-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxa aan si dhow u la socdey maalmihii dambe xiisad ka dhex aloosantay xukuumadda Puntland iyo ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee P.S.F. (ex P.I.S.), xiisaddaa oo sababi gaartey iska-hor-imaad foolxun oo gaysan lahaa khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ba. Xiisaddu waxa ay ka dhalatay isbeddel lagu sameeyey hoggaanka sare ee ciidanka P.S.F., ka dib markii xeer madaxweyne lagu magacaabay agaasime cusub taariikhdu markii ay ahayd 24-tii Nofeembar, 2021. Madaxweynaha Puntland ayaa ku celceliyey, sabab na uga dhigay, isbeddelka uu ku sameeyey hoggaanka ciidammada P.S.F., waqtigan oo uu dalku doorasho ku jiro, in uu uga gol leeyahay xoojinta nidaamka dawladnimo iyo soocelinta kaladambaynta. Waxaa ciidankan uu muranku ka taagan yahay hoggaaminaya sarkaal ay walaalo yihiin musharrixii la tartamayay madaxweynaha Puntland doorashooyinkii 2019-kii, ee loollanka adag la galay, waa Asad Diyaano ee. Waxa aan gorfeyn kooban ku samayn doonaa qaabka ay u wajahday xukuumadda Puntland la tacaamulka ciidanka P.S.F. iyo daldaloolo waaweyn oo iiga soo baxay dawladnimada iyo dhaqanka Puntland-ta maanta joogta. Waxaa cid kastaayi ogsoon tahay in xasilloonidarro maanta ka dhacda geyiga Puntland aysan cidna dani ugu jirin. Amniga oo khalkhal gala ka sokow, waxaa wiiqmaya nidaamkii xisbiyada badnaa ee curdinka ahaa ee ay xukuumaddu ku tala jirtay in ay ka fuliso Puntland. Isbeddelka lagu sameeyey hoggaanka P.S.F. Waxaa isbeddelka la sameeyey iyada oo aan wadatashi la la samayn ciddii ay khuseysey. Waxaa lagu baraarugey wareegtada magacaabista ah ee lagu daabacay bogga Faysbuugga ee madaxtooyada Puntland. Waxa uu isbeddelkani yimid ka dib 13 bilood oo aysan jirin cid mushahar iyo taageero siisa ciidammadan—xukuumadda Puntland na aysan ka war haynin. Hoggaanka hawlgalka ciidammada Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika waxa uu ku war galiyey madaxda Puntland in ay joojinayaan taageerada ay siiyaan ciidanka P.S.F.—waxa uu na kula taliyay in ay taageeraan oo ka war hayaan. Bal se xukuumadda Puntland ayaa ka seexatay ciidammadaa 13 bilood, cidla na ku sii daysay, iyaga oo weli ba ay is hor fadhiyaan al-Shabaab iyo Daacish. Ciidankan oo aan tiradooda saxa ah la shaacin ayaa ah kuwo aad loo tababbaray, dhab ahaantiina ah ciidammada keliya ee ay Puntland ku xisaabtanto marka uu xaalku adkaado; sidaas ayaa ay madaxdii hore u arkayeen, daryeel macnawi ah na u la daba joogeen. Kala furfurka laan ka mid ah laamaha amniga ugu tayada roon Puntland waxa ay micnaheedu tahay in haybaddii uu ciidankani lahaa la dilayo—argagaxisadii ay hor joogeenna aysan dib dambe uga haybaysan doonin. Waxaa la rabey in Puntland darsi ku filan ka barato natiijadii ka dhalatay kala furfurka laamaha amniga Dawladda Federaalka markii Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir iyo koox ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay sheegeen in ay ka biyo diideen sida ay wax uga socdeen caasimadda dalka ee Muqdisho, qalalaase halis ah na ay dalka geliyeen. Ciidammada Dawladda Federaalka dhacdadaa ka dib, sidoodii hore ma aha, kalsoonidii iyo haybaddiina dhaawac culus ayaa soo gaaray. Tayaynta ciidammada Puntland Waxaa muddo saddex sanno ah dadweynaha Puntland loo sheegayay in xukuumadda haatan talada haysaa ay ku hawlan tahay tayaynta ciidammada, iyaga oo tababbarro heer sare ah la siinayo. Taas ayaa noqotay waxba-kama-jiraan ka dib markii ay xukuumaddu adeegsatay ciidammo-beeleedyo iyo hubkoodii ay gaarka u lahaayeen, si ay u wajahaan ciidammada P.S.F.. Waxaa caddaatay in tababbarrada ay qaataan ciidankan la sheegay in ay amniga Puntland sugayaan aysan ahayn mid lagu kalsoonaan karo, muddada iyo maaddada tababbarka oo liidata daraaddood. Dhinaca kale, ciidan markii ay amar-dawladeed wax ku dilaan laga rabo magta in ay bixiyaan jifi-hoosaadkooda, ma yeelanayaan mooral ay si kalsooni ku dheehan tahay ugu fuliyaan awaamirta dawladda. Isimmada Puntland Waxaa soo if baxday aragtida dhabta ah ee ay hoggaanka Puntland ka qabaan doorka ay isimmadu ku leeyihiin dhaqanka iyo siyaasadda Puntland. Waxa uu madaxweynaha Puntland iska diidey oo dhaliilay talooyin iyo go’aanno ay soo jeediyeen lix isim oo ka mid ah isimmada Puntland lafdhabarta u ah. Waxa ay xukuumadda Puntland sheegtay in isimmadu ay gaareen go’aanno dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland. Waa markii ugu horreysey oo ay xukuumaddii isimmadu wax ka dhiseen 23 sanno ka hor ay sidaan ugu gefto, bahdilaadna u gaysato. Mar walba oo la is qabto ama muran xoog leh oo gacankahadal sababi kara uu u muuqdo, isimmadu waxa ay ka shaqayn jireen nabadaynta iyo maslaxadda dadka iyo xukuumadda Puntland. Waa nasiibdarro in maanta lagu eedeeyo in ay iyagu yihiin kuwa mugdiga galinaya mustaqbalka Puntland, dhaawacayana sharafteeda. Dhinaca kale, waxa ay xukuumaddu abaabushay isimmo-jifeedyo u jawaaba isimmadii waaweynaa, taas oo mar kale na tusisay niyadda dhabta ah ee xukuumadda haatan talada haysa iyo wixii u qarsoonaa. Waxaa isu kay qaban wayday in ay xukuumaddu wiiqdo doorkii isimmadu ay ku lahaayeen dhismaha dawladda iyo iskuhaynta bulshada, iyo dhinaca kale isimmadii doorkoodii la wiiqay in laga doonayo in ay soo uruuriyaan magta marka uu askari amar dawladeed wax ku dilo. Sawirka dhabta ah ee xukuumadda Puntland Dhacdadan iyo dhacdooyinkii hore ee ay ka mid ahaayeen kuwii lagu wiiqay awooddii baarlamaanka waxa ay na tusayaan sawirka dhabta ah ee xukuumadda haatan talada haysa. Waxaa na markii ba soo baxaya qodobbada ay kuwani ka mid yihiin: 1. In ay caqabad walba oo soo food saarta ku xalliyaan qori caaraddii, xarig, iyo cagajuglayn. 2. In ay dagaal kula jiraan saddexdii tiir ee asaaska u ahaa dawladnimada Puntland oo kala ahaa: b. Isimmada; t. Culimada (wadaaddada); iyo j. Ganacsatada. 3. In ay u adeegsato cashuurtii dadweynaha laga uruuriyey iyo deeqihii dawladaha shisheeye ay bixiyeen kala furfurka iyo aamusinta kooxaha xukuumadda dhaliilsan. Markii intaa la isku daro, waxaa soo baxaysa xukuumadda in aysan dhab ka ahayn fulinta nidaamka xisbiyada badan, doonaysana in ay muddada ku sii kororsato, haddii uu dagaal dhacana lagu maareeyo qori caaraddii, iyaga oo adeegsanaya ciidan daacad u ah oo dadweynaha u cabburiya isla markaana waxa socdaa aysan door ku lahayn isimmada, ganacsatada, iyo culimada. Nasrudin M. Ahmed waxaad kala xiriiri kartaa ahmedfiqi2018@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid. The post Maxaa inooga soo baxay is-qabqabsiga Puntland iyo PSF? appeared first on Caasimada Online.
-
Facebook oo $60 milyan ku iibsatay magac cusub Shirkadda Meta Platforms Inc, oo leh baraha bulshada ee Facebook, Instagram, iyo WhatsApp ayaa xuququda magaca Meta ku iibsatay 60 milyan oo dollar, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Reuters. Shirkadda Meta ayaa waxaa la aas-aasay bishii October kadib markii Mike Zuckerberg oo ah milkiilaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Oculus uu go’aansaday in shirkad cusub la hoos geeyo, halka markii hore uu magaca shirkadda ka ahaa Facebook, oo ay hoos iman jireen WhatsApp, Instagram iyo Oculus. Hase yeeshee xuquuqda magaca ama sumadda ganacsiga (Trademark) ee Meta ayaa waxaa lahaa Banki ku yaalla magaalada Sioux Falls ee gobolka South Dakota ee Mareykanka oo lagu magacaabo Meta Financial Group. Kadib wada-hadallo socday dhowr bil ayaa shirkad lagu magacaabo Beige Key LLC iyo Meta Financial Group, waxay isku raaceen heshiis 60 milyan oo dollar ah oo sumadda magaca Meta (Trademark) lagula kala wareegayo, sida uu sheegay afhayene u hadlay Bankiga. “Beige Key LLC inanga ayey nagu xiran tahay, waxaana iibsanay xuququda magaca Meta,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook). Heshiiskan ayaa muujinaya sida magaca Meta uu muhiim ugu yahay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook). Afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc ayaa sheegay in shirkadda ay wada-hadallo kula jirtay Meta Financials kahor inta aan magaca shirkadda laga beddelin Facebook. Qaran News
-
Sawir lacag qaali ah lagu kala iibsaday Magaalada Hargeysa+Sababta Magaalada Hargeysa ayaa lagu kala iibsaday sawir gacmeed ka hadlaya nolosha carruurta darbi jiifka ah ee aan hoyga haysan. Waa markii ugu horraysay ee sawir gacmeed lacag kun dólar ku dhow lagu kala iibsado magaalada Hargaysa. Ayaanle Axmed Cabdi oo ku magac dheer Ayaanle LK waa ninka sawir gacmeedka sameeyey, wuxuuna sheegay in lacagta ka soo xaroota lagu caawin doono carruurta darbi jiifka ah. “Habeen dhawayd ayaan dhaxan dareemay oo xammili kari waayey, markaa waxaan ka fekaray ciyaal yaryar iyo dadyaw ila mid ah oo meel ay ku hoydaan aanay jirin, bal inaan dadkaa sawir ka sameeyo. Sawirkaasna aan gadi karno, lacagta ka soo baxdana aan ku taageeri doonno dadyawgaas iyo waxay kaga gaashaantaan dhaxanta.” Sawirkan ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, waxaan gadatay shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Soomar Online oo siisatay lacag gaadhaysa 7 milyan oo shillinka Somaliland ah taas oo u dhiganta 800 oo dollar. Qaran News
-
Ceel-dheere (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel-dhee ee gobolka Galguguud oo Dhuusamreeb u jira 30 KM, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan iyo dadka deegaanka. Al-Shabaab ayaa deegaanka kula wareegay dagaal la’aan, sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, islamarkana ay bur-buriyeen xarumihii maamulka iyo ciidanka ee ku yaalay Ceel-dheere, kadib markii ay qarax ku xireen. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey qabsaday deegaankan kadibna baxay, waxaana ugu dambeysay horaantii sanadkan oo ay deegaanka kula wareegeen dagaal ay la galeen ciidamada dowladda. Sidoo kale, 14-kii November 2020 ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, inkastoo saacado ka dib ay dib uga baxeen. Al-Shabaab ayaa sidoo kale Isniintii qabsatay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, inkasta oo markii dambe ay dib uga baxeen. Hujuumka Shabaabka ee gobollada dhexe waxay ku soo aadaysaa, iyadoo uu meesha ka baxay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo dagaal adag kula jiray deegaano bandanna ka saaray. Ahlu Sunna ayaa muddadii laba iyo tobanka sano ee Gobolada Dhexe ka hawlgaleysay waxay ku guuleysatay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caagan weerarada Al-Shabaab. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post DEG DEG: Al-Shabaab oo qabsaday Ceel-dheere appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashooyinka ayaa sida caadiga ahba loo arkaa inay yihiin hannaan iyo astaan habraaceed lagu garto nidaamyada siyaasadeed ee dimuqraadiga ah. Waa hab sharciyeed muhim ah oo loogu talagalay nidaamyada dowliga ah iyo jilayaasha siyaasadda inay ku helaan oggolaansho. Si kastaba ha ahaatee, doorashada sida xun loo maamulo waxay horseedi kartaa dib u soo noolaynta colaadaha, maadaama laga yaabo in natiijaada ka soo baxda sharciyadeeda lagu loolamo , taasina ay keeni karto in aanay sharciyad u yeelan xukuumadda cusub iyo hoggaankeeda inay si la isla wada oggolyahay dalka ku maamulaan. Source: Hiiraan Online
-
Elections have usually been viewed as an institutional and procedural hallmark of democratic political systems, as well as a key legitimation tool for political systems and elites. However, badly managed elections may facilitate the revival of conflict, as they may be prone to fraud, resulting in significant contestation of results and hence a lack of legitimacy for the new government and its leadership in Somalia. Therefore, the deployment of elections in post-conflict nations like Somalia as a means to consolidate peace is not always straightforward. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada dowladda ay rasaas ka ridaan gudaha Golaha, kadib gacan ka hadal dhexmaray xildhibaano ka wada tirsan golaha. Kulankii Isniinta ee golaha ayaa waxaa hareeyey buuq xoogan, xildhibaanada qaar ayaa kulanka bannaanka uga soo baxay, waxaana kadib doodooda ay sababtay inay is gacan qaadaan xubno ka kala tirsan mucaaradka iyo muxaafadka. Waxa uu sheegay in fool xumada Somaliland ay ka billaaban doonto ficilada aan laga fiirsan, ee ay kow ka tahay kala dambeyn la’aanta hay’adaha dowliga, sida uu hadalka u dhigay. “Gola-weynaha Wakiilada Somaliland waxaa ka dhacay arrin runtii laf jab ku ah jiritaankeena dowladnimo, sharciyadeena, sharafta golaha iyo rejada shacabka codka siiyay xildhibaanada golaha jooga, runtii damqasho badan iyo dareen aad u weyn ayay dhalisay in Golahii wakiilada dhexdiisa ka dhacdo xabad,” ayuu yiri Barkhad Batuun. Waxa uu intaas kusii daray inay sharci darro tahay in askari ka tirsan ciidamada dowladda oo u gacan qaado Xildhibaan xasaanad leh, taasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay fara-gelin qaawan oo ay golaha ku hayso Madaxtooyada Somaliland. “Xildhibaanadu iyaga ayaa isku baarlamaan ah oo isku kuraas ah, is qabsigii iyo gacan ka hadalkii xildhibaanada qaar dhex-maray markiiba waa kii dhamaaday, waxaa meesha taalla goorma ayaa qof ciidan ah oo direys xidhan uu xildhibaan gacan u qaadi karaa.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Golaha uu ka madax banaan yahay xisbiyada iyo xukuumadda, islamarkaana fara-gelintiisa ay tahay sharci darro, midaasi oo ku eedeyay inuu ku howlan yahay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Muuqaallo dhex wareegayay baraha bulshada ayaa laga dheehanayay laba xildhibaan oo is feeraya, islamarkaana ay kala qabanayaan qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada, kadibna ay kusoo baxeen ciidamada amaanka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Barkhad Jaamac Batuun: Waxaa billaabmeysa fool xumada Somaliland haddii… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,. Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta & iibka shirkadda isgaarsiinta somtel Mudane Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay U baahnaayeen bulshada soomaaliyeed macamiil walba oo sameeya ku shubasho Wuu u tartami karaa “Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga Waxaan balan qaadeeynaa inan bixino dabayaaqada December si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah iyadoo macaamiisheenuu u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartameen macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed. qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay 21 bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed. Waxaa xusid mudan dhamaan hadiyaha aan bixinay waxa ay ka jawaabayaan baahida macaamiisha sida bajaajyada dahabka & Deeq tacliinta Ugu dambeyntii waxaan todobadkan gaadiidka bajaajka ku abaalmarin gabar adeegto ah oo u shaqeysa qoys soomaaliyeed si ay nolosha qoyskeeda uga maareeyso lacagta ay musharka u hesho iyadoo u direysa qoyskeeda oo ku dhaqan go Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada SIU Dr Maxamed Yuusuf Cumar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood “Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 21 aad aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel waxaa xusid mudan in shirkaddu abuurtay xarunta tababarka tiknoolujiyada somtel oo ah xaruntii ugu nhoreysay ee lagu tababaryo ardayda baratay kuliyada ( Focult Of Engireeing) Sidoo kale kama marna ardayda baratay (IT) Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay mudane: C/ kaamil yusuf Mxamuud oo ah agaasimaga Teleshinka Som News Tv oo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso “ Waxaan si diiran u bogaadinaya maamulka sare ee somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bushadua wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood muddo dhowr bilood ayey howshaan socotaa todobaadna lama baajin waa talaabo ku daysho mudan” Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada Imamu Shaafici Dr C/qadir Sh Ismaciil oo aad u bogaadiyay barnamijka 10’000 Hadiyadood “Waxaan bogadinayaa macaamiisha guuleysatay sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo qabaneeysa barnamijkan daah-furnaanta leh oo ay bulshada ku celinayaan 10’000 hadiyadood iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah” Waxaa munaasabada soo xiray xildhibaan Zakariye Mxud Xaaji Cabddi oo ah Rug-Cadaa 30 Sano ee la soo dhaafay Xog-ogaal u ahaa hormarka bulshada soomaaliyeed ku talaabsaneyso waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkii 21aad gadiidka bajaajka Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta si gaar ah uga soo qeyb-galo Si dhow ayan ula socdaa ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh abaalmarino wax ku ool sida: gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab, Laptop-yo I.w.m waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshadii u turtay gar-waaqsatay inay ku celiso 10’000 hadiyadood. Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay Faduma C/qadir Cali o ku guuleystay gaadiidka bajaajka ee todobaadkan 21 aad waa gabar adeegto ah oo ka soo jeeda qoys sabool ah “Magaceygu waa Faaduma C/Qadir Cali Ma filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso gaadiidka bajaajka waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baahi qabnay xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano waa markii ugu horeysay ee macamiil dumar ah oo ka soo jeeda qoys danyar ah oo ku nool gobolada uu ku guuleysto gaadiidka bajaajka Isku soo wada duuboo Dhamaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaari Hyundai-ga kaasoo todobaadka ugu dambeeya bisha December aan bixinayno gaarigii lsedexaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood macaamiil Waad u u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai 3aad macaamiilka ku guuleysta Somtel waxa ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo algu qaban doonto mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan. The post Sawirro: Shirkadda Somtel oo todobaadkii 21-aad abaal-marisay 1,000 macaamiil appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Jubbalad Axmed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa u dhaqaaqay dhinaca doorashada, xilli saaxiibadiisii mucaaradka ay dalbanayaan in doorashada la hakiyo oo laga doodo caqabadaha taagan ee ka dhashay habkii loo wajahay kuraasta illaa iyo hadda la doortay ee Golaha Shacabka. Axmed Madoobe wuxuu ku jiray dhowr dhinac oo ay mucaaradka rajo ka qabeen in aysan bilaabi doonin doroashada Golaha Shacabka inta laga xalinayo cabashadooda, balse sida muuqata xarigga ayuu u jiray, wuxuuna u dhaqaaqay dhinac aysan jecleysan. Maalmahaan waxaa jiray dooda laba dhinac laga waday waa dhanka Madaxweyne Farmaajo iyo dhanka xubnaha mucaaradka, doodu waxay tahay ‘sidee loo heli karaa xal ka duwan doorashadaan boobka ah iyo maxaa la wada qabsan karaa?’ Waxaa howshaan bilaabay oo welina wada xildhibaano iyo siyaasiyiin ku dhow dhow madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka kasoo horjeeda. Guuxaas waxaa la aaminsan yahay in uusan jacleysan ama uusan farxad gelin hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo dhinacyada la shaqeeya. Mar walba oo ay siyaasiyiinta Xamar fadhisa ee Farmaajo iyo mucaaradkiisu fahmaan mudnaantooda waxaa lumaya miisaanka madaxda maamul Goboleedyada, sidaas darteed madaxda Gobolada ma rabaan in Farmaajo ama mucaaradku midkoodna inuu miisaan culus yeesho si aysan iyagu meesha uga bixin. Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu Xalay sii daayey 14 Kursi oo Golaha Shacabka ah, taariikhda la qabanayo doorashada kuraastaas lama shaacin, laakiin farriinta liiskaan waa in Deni iyo Axmed Madoobe dhabarka xijiyeen mucaaradkii ay maalmaha adag soo wada-qaateen. Hoggaamiyaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa isna shalay ku laabtay magaalada Jowhar, waxaa jira warar sheegaya inuu ka fakarayo inuu bilaabo doorashada Golaha Shacabka. Guudlaawe weli iskama uusan xalin xiisaddii ka jirtay magaalada Beledweyne. Haddii Puntland iyo Hirshabelle iyaguna ku dhawaaqaan bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo ay kuraas soo saaraan waxay ka dhigan tahay in doodii mucaaradka la aasay. Dhinacyada u furan mucaaradka iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan ayaa soo koobmi kara. Axmed Madoobe wuxuu sanadkaan dhisayaa Saciid Cabdullaahi Deni. Sida iska cad Saciid Deni wuu ku qanacsan yahay tallaabada uu xalay qaaday Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu isna liiskiisa shaaciyo, wallow uu weli ku mashquulsan yahay soo afjaridda xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso. Labadaan hoggaamiye waxay rabaan inay muujiyaan inay jirto awood seddexaad oo iskeed u taagan oo aan aheyn Farmaajo iyo midowga musharixiinta. Mucaaradka way sii liicayaan hadda, waxay u muuqdaan rag aan fursad badan heysan, tallaabooyinka u furana qaarkood iskuma raacsana, waa rag aan isku mowqif aheyn, maamul Goboleed taageersan uusan jirin, soo jeedintoodiina aysan hadda wax badali karin. Inay ka qeyb-galaan doorashadaan boobka ah ee natiijadeeda la yaqaano, inay kala tagaan, inay Farmaajo la heshiiyaan iyo inay tallaabo Militari qaadaan midda u fududaata ayaa la eegayaa maalmaha soo socda. Dad badan ayaa qaba in seddaxda todobaad ee soo aadan ay wax weyn iska badali karaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Axmed Madoobe oo ceel kusii riday rajadii Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Cutub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa saaka laga dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Ciidankan waxaa maalmo ka hor dalka jabuuti tababarka ugu soo xiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), waana dufcaddii 15-aad ee Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed, sida uu bartiisa Twitterka ku sheegay Taliye Xijaar. Ciidankan ayaa markii ay saaka soo gaareen Muqdisho, waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in laga keenay Ereteriya, taas oo dhalisay hadal hayn badan. PUNTLAND POST The post Maxay ahaayeen ciidanka laga dejiyay Muqdisho ee hadal hayntu ka dhalatay? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay in uu doorashada dalka u gacan geliyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa uu sheegay in Rooble uu raali ka yahay in la boobo doorashada ka socota dalka ee uu isagu dhabarka u ritay hogaaminteeda, islamarkaana uu mas’uuliyadiisa aad uga gaabiyey. “Ra’iisul Wasaarihii waa is qaad-qaaday oo dadkii niyada ayuu kasoo riday, cadaalad aan sameyna, hagaag ayaa sameyna. Ra’iisul Wasaarow dadka ha lugeyn oo dadka qalbiga ha kasoo ridin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle. Waxa uu intaas kusii daray “Raysal wasaare Rooble mas’uuliyaddiisa aad ayuu uga gaabiyay, kaliya ma ahan inuu ka gaabiyay, ee masuuliyaddii loo dhiibay ee lagu aaminay, ayuu ninkii lagasoo fara maroojiyay ula tagay oo faraqa ugu shubay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble uu cadeystay in dhinac uu saaray Farmaajo, uuan ku adkeysanayo in doorasho boobka uu sii socdo, islamarkaana ay tahay in mucaaridka ka tashadaan. “Ra’iisul Wasaaraha waa u tahniyadeeyay kuwa doorashadooda ka qeylinayno, kuwii kalena waxa uu yiri bilaaba (maamul goboleedyada kale), dadka xuquuqdii ay laahayeen ee u qori qaadeen mirihii asaga ayaa daba marsiiyay. Waxaa laga rabay fulinta ballan-qaadyadiisi.” Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa ugu dambeyntiina walaac xoogan ka muujiyey fitnada ay doorashada u horseedayso dalka, maadama Odayaashii dhaqanka ee beelaha laga wareejiyay kuwii rasmiga ahaa, islamarkaana madaxa la isku geliyay, sida uu sheegay. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post R/W ROOBLE ‘oo awooddii doorashada ku celiyey’ Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Dhusamareb (HOL) - Reports from the Mudug and Galgadud regions of Galmudug State say that there is a severe drought that has killed people due to hunger and thirst. Source: Hiiraan Online
-
San Francisco (Caasimada Online) – Shirkadda Meta Platforms Inc, oo leh baraha bulshada ee Facebook, Instagram, iyo WhatsApp ayaa xuququda magaca Meta ku iibsatay 60 milyan oo dollar, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Reuters. Shirkadda Meta ayaa waxaa la aas-aasay bishii October kadib markii Mike Zuckerberg oo ah milkiilaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Oculus uu go’aansaday in shirkad cusub la hoos geeyo, halka markii hore uu magaca shirkadda ka ahaa Facebook, oo ay hoos iman jireen WhatsApp, Instagram iyo Oculus. Hase yeeshee xuquuqda magaca ama sumadda ganacsiga (Trademark) ee Meta ayaa waxaa lahaa Banki ku yaalla magaalada Sioux Falls ee gobolka South Dakota ee Mareykanka oo lagu magacaabo Meta Financial Group. Kadib wada-hadallo socday dhowr bil ayaa shirkad lagu magacaabo Beige Key LLC iyo Meta Financial Group, waxay isku raaceen heshiis 60 milyan oo dollar ah oo sumadda magaca Meta (Trademark) lagula kala wareegayo, sida uu sheegay afhayene u hadlay Bankiga. “Beige Key LLC inanga ayey nagu xiran tahay, waxaana iibsanay xuququda magaca Meta,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook). Heshiiskan ayaa muujinaya sida magaca Meta uu muhiim ugu yahay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook). Afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc ayaa sheegay in shirkadda ay wada-hadallo kula jirtay Meta Financials kahor inta aan magaca shirkadda laga beddelin Facebook. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Facebook oo $60 milyan ku iibsatay magac cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Banaadiriga ayaa ku dhawaaqay in maalmaha soo socda ay qabanayaan doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka. Kuraasta doorashadoodu la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#105, HOP#265, HOP#266, HOP#34 iyo HOP#84. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada kuraasta beelaha Banaadirga ee Muqdisho ayaa maanta shaaciyey qabashada Shan kursi oo kamid kuwa Golaha Shacabka, kuwaasi oo lagu dooranayo magaalada Muqdisho. Kuraasta uu guddiga shaaciyey ayaa tirsigoodu yahay; HOP#105, HOP#265, HOP#266, HOP#034 iyo HOP#084. Waxa uuna sheegay guddigu in uu soo gudbin doono jadwalka kuraastaas. “Guddiga hirgelinta doorashada ee SEIT Banaadir oo fulinaya wajibaadka qaran iyo heshiisyadii Madasha wadatashiga qaranka wuxuu gudiga halkan kusoo gudbinayaa qabashada doorashada Shan (5) ee ku asteesan kuraasta Beelaha Banaadiri,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga. Dhinaca kale, Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faray dhamaan guddiyada soo xulaya Kuraasta Banaadiriga inay u soo diyaar garooban doorashada. Sidoo kale waxa uu ku wargeliyay guddiyada doorashooyinka maamulada Puntland iyo HirShabelle inay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan kuraasta ay qabanayaan doorashadooda. “Waxaa halkan uga mahad-celinayna guddiyadii hore u bilaabay ee shaqada wada, waxaa rajeynayna in jadwalka waqtigii loogu tala-galay loogu soo dhameystiro,” ayuu yiri Afhayeen Safiina. Arrimahan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharaxiinta qaadaceen doorashada socota ee Golaha Shacabka, islamarkaana ay dalbadeen in la hakiyo doorashada, oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan boob iyo sharci daro. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Jadwalka doorasho ee kuraasta qaar ka mid ah beelaha Muqdisho oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladnimadeenna waxa saldhiggeeda ugu weyni yahay in uu sarreeyo sharciga. Muddadii uu talada dalka hayay Madaxweyne Muuse Biixi waxaa Xisbiyadayada Mucaaradka dulqaadkooda xudun u ahaa dhawrista kala dambaynta, hannaanka dawladnimo & nabadda, welina waa ay ku taagan yihiin kuna adag yihiin, laakiin waxaa cad in Madaxweynaheennu kala-qeybsanaantii uu ku yimid aanuu weli ka waantoobin; maalin walba waxa uu la soo baxayaa dhaqan cusub oo uu ummadda ku kala irdhaynayo isaga oo ku darsaday inuu maalinba tiir dawladnimadu ku taagan tahay duminayo. Waxaa cad in uu maalinba maalinta ka dambeysa sharciyaddii dalka iyo nidaamkeennii dawladnimo sida uu doono uu ka yeelayo, nabadda iyo dawladnimadii dadka ka dhexaysayna u sadqaynayo damaciisa iyo doonistiisa, taana waxaa daliilkeeda innagaga filan fawdada uu geliyey Golihi Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland & ciidanka xabbadda nool u adeegsaday Xildhibaannadii xasaanadda Dastuuriga ah huwanaa, isaga oo aann nabaradii hore dhayin ayuu Madaxweyne Muuse horteenna ku tumanayaa sharciga dalka, wax uuna rabaa in uu gacantiisa ku baabii’yo Hay’ado Dastuuriya ah oo muddo xileedkoodii dhammaan isna mudho kordhin aan sinnaba ugu suurtogalayn cidla ka baadhbaadho, laakiin waxa uu mooggan yahay in isagana sharciyaddiisa Madaxweynannimo mugdi geli doonto haddii aanu ixtiraamin Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka. “Nin daacad hoggeeda qoday, miyuu ka dambaynayaa”? Abwaan Hadraawi. Doorashadii Madaxtooyada xilligeedii ku qabo November 13, 2022 qiiq isku qarin iyo Urruro xilligoodii ka hor la furayo lagaa yeeli maayo, Axsaabta Mucaaradaka ahina waa u diyaar in Urrurada siyaasadda xilligooda la furo, shacbigana jaho wareerinta Muusow ka daa. Annigu diyaar baan u ahay inaan furo Urrurada siyaasadda haddii aan ku guulaysto xilka Madaxweynanimada ee JSL, bal shacbigu Somaliland ha is waydiiyaan in Urrurada siyaasadda la furo waxay ku sinnayd saxeexa Muuse ee haddii ay ka run tahay furista Urruradu muxuu u saxeexo waayey markii uu horyaallay Xeerku ee intuu soo diiday ugu soo celiyay Golaha Wakiillada? Muuse waxa aan u sheegayaa in aanay shalay maanta ahayn. Xisbiyada Mucaaradka ah ee aqlabiyadda Jamaahiirta Somaliland wata ma kaa yeelayaan mana u qudhqudh samayso in aad hortooda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dimuqraadiyaddeeda ku burburiso. Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Source
-
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani oo shaaciyey Mawqifkiisa Furida Ururada & Shaqaaqadii Goaha Wakiilada ka Qaraxday Dawladnimadeenna waxa saldhiggeeda ugu weyni yahay in uu sarreeyo sharciga. Muddadii uu talada dalka hayay Madaxweyne Muuse Biixi waxaa Xisbiyadayada Mucaaradka dulqaadkooda xudun u ahaa dhawrista kala dambaynta, hannaanka dawladnimo & nabadda, welina waa ay ku taagan yihiin kuna adag yihiin, laakiin waxaa cad in Madaxweynaheennu kala-qeybsanaantii uu ku yimid aanuu weli ka waantoobin; maalin walba waxa uu la soo baxayaa dhaqan cusub oo uu ummadda ku kala irdhaynayo isaga oo ku darsaday inuu maalinba tiir dawladnimadu ku taagan tahay duminayo. Waxaa cad in uu maalinba maalinta ka dambeysa sharciyaddii dalka iyo nidaamkeennii dawladnimo sida uu doono uu ka yeelayo, nabadda iyo dawladnimadii dadka ka dhexaysayna u sadqaynayo damaciisa iyo doonistiisa, taana waxaa daliilkeeda innagaga filan fawdada uu geliyey Golihi Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland & ciidanka xabbadda nool u adeegsaday Xildhibaannadii xasaanadda Dastuuriga ah huwanaa, isaga oo aann nabaradii hore dhayin ayuu Madaxweyne Muuse horteenna ku tumanayaa sharciga dalka, wax uuna rabaa in uu gacantiisa ku baabii’yo Hay’ado Dastuuriya ah oo muddo xileedkoodii dhammaan isna mudho kordhin aan sinnaba ugu suurtogalayn cidla ka baadhbaadho, laakiin waxa uu mooggan yahay in isagana sharciyaddiisa Madaxweynannimo mugdi geli doonto haddii aanu ixtiraamin Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka. “Nin daacad hoggeeda qoday, miyuu ka dambaynayaa”? Abwaan Hadraawi. Doorashadii Madaxtooyada xilligeedii ku qabo November 13, 2022 qiiq isku qarin iyo Urruro xilligoodii ka hor la furayo lagaa yeeli maayo, Axsaabta Mucaaradaka ahina waa u diyaar in Urrurada siyaasadda xilligooda la furo, shacbigana jaho wareerinta Muusow ka daa. Annigu diyaar baan u ahay inaan furo Urrurada siyaasadda haddii aan ku guulaysto xilka Madaxweynanimada ee JSL, bal shacbigu Somaliland ha is waydiiyaan in Urrurada siyaasadda la furo waxay ku sinnayd saxeexa Muuse ee haddii ay ka run tahay furista Urruradu muxuu u saxeexo waayey markii uu horyaallay Xeerku ee intuu soo diiday ugu soo celiyay Golaha Wakiillada? Muuse waxa aan u sheegayaa in aanay shalay maanta ahayn. Xisbiyada Mucaaradka ah ee aqlabiyadda Jamaahiirta Somaliland wata ma kaa yeelayaan mana u qudhqudh samayso in aad hortooda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dimuqraadiyaddeeda ku burburiso. Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Qaran News
-
Saaxil:Mashruuc Lacag Baddani Ku Baxday Oo La’layahay halka laga hirgeliyey Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiilada oo ku Guddo jira kormeerida iyo indho-indhaynta mashaariicdii laga fulliyey Miisaaniyada Qaranka ee k u xusan xisaab xidhka sannadkii 2020-ka, ayaa magaalada Berebera mar ay kormeerayaan mashaariicda laga hirgeliyey,waxay u soo baxday masharriic lacagtoodii la qaatay,kuwaas oo aan haddana la hirgelin,isla markaana goobihii laga dhagax dhigay ay yihiin bannaan Guddida ayaa waxa intii ay ku gudda jireen u soo baxday maashaariic baddan oo kale duwan kuwaas oo ku xusan xisaab xidhkii 2020-kii,haseyeeshee aan la hirgelin,kuwaas oo ay sheegeen inay dabageli doonnaan lacagtaas halka ay martay,isla markaana ay la waddaagi doonnaan Golaha Wakilllada. Xildhibaan Xasan Ogaal oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada,isla markaana xubin ka ah Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiilada oo arrintaas ka hadlay ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Halkan aynu joognaa waa tuullada yare e Biyo kulule oo ku taal duleedka Magaalada Berbera ee caasimada Gobolka Saaxil,waxaan kormeeeraynay mashaariicda laga fuliyey miisaaniyaddii 2020-kii,kuwaas oo xisaab xidhka ku jira, halkan waxa ah in dhisme laga dhiso lacag baddan ayaa ku jirtaxisaab xidhkaa aanu dabagalkeeda wadno,taas oo ay qaadatay shirkada la yidhaah Som KAAMIL constriction company,haseyeeshee sida aad arkaysaan,meesha wax dhisma ihi kama yeello ,sababta markaa dhismihii loo dhisi waayey ee lacagta baddan ee halkaa ku jirta loogu fullin waayey ,waanu dabagelaynaa,halka ay nala gashano Qaranka iyo Golaha ,waanu u soo bandhigaynaa .”ayuu yidhi .” Isagoo intaas ku darray “Iminka ma arragno wax dhisme ah ,waxaanu caddaynaynaa in aan wax dhisme ah lacagta halkan ku jirta lagaga dhisin goobtan aanu joog-no,lacagtaas miisaaniyadda 2020-ka ku jirtay halka ay martay ayaanu raadin doonnaan.”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan . Dhanka kalene BadhasaabkaGobolka Saaxil ayaa isna goobta ka hadlay in aanu sheegi karrayn mashruucaas meesha laga fulliyey,isagoo xusay in halkan uu amni ahaan uga fulli waayey,basle loo sheegay in meel kale loo beddel,taas oo aanu garanayn “Anniga iyo maayarka iyo wasaaradda Ganacsiga ayaa halkan wadda nimi goobtan masharuucaas miisaaniyada ku jiray 2020-kii waanu dhagax dhignayn ,kaddib waxa naga hor yimi arrimo nabad-gelyo,arrimahaas nabad gelyo ayuu mashruucani markaas u fulli waayey,markaa waxa war nagu soo gaadhay in wasaaradda Ganacsiga ya mashruucaa u beddeshay meel kale oo nabad-gelyo ah,taas-na ma xajiinin karro .”ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland. Ugu horrayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, isagoo madaxweynuhu xusay in isku duubni iyo qori isu dhiib lagu soo gaadhay halkan, kaas oo ay iska kaashadeen shacbiga iyo dawladdu kuna ilaashadeen nabadgelyada, horumarka, dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan. Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda. Dhinacooda, xubnaha weftigu waxay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta milgaha iyo maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay dalka soo gaadheen, waxaanay ka markhaati kaceen horumarka, iyo Dimuquraaddiyadda ka muuqata dalka, iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan. Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay. Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka iyo Agaasimaha machadka nabada iyo xalinta khilaafaadka. Weftigan oo maalintii shalay dalka yimi, waxay kulamo muhiima oo gaar-gaar ah la yeesheen, xubno ka mida labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka, Jaamacadda Hargeysa oo habeenkii xalay ahaa weftiga u samaysay munaasibad casho ah, iyagoo kulan kalena maanta la qaatay wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey sababta uu u soo xaadiri waayey kulamadii golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya muddo afar sano ah. Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa qiray in afartii sano ee lasoo dhaafay uusan soo xaadirin kulamadii golaha uu ka tirsanaa, isagoo shaaciyey in taasi ay ku dhacday hal khalad oo uu galay. Ra’iisul wasaare Cumar ayaa khaladkaas ku sheegay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo uu go’aasaday in kursiga uu ku celiyo beeshiisa, si qof kale loogu doorto. Hase yeeshee waxa uu sheegay in beeshu ay ka codsatay in muddo uu sii hayo kursiga, kadibna uu yimaado Puntland oo laga soo doortay, si markaas qof kale uu ugu wareejo. Cumar Cabdirashiid ayaa wareysigaan ku sheegay in soo jeedintaas uu aqbalay, isla markaana uu hadda ka qowmameynayo aqbalaadaas, maadaama uusan celin kursigii, afartii sano ee la doortana ay ka dhamaatay isagoo aan soo xaadirin hal kulan. “Kursigeyga in aan celiyo waxaan u go’aansaday, maadaama aan ku soo shaqeynay xaalado adag in aan kasoo nasto mas’uuliyadda iyo siyaasadda,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyey inay ixtiraami waayeen, iyagoo ah madaxdii ku wareejisay xukunka dalka, taas oo keentay inuu isaga tago dalka. “Nimankaan markii ay xukunka yimaadeen waxay bilaabeen eedeyn siyaasadeed oo dadkii ka horeeyey ay saarayaan, hadii aan dalka sii joogi lahaa maanta waxaa la dhihi lahaa Cumar afar sano ayuu dowladda luga haayey,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii ee dalka Cumar Cabdirashiid. Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda maqnaashihiisa ay laheyd dowladii uu hoggaaminayey Farmaajo, intiisa ugu badan afartii sano ee lasoo dhaafay waxa uu sheegay inuu joogay magaalooyinka Dubai iyo London. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post CUMAR CABDIRASHIID oo sheegay khalad uu galay markii la doortay Farmaajo kadib appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefdi oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimid Somaliland. Kulan dhexmaray labada dhinac ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka Somaliland iyo Maraykanka sida lagu sheegay War ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi. Sidoo kale waxa Kulankaas looga hadlay Xaaladda Amniga iyo iyo Arrimaha Siyaasadda Gobolka Geeska Afrika sida Somaliland sheegtay. Kulanka wax aka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ay kamid yihiin Madaxweyne ku xigeenka iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wefdi ka socda Congress-ka Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Congress-ka Mareykanka, oo soo gaaray caasimada Somaliland ee Hargeysa. Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, arrimaha nabad-gelyada mandaqadda, horumarinta dimuquraadiyada iyo degenaanashaha gobolka geeska Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ballan-qaaday inay warbixin buuxda oo la xiriirta horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan. Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay, ayaga oo madaxda iyo shacabkeedana uga mahadnaqeen soo dhaweynta iyo sida maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay gaareen caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wafdiga ka socday Congress-ka Maraykanka ayaa maalintii shalay aheyd soo gaaray magaalada Hargeysa, waxayna kulamo kala duwan la yeesheen xubno kamid ah labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka. Waxay sidoo kale maanta la kulmeen wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka, ayaga oo ku bogaadiyey horumarka ay ku talaabsatay Somaliland. Somaliland ayaa rumeysan in booqashada waftigan ay astaan u tahay in Mareykanka ugu dambeyn il-gaar ah kusoo eegayo Somaliland, ayna jirta rajo ah in ugu dambeyn uu dal u aqoonsan karo ama ugu yaraan uu si gaar ah oo ka madax-banaan dowladda federaalka ula macaamili doono. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Sawirro: Rajada aqoonsi ee Somaliland oo sare u kacday kadib wafti culus oo uu soo diray Congress-ka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Halkan ka Daawo Muqaalka Warka: WAR-SAXAAFADEED: 14 /12/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socda Dalka Maraykanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland. Ugu horrayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, isagoo madaxweynuhu xusay in isku duubni iyo qori isu dhiib lagu soo gaadhay halkan, kaas oo ay iska kaashadeen shacbiga iyo dawladdu kuna ilaashadeen nabadgelyada, horumarka, dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan. Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda. Dhinacooda, xubnaha weftigu waxay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta milgaha iyo maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay dalka soo gaadheen, waxaanay ka markhaati kaceen horumarka, iyo Dimuquraaddiyadda ka muuqata dalka, iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan. Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay. Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka iyo Agaasimaha machadka nabada iyo xalinta khilaafaadka. Weftigan oo maalintii shalay dalka yimi, waxay kulamo muhiima oo gaar-gaar ah la yeesheen, xubno ka mida labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka, Jaamacadda Hargeysa oo habeenkii xalay ahaa weftiga u samaysay munaasibad casho ah, iyagoo kulan kalena maanta la qaatay wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka. Qaran News
