-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ursula von der Leyen oo u hadshay midawga Yurub ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahiin qaadida tallaabooyin aan horay loo arag oo ka dhan ah Ruushka haddii ayuu sii wado daandaansiga uu ku wado Ukraine. Von der Leyen ayaa u sheegtay Baarlamaanka Yurub, in ay xoojin doonaan cunaqabateynta Ruushka ee lagu bartilmaameedsanayo dhaqaalaha, tamarta iyo difaaca. ” Waxaan diyaar u nahay inaan qaadano tallaabooyin dheeri ah oo aan horay loo arag oo cawaaqib xumi u horseedi doona Ruushka.” Sidaas waa ku goodisay Ms Von der Leyen. Midawga Yurub ayaa dhawr jeer digniino u jeediyay Xukuumadda Ruushka, si looga hortago waxyeello loo geeysto Ukraine. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo wacad ku maray in ay tallaabo ka qaadi doonaan Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Magacyada 11 Dal oo Afrikaana oo Ingiriisku ka saaray ka saaray liiska cas Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dhammaan 11-ka waddan laga saarayo liiska cas ee UK laga bilaabo 4-ta subaxnimo Arbacada. Dalalka liiska ku jiray ee haatan xayiraadda laga qaaday waxaa ka mid ah Angola, Botswana, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mozambique, Namibia, Nigeria, South Africa, Zambia iyo Zimbabwe. Liiska cas ayaa dib loo soo celiyay dabayaaqadii November si looga hortago korona fayraska cusub ee Omicron. Laakiin Xoghayaha Caafimaadka UK Sajid Javid ayaa sheegay in fayrasku uu haatan si guud u faafay sidaas darteedna aysan sii jri karin sabab xayiraadaha loo sii wado. Qaran News
-
Sudan oo la wareegtay Saldhig Ciidamada Itoobiya Deganayeen+Ciidamo badan oo ay soo dhoobtay xuduudda ay la wadaagto Itoobiya Suudaan ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay ku muransan yihiin iyaga iyo Itoobiya, iyadoo ku dhawaaqday in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaannada lagu muransan yahay, iyadoo ay jirto xiisad ka dhaxaysa Khartoum iyo Addis ababa. Ciidanka ayaa farriin u diray dadka shacabka ah, iyaga oo u sheegay in ay isdajiyaan oo guryahooda ay nabad ku joogaan. Sudan ayaa 1-dii Diseembar sheegtay in ciidamadeedu ay gacanta ku dhigeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya oo ku yaal degmada al-Fashaga ka dib markii ay rasaas iswaydaarsadeen labada ciidan. Arrintaan ayaa timid ka dib markii la sheegay in 21 ka tirsan ciidamada Sudan lagu dilay 30 kalena lagu dhaawacay ka dib dagaal 27-kii November iyaga iyo ciidamada Itoobiya ku dhexmaray deegaanka Birkat Nourain ee ka tirsan degmada al-Fashaga. Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa sababay in hoggaamiyaha militariga Sudan, Gen Abdel-Fattah al-Burhan, uu wacad ku maro in dalkiisu uusan “hal taako” oo dhul ah uga tanaasulayn Itoobiya. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Odowaa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif uga hortegay guddoomiyaha gobolka, Cali Jeyte Cismaan, saraakiil ka kala tirsan ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM. Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa garoonka Ugaas Khaliif uga qeyb-galay munaasabad kooban oo lagu qabtay, isaga oo hay’adda UNMAS kala wareegay gadiid iyo qalab ciidan oo loogu talagay ciidamada Xoogga dalka, qeybtooda 27-aad ee Hiiraan. Ujeedka socdaalka taliye Odowaa ayaa la xiriira dhaqaajinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada HirShabelle, wuxuuna saraakiisha Xoogga dalka kala hadli doonaa, sidii loo dardar-gelin lahaa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda halkaasi. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Al-Shabaab ay abaabul xoogan ka wado gobolka Hiiraan, iyaga oo dhowan la wareegay degmada Matabaan, inkastoo ay dib uga baxeen. Hiiraan ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo dagaal oo ay wadaan labada dhinac, taas oo cabsi horleh ku abuurtay dadka deegaanka. Si kastaba, reer Hiiraan ayaa haatan wajahaya xaalado adag oo is-biirsaday, waxaana ka mid ah xiisadda siyaasadeed ee Beledweyne, doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab. The post Sawirro: Taliyaha Xoogga dalka oo gaaray Beledweyne iyo gaadiid dagaal oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan howlgallada ay haatan wadaan ciidamada ammaanka. Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay baadi goobayaan illaa 7 mooto iyo kooxihii watay oo uu sheegay inay dhac ka geysteen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay inay ku daba jiraan ciidamada, kadib cabasho ka timid shacabka. “Illaa iyo hadda waxaa baafin ku jira illaa 7 Mooto, taar-gooyinkooda ayaa Booliska baafinta ugu jira oo raad-koodiibaa lagu daba jiraa,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya. Afhayeenka ayaa xusay in tallaabadan ay ku doonayaan in looga hortago dhaca baahsan ee haatan ka socda degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wanaagsan tahay wada-shaqeynta Bulshada iyo Booliiska, isla-markaana uu u mahadceliyo reer Muqdisho. “Wada shaqeynta Booliska Soomaaliyeed iyo shacabka gobolka Banaadir hadda sidii la rabay ayey hadda mareysaa oo bulshada waan boggaadineynaa,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka Boolis ahaa ay ka go’an tahay in sare loo qaado sugidda ammaanka, si looga hortago falal liddi ku ah nabad-gelyada caasimada. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka shacabka ah. Si kastaba, caasimada ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Booliska Soomaaliya oo billaabay qorshe looga hortagayo dhaca ka socda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Khaliil Xuseen Muuse oo ah guddoomiyaha degmada Berbera ee xisbiga UCID ayaa muddo kooban gudaheed markii saddexaad lagu xidhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil Xildhiban Cabdirashid Maxamed oo ka mid ah golaha deegaanka degmada Berbera ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Khaliil Xuseen Muuse waxaanu yidhi sida tan: “Khaliil Hussein Muse oo muddo kooban markii sadexaad lagu xidhay magaalada Berbera waxaan u arkaa gef iyo awood sheegasho uu Maayar ka Berbera u badheedhay, waana bahdilaad iyo cagojuglayn uu ku cabudhinayo dhalinyarada xorta ah ee reer Berbera. Maaha wax la aqbali karo wiil dhalinyaro ah inuu ku xidho dhaliil maamul oo uu Facebook ku qoray isagoo ah masuulkii ugu sareeyey degmadda Berbera. Waxaan u sheegayaa maayar-ka in dhalinyarada reer Berbera wiilal iyo habloba ay xor u yihiin cabiraada fikirkooda iyo dhaliisha shaqada aynu u hayno maaddama oo aynu iyaga adeegayaal u nahay, haku fekerin in dhamaan dhalinyarada ka dhigi karto kooxda yar ee #TEAM_GUNNO ee baraha bulshada kaa amaana.” Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta kusii jeeda magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka. Ilo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa innoo xaqiijiyey in madaxweyne Lafta Gareen saacadaha soo socda uu gaari doono Kismaayo, si uu wada-hadallo ula yeesho dhiggiisa dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Qaban qaabada soo dhowenta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota gudaha dalka, taas oo Koonfur Galbeed ay ku billowday ilaa 11 xildhibaan halka Jubbaland ay haatan guda-geli doonto doorashada. Sidoo kale waxa ay labada hoggaamiye kulankooda diiradda ku saari doonaan ammaanka iyo abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka ay leeyihiin labada mas’uul ayaa kusoo aadayo, iyada oo si aad ah la’isugu hayo doorashada baarlamaanka oo ay cabasho weyn ka keeneen xubnaha mucaaradka. Axmed Madoobe ayaa horay u tegay magaalada Garoowe, isaga oo maalmo badan lasoo qaatay dhiggiisa Puntland, madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo si gaar ah uga arrinsadeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaab doorashada Soomaaliya. Si kastaba, maamul goboleedyada dalka ayaa haatan isha lagu wada hayaa, maadaama ay ka bilaabatay doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Lafta Gareen ee KISMAAYO + ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxa guud ee hay’adda caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in nooca cusub ee xanuunka Corona uu si aad ah ku faafayo. Tedros ayaa xusay in todobaddayadii la soo dhaafay ay isasoo tarayeen kiisaska Omicron, dalal badan oo dunida ku yaalana xanuunka lagu arkay. “Omicron wuxuu uu u faafayaa heer aanan horay loo arag, Waxaan u baahanahay inaan si cad u sheego: tallaalada oo keliya kama saari doonaan waddamadaa dhibaatadan” ayuu yiri agaasimaha WHO. Tedros Adhanom ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in loo baahan yahay in la soo celiyo dhamaan taxadaradi looga hortagi jiray xanuunka Corona wejigiisi hore. “Ma aha tallaalo kaliya waxaa loo haaban yahay in la isticmaalo weji-xidhka, kala foogaanshaha, nadaafadda gacmaha iyo ka digtoonaanta neef kala qaadista” ayuu yiri Tedros Adhanom . Adhanom ayaa ugu dambeyn ugu baaqay in dadka in ay qaadaan talaaboojinkan ayna qasab tahay in xanuunka faafistiisa laga hortago. WHO ayaa xaqiijisay in 77 wadan laga helay hadda kiisas ku saabsan xanuunka Omicron, iyadoo xayiraado lagu soo rogay dalalkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Shirkadda Meta Platforms Inc, oo leh baraha bulshada ee Facebook, Instagram, iyo WhatsApp ayaa xuququda magaca Meta ku iibsatay 60 milyan oo dollar, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Reuters. Shirkadda Meta ayaa waxaa la aas-aasay bishii October kadib markii Mike Zuckerberg oo ah mulkiilaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Oculus uu go’aansaday in shirkad cusub la hoos geeyo, halka markii hore uu magaca shirkadda ka ahaa Facebook, oo ay hoos iman jireen WhatsApp, Instagram iyo Oculus. Hase yeeshee xuquuqda magaca ama sumadda ganacsiga (Trademark) ee Meta ayaa waxaa lahaa Banki ku yaalla magaalada Sioux Falls ee gobolka South Dakota ee Mareykanka oo lagu magacaabo Meta Financial Group. Kadib wada-hadallo socday dhowr bilood ayaa shirkad lagu magacaabo Beige Key LLC iyo Meta Financial Group, waxay isku raaceen heshiis 60 milyan oo dollar ah oo sumadda magaca Meta (Trademark) lagula kala wareegayo, sida uu sheegay afhayene u hadlay Bankiga. “Beige Key LLC inanga ayey nagu xiran tahay, waxaana iibsanay xuququda magaca Meta,” waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook). Heshiiskan ayaa muujinaya sida magaca Meta uu muhiim ugu yahay Meta Platforms Inc (Ex-Facebook). Afhayeen u hadlay Meta Platforms Inc ayaa sheegay in shirkadda ay wada-hadallo kula jirtay Meta Financials ka hor inta aan magaca shirkadda laga beddelin Facebook. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay xukuumaddiisu ku dadaaleyso dhameystirka doorashada socota. Rooble oo hadal ka jeediyey munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey dalkaas ayaa waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inuu qabto doorasho xor iyo xalaal ah, si looga gudbo marxaaladd adag iyo xilliga ka guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaday guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay si cafiyaan, kana wada shaqeeyaan horumarka dalka. “Fikirkiina waan dhageysaneynaa, waxa halkaan kasoo baxa aniga oo ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wixii faaido leh waad igu og tihiin in aan ka qaato, sidoo kale waxa aan rabaa inta halkaan fadhiso ee Soomaalida ah & inta kale maqan in la is cafiyo, Dalkana uu galo Doorasho Xor & Xalaal ah dalkana horay usii socdo,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti, isaga oo madaxweynaha dalkaas, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay inuu yahay Aabaha shacabka Soomaaliyeed “Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo Dowladda & Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweynahooda qaaliga ah Ismaaciil Cumar Geelle, Runtii Madaxweyne Ismaaciil ma aha keliya Madaxweynaha Dowladda Jabuuti waa aabaha shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan qof aan bani aadamka u mahadcelin alle uma mahadceliyo waxa aan Madaxweyne Geelle ugu mahadcelinayaa Dowladnimada maanta aan heysano oo uu u yahay aasaasihii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaaruhu. Jabuuti oo daris iyo walaal la’ah Soomaaliya ayaa door weyn ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyey shirweynihii Carta ee Soomaaliya. Si kastaba, hadalkan kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay dood weyn ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Sawirro: ROOBLE oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka ka socda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Sharmarke aligns himself with a quasi-theocratic clique in Mogadishu, his former bosses. Mogadishu (Opinion) — The former Somalia Prime Minister Omar Abdirashid A. Sharmarke raised questions about the integrity of the electoral process. In what appears to be a plan to join the Union of Presidential Candidates Sharmarke has adopted a strategy to remind people of the civil war. “Regional leaders emerged from the August agreement with no commitment to fair elections. We must take into careful account that the culture of “leader of the day take all politics” was one of the root causes of our Civil War. Taking corrective measures maybe the only good option” he tweeted last week. Having lost his senatorial seat in Puntland Sharmarke collectively labelled Federal Member States to create the wrong impression that the incumbent administration stands to benefit the electoral model. He has the unique distinction of being appointed the Prime Minister of Somalia twice. His eleventh hour alignment with the two groups that dominated the Mogadishu politics between 2009 and 2007 reflects a commitment to turning Somalia into a quasi-theocracy. The transfer of election preparation powers to the Federal Member States has a silver lining: it marks the end of Mogadishu as the centre of Somalia politics. It goes a long way to give the citizenry a privilege to hold the centre accountable. In a country dependent on peacekeeping forces coupled with conflicting interests of superpowers and supranational political entities, it is important to diversify political decision making at the centre. Due to state collapse and state fragility political authority in Somalia must be built from bottom up. His criticism of the Federal Member States carries undemocratic sentiments. He warns against big man politics but subtly advocates supremacy of a theocratic clique whose leadership style deepens the alliance between extremists and embezzlers. In his PR blitzkrieg via Dalsan TV interview, Sharmarke tries to make light of the timely and successful security reforms undertaken in Puntland since 2019. Rather than giving Puntland State President Said Abdullahi Deni credit for calling out the extrajudicial status of Puntland Security Force, Sharmarke claims that he has all along favoured a federal oversight of PSF. He tried to insert himself in the broader security reform in Puntland while failing to support the accountability agenda introduced by President Deni. PSF is a pre-federal security apparatus whose reform can only be carried out locally. The argument that Somalia requires a centralized counterterrorism force is laudable but chimeric in the absence of substantive political settlement. Puntland revolutionized the Somali politics through its advocacy for and active role in implementing a federal system derided by many for exacerbating centrifugal forces. Without Commitment to rebuilding the Somali State by neither returning to total centralization nor advocating break-up of Somalia into mini-nation states (an impossibility), Puntland State pioneers a bottom-up approach to recovering from state collapse. By Ali M. Tallan The post Sharmarke Loses Senatorial Bid, Sets Sight on Somalia Presidency appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka heer Puntland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda sii daayaan kuraasta u horraysa xubnaha Baarlamanka ee laga soo doorto Puntland. Madaxweyne Siciid Deni iyo xubnaha guddigan ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada Garoowe sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha ku saabsan doorashada xubnaha golaha shacabka ee ka imaanaya Puntland. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni iyo guddigu isla garteen in hal mar la sii daayo kuraasta ugu muhiimsan doorashada PUNTLAND POST The post Puntland oo saacadaha soo socda sii daynaysa kuraasta ugu muhiimsan golaha shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Ceeldheere ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka al-shabaab ay burburiyeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada iyo xarunta maamulka deegaanka Ceeldheere. Al-shabaab oo xalay la wareegay degmada ayaa la sheegay in ay dadka deegaanka ku wargeliyeen in ay isdejiyaan. Ceeldheere ayaa magaalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug u jira qiyaastii 30 km, waana mid kamid ah goobaha isteraatijiga ah. Ciidamada dowladda gobaleedka galmudug ee ku sugnaa degmada Ceeldheere ayaa la sheegay in ay isagabaxeen degmada ka hor inta aysan kooxdan la wareegin. Maalin ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale xubna ka tirsan ururka alshabaab ay ula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan ee kala qeybisa gobalada Galgaduud iyo Hiiraan, sidoo kalena ay gubeen saldhigii degmada Matabaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay qabsaday Degaanka Ceeldheere oo wax yar u jirta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. Goob-joogayaal ku sugan Ceeldheere ayaa laga soo xigtay in xoogag hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay qabsadeen Degaanka islamarkaana dab qabadsiiyeen saldhigyo ciidan oo halkaas ku yaallay. War ka soo baxay Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay qabsadeen Degaanka Ceeldheer oo u dhexeeya Guriceel iyo Dhuusamareen. Al-shabaab ayaa maalmo ka hor qabsaday degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan halkaas oo ay markii dambe isaga baxeen. PUNTLAND POST The post Xoogagga Al-shabaab oo qabsaday duleedka magaalada Dbuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa walaac xoog leh ka muujiyey ciidan si sare loo tababar oo ka imaanaya wadanka eritrea. Ciidankaan oo la sheego in qaar ku dhinteen dagaalkii Gobolka Tigreega ee Woqooyiga wadanka Itoobiya ayaa intooda badan dhawaan lagu soo celi doonaa magaalada Muqdisho, sida uu yahay qorshaha Madaxweyne Farmaajo. Qaramada Midoobay waxay kol hore xaqiijisay in ciidankaasi ka qeyb galeen dagaalada ka socday wadanka Itoobiya. Tirada dhallinyaradaas uga dhimatay dagaaladii ka dhacay Itoobiya waa la isku khilaafsan yahay, balse dowladda Soomaaiya waa beenisay in ciidamadaasi ka qeyb galeen dagaallada ka socda Itoobiya. Hadda ciidankii waa lasoo wadaa. 25 Duulimaad ayaa la qosheeyey inay dhallinyaradaasi keenaan magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno kamid ah hey’adaha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya. Duulimaad walba wuxuu keeni doonaa in ka badan 200 oo ciidankaas kamid ah. Dowladda Qatar ayaa la sheegay inay bixineyso lacagaha lagu soo daad-gureyn doono Askartaas. Mucaaaradka waxay weli aamisan yihiin in madaxweyne Farmaajo uu rabo inuu awood kusii joogo xukunka, waxay walaac ka muujiyeen in xilli doorasho lagu soo aadiyo soo celinta ciidankaan oo sanad iyo dhowr Bilood sugayey in dalkooda lagu soo celiyo, maadaama uu waqti hore tababarkii u dhammaaday. Haddaba dooda taagan waxay tahay cidaankaan imaatinkooda dib maloo dhigi karaa, maadaama waqti doorasho lagu jiro? Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ka war hayaa walaac laga qabo imaatinka askartaan, iyadoo Dowladda Turkiga ay Muqdisho keentay hub culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha wadan kuwooda hubka xambaara. Waqtigaan kala guurka ah awoodda fulinta ee dalka waxay gacanta ugu jirtaa Ra’isul Wasaare Rooble, si loo yareeyo walaaca jira ama waxa ka dhallan kara imaatinka ciidankaas, wuxuu Ra’isul wasaaraha awoodaa inuu dib u dhigo keenista ciidankaan oo haddii ay yimaadaan si taban u saameyn kara amniga magaalada Muqdisho iyo midka doorashada labadaba. Dad badan ayaa qaba in Ra’isul Wasaare Rooble ay u furan tahay maanta inuu jeediyo in ciidankaas dalka lagu soo celiyo markii ay dhammaato doorashada dalka oo amarka soo celintooda iyo maamulkoodaba ay qaadato xukuumadda imaan doonta. Rooble hadda waa u fududahay inuu sidaas sameeyo. Ciidankaan howshooda waxaa gacanta ku haya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddii ay gudaha yimaadaan ma xakameyn karo Ra’isul wasaare Rooble, laakiin wuxuu awoodaa illaa iyo doorashadu dhammaato inuu halkooda ku hayo. Haddii ay ciidankaan dalka kusoo laabtaan oo ay dhibaato amni la yimaadaan cida kama aqbali doonto Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka baxsado mas’uuliyadda dhibaatadaas ayey leeyihiin dadka fikirka ka dhiibtay sida loo maareyn karo walaaca ka taagan ciidankaan laga soo wado Wadanka Eritrea. Waqti xaadirkaan waxaa la eegayaa sida uu Ra’isul wasaaraha u wajaho arrintaan. Ma Fahad iyo Farmaajo ayuu u dhaafi doonaa sida ay wax yeelaan, iyadoo la xasuusto wixii Fahad iyo Rooble dhex-maray? Mise hadda ayuu Rooble tallaabo qaadi doonaa.? Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Ra’iisul Wasaare Rooble ma joojin doonaa ciidanka laga soo wado Eritrea inta ay ka dhamaaneyso doorashada? appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia’s tech community members are also taking sides in a war that has deeply polarized Ethiopians locally and abroad. Early 2020 was a hopeful time for Ethiopia’s startups. Venture capitalists were increasingly eyeing Ethiopian startups, and the country improved its rank on the World Bank’s 2019 Ease of Doing Business report. Just before the start of the war, over a year back, Ethiopia was seeing a fast-growing pool of companies launching various digital services that dared to change the traditional ways of doing business. But now, as Ethiopia is deep in a bloody one-year civil war, shifting winds have brought a completely different scene in the Ethiopian public discourse. People are making statements about where they stand in the war with simple hashtags, while no public opinion goes unnoticed. Even Ethiopia’s business moguls, entrepreneurs, and innovators who in modern history have mostly kept quiet about politics, are now part of the public discourse. The tech community finds itself taking sides too in a war that has deeply polarized Ethiopians locally and abroad. To highlight a few examples, one tech-founder has become a prominent pro-government voice on social media, another has found a way to provide humanitarian assistance while offering innovative solutions, while another finds herself a pariah of the state for a leaked video that allegedly “reveals a conspiracy to bring down the current Abiy regime.” Lasting a little over a year, Ethiopia’s ongoing civil war with rebels from the northern region has killed tens of thousands of people, displaced four million, and left hundreds of thousands facing famine-like conditions. Amhara regional state, one of the regions hardly hit by the war, said it would take 40 years to rebuild the region back to pre-war status. Prime Minister Abiy Ahmed, a Nobel Peace Prize winner, is at the war front. His pleas for battle have been accepted by noteworthy figures such as Olympic gold medals. Ethiopia’s innovators, too, are taking a role and getting involved in the ways they can. Mass mobilizations and campaigns supporting the federal government, reached fever pitch in the past weeks, after rebels from the northern region made advancements seizing new towns and pushing towards the capital, before retreating. The war has forced people to pick sides Solomon Kassa, a TV Personality, tech-consultant, and an important figure in Ethiopia’s innovation ecosystem, is one such player actively engaging campaigns revolving around the war. Solomon, who recently founded 1888EC, an innovative startup studio that aspires to create disruptive innovators and change-makers in Ethiopia, has been a prominent advocate of “Pro-Ethiopian voices” on social media where both conflicting parties try to control the narrative. Solomon nowadays uses his social media account with thousands of followers to raise awareness about pro-government campaigns and provides his analysis on the latest hot issue regarding the conflict. Innovative humanitarian solutions Another tech firm that is lending its hand to the cause during wartime is Chapa Financial Technologies, helping out in humanitarian causes. The fintech firm developed eyezon, a fundraising platform that allows Ethiopians worldwide to contribute to national causes. In its first campaign to support conflict victims in Ethiopia, eyezon was able to raise 153 million birr ($3.1 million) since its launch a month ago. Through a partnership with a local bank, which agreed to cover the whole cost of international money transfer, 100% of donations go to the causes that supporters choose to give. “eyezon is Chapa’s contribution to Ethiopia, and supporting conflict victims is one of the major priorities highlighted by the government,” said Nael Hailemariam, general manager of Chapa, who developed the platform for free. “We will be adding other fundraising causes on the platform soon,” Nael told Quartz. Established last year, Chapa is close to receiving permits from the National Bank of Ethiopia (NBE) to launch its online payment systems and become one of the first firms to provide financial services outside of banks in Ethiopia. Others have found themselves on the wrong side of the law But not everyone’s involvement in politics has been welcomed. This is the case of Eleni Gabre-Madhin, who serves as Chief Innovation Officer at UNDP’s Regional Bureau for Africa. A very notable figure in Ethiopia, Eleni was the founder and first CEO of Ethiopia Commodity Exchange. She is also the founder of blueMoon, one of the first incubation facilities in Ethiopia. Eleni made headlines first after her house in the capital was searched in what she called was ethnic profiling and harassment. But things took a turn a few days later when video of Eleni participating in a virtual meeting with western diplomats and a TPLF representative was leaked. In the meeting where the issue of the stepping down of Abiy was discussed, Eleni raised the questions of “transitional arrangement” and “martial plan” in post-war Ethiopia to the TPLF diplomat. Many government supporters regarded this as a conspiracy to bring down the current Abiy regime. Eleni is now regarded as a pariah by the same people that once saw her as a hero. Though Eleni said that her appearance in the meeting was widely misrepresented and that she does not endorse any transitional government, the damage was already done. “There is no I.F.s & BUTs! Eleni crossed a red line & there is no coming back from it,” wrote Solomon on his Twitter page. Since the leaking of the video, Eleni had her honorary doctorate from an Ethiopian university revoked. She was sacked from her position as independent economic adviser to the prime minister while her close associates and former business partners have distanced themselves from her, denouncing her actions. Her Startup incubator, blueMoon, has since been closed and is under investigation by the government. Ethiopia’s tech sector – past, present, and future Roll back just a few years, Ethiopia’s economic outlook told a completely different story. When Abiy came to power in 2018, he fast tracked many reforms that addressed numerous constraints stagnating Ethiopia’s digital economy. Policy changes tackling poor network connectivity, high telecom costs, restrictive regulations, and limited funding, coupled with greater digital literacy brought in by the advancement of time, unlocked many uncharted territories for Ethiopia and its innovators. Abiy, who himself hails from an IT background and was once the then state minister of science and technology, gave a particular focus for technology and innovation, which further boosted the sector. The Ethiopian digital economy was said to be in liftoff. Ecosystem players described the policy environment as the “best it has ever been” while the talk of which company would be the first Ethiopian unicorn was already underway among startups and entrepreneurs. But now, the war diverted the country’s attention and resource, and innovation seems to be on the back burner. There is a growing plea for people to join the cause and help in the ways they can. But not all has been self-destructing since the beginning of the war. Safaricom Ethiopia, which won the bid to enter Ethiopia’s telecom market at a price of $850 million, is gearing for commercial launchdespite some delays inflicted by the conflict. Since its launch in May 2021, Telebirr, the nation’s first mobile money by a non-financial institution, has garnered around 11 million subscribers while transacting over two billion birr ($41.6 million.) Ethiopia’s first startup act that aims to provide customized support for startups and incentivize entrepreneurship is set to be passed into law after spending over a year in the making. And according to Shega, an Addis Ababa-based digital media and research company, Ethiopian Fintech companies alone have raised more than $8.8 million in 2021 in the midst of the conflict. Despite the uncertainties caused by the war and its massive hit on the economy, innovators remain cautiously optimistic that a post-war Ethiopia can still hold on to some of the gains that were made in the tech sector. Perhaps, their allegiance to the government or TPLF can be seen as a belief in what Ethiopia can be. Source: Quartz Africa The post Ethiopia’s innovators are trying to find purpose in a time of war appeared first on Puntland Post.
-
Drought conditions in Somalia are worsening despite rains in parts of the country, a top United Nations humanitarian official said. Source: Hiiraan Online
-
To shoot the portraits of U.S. Rep. Joyce Beatty that appeared in the December issue of Columbus Monthly, we hired Columbus photographer Tariq Tarey, who does portrait work at his Milo Arts studio but is better known as a visual ethnographer who has documented the journeys of refugees fleeing persecution, hunger and genocide. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub la saxiixatay dowladda Finland, kaasi oo ku kacaya €7.65 milyan Euro oo u dhiganta $8.64 milyan oo dollar. Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Safiirka dowladda Finland ee Soomaaliya Marwo Johanna Jokinen ayaa rasmi ah u kala saxiixday heshiiskan, waxaana lagu taageeraaya horumarinta adeegyada waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed. Heshiiskan ayaa fursad siinaya caruurta ka maqana goobaha waxbarashada, sidoo kalana kaalin muhiim ah ka geysanaya tayeynta waxbarashada, sida uu munaasibadaas ka sheegya Wasiir Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji. Sidoo kale waxa uu wasiirka ku amaanay dowladda Finland doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya iyo wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF ayaa deeqdan lacageed si wada-jir ah ugu fulin doona mashaariicda loogu tala galay, sida uu qorshuhu yahay ka wada hirgeli doona guud ahaan dalka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post DF oo gashay heshiis cusub oo ku kacaya $8.64 Milyan appeared first on Caasimada Online.
