Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoon cusub. Doorashada oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay u dhacday qaab gacan taag ah, waxaana guddoomiyaha guddigaan loo doortay Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Sadaq Joon). Sidoo kale waxay xubnaha guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga u doorteen guddoomiye ku-xigeen Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, halka ay xoghaye u doorteen Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin. Xubnaha la doortay ayaa balan-qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horraantii sanadkaan magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Guddigan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxaana guddigaan uu ka kooban yahay 15 xubnood oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Sawirro: Xildhibaan Saadaq Joon oo loo doortay guddoomiyaha guddi muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  2. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sabtida maanta ah u safri doona magaalada Qaahira, safarkaas oo muujinaya inuu iftiimayo cilaaqaadka u dhexeeya labada dal toban sano kadib markii xiriirka diblumaasiyadeed uu jaray afgambigii madaxweynihii Masar Maxamed Mursi oo xulufo la ahaa Ankara. Booqashada Mevlut Cavusoglu, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee uu Turkiga u diro diblumaasigiisa ugu sarreeya tan iyo markii taliyaha ciidamada Masar, haatana ah madaxweynaha, Abdel Fattah al-Sisi uu hoggaaminayay afgambigii Mursi bishii July, 2013. Waxay kusoo beegantay booqashada Cavusoglu, laba toddobaad markii dhiggiisa Masar, Sameh Shourky, uu booqday Turkiga, si uu u muujiyo taageero kadib dhul-gariirkii weynaa ee ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof, kaas oo ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya. “Dhammaan dhinacyada xiriirka labada dal waa laga wadahadli doonaa, waxaana la isku weydaarsan doonaa aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. Waxaa bilihii lasoo dhaafay soo ifbaxayay calaamado muujinaya isu soo dhawaanshiyaha u dhaxeeya Turkiga iyo Masar. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga oo maanta booqanaya dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ka socda muddo ka badan hal bil. Xasan Sheekh ayaa sheegay in aan indhaha laga qarsan karin dagaalka socda, oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan. “Waxa socda raali kama nihin, way na gubayaan oo aan raali ka aheyn, kuna faraxsaneyn oo ku qanacsaneyn. Dadka dhimashadiisa iyo dhiigiisa daadanaya waa na quseeyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in qaddiyada meesha taalla ay tahay wax guud ahaan quseyso Soomaalida, islamarkaana loo baahan yahay in loo wada istaago wax ka qabashadeeda. “Arrimaha meesha yaallo waxba igama gelin ma dhihin karno waa na quseeyaan qaddiyadaha meesha taagana waa na quseeyaan. Ha la wada fadhiisto oo ha la wada hadlo.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dadka dhintay ee Soomaaliyeed oo qaaliga ahaa waxaa caddeynaynaa in aan aad iyo aad uga xunahay, ugana xanuunsaneyno in badana aan ku baaqnay nabadda”. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in mushkilada ka taagan magaalada Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed oo u baahan in miiska wada-hadalka lagu xaliyo. “Dadka deegaankaas jooga siyaasad ayay isku haystaan, wax kale oo ka dhaxeeya inay jiraan ma qabo. Sida taariikhdii hore noo soo martay dadka Soomaaliyeed wax ka dhexeeyay ee siyaasad qaloocatay qoorta isku-galisay.” Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu maanta markale dagaal dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo si gaar ah uga dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka magaaladaasi. Si kastaba, Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ka badan hal bil ayaa waxaa illaa hadda muuqan ifafaalo ay ku qaboobi karto shaqaaqadaasi, kadib markii ay burbureen waan-waan iyo dhexdhexaadin laga dhex waday labada dhinac ee isku haya halkaasi. The post Madaxweyne Xasan Sheekh: Indhaha lagama qarsan karo waxa ka socda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  4. Alle ha u naxariisto fanaanadii Aamina Cabdilaahi Xirsi oo goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Boorama. Aamiina waxa ay ka mid hablihii fanka ku biiray badhtamihii 1960-yadii, waxaana ay ahayd heesaa iyo majaajilayste . Riwaayadaha ay jishay , waxa ka mid ahaa Gaal iyo Muslim ayaa idin leh gabdhoow , Dab jacayl kari waayaa , Bidaari sibiqbay kugu gashaa , Galbeed waa la xoreeyay, Beeneey waa run iyo kuwo kale. Waxa ay la heestay fanaaniin ay ka mid ahaayeen , Maxamed Axmed Kuluc, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed Gacayte Yuusuf iyo rag kale oo caan ahaa . Aamiina Alle ha u naxariistee waxa ay carruur u dhashay abwaan Cabdi Aadan Xaad ( Qays) iyo fanaankii Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe ( Cabdiraxmaan-dheere) oo ah aabaha dhalay fanaanada caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan. Cali Caano Dhame ayaa qoraalkan ka qoray Aamina Cabdilaahi Xirsi “Inaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun Waxaan tacsi u dirayaa. Ehelkii qoyskii asxaabtii iyo guud ahaan mujtamaca somalida geerida ku timi fannaanadii weynayd ee AAMINA CLAAHI XIRSI ..Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo qoyskii ay ka baxday iyo dhammaan bahda fan kana samir iyo iimaan. Ka siiyo.. Allah ha u naxariistee Aamina claahi intii aan ka aqaanay haddii aan yar iftiinsho waxay ka mid ahayd hormuudkii fanka somalida gaar ahaan Hobaladii waaberi ee Loo yaqiinay HOOYADA FANKA waxay fanka ka bilowday dabaayaqadii sanadihii 60aadkii dalka jabuuti iyadoo gabadh yar ah, kadibna waxay usoo wareegtay dhinaca somaliland waxay riwaayado wada dhigeen awalkiiba fanaaniintii ruug caddaaga ahaa cismaan gacanlow,cabdi qays, oo ay heeso badanna wada qaadaan. Hase yeeshee shakhsiyan inta aan garanayo riwaadaha aamina claahi ay xiddigada ka ahayd amar door xiiso leh. Ku lahayd ee aan duugoobin weligood aadkana Loo jecel yahay. 1-Waxaan ka xusi karaa:1974 iyo dab jacayl kari waa. 2-Galbeed waa la xorreeyee waarsaa gaagixisay. 3-Ha waalnaado jacaylku ee Aynu weerarka aadno. 4-Wadhaf iyo shimbiro oo ay ku metelaysay xasan aadan hooyadii iyo Qaabkii qiirada iyo la yaabka lahaa. 5-bidaari sibiq Bay kugu gashaa 6-Jacayl run ah iyo rooxaan ka hor timi 7-Waan isla weynaye Mabay weynayn. 8-musiibada aduunyada. 9-isuma qaddo 10- riwaayddii aw bustaale. 11-ninba timo xamar. 12- abuur waano la yaab. 13-ninba tacabkii talooy kaa maal..ama (gari makaa baxdaa) loo yaqiin.. 15-beeneey waa run….iyo qaar laga yaabo inaan dhaafay maadaama in muddo ahi kasoo wareegtay.. Heesaha qubanaha ah ee aan iyagu riwaayad ku jirin idaacadahana loo qabtay ayaa tiro badnaa Aan ka xuso iyagana (oo shiikh baa wuxuu yidhi -inanyahay shar kuuma leh) tolow AHN ma kaneecaa Lahaa?.waan iloobay ..heesta si-yar si-yar . Heeso waddani ahaa oo aan ka xasuusto ( Bulshayahay bal kaalaya Bushaarada Berri ubaxa kacayoow Bilkhayr dhaha… Bil khayr Bilkhayr Bilkhayr… Haddii aan sii iftiinsho dad badani waxay ku xusuusan karaan ..kacaankaa noo baaqee barakaysani ha noooolaadoo waxa u jiibin jiray caruurtii la odhan jiray ubaxa…Ereyada waxa lahaa Allah ha u naxariistee Oo intii uu noolaa. iiga sheekeeyay. Waalidkii wanaagsanaa saaxiibkii qaaliga ahaa ganacsadihii reer hargeysa ee bacadlaha WAAHEEN MUXUMUD CALI MAS MAS… Sacna weysha uu dhalo sanka ….aamina iyo gacayte. Sida dhidar ha fiid kicin. .cashaqa ha fara gelin…aamina cismaan gacanloow iyo qaar kaloo badan. Aamina claahi waxay ahayd habka jilista sheekada iyo ku luuqaynta heesaha fanaanad aan dhiggeed la heli karin aadna loo wada jeclaa…allah ha u naxariisto aamina… .waan ka tacsiyadaynayaa. Caruurteedii ilma cabdi qays iyo ilma cabdiraxmaan dheeraba. By:Cali caanodhame” Source
  5. Oslo (HOL) - Marian Hussein from Oslo and Lars Haltbrekken from Trøndelag are both vying for the position of deputy leader in Norway's Socialist Left Party (SV). Source: Hiiraan Online
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga xerada Goojacadde Caateeye ayaa sheegasho la yaableh ka soo saaray dagaalkaasi, wuxuuna shaaciyay in ciidamada Somaliland ay ka hortageen weerar laba jiho ah oo lagu soo qaaday. Wasiirka ayaa ku eedeeyay dagaalka maanta ka dhacay duleedka Laascaanood in ay soo qaadeen ciidamada Puntland oo kaashanaya koox argagixiso ah iyo kuwo nabad diid ah. “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaga oo ku sugan aagga bari fariisimaha Goojacadde waxaa kusoo weeraray ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaga oo kasoo weeraray laba jiho,” ayuu yiri Wasiir Cabdiqani Caateeye. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidanka Somaliland ay dagaalkan ku qabsadeen 15 qoray, laba gaari oo dagaalka ah, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 20-tameeyo maxaabiis ah. “Sida caadada aheyd ciidamada Somaliland waa ay ka guuleysteen cadowga, waxaana ay ka qabsadeen saanad milatari, laba gaadiid oo dagaalka ah, waxay qabsadeen 15 qoray iyo maxaabiis ka badan labaatameeyo” ayuu markale yiri wasiirka gaashaandhigga Somaliland. Ugu dambeyntii waxa uu hambalyo u diray ciidamada milatariga Somaliland ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. “Waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhammaan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oon u rajeynayo mar welba inay codowga ka guuleystaan,” ayuu raaciyay. Dhanka kale saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaciyay inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland. Si kastaba, Laascaanood ayaa mudo ka badan bil waxaa ka socda dagaallo qaraar, waxaana lagu guul dareystay in la sameeyo xabad joojin, kadibna ay wada-hadlaan labada dhinac. The post Somaliland oo sheegasho yaableh kasoo saartay dagaalka Laascaanood + Video appeared first on Caasimada Online.
  7. Bosaso – Somalia has around 2.9 million internally displaced people (IDPs). Their opportunities for a normal life have been disrupted by being forced to move due to conflict and climate change. Source: Hiiraan Online
  8. Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa markale ka hadlay dagaalka Laascaanood. Xasan Sheekh ayaa ku celiyay baaqiisa nabadda ee ku aadan in dagaalkaas la joojiyay, wuxuuna tilmaamay in ka dowlad ahaan ay dhibeyso dhiiga ku daadanayo halkaas. “Beryahan dhammaan waad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood & deegaanka ku wareegeysan agagaarkeeda in badan oo horana waan ka hadalnay waxaas inay na gubayaan oo ay ina dhibayaan aanan raalli ka aheyn,” ayuu yiri madaxwenuhu. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu xog cusub ka bixiyay waxa uu salka ku hayo dagaalka Laascaanood, isaga oo tilmaamay in arrimo gaar ah la’isku hayo, kuwaas oo sababay inay dagaalamaan labada dhinac, gaar ahaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. “Meesha arrimaa yaallo oo keenay in la’isku dilo waxaan leenahay war marka koowaad aan xabadda joojino marka labaad waxaan leenahay aan isku imaano oo aan is wareysano oo aan kala gar qaadano ” ayuu markale yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qaddiyada meesha taallo ay tahay wax ay quseyso guud ahaan Soomaalida, loona baahan yahay in loo wada istaago. “Arrimaha meesha yaallo waxba igama gelin ma dhihin karno waa na quseeyaan qaddiyadaha meesha taagana waa na quseeyaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.” Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khasaaraha daalkaas, isaga oo tilmaamay inay ku xun yihiin dadkii lagu dilay halkaasi. “Dadka dhintay oo Soomaaliyeed oo qaaliga ahaa inaan aad iyo aad uga xunahay, ugana xanuunsaneyno in badana aan ku baaqnay nabadda”. ayuu kusoo gabagabeeyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta uu dib u qarxay dagaalka magaalada Laascaanood, kaas oo saaka ka billowday duleedka magaaladaas ee waqooyiga Somalia The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo XOG cusub ka bixiyay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay xalay koox ciyaal weero ah ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wadadaad lagu magacaabi jiray Mowliid Macallin Cabdullahi waxa ay ku dileen gudaha degmadaasi. Marxuumka oo caanka ahaa degmada Kaaraan ayaa la dilay inta u dhexeysa salaaddii Maqrib iyo Cishaha, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda ciyaar weerada ee dilka fulisay ay goobta isaga carartay, waxaana dhacdadaan walaac ay ku abuurtay dadka shacabka ee ku nool halkaasi. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in wadaadka lagu dhuftay illaa 4 mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, inta loo waay isbitaalka. “Afar mindi oo kala dar-daran ayaa lagu dhuftay hal bowlaha ayaa looga dhuftay, wuxuuna ku dhintay isbitaalka,” ayuu yiri qor ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya kooxda dilka geysatay aysan agabkii uu sitay, gaar ahaan taleefanada aysan ka qaadan, balse iska dileen, kadibna ay goobta ka carareem. “Laba taleefan ayuu watay mid weyn iyo mid yar waxna kama qaadan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi. Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin kooxaha ciyaal weerada ee haatan dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay dhowaan Muqdisho ka billowday howlgal nooc cusub oo ay ku beegsaneyso kooxaha ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan. Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada. The post Koox ciyaal weero ah oo wadaad ku dishay Kaaraan appeared first on Caasimada Online.
  10. Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka doodaya Ajamdayaal dhowr ah’ waxaana lasoo xiri doonaa Kalfadhiga 2-aad ee golaha iyaga oo geli doona Fasax. 1. Dhaarin Xildhibaan Mukhtaar oo dhawaan lagu doortay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuna guuleystay kursiga HOP#176 oo uu ka geeriyooday Aabihiis EX Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo sanadkii 2022. 2. Hadaljeedinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Xiritaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka -11aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaannada ay geli doonaan fasax bisha Ramadaan, golaha shacabka ayaa kala fadhigii labaad ku meel mariyay sharciyo dhowr ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Baidoa (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud concluded the National Consultative Conference in Baidoa on Friday. Southwest President Abdiaziz Laftagareen, Hirshabelle President Ali Gudlawe, Galmudug President Ahmed QoorQoor, Jubbaland President Ahmed Madobe, Prime Minister Hamza Barre, and Mayor of Mogadishu Yusuf Jima'ale attended the meeting. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Khubad ka jeediyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah sida dowlad dhiska, guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab iyo xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood. “ Waxaa meel fiican mareysa dib u xoreynta dalka oo runtii howl culus laga qabtay oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u istaageen, ma jiro qof Soomaaliyeed oo aan door ku lahayn dib-u-xoreynta dalka, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalkana waa ay ku wada jiraan, kuwo hadda dagaalka si xoog leh uga dhacaya oo gabagabo ayay marayaan, kuwana hadda ay bilow yihiin,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha oo ka hadlayay xaflad sagootin ah oo xalay magaalada Baydhabo loogu sameeyay Madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa markale soo hadal qaaday arrinta Laascaanood iyo dhibaatada ka jirto ee soo gaaray dadka rayid ah ee ka Barakacay magalaada. “Beryahan waaad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran, in badan oo horena waa ka hadalnay waxaasi in ay na gubayaan na dhibayaan aanan raali ka ahayn, kuna faraxsaneyn kuna qanacsaneyn, dadkii dhintay oo Soomaaliyeedna oo qaaliga ahaa inaan ka xunahay oo aan in badan ku baaqnay nabadda,”. ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay xaaladda Magaalada Laascaanood. Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo muddo labo maalmood ah magaaladaas uga socday madaxda dowladda Dhexe ,Dowlad Gobolleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo laga soo saaray warmurtiyeed ku saabasan wixii dhinacyado ay isku raaceen muddadii uu soday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. A 26-year-old woman was charged with first-degree murder Tuesday in connection with a fatal shooting at an apartment complex in Seattle’s Othello neighborhood earlier this month, according to court documents. Source: Hiiraan Online
  14. Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirweynaha Waxbarashada Qaranka, kaas oo muddo Shan maalin ah ka socday caasimadda dalka, shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta sare, waxaana ka qeyb galay Qurabarro kale duwan ee dhanka Waxbarashada iyo marti-shafar kale. Shirka ayaa muddadii uu socday waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ku saabsan sidii loo jiheyn lahaa oo meel sare loo gaarsiin laha Waxbarashada dalka, iyadoo gabagadii laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 19 qodob kuwaas oo dhammaantood si qoto dheer looga hadalay, dood adagna looga yeeshay muddadii shirka lagu jiray. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo hadalay xilligii gunaanadka Shirweynaha ayaa sheegay inuu ballan qaado fulinta qodobadii kasoo baxay Shirweynaha oo lagu gorfeeyay muddadii lagu jiray iyadoo la sheegay caqabadaha jira iyo sida loo xalin karo mashaakilaadkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Finnish voters go to the polls at the beginning of April, in a closely-fought campaign that sees Prime Minister Sanna Marin's Social Democrats in a tight three-way race against the conservative National Coalition Party, and the the far-right populist Finns Party. Source: Hiiraan Online
  16. Waxaa Saakay markale dagaal xoogga uu dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka, dagaalka ayaa yimid xilli Magaaladu deganeyd maalmihii lasoo dhaafay oo ay dhaqan gashay xabad joojin iskeed uga hirgashay dhinacyada. Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan dagaalka oo bilowday waabigii salaadda Subax kadib, uu ka qarxay dhowr jiho oo magaalada ah, gaar ahaan dhinacyada Galbeedka iyo Bariga, sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya halkaas, waxaana sidoo kale la maqlayaa daryanka Madaafiic xooggan oo ku dhacaya qeybo kamid ah magaalada. Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku eedeynaya in mid waliba isagu weerarka soo qaaday, xukuumadda Muuse Biixi ayaa sheegatay in ciidamo Puntland iyo kuwa deegaanka ay weerar kusoo qaadeen, walow dad deegaanka ay sheegayaan in ciidanka Somaliland oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus ay soo gaareen duleedka magaalada. Magaalada qeybo kamid ah ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay ku dhacayaan madaafiic ay soo ridayaan ciidanka Somaliland, kuwaas oo lala beegsanayo goobaha dadka Rayidka ah, xilli dowladda federalka, Qaramada Midoobey Beesha Caalamka ay ka digeen beegsiga goobaha dadka Rayidka ah ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Laascaanood ayaa maalmihii ugu dambeysay aheyd mid degan, waxaana la filayay dhaqan galka jeshii ay wada gaaraan dhinacyada, kaas oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Itoobiya, dagaalka ayaa kusoo aadaya xilli loogu baaqayo dhinacyada in ay isugu yimaadaan liiska wada hadalka si loosoo gabagabeeyo dagaalka ka socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Cardiff (HOL) - Eng. Yarow Sharif Adan, chairman of the Somali Bantu or Wagosha Cultural and Political Council, passed away in Cardiff, UK, on Friday. Yarow was also a scholar and politician who played a role in the re-establishment of Somalia's government but spent his later years abroad due to his advocacy for the justice of his Bantu community in Jubba. He frequently criticized the Jubaland administration's injustices. Source: Hiiraan Online
  18. Laascaanood (Caasimada Online) – Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay dhor jiho oo duleedka magaalada ah, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaca ka qaaday inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland. Dhanka kale warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee maamulka Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaana Somaliland ay ku eedeysay inay soo qaaday Puntland oo kaashaneyso koox argagixiso ah iyo kuwa nabad diid ah. “kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanoodm” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Somaliland Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiisay dhinacyada soo weeraray. “Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka Somaliland. Waxaa kale intaas la raaciyay “Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi”. Laascaanood ayaa muddo ka badan bil waxaa ka socda dagaallo qaraar, waxaana lagu guul dareystay in la sameeyo xabad joojin, kadibna ay wada-hadlaan labada dhinac. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay Laacaanood appeared first on Caasimada Online.
  19. KANSAS CITY, Mo. — A 38-year-old Kansas City, Missouri man is charged in the deadly shooting earlier this week of 30-year-old Abdullahi Yussuf. Source: Hiiraan Online
  20. Duale said Dahabshiil will double its efforts towards the betterment of women in business in the Horn of Africa and East Africa. Source: Hiiraan Online
  21. Magaalada Baydahabo ee xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo socday muddo laba maalmood ah. Shirka ayaa waxaa looga hadalay Federaleynta nidaamka Maaliyadda dalka, Dimuquraadiyeynta iyo sidii loo dhammeystiri lahaa heshiiskii qaab dhismeedka amniga Qaranka 2017-kii, waxaa kale oo si qote dheer looga hadlay in laga shaqeeyo doorasho qof iyo cod ah oo looga guuro doorasho dadban oo muddo soo socotay. Madasha Shirka Watashiga Qaran ayaa waxaa sidoo kale madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle looga dalbaday in ay qeyb ka qaataan sidii madaxweyne Deni loogu qancin lahaa inuu qeyb ka noqdo heshiisyada laga gaarayo masiirka dalka, waxaa lagu wadaa in safar ay ku gaaraan magaalada Garoowe si ay kulamo ula qaataan. Shirka Madasha wadatashiga qaran ayaa sidoo kale waxaa lagu bogaadiyay guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaannada ayka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo deegaanno iyo degmooyin looga saaray dagaalamayasha Al-shabaab, waxaana lagu go’aamiyay in la sii labajibaaro dagaalka oo galaya wajiga labaad. War-murtiyeedka Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa gabagabadii baaq waxaa loogu diray dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo loogu baaqay in wax waliba lgu xaliyo wadahadal iyo isafgarad, lagana foogaado beegsiga goobaha dadka Rayidka ah ay degan yihiin ee magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com