Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. NEW YORK (Caasimada Online) – As the country anticipates a possible historic indictment of former President Donald Trump, a New York grand jury failed to convene as expected on Wednesday. This delay has pushed back the decision, potentially into next week, and added a new twist to the drama surrounding the hush money paid to porn star Stormy Daniels. The prospect of Trump being indicted has been steadily building, especially after the former president announced he was expecting to be arrested. In response, New York City has been on high alert for days, with barricades outside Trump Tower and a strong police presence. However, the expected grand jury session was called off, and unnamed law enforcement officials reported to multiple US outlets without providing a reason. According to The New York Times, such interruptions are not unusual. The jury panel, which typically meets on Thursdays, may not gather again this week, Insider cited one source as saying. This means the earliest a decision could be reached is Monday. Unprecedented consequences If the panel eventually votes to indict, 76-year-old Trump would become the first former or sitting president ever to be charged with a crime. This unprecedented move could significantly impact the 2024 election campaign, in which Trump is running to regain office. It would also raise the possibility of a former world leader being arrested, booked, fingerprinted, and potentially handcuffed. Despite the potential spectacle, The Times reported that Trump favors the idea of being paraded in front of cameras by law enforcement, a tactic known as a “perp walk.” On the other hand, Prosecutor Alvin Bragg likely wants to avoid any such spectacle that could provoke Trump’s base. The grand jury and the hush money case Bragg formed the grand jury in January after investigating the $130,000 payment to Stormy Daniels in 2016. Grand juries operate behind closed doors to prevent perjury or witness tampering before trials, making it nearly impossible to follow their proceedings. A spokesperson for Bragg informed AFP that she couldn’t comment “on grand jury matters.” Even after the panel decides, it is unclear when Bragg would announce any charges. Legal experts suggest it could take some time before Trump, currently at his Mar-a-Lago resort in Florida, is arraigned before a Manhattan Criminal Court judge. The payment to Daniels was made just weeks before the 2016 election, allegedly to prevent her from going public about an affair she claims she had with Trump years prior. Trump denies the affair and has labeled the inquiry a “witch hunt.” Trump’s former lawyer and the Legal implications Trump’s ex-lawyer-turned-adversary Michael Cohen, who testified before the grand jury, states that he made the payment on Trump’s behalf and was later reimbursed. If not adequately accounted for, this payment could result in a misdemeanor charge for falsifying business records. The charge could be elevated to a felony if the false accounting was intended to cover up another crime, such as a campaign finance violation, which carries a penalty of up to four years in prison. Analysts argue that this legal theory is untested and challenging to prove in court, making jail time uncertain. The long road ahead An indictment would initiate a lengthy process that could last several months or longer. As the case moves toward jury selection, it would face numerous legal challenges and pose a security headache for Secret Service agents protecting Trump. While Trump has called for demonstrations if he is charged, protests thus far have been small and muted, despite fears of unrest akin to January 6, 2021, riot at the US Capitol. New York police have set up barricades outside the courthouse and Trump Tower. Trump is facing multiple criminal investigations at the state and federal level over possible wrongdoing, many of which are more serious than the Manhattan case. These include his efforts to overturn his 2020 election loss in Georgia, handling classified documents, and potential involvement in the January 6 rioting. Observers are divided on the implications of an indictment for Trump’s 2024 chances. Some believe it could harm his prospects, while others argue it might bolster his support among his base. As the nation awaits the grand jury’s decision, the outcome could send shockwaves through the political landscape and set a historical precedent. The post Trump’s ticking time bomb: Grand jury delays decision appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 21 qodob, qodobadaas ayaa lagu soo koobay waxyaabihii u qabsoomay dowladda todobaadkaan gabagabada ah, bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayey Arbaco kasta soo saartaa dowladdu. Hoos ka akhriso qodobada bayaanka todobaadlaha ah ee dowladda: 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kheyraadka uu dalka leeyahay sida shidaalka iyo kalluunka looga faa’ideysan doono horumarka iyo dib u dhiska dalka. 2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan hiigsiga 2060 ee sameynta Soomaaliya horumarsan oo casri ah, xilligaas oo ku began 100-Guurada markii ay Soomaaliya xorrowday. 3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaaney Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dhaqanka cusub ee ay bilowday ee ku aaddan isla xisaabtanka kadib markii Muqdisho daaha looga rogay bandhigga waxqabadka dowladda iyo isla xisaabtanka. 4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed loo diyaariyo barashada xirfadaha kala duwan ee caalamka ka jira si ay dunida ula tartamaan. 5- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadeyso waxqabad iyo isla xisaabtan isla socda si loo xoojiyo dowladnimada iyo kalsoonida shacabka. 6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Uganda Yowero Museveni ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Uganda tababar ku qaadanayey. 7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu magaalada Kampala kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni kaga wadahadley barnaamijka fulinta wejiga labaad ee dagaalka agu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabab. 8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay siddeed sharci oo cusub oo kala ah a) Sharciga La Dagaalanka Argagixisada. b) Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. c) Sharciga Socdaalka. d) Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha. e) Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo. Kheyraadka Dhulka Hoostiis. f) Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha. g) Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. h) Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed. 9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ku baaqey in la joojiyo dhiigga ku qubanaya Laascaanood. 10- Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo la xiriira dhanka horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka. 11- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Bankiga Dhexe iyo Xarunta Warbixinada Maaliyadda oo kala shiray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefonnada gacanta fulinta go’aanadii Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023. 12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Kenya kulamo kula qaatey madaxda milateriga dalkaasi, kana wadahadley iskaashiga labada dal ee dhanka amniga. 13- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeybgaleen madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo. Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka iyo dhameystirka heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka. 14- Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in degaanno kor u dhaafaya 70 laga xoreeyay argagixisada Khawaarijta Al Shabab tan iyo markii ay bilowdeen hawlada ka dhanka ah argagixisada. 15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo in ka badan 30 ka mid ah Khawaarijta Al Shabab ku dilay Shabeellahe Dhexe. 16- Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis iskaashi maalgashi ah. 17- Wasiiradda Warfaafinta DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo shir ku saabsan iskaashiga warbaahinta dalka ugu soo gabagaboobey magaalada Kismaayo. 18- Wasaaradda Dhallinyarada ee Soomaaliya ayaa diyaarineysa qorshe lagu soo bandhigayo siyaasadda ka hortagga maandooriyaha. 19- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo xeer nidaamiye ka soo saartey lacagaha laga qaadayo adeegyada maxkamadaha. 20- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleystay abaal marin caalami ah oo lagu siiyey hufnaanta shaqo iyo adeegga. 21- Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 11 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya. =========== DHAMMAAD========== The post Aqriso: DF Soomaaliya oo xaaladaha dalka ka soo saartay bayaan 21 qodob ah appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta soo xiray tartanka kubadda cagta ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir oo sanadkaan ay koobka qaadeen cayaartoyda degaanka Gubadley ee waqooyiga magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa u hambalyeeyey xulka deegaanka Gubadley oo ku guuleystay Koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir oo ka socday Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, isagoo guddoonsiiyey Koobka tartanka. Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey xulka degmada Warta-Nabadda oo soo gaaray cayaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in cayaartoyda, macallimiinta iyo maamulka Kubadda Cagta ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran. “Waxaan rajeynayaa in cayaaruhu ay dhallinyarada ka ilaaliyaan ku biirista fekerka xagjirnimada, ma shaqeyste-nimada iyo daroogada, jidka toosanna ku hagaan,” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaan kuligeen u xil saarannahay inaan nabadda ka shaqeyno oo isku xirnaanno guryaheenana garan waaga ka saarno.” Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, kana tarjumaya qiimaha nabadda iyo is-dhexgalka bulshadu ay u leeyihiin horumarka caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan. Hoos ka daawo The post Daawo: R/W Xamza oo soo xiray cayaarihii ka socday Muqdisho – Yaa qaaday Koobka? appeared first on Caasimada Online.
  4. Hargeisa (HOL) - Several local councils and parliament members, elected from the eastern Hargeysa, western Burco, and Eerigabo districts, have accused President Bihi of undermining the unity of the community. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaqa Madaafiic ayaa caawa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaa oo baqdin xooggan ay ka muujiyeen dadka ku nool caasimadda Muqdisho. Madaafiicda jugtooda la maqlay oo tira ahaan toban ku dhow ayaa waxay ku dhaceen degmooyin kala duwan oo ka tirsan caasimadda, kuwaasi oo aan la ogayn halka ay sida rasmiga ah ugu dhaceen. Sidoo kale weli lama ogaan hadii uu jiro khasaare ay geysteen madaafiicdaas. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka geysata weerarrada noocaan ah, iyagoo kaga dan leh arbushaad amni, maadaama aysan wax bartilmaameed ah laheyn madaafiicda ay ku garaacaan caasimadda. Shacabka magaalada Muqdisho ku nool ayuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaraa weerarrada madaafiicda ah ee kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysato, balse waxay ku faanaan inay bartilmaameedsadeen masuuliyiin dowladda ka tirsan. Weerarkaan madaafiicda loo adeegsaday ee caawa Muqdisho ka dhacay ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Inta badan Al-Shabaab waxay kordhiyaan weerarradooda markii la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado oo umadaha Islaamka ah ay aad u jecelyihiin. Dowladda Soomaaliya, weli kuma guuleysan inay xakameyso weerarrada madaafiicda loo adeegsado ee Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho, waxaana la aaminsan yahay in gudaha ama daafaha dhow ee caasimadda laga soo rido hoobiyaha lagu garaaco shacabka reer Muqdisho. The post Madaafiic caawa lagu garaacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoona u rajeeyay iney nabad iyo caafimaad ku soomaan. Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ku baraarujiyey inay ka faa’iideystaan fursadaan oo si fiican ay u cibaadeystaan, “Bishaan Ramadaan waa fursad sanadkiiba halmar nasoo marta,” ayuu yiri. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is cafiyaan, “Walaalkaaga ay wax kaasoo gaareen iska cafi, cid kasta oo wax kaa tirsatana cafis weydiiso,” ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay umadiisa. Madaxweynaha ayaa codsaday in la gargaaro dadka Soomaaliyeed ee aan waxaba heysan, kuwaas oo macquul ay tahay in afurka ay waayaan, isagoo xusuusiyey inta wax heysata inay gacantoodu gaarto inta liidata. “Wax siiya inta aan heysan, si Ilaahey noogu wada gargaaro, aan u naxariisano dadkeena danyarta ah oo aan ku kaalmeyno wixii aan awoodno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi ayaa isna yiri, “Fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay xoojiyaan caawinta iyo garab istaaga, qoysaska danta yar, gaar ahaan kuwa u nugul culayska dhaqaale ee bishan.” Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadan, isaga oo sheegay inay tahay bishii cibaadada iyo is cafinta, loona baahan yahay in laga faa’iideysto. Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa caawa dhalatay waxaana laga arkay gobollada Soomaaliya qaar, sida Gedo iyo Mudug, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka arkay bisha. Bishii dhamaatay ee Shacbaan ayaa maanta la buuxiyey 30-keeda, waxaana la isku raacsanaa in Khamiista berri ay tahay maalinta 1-aad ee Ramadaan. Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo dowladaha Islaamka ugu weyn ayaa shalay ku dhawaaqday in Khamiista la soomayo, maadaama Arbacadii maanta la buuxiyey 30-ka Shacbaan, kadib markii shalay la arki waayey bilashada bisha Ramadaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxda sare ee dalka oo bulshada u dirtay farriimo la xariira bilashada Ramadaan appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa maanta soo xiray shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasi oo looga arrinsanayay qaadista xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa la iskula meel dhigay habraacyada loo marayo qaadista cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya sanadaha badan. La-taliyaha oo xiritaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen dardar-galinta qorshayaal muddeysan iyo habraacyo loo marayo geeddi socodka qaadista cuna-qabateynta hubka ee waqtiga dheer saaran dalkeenna. ‘’Waxaan ku guuleysannay gaaridda in badan oo kamid ah halbeegyadii loo baahnaa, kuwa dhimana sanadkan gudihiisa ayaan dhammeystiri doonaa,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ma ahan riyo iska fudud in la qaado cuna-qabataynta hubka ee waa arrin lagama maarmaan ah si aan ula wareegno mas’uuliyadda amniga Qarankeenna.” Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday beesha caalamka, xubno ka socda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysay shirkaan. Waa shirkii afaraad ee noocaan oo lagu qabto Muqdisho, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay garwadeen ka tahay, iyada oo sanad kasta shirkaan looga doodo sidii cuna-qabataynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya. Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cuna-qabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka. The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo soo dadajineysa qaadista xayiraadda hubka appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) - On Wednesday, Somali forces, including the 5th unit of the 16th Brigade and Jubbaland administration's security forces, carried out a planned operation to target Al-Shabaab fighters in the Lower Jubba region. The operation resulted in the deaths of five suspected Al-Shabaab operatives. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Onlie) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay caqabadihii kala duwana ee uu la kulmay markii uu xilka qabtay ayaa waxa uu sheegay inuu la kowsaday iyada oo dalka ku jiro go’doon siyaasadeed. “Waxaa la ii magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha dalka oo ku jiray wax lagu tilmaami karo go’doon siyaasadeed oo aan xiriir wanaagsan la laheyn in badan oo kamid ah caalamka oo ay ku jiraan qaar kamid ah dowladaha deriska,” ayuu yiri. Mudane Xamza ayaa sidoo kale waa uu sheegay in xilka uu yimid xilli ay dadka la qabsadeen dhaqan ah la-noolaanshaha Al-Shabaab, taasi oo cinwaankeedu yahay af-daboolan dahab, sida uu sheegay. “Waxaa jirtay amni darro baahsan oo sababtay in cadowga Khawaarijta si buuxda u kontaroolaan noloshada bulshada, gaar ahaan Ganacsiga iyo Garsoorka oo waxaa daafaha caasimada ka furna maxkamado ku sheeg loo dacwoodo iyo xarumo dadka lagu boobo, xoolahoodana si baad ah looga qaato.” Xukuumadda uu hoggaamiyo ayuu sheegay inay yeelaneysa dhaqan ka gedisan xukumadihii ka horeeyay, kaasi oo dhabaha u xaaraya isla xisaabtan ku dhisan in xilku yahay masuuliyad ee uusan ahayn meel la isku sharfo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in wasiiradiisu diirada saari doonaan deyn cafinta, qabyo-tirka dastuurka iyo dib-u-heshiiinta, suulinta kooxda Al-Shabaab iyo daryeelka dadweynaha. “Waxaa ogolnahay haddaan nahay xukuumadda Dan-Qaran in nala xisaabtan madaxweynaha Jamhuuriyada, labada Aqal ee BF iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan, diyaarna u nahay in aan dhageysano taladooda iyo toosintooda oo ka jawaabno su’aalahooda.” Hadalkan oo Xamza uu ka sheegay munaasabad ay xukuumadiisu kusoo bandhigeysay waxqabadkeeda ayaa loo arkaa mid uu ku durayo xukuumadihii ka horeeyay, gaar ahaan tii u dambeysay ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo. The post Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay inuu la kowsaday go’doon siyaasadeed iyo mid… appeared first on Caasimada Online.
  10. Deegaanka Gubadleey ee duleedka caasimadda ayaa galabta ku guuleysatay tartan degmooyinka deegaannada gobolka Banaadir oo Finalka isku Wajaheen degmada Warta-Nabadda. Laba kooxood ayaa ciyaarta labadii qeyb isku mari waayay goolal la’aan, kadib Gool ku laadyo la dhigay waxaa 3 iyo 4 ay guusha ku raacday deegaanka Gubadleey ee duleedka Muqdisho. Deegaanka Gubadleey ayaa dhigay Rikoor ah inuu noqday deegaankii ugu horeeyay oo ku guuleystay Koobka kooxaha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir ee sanadka 2023. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka. “Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. Tallaabadan ayaa sida qoraalkaas lagu sheegay xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda. Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka. TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bilood kadib markii dagaalka uu qarxay. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Ethiopia oo liiska argagixisada ka saaray TPLF appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah deegaano horleh, kuwaasi oo ay kooxda ka talinaysay sanado badan. Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saxiibada caalamka ayaa waxay halgan xooggan kadib ay gacanta ku dhigeen in kabadan 70-gobood, sida lagu shaaciyay bandhigga Waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. “Dagaal ayaad ku jirtaan, waa in aan la joojin annagana kan xukuumad ahaan garabkiina ayaanu nahay, wuuna soconayaa dalkana waan ka xoreyneyna kooxaha Khawaarijta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Deegaanada lagu xoreeyay wajiga koowaad ee dagaalka socda ayaa waxay isugu jiraan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah. Waxaa la isku furay waddooyinka u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan, Buulabarde iyo Maxaas, ayada oo dowladda sheegtay in laga hortagay dhaq-dhaqaaqa kooxda iyo gurmadka oo laga jaray goobihii muhiimka u ahaa ee ay isaga kala gooshi jireen sida Buundada Xawaadley. Sidoo kale deegaanada Masagawaa, Moqokori, Galcad Qayib, Masaajid Cali-gaduud iyo Janaay Cabdalle oo marina muhiim ah ayaa gacanta lagu dhigay intii uu socday wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidan badan oo tayo leh oo lagu soo carbiyay dalka iyo dibadd, iyada oo ka duleeysa baaxada dhulka u baahan in la xoreeyo ee weli ku jira gacanta kooxda. “Waxaa la dar-dargaliyay qorista iyo isku dhafka ciidan cusub iyada oo loo maray habraaca khurista ciidamada xoogga dalka, islamarkaana laga soo kala qoray guud ahaan gobolada dalka si ay qeyb uga noqdaan howl-galka socda ee Khawaarijta looga saarayo dalka.” Xukuumadda ayaa sidoo kale shaacisay in wejigii koowaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa kooxda, laguna dhaawacay 3,700 oo kale. “Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). The post DF oo shaacisay degaanada Al-Shabab looga qabsaday wajiga koowaad ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  13. United Cities and Local Governments of Africa (UCLG Africa) PRESS RELEASE Training of a 1st Class of African Trainers on Climate Action 21 participants from seven African countries, benefited from this session held in the ISIC premises in Rabat, Morocco Access Multimedia Content RABAT, Morocco, March 21, 2023/ — From March 01 to March 10, 2023, United Cities and Local Governments of Africa (UCLG Africa) (www.UCLGA.org), through its African Local Government Academy (ALGA), in partnership with the French Ecological Transition Agency (ADEME), and with the support of the Higher Institute of Information and Communication (ISIC), organized the 2nd Training Session for Trainers on Climate Action: Ecological Transition, Climate Plan and Strategy for Adaptation to Change Climate. 21 participants (including 16 Certified Trainers and 5 Observers) from seven African countries (Benin, Cameroon, Central African Republic, Côte d’Ivoire, Djibouti, Mali, Morocco, and Togo), benefited from this session held in the ISIC premises in Rabat, Morocco. This 2nd Training of Trainers Session (ToT) targeted Local Elected Officials, Territorial Executives in charge of issues related to Climate Action (Climate Change, Sustainable Development, Environment, Climate Plan), Experts and Professors, as well as resource persons. This 2nd Session follows a first session which was organized within the framework of the 6th edition of the African Forum of Territorial Managers and Training Institutes targeting Local and Regional Governments, during the annual meeting of ALGA from UCLG Africa (FAMI6_2022), from November 28 to December 03, 2022 in Agadir (Morocco). During ten (10) days, learners benefited from awareness raising, training, capacity building and coaching on 4 Modules relating respectively to Module 1: Territorial strategy for adaptation to climate change in African cities; Module 2: Introduction to the Ecological Transition of Territories; Module 3: Methods for developing and leading a Territorial Climate Energy Plan (PCET); Module 4: Andragogy and Adult Education. This program was prepared, implemented and animated after a long process of adaptation, testing and reframing of the pedagogical content to the local African context by the following team of Trainers and Experts: Ms. Muriel DESGEORGES, International Project Manager at the ADEME Agency (France); Dr Joseph Magloire OLINGA OLINGA, Consultant of UCLG Africa/ALGA (Cameroon); Mr. Stéphane SIMONET, Director of Cabinet Acterra (France); Dr. Parfait C. BLALOGOE, Consultant of UCLG Africa/ALGA (Benin); Mr. Sébastien DENIS, Director of Cabinet Equinéo (France); Mr. Abdelmajid DAHAB, Consultant of Cabinet LMS-ORH (Morocco). “The training we have provided will endow local elected officials so that they are operational once in their territory. Since 2015, national Governments have adopted Nationally Determined Contributions (NDCs) and have committed to carrying out climate action in the field of adaptation and mitigation. To achieve this, it is important that local elected officials and African territorial executives be able, on the one hand, to be able to develop territorial strategies for adaptation to the impacts of climate change, but also to implement actions resulting from these adaptation strategies”, said the Trainer, Dr. Joseph Magloire OLINGA OLINGA, Consultant of UCLG Africa/ALGA. The Program was crowned by the organization of a Certificate Ceremony for this 1st Class of African Trainers, on Friday, March 10, 2023, in the presence of: -Mr. Jean Pierre ELONG MBASSI, Secretary General of UCLG Africa; -Mr. Philippe MASSET, Europe and International Director of the ADEME agency (by videoconference); -Dr. Najat ZARROUK, Director of Development, Knowledge Management and ALGA of UCLG Africa; -Mr. Abdessamad MOUTEI, Deputy Director in charge of Continuing Education and Internships at ISIC; -Mr. Radouan YESSOUF, Deputy Director of the Strategy and Development Division of the Moroccan Agency for Energy Efficiency (AMEE). “The issue of climate change must be faced with full knowledge of the facts. This is why those who carry this knowledge like you must feel invested with a particular mission to get out of people’s heads the idea that climate change is a hoax, secondly, to convince people that it is necessary to adapt to it, and thirdly, that we must anticipate its effects”, declared Mr. ELONG MBASSI to the laureates before continuing: “Almost 75% of the funding that has been put into the fight against climate change has been injected into mitigation. On the other hand, regarding adaptation to climate change, which is Africa’s number one problem, there is no metric. And because there is no metric, we don’t know how to find the money for this component. Currently, things are so out of balance that African priorities are not taken into account in the climate finance system. We are counting on you to lead the advocacy for greater consideration of adaptation and resilience to climate change as an African priority”. On the side of the ADEME agency, Mr. Philippe MASSET invited the beneficiaries whom he described as “The Climate Army” to be Ambassadors of the cause. “I am delighted to have this partnership with UCLG Africa which allows you dear participants to be trained on this major issue which must be made understood, and which must be disseminated, to ensure that the populations, the different decision-makers, and the various schools can also disseminate this extremely important message relating to the need to adapt to climate change and to act in everyone’s daily life so that the impacts are as minimal as possible for all citizens ”. “This training will undoubtedly allow participants to engage in future training. We are very happy to see this pool of trainers engaged alongside us to launch new initiatives in the African continent. We wish you a good continuation in your future actions”, declared ISIC’s Mr. Abdessamad MOUTEI. Among the beneficiaries of this Training of Trainers Program, Mr. Abdoulkader Iman Aden, Mayor of Boulaos (Djibouti), said: “This training has been very helpful. The modules were very well delivered for the future trainers that we are. In our action plan, we are implementing activities for a green and clean commune. In Djibouti, we have 360 days of sunshine as well as extreme weather events that cause flooding during the rare rains of a day. This is due to climate change. These floods have caused a lot of damage and death in the past. The construction of the Friendship Dam has reduced the impact of these heavy rains.” Enclosures: Interviews conducted during the training: https://apo-opa.info/3Jz41qS Distributed by APO Group on behalf of United Cities and Local Governments of Africa (UCLG Africa). SOURCE United Cities and Local Governments of Africa (UCLG Africa) Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay gawaari nooca qufulan ah oo xabaddu karin, kuwaasi oo ay ugu deeqday dowladda Talyaaniga. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta safaaradda Talyaaniga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaadiidkan la wareegay Wasiiru-dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Gaadiidkan ayaa waxaa loogu tala-galay ciidamada Booliska Daraawiishta Soomaaliyeed, kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galada ka socda dalka. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda gadiidka ay dowladda kula wareegayso ayaa sheegay inay wax badan ka tari doonaan dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “Talyaanigu waxa uu qeyb weyn ka yahay dhismaha ciidanka Daraawiishta oo waxay gawaaridan wax badan ka tarayaan howl-galada socda, sidii goobo fog fog oo ciidanka ka howl-galaan oo aan ugu gaari laheyn, si kalsooni leh oo ciidanku wataan gaadiid ay xabadu karin, ayna wax badan ka badalaan howl-galka ciidanka ku jiraan,” ayuu yiri. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xaggaa ayaa dhankiisa u mahad-celiyay dowladda Talyaaniga, isaga oo xusay inn ay taageero hagar la’aan ah la garab taagan yihiin ciidanka booliska. “Waxaa ka mahad-celinayna baabuurta xabaddu karin, waxaa codsaneyna in ciidanka Daraawiishta ah ee Jabuuti noogu tababartaan lambarkooda noo kordhisaan, sababta oo ah waxaan u baahanahay ciidan fara badan oo ciidamadii meeshii ay xoreeyaan kala wareega oo suga amnigooda deegaanadaasi,” ayuu yiri. Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ujeediyay madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howl-galada ka dhanka kooxaha argagixisada. Talyaaniga ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka gacan siiya dhanka tababarada ciidamada, ayada oo dhawaan taliska Booliska uu Jabuuti u diray ku dhawaad 100 askari oo usoo tababarayo Talyaanigu. The post Sawirro: DF oo Talyaaniga kala wareegtay gawaari qufulan appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee dalka, gaar ahaan amniga caasimada Muqdisho oo uu sheegay in weli ay sareyso khatarta ka taagan, xilli uu socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa waxa uu xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre usoo jeediyay in wasaaradaha laga saaro “dilinta cagaaran” ee ay ku jiraan, islamarkaana xarumahooda gudaha magaalada loo soo saaro. “Dilinta cagaaran in aad qaadan ayaa la idinka rabaa wasiirada oo la dago magaalada, Deyniile iyo Warshadaha in aad degtaan ayaa ka idinka baahan yahay. Shacabka magaalada diyaar ayuu idin yahay,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Waxa uu sheegay in arrintaan ay horseedayso in si wada-jir ah looga shaqeeyo amniga caasimada, isaga oo tusaale usoo qaatay isbeddalka ka hirgelay dalka Ciraaq oo uu dhawaan ku tegay socdaal. “Nimankaas dadka waa laga garanaya shacabka ma qarinayaan ee caasimadda amaankeeda aan meel saarno, taas ayaa ku darsanaya amniga dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran. “Aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo waxaa aadnay Ciraaq – Baghdad. Waa ogtihiin marxalado badan ayay soo mareen. Dilin cagaaran ayay sameeyeen oo magaalada qeyb yar kaga koobnaayeen laakiin hadda waa ka gudbeen dilintii cagaaran, kadib markii ay usoo dhexgaleen bulshada.” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay hayso dhabihii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, oo khatar amni ku ah Soomaaliya. “Runtii sida uga jawaabteen waa idinka mahad-celinaya, waa la dadaalay dhanka amniga oo ciidamada qalabka sida iyo madaxdeenaba waa dadaaleen oo argagixisada waa lala dagaalay.” Hoos ka daawo The post Daawo: Aadan Madoobe oo soo jeediyay in DF ay qaado dilinta cagaaran ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. “Ninka is leh West Burco Clan kala furfur isaga ayaa waalan.” Xildhibaan Siciid Sokeeye. Qaran News
  17. Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka. “Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. Tallaabadan ayaa xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda, ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaa la xusay intii lagu jiray ka doodista go’aanka qabyada ah in kooxda TPLF oo laga qaado calaamadeynta argagixisanimada ay tahay mid lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo heshiiskii nabadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo TPLF,” ayuu yiri baarlamanka. TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bil kadib markii dagaalka uu qarxay. Intii uu socday dagaal aad u xun, TPLF ayaa mar kusoo dhowaatay inay soo galaan caasimadda Addis-Ababa, hase yeeshee waxaa dib u celiyey ciidamada daacadda u ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka. Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, waxaa dib u billowday adeegyada aas-aasiga ah qaarkood iyo gargaarka la gaarsiinayo Tigray, oo wajahay cunto yari aad u darran, shidaal iyo dawo la’aan. Weli waxaa xaddidan xogta laga heli karo gobolka, waxaana macquul aheyn in si mdax-banaan loo xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee dhulka. Dagaalka ayaa qarxay markii TPLF ay weerareen saldhigyo militari, taasi oo dhalisay weerar weyn oo ay soo qaaday dowladda Abiy oo taageero ka heleysa Eritrea. Source
  18. Guddiga garsoorayaasha ayaa madaxda horyaalka Premier League iyo xidhiidhka kubbadda cagta Ingriiska u gudbiyay in garsooreyaashu si ku meel gaar ah ay u joojin doonaan ciyaarta, si ciyaartoyda sooman ay u afuraan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, sida uu sheegay Sky Sports salaasadii. Garooreyaasha ayaa la siiyay tilmaamo ah in ciyaartooyda muslimiinta ah ay qaadan doonaan wakhti kooban oo ay ku afuraan, waxaana garooreyaasha loo sheegay inay diiwaangeliyaan ciyaartooyda soomman kahor inta aysan ciyaartu billaaban. Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante iyo garabka Manchester City Riyad Mahrez ayaa ka mid ah ciyaartoyda la filayo inay afuraan inta ay socoto ciyaartu. Sannadkii 2021, ciyaar dhexmartay Leicester City iyo Crystal Palace ayaa waxaa hakiyay garsoore Graham Scott, si Wesley Fofana iyo Cheikhou Kouyate ay u afuraan. Source
  19. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka. “Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. Tallaabadan ayaa xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda, ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaa la xusay intii lagu jiray ka doodista go’aanka qabyada ah in kooxda TPLF oo laga qaado calaamadeynta argagixisanimada ay tahay mid lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo heshiiskii nabadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo TPLF,” ayuu yiri baarlamanka. TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bil kadib markii dagaalka uu qarxay. Intii uu socday dagaal aad u xun, TPLF ayaa mar kusoo dhowaatay inay soo galaan caasimadda Addis-Ababa, hase yeeshee waxaa dib u celiyey ciidamada daacadda u ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka. Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, waxaa dib u billowday adeegyada aas-aasiga ah qaarkood iyo gargaarka la gaarsiinayo Tigray, oo wajahay cunto yari aad u darran, shidaal iyo dawo la’aan. Weli waxaa xaddidan xogta laga heli karo gobolka, waxaana macquul aheyn in si mdax-banaan loo xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee dhulka. Dagaalka ayaa qarxay markii TPLF ay weerareen saldhigyo militari, taasi oo dhalisay weerar weyn oo ay soo qaaday dowladda Abiy oo taageero ka heleysa Eritrea. ©AFP, VOA The post DEG DEG: Baarlamanka Ethiopia oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta kooxda TPLF appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) - Millions of people in the Horn of Africa, which includes much of Somalia, Kenya, and Ethiopia, are facing an acute shortage of safe drinking water due to the longest drought on record. A recent report by the international aid organization Oxfam revealed that up to 90% of water boreholes in some parts of the region have dried up completely. Source: Hiiraan Online
  21. Dowladda Itoobiya ayaa kasoo horjeedsatay hadal dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Mareykanka oo sheegayay in dhammaan dhinacyadii ku dagaallamay gobolka Tigray oo ay u horreyso Ciidamada Itoobiya ay galeen dambiyo dagaal. Arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay maalintii shalay ku sheegtay in eedaymaha uu Maraykanku usoo jeedinayo Itoobiya ee ku aadan dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ay yihiin kuwo xaqiiqada ka fog, isla markaana hoos u dhigi kara xiriirka labada dhinac. Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya, kuwa Eritariya, Maleeshiyaadka Amxaarada iyo Maleeshiyaad daacad u ah TPLF ay geysteen dambiyo dagaal oo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha. Balse eedaymahaas waxaa beeniyay dhammaan dhinacyadii loosoo jeediyay, iyadoo la xasuusan yahay in mar hore ay sidan oo kale Eritariya oo gacan siinaysay Itoobiya ay u beenisay in dambiyo dagaal ay ka gaysatay gobolka Tigray intii uu socday dagaalkii Waqooyiga. Si kastaba ha ahaatee, dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay tobannaan kun oo qof, iyadoo tiro intaa ka badana ay ku barakaceen, iyadoo dagaalkaasina ay ka dhalatay gaajo iyo macluul soo food saartay dadka ku dhaqan gobolka Tigray oo ahayd xuduntii colaadda Waqooyiga Itoobiya. Source