Al-Miskiin

Nomads
  • Content Count

    295
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Al-Miskiin

  1. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=l9DPb5HbGyU#at=52" frameborder="0" allowfullscreen>
  2. Wow yh u sure did planned it well. U Said against foreign ideology What is NOT foreign ideology? So we know what to look for.
  3. Nabad_dadaye, akhi Masha Allah, sida ixtiraamka leh aad u soo jawaabtid runtii waa si ku dayasho mudan. Allahna khayr ha kaa siiyo. Hadaan u soo noqdo jawaabtaada wax yar baan ka odhan lahaa: Amisom waa gaalo kuuma diidani , dan nooma wadana waa macquul laakin waxaa dhab ah iney kaa celineyso inaad disho walaalkaa dowlada ku jira , Sax walaal, Amisom inay gaalo tahay Alxamdulillah iskuma haysano. Laakiin walaal anigu ma aaminsani, inay AMISOM u joogto wadanka si ay u difaacdo Baarlamaanka, iyo Shariif. Walaal taariikhda hadaynu wax yar dib ugu noqono, shalay markii maxaakiimtu jirtay Shariif amiirka ummadda buu ahaa, wadankoo dhana(ama ugu yaraan Muqdisho) wixii nabad ka jiray waa la ogaa. Shariif dadkuu shalay la safanaa, oo uu Jihaadka la waday, haduu maanta booskii Cabdullahi yuusuf fadhiistay miyeynan ahayn isku meel. Tusaale: Shalay markii Maxaakiimta la taageerayey, oo Cabdullahi yuusuf la habaarayey, maxaa loo odhan waayey "Cabdullahi yuusuf wuxuu xabashida u keenay si uu isu difaaco, Maxaakiimtaa dilaysa" iwm? Lama odhan, waayo markaa dadka waxaa u cadayd in aynan Itoobiyaanku dano soomaali ama dano baarlamaan meesha u joogin. Dano gaar ah bay u joogeen. Laakiin maanta isla gaalkii shalay joogay markii gaal kale lagu badalay, wadanka qaarkiisna ay Itoobiyaan soo galaan, oo yara duqeeyaan, doodu waxay maraysaa "mayee waxay u joogaan kaliya Shabaab baa dadka laynaya hadii kale"! Mida labaad, marka ugu horaysuu Shariif maxaakiimta daba maray, soo khiyaano uu ka galay ummadda muslimiinta ah maynan ahayn? Hadii aynu dhahno Maxaakiimtu dawlad bay ahaayeen, maxaa asaga kaliya ka saxay, oo dadkii safka kula jiray ee uu qaar soo tababaray maanta ka dhigay "khawaarij"? Shabaab qalado badan inay galaan, run ahaantii waa arin suurta gal ah, waan arin u baahan maantoo dhan in laga waaniyo, lagana hadlo. Sh. Shible oo ka mid ah culimadda soomaalida baa la waydiiyey maalin uu darsi akhrinayey yaa daran "Dawladda mise Shabaab", markaasuu ku jawaabay "Horta waa la kala daran yahay, anigu shakhsiyan waxaan aaminsanahay Xukuumaddu inay kafarah tahay, qof qof uma gaalaysiin, laakiin xukuumada si caam ah"! Wuxuuna ku dhisay gaalo soo kaxaysi iwm. Sidoo kale Sh. Umal, Sh. Abyad fakarkiisu waa sidaas, anaana shakhsiyan arintan u waydiiyey. Ayadoo arintu sidaas tahay, markay culimaddu ka hadlaan "Qaladadka Shabaab" dadka qaar baa u maleeyaa in ay ka wadaan "dawladdu/TFGwaa dawlad fiican"! Akhi arintaan culimadda soomaalidee waawayn qof aaminsan kuma jiro. Kuli in ay dawladuu big time qaldantahay bay aaminsanyihiin. Tusaale: Sh. Abyad baad darsi maalin ku sheegay, waxay culimaddu markasta "shabaabka uga hadlaan", asaguna sheekhu wuu ka hadlaa. Wuxuu ku jawaabay "waxaa looga hadlaa, ayaga wali rajaanu ka qabnaa, laakiin wax rajaba laga qabin oo gaalo dabada ku wata, wakhti laguma isticmaalo"! Kuwaan dambe dawladuu uga jeeday. Markaa akhil karim, anigu shakhsiyan kolay intaan culimadda soomaalida waraystay Shabaabka fakarka ay ka qabaan, iyo fakarka ay dadku u maleeyaan isku mid maaha. Shabaabku inay qaldamaan taas iskuma diidanin, laakiin in TFG laga dhigo awliyo is difaacaya taas waa fahan qalad ah xagayga akhil karim. taariikhduna way na tusi doontaa, Shariif iyo Baarlamaankiisu meeshay ku dambeeyaan, iyo umadda soomaaliyeed meeshay u hagaan. Hadeer intii la arkay wax horu mar ah ma wadaan, maalinba wadan shisheeye ah in lagu shiro uun baa ka soo hadhay, Mahiga iyo Melez sidii xajka oo kale lagu dawaafo. Waxaas run ahaantii Cizi iyo Sharaf maaha. Farmaajo oo aan anigu shakhsiyan taageeriin, walaahay waxaa ka muuqatid inuu yahay qof wadani ah at least, oo dadkiisa u danaynaya, and what happens? Waaba la saaray. Waana saas, qof akhyaar ah, ama wadani ah meel laga rabo maaha. Calooshood u shaqaystayaal uun baa clubka loo ogalyahay. AMISOM inay wadankeena joogaan, oo sidii caruur oo kale noo dhahaan "nadaamka wadanka baanu habayn" baab qalad kiisa ugu wayn ah. Anigu intaan shacabka soomaalida arkay, AMISOM iyo gaalo kale shay kama rabaan. Inyarna kama rabaan, wadankooda inay ka baxaan bay rabaan, Shabaabkuna sidoo kale. Haday AMISOM baxdo, gaaladuna wadanka ka faaruqdoo, talada soomaalida ku soo noqoto dadka wadanka iska lahee muslimiinta ah. Walaahay waan hubaa Shabaab maynan ka soo horjeesan lahayn. Maalin kasta idaacadaha labo shay bay ku soo celceliyaan "AMISOM inay baxdo, iyo in dadka gaalada keenay ay yihiin Gaalo!! Mas'alada labaad ee ah, gaalnimada taasi waa sidaas garan kartid mas'alo diin ah, oo u baahan niqaash. Mida ugu dambaysa, arinta ku saabsan "dhiig banaysi"! HAdii cadaalad aynu u hadalno, Shabaabku maxay baarlamaanka kaga soo horjeedaan? Ma inay baarlamaakna ku jiraan baa? Ma inay Qabiil gaar ah yihiin baa? Ma inay Lacag ka rabaan baa? Hadii aynu si cadaalad ah u hadalno oo Shabaab ku xukuno waxay afkooda ka dhahaan, sababtu waa "In ay dawladdu gaalo wadanka keentay"! Intaynan gaalada wadanka keenina qof ay dhiigiisa banaysteen muusan jirin. May Shariif dhiigiisa banaystaan markuu Maxaakiimta la ahaa, haday shariif shakhsiyan iska rabaan? Markaa haidi la rabo in Shabaab laga raayo, cudurdaarka meesha yaala ha laga qaado, that is "Gaalada wadanka ha laga saaro", hogaanka wadankana ha loo dhiibo dad u qalma cilmiyan, siday diintu na fartayna qof aynu doorano, Shareecadana wadanka ha lagu maamulo. INtaas hadii la qabto, waana in diintu na farayso, danta soomaaliduna ku jirta, markaa qofkii intaas ka hor imaada, si wada jir ah baa "yur" lagu odhan lahaa. Laakiin intay wuxu siday hada yihiin isku qasan yihiin oo dawladuna leedahay "Shabaab baanu u taag la'nahay" Shabaabkuna leeyihiin "Gaalada wadanka ha laga saaro,", ma sugayo xal joogta ah. Arinta Al qaida, iyo wixii la mid ah, anigu qof muslim ah baan ahay, Al qaida waxaan ku arkaa uun CNN iyo BBC kuwaasna war kama qaato, been abuurkooda waawayn baan ogahay. Haday qaateen Calan uu nabigu qaadan jira, anigu niyadooda waxa ku jira ma ogi, laakiin waxaan ogahay uun inuu yahay Calankii nabiga(salallahu alayhi wasalam) Qaacidaduna waxay ahayd: "Nahnu nahkum bithowaahir, walLaahu yahkum bis-saraa'ir" Marka thaahirka uun baan xukumi, intuu war cad aan ka helayana "stand by" baan ku jiri Insha Allah. Cafwan waan kugu dheereeyey qoraalka e.
  4. Walaalka genius pauper.su'aalo aad u qiima badan baad keentay meesha runtii, laakiin sidii doodaha noocan oo kale ah lagu bartay jawaabo ama kuwo faa'iido leh lagama helo. people have only only alligations, wax taabasho leh lama hayo. Koox necayb uun weeye, wheathe its shabaab, the TFG ama kuwo sadexaad. Miskiin macruuf waxaad soo qortay runtii maahaa waxyaabo soomaaliya nabad u keenaya, or at least maaha qodobo muhiim ah. For example, waxaad soo qortay "Waa inay iska dhaafaan shisheeyaha meelaha kale laga soo buriye"! If this is the problem, than surely the TFG and the whole Dawlad, are the biggest problem. Ayagaa ka ajaanib badan. The only difference is Shabaab(if they do) hosts muslim, and dawladda gaalo. Shabaab waxaax ku haysaa some silly things runtii, like "Calanka ha dhaafeen", war calan maxaa naga galay, dadkii iyo wadankiiba way sii dhamaanayaan e. Qofka muslimka ah haduu run ka hadlo calan iyo maro meel laga taagay muhiimad malaha. Nabigu(salallahu alayhi wasalam) calan madow, cad, iyo cagaar ah buu qaadan jiray ay shahaadadu ku qornayd. Hadaynu asaga ku dayano ma dhibaataa jirta? Lakiin dhib ba maleh, calankeena soomaaliyeed dhib kama jiro INsha Allah, but the thing is, is that a really big issue??? Anigu waxaan u arkaa arin aad u yar, hadii la garab dhigo waxyaalaha kalee wadanka ka qariban. Waa inay ka cararin dhaqankeena iyo hiddaheena wanaagsan, iyagoo ka doorbiday inay walbana ku badalaan dhaqamo shisheeye that had nothing to do with diinteena suuban. Bal tusaale naga sii, Jzk khair. Caydarus, seriosly, bal dooda si quman u soo gal. INtaas sawir meesha dhigtid, and than wrote, al-shabaab fiiri gafuur duuba yaasha sxb they don't value human rights they don't have any regard to our people they don't diffirentiate ciyaalka, odayaasha, haweenka, culumada and the rest of the people. waxaasi madiinbaa? I'm I suppose to see all that from the picture? @Nabad daydaye Walaal nabad dadaye, in AMISON ay dhahdo "3month haday nabad dhacdo waanu bixi" marka horeba sidee ugu ogalaanay anagoo musliin ah? Ma sidii caruurta xanaanada la geeyo bay na xukumaan? Qof kastoo soomaali ah, oo shacab ah inuu gaal wadankiisa 1daqiiqo sii joogo, ma ogala. Mida labaad, inay 3bilood ku baxayaan yaa inoo sheegay? MIyeynu rumaysan hadalkooda? Akhi Gaaladaan inay soomaali ka baxaan the next few years ha ku tala galin, waa been, xumaan uun bay nala rabaan. And again, 3month baanu ku bixi, anigu shakhsiyan waanba ka xanaaqi lahaa hadalkaas, haduu peace dhaco, iyo haduusan dhicin soomaali baa u gaar ah taladooda. Mida sadexaad, maxaad leedahay ninka Ameerica ka yimid, dartiis bay soomaaliya u fadhiisan la'dahay? And becouse shabaab are hosting him, the whole nation is in great danger? Akhi taasii xoogaa waa ka badbadis, Al-Amriiki quwad intaas le'eg maba laha, waa askari uun, ama general haduu ugu bato.' Last but not least, genius pauper, sxb hadaad dood dadka qaar la gashid, wax badan doodu ma soconayso, isla markaba "Shabaab baad tahay" baa lagugu shaabadayn. Waana dood xumadda dadka qaar. Qofkastaaa xalka soomaaliya meeshuu ku jira uun buu ka doodaa. Like the opinion of some people counts more than the rest.
  5. Mad waa su'aal fiican, laakiin dadka these fake parties samaynaya waxaa ka daran kuwa masaakiinta ah ee intay meesha imaadaan iska boodbooda. Ala maxaa maamooyin iyo odayaal la siray. "Soomaaliyey tooso" baa meel kasta laga leeyahay, waxay u maleeyaan that singin the song, ay tahay the real thing. Wadanka "soomaaliyey toosoo", kuma filna in meelahaas yurub laga dhahoo, la yara boodboodo, buraanbur yarna qac laga siiyo. Xafladaas ka bacdina, lama maqlo meel ay ka baxeen. Showqi lol, waxaan hubaa hadii la samayn lahaa inay kuwo badani ka soo qaybgali lahaayeen, oo jago soo doonan lahaayeen.
  6. Walaal Miskiin - Macruuf Anigu kuma odhan, "dhaqan aynu naqaanay weeye is qarxintu", bal dib igu noqo waxaan soo akhriyey, okiyaalo qalad ah baa ku akhriday. Waxaanba leeyahay that "this is qarxin waa hawlo nagu cusub"! Markaa "somaali nabad baanu u rabnaa" dont starts with this "is qarxin", or ends with it. Intii Is qarxin ku dhimatay, iyo inta Qabiil iyo balo kaloo daran ku dhimatay adigu bal isu fiiri. Isma le'eka. Shabaab iyo is qarxin waxay soo baxeen sanadihii ugu dambeeyey. Markaa yaanan bal laga dhigin musiibo waxa na haystoo dhan "ala is qarxin weeye", bal indhaha ha la yara furo. Haday is qarxintu dhibaato na haysata ay tahay, waa rubci uun. waxaan u quudho Marxuumka iyo wax aanan u quudhun waa wax aniga iyo Allah naga dhaxaysa, hadaan halkan ku soo qoro ama aanan ku soo qorin, ducadu waa cibaado, in aan qarsadaana ii khayr badan.
  7. Haa Showqi brother, waanba yaabay markaan arkay. Qof dalbanaya maxaa soomaaliya bombs loola dhici la'yahay. Haduu qofkani Shabaabka ka wado, Shabaabku soo dadka shacabka uun kuma dhex jiraan, lol ma fagaare bay kaligood fadhiyaan. Waligay ma maqal Ciraaqi ama Afqhaanistaani ka soo horjeeda Al Qaacida iyo Taalibaan oo leh "Ameerica may Drones ku garaacdo wadankayaga", waana waliba ayagoon la tusi karin Al Qaacida iyo Taalibaan. Still Wadankooda jacayl iyo sharaf bay u hayaan, bombs in lagu garaacana waa habeenkii xalay ee tagay, haday maqlaana ayagaaba ku sigan inay budhka boobaan. Ps. lol af ingiriis iyo soomaali wuxuu qofkani fahmo way iska cadaan
  8. If you want peace in Somalia, "suicide bombings" are not the ones to blame. Imisa "suicide bombings" baa soomaaliya ka dhacay? 1-2-3-4-5-6-7-8? xataa 12 iska dheh. Why do people think that acts of terror is only when "shabaab" blows something up", or a guy in Iraq/Afqhanistan blows him self up? And not when Uganda, Burundi, Itoobiya, The US, UK, DK, Isar'il or other countries that invades muslims countries kills thousands of muslims every day? I'm not say'n that in shacabka la iska laayo, ama xaq darrada aanan laga hadlin, but people need to free them self from this western biased understanding of the word "terror"! If we should condemn terror, than surely waa la kala daran yahay, and as far as I know, Shabaab dhibaatada ugu wayn ee dunida haysata maaha. If someone sympathize with "Shabaab" or any other group that the US dont like, that person is pr. definition a "terror sympathizer"! But another person can without no problem support the real terrorist and for that matter "love the US, or Isra'il openly", even whear a shirt where it says "I love the US, I would die for the US/Isra'il"! And you wouldn't see that person prosecuted or send his #### to Guantanamo bay. I see that the text says: Come out and bring your strong voice of dissent and opposition against suicide bombings & acts of terror in Somalia. The massacre and suffering of our people has been going on for too long and must stop. Say enough is enough. Stop the killings.Stop the terror. Stop the suicide bombings. We want peace in Somalia. Surely the massacre of somalis, have been going on for centuries, and all this "terror" stuff is pretty new. So maybe we should focus on the real issues, and not something that started for like couple of years ago. I have nothing agains this "Condolences/Condemnation - Tacsi/Cambaareeyn" at all, people are free to do this. But dont make it like this is the MAIN issue in somalia, and that if we solved this ALL our problems would vanish. Just some of my thoughts, sorry for bumping the thread. And Allah ha u naxariisto dadka sida xaqdaradda ah lagu dilo, janadiisana ha ka waraabiyo, ehelay ka tageena sabir ha ka siiyo. Salam
  9. Acuudubillah, "Why doesn't America use Drones in Somalia" bal su'aashaas fiiriya, Allahumma najinaa. Waa fakar diin iyo soomaalinimo aynan ku jirin. But of course qof "London" la baxay wax badan kama filaynin. Bal wax iskula hadh. As long as fakar noocaas oo kale ah, that says "come and bomb us" nagu jiro, xal iyo nabad lama gaadhayo walee.
  10. There is hal qof I wonder siduu/siday yahay/tahay in real life No more comments... Laakiin kolay marka Online la yahay, qofkastaa wuxuu miiska soo saara the best personality, si fiicana wuu u soo dhaashtaa - That's the reality. Laakiin dadka qaar waa sidii lagu dhalay, whether it's online or not. As for me, I have no idea, it depends on sidaan u dhaqmay my short time on SOL.
  11. Lol, maanta waxaa laga wareegi la'yahay Amin arts sawiradiisa. And for many people, sawiradiisay warka ka qaataan, that's how far u've come from the ayah of the quran that tells us to verify the news. It's actually an insult to our intelligence, that someone is expecting us to believe ANY thing this man draw. Mida labaadna, aslong as someone is "anti" some group, waxaad u malaysaa kooxdaas waxkastoo laga sheego wuu rumaysan, asagoon inyarna dib u fiirin, ama indho cadaalad leh ku fiirin. Dad waawayn baanu nahay, sawiro nin shakhsi ah uu ku falaado daliil ka adag baanu rabnaa, whether it's a news from Al-shabaab, TFG, Somaliland, Puntland, Azania iyo waxyaalaha badan ee dadka loo qaybiyo. Jawaabna maaha, "Ala waad difaacaysaa", waxaas andacood baa la dhahaa.
  12. War dadka u ceeb qariya, magacyadii oo almost sadexan baaba la soo qoray e.
  13. ^^ meel aan ka bilaabo baan ka soo fakari, cuz I dont know what level u guys are on.
  14. Blessed, lol qalad baad iga fahantay e, kama faano cunto karinta, I'm here to learn, hadaananba idinka badin
  15. Marka ma waxaad leedihiin in aad waxaas oo cunta ah idinku cuntiin kaligiin? Agah, meel la idiin raaco ma jiro, hadaad cunto badan cuntiin, u get low self esteem, hadii ninku cuno waad xanaaqaysiin, bal meel la idiin raaco sheega, cuntada for sure lama daadinayo e lol..
  16. Som@li I'm with u on that one... Aaliyah, you know, cuntada meeshan lagu samaynayo, someone has to eat it soo maaha? That's where the male comes in.
  17. Akhi Nabad_dadaye wa iyyak walaal, waana runtaa akhi, gaalaysiinta maaha shay la iskala soo boodi karo, baadhis dheer, iyo xujo oogid baa ka horaysa. Walaalo badan baa jira oo aanba ogayn ficilada ay ku dhacaan qaar in lagu gaaloobi karo, markaa kuwaas oo kale in gaalnimadda la dul saaro sharicgu xataa ma qabo. Waayo Cilmiba uma qabaan waxay samaynayaan. Shuruud wa Mawaanicu takfeer in la soo barto maanta waa arin muhiim ah, si aan xukun qalad ah dadka loo saarin. Laba daraf baa maanta muslimiinta ku jira, daraf wax kastay fududaysteen, oo waxayba taagan yihiin qofku in uusanba sinaba ku gaaloobi karin, ilaaa uu afka ka dhaho "WAAN GAALOBAY", kuwo kalena, shay kastoo qofku ku dhaco gaalnimay ku xukumaan. Labadaas darafba way qaldanyihiin. Qolada dambe waa kuwa Jamaa3atu takfiir loo yaqaan, waana ragg marnaba aan caadi ahayn. Allah sharkooda ummadda ha ka qabto.
  18. Naxar, I love democrazy" shirt ay ku qorantahay, marka horeba maxaa qof muslim ah u xidhay. I think way ka darantahay wuxuu na waydiiyey Nabad_dadaye Walaalkay Nabad dadaye, xadiithkan baa Bukhari ku jira: Al-Bukhaari narrated in his Saheeh from ‘Aa’ishah (may Allaah be pleased with her) that the Prophet (peace and blessings of Allaah be upon him) would never leave anything in his house on which there were any crosses without erasing them or – according to another report –cutting them out. Marka kolay nabigu(salallahu alayhi wasalam) waxa uu samayn jiray waa kaas. Asagaana nala faray in aynu ku dayano, qofku in uu ku gaaloobayo iyo in kale, waa sheeko kaloo u baahan baadhis intan ka badan.
  19. Sh. Shaykh Muhammad Mukhtar Ash-Shinqitee
  20. Akhi Nuur, jzk khair jawaabtaada qiimeysan. Si fiican baan kuu fahmay. Laakiin waxyar baan ku sii dari lahaa Mid aad baaan kuugu raaci karaa, taasi waa dhimashada sheekha hadeer la soo sheegay sida loo sheegay kolay waxbaa si ka ah. Waayo sheekha Pakistan baanu ku dilnay, dhowr saacadood dhexdeedna, DNA test baanu ka qaadnay, isla markaana waanu la duulnay intaas oo boqol oo km, waliba ayagoo leh wadamo qaata jidhkiisa baanu waynay, all that in couple of hours, caruurta xataa looguma sheekayn karo. Hadeerna sawiradiisa ma sii dayn karno bay leeyihiin, taas oo sii xoojinaysa shakiga laga qabo the whole mission. Laakiin akhiyow in uu sheekhu dhintay sanado badan ka hor xoogaa way igu yara adagtahay in aan rumaysto. Waayo taas waxay keenaysaa, dad badani in ay been noo sheegeen wakhti aad u dheer. Ka sokow reer galbeedka oo aynu u baranay beentooda aan dhamaadka lahayn, ayaga marnaba inay run sheegaan kama filayo, laakiin what about walaalada halganka sheekha kula jiray hadalkooda xagee la gayn? Ama dadka ku dhawaa sheekha? May warkan mar hore noo soo gudbiyaan walaalada muslimiinta ee sheekha ku dhawaa?
  21. Horta intaanan sab iyo aroos la dhigin, jinn ma la guursan karaa baa su'aal is waydiin mudan ah.
  22. As-salamu Alaikum akhi nuur The Republicans invented Bin Laden Akhi waxyaabo badan baad ka qortay about this issue, laakiin kuli uma helin jaanis in aan akhriyo, laakiin waxaan jeclaystay in aan ku waydiiyo labo su'aal, si aan si fiican kuu fahmo. 1: Ma waxaad qabtaa in uusan Sheekh Osama gabigiisuba jirin? Yacni uu yahay "jaajuus" ay reer galbeedku sameeyeen si ay wadamada muslimiinta u dhacaan? sida dadka qaar qabaan in uuba CIA-da u shaqaynayey? 2: Mise waxaad leedahay, sheekhu wuu jiray, laakiin mar horuu dhintay, reer galbeedkuna arintan way qariyeen, si ay cudurdaar ugu noqoto oo wadamada muslimiinta u sii xalaalaystaan ayagoo ku gabanaya "the war on terro" or "the search for Osama"?
  23. Warku haduu sax yahay, than kolay waa intuu rabay ilaa markuu tagay Afghanistan 1979(The soviet - afghan war). لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَل ٌ إِذَا جَاءَ أَجَلُهُم فَلاَ يَستَأْخِرُونَ سَاعَة ً وَلاَ يَستَقْدِمُونَ