-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muddo saddex Sanno ah waxa ku xaniban Hay’adda Shaqaalaha Dawladda in ka badan 300 oo Macalin, kuwaas oo wax ka dhiga Gobolada Dalka. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax, ayaa xannibay iney Macalimiintaasi si rasmi ah ugu biiraan Shaqaalaha rasmiga ah ee Dawladda, iyada oo Miisaaniyadda Wasaaradda ee sannadaha 2021-kii, 2022-kii iyo kan haatan lagu jiro ee 2023-kaba ay miisaaniyadoodu ku jirto. Ilaa hadda ma cadda sababta Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalahu u diidanyahay Shaqaaleysiinta Macalimiinta, balse waxa warqad kasoo baxdey Xafiiska Wasiirka Waxbarashadda Ahmed Mohamed Diiriye (Toorno) uu si kulal uga hadley arrintaas, iyada oo Wasaaraddu ka hor-timid War uu todobaadkan soo saarey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo ku saabsan in xal laga gaadhey Macalimiinta Mudada dheer sugayey iney shaqaale rasmi ah noqdaan. Source
-
Golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa lasoo xiray Kalfadhigiisii labaad, waxaana intii lagu guda jiray lagu meel mariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo kala gudbay wasaarado dhowr ah oo ka tirsan xukuumadda federalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’isal wasaare Xamse oo golaha u gudbisay sharciyo dhowr ah. 1:Golaha shacabka ayaa Jan 14, 2023 waxaa ay kalfadhiga 2-aad kulankiisa 10-aad ku meelmariyeen hindise sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaasoo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya, xilli golaha wasiirrada ay hore u ansixiyeen. 2: Golaha shacabka ayaa February 6, 2023 waxaa ay Kalfadhigii 2-aad kulankii 16-aad ku meel mariyeen hindise sharciyeedka korontada, kaasoo xildhibaannada golaha ay sheegeen in muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka xukuumadda federalka Soomaaliya. 3: Golaha shacabka ayaa Feb 6, 2023 waxaa ay Kalfadhigii 2-aad kulankii 16-aad sidoo kale isla maalintaas ku meelmariyey Hinside Sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka Qaranka, taas oo sharci yeelatay 60-sano kadib, sharcigaan ayaa waxaa soo gudbisay wasaaradda aminiga xukuumadda federalka Soomaaliya. 4: Golaha shacabka Federalka ayaa 18-kii February 2023, waxaa ay Kalfadhigii 2-aad kulankii 20-aad ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaasoo ka soo gudbay wasaaradda Duulista iyo Hawada xukuumadda federalka Soomaaliya, oo xilligaas ay soo meel mariyeen golaha Wasiirrada. 5: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa isla 18-kii February 2023, waxaa ay Fadhigii 2-aad kulankii 20-aad ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadda iyo Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaas oo kasoo gudbay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya, oo ay goluhu soo ansixiyeen. 6: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa 1-dii March 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 24-aad ay ku meel mariyeen hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha, kaasoo ka soo gudbay wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u heshiisiinta oo golaha wasiirrada ay soo ansixiyeen. 7: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa 1-dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhigii 2-aad kulankiisii 24-aad ku meel mariyeen Hindise Shaciyeedka Dhowrista Maalgashiga Maalgashadayaasha, kaas ay soo gudbiosay wasaaradda Qoryeynta iyo Maalgashiga Caalamaiga ah, isaga oo horey u soo maray golaha wasiirrada. 8: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa 6, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 26-aad ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Socdaalka, kaas ay soo gudbisay Wasaaradda Duulista iyo Hawada dowladda Federalka Soomaaliya, horeyna uga soo gudbay ansixinta golaha wasiirrada Xukuumadda Xamse Cabdi Barre. 9: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa ayaa 8, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 27-aad, waxaa ay ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Qaran, kaas ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, kaas oo ka gudbay golaha Wasiirrada. 10: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa ayaa 8, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 27-aad, waxaa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka, kaas oo kasoo gudbay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo hore uga soo gudbay golaha wasiirrada Soomaaliya. 11: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 27-aad, waxaa ay ku ansixiyeen Sharciga la dagaalanka Argigixisada, kaasoo ay soo gudbisay wasaaradda amniga xukuumadda Federalka Soomaaliya, isaga oo kasoo gudbay golaha wasiirrada xukuumadda Federalka Soomaaliya. 12: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa 11, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 28-aad ku meel mariyeen Guddiga Madaxbannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka, xubnahaan ayaa hore waxaa usoo magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya. 13: Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa 11, -dii Mach 2023, waxaa ay Kalfadhagii 2-aad kulankii 28-aad ku meel mariyeen Hindise Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, oo hore usoo maray xukuumada. Sharciyadaan waxaa inta badan soo wada ansixiyay labada Aqalka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaasoo loo gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo saxiixay Sharciyada kala ah: Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka , Hindise Sharciyeedka Koroontada Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta maaliyadeed ee Cayiman, Sharciyada qaar ayaa wali ku maqan golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka oo aan gudbin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xoogan oo khasaare hantiyeed geystay ayaa maanta ka kacay gudaha Suuq Bucaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dabka oo baabi’iyay goobo ganacsi, wuxuuna ka dhashay gaari TM-ah oo siday shidaal, kaas oo ku qarxay laanta Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid. Gaariga ayaa gebi ahaan ku basbeelay goobta, waxaana dabka uu ku fiday goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa, sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada. “Baabuurka waa rarnaa shidaal ayuu waday, waxaana qarxay shidaalka kadib wuxuu qabsaday booyado shidaal oo ku jiray baqaar ganacsi oo meesha ka furnaa”, ayey tiri hooyo kamid ah ganacsatada ku dhaqan suuqa. Inta la xaqiijiyay waxaa dabkan ku gubtay laba baqaar oo ay lahayeen ganacsato, makiinada lagu shiido xabad Soodada, waxaana sidoo kale gubtay gaariga. Sidoo kale waxaa goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid iyo qaar kamid ah dadka deegaanka oo ku guuleystay inay mar dambe damiyaan dabkaasi, sida ay Shabelle TV u sheegtay hooyada ka midka ah ganacsatada ku dhaqan suuqaasi. “Muddo saacad iyo bar ka badan wuu socday dabka basiinka ayaa bar loo damiyo la waayey ALXM hadda ilaahbaa damiyay, khasaare nafeedna ma arkin” ayey sii raacisay . Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn dalka, balse dabkan waa midkii ugu yaraa ee ka kaco inta la ogyahay taarikhda. Inta badan ma’ahan wax cusub in dab uu ka kaco qaar kamid ah suuqyada magaalada Muqdisho, dhowr jeer oo hore ayay siddan oo kale u dhacday gubasho, waxaana sabab u ah waxa la isku ag gado sida baasiinka, dabka iyo wax yaabaha kale ee khatarta ah. The post Gaari siday Shidaal oo ku qarxay Suuq Bacaad + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo horay dilal uga geysatay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Toogashada ayaa saaka aroortii hore ka dhacday cara tuurka oo ah waqooyiga waqooyiga Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga. Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tagay oo ay ku jireen ehelladaa dadka la tooganayay iyo kuwa qisaasta loo fulinayay. Labada marxuum ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur, kuwaas oo ay horay dil ugu xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka, kaas oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyay. Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuumaddii uu nolosha dhaafiyay. Sidoo kale Abaadir Isaaq Nuur ayaa isna waxaa lagu soo eedeeyay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska, sida uu sheegtay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada. Maalmihii u dmabeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada dilalka toogashada ah, waxaana ugu dambeeyay qasaastii lagu fuliyay Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo lagu helay la shaqeynta kooxda Al-Shabaab. Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen. Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay. The post Nin dilay xaaskiisa iyo mid kale oo lagu toogtay BAYDHABA appeared first on Caasimada Online.
-
Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuftay xeebaha Koonfureed ee wadanka Ecuador ee dhaca Latin America, waxaana lasoo warinaa in ay jiraan khasaare dhimasho iyo burbur dhimayaal, sida mas’uuliyiinta dalka laga soo xigtay, Dhulgariirka ayaa dhacay duhurnimadii xilliga dalkaas. Howlwadeennada caafimaadka iyo samatabixiyeyaasha ayaa xaqiijiyay geerida 12 ruux, kuwaas oo deganaa gobolka El Oro ee Koonfurta dalkaas, oo ah halka ay ka dhacday dhibaatada daran ee uu sababay Dhulgariirka, Mucala iyo Cuenca ayaa ah magaalooyinka sida xooggan u burburay. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Dhulgariirka laga dareemay magaalooyin kale oo dalkaas ah, isaga oo noqonaya Dhulgariirkii ugu xooganaa tan iyo sanadkii 2016, markaas oo wax ka badan 600 oo ku dhinteen, halka kummaan kale ay dhaawacmeen, waxaa jiray burbur xooggan guryo ah. Dhulgariirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalal dhowr ah laga dareemayo dabeylo xooggan iyo Roobaab, kuwaas oo dhaca Latin America, waxaana xilligaan oo lagu jiro bilaha March iyo April ayaa la saadaali lanayaa Roobab kasoo hormari kara xilligii la filayay ee bartamaha April iyo Dabeylo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
XAGTA RASMIGA DHIMASHA CIIDANKA WAA SIDAN HOOS KU CAD ●●●●●●●●●□●●●●●● 1▪︎Ali Saleebaan = 《62》 2▪︎ Ciise axamude 《32》 3= Cisman maxamud《22》 4▪︎ cumar maxamud 《13》 5▪︎ Sool clan 《12》 6•Biciid yahan 《7》 7▪︎Leyli kase 《 6》 8 ▪︎Kaskii qabe 《 4》 _____ 158 Dhimasho Saraakiisha dhimatey waa 13 Dhaawaca waa 85 Oo aaney ku jirin dhaca ay ciidanka somaliland Qaateen oo lagu sheegey in ay yihiin 28 dhawaca Sida ku cad shaxdani dadka dagaalamàya qaxa ay u badanyihiin dad ka soo gudbaaya xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Somalia mana aha badidoodu dad u dhashay Somaliland ee waa qaar ka soo jeeda Puntland, inkasta oo maamulka Puntland ay hore u beeniyeen in ayna dagaalaasi ka socda Laascaanood ayna shaqo ku lahayn hadana tanis waxa ay daboolka ka qaadaysaa fadeexad dahsoonayd oo ay been in jireen Posted by Bashiir Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye. Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa lagu soo qabtay tiradii ugu badneyd oo ciyaal weero ah, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir. Raggan oo lagu soo xiray saldhigga Booliska ee Ceelasha Biyaha ayaa laga soo qabtay waaxda Jabad-gelle ee deegaankaas xilli ay gacanta kula jireen falka lagu soo qabtay. Kooxda la soo qabtay ayaa ku hubeysnaa tooreeyo iyo baangado, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ay ku wada xiriirto ee Internet-ka. Sidoo kale waxaa kooxdan ciyaal weerarada ah lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka ku nool deegaankaasi, isla-markaana la horgeyn doono maxkamad. Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo ka warbxiyay howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan ciyaal weerada, ayna laba jibaari doonaan. “Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska. Ciyaal weerarada oo markale soo laba kacleysay ayaa haatan dhibaato ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran. Si kastaba, Habeen hore ayey aheyd markii ay kooxahaan Kaaraan ku dileen wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Mowliid Macallin Cabdullaahi oo kamid ahaa dadka deegaanka. The post Sawirro: Booliska oo gacanta kusoo dhigay ciyaal weeradii ugu badneyd appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (HOL) -The Somaliland army has been accused of killing prisoners captured from fighting forces on Saturday by Abdirisaq Hassan Falaalug, the spokesperson for the SSC 33-member committee. The SSC-Khatumo forces also reportedly took prisoners during and said they would share more information with the public soon. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daud Aweis Jaamac iyo Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Seyid Aadan ayaa maanta wadajir u furay shirka wadatashiga ballaarinta idaacadaha dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirkaan waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta warbaahinta dowladda, gaar ahaan Raadiyaha oo ah aalad ay bulshada si fudud u heli karto miyi iyo magaalo. Waxaa shirkan ka qeyb galaya wasiirrada warfaafinta dowlad goboleedyada, Agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada heer ee dowladda. Waxaa shirkaan marti galinaya wasaaradda, wacyi-galinta iyo dalxiiska ee Jubbaland, wuxuuna socon doonaa laba maamlmood. Wasiirrada warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha warfaafinta gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay qabashada shirkaan, xilligan muhiimka ah ee dalku ku jiro hawlgal dar-dar ku socda oo lagu xoreynayo deegaanada ay haraadiga ku yihiin kooxaha khawaarijta ah. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in shirkan ujeedkiisu yahay in ay hay’adaha warfaafinta labada heer ee dowladda ay iska waraystaan ballaarinta idaacadaha, qeybaha kala ee warbaahinta dowliga ah iyo sida ay wasaaradaha isaga kaashan karaan ka wacyi galinta bulshada qatarta fikirka kooxaha khawaarijta ah ee Alshabaab iyo Daacish. Mudane Maxamuud Seyid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ahmiyad gaar ah leedahay xoojinta warbaahinta dowliga, si kor loogu qaado fahamka bulshada ee dowladnimada iyo gudbinta fikirka saxda, wuxuuna rejo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay ka soo baxaan najtiijooyin loo aayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliiska Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho oo howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah xaafada deegaankaas ayaa waxaa ay kusoo qabteen tiradii ugu badnayd oo ciyaal-weero ah, kuwaas oo watay tooreeyo iyo baangado, kooxdaan ayaa lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka deegaanka. Howlgalkaan oo sigaar ah uga dhacay waaxda Jabad-gelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhamaantood lagu soo xiray saldhigga guud ee deegaanka Ceelasha Biyaha, howlgalkaan ayaa qeyb ka ah xaqiijinta amniga, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciyaal Weerada ay muddooyinkii dambe wadeen falal amniga lid ku ah. “Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo lala wadaagay Warbaahinta. Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo lagu baadi goobayo kooxaha Ciyaal Weerada ah iyo kuwa iibiya waxyaabaha maanka dooriya, iyadoo dhowr jeer ay ciidanku soo qabteen koox ka tirsan ciyaal Weerada, kuwaas oo dhibaato dhac iyo dil ah u geysta shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiradii ugu badnayd ee Ciyaal-weero ah. War ka soo baxay Taliska Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen Ceelasha Biyaha lagu soo qabtay raggaas. Kooxaha gacanta lagu dhigay ayaa sida Boolisku sheegay ku hubaysnaa Tooreyo iyo Baangado ay ku dhibaateyn jireen shacabka. Taliska Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kooxaha la qabtay dhammaantood lagu xiray saldhig ku yaalla Ceelasha Biyaha. PUNTLAND POST The post Booliska Gobolka Banaadir oo sheegay in ay qabteen Ciyaal-weeradii ugu badnaa appeared first on Puntland Post.
-
Doha: Minister of Public Health H E Dr. Hanan Mohammed Al Kuwari yesterday held bilateral meetings with Egypt’s Minister of Health H E Dr. Khaled Abdel Ghaffar; Yemen’s Minister of Public Health and Population H E Dr. Qassem Mohammed Bahaibah and Somalia’s Minister of Health H E Dr. Ali Haji Aden, on the sideline of the Middle East Forum on Quality and Safety in Healthcare 2023, which is being held in Doha. Source: Hiiraan Online
-
Baardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay xero lagu tababarayay ciidamo kamid noqonayo kuwa dadka deegaanka ee loo diyaarinayo dagaalka Al-Shabaab. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa xerada iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday. Sidoo kale waxaa xerada la weeraray agagaarkeeda saldhig ku leh ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo mar dambe u gurmaday ciidamada la weeraray. Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad 5 qof oo isugu jiro askar iyo tababarayaal lagu dilay weerarka saaka ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay la wareegtay xerada, kadibna ay dishay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya gudaha degmadaas iyo hareeraheeda. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi ee ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Baardheere. Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa ay Al-Shabaab ku qaaday guriga martida ee degmadaas, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka waxyeelada kasoo gaartay kamid ah guddoomiyaha Gedo, Axmed Buulle Gareed. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xeero ku taalla Baardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Saakay xukun Toogasho ah waxaa ay ku fulisay laba ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dil hore u geysteen. Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa mid kamid ah lagu soo oogay inuu dil u geystay xaaskiisa, halka kan kale uu hore u dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Tooshada ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, labada kiis ee lagu soo oogay Ragga la toogtay ayaa ka dhacay magaalada. Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida ayaa muddooyinkii dambe waday fulinta qisaasta dad lagu soo eedeeyay in ay dilal kale duwan ay geysteen iyo kuwa ka tirsanaa Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la xidhi doono Salaasada soo socota, xilli dacwad oogaha New York uu isha ku hayo eedeymo ku saabsan kiis lagu baadhayo lacag la siiyay haweeney madaxweynihii hore ku eedeysay in uu la seexday. Trump ayaa farriin uu ku qoray warbaahintiisa Truth Social ku sheegay in qoraal si qarsoodi ah “loo soo dusiyay” oo ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha Manhattan uu qeexayo “in musharraxa ugu cadcad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore ee Mareykanka la xidhi doono salaasada toddobaadkan.” Farriin ay wakaaladda wararka AP u dirtay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaanu xafiisku wali ka jawaabin. Xubno ku dhowdhow Trumo ayaan iyana ka jawaabin mar ay AP wacday si ay arrintan uga hadlaan. Trump ayaan soo bandhigin faahfaahinno ku saabsan sida uu ku ogaaday in la xidhi doono. Farriintiisa ayuu ku celiyey wararkiisii aan xaqiiqda aheyn ee ahaa in doorashadii madaxtinimo ee 2020-kii ee uu ku guuleystay musharraxii Dimuqraadiga Joe Biden ay ahayd mid la xaday wuxuuna taageerayaashiisa ku boorriyay in ay bannaanbaxaan. Saraakiisha amniga ee magaalada New York ayaa waday diyaar garow dhanka ammaanka ah oo ku aadan suurtagalnimada haddii dacwad lagu soo oogo Trump. Waxa aan si rasmi ah wali loogu dhawaaqin waqtiga ay qaadanayso shaqada ay sida qarsoodiga ah u wadaan xeerbeegtida kiiska, oo ay ku jirto cod kasta oo suurtagal ah oo ku saabsan in dacwad lagu oogayo madaxweynihii hore. Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalkan Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed oo si naf hurnimo leh u wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dhiiggoodana u huraya xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinkan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, isagoo la wadaagaya guulaha la taaban karo ee Ciidamadeennu ay ka soo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Uganda Tababar ugu soo xiraya Cutubyo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la xiri doono Talaadada soo socota, xilli dacwad oogaha New York uu isha ku hayo eedeymo ku saabsan kiis lagu baarayo lacag la siiyay haweeney madaxweynihii hore ku eedeysay in uu la seexday. Trump ayaa farriin uu ku qoray warbaahintiisa Truth Social saacadihii hore ee Sabtida maanta ah ku sheegay in qoraal si qarsoodi ah “loo soo dusiyay” oo ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha Manhattan uu qeexayo “in musharraxa ugu cadcad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore ee Mareykanka la xiri doono Talaadada toddobaadkan.” Farriin ay wakaaladda wararka AP u dirtay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaanu xafiisku wali ka jawaabin. Xubno ku dhowdhow Trumo ayaan iyana ka jawaabin mar ay AP wacday si ay arrintan uga hadlaan. Trump ayaan soo bandhigin faahfaahinno ku aaddan sida uu ku ogaaday in la xiri doono. Farriintiisa ayuu ku celiyey wararkiisii aan xaqiiqda aheyn ee ahaa in doorashadii madaxtinimo ee 2020-kii ee uu ku guuleystay musharraxii Dimuqraadiga Joe Biden ay ahayd mid la xaday wuxuuna taageerayaashiisa ku boorriyay in ay bannaanbaxaan. Saraakiisha amniga ee magaalada New York ayaa waday diyaar garow dhanka ammaanka ah oo ku aadan suurtagalnimada haddii dacwad lagu soo oogo Trump. PUNTLAND POST The post Trump oo sheegay in uu filayo in Talaadad la xiray appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - International aid agencies have expressed concern over the 60-day extension of the Black Sea Grain Deal, which permits the export of essential grain supplies from Ukraine. The deal was set to expire on March 18, 2023, but it was renewed for 60 days. While the renewal is positive news, the International Rescue Committee (IRC) believes that 60 days is not sufficient, and that a longer extension is needed. Source: Hiiraan Online
-
Egypt and Ethiopia have once again locked horns in a fresh row over the latter's massive dam project, the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) on the Blue Nile. Source: Hiiraan Online
