Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee Dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra. Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiska uu haatan ka hawlgelayaa hore u hayey. Waxaana kulankaa lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku dhisan isu-socodka, iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada bulsho iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, maadaama safiirku hawlahiisa shaqo ka bilaabi doono Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinaayey ku xigeenkiisa. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  2. Senatorrada golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo xiray Kalfadhigiisii labaad, iyadoo golaha intii fadhigaas lagu jiray uu ansixiyay dhowr sharci, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya soo meel-mariyay. 1: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 24kii-March2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 27-aad waxaa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda amniga Xukuumadda Federalka. 2: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 17- March 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 25-aad iyo 26-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Dhowrista Xogta, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda amniga xukuumadda Federalka. 3: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 17- March 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 25-aad iyo 26-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliyeed, kaas oo golaha shacabka ay soo ansixiyeen, waxaana soo gudbisay wasaaradda duulista hawada. 4: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 17- March 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 25-aad iyo 26-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed, isaga oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dekadaha. 5:Golaha qalka sare 14-March2023, ayaa waxa ay Kalfadhigii labaad kulankiisa 24-aad ku ansixiyeen xubnaha Aqalka sare ku matalaya Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista iyo Hirgel;inta Dastuurka, waxaana soo gudbisay wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya. 6: Golaha qalka sare 11-March2023, ayaa waxaa ay Kalfadhigii labaad kulankiisa 23-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan Gelinta Dadweynaha, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, federalka iyo dib-u heshiisiinta Soomaaliya. 7: Golaha qalka sare 11-March2023, ayaa waxaa ay Kalfadhigii labaad kulankiisa 23-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka, Dhowrista Maalgashiga Iyo Maalgashatada, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda Qorsheynta iyo Hormarinta dhaqaalaha, isaga oo kasoo gudbay golaha shacabka. 8: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 8-March2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 21-aad ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, kaasoo ka gudbay golaha shacabka , waxaana soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federalka. 9: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 8-March2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 21-aad ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Nidaam maaliyadeedka Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaas oo hare uga soo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbay wasaaradda Macdanta iyo Kheyraadka. 10: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 19-ka February 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 13-aad, ku ansixyeen hindise shaciyeedka Korontada Qaranka, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, iyadoo ay soo gudbisay wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Xukuumadda Federalka Soomaaliya. 11:: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 22-ka February2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 15-aad ku ansixiyeen hindise sharciyeedka hay’adda sirdoonka Qaranka, kaas oo hore uga soo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda amniga Xukuumadda Federalka Soomaaliya. 12: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 28-kii February 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 17-aad, waxaa ku ansixiyeen hindise sharciyeed cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya. Sharciyadaan waxaa inta badan soo wada ansixiyay labada Aqalka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, loo gudbiyay oo uu saxiixay Sharciyada kala ah: Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka , Hindise Sharciyeedka Koroontada Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta maaliyadeed ee Cayiman, Sharciyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada Uganda kula kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay dagaalka dowlada Soomaaliya ay kula jirto argagixisada iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ay ka gaartay la dagaalllanka argagixisada Alshabaab oo hadda galay waji labaad, isagoo xusay in dowladdiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dagaallada sifeynta Al-shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ciribtirka argagixisada si dalkeenna hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  4. Biriijka (Buundadan) ku yaalla tuulada lafaruug oo u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa ayaa waxyeello weyni ka soo gaadhay roobabkii da’ayay shalay. Biriijkan ayaa ka mid ah kuwa cusub ee Imaraadka Carabtu maalgeliyay kuwaas oo ka mid ah mashruuca weyn ee waddada Berbera Corridor oo la filaayay in si wanaagsan loo hubiyay tayadeeda. Source
  5. Biriijkan oo ku yaalla tuulada lafaruug oo u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa ayaa waxyeello ka soo gaadhay roobabkii da’ayay shalay. Biriijkan ayaa ka mid ah kuwa cusub ee Imaraadka Carabtu maalgeliyay kuwaas oo ka mid ah mashruuca weyn ee waddada Berbera Corridor oo la filaayay in si wanaagsan loo hubiyay tayadeeda. Qaran News
  6. Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maanta war cusub kasoo saartay xiisadda dagaal ee weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo u dhexeyso ciidamada milatariga maamulkaasi iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC. Guddigii uu Golaha Wakiilada Somaliland u xil-saareen arrinta Laascaanood ayaa maalmo kadib soo gabagabeeyay xog uruurintooda ku aadan arrinta magaalada Laascaanood.. Qoraal kasoo baxay guddiga oo ka kooban dhowr bog ayaa soo saaray 18 qodob oo la xiriira dagaalka Laascaanood, waxayna ka dalbadeen Golaha inay qaraar kasoo saareen. Halkan hoose ka aqriso:- In mar kale laqaato Lana dhaqan galiyo xabad joojin Deg-deg oo bilaa shuruud ah, si looga baaqsado sii socoshada khasaaraha dagaalka. In dhamaan Golayaasha Qaranka, Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada iyo bulshooyinka kala duwani u guntadaan soo afjarista colaadaasi iyo sidii wada hadal midho dhal ah looga gaari lahaa. In la soo dhaweeyo Cid walba oo ka qayb qaadan karta xal u helista laas-canood, sida bulshada caalamka wadamada jaarka, kuwa gobolka iyo daneeyayaasha kale In Goluhu ugu baaqo kooxaha hubaysan ee ka soo duulay deegaanada ka baxsan xuduudka Somaliland ee ka dagaalamaya Laas-Caanood in ay sidaugu dhakhsaha badan uga baxaan. In Goluhu ku taageero ciidanka Qaranka sugida xuduudaha iyo difaaca Qaranka. In Goluhu ka qayb qaato taakulada dadkii muwaadiniinta ahaa ee ku barakacay dagaalka ka socda magaalada laascaanood, isla markaana u soo jeediyo hay’addaha Qaranka iyo kuwa ka shaqeeya Arrimaha bini’aadantinimada in ay gargaar gaarsiiyaan iyada oo la raacayo hanaanka qorshaysan ee Qaranka. In Goluhu Dar-dargaliyo wax kasta oo xoojinaya midnimada iyo wada jirkaQaranimada Somaliland. In Goluhu xukuumada u soo jeediyo in khaladaadkii maamul ee ka dhacay laascaanood ay noqdaan kuwo wax laga barto, si aanay mar danbe inoogu dhicin qaladaad noocan oo kale ah oo hagardaameeya Qaranka. In, iyada oo la fulinayo heshiisyadadii hore ee la galay iyo baahiyaha guudee yaala, dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka. In laga fogaado hadalada nacaybka ah ee sii kala fogaynaya qaybahabulshada ee la isku marinayo baraha bulshada (si waafaqsan xeerka ciqaabta guud qodobadiisa 444, 328aad, 221aad iyo 215aad) In laga heshiiyo muranka doorasho ee hada taagan, si looga baxo khilaafaadka siyaasiga ah. In xukuumadu shaaciso dadka ay u qabato falalka argagixiso iyo danbiyada abaabulan. Adkeynta mas’uuliyadda baarlamaanaka si loo xoojiyo dimuqraadiyadda,kor u qaadida, ilaalinta iyo dhiirigelinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha, taageero wada hadalka, dhiirigelinta xallinta khilaafaadka gudaha, qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xoojiyo midnimo qaran iyo gorgortan nabadeed oo dhex mara bulshada iyo hogaanka dhaqanka, Wax-garadka Sool iyo Xukumadda Somaliland. Waxay hoosta ka xariiqaysaa in caqabadaha dhaqan dhaqaale, kororka dhalinyarada iyo isbadelka cimilada ay sababi karaan xasilooni darro bulsho. Hay’addaha ku shaqada lihina ay ka qaataan doorka ka khuseeya. Waxaa inagu waajib ah ka hortaga faragelinta shisheeye ee khatarta kuah, midnimada, nabadgelyadda, Israacsanaanta dhuleed, Madax- bannaanida iyo dawladnimo Somaliland. Sidaa awgeed waa in goluhu sameeyaa xeerarka lagu ilaalinayo xuduudaha Badda, Berriga iyo Hawadda (si waafaqsan Qodbka 38aad farqadiisa 4aad xarafkiisa “B” ee Dastuurka. Waxay u soo jeedinayaan bulshada caalamka iyo dalalka dunidu inayaqoonsi buuxa siiyaan soomaliland. Waxay u soo jeedinaysa Golaha wax ka bedalka iyo kaabista xeerka llaalinta anshaxa iyo nabadgalyada guud iyo xeerka cüdanka booliska, iyo curinta xeerka ciidanka qaranka iyo xeerka la dagaalanka argagixisada. In Golaha Guurtidu qaataan Doorkooda nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka gudaha. The post Somaliland oo 18 qodob kasoo saartay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  7. Cuenca (Caasimada Online) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.7 uu ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador. Dhismayaal ku yaal magaalooyin dhowr ah, ayaa burburay markii dhulgariirku dhacay abaaro duhurnimadii waqtiga maxalliga ah ee dalkaasi, oo ku beegan (17:00 GMT). Gobolka koonfureed ee El Oro, ayaa ah kan ugu daran, waxaana ku dhintay 12 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Waqooyiga dalka Peru, ayaa laga dareemay dhulgariirka, iyo gabar 14 jir ah oo ku dhimatay Tumbes, oo ku taal xuduudka, markii gurigeeda uu dumay. Dalka Ecuador, Machala iyo Cuenca, ayaa ka mid ahaa magaalooyinka uu burburka soo gaaray dhismayaal iyo gaadiid, iyadoo kooxaha gurmadka ay u gurmadeen dadka. Xuddunta dhul gariirka, ayaa ku dhow Balao, oo qiyaastii 80km (50 mayl) u jirta magaalada labaad ee ugu weyn Ecuador, ee Guayaquil, halkaasoo ay ku nool yihiin illaa saddex milyan oo qof. “Waan ka cararnay guriga,” Exon Tobar oo deggan Machala, ayaa u sheegay BBC. “Dhulku – waxaa ka dhax qarax aad u xooggan – wuu gariiray, wuxuuna sameeyay fiilooyinka korontada, daaqadaha, iyo wax walba. Madaxweyne Guillermo Lasso, ayaa ka codsaday dadka dalka Ecuadore inay isdejiyaan, iyadoo saraakiishu ay qiimeynayaan khasaaraha. Waxa uu sidoo kale booqday isbitaal ku yaalla magaalada Macala, si uu ula kulmo qaar kamid ah dadka dhaawacmay. Dowladda ayaa sheegtay in in ka badan 250 qof oo dhaawac ah lagu daweeyay magaalada Pasaje, ee gobolka El Oro, ku dhawaad ​​dhammaan dadkaasina ugu dambeyntii laga saaray isbitaalka. Wadooyin dhowr ah, ayaa go’ay, kuwaasoo ay saameeyeen dhul go, halka dhowr guri, dhismayaal waxbarasho iyo xarumo caafimaad ay waxyeelo soo gaartay, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay magaalada Cuenca ee gobolka Azuay, kaddib markii uu darbi ku soo dumay gaarigii ay wateen, halka saddex qofna ay dhinteen, kaddib markii taawar kaamerooyinka ammaanka ay ku soo dhaceen jasiiradda Jambelí, ee gobolka El Oro. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dhulgariirkan laga dareemay dhowr magaalo oo kale, sida Manabi, Manta iyo caasimadda Quito. Waa dhulgariirkii ugu xooganaa ee ku dhufta Ecuador tan iyo sanadkii 2016, markaasoo dhul gariir dhacay ay ku dhawaad ​​700 oo qof ay ku dhinteen kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen. BBC The post Dhul-gariir ay dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay Ecuador appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sharraxaad ka bixiyay heshiiska cusub ee qaab-dhismeedka amniga qaranka ee lagu gaaray Baydhaba. Kamaal Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu daba socdo heshiisyadii April 2017-kii lagu saxiixay magaalooyinka Nairobi iyo London ee dalalka Kenya iyo Ingiriiska. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu mudnaanta ugu weyn siinayo ciidamada kala duwan ee Somalia, isla-markaana ay ku jirto tirada cusub ee la gaarsiinayo ciidanka. “Heshiiska qaab-dhismeedka amniga qaranka ciidamadeena dhan ayuu kofor-gareynayaa ama uu u yahay saldhig,” ayuu yiri Kamaal Guutaale La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiska lagu soo daray ciidanka Asluubta iyo kuwa Nabad Sugidda, halka uu markii hore ku koobnaa Booliska iyo Ciidanka Xoogga dalka. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in tirada la gaarsiinayo illaa 30,000 oo askari oo aysan ku jirin ciidamada Cirka, kuwa Badda iyo ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska “Tirada ciidanka Xoogga dalka waxaa la’isla gartay inay ahaato ugu yaraan 30,000 oo ay ka baxsan yihiin ciidanka Cirka, ciidanka Badda iyo ciidamada gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ah,” ayuu markale wareysigaan ku yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaale Sidoo kale wuxuu raaciyay “Markii hore ciidankeena heshiiska waxa uu ahaa 18,000, maanta waxaan gaarsiinay 30,000 wax kalena ulama dan lihin waxaa maanta dowladda Soomaaliyeed ay xoogga saareysa kala wareegida mas’uuliyadda amni ee ciidanka ATMIS”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in qorshahan ay diyaarisay dowladda Soomaaliya, islamarkaana askari kasta oo ka tirsan ATMIS ay beddali doonaan ugu yaraan sadex askari. “Askari kasta oo ATMIS ah oo baxa askari beddali lahaa ugu yaraan saddex askari oo u dhigma in lagu beddalo ayaa innoo diyaar ah, waana ku soconaa tiradii loo baahnaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Xamza. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab, waxayna sidoo kale dhanka kale ay ku howlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. The post Faahfaahin ku saabsan heshiiska cusub ee qaab-dhismeedka Amniga Qaranka appeared first on Caasimada Online.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maxkamad saartay tiro maxaabiis ah oo ay ku qabatay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo loo gudbiyay xabsiga Mandheera ee ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa. Ragga kasoo muuqday maxkamadda ayaa gaaraya illaa 9 nin, kuwaas oo lagu soo eedeeyay qodobada 184, 185, 187-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaan ka hadlaya in ay Khiyaano-Qaran sameeyen, cadowna ay lasoo safteen. Sagaalka nin oo haatan loo gudbiyay xabsiga Mandheera ayaa Somaliland waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, sida ay caddeynayaan dukumintiyo lagu baahiyay Intenet-ka. Sidoo kale waxa ay Somaliland shaacisay magacyada ragga la xukumay ee lagu qabtay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay aagga xerada Goojacade ee Laascaanood. Maxkamadda ayaa xukun dilka ah ee ay ridday u cugsatay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsadaan dowlad gobaleedyada ka jira iyo dowwladda federaalka Soomaaliya, kaas oo xili hore la qoray, isla-markaana illaa haatan lagu dhaqmo. Tallaabada ay qaaday Somaliland oo uga sii dareysa xiisadda Laascaanood ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay waxgaradka SSC ay ku eedeeyaan Somaliland in ay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga duleedka magaalada Laascaanood. Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadanimada ay ula dhaqmeen maxaabiista, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay “Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug. Si kastaba, Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah. The post Somaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiis ay ku qabatay LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
  10. CAIRO - A total of 22 Somali imams and preachers attended a Sunday training course at the World Organization for Al-Azhar Graduates on “Contemporary Intellectual Currents.” Source: Hiiraan Online
  11. New state data shows continued deep differences in the economic well-being of Minnesotans from different cultural groups, reflecting longstanding racial disparities in the state and country. Source: Hiiraan Online
  12. Iranian President Ebrahim Raisi on Sunday "welcomed" an invitation from Saudia Arabia's King Salman to visit the country, an Iranian official said. Source: Hiiraan Online
  13. Shirka wadatashiga wasaaradaha Warfaafinta dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir waxaa uu ka qabsoomay Maagaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedyada Jubbaland, 18-kiii ilaa 19 Maarso 2023. Waxaa ka shir guddoomiyay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay wasiirrada warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo Agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir. Shirka ayaa wuxuu socday labo maalmood waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan sidii dhinacyadu wadashaqeyn dhab ah ay u yeelan lahaayeen, iyadoo gabagabadii shirka ay kasoo baxeen qodobadaan oo ah heshiiskii lagu gaaray magaalada Kismaayo. 1- Wixii ka qabsoomay heshiiskii lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay iyo sida lagu hirgalin karo wixii aan qabsoomin 2- Hawlaha hor tabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha ee 2023 3- Dib u eegista siyaasadda Qaran ee Wacyi galinta. 4- Mideynta Hawlaha Hor tabinta leh ee wasaaradaha. Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa shirka Wadatashiga ka soo baxay: 1- Si kor loogu qaado fahamka bulshada Soomaaliyeed ee Dowladnimada iyo wacyiga dadweynaha ee qatarta fikradaha xagjirnimada ee kooxaha khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish waxa ay Mas’uuliyiinta isla qaateen in la xoojiyo Warbaahinta dowliga ah labadeeda heer. 2- Mas’uuliyiintu waxa ay isla garteen in la ballaariyo, goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labadeeda heer, iyada oo la xaqiijinayo ka wada shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha. 3- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha waxa isla qireen baahida loo qabo in si deg deg ah looga wada shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhowaan laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doono dhowaan, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanada ay sharci darrada ku haysteen kooxaha Khawaarijta in ka badan 15 sano oo ay marin habaabinayeen. 4- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in Idaacadaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir laga sii daayo Barnaamijyo mideysan oo ka hadlaya qatarta kooxaha khawaarijta ah iyo fikirkooda, maandooriyaha, waxqabadka dowladda labadeeda heer, laguna baahiyo lahjadaha Maay iyo Maxaa-tiri. 5- Mas’uuliyiinta waxa ay isku raaceen in si wadajir ah Warbaahinta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir looga baahiyo Barnaamijka Xogta Dowlad goboleedyada ee ka baxa Warbaahinta Qaranka, si hormarka iyo xaaladaha gobolada ula socdaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, lana gaarsiiyo farriin mideysan oo muujinaysa horumarka bulshada iyo dowlad dhiska Soomaaliya. 6- Mas’uuliyiinta waxay isla qaateen mideynta Hawlaha Hortabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska Warfaafinta gobolka Banaadir. 7- Shirka waxaa ka soo baxay dukuminti mideysan oo ka tarjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha Warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hannaanka loo wajahayo caqabadaha, iyo fursadaha jira. 8- Iyaada oo laga duulayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deeganadii laga xoreeyay, mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg de ah looga hawl galo goobahaasi lagana fuliyo Barnaamijyo Warbaahineed oo la xiriira wacyi-galinta dedaalaada xasilinta. 9- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in la mideeyo dhammaan barnaamijyada wacyo-galinta ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada ah, xasilinta . Iyo guulaha hawlgalada dib u xoreynta dalka. 10- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir waxa ay isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee dhammaan hanaanka Warbaahinta iyo Wacyi-galinta dalka, waxaa ayna uga baaqayaan hay’adaha kale dowladda labadeeda heer iyo deeq bixiyayaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo. 11- Shirku waxaa uu isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir lana joogteeyo kulamada muhiimka u ah wasaaradaha iyo gobolka Banaadir. Ugu dambeyn Shirka waxaa uu u mahad celinayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi galinta iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland oo marti galisa shirkan, si wacanna u soo dhwoeysay wafuudii ka soo qeyb gashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka markale xukun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan, kuwaas oo horay dilal u geystay, waxayna ka kala tirsanaayeen talisyada Booliska iyo Nabad Sugigdda ee magaalada Baydhaba. Labada nin ayaa waxaa saaka lagu toogtay cara tuurka oo ah waqooyiga magaalada Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga. Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tegay oo ay ku jireen ehellada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay. Waa toogashadii labaad oo 24 saac gudaheed ka dhaceysa Baydhaba, waxaana shalay magaaladaan lagu dilay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur. Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qasaasta Marxuumaddii uu horay nolosha u dhaafiyay. Sidoo kale Abaadir Isaaq Nuur ayaa isna waxaa lagu helay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, sida uu sheegtay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada. Maalmihii u dmabeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada dilalka toogashada ah, waxaana ugu dambeeyay qasaastii lagu fuliyay Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo lagu helay la shaqeynta kooxda Al-Shabaab. Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen. Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay. The post Maxkamadda Ciidamada oo dil ku fulisay Cabdiraxmaan Cali iyo Yaasiin Maxamed appeared first on Caasimada Online.
  15. Kenya Airways (KQ) has announced the closure of its booking offices in the western city of Kisumu and South Africa's Johannesburg on Monday due to planned anti-government protests in both countries. Source: Hiiraan Online
  16. Kampala (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud and his Ugandan counterpart, Yoweri Museveni, attended the graduation ceremony of newly trained Somali soldiers in Kampala, Uganda, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya ciidamada qalabka side ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas. Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga saarayo Al-shabaab. Cutubyada ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, saraakiisha iyo saraakiil xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Uganda taageerada naf hurnimada leh ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayuu sigaar ah uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay tababarka ciidanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Who Was Amina Abdullahi Hersi and How Did She Die? Somali Singer Passed Away:- It is very hard to announce that a famous musician Amina Abdillahi Xirsi has passed away. She was one of the most renowned singers in Somalia who is no longer among her close ones. Source: Hiiraan Online
  19. Arusha. Kenyan President William Ruto has joined the fray for a comprehensive review of the East African Community (EAC) Treaty, in support of an earlier call by President Samia Suluhu Hassan that the Treaty did not reflect the current times. Source: Hiiraan Online
  20. As a part of its Ramadan campaign, The Education Above All (EAA) Foundation is opening new opportunities of education for the most marginalised out-of-school children in Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Somalia’s federal and regional leaders have agreed to increase the number of armed forces and police officers to meet security demands as African Union forces leave the country by the end of next year. Source: Hiiraan Online