdo inuu ku wareejiyo Kursiga Wasiir Xasan Gaafaadhi uu ku wareejinayo wakhtigeeda markay ay gaadho. Sikastaba ha noqotee, arintan ayaa ku ah Madaxweyne Biixi laba daran mid dooro, waxaana la saadaalinayaa in Xisbiga Kulmiye uu galo marxalad Culus oo ka waji duwan kuwii hore taasi oo haddii uu Kulmiye ka bad baado ka dhigaysa Xisbi marar kale hogaaminta dalka ku soo laabta. Source
-
The Kenya Airports Authority (KAA) has announced the public auction later this month of 73 derelict aircraft abandoned at various airports around the country. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's intelligence agency said it seized several drones from Mogadishu airport on Wednesday that were 'illegally imported.' Source: Hiiraan Online
-
President Deni inaugurating the National Desert Locust Monitoring & Control Centre in Somalia. Qardho (PP News) — Puntland State President Said Abdullahi Deni yesterday inaugurated the Desert Locust Monitoring Centre in Qardho. Funded by USAID and the British Government, the Centre will monitor swarms of locusts that periodically affect northern and north eastern regions of Somalia. USAID and the British Government funded the National Desert Locust Monitoring and Control Centre in Somalia. President Deni commended the Federal Ministry for Agriculture and Puntland Agriculture and Environment Ministry for efforts to coordinate their work to oversee construction project. President Deni awarding a Certificate of Appreciation to FAO official. President Deni thanked USAID and the British Government for funding the centre that will play an important role in devising preventive measures against locus swarms that threaten agricultural outputs. At the inauguration ceremony the Federal Agriculture Minister Saeed Hussein Eid and Desert Locust Control Organization for Eastern Africa (DLCO-EA) representative signed a cooperation agreement. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Inaugurates Desert Locust Monitoring Centre appeared first on Puntland Post.
-
Maanta ayey ahayd Markuu Wasiirka Ganacsigu Ka Jawaabayay Shidaalka magaaloiyinka iyo guud ahaan gayiga Somaliland gudihiisa ka Qaaliyoobay mudooyinkii u dambeeyeyna uu kor u socday Qiimaha Gaadiidka dalka shidaalka ay Kaalmuhu kaga iibiyaan’ isaga oo Wasiirku Jawaab nasiib daro umadda reer Somaliland ku ah oo Gaaban si Cad oon gabasho lahayn inoogu Sheegay In aanay ka Xukuumad ahaan Waxba ka qaban karayn ama aan ganacsatada qiimo go’an oo dhanka shidaalka si loo xakameeyo Sicir bararkan dalka ku soo noq noqday ee Shidaalka aan sida uu hadalkiisa u dhay habayaraate loo jari karayn wax Qiimo ah oo go’an. Hadaba Anigu Waxaan u arkaa in hadalka ka soo yeedhay ee uu wasiir Saajin maanta jeediyay inuu uga sii daray shidaalkii isla markaana ay ganacsatadii markay daawadeen hadalkii wasiirka masuuliad darada ka muuqatay inay keentay galabtaba in Ganacsatadu ay shidaalkii inagu qaaliyeeyeen Hadalka maanta wasiirku jeediyayna muu ahayn mid shacbiga jsl qabta ee dhibaatada iyo duruufaha nololeed la daalaa dhacaya. Waxaa is waydiin mudan shidaalka ma JSL Somaliland ayuun baa lagu qaaliyeeyay mise Aduunyada oo dhan ayuu ka qaaliyoobay ? Maxaa Ethiopia oo aan Bad lahayn isla markaana Dagaalo ka socdaan inooga shidaal jabnaatay ? Waxaa Maalin walba Xuduudaheena ka soo gala oo Xukuumadeenu cashuurtaa shidaalka Booyadaha lagu soo qaado ee Ethiopia inooga soo gala oo ka Jaban ka Dakadeena ka soo daga. Ugu danbayn Hadalkaa Wasiirku maanta ku hadlay maaha mid shacbigeena qabta waayo hadii aanay wazaaradiisu awood u lahayn in ay wax ka qabato waa inaanay Shacbiga mu shahar ka qaadan isla markaana xilka baneeyaan. Arintaa aad iyo aad ayaanu uga xunahay Madaxwaynahana waxaan u soo jeedinayaa arintaa in wax laga qabto oo shirka golaha wasiirada ee Bari arintaa lagaga hadlo,xalna laga soo saaro’ Waayo Bulshadeenu ma qaadi karto xaalada ay maanta ku jiraan. Xoghayaha Warfaafinta iyo Saxaafadda ee Xisbiga Ucid Yusuf Kayse Guuxaa Source
-
Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inuu xabbad joojin kala dhex dhigay beelo wallaalo ah oo shalay ku dagaalamay deegaan hoos taga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo laguna magacaabo Dhagtuur, iyadoona labada dhinac ay qaateen xabbad joojinta. Dhinacyada oo dagaalkoodii shalay uu salka ku hayay kufsi, ayaa waxaa ku baxay maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyay. waxaana si wada jir la iskula qaatay in aan mar kale la daadin dhiig cusub islamarkaana dhinacyadu ay ka shaqeeyaan sidii heshiiskaan uu u noqon lahaa mid dhaqan gal ah. Dagaallada nuucaan ah ayaa si aad ah ugu badan deegaannada maamulka Galmudug waxaana markasta dhinta wiilal Soomaaliyeed oo dalka wax badan u tari lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta Maxkamadda Hargeysa la horkeenay isagoo weli bilaa Qareen ah. Maxkamadda ayaa ka codsatay Coldoon, in uu beddelo Garyaqaan Jamaal Maandeela, oo uu hore u qabsaday iyagoo sheegay in ay ka cabanayaan Garyaqaankaasi. Coldoon, ayaa isna ku adkaystay in aanu beddelayn Qareenkiisa, waxana Coldoon dib loogu celiyay Xabsiga. Source
-
Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan oo shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland. Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia Seychelles. Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah . Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar magacaabay Xisaabiyaha guud. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirka Maanta ee Golaha Wasiirada Jubaland? appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaanada Galmudug waxaa weli ka socda dadaallo nabadeed oo lagu doonaayo in lagu soo afjaro xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dhalisay inay labada dhinac ku dagaallamaan gudaha magaalada Guriceel. Wararka ayaa sheegaya in maanta wafdi uu horkacayo General Aadan Abshir Nuure oo ah taliyaha ururka 6-aad ee guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ay gaareen deegaanka Bohol oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiiyiinta iyo xoogaga Ahlu Sunna. General Aadan Abshir ayaa maalmihii u dambeeyey Dhuusamarabeen kulamo gaar gaar ah kula qaadanayey waxgaradka, siyaasiyiinta iyo madaxda Galmudug, si xal buuxa loo gaaro Ujeedka wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaan Cali Dhoof oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Ganacsade Xaashi Carabey ayaa ah sidii loo dhammeyn lahaa tabashada Ahlu Sunna iyo ka gudbida waxyaabihii dhaliyey dagaalladoo ka dhacau degmada Guriceel. Xildhibaan Cali Dhoof iyo Ganacsade Xaashi Carabey waxa labaduna ka mid yihiin raggii ku guuleuystay inay Ahlu Sunna wada-hadal uga saaraan Guriceel, taas oo soo afjartay dagaalladii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay magaaladaas oo ka tirsan Galgaduud. Arrimahan waxa ay kusoo aadayaan, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Ahlu Sunna ciidamadeeda ay isku ruruursaneyeen deegaanka Bohol oo dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb, halka ciidamada Galmudug ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Guriceel. Si kastaba, xaaladda ayaa ah mid deggan, markii loo eego dagaalladii ka dhacay Guriceel, waxayna dadka Galmudug ay rajo ka muujinayaan inay guuleystaan wada-hadallada socda. The post Xagee ayey marayaan wada-hadalada lagula jiro Ahlu Suna? appeared first on Caasimada Online.