-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa isbeddal ku sameeyay inta badan taliyeyaasha Booliska ee magaalada Muqdisho. Macallin Mahdi ayaa isku shaandheyn uu sameeyay waxa ay saameysay taliyeyaasha qaybaha iyo kuwa saldhigyada ee degmooyinka gobolka Banaadir, ayada oo sidoo kale saraakiisha qaar ay xilalkoodii waayeen, halka kuwa kale oo cusubna la magacaabay. Wareegtada kasoo baxay xafiiska taliyaha guud ee Booliska ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xilka taliyaha qaybta Waliyow Cadde loogu magacaabay Gaashaanle Daa’uud Caraale, halka taliyaha qaybta Bari ee gobolka Banaadir loo magacaabay, Macallin Aadan. Sidoo kale Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin ayaa isna loo magacaabay taliyaha qaybta Galbeed, ayada oo xilkaas laga qaaday Yaasiin Farey. Sidoo kale waxaa la’isku beddalay qaar kamid ah taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, waxayna wareegtada u saameysay sidatan:- Taliyaha saldhigga degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay degmada Dharkenley, halka taliyaha saldhigga Dharkenley isna loo beddalay degmada Cabdicasiis. Dhankiisa taliyaha saldhiga degmada Cabdicasiis ayaa waxaa la geeyay saldhigga Waaberi, ayada oo xilkaas laga qaaday taliyihii horay u hayey Sidoo kale taliyaha saldhigga degmada Shibis ayaa waxaa loo beddalay degmada Yaaqshiid, sida ku cad wareegtada. Dhinaca kale waxaa taliyeyaal cusub loo magacaabay saldhigyada booliska ee degmooyinka Xamarweyne & Xamarjajab, kadib xilalka laga qaaday taliyeyaashii joogay degmooyinkaas. Si kastaba, isbeddalkan ayaa kusoo aadayo, ayada haatan dowladda Soomaaliya ay qorshe gaar ah u dajisay sugidda amniga caasimada, maadaama la galayo bisha Barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago weeraro ay bishaan gudadeeda fuliso kooxda Al-Shabaab. The post Taliyeyaasha booliska gobolka BANAADIR oo isbeddal lagu sameeyay maanta (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiru dowlaha amniga iyo taliyaha Booliiska ciidan Soomaaliyeed ayaa Ka qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska. Gaadiidka ciidanka lagu wareejiyey ayaa ka ah sedex gaadiid, kuwaas oo ah nuuca qafilan ee ciidanka daabula, dowlad Taliyaaniga ayaa qeyb ka geysta taageerada iyo agabka ciidanka. Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Al-shabaab. Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad dheer ka jeediyay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay arrimaha kalluumeysiga iyo kheyraadka ku jira badda Soomaaliya, isaga oo saaray war aan la fileyn oo ku aadan sida ay maraakiibta shisheeye uga macaashaan xeebaha dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u dul-istaagay heshiisyada dowladda ee ku aadan kalluumeysiga badda Soomaaliya, si looga faa’iideysto. Khudbaddan ayaa madaxweynaha waxa uu ku shaaciyay in 30-kii sanno ee lasoo dhaafay biyaha Soomaaliya looga kalluumeysanayay si sharci darro ah, isaga oo caddeeyay in kun markab ay haatan ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay la baxaan, isla-markaana ay xaalufinayaan kheyraadka kala duwan ee biyaha Soomaaliya. “Maalin walba waxaad idaacadaha iyo social mediyaha ka maqashaan kuwa taagan oo dhahaya baddii waala la xaalufiyay. Caawa oo aan intaan ku hadlayno kun markab ka badan ayaa ku jira baddeena, oo kalluunkeennii daldalanaya oo mid kamida oo wax naga siinaya aanu jirin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale qiray in badda Soomaaliya aan loo haynin dhaqaale lagu ilaaliyo, balse loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin lagu wajahayo arrintaasi. “Baddeena inaan ilaalsano dhaqaaley u baahan tahay marka hore. Dhaqaalahaas waa inaan iyada ka keennaa oo aan dhahnaa shirkad hebel 10 sano baddeena ka kalluumayso, waxaas ayaana ka rabnaa ee nasii,” ayuu yiri madaxweynaha. Dhanka kale ayaa tilmaamauy in heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho dowladda federaalka la siyaasadeeyo, ayada oo fasiraad qaldan loo gudbinayo shacabka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in dowladdiisa ay xoogga saari doono dhaqan-gelinta heshiisyadaasi, si ay Soomaaliya uga kallumeystaan shirkado caalami ah oo dhaqaale siinaya Soomaaliya Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan meel marisay sharci gaar ah oo dhiiri-gelinaya maalgashiga badda, kaas oo la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, walow ay sharcigaas ka hortimid dowlad goboleedka Puntland ee fadhigeedu yahay Garoowe The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo war aan la fileyn kasoo saaray kheyraadka badda appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - President Hassan Sheikh Mohamud has approved Prime Minister Barre's proposal to appoint members to the Independent Committee for the Review and Implementation of the Constitution. The committee includes Burhan Adan Omar as Chairman, Ahmed Mohamed Jama, Mohamed Abdullah Saleh, Farhiyo Mumin Ali, and Mohamed Hassan Idris. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa Talaadadii diiday hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda oo ay wehliyaan dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay colaaddii dhawaan lasoo afjray ee waqooyiga gobolka Tigray ay galeen dambiyo dagaal, waxayna ku tilmaantay eedeyntan “mid kicin colaadeed’ ah. Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in xubno ka tirsan ciidamada difaaca qaranka Itoobiya (ENDF), xulafadooda ciidamada Eritrea iyo ciidamada gobolka Axmaarada, iyo xoogaga kasoo horjeeda ee daacada u ah Jabhadda Xoraynta Tigrayga (TPLF) ay galeen dambiyo dagaal intii lagu guda dagaalkii socday labada sano ee u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF. “Eedayntan oo kale waa mid aan loo baahnayn, waxayna hoos u dhigaysaa taageerada Maraykanka ee geeddi-socod nabadeed ee loo dhan yahay oo ka dhaca Itoobiya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan dil ka baxsan sharciga, kufsi, bililiqo iyo barakicin dadka si xoog ah, waxaa diiwaan-geliyay hay’adaha Qaramada Midoobay, guddiga xuquuqul insaanka ee ay dowladda Itoobiya magacawday, kooxaha gargaarka madaxa -bannaan iyo warbaahinta oo ay ku jirto Reuters. Dagaalkan oo salka ku hayay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya madaxda Tigrayga iyo dowladda federaalka, ayaa waxaa ku dhintay tobannaan kun oo qof, iyadoo boqolaal kun ay soo food saartay gaajo, malaayiin kalena ay barakiciyeen. Ku dhawaaqida Blinken ayaa timid wax ka yar hal toddobaad kadib markii uu u safray dalka Itoobiya si uu ula kulmo madaxda dawladda iyo wakiil ka socda kooxda TPLF. Wuxuu ammaanay horumarka laga gaaray hirgelinta xabbad-joojintii bishii November. Dhammaan dhinacyada ayaa dafiray mas’uuliyadda xadgudubyada lagu soo eedeyay. VOA + Reuters. The post Itoobiya oo jawaab ka bixisay eedeyntii Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
The price of rice and wheat flour could come down in the coming weeks following the arrival of 30,000 tonnes of Ukrainian wheat at the port of Mombasa. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government has gained ground in its war with the Islamist insurgency Al-Shabaab, mainly in central Somalia. Most of the progress is due to Mogadishu’s leveraging of local discontent with Al-Shabaab to form alliances with clan militias. Source: Hiiraan Online
-
(AFP) - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud said the country would organise the next national elections by universal suffrage, a departure from an indirect voting system that has often triggered crises. Source: Hiiraan Online
-
President Museveni has urged the people of Somalia to consider building a People’s National Army with the correct ideology of defending their country for peace to prevail. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Amiirka Magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan madaxda dowladda Hoose ee magaalada Riyaad. Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada caasimadood, isdhaafsiga aqoonta iyo waayo aragnimada, maareynta iyo horumarinta dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho ku wehlinaayay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga, Mudane Saalim Macow Xaaji, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amiirka Caasimada Riyaad Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf kaga mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhaweynta balaaran uu usameeyay Wafdiga Caasimada Muqdisho, iyo sida uu xooga u saarayo iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara Caasimadaha Riyaad iyo Muqdisho. Safaka guddoomiye Madaale waa safarkii ugu horeeyay uu tagay magaalada Riyaad ee dalka Boqotooyada Sucuudi Carabiya, waxaana intii uu ku sugnaa mas’uuliyiintii uu la kulmay kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada magaalo iyo sidii ay iskaashi dhinacyo kale duwan u la haalahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Riyaad, guddoomiyaha ayaa lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali National Army (SNA) on Tuesday killed 30 al-Shabab militants and injured several others after heavy fighting between the two sides in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The price of rice and wheat flour could come down in the coming weeks following the arrival of 30,000 tonnes of Ukrainian wheat at the port of Mombasa. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka, taas oo dadka iyo duunyada saameysay. Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa kooxda Alshabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin. “Madashan waa ay sii socon doontaa, , waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, wasiirrada iyo guddiyada Baarlamaanka ayaa imaan doona, madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo golayaasha, meelkasta ay joogaan waa in ay dadka horfariistaan, dadka Soomaaliyeed Xamar uun kaliya ma ahan, si bulshada soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah. “Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo.Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynha isaga oo ka hadlayay Dastuurka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka. Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wejigii koowaad ee howlagallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab lagu guuleystay in lagu xoreeyo dhul ballaaran oo muhiim ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladaas oo uu ku sheegay inay guuleysteen lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, lagu dhaawacay 3,700 oo kale. “Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Dhanka kale waxa uu tilmaamay in guul weyn laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab, isla-markaana la xiray in ka badan 250 akoon oo ay laheyd kooxda. “Dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha dowladda federaalka waxaa dadaal-gelisay sidii loo cuuryaamin lahaa garabka dhaqaalaha ee kooxda Khawaarijta ah. DF ayaa kuu guuleysatay inay xirto wax ka badan 250 xisaabaad oo ka furnaa ilaa 4 Banki ” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay haatan ku howlan tahay sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa ciidamo Boolis ah, si halkaas loo gaarsiiyo adeegyada dowladda iyo kuwa aas aasiga u ah nolosha bani’aadanka. “Booliska Soomaaliyeed ayaa ku howlan gaarsiinta adeegga Booliska bulshada ku dhaqan deegaanada laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah,” ayuu markale yiri Wasiir Jaamac. Soomaaliya waxaa haatan ku jira marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo intiisa badan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. The post Daawo: DF oo shaacisay inay dishay saddex kun oo Al-Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Garissa leaders want key road tarmacked to curb IED attacks
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dadaab residents are calling on the national government to fast track the tarmacking of the 160km Garissa-Liboi road. Source: Hiiraan Online -
A factory set up by three young businessmen in Kismayo is producing clean charcoal made from discarded coconut shells that they hope might revolutionise energy consumption in the southern Somali city. Source: Hiiraan Online
-
At the end of her six-day trip to Somalia in April 2022, the UN's Independent Expert on the Status of Human Rights in Somalia, Isha Dyfan, warned that "access to health care in the country remains alarmingly poor." She also called further attention to the fact that "just one government hospital serves the whole city of Mogadishu, so most residents have no choice but to travel to a private clinic or hospital and pay exorbitant fees for treatment." "Child and maternal mortality rates are high because only the wealthy can afford these treatments." (Reliefweb, 2022) Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoyga murtida iyo madadaalada Qaranka (National Theatre) uga qeyb galay Bandhiga waxqabadka Xukuumadda DanQaran. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sharraxaad ka bixiyay Waxqadka lixda bilood ay xukuumadu qabatay, isagoo xusay in Golaha Shacabka kaalin weyn ka qaatay ansixinta Shuruuc muhiim u ah Shaqada Xukuumadda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo munaasabadda lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda hadal ka jeediyay ayaa uga mahadnaqay in Xukuumaddu ay bulshada Soomaaliyeed u sheegaan waxqadkoodi su’aalooyin laga weeydiiyo isla-markaana, waxaa uu ballanqaaday in golaha shacabka uu guddoomiyaha ka yahay ay Xukuumadda la shaqeyn doonaan si dalka loo samatabixiyo. Guddoomiyaha ayaa dhanka kale dul istaagay in loo baahan yahay in dadaal dheer lagu bixiyo Amniga dalka, la dagaallanka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo Culima’udiinka Soomaaliyeed ku booriyay in dadka lagu baraarujiyo la shaqeynta dowladda si loo ilaaliyo hantida shacabka Soomaaliyeed, Guddoomiyaha ayaa xusay in dadaal ay ugu jiraan in dadka indhaha u ah Bulshada ay ku casuumi doonaan ka talagelinta sharciyada lasoo gaarsiiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Amiirka Magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Magaalada Riyaad. Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaafsiga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga, Mudane Saalim Macow Xaaji, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amiirka Caasimada Riyaad Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf kaga mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhaweynta balaaran uu usameeyay Wafdiga Caasimada Muqdisho, iyo sida uu xooga u saarayo iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara Caasimadaha Riyaad iyo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Amiirka magaalada Riyaad appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad. Guddoomiye Madaale ayaa Madaxa (SFD) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen Qorshayaasha Hor-tabinta u leh Dowladda Hoose ee Xamar iyo Barnaamij-yada Horumarineed ee Caasimadda, taasi oo ay ugu horeyso Horumarinta Kaabayaasha Adeegyada Aasaasiga sida Caafimaadka, Waxbarashada, Dib-u-dhiska Caasimadda iyo Horumarinta Magaalada Muqdisho. Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa balan qaaday in Sanduuqa (SFD) uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar kala shaqeyn doonno Arrimaha Horumarinta iyo Adeegyadda Aasaasiga ee wax-tarka u leh Bulshada Caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
