-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, Maxamed Ibraahim Barre ayaa faah faahin ka bixiyey dooda ka dhalatay kursigii uu maalin ka hor ku soo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Guuleed. Barre ayaa shaaca ka qaaday in haatan guddiga uu bilaabay baaris la xiriirta dacwadda loo soo gudbiyey oo ka timid xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horay ugu fadhiyey kursigaasi. Guddoomiye ku xigeenka guddiga xallinta khilaafaadka ayaa wereysigan ku sheegay in muddo todobaad ah ay ku soo bandhigi doonaan natiijada baarista dacwadda kursigaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in waajibaadka loo igmaday ay tahay inay u cadaalad falaan tartamayaasha, ayna ku dadaalli doonaan kala saarida labada nin ee is haya. Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa shalay soo saaray qoraal xasaasi ah oo lagu hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka waxaana looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas oo tirsigiisu yahay Hop 239, illaa inta ay kasoo dhammaaneyso dacwadda. Mahdi ayaa waxaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay, isla-markaana uu doonayo inuu isaga ku fariisto afarta sano ee soo socota. Si kastaba, Mahdi Guuleed ayaa kusoo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, sida uu shaaciyey guddiga maamullada doorashada kuraasta gobolada waqooyi. The post Guddiga xallinta khilaafaadka oo baaris ku bilaabay kursigii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed appeared first on Caasimada Online.
-
Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen khamri tira badan iyo kooxdii ka ganacsanayay. Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in hawlgalka oo laga sameeyay Laanta 5-aad ee Xaafadda Yameyska Gaalkacyo ay ku qabteen 50 kartoon oo ay ku jiraan dhalooyin khamri ah iyo sidoo kale raggii watay Khamrigaas. Saraakiisha ayaa tilmaamay in dhammaan xabsiga la dhigay kooxdii watay Khamriga oo hawlgalka lagu qabtay islamarkaana baaritaan lagu hayo si sharciga loo horgeeyo.. Sidoo kale waxay sheegeen in hawgalku sii socon doono inta Gobolka Mudug laga cirib-tirayo Khamriga iyo maandooriyaha. PUNTLAND POST The post Puntland: Booliiska Gobolka Mudug oo hawlgal ku qabtay karaatiin khamri ah iyo raggii watay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana socda olole xooggan oo loogu jiro kuraastaas oo furo weyn u ah doorashada Soomaaliya. Sanadkaan doorashada Golaha Shacabka waxay sanadihii hore kaga duwan tahay inay jiraan dhowr musharax oo u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay kamid ah noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya. Musharaxiinta doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah kuwa horay usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya, waxayna ujeedada ugu weyn tahay sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen gudaha Baarlamaanka, marka la gaaro doorashada xilka madaxweynimo ee Soomaaliya. Qaar kamid ah musharaxiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beelaha ay kasoo jeedaan weydiistay in la siiyo kursiga, waxaana jiro qaar ku guuleystay in loo ogolaado iyo kuwa aan weli helin natiijo la isku haleyn karo. 1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Siyaasigaan oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beeshiisa ka codsaday in la siiyo kursiga xildhibaanimo, waxayna wararku sheegayaan in markii hore loo ogolaaday, balse uu markii dambe la kulmay cadaadis xoog leh oo keentay inuu isaga haro. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa culeys kala kulmay siyaasiyiin miisaan leh oo kasoo jeeda beeshiisa, waxaana ugu dambeyn lagu qanciyey inuu isaga haro doonistiisa uuna ku ekaado tartanka xilka madaxweynimo ee Soomaaliya. 2- Sheekh Shariif Sheekh Axmed: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, hadana kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa beeshiisa ku codsaday in la siiyo kursiga ay beeshiisa ku leedahay Baarlmaanka 11-aad ee Soomaaliya. Sheekh Shariif oo ah siyaasi taageero fiican ka heysta beeshiisa ayaa waxaa u suurtagashay in beeshiisa ay u ogolaato in la siiyo kursigaas. Beesha uu kasoo jeedo Sheekh Shariif ayaa shuruud adag uga dhigtay inuu isaga noqdo Xildhibaan, isla markaana aysan ogolaan doonin haddii uu cid kale usoo sharaxo kurisgaas, waxaaana la xaqiijiyey inuu Shariif aqbalay shuruudaas. 3 – Shariif Xasan Sheekh Aadan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan safar ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeshiisa ka codsaday in la siiyo kursiga Xildhibaano ee Baarlamanka Soomaaliya. Shariif Xasan oo ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ujeedkiisa ugu weyn ay tahay sidii uu noqon lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Shariif Xasan ayaa kamid ah musharaxiinta la rumeysan yahay inay heli doonaan kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa, waxaana hadda kursigiisa ku fadhiyo wiil uu dhalay. Inkastoo uu culeys saa’id ah kala kulmi doono madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen haddana Shariifka ayaa ah siyaasi miisaan culus ku leh beeshiisa, waxayna taas ka saacidi doontaa inuu fursad u helo kursigiisa. 4- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday ayaa ah musharaxa kaliya ee noqon doona Xildhibaan aan tartan gelin, maadama uu dheeraad ku noqon doono 275 Xildhibaan ee golaha shacabku uu ka kooban yahay. Dastuurka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh u ogolaaday inuu xubin dheeri ah ku noqdo Baarlamaanka Soomaaliya maadaama uu si nabad ah ku wareejiyey xilka. Xasan Sheekh ayaa Afartii Sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaan sharafeed, wuxuuna qaadanayey mushaar aad uga badan kuwa ay qaataan xildhibaanada caadiga ah. 5 – Cabdulqaadir Cosoble Waa musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale kamid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday. Cosoble ayaa kamid ah musharixiinta la rumeysan yahay inay heli doonaan kursiga xildhibaan ee beeshiisa, inkastoo uu geli doono tartan culus oo maadaama kooxda Nabad iyo Nolol ay waqti iyo lacagaba ku bixineyso sidii ay meesha uga saari laheyd. The post Musharaxiinta madaxweyne oo beelahooda weydiistay kuraas xildhibaan + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Sababaha Talibaan u mamnuucday Lacagaha Qalaad Taliban ayaa shaacisay in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday isticmaalka dhammaan lacagaha qalaad. Ururka ayaa ku amray shacabka Afghanistan inay isticmaalaan oo keliya lacagta dalka ee Afghani loo yaqaan. Waxa uu sheegay in ciddii jebiso amarka la marsiin doono sharciga. Taliban ayaa go’aankeeda ku tilmaantay mid dan u ah dalka, isla markaana ay lacagaha qalaad dhibaato ku yihiin dhaqaalaha Afghanistan. Lacagaha qalaad ayaa si weyn looga isticmaalaa guud ahaa Afghanistan. Dollar-ka ayaa ah lacagta ugu badan eel aga isticmaalo suuqyada dalka, halka magaalooyinka xuduudda ahna ay isticmaalaan lacagaha dalalka deriska la ah. Dhaqaalaha Afghanistan ayaa wiiqmay tan iyo markii uu xukunka la wareegay ururka Taliban, maadaama ay meesha ka baxday taageerada caalamiga ah oo ahayd malaayiin dollar, isla markaana ay joogsatay lacagtii amaah ahaanta loo siin jiray dalkaas. Khubarada dhaqaalaha ayaa ku tilmaamay tallaabada Taliban mid uga sii dari doonta xaaladda dhaqaale ee Afghanistan. Xukuumadda Taliban ayaa doonaysa in loo sii daayo balaayiin dollar oo keyd ahaan Afghanistan u taalla bangiyada dibedda, lacagtaas oo la xannibay markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Ashraf Ghani. Wasaaradda maaliyadda ee Afghanistan ayaa sheegtay in maalintiiba canshuur ahaan dalkaas ay ka soo xarooto lacag dhan 4.4 milyan oo dollar. Inkastoo ay dalalka galbeedka ka xun yihiin xaalad bani’aaddanimo ka dhalata dalka Afghanistan, taasoo culeys aan loo taag heyn ku keeni karta caalamka, ayaa haddana waxa ay diiddan yihiin inay si rasmi ah u aqoonsadaan xukuumadda Taliban. Dhaqaalo xumida ka sokow, Taliban ayaa wajahayso weerarro xooggan oo uga imanaya ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka. Talaadadii, ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay weerar ay xooggaga ururkaas ku qaadeen cisbitaal milateri oo ku yaal caasimadda Kabul. Dagaallamayaal ka tirsan ururkaas ayaa gudaha u galay cisbitaalka, waxaana markii dambe laayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Taliban. Qaran News
-
Astaamaha lagu xushay Gabadha ugu quruxda badan Soomaaliya Bisha December waxaa waddanka Nigeria ka dhici doona tartanka quruxda hablaha Afrika, waxaana la qorsheynayay gabadha Soomaaliya ku matali doonta. Si taas waddada loogu xaaro waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan loollan qurux ah oo u dhaxeeya gabdhaha Soomaaliyeed ee daneynaya munaasabaddaas, kaasoo ay martigalisay shirkadda Quman Fashion Show. Saddex gabdhood oo heerka ugu dambeeya ee tartanka isla soo gaaray waxaa laga xushay Sacdiya Maxamed oo ku guuleysatay billadda quruxda Soomaaliya, waddankeedana ku matali doonta tartanka weyn ee dhacaya dabayaaqada sanadkan. Maxaa lagu xushay gabadha ugu quruxda badan? Mowduucan oo si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada ee Soomaalida waxaa su’aalo la iska weydiinayay qodobada la fiirinayay marka la dooranayay gabadha ugu quruxda badan. Isla su’aashaas ayay BBC-du waydiisay Muno Maxamed Diirshe oo ka mid ahayd garsooreyaashii tartanka ee go’aaminayay qofka kaalinta koowaad la siinayo. “Waxaan ku xulannay quruxdeeda, aqoonteeda, akhlaaqdeeda, diinteeda, dad la dhaqankeeda, dabeecaddeeda iyo wajigeeda furan, sida qosolkeeda, daymadeeda iyo naxariisteeda,” ayay tiri Muno si guud u koobeysay waxyaabaha laga eegayay gabdhaha tartanka ka qayb galay. “Waxyaabaha loo xushay maku jirin deegaan, maku jirin qabiil iyo dhammaan waxyaabaha ay dadka sheegaan,” ayay sii raacisay hadalkeeda. Sida ay Muno sheegtay, intaas waxaa sii dheer in gabdhaha tartamayay waxyaabaha laga eegayay ay ka mid yihiin arrimaha aad loo sheego marka laga hadlayo quruxda, sida “dhex yar, dhirir iyo waji soo jiidasho leh”. Goobta uu tartanka ka dhacay waxaa lagu casuumay rag badan halka garsooreyaashana ay ka mid ay ahaayeen niman, maadaama quruxda gabdhaha inta badan wax laga weydiiyo ragga, sida ay ku doodayeen dad badan oo qayb ka ahaa falcelinta baraha bulshada. Muno oo taas ka hadleysay ayaa tri: “Dhowr nin ayaa ku jiray garsooreyaasha, raggii meesha fadhiyay kaliya ma ahane raggii kale ee lasoo casuumay ayaa meesha dhoobnaa, marti sharafta xitaa waxaa u badnaa rag.” Inta badan dadkii soo diray lambarrada oo codadka qaadanayay waxay ahaayeen rag sida ay BBC-da u sheegtay gabadhan ka mid ah garsooreyaasha. ‘In Soomaaliya ay ka qayb gasho tartanka quruxda’ Saddex gabdhood ayaa isu soo haray marxaladda ugu dambeysay ee tartanka quruxda Muno ayaa dhinaca kale sheegtay in ujeeddada tartankan loo qabtay ay tahay mid la xiriirta wacyigelin iyo in dunida la tuso wax ka duwan colaad oo ku saabsan Soomaaliya. “Soomaaliya haddii la dhoho baaba’, burbur, qarax, xabad, isdil iyo abaar ayaa kusoo dhacda dadka markii la joogo caalamka. Si loo baddalo wajigaas waxaa lagu dadaalay in Soomaaliya magaceeda iyo calankeeda uu qayb ka noqdo tartanka quruxda Afrika. Quruxda wajiga iyo qofka kaliya ma aha, dalkaaga inuu sharfan yahay oo calankaaga uu asaaggiisa ag yaallo waxay ka mid tahay quruxda,” ayay tiri. Waxaa xusid mudan in gabdhaha tartanka ka qayb galay ay asturnaayeen, iyagoo aan meesha ka saarin dhaqanka Soomaalida. Gabdho Soomaali ah ayaa horay ugu caan baxay tartamada quruxda iyo xayeysiimaha dharka, inkastoo ay matalaan waddmo kale oo ay qaxootinnimo ku tageen. Sannadahan dambe ayaa dhalinyarada waxa ay isku dayayaan in ay la jaan qaadaan dadka kale ee ku jira shaqadan ee ka soo jeeda bulshooyinka kale ee caalamka. Soomaalida kuma cusba xirfaddan oo dadkii horey ugu sii jiray ayaa waxa ka mid ah Iimaan oo ku biirtay shaqadan 1976-dii iyo Xaliimo Aadan oo haysata dhalasho Maraykan ah, taas oo sannadkii 2016-ka ka qaybgashay tartanka quruxda gabdhaha ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyada oo asturan. Qaran News
-
Nuxurka Warbixin Xasaasiya oo Goob-joogayaashii Caalamiga ah Ee Kormeerayey Doorashooyinka Somaliland Ku soo Bandhigeen London Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Madaxa Bannaan ee Kormeerayay Doorashadii Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose ee 31 kii May 2021 ayaa caawa magaalada London ku Daah-furay Warbixintii Ugu Dambaysay ee doorashadaas. Goob-joogayaasha ayaa warbixintan ku soo bandhigay Jaamacadda UCL ee magaalada London, waxa goob joog ka ah 12 goobjooge oo caalami ah oo ka kala socday dalalka Masar, Itoobiya, Faransiiska, Jarmalka, New Zealand, Afrikada Koonfureed, Ingiriiska, Maraykanka iyo Saambiya ayaa kormeeray ololihii iyo u diyaar garowgii doorashada toddobaadkii ka horreeyay doorashada, maalintii doorashada, codaynta, tirinta codadka iyo isu geynta natiijada ee goobo ka mid ah Somaliland sida Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorame. “Doorashadu waxa ay calaamad muhiim ah u noqotay dimuqraadiyadda Somaliland: Ka dib dib u dhacyo ku yimid labada doorasho, waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee doorashooyinka Baarlamaan iyo Dawladaha hoose isku mar la qabtay. Professor Michael Walls oo ka tirsan Qaybta Qorshaynta Horumarka, ahna Madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi: “Iyada oo doorashooyinkaasi ay u taagan yihiin horumar dimuqraaddiyadeed, haddana waxa la qabtay 11 sannadood ka dib wakhtigii loo qorsheeyay in ay dhamaato muddada Baarlamaanku, iyo weliba saddex sannadood ka dib markii ay dhamaatay muddadii golaha deegaanku. Waa war wanaagsan in doorashooyinku u dhaceen si nabadgelyo ah, isla markaana daneeyayaashu u aqoonsadeen qaar lagu kalsoon yahay. Si kastaba ha ahaatee, si ku yar dalalka Afrika, hal qof oo haween ahi kumay soo bixin doorashada Baarlamaanka. Tani waa mid dhaawac ku ah dimuqraadiyadda, weliba ah tallaabo dib loo qaaday marka loo eego doorashooyinkii hore, iyada oo marka horeba ay yarayd heerka metelaadda haweenku. Iyada oo ay tahay wax loo dabbaaldego in Somaliland ay sii waddo qabashada doorashooyinka, haddana waxa la gaadhay xilligii laga baaraandegi lahaa in la helo dariiqyo lagu adkeeyo hab-raacyada jira ee doorashada soo socota, taas oo la filayo in ay qabsoonto sannadka 2022 iyo kuwa ka sii dambeeyaba”. Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo jira qaybo ka mid ah hannaanka doorashada oo u baahan in la tayeeyo amma la horumariyo si loo hanto halbeegga caalamiga ah. Gaar ahaan hannaanka diiwaangelinta codbixiyuhu waa mid adag oo xaddidaya codbixiyayaasha, mar haddii aanuu jirin tirokoob rasmi ahina, ma qeexayo qiyaas sugan oo sheegaysa codbixiyayaasha isu-diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan. Intaas waxa sii dheer, Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay ku baaqayaan saddex is beddel: in wax laga beddelo nidaamka siyaasadeed ee xaddidaya in saddex xisbi oo keli ah loo oggol yahay in ay ku tartamaan doorashooyinka, kaas oo curyaaminaya metelaadda dimuqraaddiga ah; in la helo shuruuc ay hagayaan reer Somaliland oo xaqiijinaya metelaadda siyaasadeed ee haweenka; iyo in la helo ballan-qaad kale oo siyaasadeed oo ku saabsan jadwalka dastuuriga ah ee doorashada lagu heshiiyay si doorashooyinka soo socda loogu qabto wakhtigii loogu talagalay, meeshana looga saaro dhaqanka inta badan soo jiray ee dib u dhigista doorashooyinka Somaliland sidii horaba u dhacday. Warbixinta ugu dambaysa ee Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay sidoo kele soo jeedinaysaa talooyin dheeraad ah, oo ay ka mid tahay kor u qaadista aqoonta cod bixiyayaasha iyo qarsoonida codaynta, tababar kii hore ka fiican oo la siiyo shaqaalaha goobaha cod bixinta, iyo kor u qaadista nidaamka tirinta iyo isu geynta codadka. Qaran News
-
Khartuum (Caasimada Online) – Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka Sudan, oo dhowaan uu ka dhacay afgambi militari, ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada hubanti la’aanta amni ee ka jirta dalkaas. Qaar kamid ah ardeyda wax ka barata dalkaas ayaa SNTV u sheegay in qalaalasaha siyaasadeed ee ka jirta Sudan uu ku yeeshay saameyn xoogan, gaar ahaan waxbarashada iyo adeegyada daruuriga ah. “Dadka meeshan jooga ee Ardeyga ah wey ku rafaadsan yihiin waxa weeyi waxbarashadii oo ka istaagaysa marba marka ku xigta oo haddan rejadeedii iska xun taahy, Internetkii waa maqan yahay muddo ku dhow labo asbuuc,” ayuu yiri Yuusuf Cabdikariin oo kamid ah ardeyda la hadashay warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxay sheegen in dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo xaaalada hubanti la’aanta ee ka taagan Sudan ay xaalada adag u horseeden ardeyda Soomaaliyeed ee dalkaas u joogta waxbarashada. “Wadanka mushkiladiisa aad ayey u badan tahay, aad ayey noo saameysay waxbarashadeeni, adeegi bulshada ee noloshana aad bey u taabatay dhaq-dhaqaaqyada isdaba jooga ee ka socda dalka.” Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii. The post SOOMAALI xaalad adag ku wajahaysa dal uu dhowaan ka dhacay afgambi militari appeared first on Caasimada Online.
-
Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa qabtay dacwad uu u soo gudbiyay Xuseen Carab Ciise oo cabasho ka ah kursiga HOP239 kadib markii kursigaas loo doortay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed. Ex. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa horay ugu fadhiyay kursigaas ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamanka oo laga soo doorto Somaliland. Guddoomiye kuxigeenka Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in ay bilaabeen baarista dacwadda laga gudbiyay kursiga. Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay kusoo bandhigi doonaan natiijada baarista dacwadda kursigaas. PUNTLAND POST The post Guddiga xallinta Khilaafaadka oo baaris ku bilaabay kursiga loo doortay Mahdi Guuleed appeared first on Puntland Post.
-
Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay gudaha magaalada kadib weerarka kooxdu halkaas ku qaadday. Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala gaaray labada dhinac balse weli xog sugan lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas. Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay iska difaaceen weerarka inkastoo aysan ka hadlin khasaaraha labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Safaaradda Mareykanka ee waddanka Ethiopia, ayaa bayaan ay soo saartay waxay digniin u jeedisay muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool dalka Ethiopia. War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu xusay in xaaladda amaan ee dalka Ethiopia ay sii xumaaneyso, maadaamo uu dalkaasi lugaha la galay dagaalo, loona baahanyahay muwaadiniinta Mareykanka inay muujiyaan taxadar badan oo aysan gelin safar ka baxsan magaalada Addis Ababa. War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Ethiopia in ay si dhab ah u qaataan bayaanka ka soo baxay safaaradda. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo digniin u diray muwaadiniintiisa ku sugan Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Puntland ayaa mamnuucday in gudaha Puntland la soo geliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo wax duuba (Drones). Qoraal ka soo baxay wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha dhulka laga hayo ee loo yaqaan Drones. Wasaaradda ayaa ku wargelisay hay’adaha dowladda ee ay khusayso in aan gudaha Puntland la soo gelin karin diyaaradahas noocaas ah. Sidoo kale Laamaha Amniga Puntland ayaa lagu amray in ay feejignaan dheeriya ka muujiyaan sugidda Ammaan xilligan xasaasiga ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo degaannadeeda ka mamnuucday diyaaradaha Drones-ka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka soo aheyd tan iyo dowladii Carta lagu soo dhisay, ayaa sanadkaan wajaheysa loolan adag, kadib markii sanadkaan ay kursigaas isku soo sharaxday Baarliin Maxamuud Biin oo ah gabar aqoonyahanad ah, kuna heyb ah Khadiija Diiriye. Caasimada Online ayaa ogaatay in Khadiija Diiriye ay u dacwootay ugaaska beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyadoo ka dalbatay inuu hadlo gabadha isku soo diyaarisay inay kursiga kula tartanto iyo dadka ku garab taagan ololaheeda oo reer Abtigeed u badan. Khadiijo iyo Baarliin waxaa abtiyaal u wada ah Abgaal, waana taas sababta ka keentay in Khadiijo Diiriye ay u dacwooto Ugaaska, iyadoo ka dalbatay inuu kala hadlo Baarliin, sidoo kale xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in Khadiija Diiriye ay Baarliin u balan qaaday lacag aan cadadkeeda la shaacin, hadii ay tartanka ka harto. Wasiir Khadiija Diiriye ayaa barteeda Facebook-ga soo dhigtay sawirro ay la gashay Ugaaska oo gurigeeda ku soo booqday iyo qoraal kooban oo ay ku tiri, “Koofida ugu weyn dugaashigeyga ayaa hoygeyga galabta igu soo booqday, darajo iima-laabna dad-na iima-dhina, ugaaska reer habartey macaan, rabiyow ii dhowr darajada duubkiisa.” Qalqal xoog leh ayaa soo wajahay Khadiijo Diiriye, kadib markii dhawaan ay musharaxnimadeeda shaacisay Baarliin Biin oo ah gabar taageero badan heysata oo sanadkaan dooneysa inay kursiga kula loolanto Khadiija Diiriye. Shariifo Caddow oo kamid shaqsiyaadka ugu saameynta badan ururada Bulshada rayidka ah iyo Madiina Caamir oo ah haweeney ganacsato ah ayaa dhawaan ka qeyb galay xaflad ay musharaximadeeda xildhibaanimo kusoo bandhigeysay Baarliin Maxamuud Biin, waxayna farriin u direen ergada wax dooraneysa iyo madaxda HirShabeelle. Labadaan haween oo ah kuwa miisaan culus ku leh dalka ayaa Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ka codsaday inuu si cadaalad ah u maamulo doorashada kursiga HOP0097 oo yaalla magaalada Jowhar, kaasi oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhisay Khadiija Maxamed Diiriye. “Anaga cod ma lihin, laakiin waa in codka la siiyo Baarliin, qoyska ay Baarliin ka dhalatay waxaa la idinka rabaa inaad marada u xirataan sidii aad kursiga u siin laheyn, waxay aheyd qof idinka maamuleysay meesha ay joogtay, waa Gabar isku xambaaran karto qoyskeeda iyo Soomaali oo dhan,” ayey tiri Shariifo Caddow. The post Khadiija Diiriye oo u dacwootay ugaaska Mudulood + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku hayso maamulka magaalada Muqdisho. Goodax Barre ayaa dowladda federaalka ku tilmaamay mid ka liidata Al-Shabaab, islamarkaana bulshada Soomaaliyeed ku kalifay inay Shabaab u doontaan cadaalad, sida uu sheegay. “Umadda Soomaaliyeed ayey ku kalifeen inay cadaalad u doontaan Shabaab, hadda dowladnimada ayey u doonanayaan sida ay hadda ku socdaan haddii ay kusii socdaan,” ayuu yiri Goodax Barre. Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka taliso magaalada Muqdisho, ayna u harsan tahay in calanka madow laga taago oo keliya. “Aamin ha aaminin maanta Shabaab isaga ka taliya Xamar, waxay ka doodayaan keliya calankii madow miyaa soo celinaa mise kuwan waa xoolo amay nagu kacaan gaalada, hadda waa maamulna ee aan ka joogno, noocaas ayey Shabaab u maamulan Xamar.” Hadalkan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe laga deyrinayay canshuuraha tirada badan ee kooxda ay ka qaatan ganacsatada magaalaada Muqdisho, ayada oo ay joogto dowladda federaalka Soomaaliya. The post Daawo Goodax: Shacabka waxay mar dhow dowladnimo u raadsan doonaan Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ku dhowaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey dalka, xilli aad looga cabsi qabo in kooxda TPLF ee Tigray-ga ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa “Xaaladda deg degga ah ayaa waxaa loogu talo-galay in shacabka laga bad-baadiyo xasuuqa ay argagixisada TPLF ka gaysanayaan qeybo dhowr ah oo ka mid ah dalka,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA. Xaaladda deg degga ah ayaa ogolaaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la sameeyo jidgooyooyin, la carqaladeeyo hanaanka gaadiidka, lasoo rogo bandow, ayna militariga la wareegi karaan meelaha qaar. Qof kasta oo lagu tuhmo inuu xiriir la leeyahay “kooxaha argagixisada oo TPLF ay ka mid tahay” ayaa la xabisi karaa ayada oo aan maxkamad lasoo taagin, sida lagu sheegay qoraalka dowladda. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Tigray-ga ay guulo ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan dowladda, ayaga oo toddobaadkan qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amhara oo kala ah Dessie iyo Kombolcha. Ciidamada Tigray-ga ayaa sidoo kale xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo. “Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda. Goor sii horeysay oo maanta ah, mas’uulyiinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa ayaa ugu baaqay dadka degan magaalada inay diiwaan-geliyaan hubkooda labada maalmood ee soo socota, si ay isugu diyaariyaan inay magaalada difaacaan. Sidoo kale, qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu Axaddii shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.” “Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara. Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed. The post Ethiopia oo la geliyey xaalad deg deg ah xilli TPLF ay ku wajahan tahay Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa sheegay in ay hakiyeen ku dhawaaqista Natiijada kursiga #HOP239, kaas oo uu ku soo baxay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka. Mahdi Guuleed ayaa Isniinti shalay aheyd oo ay bilaabatay doorashada Golaha shacabka ee xildhibaanada Somaliland ku soo baxay kursiga kadib tartan uu la galay musharax Mushtaaq Ibraahim. Guddiga Xalinta ayaa sheegay in dacwad uu ka soo gudbiyay kursiga doorashadiida xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah xildhibaanki Afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga. Source: goobjoog.com
-
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, kursigii ugu horreeyay Golaha Shacabka ee shalay la sheegay in uu ku soo baxay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Guuleed. Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in dacwad laga keenay kursiga sumadiisu tahay HOP#239, isla-markaana la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, inta Guddigu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kursigaas. Dacwada waxaa gudbiyay sida uu sheegay Guddigu Musharax Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolada Waqooyi, gaar ahaan garabkii uu hoggaaminayay Cabdi Xaashi. Guddigu wuxuu tilmaamay in baarintaanka cadaymaha, dhageysiga dhinacyada ay quseyso dacwadu iyo ga’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaan muddo todobo (7) maalmooda. Dacwadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo maalmo ka hor Guddiga Xallinta Khilaafaadka ka horyimid qodob ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi (Somaliland). PUNTLAND POST The post Dacwad laga gudbiyay kursigii la sheegay in uu ku soo baxay Mahdi Guuleed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu dalbaday in la hakiyo ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho uu ku guuleystay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Qoraal ka soo baxay guddiga oo lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas, maadaama dacwad laga keenay kursiga Hop 239. Dacwad ayaa waxaa soo gudbiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo hadda kursigan ku fadhiya, illaa baarlamanka cusub laga dhaarinayo. “Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee loo igmaday, waxuu farayaa guddiga doorashooyinka heer federaal, in la hakiyo ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee kursiga Hop 239, inta guddigu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaas,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale war-saxaafadeedkan ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in baaritaanka dacwada laga soo gudbiyey doorashadii kursigaas ay ku soo gabagabeyn doonaan mudo 7 maalmood ah, iyagoo balan qaaday in go’aanka dacwadaas ay u gudbi doonaan dhinacyada ay khuseyso. Kursigaan shalay loo doortay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed, waxuuna ku soo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, Mahdi ayaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka The post Natiijada kursigii uu Mahdi Guuleed ku guuleystay oo la hakiyey kadib arrin soo baxday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay odayaasha dhaqanka 11 beel oo ka mid ah kuwa daga gobolka Hiiraan si looga wada hadlo kuraasta aqalka hoose ee taalo Magaaladaas . Sida xogta sheegeyso, odayaasha dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday in kuraasta ka taalo magaalada Beledweyne loogu soo wareejiyo caasimadda maamulkaas ee Jowhar maadaama madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe loo diiday inuu tago halkaas. 25-ka Kursi ee taalo magaalada Beledweyne waxaa 8 kamid ah iska leeh beesha Xawaadle ee diiday inuu Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne halka 17-ka kursi ee kale ay leeyihiin Beelaha ay odayaashooda u tageen Ra’iisul Wasaare Rooble. Odayaasha la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa gudbiyey walaacooda ku aadan in haddii Cali Guudlaawe uu tagi waayo Beledweyne ay, taas ka dhigan tahay in Beesha Xawaadle ay maamuli doonto kuraastooda midaas oo ay ku tilmaameyn wax aan la aqbali karin. Sida ilo waareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online Ra’isul Wasaare Rooble ayaa odayaasha dhaqanka u ballan qaaday in dib u eegis lagu sameyn doono kuraasta taalo Beledweyne haddii ay Beesha Xawaadle ku adkeysato go’aanka ay Cali Guudlaawe ugu diideyn Beledweyne. Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabatay shalay iyadoo lagu bilaabay laba kamid ah kuraasta reer waqooyiga ee taala Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Inkastoo ay ceebo badan hareeyeen doorashadii shalay haddana waxay dhinaca kale ka dhigan tahay in toos loo guda galay doorashadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Arrimaha aan weli la helin ee ku gadaaman doorashada Golaha Shacabka waxaa kamid ah khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo Beesha Xawaadle oo si weyn uga hortimid awood qeysiga maamul Goboleedka Hirshabelle. The post Xog: 11 beel oo Rooble u gudbiyey diidmo ka dhan ah mid ah deegaan doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa joojiyay Madal lagu martiqaaday Guddoomiyaha guddiga doorashada federaalka, Maxamed Xasan Cirro, taasi oo qorshuhu ahaa in caawa ay ka dhacdo magaalada Garoowe. Amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxa lagu wargeliyay Madaxda Warbaahinta Daljir inaysan bishan qaban karin Madasha Daljir, oo ay ku casuumen Guddoomiye Cirro. Amarka lagu joojiyey Madasha ayaa waxay maamulka Puntland ku sheegtay in barnaamijka uu la socon karin siyaasadda maamulka Puntland. Madaxda Daljir aya sidoo kale shaaciyey inay u hogaansameen amarka uga yimid maamulka Puntland, islamarkaana ay joojiyeen barnaamijkaas, ayaga oo sheegay in uusan ku saabsaneyn siyaasad. “Barnaamijka Madasha Daljir ee caawa wax siyaasad ah kuma lug laheyn, fikirkana anaga ayuu naga yimid, balse waa u hogaansameena amarka xukuumadda Puntland,” ayuu yiri Maxamed Welcome oo kamid ah mas’uuliyiinta Daljir. Puntland ayaa u aragta barnaamijka lagu casuumay Guddoomiye Cirro mid siyaasadeed oo dano gaar ah laga leeyahay, taasi oo ay u cuskatay amarka gebi ahaanba lagu joojinayo. The post Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah guddoomiyaha guddiga doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 21-kii bishii tagtay heshiis ka gaaray khilaaf muddo u dhaxeeyay. Khilaafka labada Nin ayaa markii hore ka bilowday cadaalad u helida Ikraan oo aheyd gabar ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka ee NISA oo muddo la la’yahay, islamarkaana ay hay’addu sheegtay inay dileen Al-Shabaab, taasi oo ay iska fogeysay kooxdu. Baarista kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa xiligan gacanta ku haya Xeer ilaaliyaha maxkamadda millateriga oo dhawaan lagu wareejiyay, balse weli dhaqaajin la’. Galka Baarista ayaa shaaciyey in guddiga maxkamadda ciidamada qalabka sida uu la kulmay caqabad dhanka NISA ah. Xogta ayaa shaacisay in maxkamadda ay dalbatay in la wareysto laba sarkaal oo ka tirsan NISA oo lagu tuhmayo kiiska, oo mid ay tahay gabar guriga la deganeyd Ikraan Tahliil. Hase yeeshee, arrinta yaabka leh ayaa ah in NISA ay diiday in la wareysto labadaas sarkaal, ayna ku adkeysatay inay ayada soo wareysato. Waxaa kadib NISA ay sheegtay inay wareysatay labada sarkaal, waxayna u gudbisay guddiga baaritaanka warbixin ka kooban 38 bog oo ah jawaabaha ay bixiyeen labada sarkaal. Galka Baarista ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday hab yaab leh oo loo baa’biyey muuqaal ay duubeen kaamirooyinka NISA oo duubay Ikraan markii la waayey. Haddaba xagee ayuu hadda maraya baaritaanka kiiskan? Waxaa jawaabta diirada lagu saaray barnaamijka Galka Baarista, waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf. Hoos ka dhageyso. The post Dhageyso: Galka Baarista oo shaaciyey sir xasaasi ah oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.