-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Tigrayga Ethiopia ayaa isbaheysi la sameystay mucaarad kale oo hubeysan oo dalka ka jira, ayaga oo wada olole meesha looga saarayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, looguna gubdo nidaam ku-meel gaar ah. Isbaheysigan oo dhismihiisa lagu saxiixayo magaalada Washington maanta oo Jimce ah ayaa waxaa qeyb ka ah kooxda TPLF ee Tigray-ga, kooxda OLA ee Oromada, Jabhadda Cafarta ee ARDUF, jabhadda qowmiyadda Agaw ee ADM , jabhadda qowmiyadda Benishangul ee PLM, jabhadda qowmiyadda Gambella ee PLA, jabhadda qowmiyadda Kimant, iyo Jabhadda wax iska caabinta gobolka Soomaalida ee SSR. Jabhadda cusub oo loogu magac daray UFEFF ayaa dooneysa “in la dhiso dowlad ku-meel gaar ah,” si ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sida ugu dhaqsiyaha badan xilka uga dego, waxaa sidaas wakaaladda wararka AP u sheegay Yohanees Abraha oo ka mid ah aas-aasayaasha, “Tallaabada xigta waxay noqon doontaa, dabcan, in la billaabo kulamo iyo xiriiro lala sameynayo dalalka, diblomaasiyiinta iyo jilayaasha caalamiga ah ee Ethiopia iyo dibedda.” Yohanees ayaa sheegay in isbaheysiga cusub uu yahay mid siyaasayeed iyo mid militari. Wax xiriir ah lama lahan dowladda Ethiopia, ayuu ku daray. Afhayeenka Ciidamada Xoreynta Oromada ee OLA, Odaa Tarbii ayaa xaqiijiyey isbaheysiga cusub. Mar wax laga weydiiyey inay ka dhigan tahay bixitaanka Abiy, wuxuu ku jawaabay inay ku xirnaan doonta dowladda Ethiopia iyo dhacdooyinka toddobaadyada soo socda. “Dabcan waxaan doorbideynaa haddii la heli karo isbeddel nabad iyo kala dambeyn ah oo Abiy uu meesha uga baxo,” ayuu yiri. “Hadafka waa in nidaamku noqdaa mid loo dhan yahay sida ugu macquulsan. Waan ognahay in isbeddelka uu u baahan yahay dhammaan saamileyda,” ayuu yiri. Afhayeen u hadashay dowladda Billene Seyoum ayaa u muuqatay inay jawaab ka bixisay isbaheysiga cusub, mar ay qoraal soo dhigtay twitter. “Dhinac kasta oo diida hanaanka dimqoraadiga ah ee Ethiopia ay qaaday kama mid noqon kara dimoqraadiyenta,” ayey tiri ayada oo ula jeeda gusha uu Abiy ka gaaray doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkan. The post Sagaal jabhad oo isbaheysi ku dhowaaqay in qorshe uu Abiy ku baxayo oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu socdo qorshe ay dowlado shisheeye, oo ay Kenya ugu horeyso ku kala qaybinayaan deegaanada Jubaland, waxna looga bedelayo dastuurka Dowlad Goboleedka Jubaland. Korneyl Aadan Axmed Xirsi ayaa tilmaamay in dowladahan ay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kala shaqeynayaan, sidii uu xafiiska ku sii jooggi lahaa, shanta sano ee soo socota, sida uu yiri. Aadan Rufle oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Ayadoo Axmed Madoobe aanu sifo sharci ah ku joogin xafiiska baa waxaa socda wax ka bedel hadda lagu sameynayo Dastuurka Jubbaland, meeshii Madaxweynaha uu xukunka ka hayn lahaa afar sano, sida uu Dastuurku dhigayo in la rabo in lagu bedelo ama lagu qoro shan sano. Saddexda gobol ee Jubbaland baa waxaa la rabaa in lagu soo koobo laba gobol iyo bar, sida Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo oo bar laga goosanayo.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Sida aad ogtihiin Axmed cid ma dooran, Kenyaa dad u afduubtay, Xildhibaano saddex qof hala keeno iyo mid halaga saaree ahayd, Dowladdii Soomaaliyeed way diiday, diidmadaasi ayada ah dowlado ajnabi ah baa socod siiyay.” Waxa kale oo uu yiri “Macnaha waxa socdo waxaa weeye marka Dastuurka Jubbaland la bedelo in Kenya ay Axmed Madoobe siiso shan sano oo kale oo xafiiska uu ku sii joogayo, oo ka bilaabanaysa wixii ka dambeeya bisha 1aad (January) ee sanadka 2022.” Aadan Rufle ayaa yiri “Barnaamijkan oo dowlado shisheeye ay gadaal ka riixayaan waxaa qayb ka ah Maamulka Puntland, siyaasiyiin iyo ganacsato, xuduntooduna ay tahay Xarunta NFD ee Garissa.” Korneyl Rufle ayaa afka ku ballaariyay in yoolku yahay in dhulkaasi lagu hoos geeyo dalka Kenya, ka dib markii Kenya looga adkaaday dacwaddii muranka badda ee Somaliya kala dhaxeysay. “Maadaama Kenya looga adkaaday kiiskii dacwadda badda waxaan ka digeynaa in labada gobol iyo barka ee lagu soo koobayo Jubbaland la hoos geeyo Kenya, ayadoo lagu saleynayo xuduuddii uu Ingiriiska kala dhex dhigay Gobolada Jubbaland iyo NFD, si lamid ah xuduuddii uu Ingiriiska ka sameeyay Reserve Area. Meesha hadda xuduudda la keenayna waxay badda u jirtaa 540km, ujeedka ugu weyna waa in dalka Soomaaliyeed lagu boobo,” ayuu yiri Rufle. Rufle ayaa intaa ku daray “Ugu dambayn, maadaama Dowladdii Soomaaliyeed ay tabar yar tahay waxa uu baaqayagu yahay, dadka Soomaaliyeed iyagooba dowlad lahayn bay is xoreeyeenee inay iska xoreeyaan Kenya, oo ay kula dagaalamaan dhulka ay hadda ka joogto dalka, dhulkaas oo kala ah Gobolka Gedo, Degmada Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda, Gobolka Jubbada Hoose, Degmooyinka Badhaadhe, Afmadow iyo Kismaayo.” The post KENYA ooo qorshe xasaasi ah ka wadda’ JUBALAND appeared first on Caasimada Online.
-
Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed. “Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qarka u saaran tahay guul buuxda oo ka dhan TPLF, balse xooggaga Tigray ayaa maalmihii dambe u muuqday kuwo ku gacan sarreeya dagaalka. Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in gelitaanka Addis Ababa ay meel adag gaarsiin doonto xaaladda bani’aaddannimo ee hadda ka taagan Itoobiya. Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya. Qaran News
-
PRESS RELEASE Germany provides support to vulnerable people in Lesotho This contribution will improve access to food and ensure that vulnerable people, including women, have access to an adequate and nutritious diet MASERU, Lesotho, November 4, 2021/ — The Government of Germany, through the German Federal Foreign Office, has contributed EUR 1.5 million for the years 2021-2023 to the United Nations World Food Programme (WFP) in Lesotho to support highly vulnerable people struggling to meet their basic food needs amidst the COVID-19 pandemic. This is part of a EUR 18 million contribution by Germany to Southern Africa for 2021-2023. This contribution will improve access to food and ensure that vulnerable people, including women, have access to an adequate and nutritious diet in times of need, particularly during the lean season, more commonly referred to as the period between planting and harvesting. The assistance to the identified people will be through monthly cash transfers via mobile money and commodity voucher assistance. “Germany hopes that this funding will contribute to mitigating the suffering of vulnerable people at a time when more of them are in need of humanitarian assistance,” said Andreas Pesche, German Ambassador to South Africa, Lesotho and Eswatini, based in Pretoria. “We commend WFP for its continuous efforts to improve the lives of vulnerable people in the southern Africa region.” According to the 2021 Integrated Food Security Phase Classification, about 312,000 people of the total rural population in Lesotho are food insecure and the Lesotho vulnerability Assessment report estimated that a total of 158,000 urban population in Lesotho is food insecure. In total, about 470,00 people are food insecure and require humanitarian assistance to reduce food gaps, protect and restore livelihoods and prevent acute malnutrition. “WFP welcomes this timely and generous contribution from the people of Germany to enable us to respond to the most urgent humanitarian needs across the country, especially during the difficult times of the COVID-19 pandemic which has impacted already vulnerable groups in Lesotho, driving them into increased food insecurity,” said Lesotho WFP Country Director and Representative, Aurora Rusiga. “This contribution from Germany will go a long way in assisting vulnerable people who are finding it increasingly difficult to put food on the table and in dire need of support.” WFP aims to assist 122,000 food insecure people through emergency response assistance until the end of the lean season in March 2022 with monthly cash transfers via mobile money and commodity vouchers. Beneficiaries receive USD 47 per month to help meet their basic food needs. Presently, the available funding will allow WFP to assist a total of 44,000 food insecure people. SOURCE World Food Programme (WFP) Qaran News
-
Stockholm (Caasimada Online) – Xog uruurin laga helay dugsi waxbarasho ayaa muujisay in hoggaamiye xisbi Islaami Soomaaliyeed oo ka dhisan dalka Sweden lagu helay lunsasho iyo masuq maasuq lacago loogu talagalay goobo waxbarasho. Hoggaamiyahaasi ayaa sidoo kale madax ka ah xisbi siyaasadeed Soomaaliyeed caan ah oo ka howlgala maamulka Puntland. Cabdrisaaq Cabdullaahi “Waaberi” oo sanadkii 2010-kii baarlamaanka Swedan kasoo galay magaalada Göteborg ayaa waxaa kusoo baxday fadeexad culus isagoo xiligan madax u ah xisbi siyaasadeedka Midnimo Qaran ee Puntland. Dowladda Sweden ayaa Cabdirisaaq kala laabatay baasaboorkii iyo dhalashadii, iyadoo todobaadkiiba laba jeer iska xaadiriya xarunta booliska si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeymaha loo haysto, sida ay ku warrameen warbaahinta Sweden. Eedeymaha loo haysto ayaa ka mid ah in uu si shaqsiyan ah u lunsaday lacag gaarayso 13 milyan oo Karoonka Sweden oo looga talagalay xarumo waxbarasho iyo goobo islaami ah oo uu wakiil ka ahaa. Cabdirisaaq Waaberi oo xarunta Islaamiga ah ee Römosseskolan maamulayay tan iyo markii la furay oo ku beegneyd 1998-kii ayaa lagala noqday dhalashada Sweden kadib laga shakiyay inuu ka baxsado Sweden, wuxuuna todobaadkiiba laba jeer iska xaadiriyaa xarunta Booliska. Sidon kale, Cabdirisaaq Waaberi ayaa hadda wajahaya danbi culus maadaama baaritaanadii la sameeyay ay si hordhac ah u sheegayaan in lacagihii waxbarashada loogu talagalay uu u isticmaalay si qaldan iyo inuu masuqmaasuqay, waxaana laga yaabaa inuu wajaho xabsi muddo dheer kadibna dalka Sweden laga masaafuriyo. Sidoo kale lacagaha uu masuq maasuqay waxaa qeyb ka ahaa mashruuc ay waday shirkadda Volvo ee Sweden iyo Somalia ay heshiis ku galeen sanadkii 1980-meeyadii si loo taageero kulluumeysatada Soomaaliyeed si loo helo doono yar yar iyo qalab kaluumeysi. Fadeexadaani ayaa waxay ceeb ku tahay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Islaamka, maadaama magaca lagu masuqay dhaqaalahaasi ay tahay mid xarumo Islaami iyo goobo waxbarasho. Dhanka kale waxay ceeb ku tahay ummada Soomaaliyeed iyo siyaasadooda maadaama uu Cabdirisaaq Waaberi uu madax u ahaa urur siyaasi ah una taagnaa murashaxnimada xubinimo xildhibaan baarlamaanka Somalia ka tirsan. Xigasho: Aftonbladet.se W/T: Ali Muhiyaddiin The post Siyaasi madax ka ah xisbi ka dhisan Somalia oo dacwad musuq ku wajahaya Sweden appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia has asked the African Union Commission (AUC) representative in the country to leave within a week after declaring him persona non grata. In a statement on Thursday, Somalia’s foreign ministry said Simon Mulongo, the AUC’s deputy special representative in Mogadishu, was no longer welcome in the country due to his engagement “in activities [that are] incompatible with AMISOM’s (African Union Mission in Somalia) mandate and Somalia’s security strategy,” He had seven days to leave Somalia, it added, without giving any further reasons for the decision. In a Twitter post, Foreign Minister Mohamed Abdirizak said the Somali government “will hold accountable AMISOM person[n]el, particularly those at the leadership level, who are expected to be beyond reproach in their integrity as they discharge their duty under the UN/AU mandate”. According to the African Union, AMISOM forces first arrived in Somalia in March 2007. Since then, the AMISOM military component has aided Somali national security forces in driving out the al-Qaeda-affiliated armed group al-Shabab from most of the major cities and towns of southern Somalia. SOURCE: NEWS AGENCIES The post Somalia gives African Union envoy seven days to leave country appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Mohammed Ismail Siibad, the Chairman of Mustaqbal, a political association, today urged Puntland parliamentarians to appoint a committee to address issues raised by several political associations in relation to the outcome of the pilot local elections held at three districts in Puntland one week ago. Siibad reminded MPs of their duty to uphold Puntland Constitution. “There is a need to harmonise articles in the Constitution and articles in the electoral law. There is no clarity as to how MPs will be appointed or the size of district councils or how local government budget will be allocated in the absence of a census data. We are bound to repeat the election of a Puntland President by sixty six MPs” Siibad said. Siibad accused The Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC) of power abuse that had resulted in vague political outcomes. Siibad: “Pilot local elections in Puntland should not be fostering political participation inequality.” One of the burning political questions raised by the pilot local elections is whether the councils of the Eyl, Ufayn and Qardho will have a higher status than other Puntland districts whose potential voters had not been given the opportunity to vote, as stipulated in the Puntland Constitution. Mr Siibad has long argued that pilot local elections in Puntland should not foster political participation inequality, an argument that chimed in well with several political associations’ stance on TPEC. Last week, Mustaqbal, and three other political associations issued a joint statement alleging electoral irregularities during the voting at Ufayn, Qardho and Eyl. The statement has made no reference to the source of allegations despite political associations sending observers to polling stations. “TPEC promoted a cumbersome electoral model as basis for the democratisation process in Puntland. It is based on one used by Somaliland administration every ten years, a process through which existing parties and new political associations contest to qualify for political party status. Puntland political stakeholders should have made it clear that only three political associations will participate in local elections in all districts. This demand would have compelled several political organisations to merge instead of competing with each other” said Ali Adan, a political journalist in Bosaso. © Puntland Post, 2021 The post Mustaqbal Chairman Calls for Genuine Transition to Multiparty System in Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka qeyb-galay munaasibad tobabarka loogu soo xirayay qaar kamid ah ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in xilka si dhaqso ah u wareejiyo. Rooble ayaa sheegay in uu faarujin doono xafiiska uu xiligan joogo, kadib marka uu si rasmi ah u dhameystiro doorashooyinka dalka oo muddo badan wajaheyay dib u dhacyo dhowr ah. “Aniga ra’iisul wasaare Rooble ahaan aan sida ugu dhaqsaha badan u faarujiyo xafiiska uguna wareejiyo qofka Ilaahay u calfo, wey iga go’an tahay arrintaas,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale waxa uu faray madaxda dowlad goboleedyada dalka in si dhakhso ah u dardar-geliyaan doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan laga bilaabay magaalada Muqdisho oo lagu doortay kuraas kamid ah kuwa gobolada Waqooyi ee Somaliland. “Waa in shacabka Soomaaliyeed uu culeys ku saaro (Madaxda) in doorashada la boobsiiyo, si dalka uu uga gudbo marxalada uu ku jiro oo uu galo nidaam iyo dowlada cusub.” Rooble ayaa ku bogaadiyey ciidanka booliska Soomaaliyeed sida ay u garab istaageen xiliga kala guurka, isaga oo ku amaanay qeybta ay ka qaadanayaan amaanka doorashada oo muhiim u ah qabsoomideeda. “Waxaa rabaa in halkaan uga mahad-celiyo guddiga doorashooyinka heer federaal oo maanta diray agabkii u dambeeyay ee doorashooyinka oo u kala diray tobanka magaalo ee doorashada ka dhaceyso.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina darajooyin u xiray saraakiil tobabar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar, kuwaas oo lagu wado inay qeyb ka noqdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo sugida Amniga doorashooyinka. The post Rooble oo sheegay inuu xilka ka degayo oo uu deg deg ku wareejinayo haddii… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay diyaarado qiimo hoose ku iibineyso Kenya, kuwaasi oo ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya. Taliyaha ciiddamada cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in diyaaradaha la xaraasho ay ciladooben, kadib markii ay ka dageen dalkaas markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya. “Diyaarad 30 sano meel taallay oo duur la dhigay, oo aan dayactir helin, waxay hadda ka dhigan tahay wax la tuuray,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Cali. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Kenya aysan xiriir kala soo sameyn xaraashida diyaaradahaas, oo ay lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya. “In ay diyaarado Soomaaliya leedahay ay xaraashayaan waan arkay, laakiin cid nala so xidhiidhay oo Kenya ahi ma ay jirin.” “Adigu haddii aad baabuur inta meel dhigto uga tagto oo uu 30 sano yaallo, baabuurkaasi waa wax la tuuray saw maaha? Markaa waxaa la gadayaa waa birihi, ee maaha wax hadda diyaarad ahaana loo iibinayo.” Kenya ayaa soo bandhigtay diyaarado ay ku sheegtay inay yihiin kuwa aan la isticmaalin muddo dheer, kuwaas oo kala yaalla garoomada dalkeeda, sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport. Waxay dowladda Kenya sheegtay in dhammaan diyaaradahaan la xaraashi doono marka la gaaro 17-ka bishaan November, waxaana lasoo dhigay goobaha lagu iibiyo diyaaradaha, waxaana kamid ah laba diyaaradood oo ku diiwaan-gashan 3C-ZZA iyo 8204 oo ah nooca AN24 oo ay lahaayeen ciidamada Cirka ee Soomaaliya. Sida lagu qoray qarasha lagu doonayo mid weliba waa KShs. 73,000 oo u dhiganta $730. Diyaardihii ay laheyd Soomaaliya ayaa gacanta u galay dowlado kale, kadib burburkii ku yimid dowladdii uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, mana jirto illaa hadda hal diyaarad oo lagu soo celiyey gacanta Soomaaliya. The post DF oo jawaab ka bixisay diyaaradaha Soomaaliya ee ay xaraasheyso KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
A Somali YouTuber based in Kuwait has raised $1 million in just over a day to aid refugees and the displaced in Syria, Lebanon, Iraq and Jordan. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ka ceyrisay ku-xigeenka eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, oo kasoo jeeda dalka Uganda. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin), waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 maalmood gudahood ah. Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.” Haddaba Caasimada Online, oo la xiriirtay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa heshay xog ku saabsan sababaha dalka looga eryey Simon Mulongo. Simon Mulongo ayaa lagu eedeeyey xadgudubyo bulsho iyo kuwa siyaasadeed oo dalka uu ka galay, kuwaasi oo soo jiitamayey muddo, sida aan xogta ku helnay, waxaana qodobada ay nala wadageen ilo-wareedyada wasaaradda amniga ay kala yihiin:- 1- Simon waxa uu ahaa shaqsi ku caan baxay inuu ka shaqeeyo waxyaabo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, kana baxsan xuduudda Maandhaytka Hawlgalka Midowga Afrika. Isaga oo xogo khaldan oo ka fog waaqaca mar walba dalkeenna ka gudbin jirey. 2- Waxaa uu baqemaali jirey (Black Mailing) siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, isaga ugu hanjebi jirey ceebayn, qaar ugu cago juglayn jirey inuu dilayo, kuwo kale na uu isku diri jirey isaga oo farriimo khaldan u kala qaadaya. 3- Waxa uu ahaa shaqsi aan Soomaaliya u aqoonsanayn in ay tahay Qaran Madax bannaan oo leh Dowlad la aqoonsan yahay. Waxa uuna si bareer ugu kici jirey falal ka marag kacaya arrimahaas, isaga oo shirarka iyo fagaareyaasha ba ka sheegi jirey in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad, balse ay tahay qabaa’illo mid walba mudan yahay in gaarkiisa loola tacaamulo. 4- Waxa uu isaga oo adeegsanaya shaarka Midowga Afrika jaajuusi jirey ciidammada iyo hay’adaha kale ee dowladda, isaga oo xogaha iyo sirta dowladda la wadaagi jirey shaqsiyaad, hay’ado iyo dowlado shisheeye. Waxa uuna ka samayn jirey macaash dhaqaale iyo ujeeddooyin u gaar ahaa isaga. 5- Waxa uu Hay’ad shisheeye oo ay ka mid tahay tan la la dhoho Sahan iyo shaqsiga la yiraahdo Matt Brydan kala shaqeeyey in dalkeenna ay ka gudbiyaan xogo iyo siro khatar geliyey amniga qaranka, madax bannaanida dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. 6- Waxa uu baad ka qaadi jirey ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed isagoo ugu hanjabi jirey inuu ku eedaynayo inay argagixisada gacansaar la leeyihiin. Waxaa kale oo uu si gaar ah u baadi jirey shirkadaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaraha iyo xayndaabka Xalane, waxaana arrintaas u fududayn jirey saraakiil kale oo ajnabi ah oo uu ka mid yahay ninka la dhoho Micah, una dhashay dalka Zimbabwe. 7- Waxa uu xadgudubyo jinsi iyo falal faroxumayn kula kacay hablo Soomaaliyeed oo ka shaqaynayey xafiiskiisa iyo xafiisyada kale ee Hawlgalka Midowga Afrika. Taasoo caddaymahooda ay dowladdu gacanta ku hayso. Dhammaan arrimahaas ayaa keenay in dalka laga eryo Simon Mulongo, sida ay ogaatay Caasimada Online. Mulongo ayaa noqonaya diblomaasigii labaad ee dalkeenna laga baaciyo muddo 2 sano gudohood ah, iyada oo la dul dhigay amarka ah “Dalkan lagaama rabo”, (Persona Non grata), loona qabtay muddo 7 maalmood ah inuu dalka isaga boxo. The post Xog: Toddobada xadgudub ee lagu eedeeyey Simon Mulongo ee keenay in dalka laga eryo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay eedeymaha uga yimid xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi kadib markii hay’adda NISA ay garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado drone ah oo uu sheegay inuu isagu lahaa. Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in diyaaradahaas aysan aheyn kuwa militari, balse loogu talo-galay in lagu waraabiyo beeraha iyo in lagu buufiyo ayaxa, wuxuuna madaxtooyada ku eedeeyey inay arrimo siyaasadeed dartood u beegsatay. “Madaxweynaha ayaa arrinta u sheegay, go’aan waxaa lagu gaaray in la i ceebeeyo, oo been la iga sheego, arrinta haddaan daba-galayna arrin siyaasadeed weeye. Madaxweyne ayaa isku sharaxay, waxaa la ogyahay inaan dadka Soomaaliyeed sumcad ku dhex leeyahay, tartanka yuu gelin oo aan ceebeyno ayaa loola jeeda, waana dulmi afar sano lagu hayey shacabka Soomaaliyeed, oo hadda aniga la igu soo afmeeray,” ayuu yiri Zakariye. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta xildhibaan Zakariye, wuxuuna sheegay in arrintan ay tahay mid amni, oo khuseysa laamaha amniga. “Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay beeninaysaa eedahan mala’waalka ah ee uu soo jeediyey xildhibaanku, waxaanna garowsannahay in arrintani ay tahay mid khuseysa laamaha ammaanka, sidaas darteed ma habboona in la siyaasadeeyo ama la hareer maro hannaanka ay laamaha ammaanku u gudanayaan waajibaadkooda ku aaddan hubinta waxyaabaha dalka soo galaya, si aysan u noqon kuwo waxyeeleeya amniga iyo xasilloonida dalka,” ayuu Cabdirashiid ku yiri qoraal uu usoo diray Caasimada Online oo la xiriirtay. “Waxaan ku hagaynaa xildhibaanka u doodaya badeecaddan ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanku inuu iyaga kala xiriiro oo uu dhowro baaritaannada ay ku hubinayaan, una fududeeyo wixii lagu ilaalinayo amniga dalkeenna,” ayuu yiri. Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda NISA ayaa Caasimada Online u sheegay in tuhun weyn laga qabo diyaaradahan, oo ay ka mid tahay in loo wado Xuutiyiinta dalka Yemen. The post Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeynta xildhibaan Zakariye ee la xiriirta diyaaradaha drone-ka appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ku-xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo in uu dalka uga baxo muddo todobo (7) cisho gudahooda. Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan dalka laga rabin Simon Mulongo oo lagu eedeeyay inuu ku gudajiro howlo aan waafaqsanayn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda amniga. Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaar ah ee Twitter-ka ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay la xisaabtami doona shaqaalaha AMISOM, gaar ahaan hoggaanka. Simon Mulongo oo ka soo jeedda dalka Uganda ayaa noqonaya diblomaasigii labaad oo ay dalka ka cayriso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. 2019 ayaa sidaan oo kale loo cayriyay Wakiillii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Ku-xigeenkii Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la cayriyay appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada in ay dardargeliyaan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa tilmaamay in doorashada Golaha Shacabka ay tahay arrin dedeg ah oo loo baahan yahay in la boobsiiyo, si dalku uga gudbo marxaladda uu hadda ku jiro. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u mahadceliyay guddiga doorashooyinka oo uu sheegay in ay maanta qalabkii doorashada u kala direen 10 magaalo oo ay dhaceyso doorashada Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadalkiisa ay ka muuqatay in aan weli la hayn dhaqaalihii Beesha Caalamku ugu yaboohday doorashada Soomaaliya ayaa yiri “Wixii awoodeena ah waa diyaar, biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa, sacabadeena waa in aan wax ku qabsanaa oo cidna sugin”. Ugu dambeyn Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kala qeybqaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho degdeg ah, si uu isaguna xafiiska u wareejiyo. PUNTLAND POST The post Rooble oo fariin u diray dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ‘persona non-grata’ ka dhigtay Simon Mulongo oo ah ku xigeenka ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna ku amartay inuu 7 Maalin dalka uga baxo. Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Declaration by the High Representative on behalf of the EU on the situation in Ethiopia The EU reiterates that there is no military solution and calls on all parties to the conflict to implement a meaningful ceasefire with immediate effect and engage in political negotiations BRUSSELS, Belgium, November 4, 2021/ — After one year of fighting, the conflict in northern Ethiopia has further worsened and expanded, creating a devastating humanitarian crisis, undermining the territorial integrity and stability of the country and impacting the whole region. The EU is particularly worried about the recent escalation of fighting in the Amhara region and the military advances of the TPLF and Oromo Liberation Army (OLA), as well as aerial bombardment by the Ethiopian Airforce of Mekelle, all of which risk dragging the country further into fragmentation and widespread armed conflict and worsening the situation of the population. The EU reiterates that there is no military solution and calls on all parties to the conflict to implement a meaningful ceasefire with immediate effect and engage in political negotiations without pre-conditions, showing responsibility and political leadership. The EU reiterates its call for the full and immediate withdrawal of Eritrean troops from Ethiopia’s territory. In Tigray, violence has forced close to 3 million people to flee their homes and more than 5 million people are in need of urgent humanitarian assistance. In the neighbouring regions of Afar and Amhara, an additional 1.5 million people are estimated to be in need of emergency assistance. Immediate action is needed to ensure full, continuous and predictable access of humanitarian aid into all territories in need of assistance to avert a large-scale famine and relieve the suffering of the local population and IDPs. All parties to the conflict must fully respect International Humanitarian Law, including protection of civilians and humanitarian workers. The EU welcomes the publication of the joint OHCHR and Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) report on 3 November. The EU also welcomes the statement by High Commissioner for Human Rights, Michelle Bachelet, following the report’s publication, on the impact of the armed conflict until June 2021. As illustrated by the OHCHR/EHRC report, as well as the High Commissioner’s statement, ethnic violence, torture and ill-treatment of civilians and captured combatants, sexual and gender-based violence including rape, looting of property, destruction of infrastructure and religious sites, violations of international humanitarian law as well as other human rights violations and abuses, must stop immediately. Some of these violations may amount to war crimes and crimes against humanity. Perpetrators must be held accountable in an independent, transparent and impartial manner. Inquiries on atrocities committed after June 2021 must continue to ensure accountability and justice for victims and survivors. The EU asks for swift and full implementation of the recommendations of the joint report. The EU supports regional and African Union mediation efforts, led by Special Representative Obasanjo, trusting that these will deliver peace. The EU further underlines the importance of launching an Ethiopian-led inclusive national dialogue, within the framework of the Ethiopian Constitution, in order to promote reconciliation. Ethiopia is a long-term partner for the EU and we stand with its people in support of peace, justice, and prosperity. The EU supports the stability, unity and territorial integrity of Ethiopia. The EU remains ready to use all its foreign policy tools, including restrictive measures, to promote peace, adherence to international humanitarian and human rights law, and help end conflict. SOURCE Council of the European Union Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ku ceyrisay ku-xigeenka eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaraadda arrimahdda dibedda, oo ay heshay Caasimada Online. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraalka oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo uu dalka uga baxo muddo toddoba maalmood gudahood ah, kadib markii laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin) Qoraalka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.” Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin waxa ay yihiin dhaq-dhaqaaqyada uu ku lug yeeshay Mulongo. Hoos ka aqriso qoraalka The post DEG DEG: DF oo dalka ka ceyrisay ku-xigeenkii ergeyga Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Saudi Arabia’s Telecommunications Operator, Specialized by STC, Launches Broadband Push-to-Talk Solution from Motorola Solutions New service delivers secure multimedia and data sharing capabilities to enhance collaboration, productivity and safety MADRID, Spain, November 4, 2021/ — Specialized by STC (https://bit.ly/3bFyZgv), the leading telecommunications operator in Saudi Arabia, has selected Motorola Solutions (https://bit.ly/3q6sr2U) to deliver a next-generation mission-critical Push-to-Talk (PTT) (https://bit.ly/3EGSZMk) solution to provide its customers with instant communication and collaboration capabilities to increase efficiency, productivity and customer satisfaction. Motorola Solutions will deliver a scalable, highly resilient, network-integrated 3GPP standards-compliant mission-critical solution that provides secure connectivity over Specialized by STC’s LTE network. The new service will offer enhanced multimedia capabilities including push-to-video and text, file transfer, location and geo-fencing services, with seamless connection for users regardless of the type of device they carry. The operator can also expand the service with new mission-critical solutions and applications in the future. “Our investment will immediately enhance communication for our customers, whilst future-proofing the network for new services in coming years”, said Hesham Almomen, chief technology officer at Specialized by STC. “As the leading telecommunications operator in Saudi Arabia, our network must be secure, reliable and optimized for safety to support our wide range of customers spanning government agencies, public safety and enterprise organizations.” “We look forward to building on our successful partnership with Specialized by STC to offer secure and dynamic communication capabilities that support customers’ operational and security priorities,” said Patrick Fitting, regional vice president Middle East and Africa at Motorola Solutions.”Specialized joins Swedish operator, Telia (https://bit.ly/3CWWAVS), Dutch telecommunications provider, KPN and French telecommunications operator, SFR (https://bit.ly/31wxK1x), in selecting Motorola Solutions’ mission-critical PTT for best-in-class performance, cost efficiency, reliability, scalability and voice quality.” SOURCE Motorola Solutions Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu weecinayo weerar lagu qaado caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa maanta xoogeystay kadib markii ciidamada Tigray-ga ay toddobaadkan u siqeen dhanka caasimadda. Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, si uu u cadaadiyo in la hakiyo howlgallada militari loona billaabo wadahadallo xabad joojin ah. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku baaqay kulan ay hogaamiyayaasha Bariga Afrika isugu yimaadaan 16-ka November si looga wadahadlo dagaalka dowladda Ethiopia iyo kooxda Tigrayga ee TPLF. Sidoo kale, ururka goboleedka IGAD ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah, wuxuuna dhinacyada ku booriyey inay muujiyaan isxakameyn. Xogyahaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa isna sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, una yaboohay taageerada xafiiskiisa si loo abuuro jawi wadahadal loona joojiyo dagaalka. Dhinaca kale, safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa shalay ogolaatay inay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo qoysaskooda ka bixi karaan magaalada sababo la xiriira colaadda. Washington ayaa Arbacadii sheegtay “inay si xooggan uga walaacsan tahay” xaaladda, waxayna ku baaqday in la hakiyo howlgallada militari. “Waaxda Arrimaha Dibedda waxay ansixisay in shaqaalaha aan lagama maarmaanka aheyn iyo qoyasaskooda ay ka tagi karaan Ethiopia sababo la xiriira dagaalka hubeysan, kacdoonka shacabka iyo suurta-galnimada gaabis ku yimaada sahayda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Addis-Ababa. Dowladda Abiy ayaa Talaadadii waxay xaalad deg deg ah gelisay dalka kadib markii Tigray-ga ay ku hanjabeen inay qabsan doonaan caasimadda. Ciidamada Tigray-ga ayaa ku sugan magaalada Kemise ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta Addis-Ababa, sida uu sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda. Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee xulafada la sameystay kooxda Tigrayga. Kooxda Tigrayga ee TPLF iyo kooxda Oromada ee OLA ayaa sheegtay in maalmihii tegay qabsadeen dhul badan, kadaal dagaal xooggan oo ay la galeen ciidamada dowladda Abiy Ahmed. Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.” “Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri. Afhayeenka dowladda Legesse Tulu kama jawaabin codsi jawaab celin oo loo diray. Reuters + VOA The post Wararkii ugu dambeeyey weerarka ku wajahan Addis Ababa ee lagu qabsan rabo appeared first on Caasimada Online.