Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa Saakay xukun Toogasho ah waxaa ay ku fullisay laba ruux, kuwaas oo hore dilal u geystay. Xukunka Qisaasta ah oo ka dhacay Cara tuurka Baydhabo ayaa waxaa lagu fuliyay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo dilal geystay. Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maalinimadii shalay sidaan oo kale xukun ugu fulisay laba shakhsi oo dilal ka geystay Baydhabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. “Xukuumadu waxay ka meeraysanaysaa doorashooyin inay qabato, waxaanay doonaysaa inay ku dhex noolaato dareen ah doorasho urur iyo mid madaxtooyo dhexdooda !! Doorasho urur iyo mid madaxtooyana maaha waddo lagu dhex noolaan karayo in badan , hadii toban colaadood dhacaana intee lagu sii jiri karayaa ???? Komishanka doorashooyinkuna in ku filan oo ay wax ku kala bartaan way joogeene yagana waxaa laga rabaa inay xalka dalka qeyb ka noqdaan. Xildhibaan Mustafe Khayreeye. Qaran News
  3. Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa gadooday ciidankii laga keenay dalka Eritrea ee dowladda Soomaaliya ay geysay degaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo bishii hore lagu soo weeraray dhowr askarina looga dilay. Ciidankaas oo gaarayey 300 oo askari ayaa maalmo ka hor ka soo baxay degaanka Daarunimca oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal, halkaas oo ku dhawaad hal bil ay ku sugnaayeen. Ciidanka oo ka soo lugeeyey degaanka Daarunimca ayaa lagu hakiyey degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lug ay ku yimaadeen, iyagoo aan wadan wax gaadiid ah. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ciidan kale ka diray Muqdisho, kuwaas oo ciidanka ka soo lugeeyey degaanka Daarunimca uga hor tegay degmada Cadale, waxaana lagu guuleystay in ciidankaas la celiyo, iyadoo aysan dhicin wax gacan ka hadal ah. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidankaas aysan siinin daryeelkii ay u baahnaayeen, sida raashin ku filan, gaadiid iyo sahay kale toona, taas oo ku kaliftay inay ka soo lugeeyaan deegaanadii la geeyey ee gobolka Shabeellada Dhexe. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya, taliska xoogga ayaa doonayey in ciidankaas lagu celiyo xoog iyo xeelad intaba, maadaama ay dhibaatooyin badan geysa karaan, hadii ay soo galaan Muqdisho. Ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa hadda muhiim u ah dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, balse warar soo baxaya waxay sheegayaan inay dowladda ku adagtahay inay daryeesho ciidankaas soo qaatay tababarka adag. Hadda waxaa ciidankii soo gadooday iyo kumanaan askari oo kale la isugu geeyey degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo taliska xoogga dalka uu ka hoggaami doono dagaal Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe meelaha ay ka joogaan, howlgalkaas waxaa la qorsheynayaa in la bilaabo maalmaha soo socda. Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi ayaa hoggaaminaya howlgalka, Biixi ayaa hadda ku sugan Aadan-yabaal, waxaana howlgalka laga bilaabayaa cirifka waqooyi ee gobolka Sh/Dhexe, iyadoo la qorsheeyey in ciidanka ka baxa Aadan-yabaal ay xoreeyaan deegaanada ay kooxdu ka joogto Sh/Dhexe, Galgaduud iyo Mudug. The post Xog: Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo kasoo gadooday furimaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  4. Shir u dhexeeya xukuumadda Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in uu maanta ka qabsoomo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madaxweyne Siciid Deni oo ay weheliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa Nairobi kula kulmaya wakiilada Beesha Caalamka. Shirka labada dhinac ayaa sida wararku xaqiijinayaan looga hadli doonaa qoondada Puntland ku leedahay Mashaariicda iyo dhaqaalaha dalalka Caalamku siiyaan Soomaaliya. Xukuumadda Puntland ayaa deeq-bixiyaasha Caalamka ka doonaysa in ay si toos ah u siiyaan qoondada mashaariicda iyo dhaqaalaha lagu bixiyo magaca Soomaaliya. Arrintan ayaa ka danbaysay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxweyne Deni iyo Villa Somalia kaas oo sababay in qoondada mashaariicda qaarkood laga xannibo Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Beesha Caalamka oo maanta shir ku yeelanaya magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa aalladda TikTok, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Maareeyaha Guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Madaxda TikTok u qaabilsan xiriirka dowladda ee dalalka Afrika. Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay tallaabooyinka ay labada dhinac iska kaashan karaan ee lagu hakin karo in TikTok lagu faafiyo wararka argagixisada, sida ay shaacisay HIQ. Maareeyaha iyo madaxda TikTok ayaa sidoo kale lafa-guray sidii dadka Soomaaliyeed ee isticmaala madashaas ay uga heli lahaayeen xog sugan oo waafaqsan qiyamka, anshaxa, iyo shuruucda dalka. Maareeyaha guud ee HIQ ayaa sheegay in siyaasadda TikTok-ga ee ku wajahan Soomaaliya la waafajiyo shuruucda dalka sida: sharciga isgaarsiinta qaranka, sharciga saxaafadda iyo shuruucda kale ee saameynta ku leh adeegyada TikTok. Hay’adda Isgaarsiinta iyo TikTok ayaa ugu dambeyntiina isku afgartay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan ka warbixinta iyo hoos u dhigista warbixinnada sharci-darrada ah ee ku jira madasha TikTok ee aan waafaqsanayn habraaca ilaalinta bulshada. Dowladda federaalka ayaa hore si dag uga hadashay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo TikTok, ayada oo uga digay dhallinta in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya. Waxaa dhowr jeer maxkamadaha dalka kasoo muuqday dhalinyaro aalladan kusoo bandhigay muuqaalo ay iska duubeen iyo waxyaabo ka hor imanaya shuruucda dalka. The post Soomaaliya oo wada qorshe cusub oo lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa TikTok appeared first on Caasimada Online.
  6. Dagaalkii shalay ee Laascaanood nafo aad u badan baa ku baxay. Waxa aan ku qanacsanahay, oo maalin walba ii sii cadaanaysa in aanu dagaalkaasi xaq ahayn, oo khasab ahayn, oo aanu sinaba u sii socon karayn! Maalintii 1aad ee xabaddu qaraxday, hadda waa markii mudaharaadayaasha la laayay December 2022, anigu waxa aan qoray article (On the massacre of Lasanod), waxaanan sheegay in sansaanka muuqda, uu dagaal la ma huraan yahay, xal ku na ku jiro in ciidanka meeshaas la ga soo qaado. Maalin kasta tii uun baa ii sii cadaanaysa, xal aan taas ahayni na ma jiro – xaasha. Qaran baa la difaacayaa iyo xuduudkeena taako ka tegi mayno, waa sheeko caruureed. Marnaba sheeko dad waaweyn ma noqon karto. Sheeko caruureedda maalinba nin baa u jila Somaliland oo masraxa la yimaadda, Saylici oo yidhi nabadda la baryi maayo ayaana u dambeeyay. Duf ku baxa doqomadiiyoow. Waxaa Qoray:-Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay arrimaha Jubbaland, isagoo eedeymo culus u jeediyey madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe. Oomaar ayaa sheegay in Jubbaland ay haysato nasiib darro weyn, sida uu hadalka u dhigay, isagoo Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyey caburin aan caadi aheyn oo maamulkiisu uu ku hayo bulshada. “Anaga mucaarad kuma nihin Jubbaland, laakiin waxaa mucaarad ah ninka dadkii u dhashay deegaanka soo tarxiilaya, wuxuu doonayaa inuu burburiyo Jubbaland, qad cagaaran ayuu qabaa’ilkii dhex dhigay, ninkii Gedo tagaa wuxuu ula mid yahay nin tegay Israa’iil,” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Wuxuu sheegay in Kismaayo ay ka jirto amni darro baahsan, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii lagu dilay magaaladaas, sidoo kale wuxuu sheegay in qofkii ay Shabaab ku dilaan Kismaayo aan tacsi loo dhigi karin, iyadoo dadka loo sheego in tacsidu ay buun-buunin u tahay guusha cadowga, sida uu sheegay Oomaar. “Waxaan rabnaa in doorasho xor ah lagu qabto Kismaayo, taas oo waqtigeeda la qabto, dadka reer Jubbaland ee kala xirmay ayaa matrkaas fursad u heli doona inay wada noolaadaan,” ayuu yiri. Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cabdullahi Oomaar ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyin uu kala kulmay Axmed Madoobe intii ay doorashooyinku socdeen, isagoo sheegay in loo diiday magaaladii uu ku dhashay ee Kismaayo inuu tago. Wuxuu fariin u diray madaxweynaha iyo r/wasaaraha, isagoo yiri, “Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inay Jubbaland ka qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.” Wasiir Oomaar oo saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, xiligii uu Axmed Madoobe ka hor istaagay kursigii uu doonayey inuu Kismaayo ka soo qaato ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Hoos ka daawo The post Oomaar: Axmed Madoobe wuxuu ninkii GEDO tago ka dhigay nin Israel tegay + Video appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas. Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada. Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Uganda taageerada naf hurnimada leh ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayuu uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay Tababarka ciidanka. PUNTLAND POST The post Cutubyo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda appeared first on Puntland Post.
  9. Qaahira (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socda Israa’iil iyo Falastiin ayaa shalay ku kulmay magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, halkaasi oo ay uga qeyb-galayaan wada-hadal nabadeed oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Masar. Wada-hadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Mareykanka iyo Jordan ay taageerayaan oo lagu doonayo in lagu qaboojinayo rabshadaha ba’an ee ka socda Daanta Galbeed kahor inta aysan dhalan bisha barakeysan ee Ramadaan. Shirkan oo shan geesood ah ayaa daba socday shir-madaxeedkii Maraykanka uu garwadeenka ka ahaa ee 26-kii bishii February ka dhacay dalka Urdun, kaasi oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo sanado ah. Waxaa lagu xaqiijinaya ballan-qaadyada Israel iyo Falastiiniyiinta ee ah in ay xaaladda qaboojiyaan balse waxaa ka soo horjeestay kooxaha labada dhinac oo ku guul-dareystay inay joojiyaan rabshadaha dhulka. Kulanka Sharm el-Sheikh “ayaa ujeedkiisu yahay in lagu taageero wada-hadalka u dhexeeya dhinacyada Falastiin iyo Israa’iil si looga shaqeeyo joojinta falalka hal dhinac ah iyo sii kicinta, iyo in la joojiyo wareegga rabshadaha ee socda lana helo xasillooni”, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar. “Tani waxay fududeyn kartaa abuurista jawi ku habboon dib u soo celinta geeddi-socodka nabadda,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka. Falastiiniyiinta ayaa rajeenaya inay yagleelaan dowlad madax-banaan oo ka dhisan Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo ay caasimad u tahay bariga Quddus –dhulalkan oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967-kii. The post Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallo xasaasi ah oo u socda Falastiin iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
  10. The Founding Principles of the Provisional Constitution envisage a ‘participatory consultative and inclusive government’ in order to ‘ensure accountability, efficiency and responsiveness to the interests of the people.’ Furthermore, enacted legislation such as the Public Financ Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somalia’s federal and regional leaders recently reached an agreement to bolster the country’s national security. The new “National Security Architecture” outlines plans for expanding the armed forces and police personnel to address the impending departure of African Union forces by the end of next year. Under the newly signed agreement, the number of national armed forces will be increased to at least 30,000 soldiers, while the police force will consist of at least 40,000 personnel, according to documents obtained by Caasimada Online. This revision updates a 2017 deal requiring a minimum of 18,000 military and 32,000 police personnel. National Security Advisor Kamal Dahir Hassan Gutale said the Somali government is currently focused on transferring security responsibilities from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which has been in the country for over 15 years. The goal is for the last AU soldier to leave Somalia by December 2024, allowing the nation to meet its security responsibilities. Adjustments to security forces structure The agreement, signed by Prime Minister Hamza Abdi Barre and federal member state leaders, stipulates that the new armed forces numbers do not include the navy, air force, and special commando units trained by the United States and Turkey. The minimum age for army registration will be 18, and the retirement age will be raised to 62. The National Intelligence and Security Agency (NISA) will maintain special armed agents until the current security conditions improve. Federal member states, which currently operate their own intelligence agencies and armed agents, will discontinue these agencies once stability is achieved. Additionally, the agreement calls for a custodial corps of 5,300 personnel, including 4,500 federal and 800 correctional officers. Puntland’s position and upcoming operations The leaders of the Puntland semi-autonomous region were absent from the recent meeting in Baidoa. In January, these leaders expressed their intention to manage their own affairs akin to an “independent government” until the completion of the federal constitution. As the Somali government moves forward with its new security plans, President Hassan Sheikh Mohamud recently attended the graduation of newly trained soldiers in Uganda. In January, National Security Advisor Hussein Sheikh-Ali confirmed that the Somali government is currently training 3,000 soldiers in Uganda, with plans for troops from neighboring countries to join the upcoming military operations against al-Shabab. Gutale revealed that an extensive offensive is set to begin during the Islamic holy month of Ramadan, commencing this Wednesday, expressing optimism for a significant victory by Somali forces. “God willing, we hope Somali forces will achieve [a] big victory,” he stated. The post Somalia’s new security strategy: The full breakdown appeared first on Caasimada Online.
  12. More than a decade ago, Somalia unsuccessfully tried to join the East African Community. Paradoxically, in the intervening years South Sudan and the DRC — countries that also have raging conflicts in them — joined the body in 2016 and 2022 respectively. This is due to a number of factors, including the country’s longstanding political instability, terrorism, and general incompatibility with the EAC model. For starters, Somalia has been plagued by political instability for more than three decades, making it difficult for the country to meet the EAC’s membership criteria. Second, terrorism is a major concern, with al Shabaab and other extremist groups posing a threat to regional security and stability. Third, Somalia’s governance structures has been cited to “not fit the EAC model,” which it has been dully informed, are based on democratic principles, the rule of law, and market-oriented economic policies. Qualities which it honestly needs — desperately! On the last week of January 2023, EAC’s Secretary General Peter Mathuki officially launched the verification mission to assess the country’s readiness to join the community. During the official launch, Mathuki said a report would be presented to the heads of state summit, which was expected to take place in a month. “The verification team is set to make findings relating to the institutional frameworks in place, legal frameworks, policies, strategies, projects and programmes, areas of cooperation with other EAC partner states and expectations from the membership,” Mathuki said. This was comforting to Somalia President Hassan Sheikh Mohamud, who on his part urged the EAC to expedite his country’s admission. The President said Somalia’s admission to the community has been a long-awaited dream for the Somali people and government, urging Mathuki, to expedite the admission so that his country can be admitted to be EAC’s eighth member. In reading and analyzing the region’s media coverage on this, I could not help but notice an article published by the Daily Nation, Kenya’s biggest newspaper and the most widely read in the East African region. The writer, Gitau Warigi, says what I assume every policymaker probably thinks of Somalia’s admission to the EAC but wont say out loud. Warigi writes: “Somalia is considered problematic in its current form…. It’s unstable, with no functioning institutions and with the worst terrorist problem in the region — that of al Shabaab. In this view, Somalia is a basket case that will bring nothing to the EAC except agony.” The columnist also reminds his readers that the EAC did not ‘defer’ as was then said regarding Somalia’s request to join in 2012 but rather utter rejection. He makes an important note on the country’s incompatibility with the common law system in place across many member states as laid down by colonial Britain. He also puts heavy emphasis on the lack of a complete constitution, arguing it has a provisional one and appears to be indecisive on where the capital should be. He goes a step further to say: “Though Somalia is geographically in East Africa, it does not have much in common with its EAC neighbours. It doesn’t meet the fundamental legal requirements of the EAC Treaty. Aside from lacking a constitution, its territorial integrity is fluid. That is fatal.” He adds: “And in a continent where religion matters, Somalia’s EAC inclusion would make it the only wholly Muslim member. Within EAC countries, Muslims are in the minority.” This comprehensive piece degenerates real quick and talks of Somalia’s citizenship law, which he says offers citizenship to “all Cushitic people in the Horn of Africa such as the Oromo and Borana, and not just to Somali speakers.” This couldn’t be further from the truth as Somali citizenship is strictly given to only those whose fathers are ethnic Somalis as the community has been patrilineal since time immemorial. Warigi further speaks of Kenya and Ethiopia’s unease with Somalia’s malleable position on granting citizenship to anybody who is a Somali as both countries have significant Somali populations and their past hostilities over her irredentism. Towards this he says,“A disconcerting number in the cabinet (Somalia’s) are Somalis from Ethiopia, which has bred suspicion from that neighbour”. The ‘Ethiopians’ include Prime Minister Hamza Barre, who comes from the same Shilabo region his late namesake and third president of Somalia, Siad Barre, was born.” At this point, I cannot help but question why would a proponent of a prosperous EAC be alarmed by citizens of one nation making to the leadership in an another? Isn’t that good for regionalism? But no! That is not his concern because of the aforementioned ills of the country were just setting the stage for his main issue as a Kenyan because, in his own words “Kenya harbours resentment over their maritime feuds. EAC members have their border issues. Kenya’s dispute with Uganda over Migingo. Ordinarily, though, such spats tend to be sorted out internally. However, Somalia has never hesitated to internationalise her quarrels. She was quick to take Kenya to the International Court of Justice over their Indian Ocean row.” He then disingenuously ends his piece with the problem of terrorism as the ultimate deal breaker for Somalia’s ascent to the EAC. One may wonder why I gave this much airtime to an opinion column, although that is a valid thought to have. His piece brings forth many issues I believe top EAC bureaucrats as well as the region’s lay people view the Horn of Africa nation Somalis call home, with the same if not worse lens. It is important to note that DRC joined the community with tense relations and ever increasing confrontations with Rwanda (another member state). I cannot help but think to myself why is it easy for them and not Somalia to join. Your guess is as good as mine and Warigi’s article is a good starting point. Instead of Somalia trying hard to join a body that has rejected its application already and with considerable hindrances in place, I would suggest one remedy: Increased integration with the Horn of Africa region and special agreements with individual EAC member states. This, in my opinion, can be achieved in the following ways. On is focusing on political Stability: Somalia’s political history has been turbulent, with decades of civil war, piracy, and terrorism. However, the country has made strides toward political stability in recent years, which may be jeopardized by the uncertainty of joining the EAC. A more viable option for Somalia’s future is to focus on integration with its immediate neighbours, who have relatively stable political systems. Second is tackling common regional problems such as terrorism, poverty, and environmental degradation. Constituent countries can address these challenges collectively by pooling resources and expertise to find lasting regional solutions. Inclusion of Somalia in such efforts will be much easier, if it focuses on integration with its immediate neighbors. Third is seeking natural trade and economic partnerships. Somalia’s proximity to neighboring nations in the horn of Africa such as Djibouti, Ethiopia, Eritrea and Kenya, means there is a natural opportunity for economic partnerships and trade. These nations already have established trade agreements and economic integration, making Somalia’s inclusion in these agreements easier than trying to join EAC from scratch. Fourth is exploiting cultural and historical ties. Somalia shares considerable cultural and historical ties with its neighbors in the horn. These nations practice the same religion and some similar cultural practices, making integration seamless. This cultural integration is not as apparent with the EAC, which poses a stark culture clash and makes integration much harder. Finally, focusing on integration with its neighbours in the Horn of Africa would be far more beneficial. These nations’ shared history, culture, and natural resources make integration more feasible, allowing Somalia to contribute to and benefit from collective efforts to address the region’s common challenges. Zakaria Deeq is a journalist and trainee diplomat who focuses on international relations, conflict, security and statehood. The post Opinion: Why Somalia should reconsider bid to join EAC appeared first on Caasimada Online.
  13. Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya. Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka. Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay ciidamadaan dhameystay tababarka, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada. Cutubyadaan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen. Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul-istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen. Sidoo kale ciidankaan soo dhameystay tababarka waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Uganda taageerada naf hurnimada leh oo ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, intii uu ku guda jiray khudbadiisa wuxuu dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay tababarka ciidankaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray dalka… appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Deyniile waxay sheegayaan in dagaal culus uu caawa ka dhacay degmadaas, kaas oo geystay khasaare dhimasho ah iyo dhaawacyo soo gaaray saraakiil sare. Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Deyniile iyo saraakiil ciidan ayaa ku dhaawacmay dagaalkaas, halka ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan askari oo dhinacyadii dagaalamay ah. Ciidanka dagaalamaya waxaa kala hogaaminayey masuuliyiinta amniga ee degmada Deyniile iyo sarkaal wata ciidan abaabulan oo deegaanka ah. Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan maamulka degmada Deyniile, ciidamada dagaalamay waxaa kala hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Maxamed Madoobe oo la sheegay inuu yahay Taliyaha amniga degmada Deeyniile. Sidoo kale garabka kale waxaa hoggaaminaya nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Ajuuke oo wata ciidan deegaanka ah oo ka amar qaata, ninkaas waxaa la sheegay inuu yahay horjoogaha dhowr Kaam oo dad barakacayaal ah ay ku nool yihiin, kuwaas oo ku yaalla Deyniile. Sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degmada Deyniile, dagaalka waxaa ku geeriyooday taliye ku xigeenkii amniga ee degmadaas, waxaana ku dhaawacmay saraakiil magacyadooda lagu sheegay Maxamed Iidle iyo Nin magaciisa lagu soo koobay Fuusto Fuusto. Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira guddoomiyihii waaxda Ciise-Cabdi ee degmada Dayniile Axmed Bacool iyo Cabdiraxmaan Ajuuke oo ka mid ahaa dhinacyadii hoggaaminayey ciidanka dagaalamay. Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin waxa sababay dagaalka ka dhex qarxay laamaha ammaanka degmada Deyniile iyo ciidanka kale oo la sheegay inay u abaabulan yihiin qaab deegaan. Maamulka degmada Deyniile iyo laamaha kale ee amniga weli war kama soo saarin isku dhacaan sababay khasaaraha culus, waxaana caawa degmada Deyniile ka jirta xaalad jaho wareer ah. The post Dagaal ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil, masuuliyiin iyo askar oo ka dhacay Deyniile appeared first on Caasimada Online.
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland lagu soo gaba-gabeeyay shirka wada-tashiga ballaarinta Idaacadaha dowlad Federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya iyo wasiirada warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa shirkaan oo socday laba maalin agaasimayaasha guud ee warfaafinta, agaasime waxeedyo iyo la-taliyayaal. War-murtiyeed laga soo saaray shirkaan oo ka kooban 11 qoddob ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu isku raaceen in la ballaariyo goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labada heer, “iyada oo la xaqiijinayo ka wada-shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha.” Masuuliyiinta uu shirka wada-tashi u socday ayaa sidoo kale waxay isla qaateen mideynta howlaha hortabinta u leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska warfaafinta gobolka Banaadir. “Shirka waxaa kasoo baxay dukuminti mideysan oo ka turjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hanaanka loo wajahayo caqabadaha iyo fursadaha jira,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkaan. Masuuliyiinta wasaaradaha ayaa isla qiray baahida loo qabo xilligaan in si deg deg ah looga wada-shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab iyo kuwa laga xoreyn doono, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanadaasi ay kooxdu ka talineysay in ka badan 15 sano. “Iyada oo laga duulaayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deegaanadii laga xoreeyay, masuuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg deg ah looga hawl-galo goobahaasi lagana fuliyo barnaamijyo warbaahineed oo la xiriirta wacyi-gelinta dadaalada xasillinta.” Masuuliyiinta ayaa sidoo kale isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee warbaahinta iyo wacyi-gelinta, sidaas darteedna waxay ugu baaqeen hay’addaha kale ee dowladda labadeed heer iyo deeq bixiyaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixinaysay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’addaha heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran: Kismaayo 18–19 March, 2023: Shirka wadatashiga wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ka qabsoomay Maagaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedyada Jubbaland, 18-kiii ilaa 19 Maarso 2023. Waxaa ka shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Warfaafinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimayaasha guud ee wasaradaha warfaafinta, Agaasime Waaxeedyo iyo lataliyaal. Shirka wuxuu socday labo maalmood waxaana looga hadlay: Wixii ka qabsoomay heshiiskii lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay iyo sida lagu hirgalin karo wixii aan qabsoomin. Hawlaha hor tabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha ee 2023 Dib u eegista siyaasadda Qaran ee Wacyi galinta. Mideynta Hawlaha Hor tabinta leh ee wasaaradaha. Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa shirka Wadatashiga ka soo baxay: 1- Si kor loogu qaado fahamka bulshada Soomaaliyeed ee Dowladnimada iyo wacyiga dadweynaha ee qatarta fikradaha xagjirnimada ee kooxaha khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish waxa ay Mas’uuliyiinta isla qaateen in la xoojiyo Warbaahinta dowliga ah labadeeda heer. 2- Mas’uuliyiintu waxa ay isla garteen in la ballaariyo, goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labadeeda heer, iyada oo la xaqiijinayo ka wada shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha. 3- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha waxa isla qireen baahida loo qabo in si deg deg ah looga wada shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhowaan laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doono dhowaan, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanada ay sharci darrada ku haysteen kooxaha Khawaarijta in ka badan 15 sano oo ay marin habaabinayeen. 4- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in Idaacadaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir laga sii daayo Barnaamijyo mideysan oo ka hadlaya qatarta kooxaha khawaarijta ah iyo fikirkooda, maandooriyaha, waxqabadka dowladda labadeeda heer, laguna baahiyo lahjadaha Maay iyo Maxaa-tiri. 5- Mas’uuliyiinta waxa ay isku raaceen in si wadajir ah Warbaahinta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir looga baahiyo Barnaamijka Xogta Dowlad goboleedyada ee ka baxa Warbaahinta Qaranka, si hormarka iyo xaaladaha gobolada ula socdaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, lana gaarsiiyo farriin mideysan oo muujinaysa horumarka bulshada iyo dowlad dhiska Soomaaliya. 6- Mas’uuliyiinta waxay isla qaateen mideynta Hawlaha Hortabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska Warfaafinta gobolka Banaadir. 7- Shirka waxaa ka soo baxay dukuminti mideysan oo ka tarjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha Warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hannaanka loo wajahayo caqabadaha, iyo fursadaha jira. 8- Iyaada oo laga duulayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deeganadii laga xoreeyay, mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg de ah looga hawl galo goobahaasi lagana fuliyo Barnaamijyo Warbaahineed oo la xiriira wacyi-galinta dedaalaada xasilinta. 9- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in la mideeyo dhammaan barnaamijyada wacyo-galinta ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada ah, xasilinta . Iyo guulaha hawlgalada dib u xoreynta dalka. 10- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir waxa ay isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee dhammaan hanaanka Warbaahinta iyo Wacyi-galinta dalka, waxaa ayna uga baaqayaan hay’adaha kale dowladda labadeeda heer iyo deeq bixiyayaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo. 11- Shirku waxaa uu isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir lana joogteeyo kulamada muhiimka u ah wasaaradaha iyo gobolka Banaadir. Ugu dambeyn Shirka waxaa uu u mahad celinayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi galinta iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland oo marti galisa shirkan, si wacanna u soo dhwoeysay wafuudii ka soo qeyb gashay. -Dhammaad- SAXIIXAYAASHA: 1- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska JFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac. 2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Hirshabeele Mudane, Aadan Bare Maxamed Muuse. 3- Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur-Galbeed. Mudane, Cabdifataax Cali Yuusuf. 4- Wasiirka Warfaafinta, Hanuuninta Dadweynaha iyo Dalxiiska Jubaland. Mudane, Suleyman Maxamed Maxamud. 5- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Galmudug. Mudane, Abshir Cabdi Shiikhoow. 6- Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir Mudane, Hassan Ali Abdirahman (Wiish). The post Heshiis cusub: DF iyo dowlad goboleedyada oo soo saaray bayaan 11 qodob ah appeared first on Caasimada Online.
  16. President Dr Hassan Sheikh Mohamud received his doctorate at the University of Peace in New York after writing a dissertation on “clan politics” in Somalia. Mogadishu (PP Editorial)— Last year, the President of the Federal Republic of Somalia Dr Hassan Sheikh Mohamud wrote a doctoral dissertation on Somali clans. One is tempted to flout the age-old aphorism— never judge a book by its cover— to surmise the thesis in Examining the Challenges of Clan Politics in Statebuilding: A Case Study of Somalia, the title of the dissertation by President Mohamud. Upon concluding the consultative summit for several member states held in Baydhaba, President Mohamud called for the resolution of Laascaanood conflict through negotiations. He said that governance through consent was the only viable solution to political problems in Somalia. “Our agenda is to maintain the union peacefully. For the last 32 years no group has been able to impose its political goals on another group in Somalia. Parties to the Laascaanood conflict will come to the negotiation table” President Mohamud said. President Mohamud understands that a civil war is raging in Northern Somalia, where Somaliland administration’s forces shelling Laascaanood consider the administrative capital of Sool not to be a part of the Federal Republic of Somalia. It is deplorable that President Mohamud sees the political conflict in Laascaanood as a pre-state, traditional conflict. Viewed this way — along clan lens — killing and maiming of civilians, destruction of public and private properties will be seen as a collateral damage to be written off in appreciation of political impunity. Why is President Mohamud reluctant to remind President of Somaliland administration Muse Bihi Abdi to respect the sovereignty of Somalia and its associated rights — the right to be protected against foreign invasion and deprivation of political rights — ? It does not serve the national interest of Somalia if an incumbent President instructs an awarding university not to make a doctoral dissertation available to the public. The phrase clan politics in the President’s dissertation title presupposes commitment to disclosing clan names and discussing clan perceptions and grievances. It does not help that Mogadishu is the new stronghold of President’s clan after the widespread dispossession of citizens who fled Mogadishu in 1991 or afterwards. During 1990s President Mohamud lived in Mogadishu where forces loyal to Ali Mahdi and General Aideed divided the capital city into northern and southern parts. Mogadishu is 2,500 years old and yet the historic founders of the city —Banaadiri people — remain politically and economically marginalised for not belonging to an armed clan militias. This is the biggest political taboo in Somalia: Somali clans who founded ancient districts such as Hamarweyne, Shangaani, Marka and Baraawe have no discernible political representation in instituons formed after the adoption of a federal system. Proponents of the clan politics theory are predisposed to holding an outlook based on legitimisation of dispossession and institutionalisation of the claim that clans own public properties and national infrastructures. How long can President Dr Hassan Sheikh Mohamud keep his doctoral dissertation under wraps? Answers by email, please. © Puntland Post, 2023. The post The President of Somalia and “Clan Politics” appeared first on Puntland Post.
  17. OSLO, Norway (Caasimada Online) – In a groundbreaking moment for Norwegian politics, Marian Hussein, a Somali-born refugee, was elected as the deputy leader of the Socialist Left Party (SV), defeating the pre-vote favorite, Lars Haltbrekken, during the party’s national convention. Hussein garnered 114 votes, while Haltbrekken received 101. The triumph came as a pleasant surprise for Hussein, who had modest expectations. In an interview with NRK, she expressed her gratitude, saying, “It’s overwhelming. It’s an enormous trust that I’m excited to manage on behalf of the community.” Hussein’s journey to leadership Hussein arrived in Norway as a 10-year-old refugee from Somalia. Before entering politics, she worked in the healthcare sector and at the Norwegian Labour and Welfare Administration (NAV). Elected to the Parliament in 2021, she represents Oslo and serves as SV’s spokesperson for health policies. During the convention, Hussein emphasized her healthcare sector experience and minority background. She stated, “In politics, there are not many who look like me or have lived a life like mine.” Inspiring the multicultural youth As a 36-year-old healthcare policy advocate with a background in nursing, Hussein’s presence in the party’s leadership is expected to boost diversity. She is the first Norwegian MP of African descent and the first to wear a hijab. Hussein hopes her ascent in politics will inspire and motivate young people from diverse backgrounds to participate in Norway’s democracy. She asserts, “I think it will encourage more people to join our democracy and remember that Norway is a democracy that works, and we all must participate, both in elections and by organizing ourselves.” A new chapter for SV Kirsti Bergstø, a 41-year-old social policy advocate from Nesseby, Øst-Finnmark, was also elected as the new party leader during the convention. She succeeds Audun Lysbakken, who held the position for eleven years. Bergstø emphasized her commitment to change in her speech, saying, “I will do everything I can to ensure the change that people need in their lives now.” Despite the lack of a dedicated climate policy specialist in the new leadership trio, she also expressed confidence in the party’s continued commitment to a green and just transition. A tale of two candidates Lars Haltbrekken, the 52-year-old former leader of both the Nature and Youth and the Norwegian Society for the Conservation of Nature organizations, highlighted his long-standing commitment to climate and environmental issues during the convention. He stressed the importance of renewable energy, nature conservation, and indigenous rights while firmly opposing human rights violations. Despite losing the deputy leadership election, Haltbrekken’s experience and dedication to environmental issues will continue to be an asset to the party. Looking ahead The newly-elected leadership faces the challenge of the upcoming local elections. Bergstø is determined to start the “real work” of securing red and green majorities across Norway. As the Socialist Left Party enters a new era with a diverse and determined leadership, the future of Norwegian politics can gain from the inclusion and representation of different voices and perspectives. The post Historic win: Norway elects first Somali deputy leader appeared first on Caasimada Online.
  18. Laascaanood (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalaada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wafdiga uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ayaa ka kooban xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood. Masuuliyiintan ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaladaasi oo in ka badan bil uu ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Garaadada ku sugan Laascaanood ayaa wafdigan ka kooban xildhibaanada labada Aqal warbixin ka siiyay xaaladda guud ee magaalada, ayada oo masuuliyiinta ay indhahooda kusoo arkeen baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalka socda. Wafdiga ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay goobihii ku burburay dagaalka socda oo ay kamid yihiin goobo caafimaad, dhismayaal iyo guryo ay dagaanayeen dad shacab ah, kuwaasi oo madaafiicdu ku dhaceen. Burburka xooggan ee soo gaaray dhismayaasha Laascaanood ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso Somaliland, oo la sheegay in ciidamadeedu ay magaalada ku garaaceen madaafiic aan loo meel dayin, taasi oo sidoo kale sii badisay khasaaraha ka dhashay dagaalka socda. Booqashada mudanayaasha ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedeaalka ayaa kusoo aadeysa, xilli uu maanta degan yahay jawiga magaalada, ayada oo shalay dagaal xooggan aagga xerada Goojacadde ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku hor-fadhiya duleedka magaalada Laascaanood, waxaana guul-dareystay dadaallo dhowr ah oo la rabay in xal looga gaaro xiisadda taagan kadib markii ay labada dhinac ku xireen shuruudo adag oo god kusii ridaya in waqti dhow uu wada-hadal furmo. Si kastaba, Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan. The post Sawirro: Xildhibaano BF ka tirsan oo maanta gaaray magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  19. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Wasiir Maxamed Barre ayaa Shirka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isaga oo muujiyay in raasumaalka ugu muhiimsan ee dalkiisu ku tashanayo uu yahay xoogga usoo kacayo oo ah inta badan Mujtamaca Soomaaliyeed 75%, wuxuuna si gooni ah u tilmaamay marxaladdan kala guurka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay marayaan iyadoo inta badan gobollada dalka iyo degmooyinkiisa laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab oo awal ahaa caqabada ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ka hor-taagan horumar inay sameeyaan. Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbaddiisa ugu mahadceliyay Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Abdulaziz Bin Turki Al-Faysal oo shirkan marti geliyay iyo wasiir Dr Ashraf Subxi Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Jamhuuriyadda Masar oo madax ka ah golaha fulinta wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha ee Jaamacadda Carabta. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo xubno ka tirsan la-taliyayaasha Wasiirka ayaa ku weheliyay furitaanka shirkan Wasiir Maxamed Barre Maxamuud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Wafdigii heer federaal ah ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash. Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo dagaal xooggan uu ka socdo in ka badan bil. Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo sameynayo dadka shacabka ah ee ka barakacay dagaalada Laascaanood. Sidoo kale waxay labada dhinac isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhagax dhigo xarunta howl-galada gurmadka deg-dega ah, taasi oo shaqadeedu tahay la-taaclida xaaladaha deg deg ah ee dalkeena. Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda gargaarka dowlad-goboleedka Puntland. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA) Maxamuud Macalin iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Ujeedka safarka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu daaran yahay sidii ay gargaar u gaarsiin la haayeen kumanaanka ku barakacay dagaalada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. SODMA ayaa dhowr jeer diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood, ayada oo garab istaag u muujisay bulshada uu saameeyay dagaalkaasi. Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ka badan hal bil ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeyn in ka badan 700 oo qof halka ay ku dhaawacmeyn ku dhawaad 200, 000 oo qof. The post Sawirro: Wafdigii DF oo la kulmay madaxa Puntland iyo arrimo ‘la isla meel dhigay’ appeared first on Caasimada Online.
  21. Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa tababar u furay xubno ka kala socda Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaa Hogaanka Baarista Denbiyadda CID iyo Ilaaladda Xeebaha. Tababarka ayaa ku saabsanaa baarista iyo farsamooyinka la xariira denbiyadda ka dhaca Badda iyo Xeebaha ayey ku qaadan doonaan muddada uu soconayo Tababarka. Xeer-Ilaaliyaha Guud Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa kula dar daarmay ka qayb-galayaasha tababarkaan in ay ka faa’idaystaan tababarka, sidoo kale waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay ladagaalanka denbiyadda ka dhaca Badda iyo Xeebaha gaar ahaan kaluumaysiga sharci daradda ah, taasoo dalkeena uu ku waayo dhaqaale iyo khayraadkeeda ku jira badaha. Ugu damayntii xeer-ilaaliyaha ayaa u mahad celiyay dhammaan cidkasta oo ka qayb qaadatay qabashada tabababarka, waxaana uu u rajeeyay in xubnaha la siinayo tababarka ay noqdaan kuwa ka faaiideysa casharada ay qaadan doonaan waqtiga lagu jiro. Goobjoog New Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Waare ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Kulanka Xamze iyo Waare ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo Itoobiya ay qeyb ka tahay howl-gallo wada-jir ah oo dhawaan bilaaban doona. Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya ayaa dhawaan waxaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub. Qaabilaadda kadib danjire Mukhtar Mohamed Waare ayaa madaxeynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde. Sidoo kale waxa uu uga mahad-celiyey soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, islamarkaana loogu sameeyay xarunta Villa Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood. Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa maalmo kahor soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) oo ku qaabilay xafiiskiisa wasaaradda oo ay ku yeesheen wada-hadallo gaar ah. Si kastaba, Itoobiya ayaa kamid ah dalalka xiriirka la leh Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya. The post Xamza oo kulankii u horeeyay la yeeshay safiirka cusub ee Itoobiya, kala hadlay arrin muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  23. Wasaaradda Maaliyadda oo kaashaneysa hoggaanka Hey’addaha Garsoorka ayaa xeer ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha iyo Khidmada Diiwangelinta Qareennada, kaas oo qeyb ka noqonaya canshuuraha wasaaradda ay ka qaadeyso Maxkamadaha. Kaddib kulan wadashiti ah oo ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, iyo Ururka Qareennada, ayaa waxaa ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xeer-nidaamiye ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada garsoor oo ay bixiyaan Maxkamaddaha Dalka, Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ee laga rabo Qareennada. “Maanta waa maalin taariikhi ah, maadama Wasaaradda Maaliyaddu, oo si dhaw ula shaqaynaysa hoggaanka Hay’addaha Garsoorka, wada-tashina la yeelatay Ururka Qareennada, ay soo saartay Xeer-nidaamiyaha Ajuurada Maxkamaddaha, iyo Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ah ee Qareennada”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur. Xeer-nidaamiyahaan ayaa waxa uu si cad u qeexayaa khidmaddaha lagu dabaqaayo adeegyada kala duwan ay bixiyaan Maxkamadaha, cidda mas’uul ka ka ah ururinta khidmadahaan iyo sidoo kale koontooyinka bangiyada ee lagu shubayo. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in bixinta khidmadahaan ay muwaadiniinta u sahli doonta in ay u furtaan galal,dacwadaha ay qabaan, walibana ay fursad u helaan in dacwadahoodu ay dhagaystaan saraakiisha garsoor ee awoodda u leh. Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in si loo dhiirigaliyo Xirfadda Qareennimada ay ku soo biiraan xirfadlayaan qareenno ah oo cusub, hoos loo dhigay khidmada diiwangelinta ee laga rabo qareennada cusub, iyadoo laga dhignay $ 300 dollar,halka markii hore ay ka ahayd $500 dollar. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la hubin doono in Xeer-nidaamiyuhu u shaqeeyo hab wax ku ool ah, walibana ay Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda ayaa si joogto ah u korjoogteeyn doonta qaabka loo ururiraanayo khidmadaha la xeeriyay, iyadoo warbixin bille ah loo soo gudbin doono Wasiirka Maaliyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Beena Beene ayaa maanta daahfuray madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Sudan oo muddo labo maalin ah ka socon doonta magaalada Muqdisho. Madashan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Dhiiragelinta Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliye ayaa waxa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowlada Sudan oo ay hogaaminayso Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Sudan, Ahlam Madani Mahdi, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo shirkado ganacsi oo ka kala socday labada dal. Ujeedka madashan ayaa ah is dhaxgalka ganacsatadda labada wadan kaasoo ku qotoma walaaltanimo iyo iskaashi iyadoo lagu kala saxiixday is fahan dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah, sida uu gabagabadii shirka uu ka sheegay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka. Madashu waxay ka tarjumaysaa xiriirka adag ee taariikhiga ah ee laba geesoodka ah, waxa ayna fursad aad u wanaagsan siin doontaa maalgashatada Suudaan si ay ula falgalaan hay’adaha dowladda iyo dhiggooda Soomaaliyeed. +12 All reactions: 38Simoonita Faraxsan and 37 others Source: goobjoog.com