Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Djbouti (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb galaya Madasha Aragti Wadaagga Heritage ee ka furan Jabuuti ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen go’aanada qaar ee ay qaateen. Wasiir Jamaal oo madashaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbaneed go’aano caalami ah oo siyaasadeed oo afartii sano ee uu xilka hayey ay qaadatay. Sidoo kale waxa uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey khilaafka dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo kala dhaxeysa dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. “Arrinta la iga weydiiyey khilaafka Villa Somalia iyo Jabuuti, horta dad walaalo ah ayaan nahay, carab iyo ilkaa isugu dhaw, ayaguna waa is qaniinaan, waxaa jira nidaam diblomaasi ah oo loo maro wax kasta oo jira, Jabuuti waxaan nahay walaalo aan kala dhamaan, dowladnimada Soomaaliya ayaa halkaan lagu dhisay, maantana waan joognaa, xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya waa sii xoogeysan doonaa, Insha Allaah,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta XFS. Waxa uu sheegay in go’aano adag oo ay qaadatay dowladda Soomaaliya ay ku qasbaneed, si buu yiri loo ‘badbaadiyo qaranimada Soomaaliya.’ “Mararka qaar waa inaad wax dhaqaajisaa si wadanku horay ugu dhaqaaqo, waa in mararka qaar aad gaarto go’aamo adag, adigoo wax badan xeerinaaya, laakiin hadii aad difaac isaga jirto wax kuu soo kor dhaya malaha, siyaasadu isxaan malaha waa inaad ku dhiirataa go’aamo adag, xataa hadii shacabku kaa soo hor jeedaan,” ayuu yiri Jamaal Maxamed Xasan. Waxa uu sheegay in khilaafka wadamada Geeska uu u muuqdo mid sii jiri kara, balse loo baahan yahay in la adkeeyo nabad geliyada, “Waxaan oran lahaa aan sameysano nidaam ay dadku ku kala nabad galaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Hoos ka daawo Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post DF Soomaaliya oo sheegtay in lagu qasbay go’aanno caalami ah oo ay qaadatay appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta Sahro Cali Maxamuud oo u geeriyootay kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa wacad ku maray in meydka gabadhooda aysan aasi doonin ilaa inta ay cadaalad ka helayaan. Rag lagu qiyaasay 10 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa la sheegay inay todobaadkii hore Janaale ku kufsadeen gabashaas, waxayna ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Marka loo dhaawaceeda loola carar. Aabe Cali Maxamuud Kulmiye oo dhalay gabadha u geeriyootay tacadigii loo geystay ayaa dowladda ka dalbaday inay u cadaalad fasho oo loo soo qabto raggii kufsaday gabadhiisa. “Aabe Soomaaliyeed ayaan ahay, dowladda waxaan ka codsanayaa inay ii soo qabato dadkii ku tacadiyey gabadheyda, ragga isku aadinaya dambiilayaasha in la iga wareejiyo ayaan codsanayaan, waxaan doonayaa xaqeyga,” ayuu yiri Aabe Cali Maxamuud oo ilmeynaya. Hooyada dhashay gabadha ayaa sheegtay inay jiraan rag loo soo qabtay kiiskaan, balse dib looga sheegay in lasii daayey, iyadoo wacad ku martay in aysan aasi doonin meydka gabdheeda oo aan cadaalad helin. “Iyadoo aan sharciga islaamka la marsiin kuwii dilay duugi meyno meydka gabadheyda, hooyo dhiban ayaan ahay oo gabadheedii tacadi xun loo geystay, waxaan rabaa in shareecada islaamka lagu xaliyo kiiskaan, rag badan oo dowladda ka mid ah ayaa kufsaday gabadheyda,” ayey tiri Hooyada dhashay Marxuum Sahro Cali Maxamuud. Hoos ka daawo reerka oo shir jaraa’id qabtay The post Daawo: Ehellada gabadhii u geeriyootay kufsi wadareedka oo shaaciyey go’aan culus appeared first on Caasimada Online.
  3. (SLT-Laascaanood)-Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay fallaagada hubeysan ee SSC ee uu hoggaamiyo Feysal Falaalug ay weerar ku qaaday gudaha magaalada Laascaanood. Weerarka oo dhacay xilli saq dhexe ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray fallaagada iyo sidoo kale ciidammada qaranka Somaliland. Illo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac oo ka dhaceysa xaafadaha qaar ee magaalada Laascaanood, waxaana ay intaasi ku dareen inay soo waajahday cabsi aad u xooggan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumada Somaliland, laamaha amniga iyo maamulka gobolka Sool. Dagaalka ayaa markii dambe istaagay, waxaana dib u noqday fallaagada SSC ee weerar ka soo qaaday. Xaaladda ayaa saaka deggan. Source
  4. Raysal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo shalay lagu xidhay madaarka Cigaal ee Hargaysa kadib, markii lagu qabtay baasboor dibulumaatik Soomaaliya ah oo uu sitay, ayaa dib looga celiyay madaarka Cigaal. Qof kamid ah ehelada Carte oo Horyaal TV waraysi siiyay, ayaa sheegay in uu dib ugu duulay dalka Jabuuti kadib, markii loo ogolaan waayay in uu Somaliland kusoo galo baasboorka dibulumatik-ga ah, isla markaana laysla gartay in uu baasboorka Somaliland dib ugu soo galo Hargaysa. Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani, ayaa cambaareeyay talaabada Carte Somaliland lagaga saaray, isagoo sharci daro ku tilmaamay. “Dunida ma jirto meel qof muwaadin ah dalkiisa laga masaafuriyaa. qofku hadii uu danbi galo oo waddankiisa ka galo waxaa la geeyaa maxkamad waana la xukumaa si sharciga waddanka waafaqsan”. Maxamed Cumar Carte ayaa markii la qabtay ka yimid dalka Turkiga sida qoyskiisu sheegeen, waxaana la rajaynayaa in uu saacadaha soo socda dib uga soo dago madaarka Cigaal isagoo baasboorka Somaliland kusoo gali doona. Source
  5. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xalay shir gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin Boosaaso kula yeeshay Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin Xaaji Khayr, oo ay weheliyaan saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka PSF. Shirka waxa ka qayb-galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, Wasiirka Maaliyadda Xasan Abgaal, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Agaasimaha hay’adda PMPF Cabdirabbi Cabdisamad Maxamed iyo Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland Mukhtaar Maxamed Xassan. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka PSF u sheegay saddex qodob oo kala ah; in dallacsiin loo samayn doono dhowaan, in dowladdu ka faa’idaysan doonto xirfadda gaar ah oo ay leeyihiin iyo in xilal sare looga dhiibi doono Ciidamada kala duwan ee Puntland. Saraakiisha Ciidanka PSF, ayaa dhankooda mas’uuliyiinta dowladda wax ka weydiiyay warar ku saabsan in Ciidanka PSF lagu xerayn doono Xorgoble, si tababar loogu furo, balse mas’uuliyiinta dowladda ayaa si adag u beeniyay arrintaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo dallacsiinaysa Saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka PSF appeared first on Puntland Post.
  6. HE Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia Abdisaid Muse Ali met Tuesday with HE Ambassador of the State of Qatar to Somalia Hassan bin Hamza Hashem. Source: Hiiraan Online
  7. December 14th marks the 61st anniversary ofdiplomatic relations between China and Somalia. On the same day 61 years ago, Somalia became the very first East African country establishingdiplomatic ties with China as soon as it became independent. The two countries have seen high-level exchanges and fruitful cooperation in various fields. The bilateral relationship haswithstood the test of ever-changing international and regional situation, and grown from strength to strength. The year 2021 marks the centenary of the Communist Party of China. Over the past 100 years, the party has united and led the Chinese people in working tirelessly and tremendouslytransforming the Chinese nation. Against all odds, China has stood on her own feet, and grown stronger and more prosperous. Today, China is the world’s second largest economy and the largest trading nation. Over 1.4 billion Chinese people have completely shaken off absolute poverty, and are marching in confident strides toward the second centenary goal. The year 2021 has also registered Somalia’s positive progress in peace-building and reconstruction and stronger Somali commitment to assumingmore security responsibilities. The Upper House elections have been concluded and progress has been made in the elections of the House of the People. Although it is not a process without risks and challenges, it is very encouraging to see that people from across the sectors in Somalia have shown ever stronger resolve and confidence to pursue national independence, democracy and prosperity. Though China and Somalia are geographically far apart and have different national circumstances, we both recognize democracy as a common value of humanity. As Chinese President Xi Jinping underlines, democracy is a right for all nations, not a prerogative reserved to a few. The key criterion for whether a country is democratic or not is whether its people are truly the masters of their own fate. There are multiple ways and means to realize democracy, instead of a one-size-fits-all model. It would be totally undemocratic to measure the diverse political systems in the world with a single yardstick or examine different political civilizations from a single perspective. A country can only find its democratic path that suits its national circumstances if it works in light of the realities on the ground and takes into account its own historical and cultural traditions. Democracy is an ideal that has always been cherished by the Communist Party of China and Chinese people. The whole-process people’s democracy centers on the interests of the people and is a democratic path that suits China’s national conditions and that is found by the Chinese people under the leadership of Communist Party of China. President Xi Jinping pointed out that democracy is not an ornament used for decorative purposes. Rather, democracy is about solving issues for the people. Through democratic election, democratic consultation, democratic decision-making, democratic management and democratic oversight, we are able to ensure that the Chinese people can voice their concerns effectively and thoroughly in every step of the way. They can participate in state political affairs. From something as small as everyday needs to something as big as reform and development, the Chinese people’s wills are reflected to the fullest extent. China’s democracyaims for tangible results and real effects, reaching beyond slogans and votes. Democracy is not only a way of domestic governance, but also a principle in global governance. World affairs should be managed through consultation by governments and peoples of all countries. This is the democratic principle in handling international affairs. Basic norms governing international relations should be upheld by respecting national sovereignty and rejecting interference in the internal affairs of other countries. China respects Somalis in their independent pursuit of democracy, upholds the Somali-owned and Somali-led principle and supports Somalia’s efforts to safeguard national sovereignty, political independence and territorial integrity. The Eighth Ministerial Conference of the Forum on China-Africa Cooperation was successfully concluded a couple of weeks ago. In his keynote speech at the Opening Ceremony, President Xi Jinping announced an additional Chinese supply of one billion doses of COVID-19 vaccines to Africa, including 600 million doses in donation and 400 million doses to be provided through such means as joint production by Chinese companies and African countries. President Xi also made four proposals, including fighting COVID-19 with solidarity, and introduced nine programs to be implemented with African countries, from Medical and Health Program to Peace and Security program. The initiatives above will benefit Chinese and Somalis and promote and pass on the spirit of China-Africa friendship and cooperation from generation to generation. In September, President Xi Jinping delivered an important speech via video at the general debate of the 76th session of the United Nations General Assembly. He proposed the “Global Development Initiative”, stressed that we all need to put development first with a people-centered approach and leave no country and no one behind. China honors its words with real actions. This year, China has donated a total of 700,000 doses of COVID-19 vaccines to Somalia, and will continue to take concrete actions to bridge the “immunization gap” until Somalia completely overcomes the pandemic. In such iconic landmarks of China-Somalia friendship, Banadir Hospital and the National Theater, a new round of internal renovation and facility renewal is underway, which will provide Somali women and children with better medical conditions, and offer young Somalis better cultural experiences. China-Somalia fishery cooperation is mutually beneficial, generating millions of dollars in revenue for Somalia every year. China will also explore small projects that deliver fast and are quick to improve people’s lives, so that more and more ordinary people in Somalia can truly enjoy the feeling of fulfillment and happiness from China-Somalia cooperation. More than 600 years ago, the famous Chinese navigator Zheng He visited Somalia along the Maritime Silk Road, building a bridge of friendship between the Chinese and Somali people. This bridge gets across mountains and seas, spans time and space, and facilitates communication to this day. I believe that the hard-working, brave and resilient Chinese and Somali people will stay true to this friendship, work shoulder to shoulder through thick and thin, and jointly write a new chapter of China-Somalia friendship. Source: SONNA The post China-Somalia Friendship as Vibrant as 61 Years ago, Opening New Horizons for a Brighter Future appeared first on Puntland Post.
  8. A man who went missing while undergoing treatment for Omicron variant of the Coronavirus gave some tough moments to Hyderabad police who launched a manhunt and traced him to a residential colony in the state capital within hours. Source: Hiiraan Online
  9. The outgoing commander of the AMISOM Burundi contingent, Brig Gen. Telesphore Barandereka, has attributed his contingent’s victories over Al-Shabaab to the existing cordial relations with Somali security forces and residents of Hirshabelle State. Source: Hiiraan Online
  10. Mustafa Mohammed, president of Somali region, appeared on “Key Mesmemer” show of Ethiopian Broadcasting Corporation which was aired from Jijiga, capital of the regional state. Source: Hiiraan Online
  11. The number of people displaced by the ongoing drought and famine in Somalia is increasing every day with new arrivals in the main cities seeking humanitarian assistance. Source: Hiiraan Online
  12. 𝟮𝟬𝟮𝟮 𝗪𝗔𝗔 𝗜𝗡 𝗨𝗨 𝗞𝗔 𝗗𝗨𝗪𝗔𝗡𝗔𝗔𝗗𝗔𝗔 𝗟𝗔𝗕𝗔𝗗𝗜𝗜 𝗚𝗢𝗢𝗥 𝗘𝗘 𝗛𝗢𝗥𝗘 , 𝟮𝟬𝟬𝟮 𝗜𝗬𝗢 𝟮𝟬𝟭𝟮 𝗦𝗜𝗗𝗜𝗜 𝗨𝗥𝗨𝗥𝗔𝗗𝗔 𝗟𝗔 𝗜𝗦𝗞𝗨 𝗔𝗕𝗔𝗔𝗕𝗨𝗟𝗔𝗬 𝗜𝗬𝗢 𝗤𝗔𝗔𝗕𝗞𝗜𝗜 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗧𝗔𝗬. Waxa ay mudo koobani ka hadhsan tahay markii sadexaad ee fursad ay helaan muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland ay ka qayb galaan siyaasada dalka iyaga oo maraya habka dastuurka qaranka qodobka 23naad faqradiisa 3aad dhigayo , qodobka 9aad ee dastuurku bayaamiyey loona raacayo xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada xeer lr-14/2021. Haddaba doorkani waa in uu ka duwanadaa labadii goor ee hore loo qabtay tartankan oo kala ahaa sanadkii 2002 , sanadkii 2012 , 2022 waa in dhawr wax ba aynu badelnaa oo ah ; 1- Ururka waxa loo raadinayaa hebel siyaasada ku soo jiri jiray ama dadka ka tilmaaman waa qalad , Ururka waa in ay ku bahoobaan muwaadiniin aragti iyo barnaamij ku mideysani . 2- Ururada reer hebel baa leh ee waa in la helaa kuwii beelaha kale iyaduna waa qalad ururada iyo axsaabta siyaasada waxa lagu aasaasaa dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama oo intuba sheega xuquuq iyo waajibaad muwaadin somalilabder ah , qabiilka uu doono ha ahaado , gobolka uu doono ha ka soo jeedo waa in aanu jirin narrative kaasi qaldan ee hore loogu xumeeyey nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka. 3- Urur salkiisu qabiil lagu bineeyo oo ay oday dhaqameedyo geed hoostii uga soo taliyaana looma baahna , ama urur dadka in gaar ahi ku midowdo sida dhalinyaro kaliya , haween kaliya dadka waaweyn oo kaliya ee waxa aynu rabnaa ururo qaybaha bulshada oo dhami ka qayb qaadato oo leh aragti siyaasadeed oo uu midwaliba ku maareynayo baahiyahooga iyo duruufahooga. 4- Ururo ay furtaan ganacsato , wadaado iwm oo danahoogu ku lidi yihiin danaha qaranka ama isku bahaystay wax aanay dadka ka lahayn sida diinta oo kale looma baahna , waxaa ay ina galin karaan fawdo , talo maroorsi iyo in ay u adeegaan in kooban oo bulshada ka mid ah . 5- Ururo dhaqaale iyo siyaasado dawlado kale dabada ku haya waa in aynu ka taxadirnaa si aan mustaqbalka dalkan loo waayin , waana in ay cadahay meelaha uu ururku dhaqaalaha ka helayo iyo in muwaadiniintu u siman yihiin gudihiisa oo kala duwanaanshaha afkaartu ka shaqeynaysaa. Markaa yaan wakhtiga la inagaga qaadin waxii aynu labaatan (20 yrs ) la soo il darnayn ee dalka ragaadka ka dhigey , waana in aynu uga gurmanaa dalka iyo da yartaba wadooyinkii iyo qaababkii loo aasaasay axsaabtii iyo ururadii hore oo aynu midhaheega aragnay. Macnaha guud maaha in qofwaliba urur iska furanayo ee ururka aad soo wadaa muxuu aaminsan yahay siyaasada dibada iyo gudahaba, muxuu ka qabanayaa baahiyaha iyo duruufaha adag ee ay dadkeenu ku nool yihiin , ujeedada laga leeyahay maxay tahay ma sida axsaabta joogta ayuun baa ay noqonayaan salaan siyaasada lagu koro ? Muwaadin su’aalahan oo dhami adiga ayey kuu yaalaan ogow waxa wax loo sameysanayo ee lagu tartamayaa waa mustaqbalkaaga iyo ka ubadkaaga markaa maanta ayaad fursad haysataaye aad uga feker codkaaga , caqligaaga , cuudkaaga iyo cududaada cidii aad ku biirin lahayd. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Qaran News
  13. Somali Islamists have captured a town in the semi-autonomous central state of Galmudug, residents said, part of a string of incursions underscoring the group's gains amid divisions between the central government and its erstwhile allies in the region. Source: Hiiraan Online
  14. Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in ay xalay halkaas ay weerar ku qaadday jabhadda Xoraynta SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Dhawaqa rasaas xooggan oo dhexmartay Laamaha Amniga Somaliland iyo dabley ka tirsan jabhaddaas ayaa gelinkii dambe ee xalay laga maqlay xaafadaha kala duwan ee Laascaanood. Weli faahfaahin lagama hayo haddii uu jiro khasaare ka dhashay iska hor-imaadka dhexmaray labada dhinac ee Somaliland iyo Jabhadda SSC. Jabhadda Xoraynta SSC ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Somaliland waxay ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Weerar xalay ka dhacay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Ukraine ayaa ugu baaqay Midowga Yurub Arbacadii inay si deg deg ah ugu soo rogaan Ruushka cunaqabatayn cusub, isaga oo ka digay in ficilada la qaado ka dib khilaaf kasta uu noqon doono mid soo daahay. Volodymyr Zelensky oo saxaafadda la hadlay ka dib shirkii 6-aad ee iskaashiga bariga ee Brussels ayaa sheegay in Kyiv ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la gasho Moscow si loo qaboojiyo xiisadda,Zelensky ayaa xusay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan dooneynin inuu soo fariisto miiska wadahadalka ilaa hadda. Saraakiisha Midowga Yurub ayaa marar badan walaac ka muujiyay ciidamada Ruushka oo si aan caadi ahayn ugu uruuray xadka Ukraine tan iyo bishii hore iyo in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto haddii Ruushka uu mar kale weeraro Ukraine. Dhinaca kale Zelensky ayaa lagu wadaa inuu la kulmo xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg maanta magaalada Brussels. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Ukraine oo Midowga Yurub ka dalbaday in ay cuna-qabatayn saaraan Ruushka appeared first on Puntland Post.
  16. Soomaali ka tirsanaa shirkada Dahabshiil Group oo Meydkiisa laga helay Nairobi Meydka Bashiir Warsame Cabdulle oo ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda Dahabshil Group ayaa maanta laga helay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Illaaa iyo hadda ma cadda sababta dhimashada Bashiir iyo cidda ku lugta leh intaba. Mas’uuliyiinta Kenya ayaan weli ka hadlin arrintan. Markii ugu dambeysay ayaa Bashiir wuxuu gurigiisa ka tegay Talaadadii, isaga oo aaday Masjid ku yaalla xaafadda Islii, balse sooma noqon, sida ay sheegeen qoyskiisa. Qoyska ayaa xilligaas sheegay inaysan garaneyn sababta loo waayey Bahsiir, oo ahaa nin ka dhex-muuqda bulshada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii. Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo horey ay u jireen Soomaali dhowr ah oo lagu waayey magaalada Nairobi, inkasta oo bilihii dhowaa ay yaraadeen kiisaska noocan ah. Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqoonyahan degan Nairobi ayaa bishii September laga afduubtay Nairobi, waxaana la haystay toddobaad kahor inta aan lasii dayn, ayada oo weli aysan caddeyn sababta loo afduubtay iyo cidda afduubatay. Waxaa sidoo kale ka horreeyey afduubka Xafsa Luqmaan oo ah gabar Soomaali ah, taasi oo kiiskeeda uu markii lasoo daayey kadib lugaha la galay gabar ay saaxiibo ahaayeen. Waxaa sidoo kale jiray 24-kii May 2021 la helay meydka Bashiir Maxamed Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali ah oo maalmo la la’aa. Meydkiisa waxaa laga helay meel duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee gobolka Kirinyaga, oo Nairobi u jirta 180km. Qaran News
  17. Dowladda Hindiya oo shaacisay in labo qof oo ka kala yimi Dalalka Somalia & Kenya laga helay fayriska cusub ee Omicron Dowladda Hindiya ayaa maanta shaacisay in labo qof oo u kala dhashay wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo dalkaas tegay dhawaan in laga helay nooca cusub caabuqa Corona virus ee loo yaqaano Omicron, kaasoo si degdeg ah u faafa. Qofkii ugu horreeyay ee cudurkan laga helay waxay dowladda Hindiya ku sheegtay haweeney 24 jir ah, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Kenya, taas oo ka soo degtay garoonka Hyderabad.Qofka labaad, waa 23 jir u dhashay Soomaaliya. Waxay dowladda Hindiya tilmaamtay inuu ahaa rakaab ka yimid Soomaaliya.Labadaan qof ayaa safar ku gaadhay magaalada Hyderabad taariikhdu markay ahayd 12-kii December, waxayna qaadatay 48 saacadood oo dheeraad ah in la xaqiijiyo in laga helay xanuunka. “Samballada laga soo uruuriyay 12-kii Diseembar waxaana loo diray baadhitaan. Natiijadu waxay soo baxday habeenimadii Salaasada, “ayuu yidhi Srinivas Rao oo ah Agaasimaha Caafimaadka gobolka Telangana ee dalka Hindia. Labadan qof ayaa lagu go’doomiyay Machadka Caafimaadka ee Telangana iyadoo mas’uuliyiintu ay ku guda jiraan karantiinkooda sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka dalkaas. Omicron waa nooc cusub ah oo kamid ah fayraska Covid-19. Wuxuu caan ku yahay inuu si degdeg u faafo. Laakiin daraasad dhawaan soo baxday, waxay sheegaysaa in dhimashadiisu yar tahay marka loo barbar dhigo noocii ka horeeyay ee Delta. Qaran News
  18. Afhayeenka gudidda doorashooyinka dadban ee heer Federaal Amb Axmed Safiina oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hanaanka doorashada dalka. Amb Safiina ayaa sheegay in hore doorashadu uga socotay Kuraasta Gobolada waqooyi oo kuraastooda muqdisho lagu qabanayey,sidoo kale maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug, ayaa iyaguna qabtay dhankooda iyadoo haddana maamulka Jubaland shaaciyeen qabashada 14 kursi oo ka mida kuraasta Golaha shacabka ee lagu soo doorto Jubaland Afhayeenka ayaa sheegay in sidoo kale Gudidda doorashada Beelaha Banaadirigu shaaciyeen qabashada 5 kursi oo lagu dooran doono Gobolka Banaadir maalmaha innagu soo aadan. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo ka warbixiyay doorashooyinka golaha shacabka appeared first on Puntland Post.
  19. Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Qadiyada Weftiga Maraykanka ee Hargeysa Yimi XIDHIIDHKA CUSUB EE SOMALILAND IYO DALKA MARAYKANKA In kasta oo aanu gaadhin heer la odhan karo dagaal qabow hadana waxa jira dagaal jiyo-siyaasi ah oo ka dhex socda dawladaha waawayn oo si gaar ah isugu haya dano dhaqaale iyo amni meelo badan oo dunida ah sida Yurub, gaar ahaan khilaafka NATO iyo Ruushka meelaha ugu darnaa beryahan dambena waxay ahaayeen khilaafka Ukraine iyo Badda Madow. Waxa ka taagan tahay Koonfur bari Asiya (south east Asia) iyo marinka Badda Koofureed ee Shiina oo Maraykanka iyo Shiinuhu isku hayaan dalalka kale ee mandaqadaasi iyo kuwo kale ee danaynayaa ay la kala safan yihiin. Waxay ka taagan tahay muddo dheerna ka taagnayd Bariga Dhexe hase yeeshee xiligan Iran oo isu dhigtay quwadda koobaad ee gobolka iyo Israel ayaa qarka u saaran in dagaalba ay ka gaadho. Iran waxay saamaynta ugu wayn ku yeelatay dalalka carbeed intooda badan marka laga reebo wadamada Khaliijka kuwaas oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Syria, Labnaan, Yaman, iyo weliba dhulka Falastiin. Israel dabcan waxa daba taagan Maraykanka markii ugu horaysayna waxay xidhiidh caadi ah la yeelatay wadamada Khaliijka sida Imaaraadka, iyo Baxrayn, Sudan, Morocco iyo kuwo kale. Maraykan iyo Reer Galbeedka guud ahaanba waxa welwel wayn ku haya sida uu Shiinuhu ugu fiday Qaaradda Afrika guud ahaan oo ay sabab u tahay saboolnimada ka jirta qaaradda iyo maalgshiga deynta Shiinuhu ku qabsaday wadamo badan oo Afrika ah. Marka la isku daro wadamada loo yaqaan G7 maalgashigooda Afrika marka la isku wada daro waxa aad iyo aad uga badan maalgashiga Shiinaha keligii. Gaar ahaan Bariga Afrika dalalka maalgashiyada deynta ah ee Shiinuhu ma yara. Gaar ahaan Geeska Afrika wuxu xididadda aastay Jabuuti iyo Itoobiya. Weliba Jabuuti wuxu ku yeeshay Saldhig Miltari oo noqday kii ugu horeeyay ee Shiinuhu ku yeesho dhul ka baxsan dalkiisa. Taas oo macnaheedu yahay wuxu u soo fadhiistay Maraykan iyo reer Galbeed marinka muhiimka ah ee Baabul Mandab. Taas oo gaadhi karta heer Shiinaha loo daba fadhiisto albaabka Geeska Afrika iyo weliba amaanka marinka Baabul Mandab waana waxa Maraykanku aanu sinaba uga raali noqon karin. Hadaba si uu uga falceliyo Maraykanku in uu Geeska Afrika u gacangalo Shiinaha waxa u furan keliya in uu xidhiidh toos ah la yeesho Somaliland oo uu Berbera soo dego inta aan Shiine ama Ruush u soo fadhiisanin. Intii muddo ahayd khubaro badan oo Marsykan ah iyo kuwo aan Maraykan ahayn ee dalalka ay saaxiibka dhaw yihiin sida Israel ayaa Maraykan ku dhiirigelinayay in uu dedejiyo xidhiidhka Somaliland iyagoo ku boorinayay in ay muhiim u tahay dhinaca dagaalka Jiyo-siyaasiga ee ka dhexeeya isaga iyo NATO oo dhinac ah iyo Shiinaha iyo Ruushka oo dhinaca kale ah. Hadii Maraykanu wax badan hore uga dhego adayga hadda ayay dani u run sheegtay oo uu ka soo degay Hargeysa isagoo oodihiisii iyo udbuhiisii wata. Waftigan culus oo ah kii ugu miisaanka waynaa ugu yaraan tobankii sanadood ee ugu dambeeyay ayaa loo qaadan kara bilaw xidhiidh cusub oo Somaliland iyo Maraykanka ka dhexayn doona mustaqbalka dhaw. Maraykanku halka uu dan ka leeyahay ma jirto wax uu xeeriyo oo aan dantiiisa ahayn cid kalena uma joojiyo. Sidaa daraadeed Somaliland ayuun baa looga baahan yahay in ay si fiican iyadu u garato danta ay ka leedahay xidhiidhka cusub ee Maraykanka. Waayo wuxu gaadhi karaa ilaa iyo heer ay markii ugu horeysay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah CALIGUREY HARGEYSA, SOMALILAND Qaran News
  20. Nin qirtay inuu kufsaday Meydadka 100 Haween ah oo xukun adag lagu riday David Fuller intii ay dacwaddiisa socotay wuxuu qirtay dilka Wendy Knell iyo Caroline Pierce Ninkii labada qof dilay, kufsigana kula kacay meydadka 100 dumar ah ayaa lagu xukumay inaan waligiis xabsiga laga sii deynin. David Fuller, oo 67 jir ah waxa uu dilay Wendy Knell iyo Caroline Pierce oo uu ku qaaday labo weerar oo kala duwan xilli ay ku sugnaayeen Tunbridge Wells, sanadkii 1987-kii. Waxa uu sidoo kale tacaddiyo u geystay meydad, ay ku jiraan carruur, muddo 12 sano gudahood ah oo uu ka shaqeynayay Cusbitaal. Waxa uu u qaabilsanaa farsamada korontada. Qoysaska dhibaneyaasha ayaa u sheegay maxkamadda Maidstone Crown inuu ahaa “xayawaan”. Garsooraha maxkamadda Mrs Cheema-Grubb ayaa markii ay xukunka ku dhawaaqeysay ku tiri Fuller: “Murugo aad u badan ayay bulshadu ka dareemayaan waxyaabihii aad sameysay. “Ficilladaadu waxay ka hor imaanayeen wax walba oo sax ah iyo bani’aadannimada. Ma ahayn wax lagu fakari karo. “Waxaad ku xad gudubtay sharafta meydadka.” Fuller ayaa labada dil oo uu geystay loogu xukumay labo jeer oo xabsi daa’in ah, halka 12 sano oo kale loogu xukumay dambiyada kale ee uu geystay. Digniin: maqaalkan waxaa ku jira waxyaabo ay dadka qaar dhibsan karaan. Bayaan ku saabsan saameynta dhibaneyaasha oo ay maxkamadda ka hor aqrisay Pamela oo ah Mrs Knell hooyadeed ayay ku sheegtay in ay ahayd “qof fikrad badan oo diyaar u ahayd in ay wax walba u sameyso qof walba”. “Waxay rabtay carruur balse ma aysan helin,” ayay tiri Mrs Knell oo intaas ku sii dartay: “Geerideeda waxaan ugu nool nahay murugo aan naga hareynin inta ka dhiman nolosheenna.” Wendy Knell iyo Caroline Pierce waxaa la dilay 1987 Bayaan kale oo ay maxkamadda ka hor aqrisay dacwad ooge, Katrina Frost, oo ah Caroline Pierce hooyadeed, ayay ku sheegtay in dilkeeda uu ahaa “mid naxdin leh” iyo salal “taagan ilaa maanta”. Wasiirka caafimaadka ee UK, Sajid Javid, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo sidii ay Fuller ugu suurtagashay inuu isbitaal ka shaqeeyo isagoo aan la fahansaneyn. Baareyaasha ayaa sheegay in kiiskan caddeymo badan loo helay dhawaan kaddib markii lagu sameeyay tijaabooyin dhinaca hidda sidaha ah ama DNA-ga. Siddeeddii bilood ee la soo dhaafay, kharash gaaraya £ 1.5 milyan ayaa ku baxday kiiskan oo ay baaritaankiisa ka qeyb qaateen 150 saraakiil boolis oo si gaar ah loogu tabobaray la tacaalidda kiisaska noocan oo kale ah. Kaddib markii lasoo xiray sanadkii 2020-kii, booliska ayaa baaritaan ay ku sameeyeen gurigiisa oo ku yaalla Heathfield, Bariga Sussex, ku helay muuqaallo uu ku duuban yahay Fuller oo tacaddiyo galmo u geysanaya meydad, intii u dhaxeysay 2008 ilaa bishii November 2020-kii. Fuller wuxuu cajalad ay ku duuban yihiin caddeymaha ku qariyay qeybta sare ee armaajo Fuller ayaa dayactirka korontada kala shaqeynayay isbitaallada tan iyo sanadkii 1989-kii, waxaana uu ku sugnaa isbitaalka Kent iyo Sussex ilaa markii la xiray bishii September ee sanadkii 2011-kii. Waxaa markaas kaddib loo wareejiyay isbitaalka Tunbridge Wells oo ku yaalla Pembury, halkaas oo uu kasii waday dambiyadiisa ilaa laga soo xiray. Dambi baareyaasha ayaa sheegay in Fuller uu tagi jiray qeybaha meydadka lagu keydiyo marka ay shaqaalaha kala tagaan, inta badanna “wuxuu u tagi jiray meydad uu ku noqnoqon jiray”. Dacwad ooge Duncan Atkinson QC ayaa sheegay in Fuller uu “si qorsheysan oo ku celcelis ah u kufsaday” meydadka 102 ruux oo isugu jiray haween iyo gabdho yar yar. Waxa uu sheegay inay ka mid ahaayeen gabdho da’doodu kala ahayd sagaal jir, 16 jir iyo haweeney 100 jir ahayd. Fuller ayaa sidoo kale qirtay 30 kiis oo xatooyo ah sanadihii 1970-meeyadii. Balse weligii looma xirin sababtoo ah wax caddeymo ah looma heyn. Wasiirka Caafimaadka UK, Sajid Javed, ayaa sheegay in waaxaha caafimaadka UK ay warqad u qoreen dhammaan isbitaallada laguna amray inay baaritaan ku sameeyaan xarumaha meydadka lagu keydiyo. Dambiyada ninkan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo aysan horay noocooda ula kulmin booliska magaalooyinka kala duwan ee guud ahaan dalka UK. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Faallo aan qornay 1-dii December waxaan ku sheegnay in mustaqbalka iyo kalsoonida lagu qabi karo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ay ku xiran yihiin sida ay u maareeyaan kuraasta HOP67 iyo HOP103 oo muran uu hareeyey. Guddiga ayaa war ay soo saareen maanta ku sheegay in baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigas HOP67 loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha. Natiijada guddiga uu ku dhowaaqay ayaa ah mid horey loo filayey, maadaama guddiga lagu xanto inuu hoos tago islamarkaana ay gacanta ku hayso madaxtooyada Soomaaliya, oo ka dambeysay doorashada Yaasin Farey. Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay in ergadii dooratay Yaasiin Farey ay aheyd tii saxda ee beesha Waceysle, halka Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, halka Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu guddiga ku sheegay in uu yahay caaqil ku-xigeenka Beesha Waceysle. Hase yeeshee sheegashada guddiga ayaa aad uga fog xaqiiqda, marka aad eegto sida wax u dhaceen. Ergada wax dooratay: Sheegashada guddiga ee ah in ergo sax ah ay dooratay Yaasiin Farey laguma taageerin wax caddeymo ah. Xagee lagu shaaciyey liiska ergada? Yey ahaayeen xubnihii ciidanka ee Muqdisho laga waday si ay uga codeeyaan Dhuusomareeb? Maxaa loo xanibay safarkii odayaasha qaar ee Muqdisho ka tagi lahaa ee lagu celiyey garoonka Aadan Cadde? Maxaa musharaxiintii kale ee miisaanka cuslaa looga diiday tartanka oo hal qof loogu xiray? Su’aalahaas oo idil wax jawaab ah kama bixin guddiga, hase yeeshee dhammaan inta la socota sida Qoor Qoor wax u maareynayo waa ay haystaan jawaabahooda. Saxiixaha rasmiga ah: Guddiga ayaa sheegay in saxiixaha Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, balse Imaamka Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf wuxuu horey u caddeeyay in nabaddoon Cali Jeesto uu yahay saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP67. “Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan leeyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada guddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-warsada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga waxaan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf. Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ee Yaasiin Farey loo boobay ayaa kal hore shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in aaminada Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku xiran tahay go’aanka laga qaato kursigaas lagala cararay beeshii laheyd. Nabaddoonka oo garabkiisa uu fadhiyo xildhibaanka beeshiisa ku metela baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale xiligaas sheegay in caddeymo wax ku ool ah u gudbiyeen Guddiga xalinta khilaafaadka, kuwaasi oo uu iska xooray guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka. Sidaas darteed, go’aanka uu maanta qaatay guddiga, oo halbeeg u ahaa kalsoonida iyo cadaalad-soorka guddiga, ayaa banaanka u soo saaray in guddiga xalinta uu si toos ah u hoostago Villa Somalia, oo ayadu kursigaas sida la fahamsan yahay u boobtay Yaasiin Farey. Go’aanka guddiga wuxuu sidoo kale caddeyn u noqday inuusan jirin guddi xalin khilaafaad balse murashaxiinta xildhibaan iyo odayaasha beelaha ay la macaamilayaan guddi hoos taga Villa Somalia, mana dhici doonto in mar dambe cabasho loo gudbiyo. Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka ayaa waxaa ragaadiyey mad-madow badan, waxaana hore u qaadacay Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in la hakiyo. Rajadii yar ee la qabayna waxaa qeyb ka ahaa in guddiga xallinta khilaafaadka uu noqdo mid ugu yaraan wax ka qaban karo cabashooyinka qaar, balse guddigaas maanta ayuu dhintay, oo uu is-aasay. Samir iyo iimaan. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Guddigii Xalinta Khilaafaadka oo maanta is-aasay: Samir iyo Iimaan appeared first on Caasimada Online.
  22. NAIROBI, Kenya — Secret meetings with a dictator. Clandestine troop movements. Months of quiet preparation for a war that was supposed to be swift and bloodless. Source: Hiiraan Online
  23. Shaacinta kuraasta xubnaha Aqalka hoose ee laga soo doorto Puntland oo lagu waday in caawa la sii daayo ayaa dib u dhacday mudda todobaad ah. Dad lagu kalsoonyahay ayaa Puntland Post u sheegay in dib u dhac ku yimid shaacinta Shaacinta kuraasta xubnaha golaha shacabka ee imaaanaya Puntland. Lama yaqaan sababta Puntland dib ugu dhigtay shaacinta kuraasta golaha shacabka islamarkaana guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland oo aan xiriir la samaynnay kama jawaabin taleefonnada. Arrintaas ayaa ku soo aadday xilli shalay madaxweyne Siciid Deni iyo guddigu oo kulan gaar ay yeeshay ay isla garteen in doorashada la bilaabo. PUNTLAND POST The post Shaacinta kuraasta golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland oo dib u dhacday appeared first on Puntland Post.
  24. Ankara (Caasimada Online) – Xaaladda dadka Soomaalida ku nool ee dalka Turkiga ayaa laga deyrinaya kadib weerar ay bishaan billowgeeda ragg burcad Turkish ah u geysteen Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkaas. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga ayaa lagu shaabadeeyay dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu tagaan xaafadaha qaar, gaar ahaan Kizilay, kuwaasi oo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga, taasi oo naceyb hore leh ku abuurtay Turkish-ka. Sheekh Abu Dalxa oo kamid ah Culimada Soomaliyeed ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga ugu baaqay inay iska ilaaliyaan socodka aan macnaha laheyn, islamarkaana ay si aad ah isku ilaaliyaan “Taxadar weyn oo aad u ballaaran ayaa u baahanahay, meel istaag-taaga badan aan iska ilaalino, dan hadda u baxeyso mooye gurigaaga ku eekow. Hadda wax aan faa’iideysaneyn aan guryaheena aan ku eekano, oo guryaheena aan ku barano,” ayuu yiri Sheekh Abu Dalxa. Waxa uu intaas kusii daray in xaafada Kizilay oo Soomaalida si aad ah ugu badan tahay ay ka jirto “aragti adag oo loogu tala-galay in muwaadiniinteena looga tirtiro”. “Taxadar dheeraad ah ayaa u baahanahay in aan ka sameyno taksiyada aan raaceyno,” ayuu yiri Sheekh Abu Dalxa oo ka shakeeyay arrin ka qabsatay Taksi uu raacay oo isku dayay in uu ka leexiyo wadadii uu u socday, taasi oo halis weyn ku noqon karta qof aan kala aqoon dalkaas. Ugu dambeyntiina waxa uu dalbaday in safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ayadu waajib ka saaran yahay dadkaas ay gudato shaqadeeda, isagoona sheegay haddii la helo dowlad adag ay fududeynayso dhibta Soomaalida ku haysata dalka Turkiga. Arrimahan ayaa imanaya xilli dowladda Turkiga ay hore u soo saartay amar dhigaya in Ganacsatada Soomaaliyeed ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taala badhtamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya. Dhibta u weyn ee wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa ah arrimo dhowr ah, haba ugu darnaato midda dhanka sharciga ah, waxaana la xiray tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Soomaalida Turkiga oo halis xooggan wajahaya kadib markii lagu shaabadeeyey… appeared first on Caasimada Online.