-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose. Saddexda eedeysane ee la toogtay ayaa kala ah: Abuukar Axmed Maxamed (Anwar) Xamsa Jeylaani Cabdullaahi (Abtiga) Xassan Cali Xuseen (Garaad) Maxkamadda ayaa horey ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu cadeeyay in ay ka dambeeyeen weerarro iyo falal argagixiso oo ay ku dhinteen dad shacab ah iyo ciidamo, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale. Xukunka oo lagu fuliyay tiirka caddaaladda ayaa qeyb ka ah howlgalka dowladda ee lagu ciribtirayo maleeshiyada Shabaab iyo ka hortagga falalka amni darrada ah ee ka dhaca dalka. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u canbaareeyay awooda ciidan ee xad-dhaafka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya u adeegsanayso barakicinta qoysaska danyarta ah ee ku nool xerada Horseed ee Degmada Hodan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay arrintan ayaandarro weyn, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed u caddaynayo in ciidankii lagu aaminay difaaca shacabka iyo la dagaallanka argagixisada ay xabbad ku ridayaan ciidan kale oo difaacaya qoysaskooda danyarta ah. “Waxaa nasiib darro ah in ciidankii ilaalin lahaa nabadgelyada shacabka, dalkana ka difaaci lahaa argagixisada ay xabbad ku ridayaan ciidan kale oo difaacaya qoysaskooda danyarta ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda iyo ganacsato dano gaar ah wadaagaya inay ku lug leeyihiin dhul-boob baahsan, taas oo dhaawacday haybaddii dowladnimo, niyad-jabisayna shacabka iyo ciidanka. “Dhul boobka ay shirkada ku yihiin madaxda dowladda iyo ganacsatada danlayda ah wuxuu dilay haybaddii dowladnimo iyo mooraalkii ciidanka, wuxuuna niyad jabiyey hankii shacabka ay ka lahaayeen dowladda,” ayuu raaciyay Isagoo ka digaya khatarta arrintan. PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war ka soo saaray Bara-kicinta Madaxweyne Xasan Sheekh ku hayo Shacabka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa aad baraha bulshada loo hadal hayey muuqaalka haweeney la sheegay in magaalada Muqdisho ayadoo da’ 60-aad ah ay ku dhashay carruur. Sheekadaas ayaa dad badan oo baraha bulshada ku arkay ay u riyaaqeen, ayagoo u duceeyey qofka masawirkiisa la soo bandhigay. Dhanka kale waxaa aad u yaraa dadka aan rumaysan. Haddaba maxaa ka jira, maxayse yihiin arrimaha ku gadaaman sheekadan iyo xaqiiqdeeda. Ilaa dhowr maalmood ayuu muuqaalkaas ku jiraa baraha bulshada, waxaana intaa dheer in dhakhtar ka hawlgala isbitaal ka mid ah isbitaallada Muqdisho uu dul taagan yahay masawir muujinaya haweeney dhabta ku haysa ilmo aad u yar. Baaritaan ay BBC samaysay ka dib waxaa cadaatay in arrintaas aysan ahayn mid dhab ah, sababtuna waa haweeneyda oo sheegtay in aysan dhalin ilmaha. BBC waxay la kulantay haweeneydaas oo magaceeda ku soo koobtay Faaduma, waxayna tiri “Xaaladaas waxay ahayd mid aan fududaysannay, hadda way dhacday, wax dhib ahna uma arko, cunugaasna ciddii dhashay allah u dhawro, aniga waan jirranahay caafimaad allah i siiyo, intaas ayey ku ekayd kuna ekaan doontaa haddii alle idmo” ayey tiri Faadumo. Ayadoo ka hadlaysay sida ilamahaas yar loogu sawiray ayey tiri Faadumo “Aniga cunugga dhabta ayaa la ii saaray, ayagana (kuwa sawirka qaaday) markay arkeen cunuggii oo aan hayo waxay moodeen in aan aniga dhalay. Anigu ma dhalin, cunugaas waxaa lagu dhalay isbitaalkaas, anigana isbitaalka jirro ayaan u imid” ayey sii raaciyey Faadumo. Xigashada Sawirka,Mohamud Abdiasis BBC Dhanka kale, sidii ay xaaladahan isugu aad -aad een iyo xaqiiqda jirta ayaa BBC waxaa uga warramay Dr Maajid Bakuur oo ah dhakhtar ku takhasusay daweynta dhalma la’aanta iyo cudurrada haweenka oo ka hawlgala isbitaalka Taran Androcare. “Iyadoo ay ii joogto haweeneey aan qaliin u sameynay si aan xaaladeeda ula socono ayaa waxaan ka dhaliyay hooyo kale, intii lagu guda jiray farxada reerka ayaan cunugii intaan qaaday ayaan isbitaalka la dhexmaray intii aan socday ayaan arkay hooyadaan oo murugeysan markaas ayaan canugga u dhiibay ka dibna sawirrada ayaan soo dhigay barteyda TikTok, balse nasiib daro si khaldan ayaa loo fahmay oo si weyn ayuu ugu baahay baraha bulashada in haweeneydaan ay cunugga dhashay” ayuu yiri Dr maajid. Xigashada Sawirka,Mohamud Abdiasis BBC Waxaa kale oo soo baxay in sawirrada qaar loo adeegsaday garaadka macmalka (AI) oo aysan ahayn kuwo dhab ah. Waxaa isna arrimahan BBC uga warramay madaxa caafimaadka ee isbitaalka Dr Maxamed Cabdullaahi Ciise. “Arrintan waxaan ku baraarugnay 11kii bishan ayadoo aad la isku dhaafsanayo, waxayna ka bilaabatay maamo xaalad caafimaad u soo gashay isbitaalka iyo gabar isbitaalka lagu qalay. Waxayna qisada u dhacday in maamada ay dhakhaatiirtu doonayeen inay farxad galiyaan, waxayna soo qaadeen ilmihii yaraa ka dib markii ay fasax ka soo qaateen waalidkii dhalay, ka dibna maamada ayey dhabta u saareen, ayagana sawir ayey la galeen si ay farxad u dareensiiyaan, ka dibna dhakhtarka ayaa bartiisa Tiktok soo dhigay” ayuu yiri. Wuxu intaa ku daray inay ku baraarugeen sawirkii maamada iyo dhakhtarka oo “la wareejinayo baraha bulshada, ayadoo lagu tilmaamayo in hooyadan ay jirto lixdan sano, ka dibna ay ilmo heshay oo isbitaalka ay ku dhashay”. Wuxuu intaa sii raaciyey in reerka ilmaha dhalay iyo maamada aysan is aqoon, hooyadana ay tahay ayeeyo hore carruur u dhashay, oo kaliyana ay doonayeen inay farxad galiyaan. Wuxuu kaloo Dr Maxamed sheegay in ay aad u ilaaliyaan anshaxa dhanka caafimaadka. Arrintan ayaa muujinaysa sida ay baraha bulshada ugu fidaan wararka aan runta ku salaysnayn ama ku talagal loo baahiyo. Qaran News
-
Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysan ayaa saaka waxaa uu ka socda garoonka Horseed ee ku yaalla isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadka uu bilowday kaddib markii ciidamada dowladda Federaalku weerar ku qaadeen dabley hubaysan oo ka gadoodsan bara-kicin lagu wado shacabka deggan aaggaasi oo dowladdu doonayso in ay khasab ku bara-kiciso si ay dhulkaasi ula wareegto. Ciidamada dowladda ee weerarka qaaday ayaa hub culus u adeegsanaya kooxda hubaysan ee ka dagaallamaya garoonkii Horseed ee isgoyska Tarabuunka, waxaana la sheegaya in khasaare kala duwan ka dhashay dagaalka labada dhinac, inkastoo aysa weli soo bixin xog faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha jira. PUNTLAND POST The post Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Rag hubaysan oo saaka ka socda isgoyska Tarabuunka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Fears as stray bullets, rockets from Somalia strike Mandera
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Fear and anxiety rocked Mandera residents as stray bullets, rockets and live ordnance hit Kenyan soil, endangering lives and destroying property. Source: Hiiraan Online -
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo saaka jarmaadii hore ka bilowday xaafado ku yaalla Tarabuunka magaalada Muqdisho, kaas oo ilaa haatan socda, islamarkaana dhawaaqa rasaasta laga maqlayo caasimadda inteeda badan. Dagaalka oo ka bilowday xerada loo yaqaanno Horseed ayaa u dhexeeya ciidanka ka tirsan dowlad iyo dabley deegaanka ah oo ka soo horjeeda in dhulkaas dadka deggan xoog looga raro. Ilaa hadda ma jiraan xogo sugan oo laga hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana weli la maqlayaa dhawaaqa rasaasta laysku adeegsanayo, wixii ka soo kordhana Goobjoog ayaa kala socan doontaan haddii Alle yiraahdo. Source: goobjoog.com
-
′ Bishii Diisambar ee 2024, xildhibaan Scott Perry waxa uu Koongarayska Maraykanka horgeeyey “Xeerka Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland” oo summaddiisu ahayd H.R. 10402. Xeerku waxa uu ku baaqayay in Somaliland la aqoonsado, xidhiidh diblumaasiyadeed oo rasmi ahna uu Maraykanku la sameeyo. Waxa xigay in bishii Jeenaweri ee 2025-kii, Guddi-hoosaadka Koongarayska Maraykanka ee qaabbilsan Tartanka Shiinaha iyo Maraykanka, oo hoggaamiyo xildhibaan John Moolenaar, ay warqad u direen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, oo ay ku codsanayaan in Maraykanku xafiis ka furto Hargeysa, taladan oo ka dhigan in sare loo qaado xidhiidhka diblumaasiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Somaliland iyo dib ugu laabashada siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Sida lagu xusay wabsaydka Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika, bishii Juun ee isla sannadkan, waxa Hargeysa yimi Hoggaanka Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Michael Langley, waxanu kulan la yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Milatariga iyo Taliya Ciidamada Xeebaha Somaliland. Sidoo kale, miisaaniyadda Maraykanka ee 2026 oo loo gudbiyey Koongarayska, waxa kasoo dhex muuqatay Somaliland, oo loo qoondeeyey in laga taageero maamul wanaagga iyo arrimaha nabadgalyada, lana xoojiyo dhismaha haayadaha dawladeed. Haddaba, dedaalladan gudaha Maraykanka ka socdaa maxay caddaynayaan? Maxaa se iska beddelay siyaasaddii Maraykanka ee ahayd “Soomaaliya Mid ah” iyo guud ahaan siyaasaddii Maraykan ee Geeska? Maqaalkani waxa uu lafa gurayaa, isla markaas isku dayayaa in uu u jid bixiyo, wayddiimahan oo idil. Siyaasaddii Soo-jireenka Ahayd ee Maraykanka Siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika iyo joogitaankiisa istiraatiijiyadeed ee gobolku waxa ay xoogga saarayeen, labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, laba qodob: la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta saldhiggiisa ciidan ee Jabbuuti. Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama Soomaaliya, Maraykanku waxa uu muddo dheer u aqoonsanaa khatarta ugu weyn ee gobolka ka jirta, sidaas darteed, waxa uu cududdiisa gobolka isugu geeyey la dagaallanka argagixisada, isaga oo u maraya: duqaymaha cirka ee uu sida joogtada uga gaysto goobaha ay kooxahani haystaan, taageerada uu la garabjoogay Xukuumadda Federaalka oo uu ka caawinayey dawlad-dhiska iyo qalabaynta ciidamada, iyo taageeridda hawlgallada ciidan ee Midawga Afrik ka wadaan Soomaaliya, AMISOM iyo ATMIS. Dhinaca kale, Jabbuuti waxa uu Maraykanku ku leeyahay saldhigga ciidan ee ugu weyn Afrika, oo ah saldhigga uu ka taakuleeyo dhammaan hawlgallada ciidan ee qaaradda, halbawlena u ah AFRICOM. Dalalka kale ee Geeska Afrika, walow uu Maraykanku badankooda la lahaa xidhiidh wanaagsan (marka laga reebo Eretariya, oo Maraykanku cunaqabatayn saaray laga soo bilaabo 2009-kii), se haddana waxa uu ahaa xidhiidh, inta badan, diiradda saara iskaashiga dhinaca amniga, sida ka-hortagga kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ka dagaallama. Muddadaas dheer, faragelinta Maraykanka ee khilaafyada gudeed ee Geesku aad ayaa ay u hoosaysay. Waxa kale oo hooseeyey xidhiidhada ganacsi iyo maalgashi ee uu dalalkan la wadaago, marka la barbardhigo dalalka kale ee Afrika, sida ku cad xogta ay ay baahisay US International Trade Administration. Marka ay joogto qaddiyadda Somaliland ee goonni- isu-taagga ah, siyaasadda soojireenka ah ee Maraykanku waxa ay ahayd la macaamilka dawladda dhexe iyo in aanu u daadigin khilaafyada hoose ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Siyaasadda Maraykan ee “Soomaaliya Mid ah” iyo guud ahaan xoojinta nabadgalyada gobolka, waxa qaabaynteeda qayb weyn ku leh hindisaha argagixiso la-dirirka ee ballaadhay waxii ka dambeeyey qaraxyadii Sebtember ee Maraykanka. Marka laga yimaaddo habraacyada iyo shuruucda caalamiga ah, Maraykanku waxa uu muddadan dheer aaminsanaa in cidhibtirka argagixisada lagu gaadhi karo taageeridda siyaasadda “Soomaaliya Mid ah”, waxii siyaasaddan ka duwanina keenayaan kala daadasho iyo in kooxaha Islaamiyiintu ka faa’idaystaan goldaloollada amni. Haddaba, waxa is wayddiin mudan, maxaa siyaasaddan soojireenka ahayd beddelay? Sidee ayaa ay, se, Somaliland udubdhexaad ugu noqotay siyaasaddiisa cusub? Geeska Afrika waxa ka dhacay isbeddello waaweyn, oo Maraykanka ku khasbaya in uu dib u qaabeeyo siyaasaddiisa, isbeddelladanna waxa ugu mudan qodobbadan: Isballaadhinta Shiinaha Shiinuhu waxa uu Maraykanka si aad ah ugu cidhiidhiyey Geeska Afrika, isaga oo saameyn iyo galaangal ku yeeshay dalalka Geesta. Sida uu Debisa ku faahfaahinayo maqaalkiisa “Great Powers in Africa: the US and China’s Rival Interests in Ethiopia”, gebi ahaanba waxa kala duwan istiraatiijiyadaha labadan dal u mareen isku ballaadhinta Geeska Afrika. Istiraatiijiyadda Maraykanka oo muddo dheer xoogga saaraysay xasilinta, iska kaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada, waxa ay hoos u dhigtay dhinacyada maalgashiga. Taas lidkeeda Shiinuhu waxa uu xoogga saarayaa Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Is fidinta Shiinaha kolka ay joogto, ka soo bilaw Jabbuuti, oo ah dalka uu Maraykanku ku leeyahay saldhigga ugu weyn Afrika. Shiinuhu waxa uu 2017-kii Jabbuuti ka hirgaliyey saldhiggii milatari ee ugu horreeyey ee uu ku yeesho meel ka baxsan Shiinaha. Waa markii koowaad ee Shiinaha iyo Maraykanku ay dal ku wada lahaadaan saldhigyo milatari, Maraykankuna waxa uu markan u baqay xogihiisa sirdoon iyo hawlgallada uu ka abaabulo saldhiggan. Sidoo kale, Shiinuhu waxa uu maalgaliyey dhismaha dekedda Dooraale ee Jabbuuti, waxa uu dhisay Xarunta Ganacsiga Xorta ah ee Jabbuuti, oo ka mid ah kuwa ugu weyn Afrika, waxaanu maalgeliyey dhismaha jidka tareen ee Jabbuuti iyo Itoobbiya isku xidha. Shiinuhu, waxa kale oo uu isku ballaadhiyey Itoobbiya. Itoobbiya waxa ay 2013-kii ku biirtay mashruuca Hindisaha Jidka Xariirta (BRI), oo ah mashruuc uu Shiinuhu ku horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka, sida jidadka, tareennada, tamarta, dekedaha iyo tiknoolajiyadda. Shiinuhu waxa uu dib u dhisay jidka tareen ee Itoobbiya iyo Jabbuuti isku xidha, jidkanina waxa uu Itoobbiya u noqday halbawlaha ay badda iyo dekedaha ku gaadho. Sidoo kale, Shiinuhu waxa uu qayb laxaad leh ka qaatay dhismaha Dhaamka ugu weyn Afrika ee tamarta dhaliya, oo ay Addis ka hirgalisay webiga Niilka. Waxa uu maalgaliyey kaabayaal dhaqaale oo tirobeel ah, sida jidad, xarumaha tamarta iyo isgaadhsiinta, Itoobbiyana waxa uu xarumo uga furay warshado Shiinaha laga leeyahay. Sida bishii Diisambar ee 2024 lagu xusay mareegta rasmiga ah ee Belt and Road, Shiinuhu waxa uu Itoobbiya ka hirgaliyey mashaariic ka badan 3,300 oo lagu qiimeeyey 8.5 bilyan doollar, abuurayna shaqooyin ka badan 325 kun. Haddii Soomaaliya ay Maraykanka muddo dheer u ahayd meesha uu xoogga ku saaro la dagaallanka argagixisada, markanna waxa lagaga daba yimid Soomaaliya. Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaadhacaysay dagaalladii sokeeye iyo dagaallada Islaamiyiinta, waxa aad u hooseeyey danaynta Shiinaha, se danayntaasi waxa ay is beddeshay waxii ka dambeeyey xidhiidhkii Somaliland iyo Taywaan. 1-dii Julaay ee 2020-kii, Somaliland iyo Taywaan waxa ay shaaciyeen xidhiidh rasmi ah oo labada dhinac yeesheen, muddo yar dabadeedna, labada dalba waxa ay is waydaarsadeen safaarado. Bil ka dib shaacintaas, oo ku beegan 1-dii Ogos ee 2020-kii, safiirkii Shiinaha u fadhiyey Soomaaliya, Qin Jian, iyo wafti heersare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, ayaa tagay magaalada Hargeysa. Weftigani waxa uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaanay Somaliland ka codsadeen in ay xidhiidhka u jarto Taywaan, taas beddelkeedana uu Shiinuhu Somaliland ka hirgalin doono maashaariic horumarineed, sida jidad iyo madaarro. Sida Somaliland Chronicle ka soo xigatay masuuliyiin xukuumaddaas ka tirsanaa, Somaliland waa ay diidday maashaariicdaas horumarineed ee shardigu ku xidhan yahay, waxaanay sii xoojisay xidhiidhka Taywaan. Kolkan, Shiinuhu faro madhnaan ayaa uu kala huleelay Soomaalilaan, intaas waxii ka dambeeyeyna, waxa uu xoogga saaray in uu wiiqo qaddiyadda Somaliland. Waxa uu libanlaabay xidhiidhka marka horeba wanaagsanaa ee uu la lahaa Federaalka Soomaaliya, waxaanu ka hawlgalay sidii Xukuumadda Federaalku ugu guulaysan lahayd soo afjaridda qaddiyadda Somaliland. Waxa uu bilaabay in uu siyaasadda “Soomaaliya Mid ah” suuq geeyo, Midawga Afrika iyo IGAD-na ku cadaadiyo. Shiinuhu waxa kale oo uu si cad u taageersan yahay dedaallada Xukuumadda Federaalku ay maamul-goboleed kaga dhisayso gobollada Sool iyo Sanaag, oo uu u arko hawl soo afjari karta qaddiyadda Somaliland. Waxa taas sii xoojinaysa kulankii Muqdisho ku dhex maray safiirka Shiinaha iyo hoggaamiyaha Khaatumo, bishii Maaj ee sannadkan. Tallaabooyinkan oo idil, Shiinuhu waxa uu u arkaa kuwo uu ku caadaadin karo Soomaalilaan oo ka gaws-adaygtay xidhiidh u jarista Taywaan. Sida lagu xusay CGTN News, shirkii FOCAC oo ka qabsoomay Beijing, Semtember 2024-kii, labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Shiinuhu waxa ay shaaciyeen in xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee labada dal uu isu beddelay iskaashi istiraatiijiyadeed, oo koobsanaya iskaashi dhaqaale, ganacsi, nabad-ilaalin iyo dawlad dhis. Bishii Juun, 2025, Soomaaliya waxa ay saxeexday iskaashigaas, oo lagu horumarinayo dekedaha, tamarta, kaabayaasha dhijitaalka iyo waxbarashada. Si guud, Shiinuhu waxa uu ku awoodaystay Geeska Afrika, oo uu ku yeeshay saamayn siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ganacsiba. Maraykankuna, isbeddelladan baaxadda lehi waxa ay ku khasbayaan in uu dib ugu laabto siyaasadiisii Geeska Afrika. Badda Cas iyo Weerarrada Xuutiyiinta Waligeedba, khataraha u weyn ee uu Maraykanku ka ilaalinayey maraakiibta ka gudba marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab waxa ay ahaayeen budhcad badeedda iyo Islaamiyiinta oo uu kula dagaallamayey Soomaaliya, siyaasaddiisa “Soomaaliya Mid ah”-na ay soo hoos galaysey. Ka dib dagaalka Qasa ee bilaabmay Aktoobar 2023, Xuutiyiintu waxa ay wacad ku mareen in ay beegsanayaan dhammaan maraakiibta ka gudba Badda Cas iyo marinka Baab al-Mandab ee si uun xidhiidh ula leh Israa’iil. Waxa ay weerarro ku ekeeyeen maraakiib ganacsi iyo kuwo dagaal oo uu Maraykanku leeyahay, labadaas sanno gudahoodna waxa la diwaangaliyey boqollaal weerar oo ay Xuutiyiintu ku beegsadeen maraakiib, iyaga oo adeegsanaya gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Maraakiibta dagaal ee Maraykanku leeyahay, ee la kulmay weerarrada Xuutiyiinta waxa ka mid ah USS Carney oo la weeraray saddexdii Diisambar, 2023, USS Gravely oo la weeraray 31-kii Diisambar, 2023, iyo USS Laboon oo isna la weeraray 9-kii Jeenaweri, 2024. Kolkan, Maraykanku waxa uu weerarrada Xuutiyiinta u arkay halis ka weyn halista argagaxisada uu Soomaaliya ku baacsado, oo si toos ah weerarro ugu haya maraakiibtiisa dagaal, cunahana u fadhiya mid ka mid ah marinnada ganacsi ee dunida ugu muhiimsan. Dabadeed, waxa uu duqaymo la beegsaday Xuutiyiinta, ugu dambaynna labada dhinac waxa ay heshiis ku gaadheen in weerarrada la hakiyo muddo u dhaxaysay 6-dii Maaj iyo 7-dii Julaay ee 2025-kii. Walow aanay jirin weerarro toos ah oo ay xuutiyiintu muddadan ka dib ku beegsadeen maraakiibta Maraykanka, haddana halistu waa halkeedii. Kol haddii ammaankii Badda Cas iyo marinka Baab al-Mandab uu faraha ka sii baxayo, maraakiibta ugu horraysa ee Xuutiyiintu beegsanayaanna ay kuwa Maraykanku ku jiraan, waxa uu ku khasban yahay in uu dib ugu noqdo siyaasaddiisii Geeska Afrika, iskaashiyo wax-ku-ool ah oo uu halistan Badda Cas ku wajahana uu ka helo Gobolka. Guuldarrada Taageerada Dawlad Dhiska Soomaaliya Maraykanku waxa uu mashruuca xasilinta iyo dawlad dhiska Soomaaliya soo bilaabay 1991-kii, ka dib dhicitaankii Taliskii Kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu qayb weyn ku lahaa Hawlgalkii Rejo Soo Celinta iyo hawlgalkii UNOSOM II, Dagaalkii Muqdisho ee 1993-kiina waxa uu sababay in uu ciidamadiisa kala soo baxo Soomaaliya. Sannadkii 2001-kii, ka dib weerarradii Sebtember, Soomaaliya waxa ay noqotay dalalka mashruuca La Dagaallanka Argagixisadu uu xoogga saaro. Sida lagu xusay warbixinta ay daabacday Congressional Research Servie, waxii ka dambeeyey 2007-dii, Maraykanku, tan iyo kolkii uu aqoonsaday Dawladda Federaalka 2012-kii, waxa uu la barbar taagnaa taageero siyaasadeed iyo mid militari; sida xoojinta waaxaha kala duwan ee maaliyadda, horumarinta dastuurka, dardargelinta federaalaynta, iyo ka qaybqaadashada hawlgallada Midawga Afrika. Sidoo kale, intii u dhaxaysay 2010 iyo 2020, waxa uu xasilinta iyo nabadgalyada Soomaaliya ku bixiyey adduun ku dhow 3 bilyan oo doollar, oo 500 milyan oo ka mid ah lacagtaas si toos ah loogu taakuleeyey Ciidamada Qaranka ,gaar ahaan Danab, halka 2.5 bilyan doollarna uu kaga qayb qaatay labadii hawlgal ee AMISOM iyo ATMIS. Taageeradan waxa dhinac socday kaalmada bani’aadamnimo, oo ay maalgelinta u badan lahayd USAID. Sida lagu xusay warbixinta World Bank ee 2024 iyo warbixinta US Department of State ee 2022, ka sokow taageerada milatari iyo gargaarka tobanaanka sanno socday, haddana weli guul lagama gaadhin xasilinta iyo dawlad dhiska Soomaaliya. Tobanaankaas sanno ka dib, weli xukuumadda Federaalku waa ay liicliicaysaa, cago adagna kuma taagna; Federaalka iyo maamul-goboleedyadu waa kuwo khilaaf xooggani ka dhexeeyo, doorashooyinku waa kuwo dib u dhaca, laguna murmo, welina lama gaadhin doorashadii qof-iyo-codka ahayd, dawladnimaduna kuma ay fidin dalka intiisa badan. Sidoo kale, tobananaan sanno oo taageero ah ka dib, Soomaaliya diyaar uma aha in ay nabadgalyadeeda la wareegto; ciidamada Soomaaliya weli waa kuwo kala daadsan dedaal kastoo lagu bixiyeyba, musuqa iyo boobka taageerada caalamiga ah ayaa iyana xadhkaha goostay. Waxaas oo dhanna waxa ka sii daran, in Al-Shabaab oo tobanaan sanno oo weerar ah lagu hayay, ay maanta ugu xooggan tahay, deegaanno sannado ka hor laga qabsadayna ay dib ula wareegtay; sida Aadan Yabaal, Ceel hareeri, Aboorrey iyo Moqokori. Ku guuldarraysiga dawlad dhiska Soomaaliya, Maraykanka waxa uu ku khasbayaa in uu dib ugu noqdo siyaasaddiisa. Sannadihii dambe, Maraykanka gudihiisa waxa ka aloosnaa doodo ka taagan wax-ku-oolnimada taageerada dawlad-dhiska Soomaaliya, kuna doodaya in taageeradani dhiigbax tahay, guulo la taaban karana aan laga gaadhayn. Siyaasadda Cusub ee Maraykanka Maraykanku, hadda, waxa uu Geeska u aqoonsaday furin ay isku hor fadhiyaan quwado kale oo caalami ahi. Sida ay ku doodayso Michelle Gavin, oo ka tirsan machaadka madaxa bannaan ee Council on Foreign Relations, Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Bariga Afrika, waxa ku xoogaysanaya galaangalka Shiinaha iyo dhinacyo awoodeed oo kale, sida Ruushka, Turkiga iyo Imaaraadka, sidaas darteed, loo baahanyahay siyaasad cusub oo Maraykanku hoggaaminayo oo gobolka ah, taas oo xoogga saarta xidhiidho diblumaasiyadeed, maalgashi, horumarin dhaqaale iyo iskaashi cusub oo dhinaca ammaanka ah. Sii ballaadhashada dhinacyada kala duwan ee Geeska kula loollamaya Maraykanka, iyo soo ifbixidda khataro amni oo cusub, sida halista Xuutiyiintu, waxa zy Maraykanka ku khasbayaan in uu yaqiinsado in isku hawlidda dawlad dhiska Soomaaliya iyo ku dheggenaanta siyaasadda “Soomaaliya Mid ahi” aanay ahayn hawsha ugu weyn ee uu Geeska ka qabto iyo danta u weyn ee uu leeyahay. Sidaas darteed, waxa uu qaatay siyaasadda cusub oo kusoo ururaysa qodobbadan: In uu Xoogga Saaro Loollanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka Kol haddiiba uu Maraykanku arko is fidinta Shiinaha ee Geeska, waxa uu u baahan yahay istiraatiijiyad cusub oo loollankan lagu wajaho. Istiraatiijiyad ka duwan istiraatiijiyaddii xoogga saaraysay argagixiso la dirirka, oo kolkan Shiinaha kula tartamaysa dalalka Geeska ee uu Shiinuhu isku fidinayo, sida Itoobiya, Kiiniya, Jabbuuti iyo Soomaaliyaba. Tusaale ahaan, waxa uu ku dedaalayaa dib u cusboonaysiinta xidhiidho diblumaasiyadeed, soo bandhigidda maalgalinno ka duwan kuwa Shiinaha ee dalal badan ku haya amaahda sii laba jibbaarmaysa, iyo in uu helo dekedo cusub iyo saldhigyo ciidan oo uu danaha gobolka ka ilaashado, dalalka kalena albaab u noqda. Kol haddiiba Shiinaha uu tartanka ugu adag kula jiraa uu la joogo Jabbuuti, kagana horumaray isku xidhka Itoobiya iyo dekedaha Jabbuuti, waa in uu xoojiyaa joogitaankiisa gobolka, oo uu raadsadaa isbahaysi cusub oo uu saldhig ciidan iyo dekedo uu Itoobbiya u maro ku yeesho. Eretariya iyo Suudaan suurogalnimadoodu waa ay fog tahay, marka laga eego dhinaca xasilloonida iyo dimuqraadiyadda. Kolkan, muhiimadda u weyn waxa yeelanaysa Somaliland, oo xasilloon, meel istiraatiiji ahna ku taalla, waxaanu danaynayaa in uu xidhiidh adag la yeesho, aqoonsiga ka sokow. Dekedaha Somaliland waxa ay dheellitirayaan ku tiirsanaanta Itoobiya ee dekedaha Jabbuuti, Maraykankana waxa ay u noqonayaan albaab cusub oo uu Itoobiya ka galo. Imaaraadku waxa uu maalgaliyey ballaadhinta dekedda Berbera, Aaga Ganacsiga Xorta ee Berbera iyo jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale. Kaabayaashan la horumariyey waxa ay dekedda Berbera u suurogalinayaan in ay dheellitirto dekedda Jabbuuti, Maraykankuna albaab cusub oo qorshahiisa Geeska ah helo. In uu Dib uga Laabto Siyaasadda “Soomaaliya Mid ah” Haddiiba uu Maraykanku sannaddo badan taageerayey Federaalka Soomaaliya, imika waxa uu isku dayay in uu hoos uga daadago, xooggana saaro dhinaca dantiisu ku xidhantahay. Siyaasaddan cusubi waxa ay ku khasbaysaa in uu dib u eego qaddiyadihii kala go’a iyo isku biiridda ee aanu awal hoos u eegi jirin, dibna ugu laabto siyaasaddii “Soomaaliya Mid ah” ee Maraykanka kaga gudbanayd in uu Somaliland iskaashi la sameeyo. Walow uu Maraykanku sii wadayo mashruuciisa la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya, haddana waxa la dareemay dib u gurashada taageeradii dawlad dhiska Soomaaliya, waxaana jira doodo Maraykanka gudihiisa ah oo ku doodaya in Maraykanku dagaal aan dhammaad lahayn ku dhiigbaxayo. Dib ugu noqoshada siyaasaddaas duugga ahi waxa ay Maraykanka u sahlaysaa in uu in uu ka guuro riyooyin laga gun gaadhi waayay, una wareego waxqabadyo toos ah oo la taaban karo, danahiisana si toos ah ula xidhiidha. Mudnaan-siinta Nabadgalyada Badda Cas iyo Marinka Baab al-Mandab Xasilloonidarrada kasoo cusboonaatay Badda Cas, waxa ay Maraykanka ku khasbaysaa in uu helo goobo istiraatiiji ah oo uu si toos ah uga ilaaliyo ammaanka maraakiibtiisa. Waxa ugu weyn xoojinta saldhiggiisa milatari ee Jabbuuti, waxa se weli loo baahanyahay iskaashi cusub iyo goobo cusub oo lagu xoojiyo saldhigga Jabbuuti. Sida lagu xusay maqaalka Orion Policy Institute, ee “Reinforcing US Power in the Horn of Africa: The Case for A Base in Somaliland”, Somaliland waxa ay Maraykanka u leedahay mudnaanta koowaad, isaga oo uga baahan goobo uu ka helo oo uu ku xoojiyo joogitaankiisa Badda Cas iyo Gacanka Cadan. Danahan is huwan ee hagaya siyaasadda cusub ee Geeska Afrika, waxa ay Maraykanka ku soo jeedinayaan Somaliland, kaalin weyn ka galaysa danahiisa Geeska iyo isbeddelada cusub ee uu rabo in uu waajaho. Kaalinta Somaliland ee Aqoonsi Raadinta Ka sokow dedaallada xildhibaanno ka tirsan Maraykanka ee soo jeedinaya aqoonsiga Somaliland, haddana danaynta Maraykanku waa mid ku kooban iskaashi cusub iyo in Somaliland looga faa’idaysto istiraatiijiyadda cusub ee gobolka. Baahida u weyn ee ay Somaliland qabtaa se waa aqoonsi iyo in ay qaddiyaddeeda ku jaangoyso danaynta cusub ee Maraykanka. Bishii Maaj ee 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, waxa uu booqasho ku tagay Maraykanka. Sida lagu baahiyey wabsaydka Wasaaradda, waxa uu la kulmay masuuliyiin Maraykan ah iyo xildhibaanno ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda, oo ay ka wada hadleen iskaashiga nabadgalyada iyo arrimaha kale ee gobolka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu waraysiyo uu siiyey warbaahinta caalamiga ah, sida the Guardian, kaga hadlay muhiimadda uu aqoonsigu u leeyahay Somaliland, iyo kaalinta ayka geli karto isbeddelka cusub ee Maraykanku gobolka dib isugu qaabaynayo. Waxa la filayaa Madaxweyne Cirro in uu safar shaqo ku tagi doono Maraykanka, socdaalkan ayaa Somaliland fursad u siinaya soo bandhigidda kaalinta Somaliland ka geli karto danaha Maraykanka ee gobolka. Dedaalladan ka sokow, weli waxa loo baahanyahay qorshe lagu la jaanqaado isbeddellada ka socda Geeska. Falcelinta Dalalka Gobolka Soomaaliya waxa ay aad uga soo horjeeddaa danaynta cusub ee Maraykanka. Waxa ay dedaallo ku bixisay carqaladaynta iskaashi dhexmara Somaliland iyo Maraykanka, Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanku waxa ay hawlgalisay mid ka mid ah shirkadaha saamaynta leh oo ku taalla Washington, si ay uga hawlgalaan ka hortagidda aqoonsiga Somaliland. Waxa ay walaac ka muujisay cadaadiska xildhibaannada Koongaraysku wadaan ee iskaashiga amaba aqoonsiga Somaliland. Si ay Soomaaliya danaha Maraykanka ee gobolka isugu soo jeediso, dananynta Somaliland-na meesha uga saarto, sida Reuters baahisay, Soomaaliya waxa ay Maraykanka u soo bandhigtay dekedo iyo saldhigyo ciidan oo laga siiyo Soomaaliya. Jabbuuti, oo uu Maraykanku ku leeyahay saldhig ciidan, sidoo kalena deked u ah Itoobbiya, waxa ay doorbidaysaa in ay kaalinteeda xejisato, iyada oo ilaashanysa xidhiidhka wanaagsan ee Maraykana, haddana ay isha ku hayso isbeddelka siyaasaddiisa gobolka. Jabbuuti iyo Masarba, waxa ay si xooggan uga soo horjeedeen is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobbiya dhex maray, welina waxa cad, walow ay xidhiidh wanaagsan Maraykanka la leeyihiin, in aanay si fudud ku liqayn baro bixinta siyaasadda “Soomaaliya Mid ah”. Gunaanad Ugu danbeyn sida muuqata Maraykanku in uu dib u qaabeeyo siyaasaddiisa ku aadan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya waxa ku riixaya awoodaha kale ee saameyntoodu ku sii fidayso gobolka sida Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga. Iyo dhanka kale halista ku gadaaman danahiisa goboleed. Fashilka dawladnimada Soomaaliya ayaa iyana ah qodob kale. Waxa intaas dheer jiritaanka dhawaaqyo gudaha Maraykanka ka soo yeedhaya oo ku baaqaya isbeddel, isla markaas na Somaliland u arka dal ku yaal goob Istaraatiijiya oo ay tahay in la la yeesho xidhiidh dan ku dhisan si loo xaqiijiyo danaha Maraykanka ee gobolka. Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/08/VID-20250813-WA0005.mp4 Qaran News
-
Fadhigii 31-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay dedaal badan oo ay samaysay Wasaaraddu gashay kadib, in guud ahaan hawlaha Dakhli ururinta Qaranka ee odoroska bisha August 2025-ka ay u socdaan sidii loogu talo galay. Dhinaca kale, Wasiirku isaga oo ka hadlaya Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaraddu, iyada oo raacaysa Jadwalka Diyaarinta Miisaaniyadda 2026-ka, ay diyaarisay isla markaana dhammaystirtay dhammaan warbixinaha dhaqaale, siyaasadda iyo arrimaha mudnaanta leh ee saldhigga u ah Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in wareegtooyinkii Diyaarinta Miisaaniyaddu ay gaadheen Hay’adaha Dawladda Dhexe, Hay’adaha macaashka sameeya iyo Dawladaha Hoose. Wasiirku mar uu ka hadlayay arrimaha kobcinta iyo kordhinta Dhaqaalaha Dalka in ay si habsami leh u socdaan daraasadaha iyo qorshayaasha lagu xoojinayo Dhaqaalaha Dalka taasoo ay horseed ka yihiin Guddida sare ee Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada. Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 Xigasho Xafiiska Afhayeenka M JSL Qaran News
-
Cali Xaaji Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta degaannada Puntland ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed iyo tan Amniga ee guud ahaan Soomaaliya. Dr. Cali Xaaji oo ka digay khilaafka sii fogaanaya ee dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in muranka iyo qalalaasaha aan dhammaadka lahayn ee dalka hareeyay uu god dheer ku ridi karo mustaqbalka Soomaaliya, islamarkaana burbur aan kabasho lahayn ku sababi karo. Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay Xaaladda Ammaanka iyo Xasiloonida Koonfurta dalka oo ay ku sii xoogaysanayan kooxaha Argagixisada ah, isagoo ka digay in mileeshiyaadka Al-shabaab qabsan karaan magaalada Muqdisho iyo degmooyinka u dhaw, haddii Xaaladdu sidaasi ku sii socoto. Halkaan ka daawo Hadalka Cali Xaaji PUNTLAND POST The post Cali Xaaji Warsame oo walaac xooggan ka muujiyay in Al-shabaab Muqdisho qabsadaan appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in gaadiidkii in gaadiid badan oo dhinaca Boosaaso ka yimid ay maalintaas halkaas ku xayiran Arrintan ayaa ka dhalatay ka dib markii ciidamo la sheegey in ay mushahar la’aan ka cabanayaan ay wadada xirteen , iyada oo ay taagan yihiin gaadiidkii laga soo raray dekedda Boosaaso. Gadoodka ciidamada ee mushaar la’aantu sababto ayaa muddooyinkii dambe ku soo badinayay deegaannada Puntland, ayadoo saacado ka hor la sheegay in isku socodka Garoowe iyo garoonka diyaaradaha magaaladaas ay hakad ka geliyeen ciidamo tabasho xaquuq la’aan sheeganayaahi. Source: goobjoog.com
-
Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa kulankii shanaad ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka siyaasadeed ee dalka. Shirkan oo qayb ka ah wadaxaajoodka siyaasadeed ee socday maalmihii la soo dhaafay, ayaa markan diiradda lagu saaraya cutubka 4-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, kaas oo wax ka bedel lagu sameeyay, balse ah qodobka ugu weyn ee wali lagu kala aragti duwan yahay. Shirka maanta ayaa laga filayaa inuu noqdo kii ugu dambeeyay labada dhinac lagana soo saaro talooyin iyo qodobbo heshiis ah lagu yahay kuwaas oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan arrintan, maadaama labada dhinac ay daneynayaan in geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu ku dhammaado is-afgarad siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, xogaha aan helnay waxay muujinayaan in dhinacyada qaarkood ay weli ku adkeysanayaan mowqifkooda, taas oo caqabad ku noqon karta heshiis buuxa oo laga gaaro cutubkan. Shirkan ayaa qarka u saarmay inuu fashilmo kadib markii shalay Madaxweyne Hassan Sheikh oo isku diiwaangeliyay doorashooyinka Qof iyo Cod ee Golaha deegaanka oo ka socota Muqdisho. Waxaana aad u dhaliilay isdiiwaangelinta Madaxweynaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sidoo kalena qayb ka ah xubnaha Mucaaradka. Shirka Maanta ayaa la filayaa inuu furmo 2:00pm duhurnimo sida ay noo xaqiijiyeen xubno kamid ah Mucaaradka oo aan la hadlnay. Waxaa la filayaa in war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaro marka shirku soo gabagaboobo, iyadoo indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay si dhow ula socdaan natiijooyinka ka soo baxa wada-hadalladan. Source: goobjoog.com
-
Sacuudiga oo afar qof Soomaali ku fuliyay xukun toogasho ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sacuudi Carabiya ayaa hal maalin gudaheed ku fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu qaaday siddeed qof, kuwaas oo intooda badan lagu eedeeyay dambiyo la xiriira maandooriyaha. Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA) ayaa xaqiijisay in afar muwaadin oo Soomaali ah iyo saddex qof oo Itoobiyaan ah lagu toogtay gobolka Najran ee koonfurta dalka, kaddib markii lagu helay dambiga ah inay dalka soo geliyeen xashiish. Sidoo kale, hal muwaadin Sacuudiyaan ah ayaa lagu toogtay dilka hooyadiis. Falalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xukunnada dilka ah ee boqortooyada, kuwaas oo inta badan lagu beegsado muwaadiniinta ajnabiga ah ee lagu soo eedeeyo dambiyada maandooriyaha. Hay’adaha Reprieve iyo ESOHR ayaa ku tilmaamay arrintan “xaalad dilal aan hore loo arag” oo ka jirta Sacuudi Carabiya. Tirakoobka la helay ayaa muujinaya in sannadkii 2024 Sacuudi Carabiya ay toogatay 345 qof — tiradii ugu badnayd abid — iyadoo ku dhawaad kala bar dadkaas lagu helay dambiyo aan dil ahayn. Sannadkan 2025, illaa hadda waxaa la toogtay 230 qof, waxaana 154 ka mid ah lagu eedeeyay dambiyo la xiriira maandooriyaha, taas oo muujinaysa in rikoodhkii hore laga yaabo in la jabiyo. Source: goobjoog.com -
Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa maalintii labaad u xiran ciidamo ka tirsan Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan. Ciidankan gadoodsan oo shalay wadada ka xirtay degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa joojiyay guud ahaan isu socodka gaadiidka ee laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaasi oo ay maalintii labaad ku xanniban yihiin gaadiid badan oo xamuul ah, kuwaasi oo rar ka soo qaaday magaalada Boosaaso. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka gadoodsan ayaa laga soo xigtay in ay mushaar la’aan yihiin mudda dhawr bilood ah, islamarkaana waxay dalbanayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqda ka maqan, si ay u fasaxaan wadada, balse weli ma jirti cid xallisay tabashadooda. Warkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii ciidan ka tirsan Booliska Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan xirteen wadada gasha garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe, inkastoo markii danbe lagu guulaystay in ay jidka furaan, kaddib markii ballan-qaadyo loo sameeyay. PUNTLAND POST The post Puntland: Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo oo maalintii labaad u xiran ciidamo mushaar la’aan ka gadoodsan appeared first on Puntland Post.
-
Cudurka Gowracatada oo billowgii sanadkan dib uga dilaacay Soomaaliya ayey sheegtay wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya in ilaa iyo hadda la diwaan geliyay 552 kiis iyadoo ay u geeriyoodeen ilaa iyo 86 qof. Sahra Ciise Maxamed oo ah madaxa qaybta la socodka cudurrada iyo ka jawaabiddooda waxay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegtay in cudurkan uu dib ugu soo laabtay dalka sanadkii 2023-kii. “Waa cudur uu dalka mar hore ugu dambeeyay oo ilaa 50 sano ka hor laga ciribtiray, laakiin hadda dib ayuu u soo noqday, kiisaskii ugu horeeyay waxaan helnay 2023-kii bishii July” ayey tiri Sahra Ciise oo intaas ku dartay “Tuulo Xawaadley la dhaho ayaa laga soo sheegay, hooyo Soomaaliyeed oo meeshaas dagganeyd ayaa waxaa ku dhintay afar cunug, markaas laga bilaabo ilaa hadda cudurka dhowr mar ayuu soo noqnoqday, lagana jawaabay”. Sahra waxay BBC-da u sheegtay in cudurka meelo badan oo dalka ah lagu arkay oo ay ku jirto caasimada Muqdisho. Meelo badan ayuu cudurka ku faafay waxaana ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir sida Shangaani, Xamarweyne iyo Deyniile”. Meelaha kale ee Sahra sheegtay waxaa ka mid Gaalkacyo, Garowe, Baydhabo iyo Buurhakaba. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo ka shaqeyneysa hay’adda caafimaadka adduunka ay bilowday sidii ay wax uga qaban laheyd cudurka. “Cudurkan ilaa markii la sheegay in uu dalka dib uga dilaacay, wasaaradda oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay qaadeen tallaboyin ay ka mid yihiin in shaqaalaha caafimaadka ka shaqeynaya la tababaro iyo in wacyigelin la sameeyo”. Sahra Ciiise waxay sheegtay in ilaa iyo hadda waddanka la keenay dawooyinkii wax looga qaban lahaa cudurka kuwaas oo isbitaalada la geeyay iyadoo dadkana loo sheegay halka ay ka doonan lahaayeen dawada marka ay u baahdaan. Sahra waxay kula talisay dadweynaha in tallaalka uu muhiim yahay haddii la doonayo in laga hortago cudurka. “Cudurkan waxaa looga hortagi karaa tallaalka, haddii hooyo kasta ay tallaalka sax u siin laheyd ubadkeeda cudurkan ma dilaaci lahayn” ayey tiri Sahra oo ku adkeysay dadweynaha in ay degdeg tallaal u raadsadaan. Hadaba muxuu yahay cudurka Gowracatada. Xigashada Sawirka,Getty Images Cudurka Gowracatada oo afka qalaad lagu yiraahdo (Diphtheria) waa caabuq halis ah kaas oo inta badan saameeya xuubabka sanka iyo cunaha. Cudurka aad ayuu ugu yar yahay dalalka horumaray waxaana lagu sheegay sababta yareysay in ay tahay tallaalka oo si weyn loo qaatay dalalkaas. Balse dalalka uu ku yar yahay tallaalka ayaa la sheegay in uu ku badan yahay cudurka. Gawracatada waa cudur la daweyn karo balse marka cudurku fido waxaa uu waxyeelo u geysan karaa xubnaha muhiimka sida wadnaha, kelyaha iyo nidaamka neerfaha. Cudurka waa cudur halis ah oo sababi kara geeri gaar ahaan caruurta. Astaamaha cudurka lagu garto waxay billowdaan 2 ilaa iyo 5 maalmood marka qofka uu qaado cudurka. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah dhuunta oo xanuunta bukaanka, qanjirada oo barara, neefta oo ku adkaata qofka ama neef degdeg ah, dheecaan sanka ka yimaada, qandho, qarqaryo iyo daal. Dadka qaar waxay dareemaan xanuun yar, mana laha astaamo muuqda oo lagu ogaan karo in uu cudurka ku dhacay. Dadka cudurka qaaday balse aan dareemin wax xanuun ah waxaa loo yaqaan waa dadka cudurka gudbiya maxaa yeelay waxay cudurka sii faafin karaan iyagoon xanuunsan. Waxaa jira nooc Gowracatada ah oo saameysa maqaarka qofka taas oo keenta xanuun iyo barar, waxa ayna la mid tahay caabuqyada kale ee ku dhaca maqaarka. Inta badan waxaa lagula taliyaa bukaanada ama qofka uga shakiya in ilmahiisa yar uu qaaday cudurka in uu degdeg dhakhaatiirta ula xiriiro. Dadka cudurka qadaa ee aan laga daweyn waxay qaadsiin karaan Gawracatada dadka kale ee aan tallaalka qaadan. Marka qofka la daweeyo inta badan wuu ka soo kabsadaa in kastoo si gaabis ah uu qofka u soo caafimaado. Dhimashada Gawracatada waxaa lagu qiyaasaa 5 ilaa iyo 10 boqolkiiba. Dhimashada waxaa la sheegay in ay ku badan tahay carruurta da’doodu ka hooseyso 5 ama dadka ka weyn afartanka sano. Qaran News
-
Ciidanka Booliska Puntland oo hawlgal ka fuliyay togga Xeere-dheere oo hoostaga degmada Shaxda ee gobolka Karkaar ayaa gubay ilaa 21 hogood oo dhuxulaysato samaysteen, kuwaasi oo xaaluf ba’an ku hayay degaanka. Booliska saldhiga degmada Shaxda oo fuliyay hawlgalkan ayaa ku guulaystay in ay burburiyaan guud ahaan wixii hogo ka samaysnaa toggaaasi ee dhuxusha laga gubi jiray, waxaana ay gacanta ku dhigeen dhammaan agabkii ay dhuxulaysatadu isticmaalayeen, si ay degaanka ugu xaalufiyaan. Taliyaha Booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo warkan soo saaray ayaa sheegay in sidoo kale aysan ku guulaysan soo qabashada eedaysanayaashii dhuxusha degaanka xaalufinayay, balse ay ku raad-joogaan, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi dooonaan markii la qabto. “Ciidamada Booliska Gobolka Karkaar gar ahaan Ciidanka Salldhiga Degmada Shaxda ayaa sameeyay hawl-galo lagu burburinayo hogo dhuxul laga shidayay Togaga Xeere Dheere Waxaan gacanta Lagu dhigay agabkii ay dhuxulaysatadu isticmaalaysay.” “Ciidamada Booliska Degmada Shaxda ayaa Gubaay Qaarna Burburiyay ilaa 21 Hogo Halka Ciidamada ay docdooda ku guleysteen in ay Burburiyaan Tiro kale oo Hogo oo dhuxul ah kadib howlgal ay xoogan oo looga hortagaayo Xaalufka degaanka” ayuu yiri G/sare Xuseen Cali Maxamuud. “Booliska ayaa Wali kuguda jira Soo qabashada edesanayasha kuwaas oo Ka Baxsaday Booliska Waxana socota Soo qabashadooda si loo horkeeno Sharciga Dowlada Puntland” ayuu taliye Xuseen sii raaciyay warkiisa. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo degmada Shaxda ku gubay 21 hogood dhuxulaysato samaysteen appeared first on Puntland Post.