Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda kubadda cagta ee Paris St-Germain iyo xulka qaranka Faransiiska, Cusmane Dembele ayaa markiisi ugu horreysey ku guuleystey Banooniga Dahabka ah ee Ballon D’or. Abaalmarintan oo sannad walba la guddoonsiiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, ayuu Dembele ku muteystay kaalintii uu ka qaatay in kooxdiisu hanato mid mooyee dhammaan koobabkii ay u tartantay sanadkii la soo dhaafay oo uu ugu dambeeyey horyaalka kooxaha Yurub ee EUFA Champions League. Cusmane Dembele oo 28 sano jir ah ayaa abaalmarinta Ballon D’or oo uu bixiyo Wargeyska France Football waxaa lagu guddoonsiiyey xaflad ka dhacday magaalada Paris, ka dib markii uu ka foosay ciyaaryahan Lamine Yamal oo ka tirsan kooxdiisi hore Barcelona. Waxaa xusid mudan in Dembele uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay dhaliyey 35 gool, halka uu dhiibey 14 caawin 53 ciyaarood oo uu dheelay. Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, isla markaana taageero joogto ah u muujisay dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go’aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xasilloonida iyo nabadda gobolka, xaqiijinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin. Source: goobjoog.com
  3. Mogadishu (HOL) — Somali international boxing champion Ramla Said Ahmed Ali, known as Ramla Ali, has been awarded the Medal of Honor by the Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu, Hassan Mohamed Hussein Muungaab, in recognition of her groundbreaking achievements on the global stage. Source: Hiiraan Online
  4. Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa magaalada Newyork ku kala saxiixday heshiis cusub oo dhinaca dublumaasiyadda ah, kaas oo ay ku jiraan iskaashi iyo tababarro xirafdeed oo lagu kobcinayo aqoonta dublumaasiyiinta. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, ayaa yeeshay kulan doceed barbar socday fadhiga guud ee 80-aad ee Qaramada Midoobay. Kulanka labada wasiir ayaa ku soo dhammaaday saxiixa heshiis is-afgarad oo muhiim ah, kaas oo u dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbia. Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta iskaashi dhow oo ku saabsan tababarrada diblomaasiyadeed iyo dhismaha xirfadaha aqooneed ee diblomaasiyiinta labada dal, ayadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo awoodda xirfadeed ee shaqaalaha diblomaasiyadda, lana abuuro waddooyin cusub oo iskaashi iyo aqoon is-weydaarsi ah. Soomaaliya, iyo Serbia oo ah dal ku yaalla Yurubta bari ayaa sanadihii la soo dhaafay sare u sii qaadayay xariirkooda, ayadoo Belgrade ay DFS u tababartay ciidan gaar ah oo ka tirsan booliiska Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  5. Taliyaha Guud ee Booliska Dalka Eswatini, Manoma Vusie Masango, ayaa ku booriyay 32 askari oo katirsan Booliska Qaranka Eswatini (REPS) in ay muujiyaan anshax, sharaf, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha xilli ay u diyaar garoobayaan ka qeybgalka howlgalka AUSSOM ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Xafladdii lagu soo xirayay tababarka Booliska oo lagu qabtay xarunta Operational Support Services Unit (OSSU) ee Ngonini, ayuu Masango ku adkeeyay saraakiisha in ay xusuustaan masuuliyaddooda ah in aysan matalayn oo keliya Eswatini, balse ay sidoo kale difaacayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah meel colaado ka jiraan. “Waxaad muujiseen niyad daacad ah oo ku aaddan sida dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada nabadda iyo xasilloonida qaaradda,” ayuu yiri Masango. Taliyaha Booliska wuxuu carrabka ku adkeeyay in saraakiishu ay ku shaqeeyaan si waafaqsan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada (IHL) iyo Xeerarka Xuquuqda Aadanaha (IHRL), isla markaana ay dhowraan Xukunka Sharciga (Rule of Law). Eswatini waa boqortooyo yar oo ku taalla Koonfurta Afrika, waxayna xuduud la leedahay Koonfur Afrika saddex jiho iyo Mozambique dhinaca bari. Caasimadda maamulka waa Mbabane, halka Lobamba ay tahay caasimadda dhaqanka. Source: goobjoog.com
  6. Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad cusub oo xasillooni amni iyo siyaasadeed ah, taas oo aad uga wanaagsan xaaladihii uu dalku soo maray 20-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna dowladdu qaaday tillaabooyin badan oo lagu adkaynayo nabad-gelyada iyo xoojinta hay’adaha maamulka. Inkastoo ay guulo badani jireen, islamarkaana dowladda iyo maamulka goboleedyadu ay gacanta ku hayaan inta badan deegaannada iyo gobollada dalka, haddana beesha caalamku waxay weli Soomaaliya ku eegaysaa il gaar ah, ayadoo marba marka dambeysa la keenayo dhaliilo iyo cudur-daarro ay ciidamada shisheeye dalka ku sii joogaan, kuwo hor lehna lagu soo geliyo. Ku dhowaad 20 sano ayay dalka joogeen in ka badan 20 kun oo ciidamo shisheeye ah, kuwaas oo hadda magaca loo badelayay, si loogu yeelo waji howlgal cusub, balse seddaxdii sano ee la soo dhaafay waxay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanku muujiyeen inaan baahi weyn loo qaban xoogag shisheeye, markii laga soo tago taakulayn yar oo dhinaca farsamada ah. Ciidamada AUSSOM intooda badan waxay joogaan fariiso ay 10 sano ka hor samaysteen, ayagoo sidoo kale ilaaliya xarumo aad u kooban oo dowladdu leedahay, sidaas oo ay tahayna sanad walba tiro hor leh ayaa lagu soo kordhiyaa, ayadoo dalal cusubina ay u hanqal taagayaan sidii ay ugu soo biiri lahaayeen. Dalal dhowr ah ayaa hore u xaqiijiyay danayntooda ka qeyb-qaadashada howlgalkan, ayadoo Masar iyo Eswatini oo waqooyiga iyo koonfurta fog ee afrika ku kala yaali ay dhowaan ka mid noqdeen, taas oo tirada dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan ka dhigtay 9 dal oo kala ah, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, Burundi, Sierra Leone, Burundi, Masar, Nigeria,iyo Eswatini. Dalalkan qaarkood waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhowaad 2 kun oo askari oo militari iyo boolisba leh, mana cadda waxayna xeeldheereyaashu qabaan in ku soo biirista dalalka cusubi aysan wax badan ka badeli doonin wajiga howlgalka iyo firfircoonidiisaba. Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya waa dal weli ku jira xaalad xasilooni darro ah iyo dagaal argagixiso, balse dadweynaha iyo madaxda dalkuba way ogyihiin in isku tashigu uu yahay xalka keliya ee ay dhibaatada kaga bixi karaan,ciidamo shisheeyena aysan wax badan soo kordhinayn. Source: goobjoog.com
  7. Dekedda caasimadda Soomaaliya ayaa weli xiran maalintii Saddexaad, kaddib markii ganacsatada halkaasi ka howl-gasha ay si adag uga horyimaadeen lacag cusub oo lagu soo rogay badeecadaha. Ganacsatada waxay ku tilmaameen lacagahan kuwo sharci-darro ah oo aan wax heshiis ah ku dhisnayn, iyagoo ku doodaya in arrintani wiiqayso dhaqaalaha ganacsiga isla markaana ay horseedday hakad weyn oo ku yimid sahayda badeecadaha daruuriga ah ee magaalada. Mid ka mid ah ganacsatada soo dejinta qalabka elektaroonigga, Cabdirisaaq Nuur, ayaa sheegay in xiritaanka dekedda uu saameeyay alaabtii uu ka sugayay dibadda, taas oo keentay in macaamiil badan ay ka caroodeen dib u dhaca. “Waxaan ku xisaabtameynay in toddobaadkan aan suuq geyno qalabkii cusub ee casriga ahaa ee aan dalbannay, balse haatan dhammaan Alaabtii waa la hakiyay. Ma aha oo keliya khasaaro dhaqaale ee waxaa jirta kalsooni daro ka dhex dhalatay annaga iyo macaamiisheena. Haddii arrintan aan si degdeg ah loo xallin, waxaa dhici karta in suuqa elektaroonigga Muqdisho uu wajahayo koror qiime iyo yaraansho badeecooyinka,” ayuu yiri Cabdirisaaq oo ku sugan Muqdisho. Xaaladda dekedda ayaa durba keentay in bulshada Muqdisho ay ka walaacaan yaraanta sahayda iyo suurtagalnimada sicir-barar. Qoysas badan ayaa ku tiirsan badeecadaha ka soo dega dekedda, halka ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe ay sheegayaan inay ku jiraan xaalad dhaqaale oo adag. Ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in ay la fariisato si masuuliyad ku dheehan tahay, lana soo bandhigo xal sharci ah oo waara, ka hor inta aan xaaladdu isu rogin dhibaato hor leh. Source: goobjoog.com
  8. Wararka naga soo gaaraya degmada Gubadley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in saaka askari ka tirsan ciidamada dowladda uu halkaas ku dilay darawal ka shaqayn jiray gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in muran ka dhashay lacag dhan hal dollar uu sababay dilka, iyadoo ninka askariga ah uu si xabado ku furay darawalka. Markii falkaasi dhacay, ninkii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga ee deegaanka ku sugan. Ehelada darawalka la dilay iyo darawallada kale ee ka shaqeeya isku socodka gaadiidka ayaa sheegay in dhacdadaasi ay cabsi iyo argagax ku abuurtay, waxayna dalbadeen in caddaalad la helo. Maamulka degmada iyo saraakiisha amniga ayaa la filayaa inay ka hadlaan dhacdadan, maadaama ay qayb ka tahay xaaladaha kala dambeynta iyo amni darrida ka jira deegaannada ku xeeran caasimadda. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia’s deputy foreign minister, Ali Omar Ali (Balcad), met Saturday with U.S. Senator Ted Cruz, a Republican lawmaker pushing for Washington to formally recognize Somaliland. Source: Hiiraan Online
  10. Puntland Defence Forces pursue Daesh terrorists in the Calmiskaad mountain range hideouts. Boosaaso (PP Editorial) — Puntland State of Somalia is carrying out the final stage of counterterrorism operations in Calmiskaad. For more than nine months, the Puntland State Defence Forces have been fighting Daesh terrorists that established hideouts in the mountainous areas. Puntland has lost many brave soldiers, and many others have been wounded. It is true that Puntland State is wary of allowing for the deployment of the Somali National Army in districts under its jurisdiction. This decision sadly puts Puntland at a disadvantage when it comes to seeking its share of weapons supplied to the Federal Government of Somalia by international partners. Nearly three years ago, Puntland State introduced biometric registration for its forces. This policy has weeded out phantom soldiers who were on the payroll of Puntland State of Somalia. In Boosaaso today, the US Ambassador to Somalia Richard H. Riley IV referred to the Puntland Defence Forces as “local forces”, despite the USA being one of the major supporters of the Somali National Army. The SNA is based in all Federal Member States except Puntland State of Somalia. The Federal Government of Somalia has an obligation to find ways to assuage Puntland State of its fears that SNA units commanded from Mogadishu might undermine, rather than enhance, Puntland Defence Forces. Managing post-civil war mistrust is a responsibility that the Federal Government of Somalia is expected to shoulder through talks with, and visits to, Puntland State of Somalia. The second step to consolidate the biometric registration achievement is for Puntland State of Somalia to follow in the footsteps of the Federal Government of Somalia and to implement a weapons and ammunition management system. “The Federal Government of Somalia (FGS) has become the first country in the world to adopt chemical taggant technology to render its national ammunition stockpile fully traceable,” reported Conflict Armament Research. Before the introduction of the ammunition tracing system, the SNA used a system that detected gun theft by registering the details of the soldier. A soldier who once sold his gun but later applied to join the police force in Mogadishu was flagged by the database as “a soldier who did not return his gun.” In the meantime, Puntland State of Somalia should not shy away from demanding its share of weapons supplied to the Federal Government of Somalia, because Puntland State is a Federal Member State that is at war with transnational terrorism posing a threat to the sovereignty of Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Needs to Introduce a Weapons and Ammunition Management System appeared first on Puntland Post.
  11. US foreign affairs committee approves expansion of secretive arms stockpile for Israel The full bill reduces oversight on ‘unlimited’ arms transfers to Israel and also grants Marco Rubio the authority to revoke US citizens’ passports over support of ‘terrorism’ News Desk SEP 19, 2025 (Photo Credit: Brian Mast) The US House Foreign Affairs Committee (HFAC) on 19 September voted 27-24 to approve the State Department Reauthorization bill (H.R. 5300), which, among other provisions, permits unlimited transfers of US arms to a special Israel-based stockpile in the next fiscal year. “This bill is not just a reform for today, it is a lasting framework that will strengthen the State Department and benefit every commander-in-chief who follows,” HFAC Chairman and former Israeli army soldier Brian Mast said following the vote. Hidden deep within the State Department funding bill is a provision that calls for repealing oversight controls on “defense articles” transferred to the War Reserve Stock for Allies-Israel (WRSA-I) – a US “emergency” stockpile that Tel Aviv has been significantly relying on since the start of its genocide of Palestinians in Gaza. “[This is] the least transparent mechanism of providing arms to Israel,” former State Department official Josh Paul told Responsible Statecraft earlier this week. In December 2023, Paul told The Guardian that Washington was dipping into WRSA-I to restock quickly-depleting munitions Israel has kept dropping inside the Gaza Strip. “We sort of retroactively build a foreign military sales case, which may or may not need to be notified to Congress, depending on what they took and what quantities […] There’s none of the conventional arms transfer policy review that would normally happen […] Essentially, it’s take what you can and we’ll sort it out later,” Paul said at the time. Created in the 1980s to supply the US military in case of a regional war, the WRSA-I is the largest node in a global network of US weapons caches. Its full contents are not publicly disclosed. In August, an investigation by the Department of War’s Office of the Inspector General found that “the Army, Navy, and Air Force appointed officials to account for WRSA-I inventory, but those officials did not consistently comply with property accountability requirements.” “In addition, the DoD OIG found that Service officials did not conduct all required inventories between FY 2022 and FY 2024,” the report highlights. By 2024, former US president Joe Biden’s administration had temporarily lifted restrictions on the value and type of US weapons transferred to WRSA-I each year. It also bypassed transparency rules by splitting up larger transfers into smaller packages that fell under the $25 million threshold, which would have required notifying Congress. H.R. 5300 seeks to build atop those provisions to reduce congressional oversight further and allow Israel unrestricted access to the strategic stockpile. Since October 2023, Israel has acquired a vast amount of US-made weapons from WRSA-I, fueling what experts describe as the most intense bombing campaign of the 21st century. HFAC members approved the State Department funding bill just days after an official UN commission of inquiry determined Israel is violating the genocide convention in Gaza. “The Commission concludes that the Israeli authorities and Israeli security forces have the genocidal intent to destroy, in whole or in part, the Palestinians in the Gaza Strip,” the report found. Qaran News
  12. Garowe (HOL) – U.S. Ambassador to Somalia Richard H. Riley and Major General Claude Tudor, Commander of U.S. Special Operations Command Africa, met with Puntland President Said Abdullahi Deni in Bosaso on Saturday to commend Puntland’s efforts in combating ISIS and ensuring maritime security. Source: Hiiraan Online
  13. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si mug leh u soo dhaweysay ansixinta Hindise-sharciyeedka sumadiisu tahay “H.R. 5300” oo ay Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Maraykanku meel mariyeen, kaasi oo kor u qaadaya iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka. Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay caawa barta X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuuna tibaaxay in sharcigaasi uu dawladda Washington ku boorinayo inay xarun rasmi ah ka furato magaalada Hargeysa ee Somaliland, iyo in warbixinaha socdaalka Maraykanku u kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo kor u qaadaysa fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee gobolka. Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay Sharcigani uu ja turjumayo horumar weyn oo la xidhiidha wax wada qabsiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, wuxuuna xusay inuu qaraarkani uu u gudbi doono codbixin buuxda oo Aqalka Wakiillada ah, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo is-dhexgalka shacabka labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka. Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu iftiimiyay in Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah dal ku caan baxay nabad, dimuqraaddiyad iyo xasillooni uu rajaynayo inay yeeshaan xidhiidh xoogeysta dowladda Mareykanka, kaasoo ku salleysan masaalix wadaag iyo aragti ku salleysan amniga iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika. Qaran News
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada , Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda. Inta ay socotay qaabilaada wafdigu, Saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad, Kaasi oo maraya meel gebogebo ah oo lagu raadjoogo firxadka Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya meelo kooban oo ka mid ah Calmiskaad. Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah. Madaxweynuhu ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Saturday welcomed Somali boxing champion and UNICEF Goodwill Ambassador Ramla Ali at the Presidential Palace in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada , Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda. Inta ay socotay qaabilaada wafdigu, Saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad, Kaasi oo maraya meel gebogebo ah oo lagu raadjoogo firxadka Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya meelo kooban oo ka mid ah Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo ay weheliyaan Saraakiisha AFRICOM appeared first on Puntland Post.
  18. Taliska Booliska Galmudug ayaa xiray labo dhalinyaro ah oo caan ka ahaa baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kadib markii lagu eedeeyay in ay aflagaado iyo hadallo anshax xumo ah u jeediyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Booliska ayaa sheegay in Cabdullahi Candulqadir Ciise iyo Falis Cabdullahi Cali loo soo qabtay kadib markii muuqaallo ay kusoo bandhigeen TikTok ay ka careysiyeen hay’adaha ammaanka iyo taageerayaasha dowladda. Labada eedeysane ayaa lagu soo bandhigay saldhigga booliska magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo lagu sheegay dacwadaha loo haysto. Kiiskan ma aha midkii ugu horreeyay ee dhalinyaro Soomaaliyeed oo TikTok ku hadla ama muuqaallo ku sameeya lagu xirto eedeymo aflagaado madaxda qaranka ah. Horay ayay booliska ugu xireen Muqdisho iyo deegaanka Gaddoon dhalinyaro kale oo iyaguna loo haystay eedeymo la mid ah, taas oo muujinaysa in dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyadu ay si dhow ula socdaan dhaqanka dhalinyarada baraha bulshada. Xiritaanka dhalinyaradan ayaa abuuray dood xooggan oo ku saabsan xorriyadda hadalka iyo xadka uu leeyahay isticmaalka baraha bulshada, iyadoo qaar bulshada ka mid ah ay u arkaan in loo baahan yahay edeb iyo ilaalinta sharciga, halka kuwa kalena ay ku doodaan in la caburinayo xorriyadda muwaadiniinta. Source: goobjoog.com
  19. Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa dadweynaha ku wargeliyay khataraha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo uu bilowday roobka Dayrta. Laanta Ilaalada Waddooyinka ee Booliska Puntland Waxay si gaar ah uga digtay meelaha ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka, maadaama biyaha roobku halis ku yihiin darawallada, rakaabka iyo hantida. “Shacabka waxaa lagu boorinayaa in darawalladu ka taxadaraan ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan. In dadka degan meelaha ku dhow togagga iyo biyo-mareennada ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha.” Waxay kale oo ku wargeliyeen dhammaan shacabku in ay raacaan tilmaamaha ciidamada booliska ee ku sugan waddooyinka, waxaana gigniintan qayb ka tahay dadaallada Booliska Puntland ee lagu xaqiijinayo badbaadada bulshada iyo ilaalinta hantida. PUNTLAND POST The post Puntland oo digniin ka soo saartay Safarka waddooyinka wakhti uu Roobkii bilowday appeared first on Puntland Post.
  20. Dowladda Mareykanka ayaa xidhay nin Soomaali ah oo ay xeer ilaalinta Minnesota ku eedeeysay inuu doonayay inuu ku biiro ururka Daacish. Abdisatar Axmed Xasan, oo 23-jir ah, ayaa loo xiray markii hay’adaha ammaanku ogaadeen inuu baraha bulshada ku amaanay ururka ISIS, labo jeerna uu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro, Daacish, isla markaana muujiyey rabitaan uu Maraykanka wax ugu dhimi lahaa. Xeer-ilaaliyaha ku-xigeenka Mareykanka, Joe Thompson, ayaa yiri: “Cabdi Sataar wuxuu duubay calanka ISIS, una dabaaldegay weerarro lagu qaaday dalkiisa. Ma oggolaan doonno in Minnesota ay noqoto hoy ama meel aamin ah oo loo aado argagixiso doonaya inay fal galaan.” Intii dacwaddu socotay, ninkan ayaa qirtay dambigiisa. Xukunkiisa ayaa la go’aamin doonaa dhowaan. Wakiilka Gaarka ah ee FBI ee xafiiska Minnesota, Alvin M. Winston Sr., ayaa yiri: “Qiyaasta xukunka maanta waxaa ka dambeeyey saacado badan oo shaqo adag ah oo ay fuliyeen wakiillada iyo falanqeeyayaasha FBI. Minnesota in laga ilaaliyo taageerayaasha ururada argagixisada ee dibadda loo calaamadeeyey sida ISIS iyo Al-Shabaab waa mudnaanta koowaad ee FBI. ISIS iyo Al-Shabaab waxay halis cad u yihiin dhammaan Mareykanka.” Qoraallada Xasan ee baraha bulshada waxaa ka mid ahaa amaan loo jeediyey ISIS iyo weerarro argagixiso oo ay ku jirto weerarkii Janaayo 1, 2025, ee New Orleans, kaas oo lagu dilay 14 qof, isaga oo qofka weerarkaas fuliyay ku tilmaamay “halyeey.” Bishii Febraayo, Xasan wuxuu baraha bulshada ku soo dhigay muuqaal muujinaya isagoo haysta calanka madow ee ISIS oo gurigiisa lagu sameeyey. Baadhayaashu waxay qabteen taleefoonnadiisa gacanta waxayna heleen isweydaarsiyo qoraal ah oo uu la yeeshay qof u muuqday weriye, iyo faylal PDF ah oo qaar Faransiis/Carabi ku qornaa, kuwaas oo tilmaamaya sida loo sameeyo qaraxyada. Source
  21. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has formally requested the leadership of Parliament to delay the opening of the 7th session of the Federal Parliament, which had been scheduled for Saturday. The session will now open on September 29, according to a notice sent to members of both houses. Source: Hiiraan Online
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/09/a6b754dc23e931cae801b2d68834a977.mp4 Qaran News
  23. Roobkii deyrta oo ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari ayaa togagga qaarkood ku fatahay daadad xooggan, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa isu socodka gaadiidka ee laamiga Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in daad xooggan oo xalay ku soo dhacay togga Buraan ee degmada Carmo ee gobolka Bari uu hakad geliyay dhaq dhaqaaqa isu socodka gaadiidka laamiga dheer, islamarkaana laga soo badbaadiyay dad ku xannibmay togga. Sidoo kale, Roobabkan mahiiggaanka ah ayaa ka da’ay degaannada ku teedsan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, gaar ahaanna dhulkii laga saaray mileeshiyaadkii Daacish oo dhaca togga Jeceel, halkaasi oo dadkii hore uga bara-kacay dib ugu guryo noqdeen xorayn kadib. PUNTLAND POST The post Daadad ka dhashay Roobabkii deyrta oo ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  24. Beijing (HOL) – Chinese Defense Minister Admiral Dong Jun met with Somali Defense Minister Ahmed Moallin Fiqi in Beijing on Friday on the sidelines of the Xiangshan International Defense Forum, marking the first ministerial-level meeting between the two countries in nearly 40 years. Source: Hiiraan Online