Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Pillaging of maritime resources is widely seen as the touch paper that lit the piracy fuse off the Horn of Africa. With it now well under control the multi-nation naval force is able to devote more resource-wise to ending illegal, unreported and unregulated (IUU) fishing in the waters it patrols. Source: Hiiraan Online
  2. Salaam Somali Bank announced plans to inject $4million into the Somalia economy between 2022 and 2024 through specialist, zero-interest micro-loans to Somalia’s best and brightest entrepreneurs. Source: Hiiraan Online
  3. Hundreds of struggling pastoralist families who have moved to Jalalaqsi town in Somalia’s Hiran region due to the drought have been given land to cultivate along the river Shabelle by local farmers. Source: Hiiraan Online
  4. BELEDWEYN (HOL) - Security forces in Beletweyne reportedly seized Ugaas Khalif Airport Monday morning amid allegations that the staff were ejected from the aviation facility. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha 14 Naadi ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdiqani Siciid Carab. Guddoomiyeyaasha ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “mid sharci darro ah oo fowdo ku ah hanaanka iyo dastuurka u degsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed”. “Qeyb kamid ah guddiga fulinta ayaa waxay sii daayeen war-saxaafadeed ay ku sheegen in guddoomiyaha xilka ka qaadeen, taasi oo meel ku dhac ku ah dastuurka, waana arrin fowdo ah oo aan laga fiirsan,” ayaa lagu yiri qoraal si wada-jir ah u soo saareen guddoomiyeyaashaas. Waxay sheegen in waxba kama jiraan tahay codeynta la sheegay in xilka looga qaaday guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta dalka, islamarkaana aysan awood u laheyn inay shaqo joojin ku sameeyan guddoomiyaha. “Waxaa halkan ka cadeynaynaa in kooxaha ama shirweynaha ay doortan guddiga fulinta, mana jirto cid ka mid ah guddiga fulinta oo shaqo joojin ku sameyn karta guddoomiyaha, taasi waa awooda shirweynaha oo keli ah.” Sidoo kale waxay sheegen in loo baahan yahay sixitaan lagu sameeyo awood ay is-bideen xubno kamid ah guddiga, islamarkaana la abaabulo shirweyne arrintaas sharciga lagu waafajinayo. Arrintan ayaa banaanka u soo saareysa kala qeyb-sanaan hor leh oo soo food saartay guddiga xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, kadib markii uu hore u shaaciyey xoghayaha xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed, oo warbaahinta la hadlay in Cabdiqani Saciid Carab lagu soo eedeeyey shan qodob oo kale ah. 1- Ku xad-gudubka awoodaha guddoomiyaha, kuwaas oo carqalad ku ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta. 2- Inuu meel uga dhacay qodobo ka mid ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanaya awoodda iyo faro-gelinta arrimaha maamulka iyo shaqooyin maamlmeedka xiriirka. 3- Inuu ku guul-darreystay qodobo kasoo baxay shirkii xiriirka ee August, uuna is-hortaag ku sameeyey in la qabto horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed. 4- In la fuliyo dib-u-eegista dastuurka xiriirka kubadda cagta oo la go’aamiyey bishii August ee 2020. 5- Tuhun ku saabsan musuq-maasuq lagu sameeyey laba mashruuc oo FIFA ay ka fulineyso Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo ah xarumo farsamo. Xoghayaha ayaa sheegay in ayada oo la eegayo qodobadaas ay guddiga fulinta cod u qaadeen in shaqada laga joojiyo guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab, ayna ku billaabeen baaritaan ay sameynayaan guddi ka kooban saddex xubnood, oo uu magacaabay guddiga fulinta, taasi oo guddoomiyeyaasha 14 Naadi ay ku tilmaameen sharci darro. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xiisad xoogan oo ka dhalatay xil ka qaadista CABDIQANI SACIID CARAB appeared first on Caasimada Online.
  6. Muwaaddin u dhashay waddanka Ciraaq ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsiya kadib markii lagu helay in uu iibiyay wiilkiisa. Ninkaas oo ku nool magaalada Baqdaaq ayaa 30 kun oo doollar kala baxay wiil uu dhalay oo saddex sano jir ah sida laga soo xigtay garsoorka dalka Ciraaq. Bayaan ka soo baxay golaha sare ee garsoorka Ciraaq ayaa lagu sheegay in maxkamadda degmada Rasaafa oo ka tirsan caasimadda Baqdaaq ay 10 sano oo xabsiya ku ridday ninkaas. Xukmanaha ayaa lagu qaaday ciqaabta ku cad qaanuunka la-dagaallanka ka ganacsiga bani’aadanka sida lagu xusay bayaankaas. Halkan ka akhri warbixinta PUNTLAND POST Abdourahman Isse The post Xukun naadir ah oo ka dhacay dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  7. Dubai-based airline flydubai has announced that it will restart flights to Hargeisa in Somaliland from December 18. Flights to the country were suspended temporarily due to operational reasons. “We look forward to working closely with the Somaliland Civil Aviation and Airports Authority and other regulatory authorities to provide a convenient option for travel to Dubai and beyond with a three-times weekly service,” the airline said in a statement Flydubai will operate three weekly service to Hargeisa Egal International Airport (HGA). Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa halmar isla kacay kadib markii midowga musharixiinta mucaaradka ku dhawaaqeen inay qabanayaan shirweyne Qaran oo wada-tashi ah. War-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen inay laba guddi sameenayaan oo mid uu qaban qaabinayo shirweynaha wada-tashiga midna uu diyaarinayo awooddii Ciidan ee lagu qaban lahaa shirkaas iyo mas’uuliyadda ammaankiisa. Mucaaradka ma sheegin taariikhda shirka, xiriir aan la sameynay waxay ku sheegeen inay dib ka faafin doonaan taariikhda shirka. Maxaa macaradka ku qasbay shirkaan? Mucaaradka waxay dhawaan soo jeediyeen qodobo ay u arkayeen in haddii wax laga qabto oo la xaliyo inay ku hagaagi karto doorashada socota ee Dalka iyaguna ay kaga qeyb geli karaan mashruuca. Qodobkoodii koowaad wuxuu ahaa in doorashada la joojiyo oo la isugu yimaado shir lagu saxayo dulduleelada ka muuqda doorashada, laakiin warqaddii mucaaradka waa la iska dhaga tiray, waxaana la diiday in la joojiyo doorashada. Mucaaradka waxay waayeen sida ay sheegeen cid kala hadasha qoraalkii ay soo saareen, waxaa kaloo laga caga jiiday inay shir isugu yimaadaan Golaha wada-tashiga Qaran. Sida iska cad madaxda Maanta awoodda heysata wax aqoonsi ah uma hayaan mucaaradka Xamar oo ay ku jiraan Laba madaxweyne oo hore, waxaana loo arkaa Niman aan heynin Itaal Af ka badan. Soo jeedintoodii indhaha laga dabooshay waa midda koowaad ee keentay inay mucaaradka ku qasbanaadaan inay tallaabo kale qaadaan. Shirka iyo noociisa Shirkaan waa wada-tashiga ah sida ay mucaaradku rabaan ma ahan mid siyaasiyiinta ku kooban, waa mid loo furi doono dhammaan bulshada Soomaalida sida dhaqanka, siyaasiyiinta, Culimada, Aqoonyahanka, Dhallinyarada iyo Haweenka. Qurba joogta si toos ah iyo si muuqaal ah ayey labadaba shirka uga qeybgeli doonaan. Ujeedka shirkaan waa in Soomaalida ka tashato halka looga dhaqaaqi karo Isgoyska halista ah ee la taagan yahay iyo sida loo badbaadin karo dalka. Mucaaradka waxaa u muuqata in sida hadda wax ku socdaan inay ku dhammaan karto dagaal dhiig ku daato. Midowga musharixiinta mucaaradka waxay rabaan inuu shirkaani dhalo Qorsho lagu dhaqaaqi karo sida dhismaha Gole Qaran oo kumeel gaar ah oo badbaadiya doorashada. Sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha midowga musharixiinta shirkaan wuxuu noqon doonaa mid ballaaran oo muddo socda si waxa uu dhali doono u noqdaan cinwaan si weyn u badala Dalka. Mucaaradka ma waxay rabaan Dagaal? Mucaaradka way ku kala aragti duwan yihiin in awood ciidan lagu badbaadiyo doorashada boobka ah. Qaar ayaa ku doodaya dagaalkii Bishii April ee sanadkaan wuxuu lahaa laba Waji oo ahaa diidmada muddo kororsiga iyo in Farmaajo awoodda doorashada ku wareejiyo Ra’isulwasaaraha, waana la gaaray labadaas hadaf balse dagaalkaan cusub uma heyno hadaf saxan. Halka qaarna ay qabaan in doorasho boob ah inay mar walba ku dhammaan doonto dagaal sokeeye, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda la aado in awood ciidan lagu joojiyo doorashadaan loo jeedo inay Berri ku dhammaan doonto gacan ka hadal. Mucaaradku hadda waxay dhisayaan guddi diyaariya Ciidan sida ay sheegeen, ciidankaas waxay wajiga koowaad sugayaan ammaanka shirweynaha wada-tashiga, balse waxaa jirta aragti kale oo dadka qaar qabaan oo ah inay mucaaradka arrintaan rabaan in ciidan ku dhex diyaarsadaan kuwaas oo Berri arrimo kale loo isticmaali karo. Si walbaba, Soomaaliya waxay u muuqataa inay kasii leexaneyso dhabbihii doorashada. The post Midowga musharixiinta mucaaradka ma waxey u dhaqaaqeen jihadii dagaalka? appeared first on Caasimada Online.
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saacado kooban si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay faarujiyeen ciidamadii ku sugnaa degmadaas. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa kadib markii ay gudaha u galeen degmada waxay qaraxyo ku burburiyeen saldhiga booliska degmada Matabaan, sida ay soo werinayaan dad deegaanka ah. Sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ayaa waxay gudaha degmada ka sameeyen dhaq-dhaqaaqyo lagu baadi-goobayo shaqsiyaad xiriir la leh maamulkii degmada. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaal-yahanaada kooxda Al-Shabaab ay iskaga baxeen degmada, kadib markii ay gacanta ku hayeen saacado kooban. Ka bixista Al-Shabaab ayaa imaneysa xilli ay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda ay u ruqaansadeen dhanka degmadaas, ka horna ay sii faarujiyeen dagaal-yahanadii maanta la wareegay. Xaaladda ayaa aad u kacsan waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi xoogan, halka kuwa qaarna ay maanta isaga baxeen degmada. Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, hase yeeshe maamul ahaan hoostagta Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer isku kala bad-badalay ciidamada Galmudug iyo kuwa taabacsan hogaanka Al-Sunna, oo ayadu kal hore dagaal la gashay maamulka. Si kastaba, illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda maamulka Galmudug iyo laamaha amaanka maamulka oo ku aadan xaalada Matabaan, oo goordhoweyd ay ka baxday kooxda Al-Shabaab, kadib saacado ay gacanta ku hayeen. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Kadib qabsashada MATABAAN, Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburiyey… appeared first on Caasimada Online.
  10. Wararka naga soo gaarayo degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada. Shabaab ayaa gudaha u galay magaalada kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda ee halkaas ku sugnaa. Xubnaha ka tirsan Shabaab ee magaalada qabsaday ayaa la sheegay in ay gubeen saldhigga booliiska degmada Matabaan. Saacado kooban oo ay gacan ku heynta magaalada la wareegeen ururka ayaa markii dambe isaga baxay gudaha magaalada Matabaan ee gobalka Hiiraaan. Waxaana la sheegay in ay u ruqaan sadeen deeganada banaanka ka ah degmada Matabaan ee kala qeybisa xadka gobalada Galgaduud iyo Hiiraan. Qabsashada al-shabaab ay maanta qabsadeen matabaan ayaa ka dhigan in 13 sano ka hor , markii ay soo ifbaxeen ururkan. Maamulka Hirshabeelle ayaanan weli ka hadlin magaalada ay ka qabsadeen ururka Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. HARGEISA (HOL) - MPs in Somaliland parliament Monday engaged in a scuffle following the announcement by the government that it would be allowing the registration of more political parties. Source: Hiiraan Online
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay barqanimadii maanta gudaha u galeen degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab aysan la kulmin wax iska caabin ah, waxaana marka ay gudaha u galeen Matabaan ay isku ballaariyeen magaalada oo dhan. Sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gudaha degmada oo muddo ay gacanta ku hayeen ciidamo Booliis ah iyo maleeshiyaad deegaanka ah. Warar kooban oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay dagaalyahanadooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayna la wareegeen saldhigyadii ciidamada iyo xarumihii maamulka. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi xoogan, halka kuwa qaarna ay isaga baxeen degmada, cabsi ay ka qabaan darteed kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka oo ku aadan xaaladdaasi. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, iyada oo shalay xoogaga Al-Shabaab ay qabsadeen deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Si kastaba, la wareegitaanka Al-Shabaab ee degmadan ayaa muujineyso awooda kooxdaan ay u leeyihiin inay sii wadaan dagaalkooda, iyaga oo ka faa’iideysanaya kala guurka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Al- Shabaab oo la wareegtay degmada Matabaan appeared first on Caasimada Online.
  13. Qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka iyo muxaafidka Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa maanta isku fara saaray xarunta golaha. Sidoo kale gudaha xarunta Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa waxaa ka dhacay rasaas, kadib markii ay isku dhaceen xildhibaano iyo ciidamo booliis ah oo doonayay in ay xiraan mudane ka tirsan baarlamaanka. Gacan ka hadalka ayaa ka dhashay dib u furista ururada siyaasadda oo shalay ay ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland, maantana la horgeeyay Golaha Wakiilladda. Xildhibaannada muxaafidka ee Kulmiye ayaa taageeray furista ururada, waxayna diideen in ay maanta galaan xarunta baarlamaanka, halka xildhibaannada mucaaradka ay sharci darro ku tilmaameen furista ururada siyaasadda Somaliland. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gacan ka hadal iyo rasaas ka dhacaysa xarunta Golaha Wakiilladda Somaliland ee Hargeysa. PUNTLAND POST The post Gacan ka hadal iyo rasaas ka dhacday xarunta Golaha Wakiilladda Somaliland appeared first on Puntland Post.
  14. Fadhigii saaka ee golaha wakiillada S/land+Xaalad cakirnaana oo u dhaxaysay xildhibaannada muxaafidka & kuwa mucaaridka Fadhigii saaka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa waxa hadheeyay xaalad cakirnaan oo u dhaxaysay xildhibaannada muxaafidka ah iyo kuwa mucaaridka ah. Xildhibaannada muxaafidka ah ayaa diiday inay gudaha u soo galaan hoolka golaha wakiillada. Fadhiga saaka waxa loo balansanaa in wax la iska waydiiyo mooshin ay shalay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada iyo in dood la galiyo xeerka furista ururada oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dib ugu soo celiyay golaha. Saacado ka dib ayuu furmay goluhu waxaana xoghayaha guud ee golaha wakiilladu u akhriyay mooshinkii ay xildhibaanadu soo gudbiyeen iyada sharciyaaqada goluhu ay sharci-darro ku tilmaameen mooshinkaasi Ugu dambayntii guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in golahu xidhan yahay illaa inta ay soo xaadirayaan xildhibaanada dibada ka joogay fadhiga. “Sharci maaha in xildhibaanno shir jaraa’id qabtaan ee waxaa saamayn sharci yeelanaysa wixii Goluhu isku raaco ama isku diido, xildhibaannada jooga waan u mahadnaqaya, waxaan Mudaneyaasha maqan ku boorrinaya in ay sharciga u soo noqdaan cid kasta oo dabada ka riixaysana aanay golaha ku waxyeelayn Sabtida waxa la sugaya Miisaaniyaddii haddii Golaha loo qaabeeyo in maanta qolo ka baxdo berrina qolo ka baxdo oo aanu Goluhu wada shaqayn waxay noqonaysa duullaan lagu soo qaaday hay’addihii Qaranka, ciddii ka dambeysana waxaanu leenahay karis xun iyaduna wax ku la arrintaasina cid gaar ah saamayn mayso wixii Golaha dhexdiisa ka jirana Golaha ayaa ka wada hadlaya,” Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Qaran News
  15. Sheekada dareenka leh ee Mohamed Abdi Guure oo loo garan ogyahay Maxamed Kadawe, waxay ka mid ahayd sheekooyinka aan so toobiyo kuwii iigu saameynta badnaa. Sannadkii 2012-kii ayuu ku dhaawacmay xoreyntii Xero Maslax xilligaa oo uu ahaa askari Qaranka Soomaaliyed u shaqaynayay. Waxa uu ka tirsanaa guutada koowaad ee ciidanka xoogga dalka. Dhaawacu waxa uu ka soo gaaray dhabarka oo firir ka galay uu sababay in uu istaagi kari waayo, muddadaasna uu kursiga maciin bido….. Codkiisa. Kursiga iyo 4-ta derbi 2007-dii ayuu ku biiray ciidanka xoogga dalka, amniga maanta ka jira Muqdisho waxa uu ka mid ahaa dadkii keenay ee habeeno u soo jeeday, waxaa dhibaatadu ay soo gaartay isaga oo dalkiisa iyo dadkiisa u adeegaya, balse doorkeedii ma qaadan dowladdii uu u shaqynayay markii duruufaha adag la soo derseen, hadda waxaa uu dalbanayaa in ay ka so falceliyan bahidiisa cid kast oo sheekdaan ay gaarto. (Dalab caawinaad Cabdquaadir Kadawe waa da’da ka yar Maxamed, waqtigiisa ugu badan isaga ayuu siiyaa si aanu cidlo u dareemin. Waxaa uu sheegay in ay u tagaan Taliye kasta o la magacaabo balse aanay jirin cid cabashadooda ka soo jawaabta…. Maxamed waxaa uu Nin han iyo hammi fog leh, nasiibka ayaa ka hiiliyay, manata dadka ayuu doorbiday kaalmasooda. Erayada dareenka leh ee igu yiri waxaa ka mid ahaa Lacag ma tacban oo anigoo 20 jir ah ayaan cuuriyaan noqday. Ehel iyo dad i kaalmeeyana ma helin. Derbiyadan ayaan u dhexeeya muddo, waxaamse aaminsanhay in ay jiraan dad i caawin doona. Sheekada Madaxmed Kadawe oo ku naafoobay dagaalladii magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan cidna ka jawaabin codsiyadiisa. Ku caawi wixii aad awooddo; Hormuud: 061 5301764 Slaam Bank 32005805 Hoos ka daawo Sheekada Madaxmed Kadawe oo ku naafoobay dagaalladii magaalada Muqdisho Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Fadhigii saaka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa waxa hadheeyay xaalad cakirnaan oo u dhaxaysay xildhibaannada muxaafidka ah iyo kuwa mucaaridka ah. Xildhibaannada muxaafidka ah ayaa diiday inay gudaha u soo galaan hoolka golaha wakiillada. Fadhiga saaka waxa loo balansanaa in wax la iska waydiiyo mooshin ay shalay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada iyo in dood la galiyo xeerka furista ururada oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dib ugu soo celiyay golaha. Saacado ka dib ayuu furmay goluhu waxaana xoghayaha guud ee golaha wakiilladu u akhriyay mooshinkii ay xildhibaanadu soo gudbiyeen iyada sharciyaaqada goluhu ay sharci-darro ku tilmaameen mooshinkaasi Ugu dambayntii guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in golahu xidhan yahay illaa inta ay soo xaadirayaan xildhibaanada dibada ka joogay fadhiga. “Sharci maaha in xildhibaanno shir jaraa’id qabtaan ee waxaa saamayn sharci yeelanaysa wixii Goluhu isku raaco ama isku diido, xildhibaannada jooga waan u mahadnaqaya, waxaan Mudaneyaasha maqan ku boorrinaya in ay sharciga u soo noqdaan cid kasta oo dabada ka riixaysana aanay golaha ku waxyeelayn Sabtida waxa la sugaya Miisaaniyaddii haddii Golaha loo qaabeeyo in maanta qolo ka baxdo berrina qolo ka baxdo oo aanu Goluhu wada shaqayn waxay noqonaysa duullaan lagu soo qaaday hay’addihii Qaranka, ciddii ka dambeysana waxaanu leenahay karis xun iyaduna wax ku la arrintaasina cid gaar ah saamayn mayso wixii Golaha dhexdiisa ka jirana Golaha ayaa ka wada hadlaya,” Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Source
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in buuq xoogan uu hareeyey kulan ay leeyihiin xildhibaanada golaha wakiilada maamulkaasi, kaas oo ay isku khilaafsan yihiin xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee ku jira Golaha. Xildhibaanada qaar ayaa kulanka bannaanka uga soo baxay, waxaana kadib doodooda ay sababtay inay is gacan qaadaan xubno ka kala tirsan mucaaradka iyo muxaafadka. Muuqaallo ay heshay warbaahinta ayaa la arkayey laba xildhibaan oo is feeraya, isla-markaana ay kala qabanayaan qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada. Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay buuqaas, iyada oo markii dambe lagu guuleystay in la xalliyo dagaalka gacan ka hadalka ah ee dhex-maray xildhibaanada. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan xaaladdu ay dagan tahay, isla-markaana uu si rasmi ah u furmay kulanka guud ee golaha wakiilada Somaliland. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa laga akhriyayaaa xeerka uu dib u soo celiyey madaxwayne Muuse Biixi, kaas oo muran ka dhex-dheliyey mucaaradka iyo muxaafadka. Arrintan ayaa sii xoogeysatay, kadib markii uu shalay wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ku hadlayey afka madaxweynaha ku dhawaaqay in ay furan yihiin ururada siyaasadda, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen xisbiyada UCID iyo Wadani. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee Somaliland oo ku dagaalamay Golaha appeared first on Caasimada Online.