Al-Miskiin

Nomads
  • Content Count

    295
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Al-Miskiin

  1. Allah ka cabso Jacaylbaro akhi Not only will u ruin u'r akhira, dad kalena shar baad u seegaysaa, even in the holy month, where we are suppose to become better muslims, and work on our weaknesses. Walaal, ogow nolashu way gaaban tahay, and as much as u see my advice ridiculous or annoying, than know that u'r post will probably be here loong time after u'r death.. Hada kaliya ha ku fakarin. And we certainly dont need dambi after our death. And only Allah knows that sad day when the Angel of death will come to take our souls. May Allah bless u and u'r family, Allahna khaatumadda ha noo hagaajiyo.
  2. Boondheere brother, it seems like that the only thing u are interesting in is that the west have giving u shelter, and accepted u as a part of their society. Waxba kaama galin baan u fahmay wax alle wixii kalay sameeyaan to u'r brothers ee meelaha kale ku nool aduunka, Waxaad tidhi waa munaafiqnimo in gaaladii ku caawisa in aad nacdid, and I am here to tell u gaalka in la naco waaba qayb imaanka ka mid ah. Allah baa quraanka ku yidhi "inallaha la yuxibul kafirin", sidaa darteed, anaguna gaalo ma jeclin maadaama ay muslimiinta caqiidadeedu tahay "Al wala wal bara" Love and hate for the sake of Allah. Waxba yaynan ku sirin dhowr boqol oo doolar oo lagu siiyey akhi, iyo nabad false ah oo heshay, gaaladu kuma jecla- si kastay kuu soo dhawaystaana kuma jecla, Allah baana quraanka ku yidhi "khayr idinlama rabaan"! And what the hide is much worse than what they show. Allah knows our enemy best, marka we should go with that, and not say "ala wadankay noo ogalaadeen, how can we hate them"! Munaafiqnimo waxaa ah in aad gaalada jeclaatid, oo ay ku indho tirto waxyaalo yaryar uu Allah kaaga soo qaaday, indeed far maysan noo qaadi lahayn hadaynan qadarka Allah ahayn. Walaalada soo hadal qaaday "Saudi arabia bay dhaamaan", waxaan odhan lahaa waxba that example ha ku indha beelina, cuz every muslim knows about the Saudi regime, and most of the arab regimes. But the thing is Islam isn't about Saudi arabia, somalia, or Iraq. it's about wuxuu Allah na faray/ na baray and acting upon it.
  3. I really think they should send troops, Waa inay Amniga London sugaan, oo tuugta la dhacaan madaafiic, suuqyada ay isugu yimaadaana weeraraan, u know just like the way ay Amniga Muqdisho u sugi jireen. And maybe later, AMISOM baa xataa ciidan diri karta? And last but not least, waa in Kampala lagu shiraa oo arimaha London lagu falanqeeyaa.
  4. Gaddafi is definitely laughing somewhere.
  5. Afrikaamiinta ku nool the jungle, or so called Zulu. and snakes too lol.
  6. Masha Allah, Sh Boqolsoon(rahimahullah), the likes of him are truly missed today. May Allah grant him Jannah. All his lectures are so beneficial, he was a man that wasn't afraid of saying the truth - whomever it may concern or hurt.
  7. Sh. Muhammad Mukhtar Ash-Shinqitee - Friendship
  8. Sh. Muhammad Al-Mukhtar Ash-Shinqitee - The book of allah
  9. Are u saying, Sh. Sharif is a supporter of Al-shabaab. Wow so many facts, I've leaned a great deal from you akhi. So far: Sh. Sharif is takfiri, and he supports Al-shabaab. But than again, what about when he said AMISOM/Ethiopia are our brothers? Is he playing both part?
  10. Akhi muslim1st, I only quote what Sh. Sharif said. Maybe Oba can answer that question?
  11. Oba, are u saying Sh. Sharif is takfeer? Allahu a3lam, u know him best akhi , so maybe it's true since u said it.
  12. Lol why bro? What did I do wrong? aren't AMISOM our brothers against Al-shabaab? , isn't that what u'r master Shariif said?
  13. Hey hey AMISOM aren't kufar. What is that nonsens Muslim1st. , they are our brothers, that's what Sh. Sharif said.
  14. Aaliyah soonkaadu muusan kaa burin, waa su'aal caan ah oo dadku culimadda waydiiyaan. Laakiin qofku waa inuu iska ilaaliyo inuusan liqin waxyaaluhuu dhakhtarku isticmaalayo. Majmoo' al-Fatawa ibn baz(15/285)
  15. Akhi bal marlabaad akhri waxaan soo qoray. Kuma odhan axadiith buu isticmaalay Ibn kathir markuu aayada tafsiirayey, ee waxaan ku idhi wuxuu ka keenay tafsiirkan dadkii ka horeeyey, ayaguna waxay ka keeneen saxaabadii nabiga. Waa isla sida axaadiith-ta loo uruuriyoo kale. The only difference is waa tafsiir. Taas miyaad dafiraysaa? Dadkaas isku ag qoran khasab maaha inay kuli isku wakhti ahaadaan, midba mid buu ka soo wariyey. Markaa ka ugu dambeeyaa waa Ibn kathir, ka ugu horeeyee sidaas u fasirayna wuxuu ahaa saxaabadii nabiga, markaas saas u fahan. Waliba aan kuu sii raaciyo aayada leh: حَتَّى لاَ تَكُونَ فِتْنَةٌ Aayadan Ibn Cabbas oo ahaa saxaabigii asxaabta ugu cilmiga badnaa xaga tafsiirka quraanka wuxuu yidhi(isla Ibn kathir ka fiiri) waa: (...until there is no more Fitnah) meaning, Shirk. This is the opinion of Ibn `Abbas, Abu Al-`Aliyah, Mujahid, Al-Hasan, Qatadah, Ar-Rabi`, Muqatil bin Hayyan, As-Suddi and Zayd bin Aslam. Waxaan kaloo kuugu sii dari lahaa, xadiithkan Bukhari ku yaala, oo ka hadlaya isla aayada حَتَّى لاَ تَكُونَ فِتْنَةٌ Volume 9, Book 88, Number 215: Narrated Sa'id bin Jubair: 'Abdullah bin 'Umar came to us and we hoped that he would narrate to us a good Hadith. But before we asked him, a man got up and said to him, "O Abu 'Abdur-Rahman! Narrate to us about the battles during the time of the afflictions, as Allah says:-- 'And fight them until there is no more afflictions (i.e. no more worshipping of others besides Allah ).'" (2.193) Ibn 'Umar said (to the man), "Do you know what is meant by afflictions? Let your mother bereave you! Muhammad used to fight against the pagans, for a Muslim was put to trial in his religion (The pagans will either kill him or chain him as a captive). His fighting was not like your fighting which is carried on for the sake of ruling." Intaas oo dhan waxay tusaysaa in Al fitnah meeshan laga wado shirk, wal kufr. Marka labaad, akhi hal ila fahan. Khasab maaha kalmadda "Al fitnah" inay isku macne yeelato markasta. Marba waxa laga hadlayey ku xidhan tahay, Hadaan dhaho "Gabadhaas fidnaa haysata", anoo ka wada in la kufsaday oo kale. Markaa ma waxaan ka wadaa "Gabadhaas dawlad la'aan baa haysata"? Sidoo kale, "Al fitna" markay aayadaas khaaska ah ku jirto waxaa laga hadlayaa Shirk. waana sida ay mufasiriinta oodhani ku fasireen? Adigu halkan waxaad la soo taagantahay, Saxaabadii, Ibn kathir, jalalayn iyo mufasiriintii horee dhani way khaldameen, waxaan laga wadaa "Dawlad la'aan, rabsho, kalmadii bay badaleen"!
  16. Akhi kuma odhan in Ibn kathir, qurtubi, iyo Jalaludin noolaayeen qarniyadii ugu horeeyey(the first three). Laakiin waxaan ku leeyahay bal fiiri Ibn kathiir, dadkuu ka soo wariyey tafsiirka ah Al fitna inay tahay in that context "shirk" sanad sax ah oo ilaa saxaabadii socda. Waxaa ku qoran kitaabkiisa: Abu Al-`Aliyah, Mujahid, Sa`id bin Jubayr, `Ikrimah, Al-Hasan, Qatadah, Ad-Dahhak and Ar-Rabi` bin Anas said that what Allah said [translation of the meaning]: ((And Al-Fitnah is worse than killing.)) "Shirk (polytheism) is worse than killing.'' dadkaas magacyadooda la tirinayo waa sanadka xadiithka, intooda dambena waa wada asxaab. Markaa sidaas u fahan. Waa sida axaadiith-ta Bukhari iyo muslim ku qoran loo soo wariyo, qofba qof kaluu afkiisa ka maqlay, ilaa ay Ibn kathir soo gaadhay. Marka labaad, Culimadii noolayd wakhtigii Ibn kathir iyo culimada maanta nooli akhi wax badan bay ku kala duwan yihiin. Waayo culimadaas hore waxay ahaayeen dadkii cilmigan maanta aynu haynee kutubta ka buuxa uruuriyo, sida axaadiith-ta, kutubta tafsiirka, fiqhiga, caqiidada. Culimada maanta nooli waxay ku soo celisaa uun kutubtaas wixii ku qornaa bay dib u habaysaa inta badan. Laakiin wax kuma daraan. Anigu waxaan ku leeyahay maba jiro qof Al fitna ku fasiray waxaad maanta ku fasirtay adigu. Walaa culimadii hore, iyo kuwa maanta noolba. Hadaad aniga i rumaysanayna akhi bal soo waydii culimadda nool ee aad ku kalsoontahay. Mida labaad Yusuf sidaan horay u sheegay muusan tafsiirin waxa laga wado kalmadda "fitna", wuxuu yidhi uun "fitna"! kalmadda quraanka ku qoran uun buu ku soo celiyey, adigu xagee ka keentay inay tahay "cunfi, iyo rabsho, dhibaato" etc? Adaa intaa keenay akhi. Ana waxaan ku leeyahay kalmadda fitno way noqon kartaa marar sidaad u fahantay, laakiin in this context waa "Al shirk" waana siday saxaabadu ku fasirtay.
  17. Cantarabaqash! you live in the past mate, get u'r stuff together and join the future.
  18. kalmada AL FITNA aniga iyo adigaba waan ognahay insan micnaheedu aheeyn shirk ama kufr ama af soomaali(gaalnimo) DHAMAAN culmada islaamka from indonsia ilaa turkey waxay ku macneeyeen aayadan sida ay tahay xaqiiqiyan ee AH وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ = wal-fitnatun= fitnada way ka xuntay dilka. halkan ka akhri http://quran.com/2/191 Akhil waan ku baryayaa waxaadan cilmi u lahayn ha ka hadlin, wallahi naseexay iga tahay iyo khayr aan kula rabo. Akhil xabiib, kalmadda "fitna" ee aayada ku jirtaa, Salafkii ummaddan baa fasiray. Salaf waa dadkii noolaa sadexdii qarni ee ugu horeeye. Markaa ayagaa naga cilmi badnaa, luuqada carabiga ahna naga yaqaanay. Adigu waxaad u malaynaysaa kalmadda fitno inay iska tahay "dawlad darro iyo buuq"! Akhi Kalmadda fitno waxyaabo badan baa loo isticmaali karaa. Fitno marka hore luuqad ahaan waa "rabsho" oo kale. Ama dadka in la fasahaadiyo. Hadaan qaylo bilaaboo dad badan kala cararariyo waxaa la dhihi karaa "fitnuu bilaabay"! Hadaan dad badan laayo "fitnaa la odhan karaa"! Hadaan dadka kufr iyo qudhun u keeno "waa fitno" Markaa bal marka hore fahan in kalmadda fitno waxyaabo badan ay noqon karto. Marka labaad, mid baad qalad u fahantay. Kalmadda "fitna" it self lagama wado "gaalnimo", laakiin anigu waxaan ku leeyahay "contextka" ay aayadu ku soo dagtay markaas waxaa laga waday "fitnada gaalnimada ah" . Yacni kufr baa markaas laga hadlayey. Waayo kufr xataa waa fitno. Waxaad kaloo qalad u fahantay akhi, culimadda aan soo daliishanayo Wahaabiyo iyo waxaad tidhi waa ragg carab kaliya ah. Akhil xabiib, marka hore culimadda ummadda ee boqolaal sano ka hore dhintay ha ku xadgudbin. Waxaad wahaabiyo u taqaanid maysan ahayn. Ibn Kathir waa mufasiriinta ummadda kuwooda ugu waawayn, Imam Qurtubi sidoo kale. Jalaalynka sido kale. Tabari sidoo kale. Kuligood waxay noolaayaan boqolaal sano ka hor, wahaabiyo waxa la dhahaa maysan jirin. Quraanka adigu intaad iska eegtid iskama fasiran kartid akhi. Tusaale. homepage-ka aad soo qortay http://quran.com/2/191 bal waxaa tabataa Tafsir Jalalayn wuxuu aayadan ka leeyahay: Fiiri halkan bal: http://quran.com/2/191 Carabiga ku qoran fiiri bal tafsiirka hoostiisa, waxaa ku qoran sidan: { والفتنة } الشرك منهم { أشد } أعظم { من القتل } Marka akhi homepage-ka aad daliil u keentay xataa siday culimadu qabeen uun baa ku qoran. Mise tafsiirkaasna Wahaabiyaa qortay? Reer Ahlu Masar buuna ahaa. Wali hal tafsiir iimaadan keenin oo ay culimadii hore qortay oo kalmada "fitna" ee aayadan ku jirtaa laga wado "dawlad la'aan, iyo namaad darro"! Kuli waxay dhaheen waa in this context waxaa laga wadaa "shirk". Ugu damyan i fahan akhi, tafsiirka aayada waxaa sidaas yidhi Saxaabadii rasuulka, sida Cikrimah, Al-xasan(cali bin abi dalib wiilkiisii), Qatadah etc. Marka Allah ka cabsoo ha dhihin wahaabiyey ahaayeen, hawadooday ka hadleen. Waxaad ku sii dartay: cadeeynta aan haayo aniga mufasiriinta aan quraanka waxba ku darsan ee aan isticmaalo waxaa ka mid ah yusuf cali from bakistan allah ya raxma. mukhtar maxamadi from turkey. shakur khan from hindia iyo kuwo kale aad u baddan allaha khayr wada siiyee. Dadkaas aad soo tirisay akhi waa dad mar dhawayd noola oo wakhti aan fogayn dhintay sida Yusuf ali(1953). Markaa ma waxaad leedahay ayagaa saxaabadii nabiga(salallahu alayhi wasalam) ka cilmi badnaa. Waxaan kaloo leeyahay culimadda aad soo tirisay sida Yusuf waxay sameeyeen uun inuu quraanka ku fasiray English. Ogowna waxaa jira wax la dhaho "Sharax" waa taas ta ay culimadii hore samayn jireen. Waayo hadaad eegtid waxa ku qoran tafsiirka Yusuf waa "fitnah" uun, muusan sheegin waxa laga wado "fitnah"! Ma fitnah reer gubtay, ma fitna reer kala tagay, ma fitna gabadh la kufsday baa. Waa fitnadee fitnada aayadu ay ka hadlayso. Waa taas ta ay Saxaabadii rasuulku noo sharaxeen. Oo ay tahay IN THIS CONTEXT "fitnada shirk, gaalnimada". sidoo kale waxan leeyahay, hadii la waydiin lahaa culimadda Yusuf iyo la midkiis, waxa laga wado fidnada aayadan ku jirta, waxay dhihi lahaayeen with out no doubt siday saxaabadu dhaheen uun. Bal Insha Allah waxaan Allah ka rajaynayaa inaad i fahantay, aayadana si fiican u fahantay. Haday sidaas noqon waydo, bal Masjidka ugu horeeya tag oo waydii mufasiriintu maxay ka dhaheen aayada وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ, oo bal waydii dadka ehlul cilmiga ah ee joogaa meeshaas. waxaadna xasuusataa tafsiirka maaha waxyi allah dhinaciisa ka soo dagay dadkaasna waajib maaha inaad raacdo, kaba sii daranee nin aad u jeedo kalmadii allah FIDNATU u badalay gaaal ama kufr. Quraanka aayado badan baa jira oo aanan toos loo fahmi karin hadii aanan la helin saxaabadu waxay ku fasirtay. Markaa in la raaco salafkana waa wajib ina saaran, waayo ayagaa nabiga la noolaa, ayagaana diintay na soo gaadhsiiyey. Dooda inteeda kale, dacaayad iyo waxyaalo aan loo joogin bay noqotay, aayadaas qaladka aad ka gashay uun baa i xiijisay, marka Akhil xabiib hadaadan cilmi u lahayn aayadan akhil karim ka gaabsoo, halkaas kaga hadh.
  19. As-salamu Alaikum akhi aad baan u kala fikrad duwanahay xaqiiqdii. anigu sida aamisanahay fidnada ka jirtaa Somalia, afghanistaan iyo fidnadaas waxaa inta baddan ka masuul ah(fitno walayaasha sida taliban al shabab, alqaida ciraaq nimankii algeria ka dagaalami jiray ee laga guuleystay, nimankaas islaamka ceebeeyey waxay ka siman yihiin sida suicide bombers waa from PAKISTAAN , ciraaq, somalia, algeria. chechtnia dhib maleh, waynu ku kala fakar duwanaan karnaan. Anigu waxaan aaminsanahay fitnada ugu wayni inay tahay Madaxda daba-dhi--lifka ah iyo reer galbeedka wadamadeena faraha kula jira & Calooshood u shaqaystayaasha wadamada muslimiinta gaalo iyo shayaadiin u soo hogaamiyey. Maalin maalmaha ka mid ahna, Allah baa ciqaabi, ciqaab cibro noqota. Waxaad tidhi dagaakii ciraaq waa la badaloo "jihaadistayaal baa boobay dagaalkii"! nin allah ninkii rabaa inuu Ciraaq aadoo ku caawiyo walaaladii halkaas jooga waa loo ogalyahay, muslimiintu wadamadaado ma kala xigaan. . yes waa reason xaqiiqdii first horta sameeyso qoriga aad ku dagaalameysid, ilaheey caqli uu gaalka siiyey mid la mid ah ayuu ku siiyey maxaa kuu diiday inaad sameeysato warplanes, submarinessatellite guided weapons, ama waxaad dooneysaa wiil yaroo BOMB isku soo xidhay hoteel shaamoow inuu soo dhex fadhiistay isku dhex qarxiyo hes fellow somali muslims isagoo mooda inuu jihaadayo? ama a bakistani person bomb caloosha uga xidhan masaajid soo dhex galo isku qarxiya sababtuna masaajidka waa suufiyiin ama dadkiina takfiirinta xalaaleystay dadka gaaleysaan(mushrikiin), ma dagaal noocaas ah ayaad dooneysaa. aniga runtii aad baynu u kala fakar duwanahay. Aniga hadii gurgayga la ii soo galo, sida wadamada muslimiinta badan. Hub samayso iyo warshado samee uma dhaqaaqi lahayn e, inaan waxaan karo sameeyo uun buu Allah i faray. Warshadada aad ka hadlaysid iyo hubabka waawayn intaad samaynaysid, cadawgu miyuu ku sugayaa? Ayadoo dadkaadii la laynayo, oo gabdhahaadii daafaha aduunka lagu kufsanayo baad leedahay mayee aynu sugnoo warshado samayno. Allah wuxuu yidhi "wa a3idu lahum mastada3tum minquwah"! Marka qofku marba intuu karo uun buu isku difaaco, waa Jihad dafc waxa la dhaho. Waa nin gurgiisa loogu soo galay iyo hawlihiisa. eeg wadamadaas aad soo dhoobtay waxaa ka horeeya your own country Somalia. waxaan hubaa million jeer inay na dhaamaan nolosha ay ku nool yihiin dadka deggan wadamadaas, atlist kama jirto famine and starvation waxa ka jira wadankeenii Somalia. fiiri walaal, waxaynu ka hadlaynay muslims in general waxaas baan tusaale u soo qaatay wadamadaas. Mida labaad, anigu waxaan aaminsahay walaalahay muslimiinta ahi meel kastay joogaan inaan qalbiga ka jeclahay, markay dhibaatoobaana la dhibanahay. Soomaali iyo kuwo kaleba. Marka maaha inaan soomaalidu yaraysanayo, ileen anaaba ka imid e. eeg xitaa sidaan hore kuu iri CIRAAQ waa nabad alxamdulilaah 90% Waa sidaan horay u idhi akhi, adigu ma rabtid waaqica muslimiinta inay wax iska badasho, kaliya uun in "wahaabiyo" cagta la mariyaa kuu diran. Bal Ciraaqda aad ku sheegaysid 90 % safe, maaha miyaa ta la haystee, intaas oo boqolaal kun oo masaakiin ah la dilay, oo marakaykanku iyo xulafadiisu xasuuqeen? Mise kuligood Islaamiyiin baa dishay? NInyhaow wararka aad cnn iyo warbaahinta gaalada ka maqashid ha rumaysan. Walaalada gaalaa laysay, oo si kasta u geshay, dumarkii kufsatay, raggiina xabsiyada ka buuxisay. laakiin adigu ninkii "wahaabi" lagu sheegaba, meeshii doono ha lagala dhaco. Ogow laakiin, Gaalo adiga iyo "wahaabiga bowdyo gaabka ah" idinma kala saari doonto. Waxaaba laga yaaba inay adigu ku hor mariso. Yahuuda waxay heeysataa enough nuclear arsenal oo ay awoodo iska dhaaf falastiin inay wadamada carabta oo dhan dhulka ay la sinto oo ay dambas ka dhigto. yahuuda isreal falastiiniyiinta dhulkooda ayey doonayaan. xaqiiqdiina halgamayaashii PLO waa ay soo halgameen dagaal fiican oo guulo laga soo hoyey laakiin nimanka suicide bombers waxa kaliya ay so hoyeen waa inay yahuuda more palastinian land inay soo qaadato. Akhi waa sidaan sheegay mar hore. Waxaad la dhacsantahay gaalada hubkooda iyo awoodooda, intaas baa muslimiin badan indha tirtay. Sidaa daraadeed bay paralised u noqdeen, oo ay farna qaadi waayeen. Wadamadeenii oo dhana Dictators iyo gaalo kuwo u shaqeeya uun baa haystay ilaa mar dhawayd. Hadeerna wali iska sidii. Marka yuhuuda ha haysato nuclear weapoen ama yaysan haysan, muslimiintu marnaba ma ogala in Masjid al aqsa la sii haysto The little resistens ay muslimiinta falastiin wadeena waxaad rabtaa inaad joojisid oo damisid. Hadhow ma adaa u gurman? Allah bay dadkani caabudaan, inay dhintaana baa ka fiican intay guumaysi yuhuud ku noolaan lahaayeen. Waayo haday ayagoo wadankooda xoraynaya dhintaan waa shuhadaa, qiimaheedna la wada ogyahay. Is dhiibid an option maaha akhi, ee wax kale keen, another way. Mida kale waxaad la dhacsan tahoo kale, guryo iyo masaajid waawayn. Akhi in wadanka la dhiso waxaa ka horaysa marka hore inaad xor tahay, to think as u want, to do as u want, and to gover as u want. Somalia malaha intaas. Adigu akhi ma waxaad iska rabtaa dawlad, waxay doonto iyo siday doonto ha ahaatee? Sidaasi waa munhazimnimo, iyo niyad jab xun oo kugu dhacay. Bal hamigaada kor u yara qaad. last waxaa tiri SOMALIA waxaa laga maamulaa ethiopia?? Ma beentay baa akhi? Sax maaha miyaa? Mideeda kale, waxyaabo badan baad isku dhex qastay, Is qarxin, caruur la laayo, argagixiso - waxaas oo dhan anigu waan ka soo horjeedaa. Laakiin maaha waxaynu halkan doodayno, bal yaynaan dooda wareerin. ugu damayn: kalmada ALFITNA waa carabiga aad u sahlan micnaheeduna waa alfitna=FIDNADA , afka carabiga kalmada mushrik ama kufr=gaalnimo kuma qorna aayada. quraanka fasiraadiisa waxyi cirka ka soo dagay maaha. ibn khatir ama yusuf ali ama qof waliba quraanka fasirta fasiraadeeda maaaha waxyi cirka allah uga soo dajiyey waa rayigiisa siduu la ahaa, rayigiisa shaqsiyanka ah. Akhi aad baad halkan u qaldantahay. Culimadii salafku kuli way isku raacsanyihiin in kalmadaas laga wado "shirk wal kufr"! Bal kutubta tafsiirka fiiri. Adigu u'r own opinion baad meesha soo dhigtay sxb. waxaas wax soconaya maaha. Culimadda aad leedahay waxay ka hadleen rayigooda, maaha sidaad mooday. Waxaa weeye qaarkood ardaydii saxaabada. aayaduna waxay ku soo dagtay saxaabadoo dagaal gashay wakhti aan dagaal lagu ogaan jirin. Bal adigu xagaad ka keentay sidaas u fasiratay? Mida kale, qofkee ku yidhi "Al fitna" inay tahay dawlad la'aan? daliil bal keen, hadalkan yaa kaaga horeeyey. Tafsiirka quraanku maaha qofku wuxuu iska fasirto, waa sidaas daraadeed waxa kutub waawayn mufasiriintu u qortay. Ilaa wakhtigii saxaabada ilaa hadeer waa inuu noqdo cilmi sidaas isugu taxan.
  20. Xagaan ka bilaabaa 1: waxaad tidhi sidan: Marka ugu horeeysa wahaabiyada maan caynin, waxaan iri kaliya firqadaas alnajadiga waxay caan ku yihiin fudeeydka iyo inay wax waliba simplification ku sameeyaan iyo ka eegida meel soke,iyo degdegida dagaal hurinta FIDNADA iyo takfiirinta waa xaqiiq man-haj ka yimid lagu naaneeyso wahaabiyada Hadalkan waxba kama jiraan, waa dacaayad raqiias ah akhi. Manhajka takfiirinta dadkan aad wahaabiyo ku sheegaysid maynan keenin, waa hadaad taariikhda wax ka ogtahay. Marka laabaad, horayna waan kuugu soo sheegay "takfiirintu" diintay ka mid tahay. Hadaad leedahay diinta marnaba lagama bixi karo, waa ra'yigaada. Laakiin ogow rayigaada diinta ha ka dhigin. Cadho aad jamaaco u qabtidna yaynan ku indha tirin. Cilmi dhan oo la dhaho "Shurudu wa mawanicu takfeer" baa jira. Culimaduna kutub badan bay ka qortay, mana aha wahaabiyo waxay doraad la timid. 2: Marka labaad waxaad qortay: taa waxaan ula jeedaa eeg foolxumada ka jirta maanta Somalia, in dadkii somaliyeed muslimiinta ahaa 100% suniyiinta ahaa ay maanta qoorta isaga jarayaan kalmado abuse lagu sameeyey ee ah gaal(murtad) bla bla(mushrik) iyo waxyaalo kaloo aad u foolxun, Waxan waxaa la dhahaa "hadal la iska tuuray"! sxb. soomaalidu 20 sano ka badan bay is laynaysay, marka kalmadda "murtad" 4 sano ka hor saaxadda soomaalida maysan soo galin. Hadeer haday soo gashayna, maaha sidaada in la dhaho "Ala sidee Murtad loo dhihi karaa qof"! Su'aashu waxaa weeye, maxaa "murtad" qofkan loo yidhi. Markaas ka bacdi baa la eegi karaa qofkan waxa lagu haysto inay sax tahay iyo in kale. Laakiin maaha waxa in "feelings" lagu dhiso. Waa mas'alo diin ah. 3: Marka sadexaad waxaad tidhi: Aniga shaqsiyan arrintan takfiirinta waxaan aamisanahay qof xaq u leh baniaadam ah haba yaraatee ma jirto inay gaaleeyso qof muslim ah oo afkiisa ka qiranayo inuu islaam yahay, waayo haddii bulshada islaamka ay ogolaato taa waxaa dhaceyso ALFIDNA, fidna aad u foolxun ee la mid ah midda Somalia ka socota ee aan telefishinada ka daawano hooyo somaliyeed caruurteedii 3 jidka uga soo geeriyoodeen labana nafta ka sii baxeyso ee xerada dhadhaab kenya 20 maalmood u soo lugeynayey. Waa sidaan horay u soo sheegay, akhi mas'alada ah "Allah kaliyaa wax gaalaysiiya, markaa qofka afka ka sheega muslim inuu yahay waxkastuu ku dhaco wali waa muslim" dib ugu noqo. Ehlul cilmigu sidaas kulama qabaan. Waa ra'yi xagaada kaliya ka yimid. Shareecadeenu waxay leedahay xuduud, qofkii ka baxana diintuu ka baxayaa. Tusaale Allah baa quraanka ku sheegay "qofkii gaal walaal ka dhigta, oo muslimiinta ka xigsada inuu gaal yahay"! Marka anaguna siduu Allah yidhi uun baynu ku dhaqmi. Again kor baan ku qoray in uu jiro cilmi la dhaho "Shurud wa mawanicu takfeer"! Fadlan dib ugu noqo arintaas akhi. Hadaad dhahdid qofkastaa wuxuu doono ha sameeyo, aduunka fasahaad baa ka dhacaya. 4: Marka afraad waxaad tidhi: AL MISKIIN waxaan kaloo aad uga xumahay inaad aayadii allah ee aheeyd وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ aad si qalad ah u macneeysatay sxb. aayadan micnaheedu waa FIDNADU=(abuuritaanka cunfiga/dagaalka/ dawlad la,aanta أَشَدُّ مِنَ القَتلِ waa ay ka xuntahay Dilka. allah subxaana watacaala kalaabkiisa quraanka kariimka waa luqatul carabiga وَالفِتنَةُ qofka basic arabic yaqaana xitaa micnaheedu waa fahmayaa waa WALFIDNATU=FIDNADA. Halkan baad qaladka ugu wayn ku gashay akhil xabiib. Aayada sidaan u fasiray horta marka hore hawadayda maynan ka iman, wallahu yuxibu Al-saadiqiin. Marka koobaad: Waxaad tidhi waxaa laga wadaa "abuuritaanka cunfiga/dagaalka/ dawlad la,aanta" Waana qalad akhi. Mufasiriinta kutubtooda bal fiiri, iyo waxay aayadan ku fasireen. Tusaale ahaan hadaynu eegno mufasirka wayn ee caanka ah Ibn kathir jumlada أَشَدُّ مِنَ القَتلِ wuxuu ku fasiray waa "Al fitna" inay tahay "shirk(gaalnimo). Marka yacni: Gaalnimadaa ka daran "dagaalka/dilka"! Bal adigu u'r self fiiri suratul baqarah aayada 191 wuxuu mufasirku ka yidhi. Mida kale aayadu waxayba ku soo dagtay dagaal ay saxaabo galeen wakhti aan la dagaalami jirin. Markaa quraysh baa tidhi "ala bal fiiriya saxaabadi Muxamed, xataa bilihii aan la dagaalami jirn bay dhiig daadiyeen" markaas bay aayadu soo dagtay. Markaa akhil xabiib Allah ka cabso tafsiirka quraanku ciyaar ciyaar maaha, wuu ka muhiimsan yahay doodeena oo dhan. 5: Waxaad kaloo tidhi: umadaha muslimiinta qarnigan nool habayaraatee uma baahna in dagaal cunfi, fidna lagu kiciyo. umadaha islaamka waxay u baahan yihiin inay wadamadan reer galbeedka (mareykan europe) inaan kula tartarno waxa loo yaqaan modern technology,medicine, science, industry. Akhi with all due respect, Fitnada ugu wayn ee wadamada muslimiinta ka socota, maaha dagaalka ay wadaan "islaamiyiintu" akhi, run in la isu sheego weeye. Islaamiyiinta ka hor, xataa wadamada muslimiinta maraykanka iyo xulafadiisa baa xukuntay. Hadeerna wali waa sidii. Xor la'aantaas na haysata baa fitnada ugu wayn ah. Ma Islaamiyiinta dartii buu sucuudigu daba Dhi-lif u yahay? Ma islaamiyiinta shalay timid bay dawladda soomaaliya sidaas ahayd for the last 20 years? Aad baan uga yaabaa fakarka noocaad ah runtii. In uusan qofku arkin dhibaatooyinka aan faraha lagu tirin karin ee ka taagan wadamdeena muslimiinta ah, laakiin uu arko wax yaroo dhowr sano ka hor bilowday. Islaamiyiinta dhibka ay nagu hayaan, waxaa boqol jeer ka daran ka ay Maraykan, Itoobiya, Israa'iil ku hayso wadamdeena muslimiintee kala duwan. Marka bal ninyahow indhaha kala fur. Islaamiyiin baa meel qarxiyey kaliya ha ku daba dhiman. Qalado badani inay jiraan amba waan qirsanahay, laakiin waxba waxbay ka daran yihiin. Inaad the situation of the muslims maanta siday yihiin ku faraxsantahay, waa arin qariib igu ah. 7: Waxaad kaloo tidhi: sxb waxaad leedahay dagaal XABADA rasaasta, xitaa warshad sameeysa ama qoriga sida loo sameeyo ma taqaanid ee waxaad ka tahay eber. marka bal xabada aad rideyso iyo qoriga yar ee kalashnikovka gaalkii sameeyey hadduu warshadiisa kaa xirto bal maxaad ku dagaalameysaa?? Sxb, hadalkaas waa dacaayad. Anigu waxaas ma odhan aad qortay. Mida kale, Kalashnikov ma taqaanid sida loo sameeyo maaha a reason for not to defend our muslim countries. MA waxaad leedahay masaakiinta falastiin, ciraaq, afqaanistaan, kashmiir, chechniya jooga "is dhiiba hub fiican ma haysatiin e" Walaal, hub yari ama hub badni, muslimiiintu waligeed isma dhiibayso, hadii ra'yigaada lagu noolaan lahaana, yuhuuda mar horay falastiin baa'bi'in lahayd. Marka Alxamdulillah, Allahu mawlana walaa mawla lahum. 8. Waxaad kaloo tidhi: waa xaqiiq waxyaalo qaladaad eexasho ayey ku kacaan wadamadan mareykanka iyo xulafadooda laakiin eeg adiga iyo aniga qaxooti waxaan ku nahay wadamadan reer galbeedka,nabad ayaan ku heeysanaa. haddii aad dooneysid inuu cadawgaaga respect ama tixgelin ku siiyo sida kaliya aad uga guuleysan karto waa inaad uga hor martaa ama kula tartantaa modern technology Akhi xoogaa adoo iga raali ah arintaasi "waa dream" aan base ku lahayn aduunka hadeer aynu ku noolnahay. The first step to compete with anyone is marka hore inaad is xoraysid. Adoo isticmaar(guumaysi) ku jira, baad leedahay modern technology baan ku tartami. Bal marka hore cadawgaada iska saar, wadankaadana xor u noqo, markaas ka bacdi baa la bilaabi karaa hawlaha kale. Bal Soomaaliya oo Itoobiya laga xukumo baad leedahay aynu tartan samayno? Marka hore bal dawlad xor ah aynu yeelano, oo dadkeeda u shaqaynaysa. Ugu dambayn, anigu wadamada muslimiinta ma gaalaysiin, hadaan gaalaysiiyey maanaa ugu yeedhi lahaa "wadamo muslimiin ah", marka bal intaas meeshaas aynu ku dayno. Marka bal aan ku soo khatimo su'aalo walaal: Wadamada muslimiinta maanta miyaad aaminsantahay inay xor yihiin from the western world? Oo ay maraykanku ugu horeeyaan? Mida labaad: Maxaad u aragtaa oo xal la taabto ah si lagu xaliyo dhibaatooyinka ina haysta? Wada hadal iyo "na daaya" waynu aragnay inaynan shaqaynaynin e. Bal fiiri Falastiin hadeer, maxaa xal u ah hallkaas? Soomaaliyana maxaa xal u ah? Akhi mana rabo jawaab ah "nabadda ha lagu dadaalo", waayo taas dadkoo dhan baa u socda. Bal plan ma haysaa? aan ahayn iska hadal, iyo shirar bilaa micne ah. Ma waxaad aaminsantahay wadamada muslimiintu maanta siday xukaamtoodu yihiin baad ku qanacsantahay? Oo waxba naga maqna baad leedahay, Alaylahe "islaamiyiinta oo na dhibay mooyee", ma sidaas baan hadalkaaga u fahmayaa?
  21. Hahahaha, war wuxu been badaana, ku yeh Sheekh Ali warsame is from Shabaab. He is from Jama3atu I3tisam. Get your facts straight ninyahow. Meel an la ogayn baad ka soo ruclaysay, waadba neef tuuraysaa e. Jama3atu Ictisaam aad bay uga fogyihiin Shabaab iyo hawlahooda, and Sh. Ali Warsame is from gudida Jameecada. Marka bal wax kale la shir imoow, been qayaxan - qaawan - oo aan meel loogu soo gabado lahayn baad meesha soo dhigtay e.
  22. Nabad dadaye iyo Boondheere Ikhwaani, cafwan waan yara mashquulay e. laakiin mid aan dhaho, hadii xal aan dagaal ahayn uu jiroo real ah, qof diidayaa ma jiro. Madaxda muslimiinta meel kastay joogaan in dagaal lagu qaado amba maa aaminsani runtii, waayo dhibaato badan baa ka dhalan. Laakiin ayadoo sidaas ah, waan ka soo horjeedaa inay arimuhu siday hada yihiin sii ahaadoon ee xukaamta muslimiintu ay noqdaan dad loo taliyo sidii caruur yaryar. Madaxwayne ama xaakimna uma ictiraafsani qof reer galbeedku xukumaan - qof calooshii u shaqayste ah - dadkiisana waxba u tarin. Markaa bal labadaas is waafajiya. Walaalka boondheere, sxb, runtii nin xiiq san oo kalaad u hadashay, wahaabiyo inaad caydid iyo sheeko dheer oon loo joogin baad gashay. Marka labaad waxaad tidhi, qof maanta qof gaalaysiin karaa ma jiro marnaba, waa xaq UU allah kaliya leeyahay. Taasna Shareeco ahaan waad ku khaldantahay, waayo Takfiirintu waa shay ka mid ah diinta, oo culimada loo daayey. Markaa inaad ka dhigtid qofkastaa inuu wuxuu doono iska dhex dabaalan karo, waa rin khalad ah. Muslimiintu nadaam bay leedahay, qofka wadankooda xukumayana waa qof la yaqaan, oo tusaalooyin leh. Haduu ka leexdana la iskama daawanayee, waa loo naseexayn oo waa la sixi. Marka labaad ogaada nabigu(salallahu aalayhi wasalam) inuu ku yidhi xadiith ku jira Sahih Bukhari, in Xukaamta la maqli oo la adeeci, xataa haday faasiqiin yihiin, laakiin in laga hor imaan ilaa ay la yimaadaan "kufran bawah"(kufri cad/open and blatant kufr). Yacni gaalnimo cad. Markaa bal Allah baan idinku dhaarshee miyeynan xukaamta in badani la iman "gaalnimo cad"? Gaalnimada cadna kutubta culimaday ku qorantahay, kitaabka quraankan way ka buuxdaa. Oo waa la yaqaan, waxaana ka mid ah tusaale ahaan, Wilayatul kufaar calal muslimin, Shareecadoo la badalo/ama laga tago - markaasna Qawanin Wad'iyah loo xukun tago. Arintana wadamo badan oo muslimiin ah bay ka jirtaa maanta. Markaa Boondheere, bal adoon jabinin qawaacida Islaamka sidee adoo shareeco adoon ah, oo hadana aanan rabin fitno inay dhacdo u habayn lahayd labadaas? Xukaamta maanta ileen siday yihiin kuma noolaan karnee. Waa an extreme view in la dhaho, "waligay xabad ma ridayo, waxkastoo dhacana xukaamta maantaan iska daba faylan". Sidoo kalena waa extreme view qofku inuu dhaho "xabad kaliyaan wax ku keeni" taasna waaa khalad. Xataa gaaladaa fahantay inaan hadal kaliya dawlad lagu keenin. Waa in la isku dheeli tiraa labadaas, oo la fahmaa in marmar ay khasab tahay in cadawgaada la iska celiyo. Waa sidii uu yidhi Imaama hore mid ka mid ahaa "The religion will only be established by a guiding book and a helping sword" Kitaabka iyo seefti ma kala hadhaan, waayo hadal kaliya cadawgaadu kuuma daynayo. Ogaadana Allah wuxuu quraanka ku yidhi, وَالفِتنَةُ أَشَدُّ مِنَ القَتلِ (Gaalnimaa ka daran Dilka) Dagaal/dhimasho waxaa ka daran fitno(oo laga wado shirk)! Markaa inay dadka muslimiinta ah wadamadooda la qabsadoo si aayar ah oo gaalo laga dhigaa ka daran inay dhintaan. Ugu dambayn, anigu markaan mawduucan ka hadlayo, kama hadlayo in xukaamta muslimiinta dagaal lagu qaado, ee waxaan ka wadaa in dagaal lagu saaro dadka wadamada muslimiinta faraha kula jiroo, madaxwaynayaasheena xukuma. Sida maanta Ciraaq, Afqanistan, Soomaaliya, Falastiin etc. Wadamadaas kuligeed dadka madaxda sheegtaa maaha dad madax banaan. Maraykan iyo xulafadooda baa xukunta. Boondheere waxaad tidhi, sidaas aynu ahaano, wax khaldan ma jiraan.
  23. About the qabiil, it isn't a big deal- If someone asks wich qabiil u are, dee waa la iska sheegaa. as young people sometimes we tend to run from one extreme view(you know dividing qabiil on everything, like the generation before us), to another extreme view - that almost denies qabiil & thinks qabiil itself is a bad thing. And when someone randomly asks us wich qabiil we are, waynu naxnaaba like "Ala what a big qabiliste, muxuu waxaas ii waydiin ismaba naqaanee". Qofkii qabiil iska kaa wayddiiya si caadi ah uun baa looga jawaabaa, waayo waxaaba laga yaabaa inuu yahay ehelkaada or something close. Laakiin arintu waxay xumaan markii dadka qabiil lagu soo dhawaysto, qabiilna lagu fogeeyo. <-------Taas weeye ta la diidan yahay.
  24. Boondheere, walaal waxyaabo badan oo aanan odhan baad ka jawaabtay, markaa Insha Allah markaan wakhti u helo baan ka jawaabi, laakiin bal fadlan afka waxaanan odhan ha ii galin. Ra'yi is dhaafsi uun baynu ku jirnaa. Nabad_dadaye, akhi jzk khair for u'r balanced answer, Insha Allah kaadana waan ku soo noqon, I am short on time xiligaan hada ku jiro.
  25. Masha Allah boondheere meel fiican baad ka taabatay, laakiin waxyaalo aan kaaga soo horjeedo baa jira, bari baan ka jawaabi Insha Allah, hada suxuurtii baa soo dhow.