Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gudomiyaha hey’adda mareeynta masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray caasimadda Garoowe ee maamulka goboleedka Puntland. Wafdiga guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxwaynaha Puntland Axmed Karaash, iyadoo looga wadahadalay arrimo dhowr ah. Waxaa si gaar ah diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deeganada maamulka Puntland, ayadoo la qiimeeynaayo xaladaha nololeed ee ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacay colaadaha magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool. Labada dhinac waxay isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhagaxdhigo xarunta Howlagalada Gurmadaka degdega ah si loola tacaalo xaaladaha soo kordha. Dhanka kale, Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda gargaarka maamulka Puntland . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha dagaalkii shalay markale ka qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah ee SSC. Dagaalka oo ka dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan soddan qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Garaad Cabdisalaan Xasan oo kamid ah gaaradada ku sugan magaalada Laascaanood oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in dagaalkii shalay ay 30 qof dhankooda kaga dhinteen. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in 60 qof oo kale ay kaga dhaawacmeen dagaalkii shalay oo kaliya, taasi oo muujineysa baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalka bil ka badan ka socda magaalada Laascaanood. “Waa tirakoobnay khasaaraha oo dhimashadu waa 30, dhaawacuna waa illaa 60 qof oo inkasta oo uu kala culus yahay. In badan waa la qaaday, in kale oo hadeer iyo berri la qaadayaana way jiraan,” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan. Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay garaadku “Magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho iyo meeshii kale ee wax lagaga qaban karaba waa la gaynayaa dadka dhaawaca ah.” Dagaalka shalay oo socday muddo siddeed saacadood iyo ka badan ayaa waxay labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyay sheegeen in ay ku qabsadeen maxaabiis, baabuur iyo hub kala duwan. Soomaliland weli si rasmi ah ugama hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, ayada oo maamulka Puntland ku eedeysay in uu qeyb ka ahaa dagaalkii shalay, inkasta oo arrintaasi beeniyeen isimida ku sugan Laascaanood. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Laascaanood oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weli ay is hor-fadhiyaan labada ciidan, islamarkaana suurtagal tahay inuu dib qarxo dagaalka ka socda magaaladaasi. Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan. The post Tirada dhimashada dagaalka Laascaanood oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  3. China is importing more food products such as avocados, cashews, sesame seeds and chilli peppers from Africa, as agriculture emerges as the new focus of Beijing's engagement with the continent. Source: Hiiraan Online
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Cabdi Cali Raage la-taliyihii arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo ayaa si adag uga hor yimid mudo kororsiga madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo dalbaday in doorasho deg deg laga qabto Jubbaland. “Reer Jubbaland iyo guud ahaan Soomaali waxaan leeyahay waxaa la joogaa xiligii aad ka xoroobi laheydeen dhibaatooyinka maamul ee idin heysta,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in maamulkii Jubbaland uu ku uruuray Kismaayo, taasi oo kaliftay in dhulkii kale ee maamulkaas uu gacanta u galay kooxda Al-Shabaab, isagoo dadka reer Jubbaland ka dalbaday inay u istaagaan dhismaha maamul cusub iyo inay iska xoreeyaan kooxda Al-Shabaab. Raage ayaa sheegay inuu ogyahay in dadku ay is weydiinayaan sababta uu u diidayo mudo kororsiga Axmed Madoobe, isagoo taageersanaa mudo kororsigii Farmaajo. Balse wuxuu ku dooday in qalad aan qalad lagu sixi karin, “Anigu muddo ayaanba soo moogahay wixii hore, laakiin hadda qofkii ka tirsan nidaamka Axmed Madoobe ee ka soo baxa waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri la-taliyihii dhanka doorashooyinka ee Farmaajo. Bisha soo socota ee Abriil ayuu sheegay in lagu balansanaa in la bilaabo doorashada baarlamaanka Jubbaland, “Markii aan eegay sida ay wax u socdaan, waxaaba ka dhab ah maamulka Kismaayo muddo kororsiga aan meelaha ka maqleyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Cabdi Cali Raage waxaa horay loogu diiday inuu kursi baarlamaan ka soo qaato Kismaayo, xilli uu ahaa la-taliyihii arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo. Ninkaan oo saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagu dalbanayey doorasho ka madax-banaan Axmed Madoobe oo deg deg uga dhacda Jubbaland. Hoos ka daawo The post Daawo: La-taliyihii Farmaajo ee doorashada oo dalab u diray dadka reer Jubaland appeared first on Caasimada Online.
  5. Wasaaradda Maaliyadda oo kaashaneysa hoggaanka Hey’addaha Garsoorka ayaa xeer ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha iyo Khidmada Diiwangelinta Qareennada. Kaddib kulan wadashiti ah oo ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, iyo Ururka Qareennada, ayaa waxaa ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xeer-nidaamiye ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada garsoor oo ay bixiyaan Maxkamaddaha Dalka, Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ee laga rabo Qareennada. “Maanta waa maalin taariikhi ah, maadama Wasaaradda Maaliyaddu, oo si dhaw ula shaqaynaysa hoggaanka Hay’addaha Garsoorka, wada-tashina la yeelatay Ururka Qareennada, ay soo saartay Xeer-nidaamiyaha Ajuurada Maxkamaddaha, iyo Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ah ee Qareennada”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cilmi M. Nuur. Xeer-nidaamiyahaan ayaa waxa uu si cad u qeexayaa khidmaddaha lagu dabaqaayo adeegyada kala duwan ay bixiyaan Maxkamadaha, cidda mas’uul ka ka ah ururinta khidmadahaan iyo sidoo kale koontooyinka bangiyada ee lagu shubayo. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in bixinta khidmadahaan ay muwaadiniinta u sahli doonta in ay u furtaan galal,dacwadaha ay qabaan, walibana ay fursad u helaan in dacwadahoodu ay dhagaystaan saraakiisha garsoor ee awoodda u leh. Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in si loo dhiirigaliyo Xirfadda Qareennimada ay ku soo biiraan xirfadlayaan qareenno ah oo cusub, hoos loo dhigay khidmada diiwangelinta ee laga rabo qareennada cusub, iyadoo laga dhignay $ 300 dollar,halka markii hore ay ka ahayd $500 dollar. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la hubin doono in Xeer-nidaamiyuhu u shaqeeyo hab wax ku ool ah, walibana ay Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda ayaa si joogto ah u korjoogteeyn doonta qaabka loo ururiraanayo khidmadaha la xeeriyay, iyadoo warbixin bille ah loo soo gudbin doono Wasiirka Maaliyadda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo saartay xeer-nidaamiye ku saabsan Ajuurada Garsoorka appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Somali-based Islamist extremist group, has on Sunday revealed the identity of the suicide bomber behind the devastating attack on March 7 in the Janay Abdalla area of the Lower Jubba region. The targeted camp housed the Somalia National Army and forces of the Jubaland Administration, one of Somalia’s five federal member states. The revelation comes as Somali forces continue to engage in a fierce conflict against the militants who have waged a brutal insurgency for approximately 15 years. The suicide bomber’s background The group identified the suicide bomber as Dnayizeye Isack Khalid, also known as Showkani. Al-Shabab released a video of Khalid before the attack, showing him driving a truck loaded with explosives. In the recording, he claimed to be a Burundian national and a member of the Hutu tribe. Born in 1992, Khalid allegedly spent seven years in Somalia before carrying out the attack. In their propaganda, Al-Shabab frequently emphasizes the involvement of foreign fighters, asserting they fight to liberate the Somali people from foreign military intervention. Al-Shabab took responsibility for the base attack, claiming the death of 89 soldiers – a figure yet to be independently verified. Abdulaziz Abu Mus’ab, the group’s military affairs spokesperson, informed Al-Shabab media that militants had seized 20 vehicles from government forces. He also mentioned that al-Shabab ambushed government reinforcements sent from Yontoy and Bar Sanguni bases east of Janaa Abdalle. Somali government counters claim Somali officials argue that they successfully “repulsed” the al-Shabab attack. Mohamud Sayid Aden, the deputy president of Jubaland state, told VOA Somali that Al-Shabab militants used explosives and armed fighters to assault Janay Abdalle, 60 kilometers west of Kismayo. “This morning, the Khawarij (deviants) attacked Janaa Abdalle base, a strategic base captured from them before,” he said at the time, adding that Somali troops successfully defended the base despite the use of explosives and suicide bombing. Aden honored the fallen soldiers, stating, “Brave men are among the dead, and as opined in a fatwa (ruling) by the religious scholars, they will be in paradise.” He also disputed al-Shabab’s claims of high casualty figures among regional and federal forces. Ongoing efforts against Al-Shabab In January, Somali forces recaptured Janay Abdalla from militants as part of an intensified government campaign against them in which the president called “an all-out war.” In recent months, the Somali army and local militias called “Macawisley” have recovered vast territories in the central Galmudug and HirShabelle states. This operation received support from US airstrikes. Hussein Sheikh-Ali, the government’s national security adviser, revealed plans for a second phase of military operations involving extra troops from the three countries bordering Somalia: Djibouti, Ethiopia, and Kenya. Although driven out of Mogadishu and other major urban centers over a decade ago, Al-Shabab maintains a stronghold in rural central and southern Somalia. Additionally, despite the advances made by pro-government forces, militants continue to demonstrate their ability to strike back with deadly force against both civilian and military targets. Last year, after the offensive launched, Al-Shabab executed its deadliest attack when two car bombs exploded at the education ministry in Mogadishu, killing 121 people in October. The incident was a stark reminder of the group’s resilience and capacity to launch high-casualty attacks despite losing ground to pro-government forces. The post Burundian bloodshed: Al-Shabab reveals bomber’s identity appeared first on Caasimada Online.
  7. Basim Sabri walks around Karmel Plaza, his mall in south Minneapolis where hundreds of Somali-Minnesotans run shops or restaurants. Source: Hiiraan Online
  8. Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku-simaha Madaxweynaha dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi. Kulanka Guddoomiyaha iyo safiirka dalka Taliyaaniga ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee taariikhiga ah, kaas oo muddo soo jireen ah , waxaana si gaar ah diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira taageerada iyo mashaariicda hormarineed ee Taliyaanigu ka fuliyo Soomaaliya. Danjiraha ayaa Guddoomiyuhu u soo gudbiyay dhambaal uu ka siday Baarlamaanka dalkiisa ee ku aaddanaa wadashaqeynta labada baarlamaan, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan deyn cafinta iyo shuruucda muhiimka u ah dalka ee laga rabo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Dowlada Taliyaaniga garab istaaga Dowlada Soomaaliya Iyo sida ay qeyb uga qaadanayan la dagaallanka argagaxisada iyo deyn cafinta, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Taliyaaniga xiriir wanaagsan yeelan doonaan dhawaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. London (HOL) - The Somaliland Community in the UK held demonstrations outside the UK PM's Office on Downing Street on Saturday to show support for their troops who are fighting in the disputed town of Las Anod. After six weeks of fighting, over 200 people have died, and hundreds more have been seriously injured. Source: Hiiraan Online
  10. Marian Hussein, oo ah xildhibaanad laga soo doorto Groruddalen oo ku taalla waqooyi bari Oslo ee dalka Norway, ayaa sameysay taariikh cusub ka dib markii loo doortay ku xigeenka hogaamiyaha cusub ee xisbiga Socialist Vänsterpartiet (SV). Markii hore, guddiga doorashada ee SV waxa ay u xaglinayeen Lars Haltbrekken, laakiin Marian Hussein ayaa kusoo baxday shirweynihii xisbigeeda, waxaana loo doortay guddoomiye ku xigeen. Intii lagu guda jiray codbixin tartan ah oo ka dhacday shirkii qaran ee xisbiga SV, galabnimadii Sabtida. Marian Xuseen waxay ka adkaatay Lars Haltbrekken, oo ahaa hogaamiyaha muddada dheer ee xisbiha SV, isagoo helay 114 cod. Marian oo 36-jir ah ayaa muujisay farxad kadib guusha ay gaadhay, waxayna tidhi “Shaqo badan ayaa noo taal, waxaan sii wadi doonaa dagaalka aan ugu jirno deegaanka iyo cadaaladda bulshada, hadda, sida Hogaamiye ku xigeenka, waxaana sii wadi doonaa dhismaha xisbiga iyo dhaqdhaqaaqayaga.” Hadalkan ayay ku sheegtay qoraal ay u dirtay wakaaladda wararka Norway. Taageerayaasha Marian Xuseen ayaa sheegay in sooyaalkeeda, iyo ololaheeda ka dhanka ah cunsuriyadda ay ku mutaysatay guusheeda. Maryan Xuseen oo ku dhalatay Soomaaliya, iyadoo toban jir ah ayay u guurtay Norway, waxay noqotay afhayeenka siyaasadda caafimaadka ee xisbigeeda. Sannadkii 2021, waxay samaysay taariikh iyadoo noqotay wakiilkii ugu horreeyay ee baarlaman oo asal ahaan Afrikaan ah oo ka tirsan golaha sharci-dejinta Norway. Waxaa sidoo kale loo doortay inay matasho degaankeeda waqooyi bari Oslo 2021-2025 waxayna xubin ka ahayd guddiga degmada ee Oslo 2015-2019. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad taageero iyo soo dhaweyn loogu muujinayay sharciga cusub ee hay’adda Sirdoonkan iyo Nabad-gelyada Qaranka (NISA). Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiiro, xildhibaano, odayaasha dhaqanka, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Masuuliyiinta iyo marti-sharafta kale ee kasoo qeyb-gashay munaasabadan ayaa ku amaanay hay’addihii kala duwanaa ee dowladda ee meel-mariyay sharciga NISA oo si rasmi ah dhaqan-gal u noqday. Sidoo kale waxay tilmaameen muhiimada uu sharcigan u leeyahay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, iyaga oo taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ku bogaadiyay arrintaan. Sharciga hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa waxaa dhawaan ansixiyay xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Golaha Aqalka Sare, kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 8-dii bishan saxiixay sharcigaan oo ka soo gudbay heerarkii dhismaha sharciga, sida diyaarintoodii iyo ansixintii labada Aqal ee baarlamaanka. Si kastaba, hay’adda NISA ayaa 53 sano kadib yeelatay sharci soo maray marxalado kala duwan, waxaana la filayaa inuu soo afjari doono tacadiyadii maxaabiista ay xirto iyo mad-madow badan oo ku gadaamna hay’adda. The post Sawirro: NISA oo dabaal-dag nooc cusub ah ka dhigtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. Dawlada Ingiriiska oo war Cusub ka soo saartay Dadka Magan-galyo doonka ah Dowladda Britain ayaa sheegtay dadka soo galootiga ah oo sida sharci darrada ah dalkaasi ku soo galo iney ku hayneyso xero militari oo ay ciidamadeeda isticmaali jireen xilligi uu socday dagaalki labaad ee adduunka. Koox taariikhyahanno ah oo caan ka ah caalamka ayaa warqad furan u qoray dowladda Ingiriiska warqaddaasi oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha dadka magan-galyo doonka ah lagu dajinayo saldhigga ciidamada cirka ee taariikhiga ah. Golaha Deegaanka Galbeedka Lindsey ayaa horraantii bishan xaqiijiyay in Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska uu qorsheynayo inuu u beddelo Saldhigga Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ee Scampton ee gobolka Lincolnshire, laga dhigo xaruun magan-galyo doonka lagu hayo. Xerada ay Britain qorsheyneyso iney ku hayso dadka magan-galya doonka ah ayaa saldhig u ahaa ciidamadi cirka oo la oran jiray ‘617 Dambusters”. Taariikhyahan James Holland wuxuu sheegay saldhiggaasi maadaamaa uu yahay mid taariikhi ah iney habbooneen in dadka magan-galya doonka la geeyo. Khabiir ku takhasusuay taariikhda dagaalki labaad ee adduunka wuxuu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Britain Soella Baraverman iney isniinti u geeyeen warqad ay saxiixeen koox taariikhyahanno ah. Xaruunta oo si rasmi ah loo aasaasay 23-kii March 1943-kii. “Waxaa jira meelo badan oo dalka Britain ku yaalla oo magangelyo-doonka la dejin karo kuwaas oo ay ka heli karaan naxariista iyo daryeelka ay aadka ugu baahan yihiin,” ayuu yiri James Holland. “Balse ma habboona in goob taariikhda qani ku ah uu dalka oo dhan ku faano in dadka magan-galya doonka ah la dajiyo,” ayuu sii raaciyey. Dawladda Britain waxay horay u shaacisay sharci cusub kaas oo si wax ku ool ah uga mamnuucaya qof kasta oo dalkaasi ku yimaada waddo sharci darro ah inuu magangalyo ka dalbado UK. Wakiilka UNHCR ee UK, Vicky Tennant, ayaa BBC-da u sheegtay in tallaabadani ay ka hor imaan doonto sharciga caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda dadka magangalya doonka ah. Xoghayaha Arrimaha Gudaha Suella Braverman ayaa sheegtay in sharcigu uu xaddidi doono “xudduudaha sharciga ee caalamiga ah”, iyadoo sheegtay in ay jirto bahai ku saabsan sharcigaan si “loo xalliyo dhibaatadan”. Qof kasta oo lagu helo inuu si sharci darro ah ku soo galay dalka waxa sidoo kale laga hor istaagi doonaa inuu ku soo laabto ama uu mustaqbalka sheegan doono dhalashada Ingiriiska. Qaran News
  13. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta taliska ciidanka dab-damiska ku wareejiyey gaadhi cusub oo loogu talo galay in lagula dagaallamo masiibada dabka oo uu Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu deeqay ciidanka dab-damiska. Munaasibadda wareejinta baabuurkan cusub ee casriga oo ay madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayeen madaxda Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, taliska ciidanka dab-damiska, madaxda dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa iyo saraakiil kale, ayaa ugu horrayn loogu mahadceliyey madaxda Baanka dhexe ee gartay inay baabuur casri ah oo lagula dagaallami doono dabka ku wareejiyaan ciidanka dab-damiska. Ugu horrayn, Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka bangi ahaan isku xilqaameen inay qayb ka qaataan badbaadinta hantida ummaddooda, iyaga oo ka tusaale qaadanaya baahida loo qabo gaadiid casri ah oo hawsha dab-damiska qayb ka noqda. Taliyaha ciidanka dab-damiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn madaxda Baanka dhexe ugaga mahadnaqay deeqda gaadiidka ah ee ay ciidanka dab-damiska oo shaqo qaran haya ugu deeqaan, waxana uu xusay inay ciidan ahaan baahi weyn u qabeen baabuurkan, una isticmaali doonaan hawlaha muhiimka ah ee ay kula dagaallamayaan dabka kala duwan ee ka kaca goobaha dadweynaha iyo hantida kale ee muhiimka ah. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo baabuurkan ku wareejiyey taliska ciidanka Dab-damiska, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey hoggaanka Baanka dhexe, waxana ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan oo wax weyn ka taraysa badbaadinta hantida ummadda iyo nafta muwaaddiniinta reer Somaliland. Waibilaahi Tawfiiq Source
  14. Las Anod (HOL) - A traditional elder of the SSC-Khatumo in Las Anod, Garaad Abdisalan Hassan, reported that 30 people died and 60 others were seriously injured during a recent clash between the Somaliland army and the SSC-Khatumo forces. Source: Hiiraan Online
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii xooganaa ee todobadii bishan March lagu qaaday xero ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose. Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca nin ajnabi ah oo fuliyay qaraxii koowaad ee ismiidaaminta ee lagu bilaabay weerarkaas oo dhacay subax aroor hore ah, kaas oo sababay khasaare lixaadleh oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray. Magaca ninkan ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Dnayizeye Isxaaq Khaalid, kaas oo loo yaqaanay Showkaani, sida uu ku sheegay muuqaal dardaaran ah oo laga duubay kahor weerarkaasi. Ninkan oo waday gaari xamuul ah oo qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa wareysiga laga sii duubay oo ay haatan sii baahisay kooxda ku sheegay inuu u dhashay dalka Burundi oo kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhalasho ahaan uu kasoo jeedo Qowmiyadda Huutiga ee degtay dalka Burundi, isaga oo sheegay inuu muddo dheer joogay Soomaaliya. Weerkii Janaay Cabdalle oo kamid noqday weeraradii ugu khasaaraha badnaa ayaa sidoo kale waxay kooxda Al-Shabaab ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal oo tiro badan. Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in weerarkii xarunta gobolka banaadir ee dhacay 22-kii January ee sanadka 2023 uu wax ka fuliyay nin ajnabi ah oo u dhashay Kenya, waxaana ka horreeyay weerar kale oo 2-dii May ee sanadkii 2022 ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/Dhexe kaas oo uu isna fuliyay nin kale oo Kenyaan ah, kana tirsanaa kooxda. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalama Ajaaniib kala duwan oo haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaata weerarada ay kooxda ka fuliso dalka. The post Al-Shabaab oo shaacisay xogta nin ajnabi ahaa oo isku qarxiyay… appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) - Somali police have arrested several members of suspected youth gangs in Elasha Biyaha, located approximately 15 km south of Mogadishu, following a security operation on Saturday night. The gangs, armed with knives and machetes, were apprehended while robbing people in the Jabad Geelle neighbourhood. The General Police Command Banadir region issued a statement noting that operations against gangs and bandits are progressing well, and they are committed to redoubling these efforts. Source: Hiiraan Online
  17. Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax ku qaaday Saldhig ciidanka doladda ay ku leeyiihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan. Weerarka qaraxa ah ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay dagaalmayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo ciidanka ku sugnaa goobta la weerar. Dagaalamayaal ka tirsan kooxda ayaa dhowaan weeraray guriga Martida degmada Baardheere, halkaas oo ku dhaawacmeen guddoomiyaha gobolka iyo Abaanduulaha 43-aad ee xoogga dalka. Weerarradaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo muddooyinkii sambe magaalada lagu uruurinayay askar badan, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab ee deegaannada Jubbalanad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. President Mohamud: “Our agenda is to maintain the union peacefully. We are not indifferent to the conflict. We are making efforts to stop the conflict. The guns must fall silent first”. Baydhaba (PP News Desk) — The President of the Federal Republic of Somalia Hassan Sheikh Mohamud called on parties to the civil war in Northern Somalia to come to the negotiation table. “Our agenda is to maintain the union peacefully. We call on Somaliland to stop using guns. We call on people of Laascaanood to achieve their goals through peaceful means. We are not indifferent to the conflict. We are making efforts to stop the conflict. The guns must fall silent first” said President Mohamud in Baydhaba, where a consultative summit for several Federal Member States was concluded. The Federal Government of Somalia has adopted a neutral position on the conflict in Northern Somalia under which Somaliland administration is waging a secession war based on pre-1960 colonial borders. The Somaliland administration instructed its lobbyist FGS Global, a London-based public relations company, to send to the United States Government unsubstantiated claims against the Federal Government of Somalia. “As of today, more than 500 Somali Armed Forces members – formerly from brigades known as Haramad, Gorgor, and Danab – are fighting against the Somaliland government alongside al- Shabaab elements and militant groups [in Laascaanood]” wrote Joshua Gross, FGS Global partner. “The Federal Government of Somalia no longer sees Somaliland as its counterpart in Union Talks that were in the past wrongly framed as South-North talks” said a political analyst in Mogadishu. Ali Ahmed, a political commentator in Hargeysa, said that the Somaliland administration President Muse Bihi had drastically reduced the profile of Somaliland in future talks. “The will never be a pretence to be representing unionist constituencies in Northern Somalia” said Ahmed. © Puntland Post, 2023 The post President Hassan Calls for an end to the civil war in Northern Somalia appeared first on Puntland Post.
  19. Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Saudi Arabia halkaas oo uga bilaawday booqasha rasmi ah oo uu ku joogi doono muda dhowr cisho ah. Madax ka socotay Dowladda Hoose ee Riyaad iyo Safiirka Jamhuuriyada Soomaaliya u jooga dalka Saudi ayaa Magaalada Riyaad kusoo dhaweeyay Guddoomiye Madaale iyo Wafdigiisa oo uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir. Duqa magaalada Muqdisho iyo Amiirka Magaalada Riyaad oo la filaayo in dhawaan ay kulan rasmi ah wada yeeshaan ayaa kawada hadli doono xoojinta iskaashiga iyo wax wadaaga ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Riyaad, waxaana dowladda Sucuudiga kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) - A military court in Baidoa executed two men on Sunday morning after they were found guilty of capital offences. Mohamed Abdi Noor and Abadir Isaaq Noor were killed by a firing squad for the murder of a police officer and the murder of one's wife, respectively. Source: Hiiraan Online
  21. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa war cusub kasoo saaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi, kuwaas oo u dhexeeyo ciidanka milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka. Waxgarad SSC ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay dishay maxaabiis ay shalay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka Laascaanood. Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadanimada ay ula dhaqmeen maxaabiista qabteen, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaasi ay soo bandhigi doonaan, isla-markaana ay xogta rasmiga ah la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed. “Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhankooda ay hayaan maxaabiis ciidan oo ay ka qabsadeen Somaliland, balse ay ula dhaqmaan si wanaagsan. Dhanka kae ma jir wax jawaab ah oo eedeyntan ka bixisay xukuumadda Somaliland ee hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo ku aadan xaaladda maxaabiista. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Sool ayaa sidoo kale ku warramaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Laascaanood oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weli ay is horfdhiyaan labada ciidan, isla-markaana suuragal tahay inuu dib qarxo dagaalka ka socda magaaladaasi. Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan. The post Somaliland oo lagu eedeeyay inay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.