Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegtay guulo waa weyn oo ay xukuumadda gaartay muddada ku dhow sanadka ee ay jirto. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin. “Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, si bulshada soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah. “Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo. Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan.” Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo sheegtay guul waaweyn appeared first on Caasimada Online.
  2. Guddoomiye Khaliif ayaa sidan yidhi “Waxaan Safar ku tagay magaalada Buuhoodle oo ka mid ah magaalooyinka aan deegaanka u ahay, waxaanu iska xaal waraysanay odeyaasha dhaqanka xaalada lagu jiro. Bulshada reer Buuhoodle waxaan uga mahadcelinayaa sida ay marwalba isugu duuban yihiin, ayna uga goan tahay midnimada bulshada degaankan” Qaran News
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Sida laga war qabo maamulka Puntland dhawaan kama qayb galin shirkii Wadatshiga Qaran ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed Soomaaliya. Shirkaan oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo madaxda maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabeelle iyo Jubaland waxaa looga hadlay hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka. Waxaa jiray shirkaan mid ka horreeyay oo Muqdisho ka dhacay bishii December ee sanadkii tagay, isla markaana ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo Puntland aaney saxiixin war-murtiyeedkii ka soo baxay. Qodobbadii looga hadlayay ayaa kala ahaa garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, arrinkaa oo qeyb ka ahaa dhammeystirka fulinta qodobbadii war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii kaas ka sii horreeyay ee Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gabagaboobay isla Muqdisho 12-kii Sebtembar. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay sababta ay Puntland u saxiixi wayday qodobbadii ka soo baxay shirkaas bishii December 2022-kii ka dhacay caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegay in markii uu arkay qodobbadaas ay ula muuqatay in nidaamka dowladda dhexe dib loogu celinayo awoodda iyada oo meesha laga saarayo federaalka lagu heshiiyay. Wuxuu intaa raaciyay in habka maamulka dowladeed ee heer federal iyo heer dowlad goboleed loo qaybinayo oo u muuqday mid kasoo horjeeda dastuurka Puntland, kan federaalka iyo doonista caqliga waa sida uu hadalka u dhigay. Puntland ayaa dooddeedu tahay in marka hore wax la kala leeyahay marka ay timaaddo awoodaha uu qeexayo dastuurka federaalka laga wadahadlo oo la dhammeystiro. Qodobbada ay puntland ku dhegga ntahay waxaa ka mid ah qaybsiga khayraadka. Dadka arrimahaan falanqeeya ayaa iyaguna qaba in Puntland ay soo celcelisay tallaabooyinka ay ku diidayso shirarka looga hadlo masiirka Soomaaliy Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay iska dhaga tirtay cabashadii ay Puntland ka muujisya shirkii Wadatashiga Qaran ee December sanadkii tagay lagu qabtay Muqdisho. “Waxay ahayd in la xaliyo cabashadii hore ee shirkii hore inta aan kan la qaban,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane oo dhawaan ka qayb galayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC-da ee waxy ila tahay. Hadda maxaa soo kordhay? Puntland ayaa hadda sheegtay inay mar kasta diyaar u tahay wadaxaajood ay la yeelato dowladda federaalka oo waayihii dambe uu xumaa xiriirkooda. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii qoraal ay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ku faafisay barteeda Twitter-ka lagu sheegay in deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya ay u sheegeen Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni muhiimadda ay leedahay in Puntland ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay qiray inuu jiro cadaadis Puntland lagu saaray in ay qayb ka noqoto shirarka looga hadlayo geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya. “Cadaadis cid walba waa la saarayaa waligeeba waa la saari jiray ama siyaasi ha ahaato ama dowlad xubin ka ah dowlad, dowladda federaalka,”. Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay,”Puntland waligeedba diyaar ayay u ahayd dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Caydiid oo BBC-da u warramayay. The post Puntland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadalka DF kadib cadaadis la saaray appeared first on Caasimada Online.
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ku gacan seyray qorshe ay wadaan siyaasiyiin dhowr ah oo ku sugan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Gedo. Wasiirka amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in qorshaha maleeshiyo beeleed looga abaabulo deegaanadaasi, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab ay noqon karto mid dhibaato weyn ku keeni karta maamulka. Doodda u weyn ee wasiirka u cuskaday in maleeshiyo beeleed loo baahneyn xilligaan ayaa ah “in ciidamada Jubbaland ay garab ka helaya kuwa Kenya ee KDF ayna heystaan awood ku filan oo ay ku wajahaan xooggaga Al-Shabaab.” Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sidoo kale xusay in xataa haddii ay dhacdo in dad loo qorayo kamid noqoshada dagaalka socda ay sameyn doonaan laamaha amniga oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Cid kasta oo loo qorayo kamid noqoshada dagaalka kooxda Al-Shabaab waxaa sameyn doona laamaha amniga oo aan anigu hoggaamiyo anigoo ah wasiirka amniga,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal. “Waxaa diyaarin doonaa tababarkoofa iyo saanadooda, qof kaliya uma abaabuli karo maleeshiyaad ku fikir ah la-dagaalanka Al-Shabaab, mana ahan tallaabo u wanaagsan Jubbaland iyo dalka Soomaaliya-ba.” Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhaq-dhaqaaq kale oo aan ku imaan wada-shaqeyn iyo iskaashi maamulka ah “ay wiiqi karto dadaalada la doonayo in lagu cirib-tiro kooxda Al-Shabaab.” “Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuu socda hadda, waxaa naga caawin doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, askarta dalalka deriska ah ayaa kasoo tallaabi doona xuduudka si ay gacan uga geystaan howl-gallada socda.” Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay socdaan qorshe ay wadaan siyaasiyiinta maamulkaasi, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Gedo oo ah abaabulka Macaawisleyda Jubbooyinka, si ay qeyb uga noqdaan howl-gallada Shabaab looga xoreynayo dalka. Gobolka Gedo ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waxaa gaarayay siyaasiyiin horleh, xilli uu gobolkaasi ka socda diyaar-garow loogu jiro inay ka billowdaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post JUBALAND oo war kasoo saartay qorshaha xasaasiga ah ee ka socda gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.
  5. Brussels (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabadda Madasha Bani’aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium. Shirkan oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Komishanka Yurub (DG-ECHO) iyo dowladda Sweden oo hadda haysa hogaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa waxaa looga hadlayaa baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan. Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madasha ku soo bandhigay “fikir bedel cusub” oo ku saleysan in caalamka uu dib u eegis ku sameeyo aragtida ay deeqaha iyo taakulada ku siiyaan Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur aya waxa uu madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka deg-dega ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna xilligaan baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo “sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd”, taasi oo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda. Madashaan bini’aadnnimo ee maanta ka furmatay Brussels ayaa waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha QM, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka gar-gaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya. Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini’aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag. “339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar deg deg ah.” Si kastaba, Xaaladda abaareed ee taagan ayaa waxaa uga sii daray kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada, waxayna madashaan diiradda saari doonta in la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira. The post Soomaaliya oo Brussels ku soo bandhigtay ‘fikir beddel cusub’ oo ku saabsan… appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi oo hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan (SOMSUDAN). Mudane Xamza ayaa intii uu kulanka socday xusay in xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo sheegay in maal-gashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran. “Soomaaliya waxaa yaalla fursado maalgashi oo badan. Ganacsatada Suudaan waxaa weli si gaar ah u caawineysa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan.” Marwo Axlaam Madani Mahdi ayaa dhankeeda waxay ra’iisul wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN, ayada oo xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaasi oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecadaha iyo maalgashiga, taasi oo ay barbar socoto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Suudaan ayaa waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaan kun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka galaya dib u dhiska iyo horumarka dalka. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan daahfuray Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan oo muddo labo maalin ah ka socotay magaalada Muqdisho. Madashaasi ayaa waxa kasoo qeyb-galay wafdi ka socday dowladda Suudaan oo ay hogaaminayso Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga, Ahlam Madani Mahdi, iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shirkado ganacsi oo ka kala socday labada dal. The post DF Soomaaliya iyo SUDAN oo kor u qaaday iskaashiga saddex dhinac oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  7. WASHINGTON, U.S (Caasimada Online) – Despite ongoing economic challenges, Somalia is set to receive financial support from the International Monetary Fund (IMF) following a staff-level agreement on the fifth review under the extended credit facility (ECF) arrangement. The IMF board’s approval will enable the release of the funds to the nation, offering much-needed assistance in a time of crisis. Somalia has faced a multitude of challenges, including a severe food crisis and the effects of drought. Economic slowdown amid challenges Laura Jaramillo, IMF mission chief, acknowledged these difficulties but praised the country’s strong reform momentum, stating that “program performance has been satisfactory.” However, economic activity has been hindered by the drought and a general slowdown in global growth, resulting in elevated risks. The IMF recently downgraded its growth estimates for Somalia’s gross domestic product (GDP) in 2022 and projections for 2023, with the figures now standing at 1.7% and 2.8%, respectively. The organization attributed this decrease to the ongoing drought and subdued remittance inflows. Average inflation reached 6.8% in 2022, driven by high food and fuel prices, but is expected to decline to 4.2% in 2023 as commodity prices recede. Risks and commitments for the future Jaramillo highlighted the elevated near-term risks, particularly the worsening food crisis, should rains not return in 2023 or if commodity prices continue to rise. Nevertheless, she affirmed the authorities’ commitment to improving revenue collection and prioritizing spending while containing discretionary expenditure pressures in 2023. The Somali government intends to submit a supplementary budget to parliament to pursue this goal, presenting a balanced fiscal position based on realistic revenues. Emphasizing the vital role of development partners, Jaramillo noted that “timely financing and capacity development support from development partners is essential for the successful implementation of the authorities’ reform strategy.” Contributions to the Somalia Country Fund are crucial in ensuring the smooth delivery of IMF technical assistance, supporting the goals of the ECF-supported program and the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative, a global debt forgiveness process. Jaramillo also revealed that the authorities had reached debt relief agreements with most Paris Club members and the Kuwait Fund for Arab Economic Development (KFAED). She added that they continue to seek agreements with other bilateral creditors, demonstrating Somalia’s commitment to pursuing economic reform in the face of adversity. The post Somalia’s turning Point: IMF steps up amid challenges appeared first on Caasimada Online.
  8. The United Stated of America remains the most dominant country in the world — economically, militarily, politically, and culturally. In that unique role, America has played a mostly positive role on the world stage. Especially, when compared to the Marxist and Fascist regimes that emerged in the past decades to challenge the ideals it promoted- democracy, freedom, and free market. However, things started to rapidly change as the digital world opened the flow of information and the global south grew more discontent with the US’ over-imposing foreign policy that routinely secures American corporations’ zero-sum advantages. Since 1991 when it became clear that US had no superpower rival, the drive for an objective political self-assessment has diminished. In the last two decades, as the US was blindingly preoccupied with Afghanistan, Iraq, and chasing the ghost of terrorism across the globe, China emerged as a major competitor. Through strategic and economic partnerships and without interference on domestic issues, China cultivated significant political presence in strategically important countries worldwide. China’s more assertive foreign policy While President Joe Biden’s foreign policy is still influenced by corporate profiteers and Israel’s security concerns, President Xi Jinping was laser-focused on his country’s strategic objectives, economically, militarily, politically, and socially. The global TikTok phenomenon is just one example. On Friday March 10, China unveiled its most successful diplomatic accomplishment- the peace deal it brokered between Saudi Arabia and Iran. the two regional rivals have announced their mutual agreement to restore full diplomatic relations and open their respective embassies within the next two months. That shocked many Western leaders, media, and think tankers from the old school that still considers China a powerful nation that lacks diplomatic finesse to achieve such objective. This deal holds the potential to end two of the longest and most devasting wars, and the worst humanitarian crisis in the Middle East- Yemen and Syria. Yet China is not projecting itself as the ‘the new Sheriff in the Middle East.’ But rather, as a humble strategic partner who only managed to persuade two of its close friends to overcome their differences and collaborate on political, and economic matters of mutual interest. That kind of humble diplomacy that seeks no fanfare and is willing to share successes with other nations is what made China’s soft power the most potent is the world. Today, in addition to Iran and Saudi Arabia, there are more than a hundred countries that trade with Chinese Yuan. “Dedollarification” is going in full force. Since the West torpedoed the Turkiye peace plan to end the Ukraine war, China is now the sole power to potentially help end the most destructive war in Europe since WWII. China’s special relationship with Russia is widely known. China also has an economic pact with Ukraine. Its ‘Silk Road’ railway–the 21st century’s most ambitious global economic network– is to run through Ukraine’s massive territory. Failure to keep up with changing times Meanwhile, the U.S. foreign policy is facing a Kmart moment. A moment that resembles the slow death of the last decade of this, once upon a time, the most successful model in the US retail industry. In its glorious days, Kmart was famous for its iconic marketing ploy known as Bluelight Sale . Once the customers heard ‘Attention Kmart shoppers’ and a siren through the intercom, shoppers enthusiastically dashed to the section of the store where the blue lights were flashing to get great bargains. The Bluelight Sale gimmick was meant to sell slow-moving products. After decades of a lucrative marketing ingenuity and industry dominance, Kmart shoppers became desensitized to the power of the Bluelight Sale as other discount department stores started to offer competitive deals. Need for strategic innovation In international relations, as in business, if you cannot keep up with the changing times and your competitors’ innovative strategies, you will find yourself obsolete, irrelevant, or bankrupt beyond recovery. To legitimately reclaim its leadership, the US would need to improve its global image and undergo a significant reinvention process that is propelled by a less selfish and indeed less arrogant foreign policy. And that cannot not happen without the following: First; shed off the Neocon unipolar hubris that the US should throw around its muscle to get all the candies in the store without any payment, accountability, or apology. A good start may be to shut down a significant number of the 750 military bases around the world. Second; stop funding Israel’s apartheid regime, and stop the decades long abuse of the Security Council veto power so that Israel could get the absolute impunity it needs to shield it from UN sanctions and its leaders from facing criminal charges at the International Criminal Court. Third; stop the organized crime foreign policy that takes resources by force instead of by a negotiated fair deal. That infamous policy that is guided by, according to Noam Chomsky, a “godfather principle, straight out of the mafia (playbook).” Fourth; stop interfering with other countries’ internal affairs to manipulate outcomes or implement regime-change schemes. The Muslim world and the global south are mindful of how US has suffocated democratic processes in various countries during the Arab Spring more than a decade ago. They are also vigilant on what the US might do in countries such Pakistan where, according to recent Gallup poll, former Prime Minister Imran Khan whom the US helped oust last year, commands 61% favorable rating. Fifth; avoid any hostile compition toward the BRICS block lest that forceit to become a military alliance. Last December, I wrote about 2023 being the year when BRICS may turn into BRICTISS after Saudi Arabia, Iran, and Turkiye join that block. The two ‘I’s are now in and the ‘T’ is likely to join after elections. Sixth; focus on your own neighborhood and cultivate win/win strategic partnerships with key actors in Central and South America. Seventh; Ukraine is a lost cause. It was a preventable war and the hundreds of thousands on all sides did not have to die. The sooner the US accepts that reality, the better it is for the whole world. Eighth; so long as US’ policy toward Africa remains one driven by counterterrorism and is implemented by AFRICOM drones that are accountable to no one, there will never be a sustainable strategic partnership with key countries such as Somalia. The writer is a former diplomat and geopolitical analyst. He is the author of Broken Camel Bells: Somalia in the age of terrorism 2006-2022 The post China and US policies in Middle East and beyond – OpEd appeared first on Caasimada Online.
  9. The Mayor of London has switched on the city’s first ever celebratory Ramadan lights. The installation of 30,000 sustainable lights, which on this scale are the first in Europe, will illuminate Piccadilly Circus for the month of Ramadan. The festival is observed by Muslims, including Sadiq Khan, who this year will fast in daylight hours from March 22 to April 21. Mayor of London Sadiq Khan officially switched on the lights on Tuesday (Aaron Chown/PA) The initiative was driven by non-profit organisation Ramadan Lights UK, who rallied to set up the display through public donations. Its founder, Aisha Desai, said: “As a child, a trip into central London to see the festive lights was an annual treat. “My sister and I would lie in the back of the car looking at the lights through the sunroof. It was magical. The lights will stay on for the entire month of Ramadan (Aaron Chown/PA) “As a proud Muslim, I wanted to bring some of that magic to my community… And three years ago, that journey began with Ramadan Lights. “And our generous donors have helped us go from strength to strength.” The lights can be seen in London’s West End (Aaron Chown/PA) The lights read Happy Ramadan, with glittering moons and stars to match. The curated concept depicts the phases of the moon throughout Ramadan. PA Qaran News
  10. Somalia is a country in which citizens who laid the foundation for urban civilisation have their political and economic rights deprived through a consensus among armed clans. Why did the President Hassan Sheikh Mohamud mention the names of illustrious Banadiri personalities who distinguished themselves in public life when he cannot urge Somalis to end the institutionalised marginalisation of Banadiri Somalis? Mogadishu (Comment) — According to President Hassan Sheikh Mohamud Somalia will conduct one person, one vote elections in 2027. “Parties will be involved in the elections. It is like a market where people buy goods” said President Mohamud, placing the political marketplace in the physical market. He qualified his statement by saying that “people will compete on ideas”. President Mohamud reminded people of the importance of competitive party politics and the right to elect MPS directly. “Mogadishu once had a Mayor from the Fifth clan” he said. The Fifth Clan is a politically marginalising appellation imposed on an alliance of Somali clans including Banaadiri, to which the first Mayor of Mogadishu, Sharif Imaankey (aka Jamal Sharif Hussein) belonged. Jamal made history during the 1930s when he challenged the Fascist racist policy that barred Somalis from frequenting the same areas or drinking at the same cafes as Italians did. Jamal defiantly walked in a part of central Mogadishu — the pavement of della Croce del Sud. He was arrested by the Italian fascist police in Mogadishu for several years. Upon being elected the Mayor of Mogadishu, he said that ‘freedom was worth being tortured for’. The speech of President Mohamud on one person, one vote poll by 2027. Deprivation of political rights begins with names imposed on citizens. The Fifth Clan (Beesha Shanaad) is an invented clan identity conceived at the Somali reconciliation conference sponsored by the Djibouti government and held Arta district in the year 2000. It was the first reconciliation conference in which Somali clans who suffered most during the civil war were punished again is Djibouti by relegating them to second-clan citizenship for not taking an active part in the civil war (for not having an armed and marauding clan militias). Unforgettable: An iconic building in Shingaani district of Mogadishu built by Banaadiri Somalis many centuries ago. How can Somalia conduct elections based on universal suffrage if burning injustices (the political and economic marginalisation of Somalis labelled the Fifth Clan) remain unaddressed? The position of the Fifth Clan in the clan politics – to use a phrase used by President Hassan Sheikh Mohamud in his doctoral dissertation – indicates the economic marginalisation (their traditional districts still bear the scars of the civil and are dominated by armed clan militias) and political invisibility (they have no discernible political representation in the Banadir Administration and the Federal Member States such as South West State — of which Marka and Baraawe, two Banadiri-founded districts, — are part) and Jubaland State. In Somalia injustice has been upgraded to a belief system through which even an incumbent President with a background in civil society work feels not compelled to address the plight of marginalised citizens. Why did the President Hassan Sheikh Mohamud mention the names of illustrious Banadiri personalities who distinguished themselves in public life when he cannot urge Somalis to end the institutionalised marginalisation of Banadiri Somalis? Somalia is a country in which citizens who laid the foundation for urban civilisation have their political and economic rights deprived through a consensus among armed clans. That is not a social contract. It is a social degradation. © Puntland Post, 2023 The post The Political Marginalisation of Banadiri Clan in Somalia appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweyanaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Alshabaab. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin. “Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, si bulshada soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo”. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah. “Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo.Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan”. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xalay ka qayb galay Bandhiga Waxqabadka Xukuumadda appeared first on Puntland Post.
  12. Meel-marinta Hindisayaasha khuseeyo sugista Amniga iyo dib-u habaynta Hay’adaha Amniga sida Ladagaallanka Argagixisida, cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, Hindisaha Hay’adda Socdaalka, Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka, Ilaalinta xogta ” Data Protection Bill ” waxay leeyihiin labo muhiimad oo waawayn:- 1. Hay’adaha Amniga waxay u suurta-galinaysaa in ay dunida la macaamisho kana faa’ideystaan fursadaha khibrad wadaagga iyo iskashiga Caalamka, gaar ahaan xogaha kaydsan oo helistooda tahay arin Dastuuri ah sida ku cad Q. 32-aad ee DKMG-JFS, helista xogaha mukhaabaraad, tababar xirfadeedka, Iskaashiga Amni imw. waana arimo aysan suurtagal ahayn Xeer la’aan. Intii u dhaxaysay 1990-2007 Bangiga adduunka waxuu qarash gareeyey 7.4 Billion oo lagu taageerayey baahinta nidaamka, waxaana shuruud looga dhigay saddex qodob ” Decocracy closer to the peole, Ehnace accountability, improve puplic services” waana sababta Golaha deegaanka loogu xirey si loo helo Mashaariicda GPLG-ga, sidoo kale xogaha Amniga & sahanka dalka laga sameeyey waxay ku xiranyihiin shuruuc in aad leedahay. 2. Shuruucda Amniga waxay muhiim u yihiin xaqiijinta & xakamaynta qalalaasaha in uu gacanta u galo dowladda “State Monopoly on violence” taas oo ah tiirar kamid ah dowladnimada, habka lagu xaqiijin karana waa sharciyadda. Shuruucda Amniga ma aha hal sharci waa wadar sharciya ah, qaar ay Hay’ado dhisayaan, Qaarna waa mowduuci, waxaana saldhig u ah Xeerarka Ciqaabta ee la dagaalamo faldambiyeedka, waxayna u baahanyihiin isla jaan-qaadid iyo dib- u habayn isla socota. Halka arin u baahan in laga taxadaro waa ilaalinta xuquuqda muwadinka ee Dastuuriga ah iyo in dib-u habaynta Amniga horseedaa inidaam dimuqoraadiga ah ee aysan caburin isu badalin. W/Q Garyaqaan Cali Somali Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga arrinsanayo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, shirkaas waxaa hoggaamineysa dowladda federaalka Soomaaliya. La-taliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa ka qayb galay Shir looga hadlayo qorshaha qaadista cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Xuseen Macalin oo faahfaahin ka bixiyey shirkaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanadkaan awooda isugu geyneyso sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta. Shirka waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socda beesha caalamka, xubno ka socda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysa shirka. “Sanadkaan muhiimadaha ugu waaweyn ee dowladda Soomaaliya waa in laga qaado cunaqabateynta hubka, waxaan isugu keenay shirkaan dhamaan hey’adihii ay khuseysay arrintaan, sida kuwa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka,” ayuu yiri La-taliye Xuseen. Wuxuu sheegay in xubnaha beesha caalamka ee shirkaan ay ku casuumeen ay mudo dheer si gaar ah dowladda Soomaaliya uga taageerayeen, sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta ka saaran dhinaca hubka. Waa shirkii 4-aad ee noocaan oo lagu qabto Muqdisho, kaas oo dowladda Soomaaliya ay garwadeen ka tahay, iyadoo sanad kasta shirkaan looga doodo sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya. Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cunaqabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado cunaqabateyntaas, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxaha argagixisada ah, waxay marar badan caalamka u cadeysay in dagaalka aysan sii wadi karin oo xagjiriinta aysan ka adkaa karin, hadii aan laga qaadin cunaqabateynta. Hoos ka daawo Xuseen Macalin oo faahfaahinaya shirka cunaqabateynta The post Daawo: Somalia oo ku dhow in xayiraadda hubka laga qaado – Maxaa maanta dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Wakaaladda Murtida iyo Wacyi-gelinta ee Tiyaatarka Qaranka waxaa caawa ka socota munaasabad weyn oo lagu soo bandhigayo waxqabadkii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Xukuumadaan oo loogu magac-daray ‘Danqaran’ ayaa hadda jirsatay lix bilood, waxaana caawa masraxa Tiyaatarka Qaranka lagu soo bandhigayaa wixii u qabsoomay 6-daas bilood. Munaasabadda oo hadda socota waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, xubnaha golaha wasiirrada, xildhibaanno, masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Munaasabadda ayaa inta ay socoto waxaa dadweynaha ka soo qeyb galaya ay su’aalo ka weydiin doonaan Xukuumadda, waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ee la soo dhaafay. Madaxshaan oo marka hore dood wadaag ah, waxay madaxda xukuumaddu ka jawaabi doonaan su’aalaha bulshada, iyadoo intaas kadibna lasoo bandhigi doono waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda. Waa dhif munaasabadaha noocaan ah ee hey’adaha dowladdu ay ku soo bandhigaan wax qabadkooda, waliba ayagoo ogol inay toos uga jawaabaan weydiimaha ka imaanaya bulshada. Dhamaan madaxdii ugu sareysay dalka ayey caawa kulmisay munaasabadaan ka socota Tiyaatarka Qaranka, waxaana lagu wadaa in lagu soo bandhigo ducomentry ay toos u daawa doonaan madaxda qaranka. Intii ay jirtay xukuumadaan waxaa socday dadaalo badan oo dagaalka Al-Shabaab uu ugu horeeyo, waxaana lagu guuleystay in dhul badan laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, oo ah dhibaatada ugu weyn ee dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan. The post Sawirro: Dhamaan madaxda DF oo isugu tagtay Tiyaatarka – Maxaa ka socda? appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced on Monday that his government is creating a five-year plan to focus on Somalia's long-term vision. He also stated that the next election in Somalia would be a one-person, party-based vote. President Mohamud made these announcements during a ceremony at Villa Somalia in Mogadishu, where he signed eight bills into law. Source: Hiiraan Online
  16. Abdirahman Kahin wanted to share African food with a larger audience, so he opened his first restaurant in 2010. Afro Deli and Grill now has four locations in Minneapolis and St. Paul. Source: Hiiraan Online
  17. A report by a Somali organisation in Bristol has found that minority ethnic communities have been disproportionately affected by the cost of living crisis. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - A well-known Hawadle traditional elder, Aqil Mumin Abdi Fidow, also known as Mumin Garig, was shot and killed by gunmen on Tuesday in front of his home in the Tarabuunka neighbourhood of Mogadishu's Hodan district. Although no arrests have been made and there are no immediate claims of responsibility, Al-Shabaab is suspected to be the main perpetrator as they have targeted elders, prominent individuals, and ordinary citizens from the Hiraan region, particularly the Hawadale community, with systemic reprisal attacks. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd saxiixay soo-jeedinta ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka. Xubnaha guddigan ayaa waxaa hore u ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golahaa Aqalka Sare ee BFS kadib soo-jeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama dastuurka federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka. Guddigaan ayaa ka kooban shan xubnood, kuwaasi oo kala ah; 1. Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye 2. Axmed Maxamed Jaamac: Xubin 3. Maxamed Cabdalla Saalax: Xubin 4. Farxiyo Muumin Cali: Xubin 5. Maxamed Xasan Idiris: Xubin The post DEG DEG: Xasan oo saxiixay soo-jedintii Xamza ee guddiga dastuurka appeared first on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay soojeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo Kala ah: 1. M.dane Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye 2. M.dane Axmed Maxamed Jaamac; Xubin 3. M.dane Maxamed Cabdalla Saalax; Xubin 4. Marwo Farxiyo Muumin Cali; Xubin 5. M.dane Maxamed Xasan Idiris; Xubin Xubnaha Guddigan waxaa ansixiyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo Golha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya kadib soojeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday in maalinta Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan. Sacuudiga ayaa sheegay in bisha aan la arkin kadib markii la baaray, sida lagu yiri bayaan kooban oo goordhoweyd soo baxay. “Bisha Ramadaan lagama arkin Sacuudiga maanta, sidaas darteed Khamiista 23-ka March 2023 waxay noqon doontaa maalinta koowaad ee Ramadaan.” Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa sidoo kale sheegay in habeen dambe la bilaabi doono dukashada salaada taraawiixda. “Salaada Taraawiixda ayaa si toos ah uga bilaaban doonta Labada Masjid ee Xaramka kadib Salaadii Cishaha ee habeen dambe.” Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin curashada bisha Ramadaan, waxaana loo badinayaa in wasaaradda ku dhawaaqdo in Khamiista ay soon tahay. Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan. The post DEG DEG: Sacuudiga oo shaaciyey maalinta koowaad ee Ramadan appeared first on Caasimada Online.
  22. Lataliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane, Xuseen Macalin ayaa furay shirka sannad laha ee maareynta hubka iyo rasaasta oo sannadkaan looga hadlayo halka uu marayo qorshaha qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Mudane Xuseen Macalin oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay iney ku han-weyn yihiin sannadkaan in Soomaaliya laga qaado cuno-qabateynta dhanka hubka ee saaraan, Dowladuna ay dadaal dheer u gashay sidii looga soo bixi lahaa sharuudaha ku xiran. ‘’Shirkan waxaa looga dan lee yahay,habkii Soomaaliya loogo qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka,maadaama dowladda sannadkaan ka dhigatey muhiimadda ugu weyn,waxaana isigu keenney dhammaan hay’addihii ku shaqada lahaa ee Dowladda Federaalka iyo dowladihii xubnaha ka ahaa DFS,waxaana lagu lafo-guri doonnaa howlaha na horyaala oo loo yaqaana bar-tilmaameedyadda ee dowladda Soomaaliyala rabo iney ka guul garata’’. Shirka inta uu socdo ayaa waxaa looga doodi doonaa qorshe howleed sanadle ah iyo wixii ka qabsoomey shaqooyinkii lagu heshiiyey fulintooda shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magalada Muqdisho, Maarso 2022. Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo saraakiil ka socda laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer mamul-goboleed iyo marti kale oo ka kala socotey saaxiibada dowladda ka caawiya arrimaha amniga. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday Cali Abuukar Jimcaale Rooble oo lagu helay in kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan-gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda. Cali Abuukar ayaa waxaa loo soo xiray 3-dii bishii November ee sanadkii hore kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab, waxaana uu sidoo kale kamid ahaa qeybta Amniyaadka, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida. Ninkaan ayaa waxaa la sheegay in reerkiisa u dhoofiyeen dalka South Africa 2010-kii sanad kadib markii uu ku biiray Al-Shabaab, laakiin toddoba sano kadib dabayaaqadii 2017 ayuu kusoo laabta magaalada Muqdisho, isaga oo aysan waxba iska bedelin fikirkiisi. Markaas kadib waxay kooxda u wakiilatay Cali diiwaan-gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, ayada oo mar kale ay ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida. “Waxaa lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali Jabhad horjooge lagu magacaabo oo hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysata.” Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka ogolaaday 4-tii March ee sanadkan. Garsoorka ayaa sheegay in waqti ku filan uu siiyay dhinacyada dacwadda, ayada oo habraacii maxkamadeed kadib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble 8 sano oo xabsi ciidan ah. Ninkaan ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan heerka 1-aad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida. The post Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsana diiwaan-gelinta ganacsiyada oo la xakumay appeared first on Caasimada Online.
  24. Guddomiye Ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xafiiskiisa kula kulmay. Agaasimaha Guud ee UNDP mr Jocelyn mason iyo ku xigeenka UNDP marwo Sophie kemkhdze. Maamulka Gobolka Banadir iyo UNDP ayaa ka wada hadlay in la iska kaashado dhinacyada sida Dib u hishiisiinta, Xasilinta , Golaha Degaanka Degmooyinka , nabad dhiska Maamulka wanaag , Daadajijta Maamulka Haweenka shaqa abuurka dhalinyarda iyo kor u qaadista xirfadaha gacanta ee la barayo dhalinyarda Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda. Labada dhinac ayaa isku afgartay in kor loo qaado howlaha wacyigalinta bulshada oo ay qeeyb ka tahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada kasoo baxa jaamcadaha. UNDP ayaa Gobolka banadir ka taageeri doonto Howlaha xasilinta , Dib u hishissinta iyo Hanaanka farsamo ee Maamul u sameeynya Magaalada muqdisho oo ay ugu horeeyso Hanaanka Golayaasha degaanka heer gobol iyo heer Degmo. Ugu Dambeeyntii Guddomiye Yabooh ayaa sagootiyey Agaasimaha Guud ee UNDP Mr Jocelyn oo ka dhamaaday xili mandate-kisa ee Somaaliya waxuuna sidoo kale soo dhaweeyey Marwa Sophie oo sii noqon doonto wakiilka UNDP ee Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com