Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Ciyaaraha G/Banaadir ayaa goor dhow ku dhawaaqay in Dib loo dhigay ciyaartii kama dambeysta ahayd oo ay maanta ku ballansanaayeen degmada Warta nabadda iyo deegaanka Gubadley oo noqotay deegaankii ugu horeeyay oo tiigsaday Finalka tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir. Gudoomiyaha Ciyaaraha G/Banaadir mudane Haaruun Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciyaarta Finalka Degmooyinka ay la ciyaari doono 22ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka ENG Yarisow stadium ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Maamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir ma sheegin sababata ka dambeysay in la baajiyo kulanka, wararka aan la xaqiijin ayaa waxaa la sheegayaa in la sugayo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo safar ugu maqan Boqortooyada Sucuudiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka. Madaxweynaha ayaa marka hore shaaca ka qaaday go’aan culus oo la xiriira doorashada soo socota 2026, wuxuuna ku dhawaaqay inay noqon doonto qof iyo cod. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in la’isku dooran doono xisbiyo, si looga gudbo nimdaamka beelaha ee 4.5, kaas oo ay haatan ku dhisan tahay dowladda federaalka. “Soomaaliya ilaahey idinkiis doorashada soo socota waa qof iyo cod xisbiyeysan oo xisbi la’isku doorto,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Xisbiga waa suuq badeecado la keensado badeecada la keensanaayana waa caqli”. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in furaha siyaasadda uu yahay abaabul iyo fakir, sidaas daraadeedna aan loo baahneyn tiro badni. “Siyaasadda tiro badnaan ma’aha, laandheere ma’aha siyaasaddu waa abaabulnaan iyo fikir,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhanka kale madaxweynaha ayaa diray fariin guud, wuxuuna ku baaqay in dowladdiisa lagala shaqeeyo amniga iyo hirgelinta doorashadaas, si ay u noqoto qof iyo cod ah. Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi, isla-markaana uu haatan baarlamaanka horyaallo qorshe wax looga beddalayo dastuurka, si muddo kordhin horleh loogu sameeyo hay’adaha dowladd, lagana dhigo muddo xileedkaooda muddo 5 sanno ah. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay go’aan la xiriira doorashada soo socota appeared first on Caasimada Online.
  3. These dishes from Somalia are ideal before sunrise and after sundown. Source: Hiiraan Online
  4. Climate change is all around us. The damage it is causing to Somalia is obvious to all Somalis – and that is why it is at the core of the UK and Somalia’s work together. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud signed eight bills into law at a ceremony held at the Presidential Palace in Mogadishu on Monday night. The bills signed include the Anti-Terrorism Act, the Somali Immigration and Citizenship Agency Establishment Law, the Immigration Law, the Public Data Protection Act, the Law on the Management of Underground Resources, the Investment and Investor Protection Law, the Law on Identification and Public Registration, and the Somali Fisheries Development and Management Law. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Qaran ee Hindise-sharciyeedka Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Tirakoobka dhacdooyinka muhiimka ah. Shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Aidarus M Hassan iyo mas’uuliyiin kale ee kascotay heerarka kala duwan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu horreyn khudbad kooban ka jeediyay kulankaan, wuxuuna sheegay in hindise-sharciyeedkan uu nidaaminayo mid kamid ah adeegyadda asaasiga ah ee ay dowladdu bixiso ee dad-dhigista sida; dhalashada, guurka, furriinka, caruur korsashada, dhimashada, diiwaan-gelinta qoyska, degenaashaha iyo arrimo kale. “Hindise sharciyeedkan oo diyaarintiisu ay wasaaradda arrimaha gudaha wadday muddo dheer, waxaa uu ka mid yahay dadaalo badan oo wasaaraddu galisay sidii dalka uu uga hanaqaadi lahaa nidaam diiwaan-gelin madaniya oo casri ah,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa kamid ahaa dadaaladaasi sida daraasado nidaamyada diiwaan-gelinta madanigaa, diyaarintii siyaasadda qaran ee diiwaan-gelinta madaniga ah iyo istaatistikada dhacdooyinka muhiimka ah oo golaha wasiiradu ansixiyeen bishii Agoosto 2019, dhismihiisa iyo howl-gelinta guddiga hagidda diiwaan-gelinta madanigaa oo ka kooban dhammaan madaxda hey’adaha kala duwan ee heerarka dowladda.” Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hindise-sharciyeedkan uu hagayo siyaasadda Qaran ee diiwaan-gelinta madaniga ah, kuwaas oo dowladaha hoose ay gundhig u yihiin bixinta adeegan, halka kaalinta dowladda federaalkuna uu u qeexan yahay si waafaqsan heshiiskii awood qeybsiga ee golaha wadatashiga Qaran. Ugu dambeyntiina waxa uu ka qeyb-galayaasha kulankan wadatashiga ah kula dardaarmay in inta uu shirka socdo ay wax ku daraan, saxaanna si wadatashigan oo kama dambeys ah kadib loogu gudbiyo baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Hoos ka daawo The post Daawo: Muxuu yahay shirka wada-tashiga qaran ee maanta ka furmay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  7. Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ku bilowday qaraxyo oo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ruunnirgood ee gobolka Shabeellahadhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidan ka tirsan dowladda federalka iyo kuwa deegaanka. Weerarka iyo Qaraxa iyo is xigay ayaa waxay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ku beegsadeen Saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku lahayeen deegaanka Ruunnirgood, waxaana xigay dagaal xooggan oo dhexmaray labada dhinac. Dhinacyada dagaalamay ayaa isku adeegsay Hubka nuucyadiisa kale duwan, waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhab ah ee ka dhashay iyo midka soo gaaray dadka shacabka, Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhowaan Al-shabab ka saaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Wararka naga soo gaarayo gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in Roobab Dabeylo wata oo saacadii lasoo dhaafay ka da’ayay gobolka ay sababeen khasaare dhimasho iyo burbur guryo, waxaana kasoo baxayay warar kale duwan oo ku aadan. Magaalada Baardheere ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Roobab xooggan oo ka da’ayay xaafadaha degmada ay sababatay geerida 10 ruux, kuwaas oo u badanaa dhallinyaro, waxaana sidoo kale ku jira Caruur oo intaba ay waxyeeleeyeen Dabeylaha xooggan iyo Roobka is watay. Maamulka degamada ayaa sheegay in Roobab xooggan oo da’ayay saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen qaar kamid ah xaafadaha magaalada, haddana ay wadaan gurmad lagu samatabixinayo dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Roobabka iyo Dabeylaha iswata ee ka da’ayay degmada. Roobabkaan Dabeylaha wata ee ka da’ayay qeybo kamid gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Abaar baarsan oo dadka iyo duunyada saameysay ay ka jirtay inta badan gobolka, Roobka xilliga Gu’a ayaa inta badan ka curtay gobollada dalka ee Koonfurta iyo gobollada Waqooyi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Hargeisa (HOL) - Abdiqani Saad Hassan, the Director of the Executive Department of the Somaliland Human Rights Commission, has stated that reports of mistreatment and torture of prisoners of war captured during the Las Anod conflict are false. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo gudbay labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Sharciyadaan oo kasoo kala baxay wasaarado dhowr ah, ayaa waxaa madaxweynuhu uu ku tilmaamay guul laga gaaray dowladnimada, xilli uu ka hadlayay munaasabadda, waxaana xusid mudan in madaxweyhu hore u sixiixay sedex Hindise Sharciyeed, oo ka horeysay sharciyadaan soo gaaray. Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa kasoo gudbay isku darka 12, sharci, waxaana madaxweynuhu sixiixay 11, kamid ah, waxaana wali soo gaarin Hindise Sharciyeed dhowrista deegaanka, kaas oo aan soo marin Aqalka sare, Sharciyada madaxweynuhu siaxiixay ayaa kala ah: 1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada 2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, 3 .Sharciga Socdaalka, 4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha 5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis, 6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha, 7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. 8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay golaha xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) - Mohamed Barre, the Somalia Minister of Youth and Sports, met with his Egyptian counterpart, Ashraf Sobhy, during the Council of Arab Ministers of Youth and Sports meeting in Saudi Arabia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  12. Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Daaru-nimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada ammaanka ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, maadaama weli weerarka uu socdo. Deegaanka la weeraray ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa qaar kamid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo maalin kahor gadood uga soo baxay Daaru-nimca, inkastoo mar dambe ciidamadaas oo ka cabanayey daryeel la’aan lagu qanciyay inay dib ugu laabtaan saldhiggooda, kadib wadahadal ay la yeesheen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed kula yeesheen magaallo xeebeedka Cadale. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda sare ee maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax. Todobaadkian ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka degmada Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho & dhaawac. The post Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday xero ku taalla SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.
  13. Las Anod (HOL) - A delegation of federal lawmakers from the Sool region arrived in Las Anod on Sunday. The city has been the site of intense clashes between local militia and Somaliland troops, resulting in the displacement of 200,000 residents and at least 200 deaths. Source: Hiiraan Online
  14. Jubaland is alleging a plan to destabilise its government through the recruitment of clan militia allegedly formed to fight the Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online
  15. The record drought sweeping the Horn of Africa may lead to 135 deaths a day in Somalia between January and June this year, the health ministry, WHO and UNICEF said in a study released Monday. Source: Hiiraan Online
  16. NAIROBI, KENYA - A new report says an estimated 43,000 people died amid Somalia's longest drought on record last year and half of them likely were children under 5 years old. Source: Hiiraan Online
  17. Taliska Muuse Biixi ayaa mar kale saaka dhaq dhaqaaqyo iyo dib u abaabul ciidan ka wada jiidda Laascaaanood. Korneyl Biixi ayaa saaka Maleeshiyaad cusub oo laga soo ururiyay beelaha Somaliland ku kordhiyay ciidamada fadhiya Gooja-cadde. Maleeshiyaadkan oo mudda bil ah lagu tababaray ayaa lagu soo daabulay gaadiidka xamuulka ee loo yaqaan Waaraadyada. Ciidamada Somaliland ayaa maalmo ka hor duullaankii ugu cuslaa ku qaaday Laascaanood si ay dib ugu qabsadaan waase ku fashilmeen. PUNTLAND POST The post Taliska Korneyl Muuse Biixi oo maleeshiya-beeleed ku soo daabulaya Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib u eegista 5-aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya. Hey’adda IMF ayaa warbixintaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in iyadoo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno-yari – haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda dowladdu ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad. IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka kharashaadka laga maarmi karo, iyadoo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka. Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo hufnaanta dhaqaalaha. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee deyn cafinta Soomaaliya. “Waxa aan soo dhaweynayaa warbixinta ay soo saartay hey’adda lacagta adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kadib shirar fool ka fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka,” ayuu yiri wasiir Cilmi. Wasiir ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna tan iyo inta laga gaarayo Barta_Kama_Dambeysta ah ee Deyn-Cafinta oo aan dhawaan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno.” Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa in ay gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhammaystiran. The post Hay’adda lacagta adduunka ee IMF oo shaacisay guul weyn oo Soomaaliya ay gaartay appeared first on Caasimada Online.
  19. Baardheere (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay roobab daadad watay oo xalay ka da’ay degmada Baardheere, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhowaad 10 qof oo kamid ahaa dadka deegaanka. Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Baardheere Buulle Ibraahim Xuseen oo u warramay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in dhibaato xoogan ay ka dhalatay daadad ku dhuftay demadaasi iyo deegaanada ku xeeran. Buulle ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadan ay ku dhinteen illaa 9 qof, wuxuuna tilmaamay inay ku dhaceen tog kala qaybiya degmada, xilli ay ka tallaabayeen halkaasi. “Walaalow meeshaan Baardheere dhibaataa ka dhacday nimcadii ilaahey ee xalay dhaceysay iyo roobabkii ayaa dad ay ku naf waayeen illaa 9 qof. Dadkaas oo ka tallaabayay tog kala qaybiya magaalada” ayuu yiri xoghaye Buulle Ibraahim Xuseen. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka dhintay ay isku jireen dhalinyaro, carruur iyo dad waa weyn oo uu kamid yahay Macallin Dugsi Qur’aan oo caan ka ahaa Baardheere. “Waxay isugu jireen dhalinyaro Sports ah, Macallin Dugsi Qur’aan waa uun bulshada qaybaheeda kalal duwan dadka meesha ku geeriyooday,” ayuu sii raaciyay.. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulka Baardheere iyo shacabka degmada ay haatan wadaan gurmad iyo sidii loo aasi lahaa dadkaasi. “Xaafadaha waa la’isku soo baxay gurmad ayaa la sameynayaa dhammaan reer Baardheere sidii dadkaas loo aasi lahaa ayaan hadda taladeeda ku jirnaa,” ayuu markale yiri Buulle. Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ay wajaheysay xaalado adag oo isbiirsaday, sida arrimo bani’aadanimo iyo kuwa amni darro intaba. The post Sagaal QOF oo ku dhintay degmada Baardheere kadib markii ay ku dhaceen… appeared first on Caasimada Online.
  20. Qoraa shaaciyey Magac loo bixiyey Guddi Xukumada Muuse Biixi ku mashquulsaneyd Bil oo ka dhex samaysay Beelaha West Burco Clan Qaarkood Shalay waxa Hargeysa la ga abuuray guddi beesha West Burco Clan xukuumaddu u samaysay. Shaqo sahlan ma ahayn runtii. Maamulka waxa ka baxay fikir, wakhti iyo dhaqaale intaba. Muddo bil ah inta aan ka war qabo, ayaa hawshaasi socotay. Su’aasha halkan taalla ee u gu muhiimsani waxa ay tahay, gudigaasi maxay qabanayaan amma qaban karaan? Jawaabtu waa waxba. 00! Hadii ay sidaas tahay, muxuu Muuse isugu daaliyay ee wakhtiga iyo kharashka u gu bixiyay? Jawaabtu way fududahay, Muuse wax uu qabto ayaanu garanayn, markaa intaas buu ka dhiganayaa faro fiiq-fiiq. Waxa masiibo taagan ee Somaliland manta haysta, isaga kaman kale ayaa u daaran. Hebel is ka dhici, reer hebel dhex gal, Suldaan hebel mid kale ka garab samee iwm! 24 saacadood hawlahaas yaryar laakiin isaga la weyn buu ka fikiraa. Al-muhim, laba xaqiiqo oo sheegid u baahan baa halkan ku jira – gudigaasi oo already loo bixiyay Guddi Baasto, in ay bilaa micno tahay, oo aanay wax samayn ah cidnaba ku lahayn, cimrigeedu na aanu bil gaadhayn. Iyo xaqiiqada kale oo ah, qofka Muuse iyo maamulkiisa doonaaya in uu aad u fahmo, halkan waxa ku jira halbeeg kale oo la gu cabbiri karo hab-fikirkooda iyo dabcigooda. Duf ku baxa dheh. Waxaa Qoray:- Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  21. Qoraa shaaciyey Magac loo bixiyey Guddi Xukumada Muuse Biixi ku mashquulsaneyd Bil oo ka dhex samaysay Beelaha West Burco Clan Qaarkood Shalay waxa Hargeysa la ga abuuray guddi beesha West Burco Clan xukuumaddu u samaysay. Shaqo sahlan ma ahayn runtii. Maamulka waxa ka baxay fikir, wakhti iyo dhaqaale intaba. Muddo bil ah inta aan ka war qabo, ayaa hawshaasi socotay. Su’aasha halkan taalla ee u gu muhiimsani waxa ay tahay, gudigaasi maxay qabanayaan amma qaban karaan? Jawaabtu waa waxba. 00! Hadii ay sidaas tahay, muxuu Muuse isugu daaliyay ee wakhtiga iyo kharashka u gu bixiyay? Jawaabtu way fududahay, Muuse wax uu qabto ayaanu garanayn, markaa intaas buu ka dhiganayaa faro fiiq-fiiq. Waxa masiibo taagan ee Somaliland manta haysta, isaga kaman kale ayaa u daaran. Hebel is ka dhici, reer hebel dhex gal, Suldaan hebel mid kale ka garab samee iwm! 24 saacadood hawlahaas yaryar laakiin isaga la weyn buu ka fikiraa. Al-muhim, laba xaqiiqo oo sheegid u baahan baa halkan ku jira – gudigaasi oo already loo bixiyay Guddi Baasto, in ay bilaa micno tahay, oo aanay wax samayn ah cidnaba ku lahayn, cimrigeedu na aanu bil gaadhayn. Iyo xaqiiqada kale oo ah, qofka Muuse iyo maamulkiisa doonaaya in uu aad u fahmo, halkan waxa ku jira halbeeg kale oo la gu cabbiri karo hab-fikirkooda iyo dabcigooda. Duf ku baxa dheh. Waxaa Qoray:- Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha QM ee caafimaadka iyo daryeelka caruurta ee kala ah WHO iyo UNICEF ayaa shaaciyay in abaarta Soomaaliya sannadkii hore ay ku dhinteen illaa 43-kun oo qof. Warbixinta ayaa lagu sheegay in kala-badh ay yihiin carruurta geeriyootay, kuwaasi oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano, sida lagu yiri warbixintaan. Tirada la shaaciyay ee dadka ku dhintay abaarta Soomaaliya ayaa ka badan intii la filayey. “Markii ugu horeysay qaab qiyaas ku saleysan ayaa laga soo saaray isla daraasadan si loo suuragaliyo dhacdo la filan karo oo loogaga hortago dhimashada abaarta la xiriirta, sadaashan oo u dhaxeysay Janaayo illaa June 2023 ayaa ku qiyaastay in boqol iyo shan qof ay u dhiman karaan maalin kasta dhibaatadan.” Qiyaasaha daraasadan waxay muujinayaan in dhibaatada ay kasii daran tahay tii abaareed ee 2017 iyo 2018-ka. “2023 heerka dhimashada ayaa la saadaalinaya in uu gaaro 0.42 dhimasho ah tobankii qofba bisha June ee sanadkaan,” sida lagu yiri daraasada ay sida wada-jirka ah u soo saareen Soomaaliya iyo hay’addaha QM ee caafimaadka iyo dayeelka caruurta ee WHO iyo UNICEF. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo arrintaan ka hadlay ayaa muujiyay walaac xooggan ka muujiyay xaaladda abaareed ee dalka, isaga oo xusay in haddii la waayo samata-bixin deg deg ah ay sii kordhi karto tirada dhimashada ee sababto dhibaatadan. “Waxaa sii wadeyna in aynu ka waalacno heerka iyo baaxada saameynta caafimaadka bulshada ay ku yeelaneyso dhibaatada cunada ee sii-daba dheeraatay ee Soomaaliya, islamarkaana waxaa ku rejo weynahay in haddii aan sii wadi karno tallaabooyinka caafimaadka joogtada ah iyo ka jawaabida arrimaha bini’aadanimo si loo badbaadiyo nolosha iyo ilaalinta caafimaadka kuwa nugul waxaa dib u riixi karna khatarta macaluusha iyo dhimashada, haddii la waayo taas dadkan naftooda ayay ku weynayaan.” “Sidaas darteed waxaa ku boorineyna dhamaan bah-wadaagtayada iyo deeq bixiyaashu inay sii wadaan taageerada waaxda caafimaadka iyo dhismaha nidaam caafimaad oo adkeysi laheyn oo u adeega qof walba oo inyar u adeegayn.” Wakiilka WHO oo isagna ka hadlay natiijada daraasadan ayaa yiri “Waxaa la tartamayna waqtiga si aan u badbaadino nafaha laga fogaan karo inay baxaan. Waxaa aragnay dhimashad aiyo cudurka inay soo baxnaaa marka gaajada iyo cunada ay sii dheeraadan, waxaa arki doonaa dad badan oo u dhimanaya cuduro marka la eego gaajada iyo nafo xumada oo isbiirsaday haddii aan hadda wax laga qaban.” Dr. Maalik ayaa intaas sii raaciyay “Qiimaha wax qaban la’aantayadu waxay ka dhignaan doonta in naftooda ku waayi doonaan caruurta, haweenka iyo dadka kale ee jilicsan inaga oo rejo la’aan ah, marqaatina ka ah masiibada dhaceysa. Laga soo bilaabo billowgii abaarta WHO waxay si cad u sheegtay in abaartu tahay dhibaato caafimaad oo lamid ah dhibaatooyinka cunada iyo cimilada.” Waalaca u weyn ee WHO ayaa ah in laga hortago dhimashada xad dhaafka ah ee si toos ah ama si dadban loogu aaneyn karo abaarta, ayada oo si gaar ah diirada loo saarayo haweenka iyo caruurta ka yar shanta sano. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka. The post Somalia oo sanadkii tegay ay 43,000 qof ugu dhinteen… appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarin caalami ah oo ay bixiso hay’adda Central Banking, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka bangiga dhexe. Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in abaalmarintan uu ku muteystay horumarka uu ka sameeyay dib-u-habaynta kaabayaasha maaliyadda ee dalka, gaar ahaan hirgelinta hanaanka lacag-bixinta Qaranka, oo isku xira dhamaan bangiyada dalka oo dhan. Hanaanka lacag bixinta Qaran waxaa si buuxda loo hirgeliyay sanadkii 2022-kii. Abaalmarinta ayaa waxa uu Bangiga Dhexe ku tilmaamay aqoonsi weyn oo ka tarjumaya dadaalka iyo howl-karnimada ay muujiyeen hawl-wadeenada iyo maamulka, oo horumar la taaban karo ka gaaray dib-u-dhiska hanaanka maaliyadeed ee dalka. “Waa guul weyn oo usoo hooyatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celiyay guddida abaalmarinta hay’adda Central Banking, ee u gartay abaalmarinta kadib markii ay qiimeyn la xiriirta hal-abuurka kaabayaasha lacag-bixinta ku sameeyeen Bangiyada Dhexe ee caalamk.a “Abaalmarintan caalamiga ah waxay caddayn u tahay horumarka uu Bankiga Dhexe ka sameeyay dib-u-dhiska kaabayaasha maaliyadda ee dalka. Waxaan rajeynaynaa in guushani ay kor u qaadi doonto kalsoonida bangiyada addduunka ay ku qabaan hannaanka maaliyadda Soomaaliya,” ayuu yiri. Waxa uu intaas sii raaciyay “Tani waxay horseedi doonta in bangiyadeenu la-macaamilaan kuwa caalamka oo ay sannado badan caqabado ka haysteen.” War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xasillonida hanaanka maaliyadda iyo koboca dhaqaalaha dalka. The post Bankiga Dhexe ee Somalia oo helay abaal marin caalami ah appeared first on Caasimada Online.
  24. Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa gebi ahaanba xiriirkii ganacsiga u jartay dhinaca Somaliland. Waxgaradka iyo ganacsatada Buuhoodle oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa dhaaciyay in aysan wax danbe oo xiriir ganacsi ah la yeelan doonin Somaliland. Ganacsatada iyo waxgaradka ayaa sidoo kale sheegay in aanu dhulkooda dhex mari karin ganacsiga u socda ama ka yimaada Somaliland. Go’aankooda ayay ku sababeeyeen colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee ka dhex aloosan labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Magaalada Buuhoodle oo dhacda xadka Gobolka Doollo ee DDS ayaa xuddun u ah isu-socodka ganacsiga Puntland, Somaliland, koonfurta Soomaaliya iyo dowlad degaanka Soomaalida. PUNTLAND POST The post Magaalada Buuhoodle oo gebi ahaanba xiriirkii ganacsi u jartay dhinaca Somaliland appeared first on Puntland Post.
  25. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa beenisay in maxkamad la geeyay ama la jidh dilay, qaar kamid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli ay si weyn usoo baxday in qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah. Agaasimaha Waaxda Fulinta ee Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Cabdisamad Sacad Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in maxkamad lasoo taagay maxaabiista dagaal ee u xiran Somaliland. Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in Komishanka Xuquuqul Insaanka iyo hay’addo kale oo caalami ah ay booqasho ugu tageen maxaabiista, islamarkaana ay indhahooda kusoo arkeen sida loola dhaqmay, oo uu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay. “Waxa jira warar been abuura oo la isla dhex-marayay oo ahaa in maxkamad la geeyay maxaabiista qaarkood ama jidh dil loo gaystay, ma jirin cid maxkamad la geeyay iyo cid wax kale oo wax loo dhimay,” ayuu yiri Cabdisamad Sacad Xasan. “Maxaabiistaasi waxay guud ahaan inoo sheegeen in ay habla-dhaqanka iyo sida loo hayaaba tahay sidii ugu wanaagsanayd ama ugu fiicneyd, waxay noo sheegeen in xaaladooda caafimaad ay boqolkiiba boqol tahay, inkasta oo qaarkood xasaasiyad ka cabanayeen, kuwaana la tusay dhakhtar.” Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay fulisay qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda dhowrista maxaabista lagu soo qabto dagaalka, sida ku qoran Dastuurkeeda. “Xaalada maxaabiista oo komishanka uu soo booqday wax cabasho ah kama ay sheegan meesha lagu hayo, waxaase jira warar been abuur ah oo la isla dhex-marayo oo waxaa caddeynaa in waxba kama jiraan ay tahay in maxkamad la horgeeyay ama tacadi kale lagula kacay.” Hoos ka daawo The post Somaliland oo war kasoo saartay ‘arrin laga faafiyay’ maxaabiista Laascaanood appeared first on Caasimada Online.