Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada waxa uu ku saxiixay 8 sharci oo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah: 1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada 2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, 3 .Sharciga Socdaalka, 4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha 5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis, 6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha, 7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. 8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo uu sheegay in ay aas-aas u yihiin dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo 8 sharci saxiixay appeared first on Puntland Post.
  2. Gudiga rasmiga ah ee beelaha West Burco Clan ee gudo iyo dibadba ay beeshu ku midaysantahay Gudiga West Burco Clan iyo qaar ka mid ah hal doorka beesha Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah: 1- Sharciga La-dagaallanka Argagixisada. 2- Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed. 3- Sharciga Socdaalka. 4- Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha. 5- Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis. 6- Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha. 7- Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. 8- Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda. Sharciyada madaxweynaha saxiixay ayaa qaarkood ah kuwa muhiim ah sida kan Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo sharciga la-dagaalanka argagixisada. Si kastaba, sharciyada qaar sidan kan la-dagaalanka argagixisada ayaa waxaa laga muujiyey walaacyo ah in si khaldan loo adeegsan karo, laguna beegsan karo ciddii la doono, gaar ahaan dadka siyaasad ahaan diidan dowladda, ayada oo lagu soo oogayo eedo argagixiso. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xaflad ka dhacday Villa Somalia ku saxiixay 8 sharci appeared first on Caasimada Online.
  4. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – A new report revealed that an estimated 43,000 people died during Somalia’s worst drought in 2022, with children under five years old accounting for nearly half of the fatalities. This is the first official death toll announced since the drought severely impacted the Horn of Africa. The study by the London School of Hygiene and Tropical Medicine and released Monday by the World Health Organization and the United Nations Children’s Agency predicts that at least 18,000 to 34,000 more individuals will die within the first half of 2023. The hardest-hit areas include Bay and Bakool in southwest Somalia, as well as the capital city of Mogadishu, where displaced persons have sought refuge. The looming threat of famine According to the United Nations resident coordinator in Somalia, Adam Abdelmoula, “The risk of famine remains.” Famine is characterized by the extreme lack of food and a significant death rate from outright starvation or malnutrition, combined with diseases like cholera. To declare a formal famine, data must show that over a fifth of households face extreme food gaps, and more than 30% of children suffer from acute malnutrition. Over two out of every 10,000 individuals are dying daily. While the UN and its partners have not declared a formal famine in Somalia for the time being, they describe the situation as “extremely critical.” In the country alone, over six million people are experiencing hunger. Comparisons to the 2011 famine Some humanitarian and climate officials have warned that the current trends are worse than those observed during the 2011 famine in Somalia, which claimed the lives of a quarter-million people. Professor Francesco Checchi of the London School of Hygiene and Tropical Medicine told journalists that the death rate had been increasing as 2022 drew to a close. Somalia and neighboring Ethiopia and Kenya are grappling with a sixth consecutive failed rainy season. Rising global food prices, the ongoing conflict in Ukraine, and millions of livestock deaths due to climate change and insecurity exacerbate the situation. As Somalia continues to battle thousands of fighters from al-Qaida’s East Africa affiliate, al-Shabab, the UN migration agency reports a record high of 3.8 million displaced people. Last month’s food security assessment revealed that nearly half a million children in Somalia would likely be severely malnourished this year. However, many humanitarian officials say the world’s attention has shifted elsewhere. During a January briefing in Mogadishu, the UN resident coordinator informed visiting US ambassador to the UN, Linda Thomas-Greenfield, that “Many of the traditional donors have washed their hands and focused on Ukraine.” The post The hidden tragedy: 43,000 dead in Somalia in 2022 appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay sheekada gabar shaqo doon ah oo boor ku soo qoratay “Walaal Shaqo isii” taas oo dhalisay hadal-heyn badan. Warbaahinta Qaranka ayaa sii deysay warbixinta gabadhaas oo lagu magacaabo Iglan Cabdullahi Axmed, waxaana codsigeeda ka soo jawaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya. Sheekada gabadhaan ayaa dareen laheed waxayna sheegtay inay hooyadeed iyo walaalkeed ay Al-Shabaab qarax ku dileen, isla markaana ay koriso afar carruur ah oo waalid la’aan ah. Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya Maxamed Barre ayaa deg deg uga soo jawaabay codsigii gabdhaan shaqo doonka ah, wuxuuna ka balan qaaday inuu shaqo siinayo, isagoo amray in berri oo Talaado ah laga shaqaaleysiiyo wasaaradda dhalinyarada. “Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo dalka dibaddiisa safar shaqo ugu maqan ayaa ka jawaabay baaqa Iglan Cabdullaahi Axmed isagoo isla maanta amray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha in la hawlgeliyo gabadhaas Soomaaliyeed oo lagu qoro boos darajada labaad (B) ee shaqaalaha Kumeel gaarka ah ee gunnada qaata,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda. Sidoo kale wasiir Maxamed Barre ayaa ballan-qaaday in muddo kooban gudaheed marka ay tababarrada dhamaysato Eglan loo dalacsiin doono darajada (A) oo ah heerka ugu sareeya ee shaqaalaha rayidka ah. Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee XFS ayaa sheegay inuu xil ka saaranyahay guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo cadeeyay in awoodda wasaaradda ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada ay koobantahay, laakiin kiiska Eglan oo dad badan dareenkooda dhaqaajiyay, isla markaana masuul ka ah walaalaheed ka yar yar ay xil gooni ah iska saarayaan. Eglan Cabdullaahi iyo qoyskeed ayaa ka mid ah dhibanayaasha weeraradii argagixiso ee dalka ka dhacay, iyadoo ku wayday Waalid iyo walaal. Gabadhaan ayaa warbixintii laga diyaariyey ku sheegtay in Hooyadeed iyo wiil la dhashay ay ku dhinteen qarax ay Al-Shabaab ka fuliyeen Mall-ka Xamarweyne, maalmo ka hor waxay dowladdu toogatay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga oo qaraxaas geeyey goobta. The post Wasiir balan-qaad culus u sameeyey gabadhii soo bandhigtay murugada heysata appeared first on Caasimada Online.
  6. Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib-u-eegista 5aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta Soomaaliya. Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixinta ay soo saartay waxa ay ku sheegtay iyada oo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno yari – haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda Dowladdu ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad. IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka Kharashaadka laga maarmi karo, iyada oo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo Iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka. Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo Hufnaanta dhaqaalaha. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta Soomaaliya. “Waxa aan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in Dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kaddib shirar ka -fool- ka -fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka. Dowladda Soomaaliya Waxaa ka go’an ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna tan iyo inta laga gaarayo Barta_Kama_Dambeysta ah ee Deyn-Cafinta oo aan dhawaan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi M. Nuur. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa in ay gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhameystiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa galabta soo bandhigay natiijada howlgallo ka dhan ah maan-dooriyaha oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen dhowr degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay inay soo qabteen maan-dooriye badan iyo rag ku eedeysan inay ka ganacsadaan daraagiska. Afhayeenka oo galabta warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan ayaa soo bandhigay juwaano ay ku jiraan waxyaabaha maanka-dooriya oo la gubay, kuwaas oo isugu jiray Calaq, Xashiish, Qamri iyo daawooyin loo isticmaalo maan-dooriye ahaan. “Kalkaan waxaa marqaati ka tihiin inaan ku gubeyno lix juwaan oo Xashiish ah, calaq caagado ku jira iyo kaniiniyo ay isticmaalayeen kooxdaan,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe. Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in dembiyada ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay geystaan dadka isticmaalaha waxyaabaha maanka-dooriya. “Intii ay ciidanku ku jireen howlgalka waxaa la soo qabtay eedeysanayaal gacanta kula jiray muqaadaraadkaan, saldhigga Kaaraan ayaa lagu soo xiray rag ku eedeysan inay faraha kula jireen waxyaabahaan maankadooriya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale booliska ayaa shirkaan jaraa’id ku cadeeyey inay si gaar ah u beegsa doonaan dadka beerta Xashiisha iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya. “Howlgalkaan wuxuu saamey doonaa dadka beera Xashiish, dadka soo daabula iyo dadka ka ganacsada, sidoo kale dadka isticmaala ayuu saameynayaa howlgalkaan,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag wajahaya eedeymo culus, gubayna… appeared first on Caasimada Online.
  8. Ku-simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda; Mudane Ciise Mahamuud Guure ayaa u soo xiray tababar loo qabtay qaar ka mid ah arday dhigata jaamacadaha ku yaala Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir. Tababarkan oo ku saabsanaa aqoon la xiriirta dacwadaha madaniga ah iyo awoodda maxkamadda heerka koowaad (Degmada & Gobolka), ayaa waxa uu qeyb ka ahaa aqoon – kororsi bishii har mar lagu qabto Xarunta Dhallinyarada ee Gobolka Banaadir. Ku – simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu dhalinyaradii Siminaarka u dhamaaday u sheegay in Maamulka Gobolka uu rabo in dhallinyarada iyo hogaanka sare ee Gobolka Banaadir ay isku xirnaadaan, xarunta dhallinyaradana ay noqoto buundadii isku xireysay labada dhinac. Ugu danbayntii ku – simaha duqa magaalada; mudane Ciise Guure waxa uu bogaadiyey dadaalka iyo waxqabadka Gudoomiyaha dhallinyarada, sidoo kale waxa uu kula dar – daarmay dhallinyarada qaadanaysay aqoon – kororsiga in ay tusaale ( role model) u noqdaan dhallinyarada ku nool magaalo – madaxda qaranka Soomaaliyeed maadaama ay fursad u heleen in ay wax bartaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi, oo hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in maalgashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran, iyadoo ay si gaar ah u caawineyso ganacsatada Suudaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah. Dhankeeda, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN, waxa ayna xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaas oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya. Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecadaha iyo maalgashiga, taas oo ay barbar socoto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Suudaan waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaankun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka galaya dib u dhiska iyo horumarka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya aya soo saartay war-gelin lagu ogeysiinayo bulshada in la xakamey doono daawooyinka qaar, kuwaas oo la ogaaday in dadka qaar ay u isticmaalaan hanaan qaldan, iyagoo ka dhigtay maan-dooriye ama balwad. Qoraal dheer oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in daawooyinkaas ay dadka Soomaaliyeed ee qabatimaha u geysan karaan dhibaatooyin caafimaad, sidoo kale waxaa la ogaaday in daawooyinkaan ay ka qeyb qaataan amni darrada. Wasaaradda ayaa ku amartay isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay soo diraan dhakhaatiir loo tababaro sida loo xakameynayo daawooyinkaas. Sidoo kale khatarkii ama isbitaalkii ka hor yimaada go’aanka wasaaradda waxaa loogu hanjabay ganaax ama xabsi, iyadoo la cuskanayo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda oo dhameystiran: Ayadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo, kuwaas oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo la raacayo sida ku cad Sharciga mihnadlayaasha Qaranka Lr.31 Qodobadiisa 24aad, 25aad, 26aad iyo 27aad, waxaa si ku meelgaar ah loo diiwaangelinayaa dhaqtarka qori kara daawooyinka la xakameeyo iyo dawayaqaanka bixin kara daawooyinkaas. 1) Si looga hortago si xun u isticmaalka Daawooyinka la xakameeyo (controlled Substances), Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay faraysaa dhammaan Istibaalada Danta Guud iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadib dhaqtarkii buuxiya shuruudaha lagama maarmaanka u ah, Wasaaraddu waxay siin doontaa diiwaangelin ku meel gaar ah ee laxiriirta qorista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nidaamka qorista daawooyinkaas (controlled Substances license). Hadaba, dhaqtarkii qora Daawooyinka la xakameeyo asigoo aan haysanin diiwaangelinta qorista Daawooyinka la xakameeyo, waxuu galay fal Dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo, si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla. Sidoo kale Dhaqtarkii qora xaddi ka baxsan intii loogu talagalay daaweeynta xanuunka uu ka cabanayay bukaanka, kuna cadaato inuu u siiyay bukaanka dana kale, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla. 2) Si loo hubiyo bixinta iyo keydinta daawooyinka la xakameeyo, waa in Isbitaal kasta soo gudbiyaa labo Dawo-yaqaan ama labo xirfadle oo aqoon durugsan u leh bixinta iyo keydinta daawooyinka ubaahan in la xakameeyo, kadib marka ay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo wasaaraddu waxay siin doontaa diiwaangelin kumeel gaar ah. 3) Si loo xaqiijiyo keydinta daawooyinka ay tahay in la xakameeyo waa in farmashiyaha ku yaala gudaha Isbitaalka uu lahaadaa qaanad leh quful iyo fure gaar ah oo ay masuul ka yihiin labada dawayaqaan ee u diiwan gashan Isbitaalka. 4) Dawa-yaqaanka ka shaqeeya farmashiyaha ku dhax yaalla Isbitaalka, waa inuu diiwaan geliyaa dhammaan daawooyinka la xakameeyo ee uu siiyay bukaanada loo soo qoray, si cadeynteeda looga heli karo markata oo uu kormeer u yimaado, haddii wax isdaba marin ah lagu arko, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala. 5) Qofkii lagu arko daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan haysan rajeeto uu soo qoray dhaqtar ruqsad u haysta qorista daawooyinkaas, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala. 6) Dhammaan ganacsatada keenta daawooyinka ay tahay in laxakameeyo, waa inay ruqsadda khaas ah ka qaataan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, DFS. Hadaba Ganacsadihii soo dajiya ama dhoofiya daawo kamid ah daawooyinka la xakameeyo asigoo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala. 7) Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay mamnuucday in lagu iibiyo dhammaan daawooyinka la xakameeyo (controlled Substances) farmashiyayaasha tafaariiqda gada ayadoo aan oggolaansho laga haysan wasaaradda, laga bilaabo 21/04/2023. Hadaba farmashiyihii lagu arko asagoo gadaya daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan oggolaansho ka haysan wasaaradda, waxuu galay fal Dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala. Wasaaradda Caafimaadka waxay ku wargelinaysaa dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulaka Gobalka Benadir inay meelmariyaan wargelintaan iyagoo la kaashanaya hay’adaha amniga iyo ku Caddaaladda heerarkooda kala duwan si loo hirgeliyo wargelintaan oo muhiimd u ah ilaalinta Caafimaadka, iyo amni darrada bulshadeena ka haysata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la xakameeyo ee maanka dooriya. The post DF oo soo saartay go’aan culus oo saameynaya isbitaallada iyo dhaqaatiirta appeared first on Caasimada Online.
  11. Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan Wasiirka Gar-gaarka Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Gudoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Dowlad Goboleedka Puntland, Iyadoo Gudoomiyuhu uu dhawaan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhaba ka soo dhagax dhigay Xurunta Gurmadka deg degga ah. Sidoo kale Wasiirada ka socday Dowlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta taas oo ay oga mahadceliyeen Hay’adda maaraynta musiibooyinka. Ugu danbayn Gudoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Wasiirka. Duulista Hawda iyo Garoomada sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso Xarun loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee Puntalnd daggan. Source: goobjoog.com
  12. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta. Sharcigan Golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan. Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran Lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo la isla eegay qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan, isla markaana loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, si dowladnimadu u noqoto mid ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda ayaa shir ay maanta yeesheen waxaa lagu ansixiyey Hindise-sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Shirkan oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda Dan-Qaran lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Sharcigan ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiiradu ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan. Golaha ayaa shirkaan ku lafa-guray qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda, si loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, islamarkaana ay dowladnimadu u noqoto mid ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa afar bilood gudaheed ku ansixiyay 14 hindise-sharciyeed, kuwaasi oo qaarkood ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Shuruucda ay golaha wasiirada xukuumadda ay ansixiyeen muddadaasi ayaa waxaa kamid ah; Hindise-sharciyeedka korontada qaranka, sharciga NISA, kan aqonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, sharciga nidaamka maaliyadda khayraadka dhulka hoostiisa, sharciga dhiiri-galinta maalgashiga Soomaaliya, sharciga la-dagaalanka argagixisada iyo kan dhowrista xogta. Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Al-Shabaab. The post Golaha Wasiiradda oo meel-mariyay sharciyo muhiim ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dadka weli xoogga ku haysta dhulalka aysan laheyn, kadib tallaabo ay qaaday maanta. Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa dhul ku yaalla degmada Wadajir, kaasi oo sanado loo haystay si sharci darro ah, iyada oo sidii qasabka aheyd ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay. “Hadda kadib waxaa socon doona fulino qasab ah oo isdaba-joog ah oo ka socon doona magaalada, xilligaan wixii ka dambeysa qofka markuu xaqiisa yeesho wuxuu heli doona xaquuqdii ay maxkamadaha u xukumeen,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir. “Waxaa uga mahad-celinayna Booliska gobolka Banaadir oo qeyb ka ah sugitaanka amniga iyo qabsoomida hawshaan, ayaga oo qaadanaya amarka maxkamadda fuliyay burburinta dhulkaan oo maanta u taaganahay in aan ku wareejino Maxamed Cabdiraxmaan oo wakiil u ah loo fuliyaha.” Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dadka dhul ay maxkamad xukuntay iska haysta inay sida ugu dhaqsaha badan ugu hogaansamaan sharciga, haddii kale ay maxkamadda si qasab ah ku fulin doonto, sida maanta dhacday oo kale. “Dadka caadeystay ama dad inta dhulka laga xukumay haddana iska haysta xilligaan wixii ka dambeeya majiri doonto. Maxkamadduna tallaabada sharciga ee waafaqsan ka hor imaanshaha fulimadaas ay qaadi doonto.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa farriin u diraya dadka xukunada haysta ee dhahaya dhulkii nalooma fulin waa in maxkamaddaha imaadan. Maxkamaddaha waxay u tafa-xaydatay in fulinadaas ay si camali ah ugu wareejiso dhulkooda.” Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka go’an tahay meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska. Hoos ka daawo The post Maxkamadda G/Banaadir oo soo saartay digniin ku socota dadka Muqdisho ee weli… appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga uu dalka ka billaabanayo wajiga labaad ee ugu xooggan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka yihiin dalalka safka hore. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee howl-galadaasi uga billaaban lahaayeen dalka, islamarkaana uu qorshaha yahay inay billowdaan bisha Ramadaan. “Waxaa jira diyaar-garow adag oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhamaan ciidamada kale ee howl-galada ballaaran inta lagu guda jiro bisha Ramadaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqdo kii dalka guud ahaan looga xoreyn lahaa kooxda, oo ayadu weli gacanta ku haysa deegaano muhiim ah. “Howl-gallo xoog leh oo baaxad leh ayaa la rabaa in la qaado Ramadaanka, waxaa u rajeynayaa in ciidamada guul Ilaahay siiyo. Sidoo kale waxaa rajeynayaa in Ramadaankan uu noqdo Ramadaankii Khawaarij iyo Soomaaliya u kala dhamaan laheyd.” Dalalka safka hore ayaa bishii hore magaalada Muqdisho ku saxiixday heshiis iskaashi, kaasi oo dhigayay “in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Shabaab.” Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamadii ugu horeeyay toddobaad kahor usoo dirtay Soomaaliya. Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan soo gaaran dalka. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, islamarkaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaasi sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, isla markaana la wedi doono ilaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan. “Siyaasadda dwoladda maanta waa in dalkaan Shabaab laga xoreeyo, waxaan rabaa in gaarigii Baydhaba ka soo baxa uu si nadiif ah Xamar u yimaado, hadaan Shabaab ka xoreyno uma ogolaa doono tuug isbaari taagan, waa balan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. The post Goorta uu billaabanayo wajiga ugu xooggan ee dagaalka Al-Shabaab oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) - Eleven Somali migrants being held in Libya prisons have been returned to the country's capital, Mogadishu, as reported on Monday. Source: Hiiraan Online
  17. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya Mudane oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BJFS ayaa Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyadda Qaranka uga qeyb galay salaada jannaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo ku geeriyooday Muqdisho. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Seeyseey waxa uuna Eebe ugu baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo, isagana naxriistiisa jano ka waraabiyo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda FederalkaSoomalaiya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in marxuumku uu ahaa halyeey qaran oo waqti dheer geliyay dhismaha dowladnimadda dalka, waxaana uu Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya. Dhalinyaradaan oo tiradoodu dhameyd 11 qof, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo xuquuqda caruurta ee JFS, wasaaradda arrimaha dibadda Iyo hay’adda IOM. Dhalinyaradaan ayaa muddo badan magafe ku heystay Liibiya waxaa soo celintooda iska kaashaday safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo wasaaradda arrimaha dibadda, hay’adda IOM iyo Midowga Yurub oo maal-galiyey. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta oo ka hadashay soo dhaweynta ayaa sheegtay in xafiiska uu ka shaqeynayo soo celinta dadka ku dhibaateysan dibadda, iyada oo u mahad-celisay madaxweynaha JFS. Agaasimaha Arrimaha Diaspora-ha ee wasaaradda arrimaha dibddda, Ibraahim Guure Maxamed oo ka hadlay halkaasi ayaa asaguna uga mahad-celiyay dhinacyadii ka shaqeeyay soo celinta dhalinyaradaan oo muddo ku dhibaateysnaa dalka Liibiya. Tan iyo sabadkii 2016-kii xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta ayaa ka shaqeynayay soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada, iyada oo gacan ka helayso dowladda federaalka, wasaaradda arrimaha dibadda, IOM iyo muwaadiniinta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha. Dowladda federaalka ayaa horay ugu guuleysatay inay maxaabiis fara badan kasoo deyso qaar ka mid ah dalalka caalamka, taasi oo aad loogu bogaadiyey dowladda dhexe. Horraanta sanadkii hore ayaa waxay dowladda federaalka dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo gaarayo illaa 97 ruux, kuwaasi oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya. The post DF Soomaaliya oo Muqdisho kasoo dejisay dhalinyaro laga soo daayay xabsiyada… appeared first on Caasimada Online.
  19. Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xiray Kalfadhiga labaad ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, waxaana golaha intii uu socday fahigaan lagu ansixiyay dhowr hindise sharciyeed, kuwaas kasoo gudbay golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, oo gaarayo ilaa 12 sharci oo mid kamid aan la ansixin. Sharciyadaan waxaa inta badan soo wada ansixiyay labada Aqalka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaasoo loo gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo saxiixay Sharciyo uu kamid yahay Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ka qeyb-galaya mudaharaad ay ku baaqeen mucaaradka oo ka socda caasimadda Nairobi sida ay sheegtay VOA-da. Dibad-baxyda ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha Isbahaysiga Azimio, kuwaasi oo ka cabanaya sicir-bararka nolasha Kenya oo aad u kacsan iyo sidoo kale dowladda madaxweyne William Ruto oo aysan ku qanacsanayn. Iska hor-imaad u dhaxeeya dibad-baxayaal dhagxaan tuuraya iyo booliska ayaa ka dillaacay qeybo ka mid ah Nairobi iyo ugu yaraan hal magaalo oo kale, taasi oo ah deganaansho la’aantii ugu horreysay ee dalka ka dhacda tan iyo markii sanadkii tegay la doortay madaxweyne William Ruto. Dowladda Ruto ayaa wacad ku martay inay mowqif adag ka qaadan doonto dibad-baxyada, kuwaaso oo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku adkeystay inay sii socon doonaan inkasta oo aysan ogolaansho ka haysan booliska. PUNTLAND POST The post Dibad-baxyo Rabshado wata oo ka socda magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ka qeyb-galaya mudaharaad ay ku baaqeen mucaaradka oo ka socda caasimadda Nairobi. Dibad-baxyda ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha Isbahaysiga Azimio, kuwaasi oo ka cabanaya sicir-bararka nolasha Kenya oo aad u kacsan iyo sidoo kale dowladda madaxweyne William Ruto oo aysan ku qanacsanayn. Iska hor-imaad u dhaxeeya dibad-baxayaal dhagxaan tuuraya iyo booliska ayaa ka dillaacay qeybo ka mid ah Nairobi iyo ugu yaraan hal magaalo oo kale, taasi oo ah deganaansho la’aantii ugu horreysay ee dalka ka dhacda tan iyo markii sanadkii tegay la doortay madaxweyne William Ruto. Dowladda Ruto ayaa wacad ku martay inay mowqif adag ka qaadan doonto dibad-baxyada, kuwaaso oo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku adkeystay inay sii socon doonaan inkasta oo aysan ogolaansho ka haysan booliska. Odinga oo ku adkeysanaya dibad-baxyada “Waxaan doonayaa in Kenyan-ka ay tiro badan kusoo baxaan oo ay muujiyaan qanacsanaan la’aantooda waxa dalka ka dhacay,” ayuu Odinga u sheegay dibad-baxayaal Axaddii. Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibad-baxayaal isugu soo baxay meel u dhow xafiisyada dowladda ee caasimadda Nairobi, halkaasi oo la qorsheeyey in dibad-baxa ugu weyn uu ka dhaco. Sidoo kale laba darsan oo dad ah ayaa lagu xiray faras magaalada Nairobi, kuwaasi oo badankood ah dhallinyiro, balse ay ku jiraan laba xildhibaan oo ka tirsan mucaaradka oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha senate-ka ee xubnaha laga tirada badan yahay Stewart Madzayo. Booliska oo furay sunta dadka ka ilmeysiisa “Waxaan halkan u imaanay si nabadeed balse waxay nagu fureen sunta dadka ka ilmeysiisa,” waxaa sidaas yiri Charles Oduor oo ah 21 jir ka qeyb-galaya dibad-baxa faras magaalada Nairobi. “Maalin kasta been ayey noo sheegaan. Aaway budadii galeyda raqiista ah ee ay noo ballan-qaadeen? Aaway shaqooyinkii dhallinyarada ee ay ballan-qaadeen. Waxa kaliya ee ay sameynayaan waa inay shaqaaleeyaan saaxiibadoooda.” Dadka Kenya ayaa la tacaalaya qiimaha cuntada aas-aasiga ah oo sare usii kacaya iyo qiimo dhac xoog leh oo ku yimid lacagta shilling-ka markii loo eego dollar, iyo abaar xooggan oo ka jirta qeybo ka mid ah dalka. AFP The post Wararkii ugu dambeeyey rabshado maanta ka socda magaalada Nairobi + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  22. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Uganda kulan muhiim ah kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Mudane Yoweri Museveni. Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay dagaalka socda ee dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka waddamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweyne Museveni ayaa ku ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay la-dagaalllanka kooxda Al-Shabaab oo hadda galay wajigiisi labaad,. Yoweri Museveni ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kaalin weyn ka qaadato dagaallada sifeynta Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda dalkeena. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada, si dalkeena hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan caasimada dalka Uganda ee Kampala ayaa shalay tababbar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada. The post Xasan iyo Museveni oo kulan xasaasi ah ka yeeshay dagaalka iyo qorshaha shirka TCC appeared first on Caasimada Online.