-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Union of Somalia Presidential Candidates (USPC) has accused Federal Member States of collusion with Villa Somalia over the electoral process. “It has become clear to the Union of Presidential Candidates that none of the key political stakeholders has taken great pains to hold transparent elections” reads a statement released by the Union of Somalia Presidential Candidates. The Union of Somalia Presidential Candidates puts its luck in a unilateral electoral conference rejected by Federal Member States. The Union of Somalia Presidential Candidates, made up of two main political factions Aala Sheikh and Damuljadid led by two former Somalia Presidents, initially supported the electoral model that vests more powers in Federal Member States to oversee the electoral process. The rebuke from the Opposition Presidential Candidates, another appellation for USPC, politically isolates presidential hopefuls, who have boycotted elections and called for a national electoral conference, a proposal that Federal Member States have unanimously rejected. Allegations from USPC will further strain relations between Federal Member States and two former Somalia Presidents separately plotting a comeback despite alienating influential signatories of the electoral agreement. © Puntland Post, 2021 The post Union of Somalia Presidential Candidates Alleges ‘Collusion Between Federal Member States and Villa Somalia’ appeared first on Puntland Post.
-
Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaali ah ayaa ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalmo kadib markii uu dhaawac culus oo ka soo gaadhay weerar ay ku qaadeen rag budhcad ah. Seddax nin oo budhcad ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa Baashi Xoosh Jabriil ku weeraray goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul, 6-dii bishaan December, waxaana lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas. Ragga budhcadda ah ayey kaamiraduhu qabteen iyaga oo xaga dambe kaga yimid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ayaa Feedh qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashi, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay. Budhcadda ayaa baadhatay Baashi oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen talefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, sida ay werineyso warbaahinta Turkiga oo aad u hadal heysa dhacdadaan. Booliska Turkiga ayaa la sheegay inuu soo qabtay raggaas budhcadda ah, waxaana deg deg loo hor-geeyey maxkamad, laba ka mid ah oo ka yaraa da’aadda 18-sano ayaa lagu soo oogay dacwad xatooyo, waxaana laga sii daayey xabsiga, halka ninka 3-aad ee feedhay Baashi lagu soo oogay inuu geystay dil badheedh ah. Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii March 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta. Baashi oo 52-sano jir ahaa ayaa dilkiisa ka hor dalxiis u joogay dalka Turkiga, waxuuna ahaa Aabe degan magaalada Todonto ee dalka Canada oo dhalashiisa labaad uu ka heystay. Baashi Xoosh Jibriil waxa uu kamid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee magaalada Toronto ee dalka Canada, wuxuuna Soomaalida ku cusub dalkaas ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga iyo dib-u-dejinta. Source
-
Kulan ay magaalada muqdisho isugu yimaadeen dhamaan golaha fulinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa shaqadii looga joojiyay guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab. Kulanka oo yimid kadib markii golaha loo soo gudbiyay cabashooyin iyo eedo la xiriira ku tagri fal awoodeed ayaa lagu go’aamiyay in shaqada laga joojiyo Cabdiqani Saciid Carab oo sidoo kale loogu yeero milkiilaha xiriirka. Awood sheegasho, Jebinta xeerka uu ku shaqeeyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Dib u eegista Qodobo kamid ah Xeerka uu ku shaqeeyo Xiriirka, Mashaariic FIFA ay bixisay oo aan dhammaan & Faragelinta Hay’adaha kala madaxbannaan ee xiriirka ayeey sheegeen golaha fulinta in lagu soo eedeyay Carab. Xoghayaha xariirka kubadda cagta Soomaaliyeed Yuusuf Muxidiin Axmed oo kulanka markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in golaha uu go’aan saday shaqa ka joojinta Carab. “Xubnaha Guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa soo jeediyay in shaqada laga joojiyo Cabdiqani Siciid Carab kaddib markii uu ku dhaqaaqay isticmaalka awood carqadaneysa howlaha shaqada ee xiriirka, faragelinta arrimaha Maamulka” ayuu yiri Yuusuf. Xoghayaha ayaa sidoo kale Cabdiqani Saciid ku eedeyay in uu hor istaagay dib u eegis lagu sameynayay dastuurka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed. “Waxa uu Cabqani hor istaagay dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Xiriirka Kubadda Cagta oo soo bilaabatay 26kii October 2021 oo ay horay uga wadahadleen Xiriirka & Hay’adda FIFA” ayuu yiri Yuusuf. Guddiga fulinta ayaa sidoo kale guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta si kumeel gaar ah tan iyo Marso 2022 u magacabaay guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino. Cabdiqani Saciid Carab ayaa soddonki sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa xiriirka kubadda cagta Soomaaliya isagoo laba jeer noqday guddoomiyaha xiriiirka kubadda cagta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Cape Town)-Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa laga helay COVID-19 isagoo lagu arkay astaamo fudud. Ramaphosa, oo si buuxda loo tallaalay, ayaa bilaabay inuu dareemo caafimaad darro ka dib markii uu ka qeyb galay xuska qaran ee madaxweynihii hore F W de Klerk ee Cape Town Axaddii. Hoggaamiyaha 69-jirka ah ayaa hadda ku go’doonsan magaalada Cape Town, waxaana isha ku haya adeegga caafimaadka milateriga ee Koonfur Afrika. Waxa uu dhammaan xilalka u wakiishay Madaxweyne ku xigeenka David Mabuza toddobaadka soo socda. Madaxtooyadu ma sheegin in Ramaphosa uu ku dhacay cudurka Omicron oo nooc cusub oo cudurka coronavirus ah. Madaxtooyadu waxay sheegtay in Ramaphosa iyo kooxdiisa laga baadhay COVID-19 dhawr jeer toddobaadkii hore mar uu booqday afar waddan oo Galbeedka Afrika ah. Bayaanka ayaa laga soo xigtay Ramaphosa isagoo sheegay in caabuqa u gaarka ah uu digniin u ahaa dhammaan muwaadiniinta muhiimadda ay leedahay in la tallaalo oo laga feejignaado soo-gaadhista. Koonfur Afrika waxay hadda la dagaallameysaa dib u soo kabashada degdega ah ee uu wado nooca Omicron. Horraantii November, Koonfur Afrika waxay diiwaangelisay ilaa 200 oo xaaladood oo cusub, laakiin caabuqyadu waxay bilaabeen inay si aad ah u kordho wax yar ka dib. Waddanku wuxuu diiwaangeliyay in ka badan 18,000 oo xaaladood oo cusub oo la xaqiijiyey oo ah COVID-19 habeenimadii Axadda. Source
-
Wararka ka imaanaya degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay goor dhowayd qabsadeen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab. Sidoo kale Al-shabaab ayaa qabsaday dhawr tuulo oo ku dhow degmada Matabaan sida laga soo xigtay warbaahinta kooxdaas. Al-shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo qabsaday degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa saaka ka bilaabmeysa magaalada Muqdisho diiwaan gelinta musharixiinta kuraasta tirsigoodu yahay HOP#229, HOP#262, HOP#254 & HOP#255 ee laga soo doorto gobolada Waqooyi. Kuraastan oo ay horay u shaaciyeen in la qabanayo doorashadoodu guddiga hirgelinta gobalada Waqooyi ayaa la bilaabay diiwan gelinta Musharixiinta u tartameysa. Afarta kursi ee musharixiintooda la diiwaan gelinayo ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaanada kala ah : HOP#299: Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku matalayay gobalada Waqooyi xildhibaan Cismaan Cabdullaahi Ducaale. HOP#254: Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Jaamac Maxamed Askar . HOP#255: Waxaa Somaliland ku matalayay afarti sano ee la soo dhaafay xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed. HOP#262: Waxaa Somaliland ku matalayay afarti sano ee la soo dhaafay xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan. Somaliland iyo maamulka koonfur galbeed ayaa labada deegaan ee sida rasmiga ah uga socoto doorashada golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa Dr Xasan Khliif Xasan ayaa bannaanka keenay khilaaf xoogan oo haatan soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda Soomaaliya iyo guddigaasi. Khaliif oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday inuu khilaafkan u dhexeeyo wasiirka cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda. “Waa khilaaf ku kooban guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, wasiirka koowaad ee wasaaradda iyo agaasimihiisa guud,” ayuu yiri Dr Xasan Khliif Xasan. Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa xusay in khilaafkan uu soo billowday markii la dhaariyey, kadib xubnaha guddiga, wuxuuna ku eedeeyey wasiirka cadaaladda inuu fara-gelin toos ah ku hayo guddigooda. “Arrinkaas wuxuu soo billowday guddiga markii la dhaariyey ka bacdi ee uu dooranayey guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ayaa waxa uu damcay wasiirka cadaaladda inuu u soo farageliyo hab aan sharci aheyn, taas oo uu guddigu diiday,” ayuu raaciyey Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasiirka iyo agaasimihiisa ay dano gaar ah ka leeyihiin fara-gelinta guddiga oo uu tilmaamay inuu yahay mid ka madax bannaan wasaaradda. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay guddoomiye ku xigeenku in arrintan ay gaarsiiyeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse illaa iyo hadda aan waxba laga qaban. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo beryihii dambe aad loo hadal hayey khilaafkan oo si weyn loo dareemay sagaalkii bishan oo ku beegneyd maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuq-maasuqa, taas oo keentay inay xuska isku khilaafeen labada dhinac. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Muxuu salka ku hayaa khilaafka wasiirka cadaaladda & gudiga la dagaalanka musuqa? appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamo ka tirsan Galmudug ayaa kala dhex-galay malayshiya-beeleedyo ku dagaallamay degaanka Kaxandhaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Ciidamo kala duwan oo ka kooban milatari iyo booliisk ayaa la wareegay degaanka Kaxandhaale halkaas oo maalmo ka hor dagaal ku dhexmaray labada malayshiya-beeleed. Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in waan-waan laga dhex bilaabay dhinacyadii dagaallamay si loo xalliyo colaadda beelahaas. Odayaasha dhaqanka ayaa ku hawllan sidii gogol nabadeed la isu’gu keeni lahaa beelaha dagaallamay sida ay sheegeen mas’uuliyiintu. PUNTLAND POST The post Ciidamo la dhex dhigay malayshiyaad ku dagaallamay Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasabad ay dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal shisheeye. Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya waxa ka qayb-galay madax ka socdey hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka, qaar ka mid ah Safiirada Caalamka iyo maalgashadeyaasha shisheeye ee ku sugan Muqdisho. Shirka waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgashiyo caalammi ah, looga na faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo marti-qaadday Maal-gashadeyaal Shisheeye appeared first on Puntland Post.
-
Dubai-based airline flydubai has announced that it will restart flights to Hargeisa in Somaliland from December 18. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf la xiriira qaabka loo wajahayo sixitaanka khaldadaadka doorashooyinka dalka, ayada oo xubno ka mid ah ay kasoo horjeedaan tallaabooyinka qaar, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo ku dhow Golaha ayaa Caasimada Online ay kasoo xigatay in khilaafkan uu si gaar ah ugu dhaxeeyo guddoomiyaha Golaha Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Shariif uu kasoo horjeedo tallaabooyinka xasaasiga ah ee Golaha ay qorsheynayaan sida shirkii ay xalay ku baaqeen iyo Dhisida Golaha Sare ee Dalka, oo shalay aan baahinay dokumenti la xiriira qaab dhismeedkiisa. Shariif ayaa sidoo kale la sheegay inuusan waxba ka ogeyn war-saxaafadeedkii xalay kasoo baxay Golaha ee ku baaqay shir la isugu yimaado 10-a December, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ka dhoofay Muqdisho. War-saxaafadeedkaas ayaa lagu yiri “Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.” Khilaafka ayaa waxaa sidoo kale baraha bulshada ku muujiyey kaaliyaha Shariif, Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur, ahna xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran. Waxa uu qoraallo uu soo dhigay facebook ku yiri “Daryan siyaasadeed oo darajo lagu doonaayo iyo dow kasta oo waqti Durugsi lagu doonaayo , dowladnimadda iyo dalkaa nooga dumaaya. Dalkaan daawadiisu waa Doorashada oo la saxo lana dadajiyo , duulkii dow kale noo duwa Dalkaan iyagaa dumin doona.” Sheekh Shariif ayaa bilihii tegay la rumeysnaa inuu aad ugu dhowaaday Fahad Yaasiin iyo Villa Somalia, ayada oo la sheegay inuu yahay qorshaha B (Plan B) ee Fahad iyo Qatar, haddii Farmaajo uu rajo wanaagsan ka yeelan waayo in la doorto. Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Farmaajo uu weli Shariif u hayo abaal, islamarkaana rumeysan yahay in haddiiba uusan xilka madaxweyne dib u haleyn uu qaato Shariifka, oo la dhaafiyo xubnaha kale ee mucaaradka. Ma cadda sababta Shariifka u cayaarayo qorshahan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in sababta ugu weyn ay tahay in dhaqaale yari ku qasabtay inuu rajo ka raadiyo dhanka Fahad. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xog: Khilaaf ka dhex-qarxay Sheekh Shariif iyo xubnaha kale ee Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
-
A man who used a machete to settle a murky underworld debt avoided hitting any of his victim’s vital organs only through “a matter of good luck”. Source: Hiiraan Online
-
Muxuu Sucuudiga ula dagaallamayaa Jammeecada tabliiqa? Dhawaan waxaa baraha bulshada Sucuudiga qabsaday hadal heynta ku saabsan magaca ‘Jamaacada Dacwada iyo Tabliiqa’, doodda ku saabsan jamaacadan sidoo kale dalkaas looga yaqaano ‘Al Axbaab’ ayaa u dhexeeysay dad difaacayay oo culimada Sucuudiga ugu baaqay in arrimahooda ay faraha kala baxaan iyo dadka kasoo horjeeda. Haddaba maxay tahay jamaacadan iyo sababta uu Sucuudiga uga digaya ugana mamnuucayo dalkaas? Culimada masaajidda ku yaalla Sucuudiga ayaa khudbaddii jimcihii lasoo dhaafayay ka digay jamaacada loo yaaqaano ‘Tabliiq wa dacwah’ sidoo kale loo yaqaano’#Al Axbaab’ kadib go’aan kasoo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Sucuudiga. Wasaaradda diinta iyo awqaafta waxay ku amartay culimada masaajidda inay wakhtiga u qoondeeyaan khudbo ku saabsan “si “loo muujiyo marin habaabinta, leexinta iyo khatarta kooxdan, iyo inay tahay mid ka mid ah albaabbada argagixisada,” sida laga soo xigtay qoraallo taxane oo lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka wasaaradda. Go’aanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ka mid noqoshada “kooxaha dhinac u jaanjeera, oo ay ku jiraan “kooxda Tabliiqa wa dacwah” inay mamnuuc ka tahay gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya. وجّه معالي وزير الشؤون الإسلامية د.#عبداللطيف_آل_الشيخ خطباء الجوامع، والمساجد التي تقام فيها صلاة الجمعة مؤقتاًَ بتخصيص خطبة الجمعة القادمة 6 / 5 / 1443 هـ للتحذير من (جماعة التبليغ والدعوة) والتي يطلق عليها (الأحباب)، كما وجّه معاليه أن تشمل الخطبة المحاور التالية: … — وزارة الشؤون الإسلامية (@Saudi_Moia) December 6, 2021 Maxay yihiin ‘Jamaacada Tabliiqa iyo Dacwada’? Waa koox Islaami ah oo uu aasaasay wadddaad Hindi ahaa oo la oran jiray Muxammad Ilyaas Al-Kandhlawi, xilliggii qarnigii 20-aad, wuxuuna ahaa amiir ilaa uu ka geeriyooday 1944-kii. Kooxdan ayaa ka soo bilaabatey dalka Hindiya, waxay gaartay dalalka deriska la ah, ka dibna waxay ku fideen dalalka Carabta, waxayna ku leeyihiin meelo kala duwan oo adduunka ah dad taabacsan. Sida magacaba ka muuqata, kooxda waxay ujeedadeedu tahay fidinta diinta Islaamka iyo faafinta, waxay jamaacada tabliiqda gaartaa tuulooyinka iyo magaalooyinka ku yaalla dunida iyaga uu fidiya diinta Islaamka inta badan dadka waxay u sheegaan ‘Towxiidka” Rashiid Al Judac oo kamid ah culimada waaweyn ee Tabliiqda Sucuudiga oo wareysi siiyay wargeyska Sharqul Al Awsad sanado ka hor wuxuu sheegay in haddii ay ka fursan weydo ay jamaacada tegi karaan goobaha baararaka si ay dadka u gaarsiiyaan diinta. Inta badan jamaacadan dadka ay dadaalladooda kusoo hanuuno Alle ka sokow waxay raaciyaan jamaacooyin kale oo dacwada gaarsiiya goobo kale oo caalamka ka tirsan, si mutadawacnimo ah waxay xubanaha ka tirsan jamaacada baxaan saddex maalmood bishii, 40 maalmood sanadkii iyo ugu yaraan 4 bilood in qofka uu baxo. Jamaacada Tabliiqa waxay isku sheegaan inay yihiin dad is jecel iyagoo ka fogaanaya waxa keenaya khilaaf iyo cadaawad. Maxay tahay sababta uu Sucuudiga ula dagaallamayo Jamaacada tabliiqa? Culimada Sacuudi Carabiya waxay jamaacada tabliiqa iyo dacwada ku eedeeyeen inay wadaan ‘Tasawuf’ oo micneedu yahay suufinimo ah inkasta oo magaca ”Tasawuf’ aanan la isku raacsaneyn. Dadka kasoo horjeedo arrintani waxay ku tilmaamaan in lagu talaxtagay diinta isla markaana laga leexday dariiqii saxdaa ah ee toosnaa. Sababtoo ah suufiyada asalkeedu waxay ku xiran tahay fekerka iyo in qofka uu go’doomiyo naftiisa si loogu sugnaado ‘waddada Alle”. Sacuudi Carabiya, Suufinimada waxaa loo arkaa arrin ” khilaafsan sharciga Ilaahay.” Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee madaxa guud ee hay’adda cilmi baarista iyo arrimaha fatwada diinta Islaamka ahna Muftiga guud ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cabdulcasiis bin Cabdallah Al-Sheekh wuxuu ku sheegay in jamaacadan ay heysato “aqoon la’aan iyo in uu daciif yahay cilimgoodaa dhanka fiqiga ee diinta Islaamka. سماحة الشيخ عبدالعزيز بن عبدالله آل الشيخ المفتي العام للمملكة العربية السعودية رئيس هيئة كبار العلماء الرئيس العام للبحوث العلمية والإفتاء (حديث المفتي عن جماعة التبليغ) pic.twitter.com/hADUPv9LPr — الرئاسة العامة للبحوث العلمية والإفتاء (@aliftasa) December 9, 2021 Wuxuu intaa ku daray ‘ in hab-dhaqankooda uusan wax xiriir ah ka dhexeyn climiga laga faa’ideysto iyo camalka wanaagsan.’ Muftiga wuxuu sidoo kale ku eedeeyay tabliiqa ay ku dhegan yihiin oo kaliya “kitaabka “Riyad al-Salixiin” iyo kitaabka ka hadlayo “Noloshii Saxaabada” kuwaas oo ay ku jiraan waxyaabo la isku raacsan yahay iyo waxyaabo la raddiyay. Qaran News
-
SOMALILAND IYO FURISTA URURADA SIYAASADDA WQ: Cali Gurey Dastuurka Somaliland wuxu xaq u siinayaa muwaadiniinta Somaliland inay isu abaabuli karaan ururo siyaasadeed, bulsho, iyo xirfadeed. Laakiin marka ay tahay ururo siyaasadeed oo doonaya in ay u gudbaan xisbiyo qaran dabcan Xeer Baarlaman ayaa qeexaya. Xeer Lam 14 markiisii hore wuxu ahaa in 5tii sanadoodba mar ay xisbiyo/ururo siyaasadeed ku tartamayaan Doorashada Dawladaha Hoose oo xeerku dhigayay in 5tii sanadooba ay mar qabsoomaan. Wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeer lam. 14 2011kii ayaa wax badan kala kiciyay markii muddada shahaadadda xisbinimada oo dhaqangal ahayd 5 sanadood uu ka dhigay 10 sanadood taasina waxay kala kicisay furtaankii ururada iyo Doorashooyinkii Dawladaha Hoose oo wuxu keenay waxka bedelka Xeerka markii labaad lagu sameeyay In dadwwynuhu ay u kala codeeyaan ururo iyo xisbiyo Sidaa daraadeed waxaynu odhan karnaa xeerku furista ururadu waa qabyo waana qasab in la helo xeer dhamaystiran oo marka sharciyadda sadexdan xusbi ay burto ay ku soo bixi karaan xisbiyo cusub. Dhibaatada kale ee wax ka bedelkii hore ee Xeer 14 waxay noqotay xisbiyadan hadda jira waxay sharciyadoodu dhaqangal ay tahay bisha December 2022. Doorashada Madaxtooyada ayaa iyaduna ku beegan November 2022. Hadaba iyada way cadahay oo ma suurogeli karto in 13ka November ay qabsoonto hadana ay ururo iyo xisbiyadani ay tartami karaan December waayo muddo xileedka madaxwaynaha la doorto ayaaba ka bilaabmaysa 13ka December. Hadaba Xeer Lam 14 ma khuseeyo Doorashada Madaxtooyada markaa sedee ayuu xeekani isu waafajin karaa labdan doorasho in ay wada qabsoomi karaan. Marka run laga hadlayo xeerkani oo ah Xeer Baarlamin wuxu isu waafajin karaa in Tartanka Ururada iyo xisbiyada uu ama dib u dhigo ama hore u soo dhigo wakhti ku filan in labada doorashoba ay ku qabsoomi karaan. Waayo doorashada Madaxtooyadu waa dastuuri Wakiiladuna xaq uma laha in wakhtigeeda ay wax ka bedeli karaan iyada ayaana ka soo horaysa ta kale. Xataa Golaha Guurtida oo sharcigu awood u siiyay muddo kordhinta doorashada Madaxtooyada ayaan is waafajinta labada doorasho ka mid ahayn shuurudaha ku xusan 83 Dastuurka Somaliland. Sidaa daraadeed doorashada Madaxtooyadu in ay wakhtigeeda ku qabsoono ayaa sharci ahaan mudnaanta koobaad leh. Wixii kaleba waa in dalku galo khilaaf siyaasadeed oo Doorsh- doon iyo Doorasho-diid foodda la isku daro. Taas oo aan Somaliland daan u ahayn Somaliland. xumaan mooy yaraato eh wax wanaag ahi ugu jirin. Xildhibaanada ku doodaya in xeerkan 14 aan waxba laga bedelin ee u arka sax uu ku yahay sida hadda uu yahay maan fahmin waxa ay u jeedaan hadii aanay dan gaar ah laga lahayn ee danta guud ay ka hadlayaan. Waayo waxay leeyihiin doorashada Madaxtooyaduna 13 November ha qabsoonto ururada siyaasadda iyo sadexdan xisbina ha tartamaan December si ay sedex xisbi uga soo baxaan. Sida ay taasi ku suurogeli kartana wax faahfaahin ah Kama bixinayaan. Markaa waxay u jeedaan anigu maan garanin hadiise aan maleeyo caqligooda waa in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo oo muddo kordhintii ay Somaliland ay hore u soo eeday ee qayrkeed iyo qayr ku xigaheedba ka reebtay iyo khilaaf siyaasadeed oo hor leh dalku ha galo. Waa hadii laga yeelo tooda eh. Golahan cusub arinkani waa ku xujo waanay kala cadaan doonaan dan qaran iyo dano gaar ah ka ay intooda badan u hiiliyaan. Markaa bal ha la sugo in aynu gole qaran dooranay iyo aynu xaabo urursanay eh m. Weliba daaya golahan waynu ku kala baran xildhibaanadiisa inta runtii ah xildhibaano qaran iyo inta aan ahayn kuwa tirada badan ahe CALIGUREY HARGEYSA, SOMALILAND Qaran News
-
Istanbul (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalmo kadib markii uu dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen rag burcad ah. Seddax nin oo burcad ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa Baashi Xoosh Jabriil ku weeraray goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul, 6-dii bishaan December, waxaana lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas. Ragga burcadda ah ayey kaamiraduhu qabteen ayaga oo gadaal uga yimid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ayaa Feer qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashi, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay. Burcadda ayaa baaratay Baashi oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen talefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, sida ay werineyso warbaahinta Turkiga oo aad u hadal heysa dhacdadaan. Booliska Turkiga ayaa la sheegay inuu soo qabtay raggaas burcadda ah, waxaana deg deg loo hor-geeyey maxkamad, labo ka mid ah oo ka yaraa da’aadda 18-sano ayaa lagu soo oogay dacwad xatooyo, waxaana laga sii daayey xabsiga, halka ninka 3-aad ee feeray Baashi lagu soo oogay inuu geystay dil bareer ah. Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii Maarso 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta. Baashi oo 52-sano jir ahaa ayaa dilkiisa ka hor dalxiis u joogay dalka Turkiga, waxuuna ahaa Aabe degan magaalada Todonto ee dalka Canada oo dhalashiisa labaad uu ka heystay. Baashi Xoosh Jibriil waxa uu kamid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ee dalka Canada, wuxuuna Soomaalida ku cusub dalkaas ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga iyo dib-u-dejinta. The post Daawo: Kaamiro duubtay weerarkii lagu dilay BAASHI XOOSH JABRIIL ee Istanbul appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhada Tigrayga oo dib u qabsatay magaalada Taariikhiga ah ee Lalibela Ciidamada Tigreega ayaa dib u qabsaday magaalada Lalibela ee dalka Itoobiya, wax ka yar laba toddobaad markii ay ciidamada dowladda iyo xulafadoodu la wareegeen, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Axaddii. Lalibela oo ah magaalo ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay xarunta dhaqanka ayaa ku taal gobolka Axmaarada. Mid ka mid ah goobjoogayaasha oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka Axmaarada iyo maleeshiyaadka isbaheysiga la ah oo labaduba gacan saar la leh dowladda Itoobiya ay habeenkii sabtida ka baxeen magaalada Lalibela. “Qeybtii u dambeeysay ayaa saaka ka baxay, waxaan maqalnay rasaas meel fog laga maqlayay xalay, balse ciidamada Tigreega ayaa dib u qabsaday Lalibela, iyaga oo aan xabbad ka ridin magaalada,” ayuu yiri goobjoogaha oo ka mid ah shaqalaaha soo dhaweynta hoteel ku yaal magaaladaas oo khadka telefoonka ugu warramay Reuters. Ciidamada taabacsan kooxda TPLF ayaa magaalada la wareegay horraantii bishii Ogosto,laakiin 1-dii December, ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda gobolka Axmaarada ayaa dib u qabsaday magaalada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdiqani Siciid Carab ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, sida ay sheegeen xubnaha guddiga fulinta xiriirka oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho. Yuusuf Muxuyidiin Axmed, oo ah xoghayaha xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cabdiqani Saciid Carab lagu soo eedeeyey shan qodob oo kale ah. 1- Ku xad-gudubka awoodaha guddoomiyaha, kuwaas oo carqalad ku ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta. 2- Inuu meel uga dhacay qodobo ka mid ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanaya awoodda iyo faro-gelinta arrimaha maamulka iyo shaqooyin maamlmeedka xiriirka. 3- Inuu ku guul-darreystay qodobo kasoo baxay shirkii xiriirka ee August, uuna is-hortaag ku sameeyey in la qabto horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed. 4- In la fuliyo dib-u-eegista dastuurka xiriirka kubadda cagta oo la go’aamiyey bishii August ee 2020. 5- Tuhun ku saabsan musuq-maasuq lagu sameeyey laba mashruuc oo FIFA ay ka fulineyso Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo ah xarumo farsamo. Xoghayaha ayaa sheegay in ayada oo la eegayo qodobadaas ay guddiga fulinta cod u qaadeen in shaqada laga joojiyo guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab, ayna ku billaabeen baaritaan ay sameynayaan guddi ka kooban saddex xubnood, oo uu magacaabay guddiga fulinta. Waxa uu sidoo kale sheegay in guddiga fulinta ay go’aamiyeen inuu xilka guddoomiyaha sii hayo guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiino”. Cali Shiino ayaa isna ku eedeeyey Cabdiqani Saciid Carab inuu qalqal galiyay Xiriirka Kubada Cagta, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ballan-qaaday in deg deg loo qabanayo horyaalka Soomaaliya. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post CABDIQANI SACIID CARAB, Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta ‘oo xilka laga qaaday’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa si adag uga hadlay dhaca iyo dilka ay inta badan rag hubeysan ka geystaan degmooyinka gobolka Banaadir. Waxa uu ballan-qaaday in ciidamada booliska ay si deg deg ah wax uga qabanayaan arrintaas, oo cabashooyin dhowr ah ka gudbiyeen bulshada ku nool degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada booliska ay wadeen howl-galo lagu sugayo amniga, islamarkaana ay dhawaan soo qabteen qaar kamid ah Burcadda dhaca geeysaneysay, halka kuwo kale uu sheegay inay ku raad-joogaan oo xili dhow soo qaban doonaan, sida uu sheegay. “Horay waxaan Saldhiga howl-wadaag kusoo bandhignay burcad dhacay Mootooyin Bajaaj iyo dadkii lahaa, welina howlgalka waa uu socdaa oo waxaa jira dad inta Mobeeladoodii laga dhacay ka samran aan dib ugu celinay markii aan qabanay Burcaddii,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray in bulshada gobolka Banaadir ku dhex jiraan dad ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ayagu ka qeyb qaata falalka Amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho. Hadalkan ayaa imanaya xili bilihii u dambeeyay ay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ka dhacayeen dilal iyo dhac ay geysanayeen kooxo burcad ah, kuwaas oo cabsi hor leh ku abuuray bulshada gobolka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Muqdisho oo laga billaabayo howlgal cusub oo wax looga qabanayo xaalad soo korortay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada in aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo dalka ka dhacda iyo in la joojiyo boobka doorashada. Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen oo lagu faahiyay baraha bulshada ku yiri “Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u caddaatay in mas’uuliyiinta heer federaal iyo dowlad goboleed aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo si dalka loo badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni”. Midowga Musharaxiinta waxay sheegeen in ay qaban doonaan shir wadatashi ah oo sida ay sheegeen looga arrinsanayo doorasho hufan, waxayna magacaabeen labo guddiga oo ka shaqeeya qaban-qaabada iyo amniga shirkaas. PUNTLAND POST The post Midowga Musharaxiinta oo eedeyn u jeediyay Madasha Wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in dagaalyahanada Tigray ay dib u qabsadeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela kadib wax ka yar laba toddobaad oo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo xulufadooda. Dadka ku nool magaalada ayaa xaqiijiyay in fallaagada TPLF ay dib ula warageegeen halkaas. Ma jirin wax iska hor’imaadyo oo dhexmaray ciidamada, sida ay wararka sheegayaan. Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada gaarka ee gobolka Amxaarada iyo maleeshiyaadkii taabacsanaa ay isaga baxeen xalay halkaas iyadoo aanu dhicin wax dagaal ah. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan qabsashada magaaladan. Lalibela oo ay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO u aqoonsatay mid taariikhi ah ayaa ku taalla gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, waxa ayna ahayd goob loo dalxiis tago ka hor intii aysan qarxin colaadda. Todobaadyadii la soo dhaafay ciidamada dowladda Itoobiya waxay gaareen guulo millateri, waxaana howgalkooda ka qeyb ahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka. Colaadda sannad jirsatay ee u dhaxaysa dawlada dhexe iyo fallaagada Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah halka malaayiin kalena ay ka qaxeen guryahoodii. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 9 milyan ay ku tiirsan yihiin cunno gargaar ah. Arrintani ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Itoobiya ay magaalooyin muhiim ah ay ka qabsadeen TPLF. Halka fallaagada ay sheegtay in xeelad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinka ay dib u qabsatay dowladda. Magaalada Lalibela oo caan ku ah kaniisadaha dhagxaanta gudahooda laga dhisay, ayaa bishii Agoosto waxaa la wareegtay fallaagada TPLF. Afhayeenka Raysal wasaaraha Itoobiya Bilene Seyoum ayaa dhawaan sheegtay in jabhada TPLF ay khasaare naf iyo maalba ah ka gaysteen gobolada Canfarta iyo Axmaarada. Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka billaamay 4-tii November 2020 ayaa qarxay kadib marki ay dowladda Itoobiya sheegtay saldhigga ugu weyn ciidamada dalkaasi oo ay ku lahaayeen magaalada Maqale iney weerar ku qabsadeen ciidama daacad u ah TPLF. Dagaalka xilliga soo billaawday ayaa haatan 13 bilood jirsaday iyada oo ay weli muuqan wax xal ah oo laga gaadhay colaadda dalkasi ka aloosan. Midowga Afrikana wuxuu isku dayay inuu dhinacyada halkaa isku hayo uu u kala dab qaado balse ay weli dadaalladooda mira dhal noqon. Ciidammada dowladda waxay maanta sheegeen inay dagaal xooggan oo ay la galeen TPLF ay ku qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xidha Waldiya iyo Maqale. Fallaagada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xidha ay u difaacan lahaayeen si aan loga qabsan balse ugu dambeynti dagaalka looga awood roonaaday. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa lagu shaciyey in ay magacaabayaan guddi qaban-qaabi doona Shirweyne dhawaan dhici doona oo ay ka qayb-gelayaan waxgaradka bulshada Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo dalka iyo guddiga amniga Shirweynaha, taaas oo ka dhigan in ay abaabulayaan cudud ciidan. Golaha Midowg Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in mar walba ay u taagan yihiin xaqiijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla oggolyahay. “Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, iyadoo doorashadii la sugayey isku beddeshay boob qaawan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale war-saxaafadeedka Golaha ayaa lagu sheegay in 10-kii December ay ku baaqeen in la isugu yimaado shir lagu saxayo khilaafka ka taagan doorashada. “Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed. Si loo taaba-geliyo hawshaas culus ayuu Goluhu u magacaabayaa:” 1 – Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha 2 – Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha The post Midowga Murashaxiinta oo ku dhowaaqay shirweyne iyo tallaabo ay qaadayaan appeared first on Caasimada Online.
