Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo weli khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka. Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka hadlay arrintan ayaa eedeymo culus oo la xiriira daaha doorashooinka u jeediyay Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay dib u dhigtay doorashooyinkii maamul-goboleedyada dalka. Lugatoor ayaa si gaar ah farta ku fiiqay maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in madaxdooda uu ka dhammaaday muddo xileedka, balse ay iska sii joogaan. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in sababta ay tahay in dowladdu rabto inay iyadu sii joogto sharci la’aan, marka uu ka dhamaado muddo xileedka, sida uu hadalka u dhigay. “Doorashadii dowlad goboleedayada DFS ayaa ragaadisay, Hirshabeelle oo kaliya ayaa Muddo xileedkeedu ka dhamaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed DFS ayaa gacanta ka haysa si cudur daar ugu hesho marka muddo xileedka DFS dhamaado sharci la’aan ku joogto.” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Puntland. Eedeyntaan cusub ee kasoo baxday Puntland ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan uu taagan yahay khilaaf culus oo ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana mar kale maanta dib u furmay wada-hadalladii u socday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka dalka. Waxaa qorshuhu yahay in maanta labada dhinac ay si toos ah u guda galaan doodda u dhexeysa ee ku aadan is-mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah, kaasi oo labada dhinac ay la tashiyo kasoo sameeyeen kadib markii la isku dhaafi waayay shirarkii hore. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka dowladda, haddana ma cadda in isfaham ay labada dhinac ku gaari kadaan shirka maanta, oo si dhow isha loogu hayo. Shirkan waxaa ka horreeyay saddex shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale maanta oo Axad ah dib loo sii amba qaadi doono.
  2. Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar ayaa socdaal ku tegey degmada Dhudhub iyo degaanka Dhuudo oo ay dhawaan shaqaaqo ka dhacday, waxaana ay shirar la yeesheen odayaasha iyo waxagaradka degaanka, oo ay kala hadleen xallinta shaqaaqadii dhacday. Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ay wehelinayeen Xildhibaan Maxamuud Cali Gooni, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiyada Puntland Maxamed Siciid Hogaamo, iyo nabadoonada gobolka karkaar, ayaa halkaasi u tegey xal u helidda shaqaaqadii dhacday. Mas’uuliyiinta halkaasi booqday iyo dhammaan dhinacyada degaanka ayaa isla qaatay in si wadajir ah looga shaqeeyo amni degaanka, islamarkaana xal loo helo shaqaaqado dhawaan ka dhacday degaannada Dhudhub iyo Dhuudo. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar oo socdaal ku tegey degaanno dhawaan shaqaaqo ka dhacday appeared first on Puntland Post.
  3. Dhaqaatiirta dunida ayaa si weyn uga digaya cudurro halis ah oo ka dilaacay marinka Qasa, ayagoo sheegay in gaajada, nafaqada darrada iyo nadaafad xumada halkaas ka jirtaahi ay horseedeen xanuunno badan oo sababi kara inay dadku u dhintaan. Mark Brawner oo ah Dhakhtar Maraykan ah oo ka soo laabtay Gasa ayaa sheegay in Xasuuqa ballaran ee halkaas ka socdaahi uu horseeday in dad badani ay gaajo u dhinteen, islamarkaana dadka ay la ildaran yihiin burbur iyo hoos u dhac ku yimid heerka shaqada jirka, burooyinka iyo boogaha caloosha oo ka dhashay gaajo, iyo cudurro kale. Mark wuxuu intaa ku daray in Marinka Qasa uu u baahan yahay xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, maadaama ay tahay in maalin kasta gargaar la gaarsiiyo, raashin yaroo hawada looga daadiyaahina aanay xal u ahayn dhibaatada gaajada ee Marinka ka taagan. Qasa waxay sanadkii labaad ku jirtaa xasuuq iyo go’doomin, waxaana dadka duqeymaha ku dhintay oo haatan 100 kun ku dhow weheliya daraasiin kale oo gaajo, daryeel la’aan caafimaad iyo dayac si maalinle ah ugu dhimanayo, ayadoo dunidu ay isha ka daawanayso. Source: goobjoog.com
  4. In modern times, trustworthy as well as classy travel appears vital, including seeking regarding luxury limo rental nearby discloses a realm for choices. Whether you’re arranging a marriage, going towards a business gathering, plus only need a pleasant airport shuttle, limo services provide a sophisticated answer. They features exceed standard journeys, featuring trained drivers, flawless vehicles, including adapted trips such render every ride unforgettable. Spanning old-school luxury sedans and extravagant extended versions, the options appeal to various finances and passenger totals, offering alternatives fit for everyone. Grasping luxury limo service nearby When you query “limousine service near me”, one is engaging a network of firms focused to luxury transportation. Such offerings often boast a diverse collection, featuring executive sedans, SUVs, and chauffeured cars fitted with current features such as comfortable cushions, entertainment systems, and refreshments. The emphasis remains on ease, on-time arrival, including protection, including certified drivers that guide traffic efficiently. Suitable to occasions as well as professional journeys, limo offerings elevate ordinary journeys into opulent experiences, local limo company near me offering tranquility and a dash of class. Inexpensive Options: Cheap Limo Near Me For those controlling expenses, “cheap limo near me” doesn’t signify forgoing value. Numerous firms offer affordable offers that include well-maintained cars and trained professionals using attractive rates. They features suitable with short trips, including formal dances or leisure trips, as one desires fashion minus large fee. Check with offers and off-peak bookings to receive superior deals, providing one appreciates rewards through chauffeured rides inexpensively. Indulge in Class: high-end limo service Should extravagance appears your target, high-end limo service inquiries yield luxury options featuring top-tier rides including Mercedes as well as luxury vehicle limousines. This services offer personalized cabins, cutting-edge features, and customized aspects like beverage offering plus custom lighting. Perfect for upscale events like celebrations, VIP occasions, and special dates, premium limousines feature a unmatched degree of luxury plus exclusivity, rendering one feel like royalty during transport until delivery. Premier Options: luxury limo rental nearby Finding the “best limo service near me” includes evaluating criteria including customer reviews, car range, including consistency. Best reviewed firms shine with user approval, delivering versatile timing, clear rates, as well as exceptional chauffeur manners. Commonly boast top evaluations at feedback sites, with customers praising that focus on specifics and seamless adventures. Selecting the optimal provides travel goes beyond a ride, but a standout of the occasion. 24-Hour: all-day limo availability To all-day needs, “24/7 limo near me” offerings guarantee availability round the clock, day or night. Regardless if that is early flight and nighttime comeback a lively event, they companies are ready with standby professionals plus a variety for transports. Such adaptability stays crucial to impromptu events as well as unexpected issues, providing reliable rides as needed. Community-Based: Local Limo Company Near Me Picking for a “local limo company near me” assists businesses featuring thorough knowledge regarding regional roads plus road conditions. These businesses regularly provide personalized service, affordable rates, plus prompt feedback. Regional bonds guarantee a reliable trip, including drivers that recognize optimal routes plus attractive trails for a pleasant trip. Versatile Alternatives: nearby car rental nearby car rental features an extensive variety with alternatives, spanning entry-level luxury sedans plus executive vehicles. These options emphasize about convenience, featuring quick scheduling as well as skilled drivers. Ideal to everyday travels, company discussions, as well as leisure trips, providing a step up beyond basic rideshares with increased comfort plus reliability. Expert Service: professional driver service nearby With a relaxed trip, professional driver service nearby delivers skilled operators prepared regarding etiquette as well as driving skills. Operators take care of everything from bags plus travel organization, permitting you to relax or prepare while traveling. Such feature beloved to corporate travel and events in which expertise remains essential. Private With Elegant: luxury sedan nearby executive black car nearby refers to stylish premium cars delivering confidentiality including class. Commonly utilized regarding professional plus premium journeys, these cars offer shaded panes and opulent designs, offering a low-profile including luxurious trip. Timeless Luxury: executive town vehicle luxury town car nearby delivers evergreen style featuring large cabins plus easy travels. Popular regarding airport shuttles as well as downtown trips, premium vehicles balance high-end and usability, rendering a top choice regarding personal use and corporate applications. Effective Ride: premium sedan nearby premium sedan nearby provides compact though comfortable selections with lone riders and pairs. Executive sedans reduce consumption as well as easy to maneuver, suitable to city settings and quick trips. Group Fun: Stretch Limo Near Me To events, party stretch limousine nearby delivers excitement in motion including spacious designs, beverage areas, including music setups. Suitable for bachelor parties and proms, party limos handle extended teams classily. Exclusive Journeys: exclusive car hire nearby personal private car service ensures a customized journey with personal transports as well as chauffeurs. This service is tailored to seclusion, Frequently with extras such as online connectivity and refreshments with an authentically individual trip. Selecting the Right Feature For picking between these multiple selections, think about one’s expenses, party number, plus function category. Read ratings, assess quotes, plus check for licenses for guaranteeing a secure trip. A lot of services feature web reservation for practicality. Advantages of Employing Limousine Offerings Chauffeured options provide easy rides, allowing one to concentrate upon function over driving plus garaging. Boasting trained operators, you enjoy reliability, comfort, including Frequently extra benefits for example media centers. Recommendations to Arranging Schedule beforehand, notably in peak times including city happenings. Communicate special requests, as well as verify details including pickup time plus place. Gratuity usual reward appears normal for great experience. Security Plus Regulations Reliable offerings follow according to strict safety standards, covering ride preservation including operator preparation. Always confirm protection including authorization to peace of mind. Environmental Advances A lot of firms now provide hybrid or battery-powered rides, lowering environmental impact during keeping upscale. Final Thoughts Regardless if for high-end or cost-effectiveness, limo services in the area offer superior ease as well as class. Discover alternatives now to a boosted trip. Source: goobjoog.com
  5. Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen. Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  6. Bariire (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay muuqaalka dagaalkii lagu xoreeyey magaalada Bariire, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab, iyadoo dowladdu ay horay u sheegtay in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta. Muuqaallada oo lagu soo bandhigay TV-ga dowladda ee SNTV ayaa muujinaya duqeymo tiro beel ah oo lala beegsaday kooxda, iyagoo waayey meel ay u baxsadaan. Al-Shabaab, markii ay qabsadeen magaaladaas waxay jareen oo miinooyin ku xireen Buundadii Bariire ee Wabiga looga gudbi jiray, balse markaan iyaga ayaa eeday, kadib markii ay ka gudbi waayeen wabiga, oo halkaas lagu laayey. Sidoo kale, muuqaalka waxaa laga arkayaa duqeymaha oo toos ugu hoobanaya dhulka howdka ah ee Shabaab-ku ay dhex cararayaan, dowladdu waxay warbixintaan ku sheegtay in Shabaab aysan hal qof ka badbaadin. Kooxda ayaa markii hore godad ay ka dagaalamaan ka dhex qodatay guryaha magaalada, balse duqeyn ayaa looga saaray, ilaa qoryahooda ay ka cararaan. Caawa, barta Telegram ee TV-ga dowladda waxaa mar kale lagu baahiyey sawirrada in ka badan 50 kamid ah meydadka Shabaab-kii lagu laayey Bariire, kuwaas oo weriyaashii maanta tegay deegaanka ay soo sawireen. Halka arrin oo Shabaab ay si rasmi ah uga shaleynayaan waa inay jareen Buundadii Bariire, iyagoo ku xasdaya dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, balse ayaga ayaa ciqaab daran kala kulmay, kadib markii ay Jabeen ee hadana ay waayeen waddo ay ku baxsadaan, maadaama ay burburiyeen Buundadii. Muuqaallada lasoo bandhigay waxaa lagu arkayaa, iyagoo ku le’anaya daafaha wabiga, kadib markii diyaaradaha duqeymaha fulinaya ay toos u dul istaageen maleeshiyaadka baxsadka ah ee kooxda. Hoos ka daawo Muuqaalka
  7. Agaasimaha Isbitaalka Demartino, Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin, ayaa sheegay in isbitaalku uu diiwaan geliyey bukaano ka yimid 40 degmo oo dalka ah kuwaas oo lagu arkay cudurka Gowracatada. Dr. Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in tiradan ay muujinayso in cudurkaasi uu noqday mid saameeyay guud ahaan dalka, maadaama bukaannada laga soo qaaday gobollo kala fog oo Soomaaliya ka tirsan. Isaga oo ka hadlayay xaaladda caafimaad, waxa uu xusay in cudurka Gowracatada uu leeyahay saameyn degdeg ah iyo halis caafimaad, taas oo u baahan in degdeg loo sameeyo tallaabooyin ka hortag iyo wacyigelin dadweyne si loo joojiyo fiditaanka. Agaasimaha ayaa ugu baaqay bulshada in ay si dhaqso leh ula xiriiraan xarumaha caafimaadka marka calaamadaha cudurka lagu arko qof, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo kordhin kara faafitaanka cudurka. Source: goobjoog.com
  8. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga talada haya ee Itoobiya ayaa soo cusboonaysiiyay ololihiisii gardarrada ahaa ee uu ku doonayay marin-badeed, isagoo ku dhawaaqay in raadinta dekad ku taalla Badda Cas ay tahay “xaq taariikhi ah” oo aan gorgortan geli karin, isla markaana ku dhaartay inuu ciribtiri doono wax kasta oo uu u arko xoogag gudaha ah oo “khaa’inul-waddan” ah. Hadalladan colaadda xanbaarsan, oo la soo saaray Jimcihii, ayaa muujinaya khatar sii kordhaysa oo ku saabsan siyaasadda ballaarinta ee Addis Ababa, taas oo si toos ah u beegsanaysa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Ka dib shirweyne saddex maalmood socday, Xisbiga Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa soo saaray bayaan ay ka buuxaan hadallo hanjabaad leh, taas oo xaqiijinaysa cabsi hore loo qabay oo ah in Itoobiya ay qorshaynayso inay sii waddo heshiiskii sharci-darrada ahaa ee ay bishii Janaayo 2024 la gashay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Xiisaddan taagan ayaa billaabatay 1-dii Janaayo 2024, markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu heshiis is-afgarad oo sir ah (Memorandum of Understanding) la saxiixday Muuse Biixi Cabdi, madaxeynihii hore ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya. Heshiiskan sharci-darrada ah wuxuu Itoobiya oo aan lahayn bad siinayay kiro 50 sano ah oo ku saabsan 20 kiiloomitir oo xeebaha Soomaaliya ka mid ah, si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi. Beddelka xadgudubkan cad ee lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya, Itoobiya waxay ballan qaaday saami ku saabsan shirkaddeeda diyaaradaha qaranka, iyo—arrinta ugu walaaca badan—in ay diyaar u tahay inay aqoonsi rasmi ah siiso Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Wxaaa hadda muhiim ah fahamka bayaannadii ugu dambeeyay ee Itoobiya. “Waxaan ku guuleysannay inaan ajande caalami ah ka dhigno xuquuqda dabiiciga ah ee taariikhiga ah ee Itoobiya u leedahay helitaanka bad,” ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga, iyadoo lagu daray in ay “ka gudbeen cutubkii koowaad ee dadaalkeenna aan ku soo celinayno danaha istiraatiijiyadeed ee juqraafiyeed ee Itoobiya ku leedahay Badda Cas.” Hadalladan waa hanjabaad cad oo ku wajahan Soomaaliya, waxayna dib u xaqiijinayaan damaca Itoobiya ee ah inay xoog ku qabsato dhul xeebeed, iyadoo ku tumanaysa sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Iyadoo la tacaalaysa qalalaase gudaha ah oo ballaaran, Addis Ababa waxay isku dayaysaa inay muujiso awood, iyadoo adeegsanaysa marmarsiiyo ay ku hurinayso colaad dibadeed. Bayaanka xisbiga talada haya wuxuu ku andacoonayaa in “cadowyo taariikhi ah” iyo “xagjiriin khaa’imiin ah” ay ka shaqeynayaan sidii ay dalka u gelin lahaayeen xasilooni darro—marmarsiiyo la yaqaan oo loo adeegsado tallaabooyin milatari. “Damaca dagaal ee cadowgeennu ma istaagi doono,” ayaa lagu yiri bayaanka, isagoo sheegay in “fursaddii ay ku wiiqi lahaayeen Itoobiya ay sii yaraanayso.” Aragtidan waxay sawir ka bixinaysaa nidaam dareensan in dhinac walba laga hareereeyay, taas oo inta badan horudhac u ah gardarro dibadeed oo loogu talagalay in lagu kiciyo taageerada gudaha. Bayaanku wuxuu xusay lix xeeladood oo lagu eedeeyay in cadowgu adeegsado, kuwaas oo ay ka mid yihiin kharribaad dhaqaale iyo ka faa’iidaysiga meelaha bannaan ee maamulka, isagoo sii gogol-xaaraya jawaab celin xoog leh oo laga bixinayo cid kasta oo loo arko mucaarad. Fallanqeeyayaasha waxay sheegeen in hanjabaadahan lagu wajahayo kooxaha hubeysan sida maleeshiyada Fano iyo Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF-Shene). Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego Soomaaliya, mowqifkan gardarrada iyo ku dhawaaqista in “la baabi’in doono caqabadaha” wuxuu xusuusin u yahay sida Itoobiya ay diyaar ugu tahay adeegsiga awoodda si ay u gaarto danahaheeda istiraatiijiyadeed. Xaaladda gobolka oo sii cakirmaysa, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ee Abiy Ahmed inay ku fashilantay hirgelinta heshiiskii nabadeed ee Pretoria, waxayna ka digtay xaalad bini’aadanimo oo sii xumaanaysa oo ka jirta waqooyiga dalka. Shir jaraa’id oo uu qabtay 8-dii Agoosto, Guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, wuxuu sheegay in fashilka dowladda federaalka uu sababay barakac iyo dhimasho ku habsatay shacabka Tigray, isagoo ku eedeeyay inay “ka caga jiidayso soo celinta dhulalkii Tigray ee la qabsaday.” Iska hor-imaadkan gudaha ah wuxuu muujinayaa dildilaaca qotada dheer ee ka dhex jira Itoobiya, taas oo ka dhigaysa hoggaankeeda mid aan la saadaalin karin oo khatar leh. Waxaa muhiim ah in la xuso in Debretsion uu isna ku celiyay rabitaanka gobolkiisa ee marin-badeed, isagoo sheegay in “aan la qiyaasi karin in Tigray dhinac walba laga soo xiro ama 360-digrii lagu hareereeyo.” Arrintan ayaa sii murjinaysa xaaladda amniga, waxayna muujinaysaa in dhinacyo kala duwan oo Itoobiya ka tirsan ay raadin karaan inay go’doonka kaga baxaan awood militari. Soomaaliya ahaan, fariinta ka imaanaysa Addis Ababa waa mid cad: nidaam gudaha ah oo ay ka taagan tahay qalalaase ayaa haddana ku adkaysanaya sheegashadiisa sharci-darrada ah ee xeebaha dalal kale, taas oo abuuraysa khatar toos ah oo aan la iska indho tiri karin oo ku wajahan amniga qaran.
  9. By Michele Maresca Despite calls to the contrary from their respective powerful neighbors, Taiwan and Somaliland continue to expand their relationship, endowing it with important new prospects. Fitting into this bigger picture is the historic Coast Guard Cooperation Agreement signed last month. The common goal is to move the already strong bilateral relationship toward operational cooperation, with significant and tangible mutual benefits to be observed. Essentially, the new agreement commits the parties to a course of conduct that is expressed in three fundamental activities: cooperation, intelligence sharing and technology transfer. This reflects the desire — shared by both nations — to achieve strategic results within the context of their respective national interests. For Somaliland, binding itself to an international agreement — signed with a foreign nation rather than with a UN mission — represents a significant piece in the puzzle of its progressive assertion of global status. Sharing information and acquiring new expertise from Taiwanese authorities also adds a security component, which makes the agreement extremely beneficial for Hargeisa from several perspectives. For Taiwan, the agreement marks a significant starting point for increasing its influence in a region crucial to global trade. It also demonstrates how Taipei intends to shape its relationships with like-minded partners: through cooperation over imposition, a partnership of equals rather than one of inequality and the pursuit of shared general interests over narrow self-interests. This approach reveals a stark contrast with the behavior of China in its dealings with African partners. This is where “debt-trap diplomacy” comes into play — a term describing Beijing’s deliberate strategy to progressively subjugate nations that receive its generous loans to later exert a dominant influence over those nations’ domestic and foreign policy decisions. The difference between the two models is the secret to Taiwan’s diplomatic success in the Horn of Africa, particularly with Somaliland. It reinforces the certainty that Taipei’s broader interests align with, rather than oppose, Hargeisa’s claims against the backdrop of a mutually beneficial partnership that allows both parties to pursue their goals without sacrificing their independence and autonomy. It is no surprise that the Ministry of Foreign Affairs referred to the first visit of Somaliland Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Abdirahman Dahir Adam — during which the historic maritime cooperation agreement was signed — as an event that “reflects the strength, resilience and shared values of our democratic partnership.” The bond between Somaliland and Taiwan is based on the mutual belief that only through an agreement between equals could they fully satisfy their legitimate national needs. This “partnership of equals” challenges the traditional notion of a powerful nation dominating a weaker one and seeks to redraw the geopolitical dynamics of the Horn of Africa. Regarding China’s investments in Africa, it is worth remembering that a dam operated by China completely collapsed in Zambia, releasing 50 million liters of acidic mining waste into the Kafue River basin (a vital lifeline for 60 percent of the population). This incident stands as a clear example of the consequences that might arise from that kind of partnership. Returning to Taiwan-Somaliland relations, the latest developments do not stop with the maritime cooperation agreement. Also last month, the government of Taiwan financed the reconstruction and modernization of a key road in Somaliland’s capital, Hargeisa. The road, now renamed “Taiwan Avenue,” connects the airport and the city, as well as the people of Somaliland to the world. As the Taiwanese Representative Office in Somaliland said, the reconstruction of the road “embodies our nations’ cherished friendship and partnership.” It added that the project is founded on three clear objectives: “improving the well-being of the people of Somaliland, boosting the local economy and advancing Taiwan-Somaliland relations.” Through these measures, Taipei aims to provide its African partner with the necessary tools to compensate for the lack of external (international) legitimacy resulting from the non-recognition of its sovereignty and independence — a situation that is at odds with the substantial reality experienced in the case of Somaliland. The evolution of the relationship between Somaliland and Taiwan demonstrates that, despite threats from authoritarian actors, shared values and respect for each other’s identity can foster alliances in which both parties can protect their interests without having to sacrifice anything to satisfy a dominant counterpart’s needs. This is how the success of this partnership, whose foundational principles merge into a mutually beneficial outcome, can be explained. Michele Maresca is an analyst at Il Caffe Geopolitico, an online international law journal, and the think tank Geopol21. Taipei times Qaran News
  10. Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula beegsaday qaybo ka mid ah magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay waddada aada garoonka diyaaradaha, waxaana lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid kamid ah kolonyada ciidamada Itoobiya oo xilligaas kusii jeeday dhanka garoonka oo ay dagan yihiin waxaana soo gaaray khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo gebi ahaan uu burburay baabuurka la qarxiyay. Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas kooban, waxaynasidoo kale xayireen dhaq-dhaqaaqa waddada, inkastoo saacado kadib ay isaga tageen goobta lagu weeraray. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxa loo dhigay kolonyada ciidamada Itoobiya, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, sida ay ku baahiyeen barahooda. Qaraxan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro isugu jiro, qaraxyo, kuwa toos ah iyo madaafiic ay Al-Shabaab ku qaadayeen fariisimaha ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaannada ay ka joogaan gobollada Baay iyo Bakool. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa si gaar ah weeraro gaadmo ah ku qaada qaybaha kala duwan ee ciidamada ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadkooda, waxayna sidoo kale go’doon ku hayaan degmooyinka waawayn.
  11. MOGADISHU, Somalia – Ethiopia’s ruling party has ominously renewed its aggressive push for sea access, declaring its quest for a Red Sea port a non-negotiable “historical right” while vowing to eliminate any internal forces it deems “treasonous.” The belligerent statements, issued on Friday, signal a dangerous escalation in Addis Ababa’s expansionist policy, which directly threatens the sovereignty and territorial integrity of Somalia. Following a three-day party congress, the Prosperity Party of Prime Minister Abiy Ahmed issued a declaration loaded with threatening rhetoric, confirming fears that Ethiopia intends to follow through on its illegal January 2024 MoU with the secessionist Somaliland region. The illegal MoU with Somaliland The current crisis was ignited on January 1, 2024, when Prime Minister Abiy Ahmed signed a secret Memorandum of Understanding with Muse Bihi Abdi, former leader of the breakaway Somaliland region in northern Somalia. The illegal deal granted landlocked Ethiopia a 50-year lease on 20 kilometers of Somali coastline to build a naval base and commercial port. In exchange for this blatant violation of Somali sovereignty, Ethiopia offered shares in its national airline and, most alarmingly, implied it would move towards formally recognizing Somaliland as an independent state—an act that would dismantle Somalia and destabilize the entire Horn of Africa. The reaction from the Federal Republic of Somalia was swift, unified, and resolute. President Hassan Sheikh Mohamud galvanized the nation with a powerful address to parliament, declaring that the MoU was “null and void” and an act of “blatant aggression.” “Not an inch of Somalia’s land, sea, or air can be compromised,” President Mohamud asserted, a sentiment that was echoed by Somalis across the country and in the diaspora. The Somali cabinet immediately recalled its ambassador from Addis Ababa and passed a law nullifying the illegal agreement, making it clear that any attempt to implement it would be considered an act of war. A wave of international support bolstered Mogadishu’s firm stance. The Arab League, the Organization of Islamic Cooperation (OIC), the African Union, and the European Union all released statements reaffirming their unwavering support for Somalia’s sovereignty and territorial integrity. Key regional powers, particularly Egypt, strongly condemned Ethiopia’s actions, recognizing the MoU as a reckless move that threatened regional stability. A pretext for aggression It is in this context that the latest statements from Ethiopia must be understood. “We have successfully managed to make Ethiopia’s natural and historical right to sea access a global agenda,” the party’s statement declared, adding it had gone “further than the first chapter in our bid to restore Ethiopia’s geostrategic interests on the Red Sea.” This language is a clear and present danger to Somalia, reaffirming Ethiopia’s intent to seize coastal territory in defiance of international law and Somali sovereignty. While facing significant internal turmoil, Addis Ababa is attempting to project strength by creating pretexts for conflict. The ruling party’s statement alleges that “historical enemies” and “traitorous extremists” are working to destabilize the country, a familiar justification used to launch military actions. “The desire for war by our enemies has not ceased,” the statement reads, claiming, “their chance to weaken Ethiopia is shrinking.” This narrative paints a picture of a regime besieged from all sides, a posture that often precedes external aggression to rally domestic support. The statement identified six strategies allegedly used by its adversaries, including economic sabotage and exploiting governance gaps, laying the groundwork to justify a forceful response against any perceived opponent. Observers note these threats are aimed at armed groups like the Fano militia and the Oromo Liberation Army (OLF-Shene). However, for Somalia, this aggressive stance and vow to “eliminate obstacles” serve as a chilling reminder of Ethiopia’s willingness to use force to achieve its strategic objectives. Adding to the regional volatility, the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) has accused Abiy Ahmed’s federal government of failing to implement the Pretoria peace agreement, warning of a worsening humanitarian crisis in the northern region. In a briefing on August 8, TPLF Chairman Debretsion Gebremichael said the federal government’s failures were leading to the displacement and death of Tigrayans and accused it of being “unwilling to return the invaded Tigrayan territories.” This internal conflict highlights the deep fractures within Ethiopia, making its leadership dangerously unpredictable. Significantly, Debretsion echoed his own region’s desire for access, stating it is “unthinkable for Tigray to be surrounded or closed off 360 degrees by anyone.” This further complicates the security landscape, suggesting multiple actors in Ethiopia could be seeking to break their isolation through force. For Somalia, the message from Addis Ababa is unmistakable: a volatile and internally conflicted regime is doubling down on its illegal claim to our coast, creating a direct threat to our national security that cannot be ignored.
  12. MOGADISHU, Somalia – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre is facing a significant political challenge as a group of parliamentarians organizes a no-confidence motion against his government, threatening to plunge the Horn of Africa nation into a new bout of instability amid its critical war against Al-Shabaab insurgents. The motion, which organizers say is backed by a substantial number of lawmakers, is reportedly being prepared in Nairobi, Kenya, and is scheduled to be presented to the parliament in Mogadishu on August 23. The move represents the most serious threat to Prime Minister Barre’s tenure since President Hassan Sheikh Mohamud appointed him in June 2022. His government has, until now, enjoyed a rare period of political calm, allowing it to focus on a major military offensive against the Al-Qaeda-linked militants. Motion gathers signatures A key proponent of the motion, Member of Parliament Abdiladif Muse Nur, known as Sanyare, announced that the effort has gained significant traction. “The motion to withdraw confidence from the government of Hamza Abdi Barre… has been signed by 120 members of parliament,” Sanyare, who represents the North Galkayo region, stated. He indicated that organizers were seeking just 20 more signatures to secure a majority. Somalia’s Lower House of Parliament, the House of the People (Golaha Shacabka), has 275 members. A simple majority of 138 votes is required to pass a no-confidence motion and dissolve the government. If the organizers’ numbers are accurate, they are close to reaching this critical threshold. Allies of the Prime Minister have forcefully pushed back, dismissing the motion as a baseless plot orchestrated by a small faction and asserting that the government maintains overwhelming support within parliament. Mohamed Abdi Hayir, the Minister of Agriculture and a sitting MP, rejected the legitimacy of the challenge. “The government of Prime Minister Hamza has the support of 90% of the members of parliament,” he declared. “It will be impossible to bring it down with an imported motion flown in on a plane!” The Minister of Ports and Marine Transport, Abdulkadir Mohamed Nur, a close ally of the Prime Minister, echoed this sentiment. He downplayed the threat, claiming a handful of individuals drove it. “The ‘Dan-Qaran’ government is not one that the noise of four people will dismantle,” said Minister Nur, using the official name for the administration, which translates to “National Interest.” He challenged the dissenters to stop their campaign on social media and present their case formally. “Why did you take your noise to Facebook and X? A motion is not tabled on social media,” he added. A test for political stability The political showdown comes after more than three years of relative executive stability, a rarity in Somalia’s turbulent political landscape. Historically, disagreements between presidents and prime ministers have often paralyzed the government and been resolved through disruptive no-confidence votes. Prime Minister Barre has become one of Somalia’s longest-serving prime ministers in the post-transition era, a fact largely attributed to the strong political alliance he shares with President Mohamud. This unity has been crucial for prosecuting the war against Al-Shabaab, which has been the government’s central focus. Analysts fear that a return to political infighting could critically undermine the military campaign. A prolonged power struggle in Mogadishu could divert political attention, financial resources, and security focus away from the frontlines, potentially allowing Al-Shabaab to regroup and reclaim territory. The international community, which provides significant funding and support for Somali security forces, has long warned that political stability is a prerequisite for defeating the insurgency. The coming weeks will be a crucial test of the government’s cohesion and support in parliament. The outcome of the proposed motion on August 23 will have profound implications not only for the leadership in Mogadishu but for the future of Somalia’s security and stability.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS, Kamaal Guutaale ayaa u jawaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame oo weerar afka ah ku qaaday xukuumadda DanQaan ee uu hoggaamiyo Xamza Cabdi Barre. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xukuumada hadda jirto ku dhaliilay waxqabad xumo, isaga oo sidoo kale ku tilmaamay dhiigmiirato, isla markaana ay kusoo koobantay khudbado maran iyo ballan-qaadyo waxba kama jiraan ah. Xoghaye Kamaal Guutaale oo isna qoraal dheer soo saaray ayaa sheegay in xildhibaanka ay eryadaan ka keeneen xanaaq uu u qabo dowladda, isla markaana uu yahay nin dayacay shaqadiisa xildhibaannimo, sida uu hadalka u dhigay. Gutaale ayaa difaacay xukuumadda DanQaran, wuxuuna tilmaamay inay ka shaqeysay dowlad dhiska iyo isku dhaweynta shacabka iyo dowladdooda. “Xildhibaan ku mar walba waxaa uu isaga xanaaqsan yahay maamul walba oo markaa talada haya una adeegsadaa erayo nuucaan ah oo aalaaba sal iyo raad iyo xigasho cilmiyeysan midna aan laheyn, waxaa qumanaan lahayd inuu waajibjiikiisa xildhibaanimo gutto, Xukuumadda ula xisaabtamo si sharci ah, su’aalo weydiiyo, kadibna xukun uu rido, inta uu buugiisa gadgadanayo, shaqadiisii xildhibaanimana dayaco u maleyn mayo inaan ka heli karno cadaalad, waa halkii carabtu ay ka dhihi jirtay “Hebel waxba kuma qanco, bisha rajab oo la soomana kaba dhigee” – لا يعجبه العجب ولا صيام في رجب”” ayuu yiri Guutaale. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- Marka laga soo tago erayada shixnadda caadifadeed leh sida “dhiig miirad, geesaweyn, tiyaatar siyaasadeed iyo imbiraadooriyad” ee uu xildhibaanka si joogta ah u isticmaalo si uu u diro farriin siyaasadeed aan ku saleysneyn cilmi, xaqaaiq iyo xitaa nambarro la xigan karo. Xildhibaan ku mar walba waxaa uu isaga xanaaqsan yahay maamul walba oo markaa talada haya una adeegsadaa erayo nuucaan ah oo aalaaba sal iyo raad iyo xigasho cilmiyeysan midna aan laheyn, waxaa qumanaan lahayd inuu waajibjiikiisa xildhibaanimo gutto, Xukuumadda ula xisaabtamo si sharci ah, su’aalo weydiiyo, kadibna xukun uu rido, inta uu buugiisa gadgadanayo, shaqadiisii xildhibaanimana dayaco u maleyn mayo inaan ka heli karno cadaalad, waa halkii carabtu ay ka dhihi jirtay “Hebel waxba kuma qanco, bisha rajab oo la soomana kaba dhigee” – لا يعجبه العجب ولا صيام في رجب”. Xukuumadda Dan Qaran shaqada ay ka qabatay dowlad dhiska, isu soo dhaweynta shacabka iyo dowladda, ka shaqeynta xasilooni siyaasadeed, tayeynta ciidanka, dib u xoreynta dalka, gun ka dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta qorshayaal dhaqaale oo taaba gal ah iyo fududeynta adeegga Bulshada intii suura gal ah waa wax bannaanka yaalla laakin nasiib darro xildhibaanka wuxuu u yaqaanaa “tiyaatar siyaasadeed”. La dagaallanka argagaxisada ma ahan arrin lagu raadsado dhibco siyaasadeed ee waa arrin u baahan inaan tobaneeyo sano si joogta ah loo wiiqo, dalal soomaaliya ka weyn ayaa ilaa maanta la daalaa dhacaya oo la dagaalamaya sanawaad sida Turkiga, Masar, Nigeria iyo Pakistan, waxey u taallaa Xukuumad walba oo Dalka timaadda, Xukuumadda Dan Qaranna iyada oo kaligeed ah oo adduun la socon ayey xabadka u qawsatay, argagixisadana kula dagaashay meela aan qof siyaasi ah madaxiisa ku soo dhicin in waa yahaan lagu la dagaalami karo oo boqollaal kilometer ka fog caasimadda. Waxaa muhiim ah in siyaasiyiinta aysan dadka ku qaldin culeysyada amni ee ka imaanaya bixitaanka ciidamada AMISOM/ATMIS iyo maareynta xilliga kala guurka ah, ciidankeennana u baahan yihiin iney lugahooda si fiican ugu istaagaan. Waxaa na soo martay xilli barlamaakeenna uu fadhiyaya magaalada Baydhabo, xildhibaanadeenna Baabuur isaga raaci jireen baydhabo iyo Muqdisho, Xukuumaddii Cabdiraxman uu Wasiirka ka ahaa ayaa furanta waxa ay keentay waddada Makka al mukarrama cid ku eedeysana ma jirin maa daama xilli kala guur ah la galay oo ciidanka itoobiya dalka ka baxayay ciidamada AMISOM-na ay u baahnaayeen iney lugahooda ku istaagaan. Waxaa xusid mudan iyada oo maareynta xilliga kala guurka lagu jiro, in ciidamo iyo agab casri ahba Xukuumadda Dan Qaran diyaarinteeda u howl gashay, howsha argagixisa la dirirkana ay socon doonto, Geysh-keennna guuleysan doono iyada oo cambaareynta cabdiraxman socoto. Guulaha horumarinta maaliyadda laga gaaray iyo Qorshaha dhaqaalaha waa marag ma doonto, adduunyada ayaa marag ka ah oo nidaamkeenna maaliyadeed kalsooni ku qabta, qorshayaasha dhaqaale ee dalka loo sameeyana waa mid soo jiidi doona maalgelinno dhalinyarteenna siyaasiyiinta jahawareerisayna shaqooyin u abuuri doona Insha’Allah. Dhismaha xasilloonida siyaasadeed ee uu xildhibaanka ku xajiimoodo waxaa daliil u ah in maanta mucaaradka ay Villa Somalia dhexdeeda ra’yigooda ayaga oo xor ah ka sheeganayaan, dowladduna diyaar u tahay wax la isla ogol yahay dalka in lagu dhaqo. Dan Qaran horteed ma jirin barlamaan iyo Xukuumad wada socda iyo dowlad federaal ah iyo dowlad goboleedya wada shaqeynaya, kuwa maqanna miiska ayaa u furan xilli walba, laakin xildhibaanka in la wada shaqeeyo oo dalka la wada dhiso wuxu u yaqaannaa liidnaan iyo ihaano waa isaga ka cararay wada hadalka Xukuumadda iyo mucaaradka. Dowlad dhisku maalin iyo laba maaha, sanad iyo labana maaha ee waa kalsooni bulsho, iyo in laga wada shaqeeyo danta guud, kalsooni la abuuro iyo xasilooni siyaasadeed. Political opportunism iyo xaqaaiqa oo la maduufikeeyo waa ma dhaleysnimo siyaasadeed ay ku haboon tahay in laga koro.
  14. Mogadishu (HOL) – Somali Defense Minister Ahmed Moalim Fiqi has accused unnamed foreign powers of directly supporting the Al-Shabaab militant group in an alleged bid to destabilize and take control of the country. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) – Somali Defense Minister Ahmed Moalim Fiqi has accused unnamed foreign powers of directly supporting the Al-Shabaab militant group in an alleged bid to destabilize and take control of the country. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa haatan wada qorshe culus oo uu ka damacsan yahay suuqii gubtay ee Suuq Bacaad, kaas oo la rabo in cabir horleh lagu sameeyo, sida uu shaaciyay Yaasiin Farey oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ayaa shaaca ka qaaday in uu la socdo qorshaha maamulka gobolka, isla markaana mar hore lasii qorsheeyay in suuqa la dulmiyo, kadibna la saaro cabir cusub, iyada oo meesha laga saarayo ganacsatada yaryar. “Iyada oo gobolka u qorheysneyd inay cabiraan dadka deggana ay ka kiciyaan ayaa musiibadaan dhacday oo xaaladda aragtay ayaa ka taagan in suuq Bacaad uu gubto xittaa haddii ay qaddar tahay waxaan aaminsanahay in gobolka Banaadir uu qorshe ka leeyahay” ayuu yiri Xildhibaanku. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Haddii qorshe laga lahaa in la cabiro meeshaas, dabna lagu qabtay, haddana guddoomiyaha uu sheegaayo uu leeyahay waa la hagaajinaa waa dareemi karaa meeshaas tuhunka iyo dareenka ka imaan kara” Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay in la rabo in qayb kamid ah suuqa la deegaameeyo, qaybta kalena, laga gado ganacsato waawayn, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa la rabaa in dadkan laga kiciyo niman ganacsato ah la siiyo, qaybta dambana inay guryo ka dhigaan, qaybta horena inay ka dhigaan moolal oo iyaga ku ganacsadaan” ayuu mar kale yiri Yaasiin Farey. Duqa Muqdisho ayaa dhawaan sheegay inay ka shaqeyn doonaan dib u dhiska suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu wayn ee dalka, wuxuuna sheegay in loo sameynayo waddooyin. “Suuqyada marka la habeynayo waxaa muhiim ah in waddooyin waawayn loo sameeyo hadhow haddii lacalla ay dhacdo mushkiladdan oo kale gurmadka deg-degga ah uu kusoo gaari karo inuu Ambalaaska kusoo gaari karo iyo ciidanka amniga” ayuu yiri Muungaab. Doodda ka taagan suuqyada Siinaay iyo Suuq Bacaad ayaa muddo soo taagneyd, waxaana haatan lagu kala baxay Siinaay, iyada oo kadibna uu gubtay Suuq Bacaad, waxaana haatan walaac muujinayo ganacsatadii ku hanti beeshay suuqaas oo inta badan gubtay.
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/08/VID-20250809-WA00021.mp4 Qaran News
  18. Washington, D.C. (HOL) – U.S. President Donald Trump has addressed reports that Somaliland has expressed interest in taking in displaced Gazans in exchange for U.S. recognition of its independence. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta dhagax dhigay wadada Calmiskaad oo isku xiri doonta magaalooyinka Boosaaso iyo Dhaadaar ee Gobolka Bari. Munaasabadda dhagax-dhigga jidkaan waxa Madaxweyne Deni kala qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, Isimada Dhaqanka , Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliska Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa muujiyay muhiimada ay Wadadan u leedahay isu socodka Gobolka Bari, isagoo xusay in ay ku timi baahi ka jirta deegaanka dhaadaar oo hadda laga sifeeyay Argagixisadii Daacish, waana Waddo aan ku koobnayn Kaabe-dhaqaale balse sidoo kale leh ahmiyad Amni. Wadada isku xiraysa Boosaaso – Dhaadaar, waa 92km oo dhismaheeda la billaabayo berito ayna Dowlad iyo Shacaba kawada qayb qaadanayaan, waxay ka mid tahay horumarka Calmiskaad sidii si dhow loogu xiri lahaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta dhagax-dhigay jid isku xiraya Boosaaso iyo Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  20. Ciidamada difaaca Puntland oo ku jira wejigii u danbeeyay ee sifaynta firxadkii argagixisadw Daacish ayaa maanta jihooyin dhawr ah kaga ruqaansaday togga Baallade oo ay ku go’doonsan yihiin wixii ka fiigay kooxdaasi. Ciidamada oo ay hawada ka ilaalinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dowladda Puntland ayaa bilaabay hawlgal culus oo lagu dhammaystirayo wejigii u danbeeyay ee ciribtirka argagixisada, kaasi oo firxadkii lagaga nadiifinayo godad dhaca togga Baallade ee duleedka Boosaaso. Hawlgalkan waxaa si weyn u taageeraya dowladda Imaaraatiga Carbeed iyo Maraykanka oo dhanka duqeymaha culus ka caawinaya Puntland halka duqeymaha fudud ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Puntland oo kor socda ciidamada. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo hawlgal culus ku qaaday firxadkii Daacish oo ku go’doonsan duleedka Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  21. Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu darsayo qorshe ay suurtagal ku tahay in jamhuuriyadda gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ay ku qaabisho Falastiiniyiin ka barakacay Marinka Gaza, kaasi oo shuruud ay uga dhigtay in Mareykanku uu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland. In kasta oo Trump uu xaqiijiyay in la eegayo arrinta Somaliland iyo Gaza, haddana kama uusan hadlin qodobka xasaasiga ah ee diblomaasiyadeed ee aqoonsiga, kaasoo gebi ahaanba beddeli lahaa wejiga siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka ee Geeska Afrika, ee soo jirtay tobannaan sano. “Arrintaas hadda waan eegaynaa,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad. “Dhab ahaantii waa su’aal wanaagsan, waana arrin kale oo cakiran, sidaad la socotaan. Laakiin hadda waan ka shaqeyneynaa arrintaas – Somaliland.” Shirkad Mareykan ah oo qaabeysay qorshaha Hadalladan Madaxweynaha ayaa daba socday warbixin uu wargeyska Financial Times daabacay Khamiistii, taasoo daaha ka qaadday in Boston Consulting Group (BCG), oo ah shirkad weyn oo la-talin ah oo fadhigeedu yahay Mareykanka, ay dejisay qorshe Falastiiniyiinta looga rarayo Gaza loona gaynayo Soomaaliya iyo jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Sida lagu sheegay warbixinta, la-taliyeyaasha BCG waxay qorshahan u dejiyeen koox ganacsato Israa’iiliyiin ah oo diyaarinayay qorshayaal ku aaddan dib-u-dhiska Gaza kaddib dagaalka Xamaas. Shaqadaas ayaa la sheegay inay ku jireen dokumiintiyo soo bandhigid ah oo lagu saadaaliyay in 25 boqolkiiba dadka reer Gaza ay doonayaan inay ka guuraan Marinka, aqlabiyaddooduna aysan dooneyn inay ku soo laabtaan. “Marka la aqbalo dadka reer Gaza ee si ku-meelgaar ah oo iskood ah u guuraya, waddanku wuxuu helayaa dad ku soo kordha oo keeni kara faa’iido dhaqaale oo si cad u weynaan karta,” ayuu qof xog-ogaal u ah shaqadan u sheegay wargeyska Financial Times. Ilo-wareedku wuxuu caddeeyay in waddamada qorshaha lagu daray aan lagu xulan wada-hadallo diblomaasiyadeed oo gaar ah, balse loo xushay si loo lafaguro fursadaha dhaqaale ee iman kara, kuwaas oo uu Trump horey u soo hadal qaaday. Wargeyska Financial Times wuxuu sidoo kale xusay in BCG ay gacan ka geysatay aasaaska hay’adda muranka dhalisay ee Gaza Humanitarian Foundation, oo ay taageeraan Mareykanka iyo Israa’iil, taasoo maamusha goobaha gargaarka lagu qaybiyo ee deegaankaas ku yaal. Bishii Maarso, wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aysan jirin “wax wada-hadal ah oo lala yeeshay cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta” la soo barakicinayo. Dadaal socday tobannaan sano Somaliland, oo ahayd maxmiyad Ingiriis, ayaa sheegtay in ay madaxbannaani ka qaadatay Soomaaliya inteedii kale sanadkii 1991-kii, kaddib burburkii dowladdii Siyaad Barre. In ka badan 30 sano, waxay dhisatay dowlad iyo ciidan u gaar ah, iyadoo sumcad ku yeelatay xasillooni ka dhex jirta gobol gacan ka hadal badan. In kasta oo ay taasi jirto, ilaa hadda ma jiro hal waddan oo si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland. Beesha caalamka, oo uu Mareykanku ka mid yahay, waxay taariikh ahaan ku adkaysanaysay siyaasadda ‘Hal Soomaali’. Goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed ayaa kordhisay muhiimaddeeda, waxaana arrintaas sii xoojiyay heshiiskii muranka dhaliyay ee dekedda ee ay dhawaan la gashay dalka aan badda lahayn ee Itoobiya. Dowladda Somaliland, helitaanka aqoonsiga Mareykanka ayaa u ah himilada diblomaasiyadeed ee ugu sarreysa. Qaybta qorshahan ee la xiriirta Gaza waxay ku lug leedahay suurtagalnimada barakicin ballaaran oo lagu sameeyo Falastiiniyiinta, taasoo ah fikrad durba cambaareyn caalami ah la kulantay. Deegaankaasi wuxuu hadda la daalaa dhacayaa colaad ba’an iyo dhibaato bini’aadannimo oo daran, iyadoo inta badan 2.3 milyan ee qof ee ku nool ay ku barakaceen gudaha. Xiisaha uu Trump u qabo dib-u-eegista qorshahani waxay daba socotaa hadallo uu horay u jeediyay oo soo jeedinayay in Gaza la faaruqiyo si loo horumariyo. Bishii Febraayo, wuxuu muujiyay rabitaan ah in Falastiiniyiinta laga saaro si dhulkaas loogu beddelo ‘Riviera-da Bariga Dhexe.’ Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa si isdaba joog ah u diiday waxa ay u arkaan isku dayo lagu doonayo in lagu qasbo ‘Naqba-dii labaad,’ taasoo tixraac u ah barakicintii boqollaalka kun ee Falastiiniyiin ee sanadkii 1948-kii. Sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Afraad ee Geneva (Fourth Geneva Convention), ayaa mamnuucaya in si qasab ah dadka looga raro dhulalka la haysto.
  22. The transactional foreign policy of the Trump administration could increase the intensity of the conflict in northern Somalia between unionists and secessionists. Garowe (PP Report) — The US Congress has been instructed to prepare a report on Somaliland Administration, a secessionist entity in Somalia. The report will highlight areas in which the USA could engage with Hargeisa. The timing of the report created speculation among secessionists that formal recognition is in the pipeline. Since 2005, US foreign policy towards Somalia has undergone major changes under different administrations. In 2005, the American government was arming warlords in Mogadishu and, at the same time, undermining the Transitional Federal Government of Somalia, then based in Baidoa. The engagement with warlords prolonged the suffering of people in Mogadishu, who threw their weight behind the Islamic Courts based in Mogadishu districts, which united in 2006 to form the Union of Islamic Courts. “Starting in late 2002, agents from the US Central Intelligence Agency began making surreptitious contact with the warlords whose fighters effectively controlled the streets of Mogadishu and other key cities. Their goal was to recruit forces that would help the United States capture suspected terrorists travelling through or hiding in Somalia,” Harun Maruf and Dan Joseph wrote in Inside Al-Shabaab: The Secret History of Al-Qaeda’s Most Powerful Ally. In 2006, Somali warlords formed the Counterterrorism Alliance to formalise their plans to extradite Somalis identified by US authorities as Al-Qaeda members. This move by warlords resulted in battles between the warlords and the Union of Islamic Courts. The Union of Islamic Courts defeated the warlords and took control of large parts of Somalia. Dr Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Republic of Somalia. Conflict between the Transitional Federal Government of Somalia (TFG), backed by Ethiopia, and the Union of Islamic Courts ensued. In 2008, the TFG and the Alliance for the Re-liberation of Somalia reached an agreement in Djibouti to form a new government and pave the way for the withdrawal of Ethiopian troops from Somalia. In 2010, the Obama administration introduced a Dual Track Policy to engage with Puntland and Somaliland, two sub-national entities, but this policy was replaced by formal recognition of the Somali Federal Government in 2013 by the USA after the end of the transition. Any US engagement with the secessionist Somaliland administration will have to take into account the nature of engagement with the fully recognised Federal Government of Somalia. In 2024, the US government reiterated its support for the territorial integrity of Somalia after the Somaliland administration signed an illegal maritime agreement with Ethiopia to lease a coastal area to the landlocked country. Two Democratic administrations’ (Obama’s and Biden’s) engagement with Somalia produced tangible state-building initiatives that markedly reduced ungoverned spaces in Somalia and the threat of transnational terrorism. How the US Congress will address the conflict in northern Somalia between unionists and secessionists is unclear. “It does not serve the interest of the US to repeat the mistake of funding non-state actors to undermine successive Somali governments, as it did during the two terms of the Bush administration. The US government is unlikely to reintroduce the Dual Track of the Obama administration when Somalia had a transitional government,” said a researcher at a think tank in Garowe. © Puntland Post, 2025 The post USA Unlikely to Return to Dual Track Policy in Somalia appeared first on Puntland Post.
  23. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Xiisad muddada dheer soo jiitamaysay ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qarka u saaran inay ku qaraxdo gobolka istiraatiijiga ah ee Gedo, halkaas oo la sheegay in saraakiil ka tirsan militariga Itoobiya ay taageerayaan ciidamada Jubaland ee kasoo horjeeda dowladda federaalka. Tallaabadan ayaa wiiqi karta deganaansho diblomaasiyadeed oo dhawaan la gaaray. Ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan aagga xuduudda ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in Itoobiya ay sarkaal sare oo ka tirsan militarigeeda u dirtay gobolka Gedo. Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu digniin adag u diray ciidamada daacadda u ah dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ku amray inay ka baxaan magaalada xuduudda muhiimka ah ee Beled-Xaawo. Taliyaha Itoobiyaanka ah ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland iyo odayaasha dhaqanka deegaanka, isagoo u sheegay in ciidamada daacadda u ah federaalka, ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan, ay waajib ku tahay inay deegaanka ka baxaan. Markii sababta la weydiiyay, wuxuu sarkaalku sheegay in Addis Ababa ay iskaashi amni oo soo jireen ah la leedahay ciidamada maamul goboleedka Jubaland. Xaaladdan ayaa abuuraysa iska hor-imaad weyn, iyadoo sii xumaynaysa xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe ee Muqdisho iyo dalka deriska la ah ee Itoobiya, taasoo sidoo kale ka mid ah dalalka ciidanka ugu badan ku deeqay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Heshiis diblomaasiyadeed oo halis ku jira Xiisaddan cusub ayaa timid bilooyin kadib xiisad aad u kacsanayd oo ka dhalatay saxiixa heshiis is-afgarad (MoU) oo 1-dii Jannaayo 2024 dhexmaray dalka aan badda lahayn ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Heshiiskan ayaa Itoobiya siin lahaa marin badeed iyo mid ganacsi oo ay ku tagto Badda Cas, iyadoo sii maraysa dekedda Berbera. Taas beddelkeeda, waxay Somaliland heli lahayd saami shirkadda Ethiopian Airlines iyo, tan ugu muhiimsan, suurtagalnimada in la aqoonsado madaxbannaanideeda—tallaabadaas oo ay Muqdisho si kulul ugu tilmaantay “fal gardarro ah” iyo xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida dhulkeeda. In kasta oo xiriirkii diblomaasiyadeed qayb ahaan dib loo soo celiyay kadib khilaafkii hore, haddana dhacdooyinka Gedo waxay muujinayaan in ismaandhaafka salka ku haya aan weli xal loo helin. Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha, haddii ciidamada Itoobiya ay si firfircoon uga caawiyaan ciidanka Jubaland inay ciidamada federaalka ka saaraan Beled-Xaawo, waxay taasi si aan laga soo kabasho lahayn u dhaawici kartaa xiriirka labada dal. War-saxaafadeed ay soo saartay Arbacadii, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku eedaysay mas’uuliyiinta Jubaland, oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, Maxamuud Sayid Aadan, iyo “hoggaamiyeyaal Itoobiyaan ah” inay wadaan qorshe isku dubaridan oo lagu “abuurayo colaad iyo isku dir” gobolka Gedo ah. Waxaa xusid mudan, in war-saxaafadeedka Muqdisho aan lagu xusin magacyada saraakiisha militariga Itoobiya ee goobta jooga, taasoo calaamad u ah mawqifkeeda diblomaasiyadeed ee xasaasiga ah. Xifaaltan muddo fog soo jiray Xiisadda Gedo waxay sidoo kale si qoto dheer ugu xiran tahay siyaasadda gudaha Soomaaliya ee is-bedbeddelka badan. Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku riixaysa isbeddello dastuuri ah oo muran badan dhaliyay, tallaabadaas oo ay si adag uga soo horjeedaan dhowr ka mid ah Dowlad Goboleedyada awoodda leh ee Soomaaliya. Hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe, iyo hoggaamiyaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu wiiqayo nidaamka federaalka ee dalka uuna ka baxay ballanqaadyadii ahaa in la ilaaliyo sarreynta sharciga. Loollankan awoodda ee gudaha ayaa abuuraya fursad ay kaga faa’iideystaan dhinacyada dibadda ah, sida Itoobiya, si ay saameyn ugu yeeshaan iyagoo taageeraya maamul goboleedyada ka soo horjeeda dowladda dhexe. Ciidamada daacadda u ah dowladda federaalka ee Gedo, oo uu hoggaamiyo Janan, ayaa la soo sheegayaa inay saldhig milatari oo ay dhistay UK u adeegsanayeen weerarro ay ku qaadaan ciidamada Jubaland, taasoo sii kicisay xanaaqa maamulka gobolka iyo xulafadiisa Itoobiya. Arrinta sii murjinaysa xaaladdan, waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in suurtagal ay tahay in ciidamo Masaari ah la keeno Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo. Tallaabo noocan oo kale ah waxay walaac xooggan ku abuuri doontaa Addis Ababa, marka la eego khilaafka soo jireenka ah ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD).
  24. Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM, kaas oo Jimcihii lagu xoreeyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM oo qaaday weeraraka ayaa dagaal adag la galay Al-Shabaab, isla markaana ku jabiyay Bariire oo ay ugu dambeyn la wareegeen, waxaase lasoo wariyay in khasaare wayn uu gaaray Uganda. Inta la xaqiijiyey waxaa ciidamada Uganda uga dhintay howlgalkan oo maalmo qaatay ugu yaraan illaa 17 askari, iyada oo 6 kamid ah ay ku dhinteen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ay todobaadkan kusoo weerareen maleeshiyaadka kooxaha Khawaarijta. Dhanka kale, inta uu socday dagaalka waxaa la dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsan kooxda. Ciidamada ayaa haatan ka wada magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawl-gallo nadiifin ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan. Howlgalka Bariiri kadib ciidamada ayaa qorsheynayaa inay u jiheystaan dhinaca degmada Awdheegle oo ay haatan ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, si looga xoreeyo halkaasi. Haddii Bariire ay qabtaan ciidamada huwanta ayaa ah guul-wayn, waxayna sidoo kale suuragalaneysaa in dowladda ay dib ula wareegto shanta buundo ee muhiimka u ah isku socodka gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo culeys ku noqon doonto kooxda A-Shabaab. Shabeellaha Hoose ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo lagi gaaray guullo waawayn, waxaana horay loo xoreeyay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi.