Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ethiopian conflict widens and Somaliland, which shares long border, is alleged in sideling their powerful ally’s. BBC Focus on Africa asked Somaliland Foreign Minister Dr Essa, what did he makes in that allegation and the worsening situation that impacts in the region. “Ethiopia is our immediate and important neighbor. We have a long time friendship not only the gov’t of Ethiopia, but also a people to people relationship, that proceeds with our thirty years relationship. The Ethiopian gov’t and people supported our liberation struggle, and hosted our people after being shelled & bombarded by the brutal Mogadishu dictator, late Siad Barre.” So, is it why for you struggling nationhood and struggling to be recognized, that you now taking side of Abiy Ahmed? “No..No..Let me correct that, so international community and anybody else to know. The Ethiopian problem should be solved by them. As Somaliladers, we don’t have any interference in the internal political politics. Can you confirm that you are or can you deny that you are not fighting on the side of Abiy Ahmed? As the Ethiopian Broadcasting Corporation has reported that the Somaliland is supporting the Ethiopian gov’t? “It’s absolutely untrue! We are not supporting anybody, our military and forces are not involved in that war. So, who is spreading that misinformation? “It might be Mogadisho that spreads such misinformation. The Ethiopian State owned television, is the one reporting such information? “Reiterate once more, We, Somaliland are not interfering the Ethiopian problem. We would like to be solved and parties involved to be resumed. Ethiopia is a very important country for us, like to be stable and peaceful. We did not and will not take side” Qaran News
  2. Fadhigii Golaha Wakiillada ayaa shalay waxa hadheeyey buuq iyo sawaxan, kaddib markii Xildhibaannada taabacsan Xukuumadda KULMIYE ay diideen inay soo gallaan xarunta Golaha Wakiillada,kuwaas oo ka biyo diidsanaa xeerka ururrada iyo axsaabta ee uu Madaxweyne Biixi golaha ku soo celiyey ,waxaanay ku doodayeen inay furan yihiin ururrada,isla markaana aan xeerkaas laga doodin,halka Xildhibaanada kale ay iyana ku doodayeen in xeerkaas uu Madaxweynuhu soo celiyey in sharciga la mariyo,isla markaana loo raaco sababihii sharci ee uu ku sababeeyey Madaxweyne Biixi diid-madiisa. Xildhibaannada laga shookaamiyo Madaxtooyadda ayaa diiday inay soo gallaan Golaha,isla markaana ay dhegeystaan shir guddoonka Golaha Wakiillada iyo xeerkaas waxa uu ka qabo sharcigu,haseeyeeshaa waxay ku adkaysteen mawqifkoodii ahaa in aanay hoolka xarunta Golaha cagta soo dhigin,taas oo keentay inuu buuq ka dhasha barxada Golaha,isla markaana Xildhibaannada qaar ay is isku gacan qadeen,kuwaas oo feedhka,iskala daallay,isla markaana kale taabacsana Xukuumadda KULMIYE iyo is-bahaysiga Mucaaradka,kuwaas oo kale ahaa Xildhibaan Maxamed Khadar iyo Xildhibaan Khadar Guun. Jawiga xarunta Golaha Wakiillada ayaa mar qudha is beddelay,waxaana cirka isku shareertay xiisadda,taas oo keentay inay ciidanka Boolisku soo gadhaan xarunta Golaha,kuwaas oo iyana xaalka Golaha ka dhigay mid ka sii darray,iyagoo kula kacay Xildhibaannada qaarkood jidh dilay iyo xadhiga,halka ciidanka qaar ay noqdeen kuwo xaalad abuur ah xabado riday,balse nasiib darro aanay jirin cid wax ku noqotay tacashiiradaas. Garyaqaan Guuleed Daafac oo ka hadlay xeerkan murranka dhaliyey ayaa sheegay sidan:-“Dastuurka waxaa ku qoran in muddada 21-ka cisho ay ku dhaafto madaxweynuhu ku saxiixi waayo ama ku soo celin waa in uu faafinta rasmiga ah uu ku soo saaro guddoomiyaha golaha wakiilladu, xildhibaannadu golaha ee doonaya in la dhaqan geliyoadku waxay qabaan in goluhu ku soo saaro faafinta rasmiga oo sidaa sharci ku noqdo, doodda cusub ee xukuumaddu soo wareejisaynu waa in uu sidiisa ku dhaqan gelayo. Waana doodo inta ay sharci yihiin ka farabadan inta ay yihiin muran siyaasiya” ayuu yidhi Guuleed Dafac oo sharciyaqaan Hargeysa ku sugan. Dhanka kalena fadhigan Golaha Wakiillada ayaa waxa la lagu laalay mooshin ay keenaan Xildhibaannada Muxaafidku,kaddib markii sharci-yaqaanada Goluhu sheegaan inuu khilaafsan yahay sharciga, kaas oo ahaa mid ay ku dalbanayeen in aan laga duudin,isla markaana aan kaabis iyo wax ka beddel lagu samayn xeerka ururrada Siyaasadda iyo axsaabta ee uu Madaxweyne Biixi soo diiday inuu saxeexo,kaas oo uu Madaxweynuhu dalbanayo in sharciga la waafajiyo. Geesta kalene Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in xildhibaannada muxaafadka taabacsani, ay wado sharciga baal marsan wax ku doonayaan, xaga kuwa mucaaradkuna ay leeyihiin sharciga hala raaco.”Sida saxaafada laga sheegayo ma jirto cid isku haysa ururo yaan la furin iyo8 hala furo, waxa laysku hayaa habraacyadii sharci aan u marno waxkasta oo golaha yaala iyo umari mayno ayaa laysku hayaa, qof walbana wuxuu sanka kaga tolnaan doonaa in uu sharciga raaco” ayuu yidhi Khaliif. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadalka wasiir Koore aanu waxba ka badali karin xeerka horyaala golaha, islamarkaana aanu wax saamayn ah lahayn.”Xeerkasta oo uu madaxweynuhu soo celiyo waa in golaha la horkeena, oo goluhu ama cod ku diidaa ama ku aqbalaa, markaas ayuu xukun ka dhalanayaa, laakin ama wasiir ha noqdo ama guddoomiye baarlamaan ha noqdee wax saamayn sharci ah oo uu yeelanayaa ma jiro” ayuu yidhi Khaliif. Dhinaca kalena, guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Siciid Mirre Faarax Giire, ayaa kasoo horjeestay guddoomiyaha isaga oo dibada kaga sugnaa aqalka wakiillada si lamid ah xubnaha kale ee ka biyo diiday habka loo wajahayo xeerka furista ururada siyaasada,kaas oo si hoose u wedday abaabulka iyo kacdoonka Madaxtooyadda soo abaabushay. Sidoo kale xoggo aanu helnay ayaa sheegay in xalay Xildhibaannada labada dhinac laga dhex waddo waan-waan,taas oo ah mid la iskugu soo jiidayo oo ay waddaan xubno ka tirsan Golaha iyo siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan guurtida oo is xilqaamay,waxaana xusid muddan Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtidu uu gacanta isku saaray Xildhibaannadii gacanta Isku qaaday ee Maxamed Khadar Iyo Xildhibaan Khadar Guun,kuwaas oo is laab xaadhay. Waxa kale oo ay xoggaha aanu helnay ay sheegeen in xeerkaas la rabbaaliyey,isla markana mar dambe laga doodayo,kaas lagu samayn doonno wax ka beddel iyo kaabis,kaddib-na cod loo qaadi doonno,haseyeeshaa hadda gebi ahaan-ba waxa la dhigay barkin-ka,sida ay illo xog ogaal ahi sheegeen inta xaaladdu degayso. Si kastaba ah-ahaatee Madaxtooyadda ayaa ku fashilantay qorshaheedii ay u soo laqintay Xildhibaannada taabacsan,kaddib markii xeerka uu soo celiyey Madaxweyuhu ay u arkeen mid ay il duufeen,kuwaas ku doodayey arrin aan sharciga waafaqsanayn,isla markaana iska idho tirayey xeerka Madaxweyne Biixi soo diiday inuu dhaqan-geliyo ee ururrada,waxaana la laalay mooshinkii mac-malka ahaa ee looga soo dhiibay kijada Madaxtooyadda,taas oo noqonaysa dhirbaaxadii labaad ee ku dhac-da Xildhibaannada taabacsan Xukuumadda wakhtigeedii sii dhammanayo ee KULMIYE,waxaanu Xisbiga KULMIYE gar-waaqsaday in Golaha uu yahay mid ay mucaaradku awood ku leeyihiin,isla markaana khaliif-na uu yahay nin aan la yaraysan karrin marnaba. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay qaadaceen hanaanka doorashada dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka ayaa waxaa isa-soo taraya walaaca iyo cabsida laga qabo in dalka ay ka dhacaan rabshado. Dhinacyada siyaasadda isku haya ayaa si weyn iskugu khilaafsan wadadii loo mari lahaa xal u helida hanaanka doorashada, xilli ay mucaaridka doorashada socota ku tilmaameen mid boob iyo sharci darro ah. Mucaaradka ayaa doonaya in guud ahaan doorashada la joojiyo, la baabi’iyo dhammaan kuraastii horey loo doortay, wax walbana hadda iyo kow laga soo billaabo. Balse Rooble iyo madax-goboleedyada ayaa ku adkeysanaya in doorashada sii socoto, balse la saxo khaladaadka jira. Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in go’aanka aamusnaanta ee uu qaateen Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin hogaanka dowlad goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay uga sii dareyso dareyso xaalada hubanti la’aanta ee ka taagan dalka. Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa ku guuldareystay inay iskugu yimaadaan kulan lagu xalinayo tabashada laga qabo hanaanka ay ku bilowdeen doorashada waqtigeeda uu dib uga dhacay ee ka socota dalka, kulankaas oo ay dalbadeen mucaaradka. Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka, hase yeeshee shirkan ayaa waxaa diidan xubanaha kale ee Madasha Wada-tashiga Qaran, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya. Madasha Wada-tashiga Qaran oo ayadu leh awooda socodsiinta doorashada, islamarkaana ay kasoo baxeen heshiisyada loogu jiheystay doorashada ayaa go’aan ka gaarista is-mari-waaga ka taagan doorashada xal u noqon lahaa, sida ay qabaan qaar kamid ah fallan-qeeyayaasha siyaasadda. Aamusnida Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa la fahamsan yahay in Midowga Musharixiinta ay kusii riixeyso inay sii wadaan kulamada ay uga arrinsanayaan samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daah-furan. Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ka howl-galaya qabsoomida shirwayne Wada-tashi Qaran oo ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online dokumenti ay heshay oo ah dhismaha GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) oo ujeedkiisu yahay inuu dalka ka badbaadiyo dagaal, kana saaro xaaladda cakiran, oo uu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Sida aan xogta ku helnay, Dokumentigan ayaa waxaa diyaariyey Golaha Midowga Musharaxiinta hase yeeshee weli waa qabyo, welina si kama dambeyn ah la isuguma raacin, waxaana jirta weli in xubnaha qaarkood ay kasoo horjeedaan dhismaha golahan. Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyey inay diyaariyeen Midowga Musharaxiinta, wuxuuna ku qeexay dokumentiga howl weli socota. “Waa howl socota, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku guul-darreysto inuu hakiyo hanaanka doorashada boobka ah, guul-darradiisa kaliya horseed uma noqon doonto dhismaha golaha balse waxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku qasbi doontaa inay si deg deg ah maalmo gudahood tallaabo u qaadaan una dedejiyaan dhisidda Golaha Sare,” ayuu yiri. Sida ku cad dokumentiga, heshiiskan siyaasadeed waxa u dhisayaa GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) kaas oo soo magacaabi doono Wasiirka 1aad ama Raisal Wasaare isna soo dhisi doono XUKUUMAD BADBAADO QARAN oo ka shaqeyn doonta: Xoreynta Dalka, Dhameystirka Dastuurka Dalka iyo u codeyntiisa iyo Qabashada DOORASHO QOF IYO COD AH. – Halkan guji oo ka arag dokumtigaas oo dhameystiran Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Go’aanka ay qaateen Rooble iyo madax goboleedyada oo kasii daraya xiisadda dalka appeared first on Caasimada Online.
  4. Dowladda Soomaaliya iyo Finland ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya $8.64 million oo Dollar kaas oo lagu horumarinayo Waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed. Wasiirka Waxbarashadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Safiirka dowladda Finland ee Soomaaliya marwo Johanna Jokinen ayaa kala saxiixday heshiiskaas. Wasiirka Waxbarashadda oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay dowladda Finland doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya. Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Hey’adda UNICEF ayaa deeqdaas lacageed si wadajira mashaariicda loogu tala galay ugu fulin doona guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Finland oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $8.64 million oo Dollar appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxdii la khaarajiyey ee Soomaaliya & Maraykanka Kulankii taarikhiga ahaa ee madaxweynihii Maraykanka John F. Kennedy iyo Ra’isulsulwarihii Soomaaliya Cabdirishiid Cali Sharma’arke Afarta gar-jiho waxaa ka dhacayay duufaantii dagaalkii qaboobaa ee dunida. Dalalka adduunyadu waxa ay ahaayeen kuwa la kala jirsaday Midowgii Soofiyeeti iyo Mareykan ka, halka kuwa dhif ahna ay istaageen mowqif dhex dhexaadnimo ah. Soomaaliya waxa ay qeyb ka ahayd dalalkii lagu loollamayay saaxibtinnimadooda, maaddaama muhiimad istaraatiijiyadeed iyo mid siyaasadeedba ay lahayd. 1960 kii markii ay Soomaaliya qaadatay xorriyaddeeda waxaa isa soo tarayay dalabyada iyo kala riix riixashada labadii quwadood ee ugu weyneyd caalamka ku hayeen madaxda Soomaalida. 27 kii November sannadkii 1962 kii, diyaarad sidday ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa caga dhigatay Washington halkaas oo uu ku qaabbilay madaxweynihii Mareykan ka John F. Kennedy. Roog cas ayaa garoonka diyaaradaha loo goglay, salaan sharaf iyo maamus ayuu ka guddoomay dhiggiisa Keneddy. Kaddib Aqalka Cad ayeey u caraabeen iyadoo ‘soo dhowoow’ lagu marxabbeynayo. Casho sharaf ayaa xigtay, beerta South Lawn ee ku dhex taalla Aqalka Cad ayaa isla cishihiiba la gogladay oo munaasabad maqaamkeeda wadata loo dhigay wafdiga, ka hor inta aan la guda galin ujeeddada safarka. Dowladda Mareykan ka oo aad u daneyneysay in ay Soomaaliya ka xigsato Midowga Soofiyeet ayaa u muujisay ra’iisul wasaare Cabdirashiid dabacsanaan badan iyo balan qaadyo soo jiidasho leh. Waxaa la isla gartay 1. in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. 2.In Mareykan ka uu Soomaaliya ka caawiyo dhismaha iyo qalabeynta ciidanka qaranka. 3.In fursado waxbarasho la siiyo ardayda Soomaaliyeed si ay qeyb uga noqdaan geeddiga dowlad dhiska Soomaaliya. 4.In la iska kaashado dhismaha kaabayaasha dhaqaalle iwm Madaxweyne Kennedy ayaa ku dheeraaday bogaadinta madaxda Soomaalida iyo doorkooda ku aaddan ilaallinta Dimuqraaddiyadda curddinka ah ee ka hanaqaadday Soomaaliya. Isagoo ku tilmaamay in ay tusaale u yihiin dalalka dhowaangalka ah ee doortay nidaamka Dimuqraaddiga ah. “Mudane Ra’iisul wasaare, si kasta oo aan u kala fognahay juqraafi ahaan iyo taariikh ahaanba, haddana waxaa jirta waxyaabo badan oo na mideeya oo ay ugu horreyo nidaamka dimuqraaddiga ah ee oggolaanaya isku dheellitirka awoodaha iyo u kala saariddooda saddexda waaxood ee asalka ah, waaxda fulinta, baarlamaanka iyo caddaaladda, si loo gaaro hadafka weyn ee ah in la damaanad qaado xorriyadda qofka” John F. Kennedy. Madaxweyne Kennedy ayaa toogasho lagu dilay muddo yar kadib kulankii uu la qaatay Cabdirishiid “waa maalin taariikhi ah, waayo markii ugu horreysay ayaan qaabbileynaa wafdi rasmi ah oo ka socda Soomaaliya tan iyo markii aad xorriyadda qaadateen laba sano ka hor. Waxa aan idinku bogaadinayaa sida hagrasho la’aanta ah ee aad uga shaqeyseen xorriyad gaarsiinta ummaddiinna, islamarkaana aad jilbaha u aasateen sidii aad uga gudbin lahaydeen marxaladda kumeel gaarka ah ee xigtay maalmaha xorriyadda. Waan dareemi karaa caqabadahan oo kale anagaba waa ay nasoo martay ayaamaheennii aan xorriyadda qaadannay. Iska feedidda heeryada gumeysiga iyo ismaamul madax banaan in ay muddo kooban is xigaan waa wax aad u adag, haddana waan ku kalsoonahay in aad dow hagaagsan geyn doontaan dalkiinna, adinkoo ka faa’iideysanaya ahmiyadda juqraafi iyo tan istaraatiijiyadeed ee uu dalkiinna leeyahay. Mudane ra’iisul wasaare soo dhowoow.” Markale Kennedy. Madaxweyne John ayaa masraxa kusoo dhaweeyay dhiggiisa Sharmaake, kooxda baambeyda ayaa heesta astaanta qaranka Soomaaliya ka qeylisiisay. Kaddib ra’iisul wasaaraha ayaa cod baahiyaha usoo dhawaada oo bilaabay in uu u mahadceliyo Kennedy iyo dowladdiisa. Sidoo kale qiray sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay la jaal ahaanshiyaha dal sida Mareykan ka oo kale. “Mudane Madaxweyne, farxad ayeey ii tahay in aan salaan diiran idinkaga sido adiga iyo dadka Mareykan kaba, madaxweynaha dalkeyga Aadan Cabdulle Cismaan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa aan bogaadinayaa marti soorkiinna hagrasho la’aanta ah. Waxa aan rejeynayaa in kulaneenna uu bud-dhig u noqdo xiriir saaxibtinnimo oo u dhexeeya labadeenna dal, mahadsanid madaxweyne” Cabdirashid Sharmake. Kaddib hadal jeedinnadaas kooban oo ay labada hoggaamiye ka yiraahdeen munaasabadda soo dhaweynta, waxaa xigay kulamo gaar ah oo ay kaga arrinsanayeen siyaasadda guud ee adduunka iyo si gaar ah xaaladaha dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya. Labada masuul ayaa hoosta ka wada xariiqay sida ay muhiim u tahay iskaashi dhexmara Muqdisho iyo Washinton. Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Mareykan ka mudane Cumar Macallin oo kaashanaya kaaliyihii xogyihii arrimaha Afrika u qaabbilsanaa Mareykan ka mudane G. Mennan Williams ayaa Hotelka Shoreham ee magaalada Washinton ku qabtay munaasabad kale oo soo dhaweyn ahayd taas oo ay kasoo qeyb galeen diblomaasiyiin sar sare oo ka socoday qaar kamid ah dalalka Soomaaliya saaxibbada la ahaa. Sidoo kale kulankaas waxaa uu fursad u siiyay ra’iisul wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaake in uu la kulmo ardayda Soomaaliyeed ee wax ku baraneysay dalka Mareykan ka, kuwaas oo halgan nololeed ugu jiray sidii ay inta wax soo bartaan dalkooda dib ugu celin lahaayeen. Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhiirriyay ardayda in ay dareen ummadnimo qaadaan oo aqoontooda uga faa’iideeyaan dadkooda. Maalinkii labaad ee booqashadiisa, Ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa tegay masjidka weyn ee Washinton iyo xarunta dhaxalka islaamka ee magaaladaas, halkaas oo uu ku tukaday kuna Quraan akhristay. Aqalka martida ee la dejiyay ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa waxaa markale kusoo booqday madaxweyne Kennedy si uu uga guddoomo haddiyado ka tarjumaya dhaqan Soomaaliga oo uu mudane Sharmaake ugu talagalay dhiggiisa Kennedy. Haddiyadahaas waxa ay ka koobnaayeen dharka hiddaha, gaashaan, xeero, fandhaal, waran, geeso lo’aad iyo qaar kale oo badan. Maalinkii xigtay wefdiga ra’iisul wasaaraha ayaa u ambabbaxay magaalada Newyork safar masaafadiisu lagu qiyaasay 250 Mile dhanka Wuqooyi. Markii ugu horreysay ayuu galay dhismaha xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Newyork. Calanka Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa calamada ka dhex babbanayay gudaha xarunta, Wefdiga Sharmaake waxaa soo dhaweeyay madaxweynihii golaha loo dhanyahay ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa mudane Muhammad Zafarullah Khan oo u muujiyay kalsooni badan madaxda Soomaalida. Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Ciise Maxamud iyo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Washinton mudane Cumar Macallin ayaa kaalin libaax leh ka qaatay habsami u socodka booqashada ra’iisul wasaaraha iyo jadwalka guud ee maalmihiisa Mareykan ka. Duqii magaalada Newyork Robert F. Wagner Jr ayaa guddoonsiiyay Sharmaake abaalmarinta ‘Furaha Dahabiga’ si uu ugu soo dhaweeyo Newyork oo markaas ahayd mid kamid ah magaalooyinka ugu ilbaxnimada badan dunida. Markii ay dhammaatay wakhtigii ay u qorsheeyeen Newyork, wefdiga ra’iisul wasaare Cabdirashiid ayaa u baqoolay jihada koonfureed ee magaalada si ay u galaan safar 600 mile ah kaas oo ay ku tiigsanayeen mid kamid ah jasiiradaha ku yaalla Caribbean ka, si ay ugu soo tamashleeyaan. Xeebta dheer ayeey muddo wakhti ku qaateen oo qumbaheeda si qumaati ah u cuneen iyagoo iska bi’inaya daalka iyo jactadka uu baday safarka dheer ee ay ugu soo jermaadeen jasiiraddaas. Old San Juan waa mid kamid ah degellada ugu qaddiimsan taariikhda aadanaha, juqraafi ahaan waxa ay dhacdaa jasiiradda Puerto Rico. sooyaal ahaanna waxaa la weriyaa in ay ku jirtay meelihii ugu horreeyay ee uu kasoo dagay daahfurihii reer Taliyaani Christopher Colombos intii uu ku guda jiray daahfurkiisii dhulweynaha Ameerika. Jasiiraddan Puerto Rico waxaa taariikhda u gashay in ay marti soortay ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Allaha u naxariistee mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake. Governerkii jasiiraddaas Luis Munoz Marin iyo Sharmaake ayaa si wadajir ah uga wada hadlay sidii ay labada dhinac isku kaashan lahaayeen, balamo iyo cahdiyo ayaa la isla meel dhigay. Intaas ka dib wefdiga waxa ay soo kormeereen dhismayaal dan guud ah oo ‘iskaa wax u qabso’ ay ku dhisayeen dad mutaddawiciin reer Puerto Rico, halkaas cashar baa uga baxay malaha wefdigii Soomaalida maaddaama howlaha iskaa wax u qabsada ah ay ku cusbeyd maqalka wefdiga. Waxaa lasoo gaaray dhammaadka safarkii xiisaha lahaa ee ra’iisul wasaare Sharmaake, diyaaradda qaaska ah ee madaxweyne Kennedy ayaa kusoo celisay Washinton si uu u sameeyo macsalaameyntii ugu dambeysay. Diyaaradda Kennedy oo cusbeyd aawgeed Sharmaake waxaa uu noqday masuulkii ugu horreeyay ee isticmaala diyaaraddaas. Cabdirishiid Cali ayaa noqday Ra’isulwasaare iyo madaxweynaha Soomaaliya xiliyo kala duwan ka hor intii aanan la dilin Markii ay dib ugu soo noqdeen Washinton, labada hoggaamiye ayaa is macsalaameeyay oo iskula dardaarmay in si dhow looga wada shaqeeyo fulinta mashaariicdii la isla meel dhigay, sidaas ayuu kusoo idlaaday safarkii muhiimka ahaa ee uu ra’iisul wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaake ku bixiyay dalka Mareykanka markii ugu horreysay taariikhda. 361 maalin kaddib kulanka labada hoggaamiye, nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay madaxweynihii Mareykan John F. Kennedy xilli uu safar ku marayay magaalada Dallas ee gobolka Texas. Adduunyada ayaa la amakaagtay dilka gaadmada ah ee loo geystay madaxweynaha Mareykan ka. Sidaas oo kale Todoba sanno kaddib askari ka tirsan ilaalladiisa ayaa ku toogtay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake oo xilligaas noqday madaxweynaha Soomaaliya. se lama xaqiijin illaa hadda cid dhabta ah ee ka dambeysay dilka madaxweynaha si lamid ah sida aan weli loo xaqiijin cidda masuulka ka ah dilka Kennedy marka laga soo tago Lee Harvey Oswald oo loo badinayo in uu toogtay madaxweynaha. 59 sano ayaa kasoo wareegatay kulanka Kennedy iyo Sharmaake, ha yeeshee Cabdirashiid Cali Sharmaake wiilkiisa ayaa laba jeer Soomaaliya ka noqday ra’iisul wasaare halka qoyska reer Kennedy ay tusbax furtay oo kale u dabar go’een, muddo kooban ayuuna ku dumay damacoodii siyaasiga. Ha yeeshee Soomaaliya maanta waa ay ka liidataa 59 sano kaddib, halka Mareykan kana uu hadda yahay quwadda keliya ee adduunka ka dhaqleysa. Adduun iyo waayihiisa! W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali Qaran News
  6. Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb-galaya madasha aragti wadaagga arrimaha Geeska Afrika ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Cilmi-Baarista Heritage ayaa soo hadal qaaday xiriirka Soomaaliya & Jabuuti oo uu dhowaan khilaaf soo kala dhex-galay. Jamaal Maxamed ayaa marka hore meesha ka saaray in haatan khilaaf uu ka dhexeeyo labada dal oo walaalo iyo daris ah, wuxuuna qiray in xilligan uusan jirin wax khilaaf ah. Wasiirka ayaa xusay in ay jiraan daldaloolo yar, balse labada dowladood ay kaga wada-hadlayaan qaab diblomaasiyadeed, si loo dhammeeyo wixii dhexdooda ah. Sidoo kale wasiir Jamaal oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in Jabuuti ay abaal weyn ku leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay door ku leedahay dowlad dhiska Soomaaliya. “Jabuuti, dad walaalaa nahay, dowladdii Carta ayaa halkaan lagu dhisay, maantana waa annaga halkaan kasoo qeyb galnay, waana soconayaa xiriirkeenna,” ayuu yiri Jamaal. Khilaafka soo kala dhex-galay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa bannaanka u soo shaac baxay horraantii sanadkan, kadib markii dowladda federaalka ay Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya oo ay isku qabteen arrimaha gobolka Gedo oo xuduud la leh waddankaasi. Si kastaba, hadalka wasiirka qorsheynta ayaa kusoo aadaya, iyada oo maanta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kusii jeedo dalka Jabuuti, isaga oo soo xiri doono aragti wadaagga Geeska Afrika ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Cilmi-Baarista Heritage. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
  7. MOGADISHU (HOL) - Entrepreneurs in Somalia received a boost this week following the announcement of a $ 4 million fund by Salaam Somali Bank which will run from next year through to 2024. Source: Hiiraan Online
  8. KISMAYO (HOL) - Jubaland has announced the first 14 seats to be contested in the upcoming Lower House elections. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay uga bilaabineyso booqasho rasmi ah. Rooble iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka amba-baxaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ujeedka safarkiisa laga helayaa faah faahin dheeri ah. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Jabuuti u tegaya inuu soo xiro dood cilmiyeed uu Machadka Cilmi-Baarista Heritage dalkaas ugu qabtay aqoonyahano & bulshada rayidka ah, taas oo lagu gorfeeyey xaaladaha haatan ka taagan, qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika. Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa la siiyey khudbadda ugu dambeysa ee xiritaanka Madashan, isaga oo ka warbixin doono marxaladahii ay soo martay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga baran karo qalalaasaha ka jira qaar ka mida dalalka dhaca Geeska Afrika. Sidoo kale Rooble ayaa inta uu joogo Jabuuti kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda ugu sarreysa dalkaas oo ay ka wada-hadali doonaan xaaladaha taagan, sida doorashada. Booqashada Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo beegmeysa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Waa markii labaad ee uu ra’iisul wasaaruhu tegayo Jabuuti, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha, si uu u hoggaamiyo xukuumadda, inta lagu jiro doorashooyinka 2021. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post R/Wasaare Rooble oo safar dibadda ah u baxaya maanta appeared first on Caasimada Online.
  10. Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla oo tan iyo doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada ahaa qaar si badheedh ah u baahin jiray eeddo lagu soo mal-maluuqay marfashyadda Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo lagu durri jiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana mararka qaar baahin jiray qoroolo anshaxa iyo asluubta war-baahinta ku ceeb ah,waxaanay weli u muuqdaan inay sii waddaan ficiladaas guracan ee ka dhanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif Axmed. Telefishankan afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla iyo Radio Hargeysa ayaa shalay baahiyey war ay ku eedeynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,kuwaas oo murrankii koobnaa ee Xildhibaannada Golaha ka dhex-dhacay ay ku sheegeen inuu isagu ka dambeeyo,wallow la ogyahay in Xildhibaannada Xukuumadda KULMIYE ay diideen ina fadhiga soo gallan Golaha,taas oo ahayd arrin ay Xukuumadda KULMIYE ka soo shaqaysay,haddana Telefishanka iyo Radio Hargeysa ayaa ficilada foosha xun ee ka yimi Xukuumadda ku soo riixay Guddoomiye Khaliif. War ku sheeg laga baahiyey Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka ayaa ciwaan looga dhigay sidan: -“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sharci Jabin Ku kacay ka dib Markii U Furay Iyada Oo aan Fadhigu Buuxsamin” Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla ayaa iyagu shalay qayb ka ahaa qorshii fashilmay ee Xukuumadda KULMIYE soo meleegtay inay ka fulliso xarunta Golaha Wakiillada,kaas oo ahaa in rabshada laga abuuro Golaha,waxaanay taas baddelkeeda si ay indhaha ugu jeediyeen Xukuumadda qorshahaasi waddatay ay eedo lagu soo curiyey marfash-yadda KULMIYE u jeediyeen Guddoomiye Khaliif. Dhanka kalena arrintan ayaa dad weynaha reer Somaliland ay si yaabo kale duwan oo cadho leh uga falceliyeen,waxaan si weyn ugu faaqidayeen baraha Bulshada,iyagoo ku tilmaamay inay khalad iyo gef tahay laga gallay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,isla markaana waxay dhalliilo ujeediyeen masuuliyiinta Wasaaradda War-faafinta,kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay weli ku jiraan loollankii shir Guddoonka Golaha Wakiillada ee laga soo gudbay.” Wasiir Koore Intii uu garanaayay ayay dhaaftay, War-baahintii Qaranku laha sidan kuma aha War-baahin Qaran. Koorow hakaraamo seegin Khaliifuna waa Masuulka saddexaad ee Waddanka JSL. Ama liq ama ha liqin.”ayuu yidhi siyaasi muniir Geesta kalene Wasiir Saleebaan Cali Koore iyo kooxdiisa ayaa weli u muuqda inay ku jiraan loollankii shir guddoonkii laga soo gudbay,waxaanay sii waddaan baahinta dayaacaddiihii ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirasaaq Khaliif,kuwaas oo lagu soo mal-maluuqo marfashyadda muqayiliinta KULMIYE ee xaafadda Goljano. Gunnaanadkii qorshahan Radio Hargeysa iyo Telefishanka afka Xukuumadda KULMIYE ku hadla,ayaa ahaa mid ay ku doonnayeen in eeddaha is-maan dhaafkii yaraa ee shalay Golaha ka dhacay oo la oggaa in Xukuumadda soo abaabushay inay eeddaas ka difaacaan Xisbiga KUMIYE iyo Xukuumaddiisa,isla markaana taa beddelkeeda ay ku riixeen oo ay ku eeddeeyaan inuu Guddoomiye Cabdirasaaq Khaaliif ka dambeeyey,balse qorshahooga ayaa fishmay waxaanay bulshada kale kulmeen fal-celin niyad jab ku abuurtay weedhahan “Magac Qaranka iska beddela oo la baxa Radio KULMIYE iyo Telefishanka KULMIYE” Source
  11. Omar Abdirashid A. Sharmarke: “Somalia should have a centralised counterterrorism force to fight Al-shabaab”. Mogadishu (PP News Desk) — The former Prime Minister of Somalia Omar Abdirashid Ali Sharmarke had criticised the rival counterterrorism forces in Somalia. The former Prime Minister granted an interview to Dalsan TV . He said that he had sought to facilitate peaceful solution of the stand-off in Bosaso between Puntland Security Force and Puntland State troops. “I believe that Puntland State government can resolve the stand-off [in Boosaaso] peacefully. During my tenure as Prime Minister I devised a plan for a federal oversight of Puntland Security Force. Decentralised counterterrorism outfits cannot fight a centralised terrorist organisation such as Al-shabaab” said Sharmarke. He claimed that he had facilitated the resolution of mutiny in Garowe when a sacked police commissioner disobeyed former Puntland President Dr Abdiweli Mohammed Ali and deployed mutineers on the outskirts of Garowe. Sharmarke, a former Senator, is in Mogadishu where he is considering to join the Union of Presidential Candidates. © Puntland Post, 2021 The post Former PM of Somalia Calls for Federal Oversight of Puntland Security Force appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Berbera)-Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiilada oo ku Guddo jira kormeerida iyo indho-indhaynta mashaariicdii laga fulliyey Miisaaniyada Qaranka ee k u xusan xisaab xidhka sannadkii 2020-ka, ayaa magaalada Berebera mar ay kormeerayaan mashaariicda laga hirgeliyey,waxay u soo baxday masharriic lacagtoodii la qaatay,kuwaas oo aan haddana la hirgelin, isla markaana goobihii laga dhagax dhigay ay yihiin bannaan Guddida ayaa waxa intii ay ku gudda jireen u soo baxday maashaariic baddan oo kale duwan kuwaas oo ku xusan xisaab xidhkii 2020-kii,haseyeeshee aan la hirgelin,kuwaas oo ay sheegeen inay dabageli doonnaan lacagtaas halka ay martay,isla markaana ay la waddaagi doonnaan Golaha Wakilllada. Xildhibaan Xasan Ogaal oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada,isla markaana xubin ka ah Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiilada oo arrintaas ka hadlay ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Halkan aynu joognaa waa tuullada yare e Biyo kulule oo ku taal duleedka Magaalada Berbera ee caasimada Gobolka Saaxil,waxaan kormeeeraynay mashaariicda laga fuliyey miisaaniyaddii 2020-kii,kuwaas oo xisaab xidhka ku jira, halkan waxa ah in dhisme laga dhiso lacag baddan ayaa ku jirtaxisaab xidhkaa aanu dabagalkeeda wadno,taas oo ay qaadatay shirkada la yidhaah Som KAAMIL constriction company,haseyeeshee sida aad arkaysaan,meesha wax dhisma ihi kama yeello ,sababta markaa dhismihii loo dhisi waayey ee lacagta baddan ee halkaa ku jirta loogu fullin waayey ,waanu dabagelaynaa,halka ay nala gashano Qaranka iyo Golaha ,waanu u soo bandhigaynaa .”ayuu yidhi .” Isagoo intaas ku darray “Iminka ma arragno wax dhisme ah ,waxaanu caddaynaynaa in aan wax dhisme ah lacagta halkan ku jirta lagaga dhisin goobtan aanu joog-no,lacagtaas miisaaniyadda 2020-ka ku jirtay halka ay martay ayaanu raadin doonnaan.”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan . Dhanka kalene BadhasaabkaGobolka Saaxil ayaa isna goobta ka hadlay in aanu sheegi karrayn mashruucaas meesha laga fulliyey,isagoo xusay in halkan uu amni ahaan uga fulli waayey,basle loo sheegay in meel kale loo beddel,taas oo aanu garanayn “Anniga iyo maayarka iyo wasaaradda Ganacsiga ayaa halkan wadda nimi goobtan masharuucaas miisaaniyada ku jiray 2020-kii waanu dhagax dhignayn ,kaddib waxa naga hor yimi arrimo nabad-gelyo,arrimahaas nabad gelyo ayuu mashruucani markaas u fulli waayey,markaa waxa war nagu soo gaadhay in wasaaradda Ganacsiga ya mashruucaa u beddeshay meel kale oo nabad-gelyo ah,taas-na ma xajiinin karro .”ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil Source
  13. (SLT-Addis Ababa)-Afhayeen u hadlay mucaaradka TPLF, ayaa sheegay in digniinta uu u soo jeediyey Mareykanka mucaaradka ay tahay wax aan la aqbali karin, gaar ahaan isku daygooda la xidhiidha dhanka galista caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey digniinta Mareykanka katimid mid waxba kama jiraan ah. Bishii ina dhaaftey ee October, jabhadda TPLF ayaa qabsatay magaalooyinka Kombolja iyo Desse, oo ku yaalla waqooyi galbeed ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya. Sidoo kale, waxay qabsadeen TPLF wado weyn oo halbawla ah, taasoo gobolka Tigreega ku xidheysa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, iyadoo taa sare u qaadey suurta galnimada ay TPLF ku gali karto magaalada Addis Ababa. Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey wax lagu qoslo digniinta iyo hadalada kasoo yeedhaya Mareykanka. Wuxuu intaa ku darey afhayeenku in Mareykanku aaney dooneyn in TPLF ay galaan magaalada Addis Ababa. Source
  14. Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbalanad ayaa ku dhawaaqay doorashada 14 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland. Doorashada kuraastan oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa ah kuraasti ugu horeysay ee ee Jubbaland lagu dooranayo. Kuraastan la shaaciyay oo ay ka mid yihiin kuraasta tirsigoodu yahay HOP#28, HOP#82, HOP#93, HOP#107,, HOP#108, HOP#111 iyo kuwa kale. Hoos ka akhriso liiska kuraasta doorashadoodu la shaaciya Source: goobjoog.com
  15. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabbilay safiirka dowladda Qadar u jooga Soomaaliya Xasan Bin Xamsa Asad. Wasiirka arrimaha dibedda iyo safiirka Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar. Dowaladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto-dheer oo taariikhi ah, iyadoo sanadihii u dambeeyayna uu aad u kobcayay cilaaqaadka labada dowladood. PUNTLAND POST The post Wasiirka Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar appeared first on Puntland Post.
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal ayaa war kasoo saaray tallaabada ay qaaday Jubbaland ee ku aadan qabashada doorashada 14 kursi oo ka mida xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Afhayeenka guddiga doorashooyinka, Axmed Safiino ayaa shaaciyey in Jubbaland ay guddigooda usoo gudbisay liiska kuraastaas, isla-markaana ay uga mahadcelinayaan, sida ay uga jawaabeen dalabkooda ku aadan in Jubbaland ay guda gasho doorashada Baarlamaanka. “Guddiga Doorashooyinka Dadban SEIT ee Jubbaland ayaa inoo soo gudbiyay 14 kursi oo lagu dooran doono Kismaayo, waxa aan ugu mahadcelineynaa jawaab celinta ay ka sameeyeen codsigeenii ahaa in la dadejiyo doorashada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Safiina Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowlad goboleedyada kale oo uu ka dalbaday inay dardar-geliyaan doorashooyinka billowday ee ka socda dalka. “Dowlad goboleedyada, guddiyada doorashooyinka, shacabka iyo dhammaan cid waliba oo daneyneysa doorashada waxa aan ka codsaneynaa in ay gacan naga siiyaan dardargelinta doorashooyinka nala shaqeeyaan,” ayuu markale sii raaciyay afhayeenka guddiga FEIT. Jubbaland ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee guda-gala doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Si kastaba, tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa dalabkii Golaha Musharixiinta ee ahaa in la hakiyo doorashada inta laga xalinayo cabashada taagan. The post Muxuu guddiga doorashooyinka ka yiri tallaabada ay qaaday Jubbaland? appeared first on Caasimada Online.
  17. Wararka ka imaanaya Gobolka Wajeer ee waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay weerar culus ka fuliyeen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab. Xoogag hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sida la xaqiijiyay weerar la beegsaday Ciidamada Kenya oo ku sugan tuulo lagu magacaabo Konton oo hoostagta degmada Qorof-xaraar ee Gobolka Wajeer. Weerarka oo isu’gu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa sida wararku sheegayaan waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo dowladda Kenya aysan faahfaahin ka bixin. War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay weerarkaas ku dileen in ka badan 30 askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo askar badan ku laayay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qaaday tallaabo banaanka soo dhigtay khilaafka madaxweynihii hore kala dhaxeeya xubnaha kale ee Golaha Midowga Musharaxiinta, maalin kadib markii ay xogtan shaacisay Caasimada Online. Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Dr. Maxamed Maxamuud Shirwac iyo Xoghaya Maaliyadda xisbiga Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur ayaa kulan gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga. Hase yeeshee, muhiimadda ma aheyn kulanka ee waxa looga hadlay, waxaana xisbiga qoraal uu soo saaray uu ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sixidda doorashada iyo dardar gelinta doorashooyinka. “Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dib u dhigi kara arrimaha doorashada taasi oo saldhig u ah hor-u-socodka Dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga Himilo Qaran. Dalabka xisbiga ee ah in doorashada lasii wado iyo hanjabaadda la daba dhigay, waxay si cad uga hor-imaneysaa mowqifka Golaha Midowga Musharaxiinta ee uu hoggaamiyo Shariif ee ah in doorashooyinka dalka la joojiyo. Caasimada Online waxay shalay qortay in Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya uu ka dhex-qarxay khilaaf la xiriira qaabka loo wajahayo sixitaanka khaldadaadka doorashooyinka dalka. Ilo-wareedyo ku dhow Golaha ayaa Caasimada Online ay kasoo xigatay in Shariif uu kasoo horjeedo tallaabooyinka xasaasiga ah ee Golaha ay qorsheynayaan sida shirkii ay habeen hore ku baaqeen iyo Dhisida Golaha Sare ee Dalka, oo aan baahinay dokumenti la xiriira qaab dhismeedkiisa. Shariif ayaa sidoo kale la sheegay inuusan waxba ka ogeyn war-saxaafadeedkii Golaha ee ku baaqay shir la isugu yimaado 10-a December, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ka dhoofay Muqdisho. Shariif markii hore wuu qabay in doorashada la hakiyo oo la saxo khaladaadka, balse wuxuu kasoo horjeeday talalabooyinka kale ee golaha Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee tallaabada uu xalay qaaday xisbigiisa iyo warka ay soo saareen waxay astaan u yihiin inuu sii durqay. Sheekh Shariif ayaa bilihii tegay la rumeysnaa inuu aad ugu dhowaaday Fahad Yaasiin iyo Villa Somalia, ayada oo la sheegay inuu yahay qorshaha B (Plan B) ee Fahad iyo Qatar, haddii Farmaajo uu rajo wanaagsan ka yeelan waayo in la doorto. Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Farmaajo uu weli Shariif u hayo abaal, islamarkaana rumeysan yahay in haddiiba uusan xilka madaxweyne dib u haleyn uu qaato Shariifka, oo la dhaafiyo xubnaha kale ee mucaaradka. Ma cadda sababta Shariifka u cayaarayo qorshahan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in sababta ugu weyn ay tahay in dhaqaale yari ku qasabtay inuu rajo ka raadiyo dhanka Fahad. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Khilaafka Sheekh Shariif iyo Midowga Musharaxiinta oo banaanka usoo baxay kadib tallaabo uu qaaday xisbigiisa appeared first on Caasimada Online.
  19. Garissa Township MP Aden Duale has said the Muslim and Somali community will stick with Deputy President William Ruto to the end and make sure he clinches the presidency. Source: Hiiraan Online